Mr. Somalia

Nomads
  • Content Count

    1,866
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Mr. Somalia

  1. ^ ...add to that, the obvious frustration of the emasculated mugged ones will have to deal with, yet again, come June.
  2. Masha Allah. The first speaker spoke very well. I wish SSC brothers Guul, Hormar iyo Cadaalad.
  3. ^ LOL This thread reminds me of an old Nursery Rhyme called "The wheels on the bus go round and round", whose lyrics go like so.. The wheels on the bus go round and round. round and round. round and round. The wheels on the bus go round and round, all through the town! The people on the bus go up and down. up and down. up and down. The people on the bus go up and down, all through the town! The horn on the bus goes beep, beep, beep. beep, beep beep. beep, beep, beep. The horn on the bus goes beep, beep, beep. all through the town! The wipers on the bus go swish, swish, swish. swish, swish, swish. swish, swish, swish. The wipers on the bus go swish, swish, swish, all through the town! The signals on the bus go blink, blink, blink. blink, blink, blink. blink, blink, blink. The signals on the bus go blink, blink, blink, all through the town! The motor on the bus goes zoom, zoom, zoom. zoom, zoom, zoom. zoom, zoom, zoom. The motor on the bus goes zoom, zoom, zoom, all through the town! The babies on the bus go waa, waa, waa. waa, waa, waa. waa, waa, waa. The babies on the bus go waa, waa, waa, all through the town! The parents on the bus go shh, shh, shh. shh, shh, shh. shh, shh, shh. The parents on the bus go shh, shh, shh, all through the town! The mommy on the bus says, I love you. I love you, I love you The daddy on the bus says, I love you, too. All through the town.
  4. Originally posted by Haatu: For a moment there I was thinking which Che is he talking about. I thought to myself he surely can't be talking about the real deal, maybe the SOL one I, too, thought that he was speaking about our very own, faux Che of SOL. Which would obviously make way more sense than comparing the pathetic Shariif Hotel to Ernesto "Che" Guevara-- the Argentinian revolutionary with the much celebrated indomitable spirit of the good old days....
  5. Originally posted by Che -Guevara: ^Geel dameerbaa dhaama inee geella malihid asaa kuley. ^ Af Soomaaligaan caalamiga ah, anigu ma aana fahmin-- ee bal ii jilci walaale!
  6. Originally posted by Mr.Paragon: Indeed, G. Somaliland is currently in a legal limbo of some sorts. What a shame. Advice to SL: rejoin and regain! "Rejoin"?? "Rejoin" WHAT? As if they ever left ... Remember this whole Marfashland brouhaha is nothing but a figment of their marqaan incapacitated imagination. No one in the world has recognized this foolishness. In fact-- irregardless of what the loud cretins on SOL, who support this silliness would want us to believe in here-- a great majority of the Somali people of Waqooyi Galbeed are against this nonsense; but because their isn't YET, a strong national government in Xamar, with which to coalesce around, they choose to --justifiably-- bid their time and not politically stir the pot unnecessarily up north, over this issue. And besides, most of them are practically hostages to the dictatorial whims and political muggings of Riyaale( ). Therefore, they are helpless for now. But God willing, once Xamar gets its act together, hal farr baa loogu yeeri doonaa, you just watch! :cool:
  7. ^ Tell us Mr.Abwaan; what have the remnants of the former USC (which you've been an ardent supporter of and former gunner for, as well), ever built in Somalia, except destroy and ruin what was already built and developed? Now, as for the topic at hand...I believe that our Gedo brothers have finally seen the light... After many decades of being easily spoon fed by Mr. Siyaad Barre outright favoritism and patronage; after taking many years to finally comprehend that the General is INDEED gone for good and their days of being spoiled little parasites were finally over; and also, after realizing that being pitifully split into ideologically different supporters of Ahlu Shirki, Al Shabab, and other non-important warlords; they now agnize that it's about time they got their acts together and started to build something positive, for once in their lives, for themselves-- like Puntland and other have been doing, thus far, in Somalia. This Airport is but one of these dreams/plans they hope to bring to fruition, insha-Allah. I believe there is also a University in the works, as well. In any case, we must ALL encourage these endeavors and wish our brothers all the success in the world. As for Mr Abwaan and the destructive hordes of the anarchist south-- I urge your lot to heed my advise: "Ku dayo Puntland!", just like our brothers from Gedo are doing. :cool:
  8. Originally posted by The Zack: ^are u for real? Your sarcasm is obvious. SSC = Somalida Saxda ah Ceyn walba. ^LOL Nice one.
  9. Originally posted by The Zack: ^are u for real? Your sarcasm is obvious. SSC = Somalida Saxda ah Ceyn walba. ^LOL Nice one.
  10. Faallo: Xaaladda Gobolka Cayn; Jawaabta Xukuumadda, Maqnaanshaha Baarlamaanka iyo Doorka SSC June 1, 2010 Todobaadyadii la soo dhaafey waxaa ka taagnaa deegaanada Gobolka Cayn ee Puntland xaalad cakiran, kadib markii ciidamada Itoobiya ay u soo talaabeen xadka Soomaaliya, sidoo kale ciidamo ka tirsan Maamulka Somaliland ayaa isla maalintaas isku dayey in ay qabsadaan degamada Widh-widh oo 70km u jirta xarunta Gobolka Cayn. Taariikhdu markey ahayd 15.May 2010 ayaa warbaahinta Horseed Media ogaatey in ciidamo Itoobiyaan ah ay soo dhaafeen halkii xuduuda u ahayd, isla markaana ay qabsadeen gawaari laga lee yahay deegaanka Buuhoodle, waxaan arintaas waraysi ka siiyey Horseed Media guddoomiyihii Buuhoolde rabbi ha u naxariistee Xuseen Ducaale oo isagu waraysiga kadib si kedis ah u dhintey 4 maalmood kadib, marka uu waraysiga bixiyey, kadib waxa Horseed Media la xiriirtey wasiiro kamid ah Puntland waxa ay sheegeen in warkaasi aanu waxba ka jirin isla markaana shirkii dhacay 17.May 2010 ee golaha xukuumadda aan lagu soo qaadin. Dagaalka Buuhoodle ayaa dhacay 21.May 2010, waxaana isaga horyimid shacabka Buuhoodle iyo ciidamadii Itoobiyaanka ee xayiraada dhaqdhaqaaq ku soo rogey Buuhoodle, dagaalkaas waxaa shacabka Buuhoodle uga dhintey 13 qof, waxaana ku dhaawacmey dad gaaray 30 qof , sidoo kale isla maalintaas ciidamada Somaliland waxa ay u soo dhaqaaqeen dhanka Widhwidh, waxaana dagaal kala hortegey xoogag taabacsan hoggaanka SSC, dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay shacab ku xasuuqeen halka loo yaqaan Balihadhac, guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Puntland Xaaji Xuseen Yaasiin ayaa Horseed Media u sheegay in Widh-widh ay haystaan Somaliland halka xoogaga SSC ay ku hareeraysan yihiin waxaana wararka u danbeeyey sheegayaan in culimaa’udiin is xilqaamey ay wadaan waanwaan ah in ciidanka Somaliland dib uga baxo gobolka Cayn si loo baajiyo dagaal kale oo halkaas ka dhaca. Xukuumadda Puntland ayaa xiisadda ka taagan Cayn ku koobtey waraysiyaal ay bixiyeen qaar ka mid ah wasiiarada Puntland, kuwaas oo arinta ku koobey in ay tacsi diraan iyo baaqyo labada dhinac ku aadan iyo in qaar kamid ah masuuliyiinta ka soo jeeda Cayn loo diro gobolka Cayn kuwaas oo wadahadal aan miro dhalin la yeeshay ciidamada Itoobiya. Madaxweynaha Puntland Markii uu dhacay dagaalka gobolka Cayn, Madaxweynaha Puntland waxa uu ku jirey safar, maalinta uu bilowdey shirkii Istanbul ee 21 May 2010 ayey hayad markii ciidamada Itoobiyaanku ay dileen 13 qof oo reer Buuhoodle ah isla markaana dhaawaceen dad gaaraya 30 qof, Madaxweynuhu waxa uu fursad u heley waraysi BBC-du la yeelatay 24 May 2010, laakiin kama faa’ideysan fursadaas wax tacsi ah hawada uma marin shacabkii halkaas ku dhintey, mana soo qaadin arinta Cayn. Madaxweyne Dr.Faroole ayaan lahayn qorshe cad oo ku aadan Gobolada Sool iyo Cayn, marka laga reebo maalintii uu doorashada gelaayey ee uu sameeyey balan qaadka ah in uu soo celinaayo dhulka maqan, waxaana la isweydiinayaa aamusnaanta dheer iyo qorshe la’aanta ku aadan goboladaas sida ay dhaawac u gaarsiin karto midnimadii Puntland.. Madaxweyne ku xigeenka Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire waa nin khibrad u leh arimaha ciidanka, waxa uu ka soo qabtey xilal badan Puntland, magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxa ay faraha Puntland ka baxdey mudadii uu ahaa Taliyaha Ciidanka Daraawiishta, kadib markii ciidamo malayshiyo beeleed ah oo ka soo jeeda deeganaada Sool oo gacansaar la leh Somaliland kuwaas oo fadhiyey togga Waqi-dari ee duleedka Laascaanood ay gudaha magaalada u soo galeen xabadna ka bilaabeen, taas oo ay ku dhiiradeen ciidmada Somaliland ee fadhiyey Adhi-cadeeye in ay weerar ku soo qaadeen ciidamadii horfadhiyey, kadibna ay toos ula wareegaan Laascaanood. Gen.Cabdisamad Cali Shire waxaa aad loogu rajo weynaa in haddii uu qabto jagada labaad ee Puntland isla markaana uu talo weyn ku yeeshay maamulka in uu wax badan ka qabanaayo xaaladda gobolada Sool iyo Cayn, laakiin taasi may dhicin, doorashadii Madaxweynaha ee Puntland kadib ciidamo badan ayaa ku sugnaa Tukaraq kuwaas oo Puntland ka amarqaata, ma dhicin in madaxda sare booqdaan isla markaana soo dersaan xaaladooda dhabta ah, taas oo ciidamada dhiiri gelin u ah. Awoodaha Madaxeyne ku xigeenka waxaa kamid ah in uu isagu Madaxweyne ka yahay dalka inta Madaxweynuhu maqan yahay, laakiin waxa maanta ka socda Gobolka Cayn, Madaxweyne ku xigeenku war rasmi ah kama soo saarin isaga oo marar badan saxaafadda, ka soo muuqdey. Qaar ka mid ah shacabka ayaa is weydiinaaya in Madaxweyne ku xigeenku ku mashquuley simaaro la furo iyo xaflado laga qaybgalo halka qaar ka mid ah dalkii dab ka baxaayo, weliba shacabka qaarkiis ayaa tilmaamaya in Gen. Cabdisamad aanu ahayn ninkii wax loo tilmaami lahaa. Qunsuliyadda Itoobiya Todobaadkan waxaa qunsuliyad ka furatey caasimadda Puntland dawladda Itoobiya, taas oo ka shaqeyn doonta xiriirka labada maamul, ganacsiga, amniga iyo arimaha socdaalka, Gen Cabdisamad Cali Shire ayaa halkaas ka jeediyey khudbad kooban oo lagu tarjumaayey af Amxaariga, waxaana dadka qaarkiis ku tilmaameen in ay ahayd khudbadii u xumeyd ee abid uu jeediyo nin masuul ah, isaga oo ilaaway qarniga iyo casriga la maraayo, iyo masuuliyadda uu hayo, isla markaana indhaha ka shareertey xaaladda taagan waxa uu ku tilmaamey abaalka ay Soomaali u hayso Itoobiya in uu yahay mid xitaa caruurta Soomaaliyeed ku barbaarin doono, waxaana uu ku soo dhameeyey Itoobiya ha guulaysato, Malas Sanaawi ha jiroo ha joogo!, ma ahayn khudbad ka hadleysa xiriirka labada maamul arimaha ka dhexeeya ee loo baahan yahay in markasta la iska kaashado, sidoo kale waxanu kuba soo qaadin waxa maanta ka taagan Buuhoodle, iyo in shacabkii la khiyaameeyey kolkii ay hubkii ay ka qabsadeen Itoobiyaanka ay u gacan geliyeen odoyaasha dhaqanka taas oo heshiisku ahaa in loo sii daayo gawaarida laga xanibay, laakiin gawaaridii waxaa lageeyey Gaashaamo oo ka tirsan maamulka Itoobiya, iyada oo la sheegay in ganaax iyo canshuur gawaaridaas laga qaadayo taas oo aan la garanayn halka ay salka ku hayso. Maamulka Puntland waxa loo doortey in uu shacabka u adeego, waxaa loo doortey in uu dalka ka difaaco cidkasta oo ku soo xadgudubta, hadaba shacabka Cayn miyaanu Puntland ahayn, haddii jawaabtu tahay maya, hala caddeeyo hana laga waantoobo in la sheegto, shacabka Buuhoodle oo u fadhiya axankii dadkii ka dhintey ma dawbaa in Madaxweyne kuxigeenku yiraahdo, Abaalka Itoobiya ma gudi karno caruurteena ayaana uga sheekeyn doonaa oo ku barbaarineynaa? iyo hadalo ka daran. Mise xaalku waa: Wanka macasha ii qabo; Adigu gawrac ii mari; Dhiiggana aan muudsado Inkasta oo siyaasiyiinta Gobolada SSC timahoodu hal dhan aanu u wada xiirmin, midkastaana maalin shacabka maqashiiyo xaajo uu dan ku wato, Sida Xaabsade oo maalin ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, Waxa uu ka mid ahaa ragii asaasey Puntland isaga oo 9 sano ahaa Wasiir aan dhicin oo Puntland ka tirsan, halka maanta haddana uu shacabka maqashiinaayo “….weligey sidaan u qosley markaan Hargeysa ku noqdey uma qoslin intii aan Garoowe joogey…”, laakiin waxaa marag ma doonto ah in shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn ay yihiin kuwa hortaagan in Somaliya laba loo kala jaro, xornimada iyo midnimada Soomaaliyana kaga jira baal dahab. Shacabka SSC ayaa u muuqda kuwo siyaasiyiinta u dhalatay ay lugooyeen maamulka Puntland oo ay wax ka dhiseen kuna qanacsanaayeen malahan wax qorshe ah oo ku aadan goboladaas, magaalada Laascaanood waxaa la qabsadey saddex sano ka hor, waxaana maamulku ku doodi jirey maamulkii hore ayaa laga qabsadey, 22 May waxaa maamulka Somaliland qabsadey magaalada Widhwidh (sida uu xaqiijiyey guddoomiye kuxigeenka baarlamaanka Puntland), mana jirto cid ka hadashey arintaas isla markaana u diyaar ah in dhulka inta dhiman ay wax ka difaacaan. Baarlamaanka Puntland oo fasax dheer ku maqan Marka aad maqasho Baarlamaan qof walba waxaa maskaxdiisa kusoo dhaceysa Gole ay ku dhan yihiin wakiiladii Shacabka matalayey, kuwaasi oo hawshoodu tahay inay danta shacabka ka shaqeeyaan, sharciyada dajiyaan, isla markaana la xisaabtamaan Xukuumada. Hase yeeshee Baarlamaanka Puntland ayaa maanta ah mid aan lagu tilmaami karin Baarlamaan u shaqeenaya shacabka, waxaa isweydiin muddan xili uu dalka xaalad adag iyo dagaalo ku jiro, isla markaana qeybo kamid ah dhulka Puntland ay sheegato, ay dagaalo dad ku dhinteen ka dhaceen, ayaan hadana waxaan jirin hal kalfadhi oo uu Baarlamaanka ka yeeshay marxaladahan dalka ka jira. Xataa Baarlamaanka haduu fasax ku maqan yahay waxaa khasab ah inuu kulamo deg deg ah isugu yimaado xiligii loo baahdo si marxalada dalka ka jirta lagala xisaabtamo su’aalona looga weydiiyo Wasiirada iyo Xukuumada dalka maamusha. Golaha wakiilada wuxuu gabay hawshisii ahayd la xisaabtanka Xukuumada iyo ka shaqeynta arrimaha Bulshada taabanaya, wuxuuna goluhu u muuqda mid fasax dheer ku jira isla markaana aan weli dareensaneyn hawsha sugeysa iyo marxalada dalka ku jiro. Baarlamaanka Puntland hawshiisu ma Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka bay ku koobantahay iyo Ansixinta Dastuurkii qabyada ah? Mise waa mid shaqeeya oo xisaabtama? Goormuu baarlamaanka kala xisaabtami doonaa xukuumada; arrimaha dhulka Puntland ee maqan? Xaalada dhaqaale iyo Amni ee uu dalka ku jiro? Waxqabadka Wasaaradaha? Dhameystirka hawlaha dimuquraadiyeynta iyo nidaamka Xisbiyada? iwm Baarlamaanka ka kooban 66-ka xildhibaan ee Beelaha Puntland soo magacaabeen, ma wuxuu raali ku yahay waxqabad la’aantan muuqata iyo inay xildhibaanadu hawshoodii ku koobnaato xarumaha lagu qaxweeyo iyo fadhi ku dirirka shacabka ku caweeyaan. Mise Baarlamaanka wuxuu weli ku mashquulsan yahay mushaharaadka loo kordhiyey? Hadii Baarlamaankii la xisaabtami lahaa Xukuumada uu hawshiisii kasoo bixi waayey, yaa la xisaabtamaya Baarlamaanka?, ma shacabka Puntland mise Issimadii soo magacaabay? Maxayse tahay kaalinta Issimadu ay ku leeyihiin wax ka qabashada marxaladaha dalka ka jira? Waxaa hubaal ah in Xaalada ka jirta gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn ay tahay mid taabaneysa Puntland guud ahaan, xal u helideedana waa mid loo baahan yahay in si wadajir ah loo abaaro, ayadoo dhinac walba hawshiisa uu kasoo baxayo, Baarlamaankuna ogyahay xilka saaran, Xukuumadana ogtahay hawsha looga fadhiyo, shacabkuna taageeradiisana ay meesha ka muuqato. Hadii aysan arrimahaasi suurto gal ahayn, ma garbaa in Puntland ay sheegato gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn ??? Hoggaanka SSC Hoggaanka SSC ayaa lagu dhisey shir muddo ka socdey dalka Kenya, kaas oo loogu magacdaray Horseed, waxaana mirihii ka soo baxay loogu magacdaray Hogaanka mideynta Beelaha SSC Hogaanka SSC ee lagu dhisey dalka Kenya, malahan qorshe cad oo qeexaya damacooda ah in ay xoreeyaan gobolada SSC, waxaa hogaanku sheegaa in ay yihiin Soomaali kana tirsan yihiin Dawladda Soomaaliya, taas waa inta Puntland sheegato isla markaana lagu dhisey maamulkii isir wadaaga ku dhisnaa ee Puntland in ay ka mid yihiin Dawlad Federaal ah, Hoggaanku waxa uu iska fogeeyaa in Puntland meel ka soo gasho maamulkooda, waxaana ay dan u arkeen in sidaasi ay tahay waxa ay ku midoobi karaan. Hoggaankan ma ahan mid ay ku mideysan yihiin Isimada goboladaas, waxaa shirkii Horseed ee Kenya ka qaybgalay sadex isim oo keliya, Shirkii Buurowadal miraha ka soo baxay waxa uu noqdey guddiga khusuusiga ah oo keliya waxaana meesha ka baxay arintii ugu muhimsanayd ee ahayd, in ciidamada loo qaybsado si beelo ah cidwalbana wixii lagu qoray ay keento, waxaana taas baajiyey kadib markii inta badan Garaadadu ay heshiis la saxiixdeen maamulka Puntland heshiiskaas oo ay ku caddahay in Dawladdu ka musuul tahay xoreynta deegaanada maqan. Isla shirkii Buurowadal waxaa ka baxay oo bayaan ka soo saarey Isimada Cayn ugu waaweyn sida Garaad Cabdullaahi Garaad Soofe, iyo odoyaal miisaan culus ku leh gobolka Cayn. Hogaanka SSC xiriirka ay la leeyihiin Itoobiya ma fiicna, waxaana loo tusiyey dad qaswadayaal ah, maamulka Puntland dhinac ma saari karaan oo waxaa ku jira kuwo xagjir ah oo aan magacaas maqli karin haddii kale looga baqaayo in ay meelo fogfog ka soo jeestaan, waxaana halku dhig u ah eray mideyn kara isla markaana ah “SSC waa tashatey cid ay sugeysaana ma jirto”, haddaba haddii aad jamhad tahay waxaad u baahan tahay meel aad dhabarka saarto, qaacido aad ka duusho waa in aad leedahay, waa in aad heshaa meel hubka iyo saanada aad soo marsan karto, dhaawacaaga aad geysan kartid isla markaana aad siyaasadahaaga ka wadan kartid laakiin waxaa isweydiin mudan qaabka hoggaanku doonaayo in uu wax ku xoreeyo?. Shirkii Buurawadal oo socda ayaa Isimada Nugaal ee Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed waxa ay ku casumeen ragii hormuudka ka ahaa shirkii Holhol ee Somaliland joojisey in ay Garoowe gogol walaalnimo u yimaadaan, isimadu kuma casumin magac Puntland, laakiin qaar kamid ah warbaahinta carabka dalabta ah leh ayaa ku sheegtey in Faroole Isimo soo adeegsadey qorshaha Islaan Ciise iyo Suldaan Siciid ayaa ahaa in Garaadadu arintana aysan isku gooni yeelin ee haddii beel lagu wajahayo laga wadatashado, shirkaas waa ka cudur daarteen Garaadadii ay ku casumeen, weli la isma weydiin sababta Isimada dalabku ka yimid loogu gacansayrey? iyada oo maanta arintu ay marayso meel aysan shalay taagneyn, taas oo saamayn ku yeelan karta taageerada ay ka filan karaa SSC shacabka ku dhaqan gobolada kale ee Puntland. Somaliland iyo damaceeda qaloocan Somaliland inkastoo lagu amaano nabadgelyada iyo maamulka ay sameysteen hadana waxaa marnaba aan la qarin karin dhibaatooyinka siyaasadeed iyo amni ee uga imaan kara Somaliland damaca qaloocan ee ay awood militari u adeegsadaan deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn. Dadka ku abtirsa jabhadii SNM ee aasaaska u ahayd dhismaha Somaliland, ayaa siyaasadoodii ku wajahneyd ka go’itaanka dhulka Soomaaliya, waxay ku saleenayeen gooni isutaagooda dhibaatooyin beelahaasi ay u geysteen ciidamadii Dawladii Allaha u naxariisto Maxamed Siyaad Bare. Ayadoo aan la inkiri karin dhibaatooyinkii ay ciidamadii dawladii hore ee Siyaad Bare u geysteen deegaanada waqooyi iyo dhulalkii kale ee jabhadaha ka dagaalameen, ayaa waxaa la isweydiinayaa ma dhici kartaa in shacabka Sool, Sanaag iyo Cayn, ay aqbalaan wixii ay 30 sano kahor ay diideen Shacabka Hargeysa, Burco iyo Berbera oo ahayd in xoog lagu muquuniyo rabitaankooda? Hadaba Somaliland oo ka awood yar dawladii militariga ahayd ee burburtay, waxay isku furtay mawjad siyaasadeed iyo colaad qoto dheer oo khal khal ku keeni kara nidaamka iyo nabadgelyada ay xiligan ku taamayaan shacabka reer Soomaaliland. Waxaana ayaduna meesha ka baxday doodii ahayd Puntland baa Soomaaliland kusoo duushay, ayadoo ay xiligan ay muuqato in dagaalka u dhaxeeyo Somaliland iyo shacabkii SSC oo si cad uga soo horjeestay maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa. Waxaana adag dhiiga daadanaya ee gobalada SSC in wax ictiraaf ah ama guul siyaasadeed u keeno maamulka Somaliland. Nabsigu waa wareegaa aduunkuna waa hadhka labadiisa gelin, labadii shalay xumaanta ku wada socotey ayaa berri nacab isu noqonaaya, Somaliland xiligan waxay ku jirtaa marxalad xasaasi ah iyo doorashooyin, mana cada waxa xigi doona doorashooyinkaasi, waxaase hubaal ah in danta Somaliland ay ku jirto inay illaaliso daris wanaaga iyo wada noolaashaha beelaha jaarka ah. Xukuumadda Puntland waxaa la gudboon in xaaladda ay u aragto mid dhab ah oo khatar ah isla markaana ay ka baxdo riyada khiyaaliga ah ee ay dhexdabaalanayso Xukuumaddu waxa ay ku faantaa mushaharka ayaan joogto u bixinaa, magaca Puntland waxaan gaarsiiney meel sare oo shirar caalami ah ayaan ka qaybgalnaa, dasstuurkii ayaan habayney, waa arimo wanaagsan laakiin Shacabka wax weyn uma arkaan mushaharka aad naftiina siisaan iyo shaqaalaha xukuumadda taas oo ah lacagtii iyaga laga soo qaadey ee canshuurta ahayd ee shacabku waxa ay danaynayaan waa: 1. Puntland oo hal miisaan la wada saaro 2. Dalka oo la difaaco lana adkeeyo midnimadiisa 3. Maamulka oo la baahiyo lagana dejiyo laamiga iyo wada dheer taas oo ah hubaal in aan maamulku baahin gaarina meelihii u baahnaa (Sida ku cad cilmibaarista la joojiyey) 4. Sharciga oo lagu dhaqmo. 5. Mashruucyadii socdey oo dhamaystirma. 6. Mashruucyo cusub oo la keeno. 7. Lana hirgeliyo qorshihii looga bixi lahaa baarlamaanka beeleysan. Hussein Farah Horseed Media
  11. Maaddeey hoo ku raaxayso... :cool: Halyay Saalax Nuur Saalax oo Gaadhay Dhahar +Sawiro Dhahar: Waxaa Duhurnimadii Axada lagusoo dhoweeyey magaalada dhahar Halyayga reer Sanaag Saalax Nuur Saalax oo booqasho ku yimid degmada Dhahar ee gobolka sanaag,Safarka Wafdiga uu horkacayay Saalax oo ka soo bilaabmay magaalada Boosaaso ayaa si diiran waxa uu soo dhawayn uga helay dadka reer puntland gaar ahaan dadka degan magaalooyinka Laag, Ceeldaahir iyo waliba Dhahar oo ahayd halka uu safarka wafdigu ku wajahnaa iyo waliba deegaamo kaleoo oo hoostaga gobolka sanaag. Soo dhoweynta kadib, waxaa shir kooban oo lagu soo dhawaynayo wafdiga lagu qabtay derista magaalada (Beerta nasashada ee Dhahar), shirkaasi oo ay kasoo qaybgaleen gudoomiyaha degmada Dhahar, cuqaasha, nabadoonada, aqoonyahaniinta, ururada bulashda, Dhalinyarada Sport-ga kuwasi oo mahad balaaran u celiyay Salax Nuur Saalax Inta ay xafladu socotay waxaa Bilad sharaf lagudoonsiiyay Saalax isaga oo loo aqoonsaday (Halyayga Degmada Dhahar), waxana ay bulshadu xuseen inay aad usoo dhoweynayaan Saalax Nuur Saalax doonyaale Maaddeey Daawo Sawirada... Source:
  12. Originally posted by Maaddeey: ^^Haa, ' Dameeraha, tan ugu xun ayaa ugu haraati kulul ' nice, innit? ^ Haa waa runtaa oo maahmaahdaan kuwaan horay uga maqlay iney dameeradiina biqleeyaan-- ee marka adigu ma dameertii biqlaha badneyd baad tahay?
  13. ^ Si kasta oo aad qurbo u joogtay; si kasta oo aad cimaamada been ah aad madaxa kusoo xiratid, inaa dameerkii madowbaa ka maarantid waa calaacashaas oo timo kasoo baxeyn-- ee maahmaah kale oo dameeraha kusaabsan ma noo heysaa yaa Shiekh Juxa?
  14. ^ Haatu, ninyahow waan ogahay inaad ugaalida ka dharagtidee, weli kaluun ma ku cuntay? Hadaad cuntayshe, ninkaan caanobooraha kaliya ku caqdey oo A&T ladhaho maad u sheegtid nafaqadiisa iyo macaankiisa?!
  15. Originally posted by Abtigiis & Tusbax: Mr. Somalia, Let us be honest here. From what I read on SOL last week, a group of PL military originally from SSC deserted and went to fight along their kins in Darwiishland saying 'they cannot stay awake keeping the peace of fish-eaters when their own children are massacred by maruading militia from Somaliland.' The link is here in SOL: "caroortayaddii oo la laynayo miyaan ilaalinaa amaanka dadkan kaluunka cuna.". That is what they said. Why is this important? it is important because political positioning among Somali clans is increasingly taking the shape of FISH-Eaters Vs non-fish eaters. Take Mogadisho. The part of the anarchists who hail from Galguduud and goboladda dhexe are anti-Ethiopia. Contrast this to their brethern anarchists, the likes of Mohammed Dheere, Ali Gheedi and Sheikh Hotel. They are all rooting for Ethiopia. Take the example of SSC. The part of it which is afflicted with the fish-eating malady is led by Ilkajiir and is firmly pro-Ethiopian. The non-fish eating Daraawish are strongly oppossed to axmaaro. Could it be that fish, while undoubtedly nutritious, might also had the propensity to make its eaters cold-blooded? I don't know. The only excpetion to this rule is Rayaale, who comes from a farming community. But I heared even he has grown around the sea. ^ Huh? What were you saying? I forgot. Something about fish, and fish-eaters, Mohammed Dheere and Ali Gheedi; Riyaale and IlkaJir. All I could put together from that incoherent tripe of yours, is that you seem like a bottom feeding fish who tries to amuse others with sweet nothings, whenever Mr.Somalia hooks that caanoboore gape of yours with the truths of your predicament. Oh, and you beat yourself senseless while drowning in a tumbler filled with caanoboore, as you witness day in and day out, as Puntlanders enjoy their God given bounties from the sea. That about right, A&T - Duke of SOL Caanobooreyaal? p.s Waa su'aalee, caanabooraha iyo kaluunka keebaa maskaxda iyo garaadka kordhiya? Adigu waxaad sheegtay in Soomaalida kaluunka cunto ey tahay kuwa raacsan Xabashidu oo marka anaga ma waxaad naga dhaadhicinaysaa, aqoon xumidaada, iney Xabashidu kaluun cunto? Anagu, Kaluunka waan cunnaa, idinkuna badownimada idinka buuxda darteed, ayaad wixii nafaqada lahaa inta ka cararteen, ayaad caanoboora naf ka deydayn. Marka kuwa aad ku sheegtay waa Anti-Ethiopian, waa kuwa aan bad iyo biri wax ka baxa midna aan lahayn, oo haduu caanahaas ka guro naftoodu halis ku sugantahay. As we all know, all over the world, a diet rich in fish is highly sought after and is therefore an expensive diet, dare I say Elite diet. But then again, what would caanobooreyaal living in drought prone occupied deserts of kilil 5naad, know about the diets, grandeurs and luxuries of Puntland's elites? p.p.s You say:""Eeysaa Jirtii Intaltii, Yoom Dhuftii? Yoom Dhuftii?"" I say:"Intaloon Indhuftu! Xabashaa Saluu Jirtii"
  16. ^^ HAHAHAHAAAHAHAHAHAAHAHAHAHAHA!!!!!! Now the paranoia starts to take hold of the feeble mind! This is the part I love the most!!! "...but the point is they need to free themselves using the name puntland" Cowke, pray tell...what so special about the Puntland name? Make us all laugh and tell us, it has the same portentous and anti-ominous significance as Au’udhu billahi min-ash shaitan ir-rajeem does in the Holy scriptures.
  17. ^^ Don't worry bwana. I got no beef with my caanoboore brothers from Ugaali-land. I hope I can say the same for you, with regards to your pirate brothers!
  18. Originally posted by Abtigiis & Tusbax: Didn't you notice the fanfare about Ethiopia opening an 'Embassy' in Garowe? Nimanku waa cajiib ninyahoow. Sida dumarka ayey Xin u nool yihiin. Might have been better to call themselves XINLAND, rather than Puntland. I have a proposal. A land swap with the ONLF. If they love Ethiopia so much, let them take Dhagaxbuur, Qoraxeey, Godey, Afdheer and give us the barren fields of Mudug and Nugaal. To A&T: Quit your laughably obvious "posturing", you hapless caanoboore internet warrior... Your smokescreen proposal for a land swap is about as credible as those scantily clad riffraff ONuff boys on youtube who claim dancing dhaanto will liberate their lands for them. LOL...A&T, maanta waxaad noo xaqiijisay inaadan dhulkaaga xoreynsan karin, markaad ka raja dhigtay inaad dargadihii kuyiil dhagaxbuur iyo meelihii kasii liiteyba oo reer caanoboore deganaayeen, ayaad waxaad keentay inaad tiraahdid dhulka noo badala. Hadii ruux Amxaar jeceyl u dhimanayo, idinkaa u dhimanlahaa...oo idinkaa Baarlamaankooda ku jira; idinkaa mushaar ka qaata; idinkaa tiftif u ah; idinkaa askara u ah, oo dadkiina ku laaya. Hadaanu taariikhda dib u milicsanno, Ingriisku markuu idin dooransiiyey inuu idin sii xukimo ama idinku wareejiyo Xabashida, idinkaa doortay iney Xabashida idin gumeysato. Marka garaad xumidaada waxay na tuseysaa, markaad tiri dhul xor-ah ha la igu badalo dhulkeygaas isticmaarku heysto oo aan bad iyo birri wax kasoo baxa midna aan lagu ogayn-- waayo reer caanoboore iney caanoboorahooda loo walaaqo mooye wax soo saar kale malaha. Dadkuna haduu wax soo saar lehayn, wax hormar ah ma gaaro. Haduuna hormar laheynah, halgankiisu meel ma gaaro. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa,"Ciir taa dhamaa, ceydaa yaqaan". Waayo, markey Xabashidu idin soo qaxisay oo aad Puntland timaadeen, hadaanu si xun idin kula dhaqmi lahayn, afka maanta aad ku hadalshey kumaadan hadasheen oo edeb baad yeelan lahayd. Laakin anagu, sidiina oo kale ma nihin, ee dadka walaalaheen ah waan soo dhaweenaa oo xornimo iyo nabad galyo ayee dhulkeena ku heestaan. Marka A&T, intaad caraatanka iska deysid, dantaada garo!
  19. ^ Horta Qoodhe Biid ma noolyahay wali?
  20. Originally posted by Cowke: quote: Originally posted by Mr. Somalia: Cowke , you need to pipe down your nonsensicality, just for a once here! Irregardless of which Garaad supports Puntland or NOT, the fact that the SSC people are slowly coalescing behind their elders and uniting for their common cause, is indeed a worthy and honorable sight to behold. I wish my brethren ALL the success in their endeavors to rid themselves of the traitors in their midst who have brought so much opprobrium and disgrace to the proud people peoples of Sool, Sanaag and Cayn. Isha-Allah; victory is theirs, ALONE. I am happy their liberating their land, I've never had an issue with that it's just why cant they liberate their land without destroying puntland unity? Puntland was created for 8 regions, if they don't agree with the mamul in garowe that is fine and that is their right to disagree with it but "Leaving Puntland" because of farole is really a bad move as far as im concerned. They can hate the leader but don't hate the system. The leader can be changed anytime so why do they want to leave? why cant they help save puntland? Cade didnt leave because of abdullahi, he wanted to save puntland. i wish the darawish people were bit more like that but their not. Hal odey daradisa ayey puntland uga baxayan ma caadi bay kula tahay taas? niyahow waxaas caadi ma ahan, puntland way ka weyn tahay hal nin. To Cowke: It's remarks such as these, that make me doubt the contents of your cranium, sxb. Puntland or the so-called Admin of Puntland have collectively failed in safeguarding the security and welfare of the people of SSC, and as such, I believe, they have earned the right to provide for themselves what the so-called UNITY OF PUNTLAND has failed to do for them, thus far. Cowke, many folks on SOL have brought into question the genuineness of your Puntland credentials; many have declared you persona non grata and claim you're nothing but a petty, divisive individual who's only aspiration is to court mediocre animus towards that great State of ours. Saaxiib, as a proud Somali first foremost and Puntlander second, I'd like to say on record that WE do not have any qualms whatsoever of the possible fruition of a Daraawiishland in SSC, which will remain loyal to Mother Somalia... In fact-- the people of Puntland, welcome it with hope, courage, and confidence. For we know that, at the end of the day, there is absolutely nothing wrong with the people of SSC taking their political destiny into their own hands and joining hands with their Puntland brethren to form the foundation of a strong united Somali Federal Republic, that is finally at peace with itself and the rest of the world. We wish them ALL the best!
  21. Cowke, you need to pipe down your nonsensicality, just for once here! Irregardless of which Garaad supports Puntland or NOT, the fact that the SSC people are slowly coalescing behind their elders and uniting for their common cause, is indeed a worthy and honorable sight to behold. I wish my brethren ALL the success in their endeavors to rid themselves of the traitors in their midst who have brought so much opprobrium and disgrace to the proud peoples of Sool, Sanaag and Cayn. Isha-Allah; victory is theirs, ALONE.
  22. ^ Though lacking tact and discretion, I endorse your post, Mr Cowke. The so-called Darawiish clan has buffoons for leaders; their so-called politicians and Garaads are ALL hopeless. Marka jiq haku ahaato ee iska daa!
  23. These fools are always looking for excuses. War iska dhiciya Xaadsade, marmarsiyada raqiiska ahna joojiya!