Kamaavi

Nomads
  • Content Count

    4,683
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Kamaavi

  1. Maalmihii lasoo dhaafey waxaa magaalada Baladweyne kasocday dagaalo u dhaxeeya Xisbul Islaam iyo ururka Ahlu Sunnah WalJamaaca oo kaalmo toos ah ka helo dawladda cadawga ah ee Ethiopia. Dagaaladan oo maalmihii udanbeeyey kasocdey gudaha iyo daafaha ayaan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashey. Magaalada Baladweyne waxaa marwalba kajira dagaalo ay hurinteeda ka danbeyso dawladda Ethiopia waxaana magaalada duleedyadeeda isku aruursanayay maleeshiyaad daacad u ah Ahlu Sunnah waljamaaca. Cadawga Tigreega oo iyagu dabada ka riixaya Ahlu Sunah Waljamaaca ayaa marwalba oo laga xoogbato usoo gurmada kooxdan ay sameeyeen. Magaalada Baladweyne waa magaalo Istraatijiyo muhiim ah u leh cidwalba oo ay gacanta u gasho waana meesha laga illaalin karo isku socodka gaadiidka Isku xidha Koonfurta Soomaaliya iyo waddanka Intiisa kale waxaana ka go an Ahlu Sunnah Waljamaaca iyo Tigreeguba iney gacanta ku dhigaan. Dhanka kale maaddaama oo aysan Xisbul Islaam iyo Alshabaab hadda isku hiilineyn ama aysan wada shaqeyn dagaal ka dhaxeynin marka laga reebo Muqdisho waxaa adag in Xisbul Islaam kusii sugnaadaan magaalada Baladweyne haddii dagaalkani sii socdo Tigreeguna hubka iyo Saanadda siinayaan kuwa ay gacanta ku sameysteen. Dawladda Sheekh Shariif ayaa iyaduna isku diyaarineysa iney dagaal ku qaaddo fadhiisimada Alshabaab iyo Xisbul Islaam iyadoo dhanka xadka Kenyana ay ciidamo badan ku aruursatey looguna talo galay iney weeraraan gobolada Jubooyinka. Dawladda Ethiopia ayaa iyaduna ciidamo ku aruurineysa magaalada Dooloow oo ay damacsantahay iney maamul goboleed kasameyso halkaas. Xaaladda Soomaaliya ayaa sanadkan cusub ee 2010 u muuqata mid dhiig badan daadan doono dad badanna ku barakici doonaan waxaanse eebbe ka baryeynaa in dhiigga walaalaha kala badbaadiyo illaahayna tuso cadawga dhabta ah ee Soomaaliyeed ee Tigreega iyo waxii la halmaala.
  2. Originally posted by Xaji_Xunjuf: haa i was reading it yesterday wa runti Way adkanaysa inay somaliland iyo somalia mar labaaad midoobaan Maamul ka ahaan mise shacab ka ahaan? Ma dhaqaalo ahaan mise military ahaan? Juquraafi ka ahaan? Anu saan u arko dadku waa mid. Afarta yuub yuuban hadday meeja ka tagaan dadku danbay u midoobi. Originally posted by Xaji_Xunjuf: wana wax aan waligeed dib u dhacayn. War ka noqo ,,, tuf adeer ,,, midnimo aday dan kuugu jiri kartaa mustaqbalka dhaw/fog.
  3. Duqa magaalada Minneapolis T.T.Rybak iyo madaxa Booliska Tim Dolan oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Minneapolis ayaa shaaciyey in wiil 17 jir ah oo Somali ah uu isu soo dhiibay Booliska magaalada Mineapolis kaasoo sida laga arkay kaameradii dukaanka ka mid ahaa labadii nin ee dilka geysatay. Boolisku faah faahin intaa ka badan kama uusan bixinin wiilka labaad ee la qabtay balse waxay sheegeen in laba nin ay ahaayeen raggi geystay dilka sedexdii wiil iyagiina la hayo oo wixii hada ka dambeeya maxkamad la soo taagi doono. Dhanka kale qaar ka mid ah soomaalida ku nool Minneapolis ayaa eedayn u soo jeediyey duqa magaalada iyagoo ku eedeeyey inuu iska dhaga tiray talooyin badan oo ay u soo jeediyeen oo la xidhiidha sidii wax looga qaban lahaa dambiyada ay geysanayaan dadka dhalin yarada ah(youth crime).Waxayna sheegeen in duqa magaaladu uu masuul ka yahay dhibka dhacay sidaa darteedna ay mudan tahay in arinta dhacday su'aalo laga weydiiyo. Duqa magaalada ayaa dhankiisa iska fogeeyey eedeymaha loo soo jeediyey isagoo sheegay inaysan waxba ka jirin wada shaqayn fiicana uu la leeyahay dadka soomaaliyeed isagoo dhanka kale eedaymaha loo soo jeediyey ku tilmaamay kuwo shakhsiyadeed oo aysan soomaalidu u dhanayn.
  4. War deg deg ah oo hada nasoo gaadhay ayaa sheegaya in Ururka Ahlu sunna waljamaaca ay la wareegeen gebi ahaanba xarunta Gobolka Hiiraan ee Baladweyne iyagoo awood ku muquuniyey ciidamadii Xisbul islaam ee ilaa saaka kula dagaalamayey daafaha iyo gudaha magaalada. Wararku waxay intaas ku darayaan in dagaalkii uu soo afjarmay ka dib markii ciidamadii Xisbul islaam ee ku sugnaa dhanka galbeed ee magaalada ay isaga baxeen iyadoo ilaa iyo hada aan la ogeyn dhanka ay ubaxeen. Khasaaraha ka dhashay dagaalkan ayaanan ilaa iyo hada si dhab ah loo ogeyn balse waxaa lagu soo waramayaa in dagaalku ahaa mid culus oo saacado badan socday. Dagaalada u dhaxeeya kooxaha isku haya siyaasada Soomaaliya ayaa aalaaba ku soo noq noqda magaalada Baladweyne iyadoo dhowr jeer oo hore lakala qabsaday magaalada. Qabsashada magaalada Baladweyne ee Ururka Ahlu sunna waljamaaca ayaa ku soo aadaysa iyadoo la hadal hayo in DKMG ay u diyaar garoowdey dagaal ay damacsantahay inay la gasho kooxaha ka soo horjeeda ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho. Dadka siyaasada Somalida qaadaa dhiga ayaa qabsashada Baladweyne ee Ururka Ahlu sunna ku sheegay guul weyn oo u soo hoyatay kooxda Ahlu sunna iyo DKMG iyadoo dhanka kale cidhiidhi gelin karta istaraatijiyadii dagaal ee Kooxaha ka soo horjeeda DKMG. Dhanaan.com
  5. Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya gacan ku dhiiglihii loo qabtay dilkii sedexda wiil Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa gacan ku dhiiglihii gacanta lagu dhigay iyadoo lagu soo waramayo in gacan ku dhiiglaha la hayo uu yahay Soomaali ka soo jeeda gobolada Koonfureed ee Somalia. Ninkan la hayo ayaanan weli la shaacinin magaciisa waloow aabihii uu ka mid yahay dadka sida weyn looga yaqaano moolka 24 ee Minneapolis. Eedaysanha ayaa daganaa guri aan soo uga fogeyn dukaankii lagu laayey wiilasha, waxaana la sheegayaa in eedaysanahu xiligii la qabanayey uu ku sugnaa gurigiisa. Dhanka kale Booliska ayaa ka shakiyey in da'da u qoran eedaysanaha ay tahay mid sax ah waxaana lagu soo waramayaa in eedaysanaha loo diri doono dhakhtar soo cadeeya da'diisa. Booliska ayaa waxay kaloo sheegeen in lahayo macluumaadka labada gacan ku dhiigle ee maqan ayna ku raja weynyihiin in goor dhow ay gacanta ku soo dhigi doonaan.
  6. Dalsan - Codkii Qoomaal iyo Canab http://www.youtube.com/watch?v=GhyLKYCFrCY
  7. Duli iyo Afmiinshaar.... http://www.youtube.com/watch?v=RJvJA9l5tjw
  8. ^Cid kaloo talyaaniga taqaan ma la waayey? Originally posted by Aaliyah416: yacni waad iga nixisay oo kale ama iga yaabisay yacni waad i cajabisay or something like that..am not sure how to explain it.. Gartay.
  9. Kamaavi

    Sool

    Illaah dadkeena hamideeyo ,,,
  10. ^It was done with a "laan jaad ah" ,,,, by a light or skinny person Great pics.
  11. Can O'gaden become the next UN member state?
  12. Originally posted by xiinfaniin: War bal soo qora…waa intaas oo Faroole aqristaayye Faroole armuuba 'member' yahay?
  13. ^Waa niman mushaar la’aan ah, amaan darro u dheertahay, kala barna dalka dibada uga maqan. Meeja waxay ku hayaan ayaa iska yar. Originally posted by Xaji_Xunjuf: wa arin anu aad u so dhaweyneyno Sabab yaa x.xunjuf?
  14. Mid kamid ah gacan ku dhiiglayaashii dilka geystay oo Booliiska Minneapolis gacanta ku dhigeen. Jan 10, 2009 (QOL) Wararka naga soo gaadhay magaalada Minneapolis ee cariga Maraykanka ayaa sheegay in mid kamid ah gacan ku dhiiglayaalkii dilya sadex wiil oo laba kamid ah ka soo jedaan Ogaaadeenya laguna dilay Seward ay maanta Booliisku qabteen, wali waxaa socdo sidii loo soo qaban lahaa kuwa kale ee falka waxuushnimad ah ku dilay Marxuum Mahad Abdi Haji Warfaa iyo Marxuum Abdifatah Haji Abdi Warfaa allaha u naxariistee. Wararku waxay intaas ku darayaa in gacan ku dhiiglaha ay Booliisku qabteen in uu da'diiisu yahay 17 jir iyadoo aysan jirin wax faah faahin oo intaa ka baxsan oo ay Boolisku sheegeen balse waxaa lagu soo waramayaa in lagu raad joogo dambiilayaashii kale ee dilka geystay. Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa arintan qabashad dambiilaha ku tilmaantay arin aad u wanaagsan mar hadii mid kamid ah gacanta lagu dhigay walina wuxuu Booliisku ku raad jogaa sidi lo soo qaban lahaa kuwa kale ee gacan ku dhiigla yaasha ah si loo horkeeno cadaaladda. Maanta ayaa wiilsha la aasay waxaana lagu aasay xabaalaha loo yaqaano Beertii Nabi Adam oo ku taala xaafadda loo yaqaano Bursville, waxaana Janaa'isadii & aaskiiba ka soo qayb galay dad aad ubadan oo ka kala yimid meelo aad u fog-fog. Waxaana ilaahay uga baryaynaa in uu janadii ka waraabiyo Eheladii & qaraabadiina samir kasiiyo. Halkan uga tacsiyee
  15. Kamaavi

    Garissa

    ^Waaguu Duke Sol ku cusbaa, wadaduu qaaday ayaad haysaa. Gaarisa markii wax laga sheeg sheego dhiiga ha isku kicin uun...
  16. Kamaavi

    Worried

    GDW, soo dhawoow awoowe...
  17. Kamaavi

    Garissa

    ^ That was a gud shot. @haatu, duke maxaad isku tihiin?
  18. Murran weyn iyo qalalaase siyaasadeed ayaa hareeyey baarlamaanka DKMG ah iyadoo la’isku heysto xil ka qaadista afayeenka Sheekh Aadan Madoobe Murankani oo dad badani arkaan in waxa la’isku heysto ay yihiin “sagaaro biyeey cabtaa iyo ma cabto” ayaa waxa uu ka aloosan qodob ka mid ah xeer hoosaadka baarlamaanka oo cid kasta sida ay doonto u fasiran karto. Xildhibaano aad u badan ayaa ku baaqaya xil ka qaadis lagu sameeyo gudoomiyaha iyagoo ku eedeeyey xil gudasho la’aan, waxayna cuskanayaan qodob axdigooda ka mid ah, xildhibaano kale ayaa iyagu si weyn uga soo horjeeda arrinkaasi. Murankani oo hadda soo ifbaxay ayaa lagu soo waramayaa in uu ragaadiyey howlihii golahani aanan sharciyada heysan , isla markaasina aanan heysan kalsoonida shacabka. Wararka la helayo ayaa sheegaya in dhowr jeeroo dhawaan uu qabsoomi waayay kullanka baarlamaanka ay ugu wacneyd murankani, iyadoo xildhibaano badan ay iska diideen in ay soo xaadiraan haddii Aadan Madoobe aanan meesha laga dirin. Dhanka kale xildhibaanada DKMG ah waxaa heysata mushaar la’aan muddo billo ah, waxaana usii dheer amaan darro, iyadoo kala bar ay dalka dibada uga maqanyihiin. Sh. Aadan Madoobe oo ka haray dowladii Cabdullaahi Yuusuf ee kursiga laga hoos bixiyey ayay haatan u muuqataa in gumucu uu haatan isagii ku fooraro, dhawaan waxaa shaki weyn dhaliyey ku xigeenadiisa oo si joogto ah saxaafada hadalo u siinayay, mid ka mid ah dad aan arrimahan wax ka weeydiiney ayaa qaba in ugu yaraan midkood gudoomiye ku xigeenada uu kasoo horjeedo Aadan madoobe, doonayana in xil ka qaadis lagu sameeyo.
  19. ^^ The history behind the pirateland's new flag!