Maaddeey

Nomad
  • Content Count

    4,297
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Maaddeey

  1. Originally posted by Rhazes: Maaddeey, 'naaqusnimaad niiq la leedahay' ee waxan ku idhi cayaayirka intaad joojisid mawduuca ridaac al kabiir soo yara baadh waxa laga yidhi. Xadiisku inuu Bukhari ku yaal cidina dood kama qabto , waxase ii caddaaday inaad safiih tahay, marka adeer waad iga raali ahaanaysaa jawaab kale ma mudnid. Yaa Khabeeth, provide page & hadeeth number and what chapter and lets see who's safiih!. Ridacul Kabiir, Akthar min cishreen sanah ka hor ayaan ogaa waxa culimadu ka yiraahdeen!, and qisatu Saalim, Mawlaa Abii Xudaifa (fii saxiixi Muslim) is stuck in my mind!, marka Zindiiqoow Sol cidla ha moodin!. Ridaacul Kabiir waa mas'alah khilaafiyah ah oo Jumhuurku ka soo hoorjeedaan, kutubta xadiista & fiqhiga ayayna ku taallaa!.
  2. ^I know, lakin Iman ka hor ayey magacyadaasu bexeen! lab=male, dhedig=female (kolley af soomaali waad ku hadashaaye, ma waxaad tiraa: 'geel naag eh & geel nin eh'?
  3. ^Shukri waa magac carbeed waana lab, dhedig wuxuu noqonaa Shukrah, sidoo kae Galbeedka Soomaaliya sida carabta ayay u isticmaalaan. Iman rag & dumarba waa isticmaalaan, magacyo rageed oo caan ah: Cali Iman Sharmarke Hilowle Iman Cumar
  4. ^Tuujiye, Ani wax aan hubo aan sheegooyaa sxb. Maki born and bred in Marko Caddeeeeey. adi waa iska hadlee yaa!.
  5. Maki, not Maka!! naag baadba ka dhigteene. Great poet, Muallif, jilaa (Shaykhul Kulli waaye) Singub aa ka qayliyey Ps. MMA, reer Banaadir maaha, waa reer Sh. Hoose.
  6. ^Albaani oo Muxadithul Casr ah baa Xadiith ay fari ku godantahay cuskaday, markaasaa Rhazes al majhuulul afiin qaladkiisa gartay! yaa daycatal cilm. Yaa Miskiin, Xadiiska Bukhaari kuma yaal ee ujeedadaadu ar mey tahay: Maraajicda Muslimiinta ee ugu saxsan inaad dagaal ku qaaddo?.
  7. meesha xarfaan baa isugu timid! xumaan la aasay baa raadkeedii ii muuqdaa!
  8. ^The strongest and most sophisticated group of Aliens converted and have pledge of allegiance to Shabaab.
  9. Maaddeey

    Weird News

    Hubsiimo maashee?
  10. Aabe C/laahi Isxaaq Hooleey "Wiilkayga qaliinkiisa $200 ayay iga qaateen mid ka mid ah Kiliyihiisana way la baxeen” +Sawiro. 10,Rajab ,1431on,22,Jun, 2010 Mid kamid ah Waalidiinta ku dhaqan magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in wiil uu dhalay oo Todobaayo ka hor ku dhaawacmay degmada Xamar Wayne lagala baxay mid kamid ah kiliyihiisa Xili uu bukaan ahaan u jiifay isbitaalka wayn ee Madiina. Aabe C/laahi Isxaaq Hooleey oo lasoo Xiriiray Idaacaadda Alfurqaan ayaa sheegay in Wiilkiisa Xiligan ay la soo daristay Xaalad Caafimaad oo aad u liidata kadib markii si sharci daro ah looga saaray mid kamid ah kiliyihiisa iyada oo aysan jirin wax ogolaansho ah oo dhaqaatiirtu ay u heysteen inay howshaas oo kale fuliyaan. C/laahi Isxaaq Hooleey wuxuu ku nuux nuuxsay in iyagu markii hore Wiilkooda ay isbitaalka u gaarsiiyeen sidii loogu dawayn lahaa dhaawac kasoo gaaray rasaas kula dhacday Xili uu ku sugnaa degmada Xamar wayne,balse markii Wiilka la gaarsiiyay Saalada lagula dag dagay qaliin aysan ka warqabin. “ Wiilka Xamar wayne ayuu ku soo dhaawacmay isbitaalka ayaa lasoo gaarsiiyay ,Annaga iyo dadkii ehelkaba waxba nalama sugin,waxaa la geeyay saalada markii saalada la geeyay waqti dambe ayaa annaga naloo sheegay,markii ay qaleen kadib dhiig keena ayay na yiraahdeen,saacado kadib ayuu wiilku soo naaxay,Anngau wax shaki ah naguma jirn wax saxiix ahna nama waydiinin”. Ayuu yiri Aabe C/laahi. Aabaha dhalay wiilka kiliyada laga saaray oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Muddo labo Todobaad ah kadib loo sheegay in wiilkooda uu Caafimaad qabo islamarkaana ay la bixi karaan,balse markii guriga la geeyay uu ka bixi waayay Xanuun saa’id ah,taasi oo keentay sida uu sheegay Aabaha in Wiilka ay gaarsiiyaan Xarun Caafimaad oo ku taala duleedka magaalada muqdisho,waxana baaritaan dheer kadib loo sheegay in wiilkooda lagala baxay mid kamid ah kiliyihiisa gaar ahaan tan Midig. Aabe C/laahi Isxaaq wuxuu xusay in markii loo sheegay in wiilkiisa laga saaray kilida Midiga ay isku dayeen inay Xiriiro la sameeyeen dhaqaatiirta isbitaalka Madiina,balse ay la kulmeen handadaad iyo caga juglayn xoogan,isagoona sheegay in wiilkiisa aan weli laga saarin rasaastii uu kusoo dhaawacmay. “ Dhaqtarkii ceelasha joogay markii uu noo sheegay in wiilkayga kilida ay maqan tahay ,waxaana isku daynay inaan u tagno dhaqaatiirta Isbitaalka Madiina,wayna noo hanjabeen waxayna nagu yiraahdeen Alshabaab ayaa tihiin,hadda meeshaas khaare mooyee wax kale kama helin,wiilkayga qaliinkiisa waxay iga qaateen $200 oo ay sii dheertahay Siriirtii uu ku jiifanayay oo habeenkiina laga qaadayay inkabadan $3”. ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Aabe C/laahi Isxaaq hooleey. Ugu dambayn Aabe C/laahi Isxaaq hooleey wuxuu ka dalbaday guud ahaan bulshada soomaaliyeed ee Muslimiinta inay u wax u qabtaa wiilkiisa Xanuunka la ildaran isagoona xusay in dhaqaatiirtu ay u sheegeen in Xaaladda Caafimaad ee wiilkiisa dalka gudihiisa aan waxba looga qaban Karin.
  11. Complicated, sida aan u fahmay muridi: His first post wuxuu ka sheekeeyey sida Kirishtaanka Beledwene (ma jiraan?) aysan u taageersaneyn Ciidamada Kiristaanka ee Ethiopia ee Beledwene qabsaday (waa Wadaniyiin), sidaasoo kale Muslinka kale (shacabka) ma jecla Islaamiyiinta!. Markuu Anwar fahmi waayey ujeedkiisana wuxuu post-giisa xigay ku sheegay ayaan qaar ka mid ah ku weydiiyey siday 'perfect answer' u tahay?, sidaas si ka duwan haddey tahay bal ii sharax illeyn adaa 'enjoy'gareeya falsafadda muridiye. Ps. Waxaan moodaa inuu leeyahay Diimaha ha laga xoroobo.
  12. ^Shirkiga & Qubuur caabudka, Zinada Xijaab la'aanta miyaa sidaa kuula sahlan?? Ps. Somali-Shacab ha dhihin (just insert your name)
  13. Originally posted by Che -Guevara: Adaga shaqsi baatahey garkaa sheegtey cidiya deyso laakin gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam ee gobolka Banaadir works for an entity that claims to govern parts of Somalia. And for them to worry about how the length of man's beard is misspelled priority. Amar means to order which in turns someone has to enforce the order.Of all things to do, imagine wasting many man hours on Gar sizing. Waa maxay guddoomiyaha & waxaad sheegeysid?, dadka uu guddoomiyuhu amarka ku soo rogay waa Muslimiin, sidaas baan tusaalaha Nabagia (CSW) & Majuusta(kuwa dabka caabuda) kuugu soo qaatay, iyagoo mushrikiin ah ayuu Gar & Shaarib ku soo hadal qaaday, weli waa ii taagantahay: Ka warran hee?
  14. ^^Whats perfect answer? that gambling is supported practice in Islam or that christians appoint us a religion?
  15. I didn't know I was restricted, xaa dhacay?. Nin Muslima oo dhintay, oo Soomaaliyeed soow maaha? Dhamaan fanaaniidinta Soomaaliyed ee kala jooga dalka gudihiisa iyo dibadiisa oo qaarkoda la Hadley idacaada Shabelle ayaa waxaa ay u tacsiyeeyeen geeraabadii Saciid Mire xeydar, waxaana fanaankasi uu caanka ku ahaa heesa dibacsan iyo kuwa nabi amaank ah inkastoo qaar kamid ah fanaaniintii ka hadashey geerida fanaanka ay sheegeen in mudooyinki danbe uu fanka ka fariistey. www.shabelle.net
  16. Cajiib!, Haddii la yiraahdo: 'Raggu naago qaa-qaawan iney daawadaan waa Xaaraam', ma waxaa la leeyahay: maxaa ragga loo discriminate-gareynaa?
  17. ^Meelahaas waa 'private', lakin gerka & shanabka waa la arkaa, waa Shicaar!!, Che-yoow weligaa ma maqashay in Nabiga CSW laba nin oo Majuus ah oo Shaaribbo dhaadheer intey u yimaadeen uu yiri: 'yaa idin amray sidan (eg. inaad shaaribada dheereysaan, garkana xiirtaan)? waxay ku jawaabeen: 'Rabbigeen (Our King)' markaas Nabigu wuxuu yiri: 'Aniga Rabbigey wuxuu i faray inaan gerka deysto, shaaribadana gaabiyo!!, ka warran hee?? misplaced priorities miyaa??.
  18. Macalin Xaashi “ Waxaa ragga amraynaa in ay Shaaribka xiiraan Gargana deystaan. Muqdisho: (Sh.M.Network) Macalin Xaashi Max’ed Faarax gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam ee gobolka Banaadir ayaa ku amray ragga ku dhaqan gobolka Banaadir in ay garga siidaayaan islamarkaana shaaribka ay xiiraan. Gudoomiyaha Ururka Xisbul ISlaam ee gobolka Banaadir Macalin Xaashi Max’ed Faarax oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu awaamiir ku soo ragay dhamaan raga ku dhaqan magaalada Muqdisho. Waxaa uu sheegay Macalin Xaashi Max’ed Faarax in laga doonayo raga in ay deystaan garka islamarkaana ay Jaraan shaaribka, isagoo sheegay in horay awaamiir loogu soo ragay haweenka taasi oo ku aadaneyd inay qaataan Xijaabka islamarkaana ay sidii logu amray ku dhaqan galiyeen sidaasi darteedna laga doonayo raga in ay iyana dhaqan galiyaan amarkaani, cidii qadan weysa amarkaasi sida uu sheegay Macalin Xaashi laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan. Gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Macalin Xaashi Max’ed Faarax ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in horay awaamiir nuucaani oo kale loogu soo ragay magaalooyin badan oo kuyaala Soomaaliya islamarkaana ay gacanta ku hayaan Ururka Xisbul Islaam, isagoo sheegay in ay dhaqan galiyeen shacabkii magaalooyinkaasi. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
  19. Rayyan, c'mon you mentioned it! why don't you tell us?. He's saying the old Fatwa is not about Hizbullaah or the Zionsts, its about the Rawaafid in general and FYI he said Bin Ladin is Mujahid, he supported the Mujaahideen in Iraq and Afghanistan while the Sauidi Gov. were imprisoning the youth!. Don't just circle what ever you find!.
  20. Mid ka mid ah Fannaaniinta Caanka ah ee Soomaaliyeed xalay ugu geeriyooday xanuun awgiis Magaalada Muqdisho Axad, June 20, 2010 (HOL) − Waxaa xalay ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho Siciid Mire Xaydar oo ka mid ahaa fannaantiinta caanka ah ee Soomaaliya, kaddib xanuun uu Isbitaalka ugu jiray dhowrkii bilood ee ugu dambeeyay. Marxuum Siciid Mire Xaydar ayaa waxaa isla maanta lagu aasay Qubuuraha KM-13 ee duleedka Magaalada Muqdisho, iyadoo lagu aasay Qabri ku dhow midkii Aabbihiis Mire Xaydar Cawaale oo horay ugu geeriyooday Muqdisho. Abwaan Max'ud Max'ed Sahal (Shiddo) iyo Abwaan Xasan Max'ed Max'ud (Jacayl) oo aqoon wanaagsan u lahaa Marxuum Siciid Mire Xaydar ayaa sheegay inuu ahaa fannaan qayb ka qaatay dhismaha kooxidii Heegan oo uu ka tirsanaa. "Marxuum Siciid Mire Xaydar wuxuu ku dhashay 1955-kii Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galguduud, wuxuuna ku koray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, isagoo sidoo kalena kusoo barbaaray Degmooyinka Xudur iyo Luuq, maadaama uu Aabbihii ahaa Askari" ayuu yiri Abwaan Max'ud Max'ed Sahal (Shiddo). Sidoo kale Abwaan Shiddo wuxuu sheegay inuu fanka Soomaliyeed kusoo biiray sannadkii 1971-kii isagoo kusoo baxay tartankii heesaha hirgalay oo uu ka qaybgalay, wuxuuna ku biiray Kooxda Heegaan ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed. Abwaaan Xasan Jacayl ayaa isaguna sheegay in Marxuum Siciid Mire Xaydar uu ahaa fannaan aad u cod wanaagsan, isla markaana lagu xusuusan doono heeso kala duwan oo uu ka tagay, wuxuuna xusay inuu ahaa nin aad u dabeecad wanaagsan. Tan iyo markii ay Soomaaliya gashay burburka waxaa dalka ku dhintay fannaaniin iyo Abwaanno fara badan oo ay ka mid ahaayeen: Xuseen Aw-Faarax Dubad, Cabdi Muxumad Amiin, C/lla Nuuradiin Axmed, Axmed Nuur Jaangow, Bashiir Ibraahim Cabdi, Xasan Diiriye Faarax, Habboon C/llaahi, Saafi Ducaale iyo Fannaankii kale. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
  21. Gadoodka ciidanka Madaxtooyada Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta ay gadood sameeyeen ciidamada ilaalada madaxtooyada Soomaaliya. Ciidamada, ayaa rasaas cirka u ridayay, iyagoo in muddo ah xannibay in madaxtooyada la galo ama laga soo baxo xilli uu madaxweynaha Soomaaliyana ku sugnaa gudaha xafiiskiisa, oo ku yaalla xarunta madxtooyada Soomaaliya. Xiisadan, ayaa waxay jirtay dhawr saacadood, waxaase markii danbe soo dhexgalay oo arinta qaboojiyay ciidamada midowga Afrika ee AMISOM oo ilaallo xooggan ka haya madaxtooyada. Ciidamada ilaalada madaxtooyada ee Soomaalida ah, ayaa waxay dalbanayaan mushaharkooda, oo ay sheegeen in aan la siinin dhowr bilood. http://www.bbc.co.uk/somali/war/2010/06/100619_gadood.shtml
  22. Pro Dalxa oo xukuumada ugu baaqay inay biso mushaarka ciidanka dowladda.Muqdisho: (Sh.M.Network) gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee Barlamanka KMG Soomaaliya Pro. Max’ed Cumar Dalxa ayaa ugu baaqay xukuumada KMG Soomaaliya in ay bixiso mushaaraadka Ciidanka dowladda KMG Soomaaliya. Kadib markii shaley iridka hore ee xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ay isku rasaaseeyeen ciidamo ka wada tirsan dowlada KMG Soomaaliya gaar ahaana kuwa ilaalada ka ah xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa arintaas ka hadley qaar kamid ah xildhibaanada Barlamanka KMG. Pro. Maxamed Cumar Dhalxa oo iminka ah xildhibaan ka tirsan Barlamanka Soomaaliya horeyna u ahaa gudoomiye ku xigeenkii 1-aad ee Barlamanka Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegey in wax laga xumaado ay tahay is rasaaseyntii shaley ilaalada xarunta madaxtooyada ku dhaxmartey iridka hore ee xarunta Madaxtooyadakuwaasi oo shaley la sheegey in ay ka gadoodsnaayeen mushaaraadkoodii oo aaney mudo helin. Waxaa uu sheegey gudoomiye ku xigeenkii hore ee barlamanka KMG ee Soomaaliya Pro. Maxamed Cumar Dhalxa in mas’uuliyiinta Dowlada KMG ee Soomaaliya looga bahaanyahay in ay wax ka qabtaan cabashada ka soo yeereysa ciidamada islamarkaana ay siiso gunooyinkooda sida aaney mar danbe u dhicin israsaaseen ciidamada dhaxdooda ah. Sidoo kale Maxamed Cumar Dhalxa waxaa uu ka hadley is rasaaseeynt marar qaar ciidamo ka wada tirsan Dowlada KMG ee Soomaaliya ku dhaxmarta gudaha magaalada Muqdisho taasina uu sheegey in ay keeneyso bur bur ku imaan kara Dowlada KMG, isagoo intaasi ku darey in mushaaraadka ciidamada loo bahaanyahay in ay bixiso xukuumada KMG ee Soomaaliya. Dhinaca kale Pro. Maxamed Cumar Dhalxa waxaa uu soo hadal qaadey dacwadii uu dhawaan u gudbiyey maxkamada sare ee Dowlada KMG ee Soomaaliya oo ku aadanneyn xilkii gudoomiye ku xigeenka 1 aad oo loo doortey xildhibaan katirsanaa barlamanka Soomaaliya taasi oo uu sheegey in ay mareyso heer gabagaba ah maxkamaduna dhawaan ay soo saareyso jawaab arintaasi ku wajahan. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
  23. Xiisad colaadeed ayaa maalintii 2-aad ka aloosan hareeraha Villa Somaliya waxaana foodda la geli la'yahay qaybo katirsan madaxtooyada oo ay liif saareen ciidan DKMG ah katirsan oo caraysan. Maleeshiyaad katirsan Melleteriga DKMG ah ayaa xayiraad kusoo rogay qaybo katirsan dhismayaasha Villa Somaliya kadib markii ay ku dhaqaaqeen Gadood laxiriira Mushaar la'aan. Wararka nagasoo gaaraya Villa Somaliya ayaa xaqiijinaya in xiisada colaadeed ay ka jiraan hareeraha madaxtooyada oo ay soo buux dhaafiyeen maleeshiyaad hubaysan kuwaasi oo rasaas ku furaya gaadiidka ay wataan saraakiisha DKMG ah ee Villa Somaliya gelaya iyo kuwa ka baxaya. Tacshiirad ay shalay gelinkii dambe is dhaafsadeen Maleeshiyaad kawada tirsan DKMG ah ayaa sababtay dhimashada 3 Askari iyo dhaawaca tira kale waxaana saaka ilaa iyo xalay la dareemayaa xiisad kacsanaan ah. Maleeshiyada DKMG ah ee Khal Khalka ku haysa Villa Somaliya waxay hoos yimaadaan Taliyaha Ciidanka Lugta DKMG ah G/lle Gacma dulle waxayna ciidamadani sheeganayaan lacag mushaaraad ah oo muddo 9 bilood ah ka maqan. Wararka ayaa intaasi raacinaya in Maleeshiyaadkani Khalalaasaha wado ay soo faarujiyeen difaacyo ay uga jireen degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho. DKMG ah ayaa boqolaal ciidan kusoo tababartay dalka dibadiisa balse markii Muqdisho la keenay ayay ciidankaasi suuqa lagaleen hubkoodi qaarkoodna waxay dhac ugaystaan goobaha ganacsiga ee ku yaal X/weyne iyo Waaberi somalimemo.net
  24. GaroweGal, dadka iney Muslimaan & in kale ma kala jeclid?