Maaddeey

Nomad
  • Content Count

    4,297
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Maaddeey

  1. Shacabka ku nool tuulooyinka magacyada laga badalay maanta ayaa soo dhaweeyay iyagoo ku tilmamaay inay tahay mid lagu faraxo MMA, haddii Nimanka Ragga ah ee Gobolkaas xukuma go'aansadeen in magac ka bedelaan dhowr tuulo, shacabkiina ku raaceen, maxaa ku gubaaya? Baqara-miil, Faari, Gabayle & Jeebeey magac maashee? Allow Sayidka u naxariiso!
  2. Udub waa baryootamayaan Kulmiyena waa dagaallamayaan Ucid baa ku leh
  3. Haatu, Nin bilaa Daliil iska hadlay, adigu bal si dheh, NINO-geyga miyaan soo qoraa?
  4. ^I mean, hadduu Xikmad inta ku faanay ku yiri: u r torn between his wisdom and bla bla' maxaad Aniga ii soo gelisay ood u tiri: 'labadiinaba xikmad malihidin'. ****************************** Tusaale: wuxuu moodaa doodda Ani & NGONGE na dhex marta inta badan in NGONGE keligii isu jawaabayo!, ma fahantay?
  5. ^War waa ku sidee Mzee Haatu?, Anigoo qof ku gardarrooda miyaad aragtay?, mise anoo weligey xikmad ku faanaya?.
  6. 2 ama 3 thread baad ku qortaye, maxaad mid kale ugu gooni yeeshay? Ma siduu kuugu soo degaad ka yaabtay?
  7. SubxaanAllaah, Nin ilmihiisa gawrac ku jiiday ma fiyooba!
  8. Bishan gudeheeda ayaa Tigraygu ka furteen Garoowe wax ay ugu magac dareen qunsuliyad , taasoo la yidhi waxay fududaynaysaa danaha shacabka deegaannadaas kaga xidhmi kara Addis Ababa. Aniga oo u arka in danahaas la sheegay iyo fududayntooduba aanay ahayn ujeedada dhabta ah ee ka danbaysa iclaaminta xafiiskan awalba furnaa, mid la mid ahina ka furan yahay caasimaddii labaad ee ummadda Soomaaliyeed lahayd waa Hargaysa ‘ e , kuwo kale oo bandanna ay soo socdaan sida mid uu yeelan doono maamulka Galmudug , maamullada yaryar ee jidka kusoo jiraana ay saamiyadooda heli doonaan , iyada oo aragtidayda ku aadan xafiiskan ay sidaas tahay hadana waxaan jeclaystay inaan akhristaha la wadaago waxa uu xanbaarsan yahay iclaaminta xafiiskani wakhtigan, waxaan is leeyahay inay ugu mug wayn tahay: 1. Maamulka puntland oo galay marxalad cusub oo uu ku kasbaday :In Itoobiya muujiso sida ay u danaynayso ‘’xidhiidhka’’ ay la leedahay maamulkaas. 2. Iclaamintani waa tallaabo ay ka horreeyeen tallaabooyin kuwo kalena ay daba socdaan oo isugu biyo shubanaya in ummadii soomaaliyeed ee muslimka ahayd geeska Afrikana awoodda iyo sumcadda ku lahayd la hoos geeyo taliska Addis Ababa iyaga oo jeesas iyo jifooyin kala dana ah, isuna cadaw ah , yoolkooda u waynina yahay inay u kala tartamaan raalli galinta xabashiga. 3. Cid kasta oo rajo ka haysay ama ku riyoonaysay in Tigraygu Soomaali dawlad u samayn doonaan la tuso dawladnimada Soomaaliya lala rabo nooca ay tahay, taasoo ah in Soomaalidu noqoto sidii xayn adhi ah oo marba hormo yar loo sii daayo Addis Ababa. 4. In lagu bah dilo qof kasta oo rajo ka haysay maamul goboleedyada Soomaaliya ka jira , gaar ahaan culimada Soomaaliyeed ee gobolladaas ku nool. 5. Waxaan qarsoonayn culimo Soomaaliya magac iyo maamuus ku lihi inay nadwo ku qabteen isla magaaladaas oo wixii ay iyagu u arkayeen inay tahay danta ummadda kaga hadleen haba ugu waynaato dagaallada koonfurta Soomaaliya ka socda, nadwadaas oo ay ka qayb qaateen madaxda ugu sarsaraysa ee maamulkaas, aragtidayda ma aha wax si lama filaan ah u dhacay in wakhtigaas kooban oo wali kuraastii laga kacay diirran tahay lagu abaabulo xaflad lagu soo dhowaynayo cadawgii soo jireenka ahaa ee ummaddani lahayd, ujeedkuna waa in la muujiyo in culimada laftoodu raalli ka yihiin, ama la muujiyo dacfigooda iyo sida aanay u hirgalayn wixii ay ku dhawaaqayeen dhagna loogu jalaqsiinayn. 6. In Tigraygu tusaan islaamiyiinta kusoo dhowaanaya maamullaadaas in ay arrintaasi tahay khad cagaaran oo aanay aqbali doonin in loo gacan dhaafo. 7. Waxaan iyana meesha laga saari Karin xabbad-joojinta ama heshiiska farxadda iyo soo dhawaynta badani ku dheehnayd ee dhex maray jabhadda xoraynta soomaali galbeed iyo in calanka Tigrayga laga qotomiyo Garoowe, taasoo looga gol leeyahay in Soomaalida loo tuso inay marxalad cusub gashay oo Itoobiya lala heshiin karo lala nabdi karo iyadoo wixii ay galeen iyo dhulkii ay dhaceen toona laga wada hadal. 8. In shaki, cuqdad iyo kala fogayn lagu kala abuuro kooxaha “Islaamiyiinta” ah ee koonfurta ka taliya iyo walaalahooda ducaadda iyo culimada ah ee maamul goboleedyaadaas ku nool. 9. Soo dhowaynta xafladdii loo qabtay xabashiga oo uu u xilsaarnaa nin derajada ugu sarraysa ka gaadhay ciidankii jamhuuriyadda soomaaliya, waxay daba taallaa bahdilidda gaarka ah ee loo geysanayo hay’addii u taagnayd difaaca karaamada iyo dhulka ummadda Soomaaliyeed, waa wasaaraddii difaaca ‘ e, ma fogayn markii ciidanka Tigrayga ee muqdisho xasuuqa ka waday calanka ka taagteen xarumihii ciidanka soomaalida looga talin jiray!!! Ujeedkuna wuxuu ahaa: ku quuso qudhaanyo. Gunaanad Murti soomaaliyeed baa waxay odhanaysaa “Wallee hadaan maanta la daba qaban meel fog baa laga dooni doonaa” waxaan uga jeedaa : sida ay maanta tigraygu ugu dhex jiraan soomaaliya iyo siyaasadaheeda hadaan yac laga odhan maalin xeedho iyo fandhaal kala dhaceen baa la hanbabari doonaa, ama jiilasha soo socda baa looga tagi doonaa dhaxal ay ku cuslaan doonto inay qaadaan iyo mashaakil ay mustaxiil noqon doonto inay xalliyaan. Waxaan kusoo gunaanadayaa culimada, waxgaradka iyo qof kasta oo damiir lihi inuu damqado, waxa hareerihiisa ka dhacayana dhug u yeesho, oo aanay qabyaaladda, gobolaysiga, kooxaysiga, iyo danaha gaarka ahi ina indho tirin. Khaladaadka dhallinta muqdisho ka dagaalamaysaba waa la muujiyaa waana laga damqadaa culimo iyo caamaba gar iyo gardarro waxay doontaba ha ahaatee ee tolow wadankaas tagaya ee sii socda iyo ummaddaas cadawgeeda loo sii duduucayo maxaa looga aamusay!!!!!. Malaa waxay u eg tahay in cudurkii dawo noqday, jahligiina cilmi isu rogay Markastoo jahligu caam noqdoo aad u cududaysto Cilmigaa xumaan noqdoo laga cajiibaaye Haddii caafimaad la yiri waa cudur wax aafeeya Cajab ma laha in duul rogmaday cidhib go’aayaane WQ: Cabdiraxmaan Abyad Abyad2@hotmail.com
  9. Madaxwayne Faroole oo sheegay In dilalka ka dhaca Puntland laga soo abaabulo Koonfurta Soomaaliya Arbaco, June 16, 2010 (HOL) −Madaxwaynaha Puntland Dr C/rixmaan Maxamed Faroolle oo ka qayb galay kalfadhigiii 24aad ee Barlamanka Puntland ayaa ka hadlay Dilalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay meelo kamid ah Gudaha Gobolka. Waxa uu sheegay Madaxwaynaha in ay jiraan dad dano gaar ah ka leh Puntland ,isla markaana doonaya iney horseedaan qas iyo dhibaato ,isagoo xusay in Puntland ay nabad tahay. Madaxwayne Faroolle ayaa sheegay in dilalka Puntland ka dhaca badankood laga soo agaasimo koonfurta Somaliya ,Waxaana uu intaa ku daray in ay saldhigyo ku leeyihiin meelo ka mid ah magaalooyinka gobolka ugu muhiimsan. Inta badan kiisaskii Puntland ka dhacay gacanta ayaa lagu hayaa ,balse waxaana jira kuwa meello ka baxsan dalka laga soo abaabuloo oo lagu raad joogo" ayuu yiri Madaxwaynaha oo markaasi kahadlayay amaanka Puntland. Dr C/rixmaan Maxamed Faroolle madaxwaynaha puntland ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Gaarsoorihii Maxkamada Gobolka Bari oo Maalmo ka hor Bosaaso lagu dhex toogtay. Ugu danbayntii hadalka ka soo yeeray madaxwaynaha puntland ayaa imaanaya,iyadoo maalmo ka hor maamulka lagu eedeeyay in uu wax ka qaban waayay amniga gobolka oo ay ka dhaceen dilal kala duwan. Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online Boston@hiiraan.com Bosaso,Somaliya
  10. ^Wisdom-kaaga markii exactly 20 min wax u riyaaqa aad weysay, dantu waxay qasabtay inaad u soo noqoto ood haddana hunqacdo, -sorry- xikmad soo afuufto.
  11. A & T waa saqajaan, badanaa sheekooyinkiisu hal meel uun bey ku biyo shubtaan!
  12. ^Sheeko & war kale ood dhuuxdo haddaad rabto meeshii kale waad taqaannaa!, haddii kale na dhaaf! maa cindanaash wa't nahar-dah
  13. ^Maad iska key deysid hee, is that a lot to ask? Wixii aad heysona hadda soo daa! 'wixii aad ka hesho aad leedahay' kulahaa!.
  14. ^^Alley lehe, gabadhaas NNC ah wax badan kaa fiican (judging from ur posts). Waad ku mahdsantahay talooyinka aad qaadatay (2da post ee kore midba eray baad bold ka dhigtay, grammarka & Ingiriis la fahmi karona ku xiji!
  15. ^Ma Abu Zubeyr baa dad laayey?, marna Shabaab waa caruur dheh marna 20 sano ka hor bey dad dili jireen!
  16. Oromo miyaa, maxaa Ethiopia loogu celiyey? Ps. haddey run tahay oo dad aan Salaadda tukan gawracaan xoolaha sow in arrintaa wax laga qabto ma wanaagsana?.
  17. Weger!, Ninaan ogahayna sheeko caruureed-kuu Xikmad ku sheegaa, adna Cantarabaqashka, beenta & hagag baa wisdom kuu ah. This reminds me of Odaygii loo keenay Ri'dii madaxa la gashay Dheriga, ee 'Ri'da a la qalo' yiri, 'Weli waa isku jiraan' ee yiri: 'Dheriga a la jewiyo' ee kadib iska ooyaye yiri: 'Haddiin dhinto dadkaan yaa u muslin eh'
  18. ^When you say: Wallee, ma ogtahay inaad magac Alle ku dhaaraneysid?.
  19. Jaajuusnimo maa lagu gooddinaa haddana! xoog miyaa hadalka, wah!
  20. NNC, waaba cajaaib, warkaas 'vampire'ka eed sheegtay ee haddana halkan aan uga jeedo sida C&H qoorteeda 'libaro' u tahay waaba naxay! Ps. NNC, waan kuu taraarixiyey banooniga, Adi lee iska dhalisay.
  21. ^There's a reason aanan Adiga & kan kaa korreeyaba ula hadleynine ha is daalin!. NGONGE, wax perfect ah sidaad u rabtoo kale baan u rabaa, lakin lama helaayo e Adiga you have chosen inaad iska diiddo and I have chosen inaan iska xum-xumeeysto, ashraarta afkooda xun ku soo taagayana ka difaaco أقلّوا على الشباب لا أبا لأبيكم _**_ من اللوم أو سدوا المكان الذي سدوا
  22. Meesha ha ku xirin bal, waxbaa ii baxaye!. 'Back home'ka ma gobolada dhexaa? and as u mentioned 'grave digging in an earlier comment, ma family business bay Shabaabku carqaladeeyeen?