Maaddeey

Nomad
  • Content Count

    4,297
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Maaddeey

  1. Madaxweynaha oo la waydiyay khasaaraha soo gaaray ciidanka dawladdu wuxuu sheegay in saddex askeri ay ka dhaawacameen. Hase ahaatee warar ka imanaya ilo madax bannaan ayaa tilmaamaya in dagaalkii ka dhacay tuulada Karin ay ku dhinteen, askar dawladda ka tirsan kuwo kalana ay ku dhaawacmeen , iyadoo uu jiro gaadiid kuwa dagaalka ah oo laga gubay dawladda . GD, warka runta ah waa kaa'e maxaadan u sheegin? mise inaad AF wax ku defeat'gareysaad rabtaa?
  2. 'Taxasabuhum jamiican wa quluubuhum...'
  3. Adigu 'Xajar' baad tahay markaan ku iri ma dhoweyn Hal erey oo loo fasiri karo inaan Sh. Sudais ku daba tukanayn bal soo saar!. Shabaab, in been laga sheego oo wax aysan geysan lagu masabido baan diidanahay, wanaagga ay sameeyenna waan ku raacsanahay, adigu 'balance' aad qofka wixii wanaag ah uu geysto ku raacdo, qaladkiisana aad isaga deyso ma lihid miyaa?. Culimada Sucudiga, waxay ku jiraan xaalad xarijah waana fahmi karaa, weligeyna Culimo in la xag-xagto waan ka soo horjeedaa, taas micnaheedu maaha wixii ay ku qaldanyihiin inaan la sheegin, si edeb leh in loo raddiyo baan rabaa. Zanaadiqada, wixii aan ku tuhmay oo hadalkooda ah baan sheegay, adna si guud, baad u tiri: '100 si oo kale baa loo fasiri karaa', mana aad sheegin mid ka mid ah 100-kaas siyood, aniguna had & goor baan sheegaa in qof aan dembi lahayn in la dilo aysan banaaneyn, haddana waxaad i leedahay 'IRHAABI' baad tahay, xaggey ciyaartu iska qaban la'dahay?
  4. Xiin, in two years he'll create a thread about how he was wrong.
  5. Xaggee buu ku yiri: 'Al Shabaab waxa raacsan waa Irhaabiyiin'? sida aad u soo quote-gareyso your ownn 3 years old posts oo kale u quote-garee. Sh. Sudais anigaa Shabaab ka aqaanna, su'aasha aan ku weydiiyeyna taas maaha ee goorma ayaan Nin feker igu khilaafsan ku daba tukan maayo iri?. Zanaadiqadana 100 cudurdaar & tafsiir baad u sameyneysaa anna wax aanan dhihin baad afka ii gelineysaa? munaafaqnimo, heh?
  6. ^^Nin VOA laga wareystay oo run & been wuxuu sheegayo la garaneyn miyaad 'proof' u taqaannaa??
  7. Abwaan, Ninkan wax kale ood ku eedeysaa badan lakin 'dhaqtar buu u baahanyahay'daada baa naga yaabisay. Sow kama mudna waxan aad isaga ku sheegtay Cabdi-Shukri?
  8. ^Cawaale, ma hawshii baan billownaa? NGONGE, wax aan jirin miyaan ka jawaabaa? bal dib isugu laabo ee ka feker.
  9. Dhowr taleefan haddaad wadato waxaad tahay Argagaxiso miyaa?
  10. I don't know if any one posted this, but MMA and others will probably like it!. http://www.youtube.com/watch?v=Cp8rfdrFePQ Ps. 'Like Father like Son' maaha, soow maaha? yeah, this is 1962!!
  11. Taariikhda Sheekha oo faah-faahsan wa kan Sheikh Mohamed Idiris oo ka sheekeynaya MACALIN MAXAMUUD: AHLU QUR’AANKII AKHLAAQDA WANAAGSANAA! By Somalimirror on 24 Jul, 2010 7:35 PM in Main, Wararka Mahad oo dhan Ilaah baa leh Nabad iyo Naxariisina Nebigeenna Korkiisa ha ahaato. Innaa Lilaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun..Waxaa hadda geeridiisu soo yeertay Walaalkay Sh. Macalin Maxamuud Macalin Nuur.. oo ku Magac dheeraa: Macalin Maxamuud. Wuxuuna ugu Magac dheeraaday inuu ka mid ahaa Macalimiintii Qur’aanka ee Saxwada Islaamka Barakaysan kuwoodii hormuudka ka ahaa, ilaa iyo yaraantiisiina dacwada iyo diinta fidinteeda, barasho iyo baridba ku soo jirey. Macalin Maxamuud Allaha u naxariistee, waxaan aqaaney muddo dheer oo aanu ku walaalowney dariiqa dacwada Islaamka ee wanaagsan. Waxaan isla soo joogney ayaama badan oo macaan iyo qaraaba leh, gaar ahaanna 20kii sano ee u dambaysey ee dalkeenna iyo dadkeenna ay soo food saartay xaaladda adage e murugada leh. Haddaan Macalinka waxyaabahaan ku bartay wax ka tilmaamo waxaan dhihi karaa: AHLU QUR’AAN Walaalkay Macallin Maxamuud wuxuu ahaa nin aan u Rajaynayo inuu ka mid ahaa dadka Xadiisku ku magacaabay (Ahlul Qur’aanka) waayo wuxuu ka mid ahaa dadka Kitaabka Ilaahay xafidsan oo korka ka haya, isla markaana isku daya inuu akhlaaqdiisa yeesho oo ku sifoobo, kuna camal falo. Wuxuu ahaa nin Kitaabka Ilaahay had iyo jeer carabka ku haya oo jecel. Ilaahay waxaan uga baryey inuu ka mid dhigo dadka la yiraahdo maalinta qiyaamo: Akhri oo darajooyinka kor u fuul. SALAATU LEYL : Walaalkay Macallin Maxamuud iyadoo la neg yahay iyo iyadoo safar la yahayba isku meel waa seexannay. Meel qabow iyo meel kulul. Meel baqdini jirto iyo meel nabad gelya leh. Intaba waxaan ku bartay Macalin Maxamuud Allaha u naxariistee inuu ahaa dadka (Ahlu Leylka) ah, ee Salaadda Qiyaamu Leylka jecel ee tukada. Marar badan ayaan arki jirey isagoo dadka ka hor toosay oo salaadda u taagan. Markii ugu dambaysey ee uu xajka yimaadana waa wada xajiney oo sidaas ayuu ahaa. Markii uu Masuulka ka ahaa gobolka Gedo sagaashameeyadiina sidiisa ayuu ahaa oo isma bedelin. AKHLAAQ WANAAG! Macalin Maxamuud Allaha u naxariistee, wuxuu ahaa nin aad u akhlaaq wanaagsan, dabeecad qabow, dhaqan fiican, ixtiraam iyo qaddarin dadka kula macaamila. Wuxuu ahaa nin ilaahay degganaan iyo dulqaad ku mannaystay. Si kasta oo xaaladdu u kacsantahay, ama dadku u kululaadaan, ama dooddu u badato, Macalin Maxamuud waxaad arkeysaa, inuu dhoolla cadaynayo, deggan yahay, waxba maaha leeyahay, hadal qabow oo qanaaca leh mooyaane wax kale aadan ka maqli hayn. Ma garanayo cid la dhaqantay oo Macalin Maxamuud kelmad juruxa ka sheegatay. Wuxuu ahaa nin aan dadka hadal yar oo qallafsan ku oran Karin, kelmadaha aad u kala doorta oo midda ugu fiican isku daya inuu adeegsado. Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu ka dhigo kuwa loogu bishaareeyey akhlaaqdooda wanaagsan darteed iney Nebigeenna Calayhi Salatu Wasalaam, ugu majlis dhow yihiin maalinta qiyaamo. GEESINIMO : Walaalkeen Macallin Maxamuud isagoo sidaa aan sheegay nin deggan oo qabow oo macaan ah, haddana xaaladdu markey kululaato wuxuu ahaa nin Geesiya, oo aan mabaa di’diisa ku adag. Wuxuu ka mid ahaa raggii ku mintiday maamulkii Islaamiga ahaa, ee Gobolka Gedo Sagaashameeyadii, markii ay kusoo duushey Xabashidu. Wuxuu ahaa nin doodiisa ka caddaysta golayaasha laysugu yimaado. CILMI IYO XIKMAD : Macallin Maxamuud wuxuu ahaa nin aqoon diineed oo wanaagsan leh, dacwada u dhabar adayga, ayaamihii u dambeeyey wuxuu ku negaa Magaalada Kismaayo oo uu dacwada ka wadey, isagoo ku sabraya Culays kasta oo jira. Booqashadan gaaban ee uu reerkiisa Muqdisha kusoo gaareyna wuxuu – uga sii gudbi lahaa – sida la ii sheegay Gobolka Gedo, oo uu rabey inuu u socdaalo maalinta Isniintaa ee soo socota markuu 2 beri reerka la joogo, halkaasoo uu jeclaa inuu Dacwo iyo Islaax kasii wado, Kutub ka akhriyo, cilmiga dadka gaarsiiyo, hase ahaatee, geerida ayaa kasoo hor martay oo ajashiisi ayaa halkaa ku ekaatay. Waxaanan Ilaahay uga baryayaa inuu noqdo kuwa adduunka ka raaxaystay. Sheekhu wuxuu ahaa nin cilmi iyo xikmad Ilaahay siiyey, oo dacwada xikmad ku wada siduu Ilaahay na faray. Waxaan xasuustaa ayaamihii uu Maamulka Gobolka Gedo Qayba ka mida Masuulka ka ahaa iney dhici jirtey arrimo dadku isaga hor yimaado oo dagaal keeni karta, laakiin macallinku xikmad iyo dulqaad ku kala furdaamin jirey. ZUHDI & XISHOOD Walaalkeen Macallin Maxamuud Allaha u naxariistee wuxuu ahaa nin Zuhdi badan oo aan adduunyada is raacsiin, kuna qamaamin oo aaney wax weyn la ahayn. Waxaan xusuustaa markuu maamulka ahaa, iyo markuu macallinka ahaa, iyo markuu khaliijka mudda kooban tegeyba inuu isku si ahaa. Wuxuu ahaa, nin adduunyada iyo dhalaalkeeda iska ururiya, oo xishood badan, dhawrsoon oo af gaaban. Hal mar ayuu ku fekerey dalka dibaddiisa inuu u boxo, markaasna wuxuu shaqa Imaam nima ah ka helay dalka Imaaraadka Carabta. Meel Tuula ah ayaa la geeyey inuu Imaam ka noqdo oo dadka Tujiyo. Macallinka oo ahaa, nin Daaciya oo weyn, oo Ummaddu ka faaiidaysaneyso, una baahantahay, uma cuntamin inuu Tuula yar oo carbeed Imaam ka noqdo oo mushaar ku qaato, Ummaddii uu zaciimka u ahaa ee u baahnaydna ka tago, sidaa darteed ayuu bila yar ka dib kasoo ruqsaystay oo dalka kusoo noqday, Meelnana mar kale ugama bixin, inuu dan yar u boxo, ama xaj iyo cumro u tago mooyaane. Wuxuu waagaas igu yiri: Markaan tuuladii Imaaraadka tegey, oo aan arkay meel aanan dad wax uga sheegayn, oo dacwa ka wadayn, oo dad kaygii iyo shacab kaygii aanan arkayn, waxaan isu arkay nin dembi galay ee meeshan lagu soo xabbisay cararkii uu dalka iyo dacwada kasoo cararay, markaas ayaan xasuustay buu yiri, aayadihii Nebi Yuunus Calayhi Salaam lagaga sheekeeyey: Inuu Fakaday, oo Doonta Fuulay, Dabadeedna Badda la dhigay oo Kalluunka calooshiisa lagu xabbisay… Qalbigu waa murugoonayaa, ishuna waa ilmayneysaa, waxaan Ilaahay ka raalli ahaynna ma oran karno, Ilaahay Subxaanahu wa tacaalaa Walaalkeen Macallin Maxamuud ha u naxariistu, Jannaatul Firdowzna Allaha nagu kulmiyo, Eheladiisii & Asxaabtiisiina Ilaahay samir iyo iimaan haka siiyo. Ilaahayna waxaan ka barinay inaanu gadaashiisna na fitnayn, ajarkiisana naga qadin. Adduunyadu waa qof ka nastay iyo midey ka nasatay sida xaddiisku sheegay. Ilaahay haka dhigo kuwa adduunyada iyo dhibkeeda ka nastay, dembigiisana Allaha dhaafo, durrayidiisiina allaha xifdiyo, kaalinta dacwada booskiisi kaga bannaanaatayna Ilaahay wax ka khayr badan ha innoogu bedelo, isaga Jannaatul Firdowz ha ugu abaal gudo Aamiin. Muxamad Idris Axmed – London
  12. Innaa Lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Sheikh Maxamuud Macallin nuur oo loo yiqiin 'Macallin Maxamuud' wuxuu ahaa Daaci wayn, Xaafidul Quraan ah oo cabsida Ilaah wejigiisa ka muuqato, markii ugu horreysay waxay ahayd dhamaadkii sagaashanka isagoo Tafsiir ka akhrinaya Masjidkiisa ku yaal 'Waxarcadde'. Waxaan xusuustaa, markii Siyad Barre waddanka laga saaray inuu dadka baraarujinaayey isagoy la ahayd in haddii keligi taliyihii waddanka laga saaray wax walba 'shax-shax' noqon doonaan, hase yeeshee -nasiib xumo- maalmo kadib, Moor'yaan baa guriga ugu soo gashay isagoo eeday iney Siyad Barre isku heyb yihiin, markii dambena maalin cad ka dhaqaaqay gurigiisii isagoon wax dembi ah lahayn, wuxuu madax ka noqday Maamulka Islaamiga ah ee Gobolka Gedo, dagaalkii Xabashidana qayb weyn ka qaatay. Macallin Maxamuud wuxuu sanadihii ugu dambeeyey ku noolaa Mgaalada Kismaayo oo uu dacwo ka weday. Bilo ka hor ayaan ku arkay Masjid ku yaalla Xamar, isagoo garku gaduutay, Anigoo aad u jecel inaan salamo oon wareeysto ayaanan yeelin heybad iyo xishood darteed.
  13. Abwaan, runta iska sheeg Adiga & Duke isku sabab buu midba midka kale Madaxweynihiisa u diidanyahay!, Waxa aad ku eedeysay A/Y kanna waa qabaa ee adaan arkin for some reason!. Lakin Cabdullaahi lacag ma dhaco, taas waa been cad. Dooddan The Duke baa hoggaaminaya!.
  14. ^Same feeling sxb!, 'The patience has paid off' was all i could think.
  15. After the prayer and some shopping from the bookshop and the restaurant, i come to see a crowd of about 100 ppl with their mobiles holding to take photos!, i joined them and got my samsung phone out of my pocket, lakin Sheikh seemed to take his time, anna waa iska soo dhaqaajiyey! As Chubaka stated, Sheikha must be performing some lectures around, IA I'll go there.
  16. Today, I had the opurtunity to pray in Central Mosque. It reminded me of the Haram, because I prayed in the open, and looking at the dome, the minerate and the crowd contributed to it -I guess-. The Khutbah was about the Dawah and the Khatib mentioned some thing that I knew he is from Saudi Arabia. When he started reciting al Fatiha, it all came to me inuu yahay al Shaikh Abdurahman a Sudais xafithah Allaah.
  17. http://somalimemo.net/index.php?option=com_content&view=article&id=2569:saraakiishii-dhanka-ammaanka -u-qaabilsanaa-madaxtooyada-ee-shalay-isai-soo-dhiibay-oo-maanta-saxaafada-la-hadlaysawiro&catid=48: wararka
  18. ^^'source of disagrement' & 'not Islamic' kala saar, only obligatory is Islamic? what about the 'recommended'?. You believe women in pre-Islam wore Niqab?.
  19. Waraa 'is it Islamic' baan ka jawaabayeye adiga maxaa rabtaana?
  20. Originally posted by Johnny B: Is Niqaab an Islamic Attire ? i ask. War heedhe, Adigu ma xishootid miyaa! Meeqa mar baad su'aashan weydiisay oo jawaabo badan lagaa siiyey?. Hadduusan Islaami ahayn muxuu kaloo ahaan lahaa? sow ma ogid in Casrul Jaahiligii dumarku xijaaban jirin oo madaxa, qoorta, gacnaha iwm. u qaawnaayeen?. Xijaabka waxa la farad yeelay waqtigii Madiina, markaas kadib ayaa dumarka Xijaab & Niqaab'ba lagu arkay. Waxay Culimadu isku raacsanyihin in Ummuhaatul Mu'miniin Niqaabku waajib ku ahaa!. Sh. Ali al Tantaawi AUN wuxuu Memoir'kiisa ku qoray in Fernjigu intuusan soo gelin Syria in Dumarka Muslimaatka ah niqaabnaayeen. Hadduu war ku gelaayo waa ku kaa Islaamkaan naqaaney, wax kale haddaad weydiineysayse ad lee waaye!.
  21. Juxa, waa 'bottled water' oo Hargeysa lagu gado.
  22. http://wscdn.bbc.co.uk/programmes/b00t6qq6 fast forward to 23:30