Aragtida Habdhiska Maansada Soomaaliyeed
W.Q.: Dek Dirie
Haddii la yiraahdo ha laga falanqoodo hab-dhismeedka maansada Soomaaliyeed, waxaa mahurto noqonaysa in la xuso sooyaalka miisaankaasi soo maray. Cabdullaahi Diiriye Guuleed "Carraale" ayuu ahaa ninkii ugu horreeyay ee hab cilmiyaysan uga baaraandegay miisaanka maansada. Dabcan hortiis waa jireen aqoonyahanno wax ka yiri, ha yeeshee, wax-ka-dhihidda aqoonyahannadaasi ma ahayn mid mawduuc ahaan si toos ah u wajahaysay miisaanka maansada. Haddii ay ahaydna, kama aysan jawaabin su'aalaha aadkooda loogu baahday gorfaynta miisaanka maansada. Suaalahaas ay ka midka yihiin:
1) Maxaa tixda ka duwa tiraabta?
2) Maxaa noocyada faraha badan ee tixda kala sunsuma?
3) Maxaa xeeriya cuddoonaanta ama laaxinka tixda?
Carraale ayaa ugu horreeyay wax jawaab waafi ah ka bixiya. Waa tan la yiri wax badan qabo wax badan baad khaldine. Daldaloollo uu farta noogu fiiqay buu nooga tegay.
Waxaa garbihiisa ka duulay saaxiibkiis John William Johnson, oo ay xiriir wada-shaqayn ah lahaayeen. Inkasta oo uu Johnson raacay waddadii uu Carraale jeexay, haddana waxa uu adeegsaday gaadiid ka dhakhso badan kii Carraale. Saas oy tahayse, nooma daboolin daldaloolladii uu Carraale na soo gaarsiiyay in aynu aragno.
Waxaan jeclaan lahaa in aan isla eegno miisaanka jiiftada innaga oo ka ambaqaadayna habkii ay labadaas aqoonyahan u qaadaadhigeen. Dabadeedna aad ila xaqiijisaan jiritaanka daldaloolladaas aan carrabka ku dhuftay. Haddii aynu isla gaaranana aad ila beekhaamisaan sidii loo dabooli lahaa.
Waxa aan ku bilaabayaa eraybixinta erayada aan u isticmaalayo miisaanka, oo badankood yihiin kuwo hirgalay.
shaqalgaab = a short vowel (a, e, i, o, u)
shaqaldheere = a long vowel (aa, ee, ii, oo, uu)
dhafane = a diphthong (ay, ey, oy, aw, ow)
shaqal = mora; duration of the short vowel (NB. There are two moras in the long vowel and/or the long diphthong)
meeris = a line of poetry
tuduc = stanza
alane = a syllable
tix = verse
maanso = poetry
tiraab = prose
faaltuug = anacrusis and/or trunction in a poetry line.
Sannadkii 1976dii ayaa Carraale waxa uu magaalada Marka ku qoray buug uu uga faallooday miisaanka tixda gabayga. Si uu uga jawaabo su'aalaha aynu kor ku xusnay, waxa uu soo bandhigay saddex xeer oo uu u arkay in ay khasab tahay in lagu gorfeeyo meeriska tixda:
1) Isku dheelli tirka tirada shaqal iyo tan alane.
2) Tusmada shaqalladu u taxmaan meeriska dhexdiisa.
3) Hormaynta alanada meeriska oo koox koox la isku raaciyo.
Inkasta oo buugga Carraale uu ku koobnaa miisaanka gabayga, haddana saddexdaan xeer waa looga baaraandegi karaa noocyada maansada oo dhan. Tusaale ahaan, bal aynu midmid ugu jimayno meeriska jiiftada.
1) Isku dheelli tirka tirada shaqal iyo tan alane ee meeriska jiiftada:
A) Meeris kasta ee jiifto waxa uu ka dhisaalmaa sagaal shaqal. Intaadan tirada ku hubin meerisyada aad taqaanid, waxaad xusuusnaataa
i) in shaqaldheeruhu uu u dhigmo labo shaqal.
ii) in dhafanuhu marmarna u dhigmo hal shaqal, marmarna laba shaqal. Sida iyo goorta, Insha Allaah, mar dambe ayaynu ka faalloonaynaa. Haddase waxaad, fadlan, sii aamintaa qodobkaan, oo waxaad dhafanayaasha aad kala kulanto meerisyada noogu xisaabtaa laba shaqal ama hal shaqal hadba tan noo buuxinaysa tirada sagaalka shaqal ah. Tusaale ahaan, meeriska "Hooyoy la'aantaa" dhafanaha 'oy' waxaad u xisaabinaysaa labo shaqal; halka meeriska "Baadi wayska maashoo" dhafanaha 'ay' aad u xisaabinayso hal shaqal.
Si kasta oo aadse noogu qodaxsiibto, waxa aadan ka fursanayn in aad la kulanto meerisyo ka koobmaya 10 shaqal. Sida:
Adduunyadu hubaashii
Taasna waxaan ku fasiraynaa in meerisyada maansada Soomaaliyeed ay marmar qaataan hal shaqal oo siyaado ah, oo Carraale ku magacaabay Faaltuug. Wuxuu Carraale noo sheegay in Faaltuuggu uu yaalaaba meeriska gabayga uga dhaco alanaha labaad. Gabyaaga oo ay u habboonayd in uu alanaha labaad ka dhigo mid gaaban ayaa ka maarmi waaya in uu isticmaalo eray ku khasba mid dheer. Taasna waxay culays siyaado ah ku keentaa meeriska. Si aan culayskaas u wiiqin gabayga ayaa marka tixeeyuhu ku luuqaynayo meeriska faaltuugga leh uu soo gaabiyaa alanahaas.
Arrintaan waa la waafajin karaa jiiftada. Oo haddii shaqaldheeraha ku jira alanaha labaad ee meeriska kor
ku xusan laga dhigo mid gaaban, sida:
Addimadu hubaashii
Waxa aynu arkaynaa in cuddoonaan u siyaadday meeriska mooyee inaan wax laaxin ahi ku soo kordhin. Saas oy tahayse, waxaan ognahay haddii lagu xareedinayo meeriska hore (Adduunyadu hubaashii) in alanaha labaad la jiido. Taasna waxay nagu boorinaysaa in aynu faaltuugga ku sheegno alanaha kowaad ee gaaban. U fiirso, oo meerisku waa sii cuddoonaanayaa haddii loo dhigo sidaan:
Duunyadu hubaashii
Si kastaba ha ahaatee, waxa aynu Carraale uga dayanaynaa in aynu meerisyada jiiftada u kooxaynno labadii nooc ee uu u kala qaybshay kuwa gabayga. Meeris kasta oo jiifto ah oo leh 9 shaqal waxaynu ku magacaabaynaa Sal; hadduu lee yahay 10 shaqalna Farcame.
Isku soo duuduub, meeriska saleed ee jiifto wuxuu dabciyan lee yahay 9 alane; wuxuuna oggolaan karaa hal faaltuug, taasoo u keenta in uu noqdo farcame.
B) Xagga alanaha, jiiftadu waxay ugu badnaan yeelan kartaa 9 alane, ugu yaraanna 5 alane. Taas
macnaheedu waxaa weeye meeriska jiifto waxa uu u kala baxaa shan nudood, oo kala ah:
a) Nudda 1aad: 5:4 (shan-afarre) (i.e. shan alane oo afar shaqal dheere tahay.)
tus: Duul haad Amxaaraa ama Haaneedka siisee
Haddii mid ka mid ah shaqal dheerayaasha meerisyada nudda 1aad loo kala jebiyo labo shaqalgaab,waxaad arkaysaa in meerisku weli cuddoon yahay.
tus: Dalal haad Amxaaraa ama Hambadeeda siisee
Meerisyada noocaan ah waxaynu ku magacaabaynaa Nudda 2aad. Markasta oo hal shaqaldheere loo kala jabiyo labo shaqalgaab waxaynu sii helaynaa Nudda 3aad, 4aad, iyo tan 5aad. U fiirso, markii shaqaldheere kala jababa waxaa sii badanaya alanaha. Si kale, shaqaldheeraha iyo allanadu waa is dheellitirayaan. Isku soo celceli afarta nudood ee ka samaysma nudda 1aad, waxay yeelanayaan qaabdhismeedkaan:
b) Nudda 2aad: 6:3 (lix-saddexle) (6 alane oo 3 shaqaldheere tahay.)
tus: Dir miyaad wadaagtaan ama Dayax heego joogoo
c) Nudda 3aad: 7:2 (toddoba-labaalle) (7 alane oo 2 shaqaldheere tahay.)
tus: Dacwad baan ka leeyahay ama Dadku uma hayaameen
d) Nudda 4aad: 8:1 (siddeed-halle) (8 alane oo midi shaqaldheere yahay.)
tus: Wersangali doc uga bayr ama Garta geed ka niqi kara
e) Nudda 5aad: 9:0 (sagaal-ebberre) (9 alane oo 9kuba shaqalgaab yihiin.)
tus: Garta madal ka niqi kara.
Ilaa iyo hadda waxaynu adeegsannay hal xeer oo ka mid ah saddexdii xeer ee Carraale u adeegsaday habdhiska meeriska gabayga. Ma is leedahay xeerkaan baaba nagu fara bataye, maxaa labada kale looga baahan yahay?
Waxaa dhacdo ah in aad la kulanto oraahyo naxwe ahaan sax ah, oo waafaqsan xeerka kowaad, balse iska daa jiifto e, aan xitaa lagu sheegi karin tix. Tusaale:
1) (8:1) Cali ayaa imanaya.
2) (8:1) Doc uga bayr Wersangeli.
3) (7:2) Uma hayaameen dadku.
4) (6:3) Miyaad Dir wadaagtaan?
5) (5:4) Soo sii haaneedka.
Hmmmn! Waxa aynu markiiba garanaynaa in xeerka aynu adeegsannay uusan xadaysnayn (not maximally constrained), xaalad uu oggolaanayo oraahyo aan jiifto ahayn. Si aynu taas uga guulaysanno, waxaa lama huraan noqonaysa in aynu adeegsanno labada xeer ee kale, ee Carraale. Intaas ayaynuse maanta ku soo afjaraynaa.
FG: Habka Johnson uu u soo bandhigay miisaanka maansada ayaad mooddaa in uu ka tafo gaaban yahay habkan aynu raacnay ee ku salaysan Xeerarkii Carraale. Waxaanse is lee yahay in qofku hanto fikradda aasaasiga ah ee aragtida habdhiska maansada Soomaaliyeed waxay ka dhawdahay raacidda waddada Carraale. Ogowna, Johnson laftiisu inuu raacay isla waddadaan.
LAYLIS:
1) Maxaa u diidaya shanta tixood ee kore in ay noqdaan Jiifto?
2) Maxay Jiifto iyo Masafo ku kala duwan yihiin?
3) Haddaad akhrisay qormada Johnson, sidee baad u eraybixin lahayd erayadaan: mora, monoseme, and deseme.
Aragtida Habdhiska Maansada Soomaaliyeed
Qaybta Labaad
W.Q.: Dek Dirie
Qormadii hore, waa tii aynu meeriska jiiftada ku jaangoynay Xeerka Kowaad ee Carraale (Isku dheellitirka tirada alane iyo tan shaqal). Waana tii aynu la soo dibad baxnay qodobkaan:
A) Meeriska saleed ee jiifto wuxuu dabciyan (unmarked) lee yahay 9 shaqal; wuxuuna oggolaan karaa hal faaltuug, taasoo ku keenta in uu noqdo farcame (ideosyncratic). Xagga alanaha, waxa uu meeriska saleed ugu badnaan yeelan karaa 9 alane, ugu yaraanna 5 alane, taas oo ay xeeriso hadba inta shaqaldheere ee uu qaato.
Sidoo kale, waa tii aynu sii sheegnay in aad la kulmi karto oraahyo naxwe ahaan sax ah, oo waafaqaya qodobkaan, balse iska daa jiifto e, aan xitaa tix lagu sheegi karin. Tusaale:
1) (8:1) Cali ayaa imanaya.
2) (8:1) Doc uga bayr Wersangeli.
3) (7:2) Uma hayaameen dadku.
4) (6:3) Miyaad Dir wadaagtaan?
5) (5:4) Soo sii haaneedka.
Waxa aynu maanta isku dayaynaa in aynu qodobkaas ku xadayno Xeerka labaad ee Carraale (Tusmada shaqalladu u taxmaan meeriska dhexdiisa), si aynu u caddaynno sababta aysan meerisyada kore u noqonayn Jiifto.
Waxa aynu ilaa hadda ognahay, oo aynu shanta nudood ee meeriska saleed ee jiiftada kala soo dibad bixi karnaa, in meeriska jiiftadu xamili karo ugu badnaan ilaa afar shaqaldheere. Bal aynu isla fiirino meelaha ay shaqaldheerayaashaasi geli karaan.
I) Aynu ku bilowno nudda kowaad, shan-afarrlaha (5:4) (meeris ka dhisaalma 5 allane oo afar ka mid ahi shaqaldheere wataan). Tusaale:
1) Haaneedka siisee -- -- - -- --
2) Hooyoy la'aantaa -- -- - -- --
3) Daarood Ismaaciil -- -- - -- --
FG: -- == alane shaqaldheere ama dhafanedheere leh, sida: 'haa', 'need', 'sii', 'yoy'.
- == alane shaqalgaab leh, sida: 'la', 'ka', 'is'.
Waxaa saddexdaan meeris ku cad in mid walba uu wato hal shaqalgaab, kaas oo mar walba gala rugta kala barta meeriska. Macnaha, marka meerisku ka koobmo afar alane oo shaqaldheere leh iyo hal alane oo shaqalgaab leh, alanaha shaqalgaabka lihi wuxuu galaa bartanka, oo labo shaqaldheerena waa ka hormartaa, labana waa ka dabamartaa. Bal aynu ku eegno in alanaha shaqalgaabka lihi geli karo rug aan ahayn tan kala barta meeriska:
1) Soo sii Haaneedka -- -- -- -- -
2) Haaneed siinta guud -- -- -- - --
3) Hooyadaas beenteed -- - -- -- --
4) Ismaaciil Daarood - -- -- -- --
Waxa cad in meerisiyada kore jaban yihiin. Sababtuna ay tahay iyaga oo alanaha shaqalgaabka leh ku qaatay rug aan ahayn tii kala baraysay meeriska. Arrintaan waxa ay noo saamaxaysaa in aynu Nudda 1aad ee meeriska saleed u qeexno sidaan:
Nudda kowaad ee meeriska saleed ee jiiftadu waxa ay ka dhisaalantaa shan alane, oo afar ka mid ahi shaqal dheere yihiin, midna shaqal gaab kaasoo gala bartamaha meeriska. Tusaale:
1) Hoobaan la moodoo -- -- - -- --
Bacdamaa aynu soo sheegnay in afarta nudood ee kale ay ka samaysmeen nuddaan (5:4), waxaa khasab noqonaysa in ay waafaaqaan qodobkaan, oo ay mar walba shaqalka shanaad ee kala bara meeriska ay ku xafidaan shaqalgaab. Bal aynu nudaha kale mid mid u qaadaa dhigno.
II) Waxaynu soo sheegnay in Nudda 2aad (6:3) ee meeriska saleed ay ka unkato Nudda 1aad (5:4) oo afarta alane ee shaqaldheeraha leh mid ka mid ahi u kala jabo labo alane oo leh shaqalgaabyo. Maaddaama Nudda 1aad ay leedahay afar shaqaldheere, haddii aynu mid mid u jebjebino waxa aan helaynaa afar tusmood oo lix-saddexle ah. Tusaale:
1) Dir miyaad wadaagtaan -|- -- - -- --
2) Oo Doxorrayaashii -- -|- - -- --
3) Qaaruun Dad iyo maal -- -- - -|- --
4) Diigaanyo ciidana -- -- - -- -|-
FG: -|- == Labo alane oo leh laba shaqalgaab, asii isku noqon kara hal alane oo hal shaqaldheere leh.
Waxaa afartaan meeris ee kore ku cad in shaqalka shanaad uu mar walba ku dhacayo alane shaqalgaab ah. Waxaa kale oo ku cad in shantii alane ee Nudda 1aad aan midna mid ku soo xadgudbin. Macnaha, haddii bal mitalan shaqaldheeraha kowaad ee Nudda 1aad uu la falgali lahaa shaqaldheeraha labaad, oo uu saas ku samayn lahaa Nudda labaad (6:3), meerisku waa jebi lahaa. Tusaale:
1) Miyaad Dir wadaagtaan - -|- - - -- --
Sidoo kale haddii shaqaldheeraha 3aad iyo kan 4aad ee Nudda 1aad ay isla falgeli lahaayeen si ay wadajir ugu sameeyaan labo shaqalgaab iyo hal shaqaldheere, meerisku waa jebi lahaa. Tusaale:
2) Diigaanyo Amxaaro -- -- - - -|- -
Isku soo duudduub haddii saddexda shaqaldheere ee meeriska lix-saddexlaha ah ay u taxmaan si ka duwan afarta tusmo ee kor ku xusan, meerisku waa jabayaa.
III) Mar haddii aynu isla aragnay sida Nudda 2aad looga soo dhiraandhiriyay Nudda 1aad, waxa aynu sii qiyaasi karnaa sida Nudda 3aad (7:2) ay u samaysanto. Mid ka mid ah saddexda shaqaldheere ee Nudda 2aad (6:3) ayaa u kala jabaya labo shaqalgaab. Taas ayaa na siinaysa meeris toddaba alanle ah, oo laba shaqaldheere wata, kuwaas oo u taxma lix tusmood. Tusaale:
1) Igu dile daraaddaa -|- -|- - -- --
2) Dumarkii ma furayaan -|- -- - -|- --
3) Dacwad baan ka leeyahay -|- -- - -- -|-
4) Duur idinku hurinoo -- -|- - -|- --
5) Dooddaye maxaad oran -- -|- - -- -|-
6) Deeq baa mid kale yiri -- -- - -|- -|-
Bal u fiirso, oo sidii labadii nudood ee hore:
a) Mar walba shaqalka shanaad waa alane shaqalgaab ah.
b) Sidoo kale, shantii alane ee Nudda 1aad, midna mid lama falgalin.
Haddii labada shaqaldheere ee nuddaan (7:2) ay u taxmi lahaayeen, si ka duwan lixda tusmo ee kor ku xusan, meerisku waa jebi lahaa.
IV) Nudda 4aad (8:1), oo ka kooban afar tusmo. waxa ay iyana ka soo jeedda Nudda 3aad (7:2). Mid ka mid ah labada shaqaldheere ee Nudda 3aad ayaa u kala jabaya labo alane oo shaqalgaabyo wata. Tusaale:
1) Wersengeli doc uga bayr -|- -|- - -|- --
2) Dar Alliyo heshiisiyo -|- -|- - -- -|-
3) Dan la'aanta ugu dhiman -|- -- - -|- -|-
4) Dooxanaha murtadka ah -- -|- - -|- -|-
Haddii halka shaqaldheere ee nuddaan uu galo rug aan waafaqsanayn afartaan tusmo ee kor ku xusan, meerisku waa jabayaa. Sidoo kale, sida nudihii hore, weli shaqalka shanaad waa mid gaaban. Isla markaasna alanayaashu kuma ay xadgudbayaan soohdintii ay ku yeesheen Nudda 1aad. Oo tirada alanayaasha ee badanayaahi, waxa ay ku imanayaan oo qura marka shaqaldheere u kala jabo labo shaqalgaab.
V) Nudda 5aad (9:0), waxa ay ka dhalataa marka halka shaqaldheere ee nudda afaraad u kala jabo labo shaqalgaab. Taas oo na siisa hal tusmo oo leh sagaal alane, oo sagaalkuba shaqalgaab yihiin, taas oo weli ilaalinaysa xeerarkii ay tusmooyinka kale xafideen. Tusaale:
1) Garta madal ka niqi kara -|- -|- - -|- -|-
Isku soo wada duub, gorfaynta meeriska jiiftada, ilaa hadda waxa aynu ka miisnay laba heer oo aan, fahankayga, ka soo minguuriyay Cabdillahi Diiriye Guuleed (Carraale). Waxa aynu la soo dibadbaxnay in Meeriska Jiiftadu u qaybsamo mid Sal (base) ah iyo mid farcame (derivative) ah. Waxa aynu ilaa hadda qaadaadhignay Meeriska Saleed, oo aynu hadda u sifayn karno sidaan:
"Meeriska Saleed ee Jiiftadu waxa uu ka dhisaalmaa ugu yaraan shan alane, oo afar ka mid ahi wataan shaqldheerayaal (shan-afarre). Mid kasta oo ka mid ah afarta shaqaldheere waxa uu u kala jabi karaa laba shaqalgaab, taas oo meeriska badi karta in uu dheegmo afar nudood oo kala ah: lix-saddexle, toddaba-labaale, siddeed-halle, ama sagaal-ebberre, iyada oo ku xiran hadba inta shaqaldheere ee u kala jabtay shaqalgaabyada. Celcelis, shaqaldheerayaasha shanta nudood waxa ay u taxmaan 16 tusmo, oo ilaaliya laba xaaladood:
a) Mar walba shaqalka shanaad waa alane shaqalgaab ah. b) Sidoo kale, shanta alane ee Nudda 1aad, midna mid lama falgalo. Oo badashada alanayaashu waxa ay ka dhalataa oo qura marka shaqaldheere u kala jabo labo shaqalgaab.
Saas iyo saas oo keliya baa xeerisa cuddoonaanta Meeriska Jiiftada ee Saleed."
Not so fast!
Bal ila fiiri, oraahyadaan xafidaya xeerarkayaga. Maxaa khaldan bay kula tahay? Ogowna, mooggaan laylis ma aha, ee waa "Yaa ila furdaanshoy!"
1) Usha gambarka ha ku dhufan
2) Kama carrabin karo afka (ku qiyaas: Afka kama carrabin karo)
3) Bal inaan dugsi u ahay
4) Beerkaa i go'ahaya
Sidoo kale, bal waxaad ila eegeegtaan, saddexdaan meeris ee Sayidku mariyay, ee indha-adayggooda, jebinaya xeerarkii aannu ku soo tiir iyo tacab beelnay:
1) Dirhan haddii aan kaga tago (11 shaqal)
2) Duunkaagu wuxuu qabo (10)
3) Sow daraaddi kuma dhiman (10)
Rag iyo Dumar Allow Maxaa Baas oo Khaldan?
Hint: Xaashee, Sayidka LAAXIN haba ku sheegin.
Si kastaba ha ahaatee, qodobka la xiriira Meeriska Jiiftada ee Farcamaha, waxa aynu si faahfaahsan uga hadli doonnaa marka aynu, Insha Allaah, ka doodayno habka Johnson u gorfeeyay Jiiftada.
Inta ka horraysa sidaas iyo nabadgelyo,
FG: Maaddaama qormada iyo xeerarka aan Carraale ka soo xigtay ay si toos ah uga hadlayeen tixda gabayga. Kuwaas oo sidii aan islahaa waad u fahantay aan ugu adeegsaday gorfaynta Jiiftada, wixii daldaloolo ah ee qormadaan iyo tii hore ka soo baxa waa xaggayga.
Dar Alle,
Deeq Diiriye,
Cartan meshaan so mahan meeshi aad noo tilmaamtay?
Read it Ppl