Kamaavi

Nomads
  • Content Count

    4,683
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Kamaavi

  1. Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadeenya Ayaa Warsaxaafadeed ka Soo Saartey Qabashada Bishaaro Wacdi Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadeenya ayaa si adag u cambaareysay sida sharcidarada ah ee loo qabtay looguna dhiibay nidaamka Itobiya ka taliya Bishaaro Wacdi Shaqlane oo ka ah xubin sare Ururka Haweenka Ogadeenya ee loo yaqaano - O'gaden Womens Democratic Alliance (OWDA). Gabadhan ayaa ahayd ganacsato laga qadariyo Hargaysa oy daganayd. Bishaaro ayaa waxaa qabtay maamulka la magac baxay SomaliLand bishan 10keedii una dhiibay saraakiil ka socotay Sirdoonka Itobiya waqti yar ka dib. Bishaaro ayaa ka soo carartay Ogadeenya ka dib markii si isdaba joog ah ay u cadaadiyeen Sirdoonka Itobiya sababa la xidhiidha dhaq-dhaqaaqeeda ay ku doonaysay xuquuqda Haweenka Ogadeenya. Waxaa hadda ka hor xidhay 3ex jeer nidaamka Itobiya oo jidh-dil xoog leh u gaystay. Waxaa markii ugu horeysay la xidhay Luulyo 2005tii arima la xidhiidha dhaq-dhaqaaqa OWDA iyadoo xabsiga lagu jidh dilay oo labada gacmood ay ka jabiyeen ciidanka sirdoonka Itobiya intaan laga sii daynin xabsiga markii sadexaad 31kii January 2007. bishaaro ayaa u soo carartay Waqooyiga Somaliya waxayna si nabadgalya ah iyada iyo caruurteedii Hargaysa inta aanay ka qabanin gurigeeda mamulka Somaliland 10kii February 2010 oo aanay si dhaqsa leh ugu gacan galinin sirdoonka Itobiya. Bishaaro ayaa ka soo carartay Ogadeenya cadaadiskii lagu hayay dartii, waxayna iskaga diiwaan galisay hay’adda Qaxootiga ee UNHCR magaca ah (Shamsa Cabdulaahi Xirsi) si ay isaga qariso sirdoonka Itobiya oo xiriir la leh maamulka Somaliland. Qabashada iyo gudbinta sharcidarada ah ee Bishaaro Wacdi Shaqlane waxay la xiriirtaa heshiiska wadashaqaynta ee dhex maray maamulka Somaliland iyo nidaamka Itobiya oo lagu soo gabagabeeyay shirkii ka dhacay Hoteelka Semrat ee magaalada Dirdhabe Nofember 2009. Heshiiskaa ayaa lagu amray maamulka Hargaysa inay soo qabqabtaan oo si dhaqsa leh ugu soo gudbiyaan Itobiya dadka ka soo horjeeda xukuumada Zinawi. Waxaa hogaaminayay shirkaa dhanka Itobiya Generaal Abraham Woldhe Maryam, dhanka maamulka Somaliland waxaa ka socday Nuur Ismaaciil Taani oo madax ka ah ciidanka iyo Maxamad Saqadhi Dubad oo booliska xukuma iyo Xassan cabdi Yuusuf oo matalayay sirdoonka maamul ku sheega Somaliland. Talaabadan lagu qabtay gabadhan u ololaysa xuquuqda haweenka Ogadeenya ayaa ahayd midii ugu horeysay ay fuliyaan ka dib heshiiskii laba geesoodka ahaa. Wuxuu falkan xadgudub ku yahay qawaaniinta dawliga ah, wuxuuna ka marag kacayaa xadgudubka xuquuqul insaanka ee maamul ku sheega Somaliland. JWXO waxaa hubaal ah in aanay u dulqaadan doonin xadgudubka lagu hayo shacabka Ogadeenya ee sida sharcidarada ah loogu gacan galinayo cadawgooda. Maamul-ku-sheega Somaliland ayaan xambaaran doona dhibaatada ka dhalataa xadgudubyada badheedhka ah ee gumaysiga loogu adeegayo.
  2. VOA oo arrinta Bishaaro Wacdi ka hadashay. Warka- halkan ka dhagayso!
  3. ^Gumaysiga waxaa ka daran kuwa uu wax ku gumaysato. Rag baddan waa in bariiska laga ciideeyaa. Ina ismacil taani ma qabataa?
  4. ^Walle qudhunlandi( ) waxaan Farole ka suurtoobin ayey la timid. Dhaqanka Soomaliyeed hooyooyin la laayo ama cadaw loo dhiibo laguma sheegin...
  5. Originally posted by Cyber_Nomad: now since we share security agreements with Ethiopia, then there is no need to be apologetic. Qudhinland inay Ethiopia u adeegto maysan dooran, waa lagu khasbay. Foorarka aanu diidnay uunbaad ogalateen!
  6. Riyaale ama ha yaraysto ama ha badsado tani waa wax u qoran. Midhaha uu beertayna wuu guran.
  7. The O'gaden National Liberation Front (ONLF) strongly condemns the unlawful arrest and illegal handover to Ethiopian regime authorities of Bishaaro Wa'adi Shaqlane a senior member of the O'gaden Womens Democratic Alliance (OWDA) and respected businesswoman who had been residing in Hargeisa in northern Somalia. Bishaaro was arrested by authorities of the so-called Somaliland administration on 10 Feburary 2010 and handed over to security officers of the Ethiopian regime shortly thereafter. Bishaaro had fled O'gaden due to the constant harassment of the security services of the Ethiopian regime who targeted her for her activities empowering women in O'gaden. She had been arrested by the Ethiopian regime three times and tortured in prison on both occasions. She was first arrested in July 2000 for her activities associated with OWDA and beaten in prison. No charges were brought against her and she was denied legal representation. She was released a few months later only to be arrested again in October of 2001 and was beaten again in prison. After several more months in prison denied access to her family or counsel, she was arrested again on October 20, 2006 and was severely tortured having both her arms broken during violent interrogation by security forces before being released from prison for a third time on 31 January 2007. Bisharo fled to Northern Somalia and resided peacefully with her children in Hargeisa before being picked up from her home by the security services of the so-called Somaliland administration on 10 Feburary 2010. She was quickly handed over to Ethiopian authorities soon afterwards. Bishaaro has escaped persecution in O'gaden and fled to northern Somalia where she registered with the UNHCR under an alias (Shamsa Abdullaahi Hersi) for her own safety given the extensive security cooperation between Ethiopian authorities and the so-called Somaliland administration. The unlawful detention and illegal rendition of Bishaaro Wa'adi Shaqlane is in line with a recent security cooperation agreement between Ethiopian authorities and the so-called Somaliland administration concluded at the Semrat Hotel in Dire Dawa city in November 2009. The agreement stipulated that those percieved to be ' political opponents' of the Ethiopian regime who fled to Northern Somalia would be detained and immediately handed over to Ethiopian authorities. The Ethiopian security team at the meeting was headed by General Abraham Woldhe Maryam and the security forces of the so-called Somaliland administration delegation was headed by Nuur Ismail Taani (commander of the armed forces) and Mohamed Saqadhi Dubad (police forces) and Hassan Abdi Yusuf representing the intelligence services of the so-called Somaliland administration. This unlawful arrest and illegal rendition of a civil society leader and woman activist in O'gaden is the first operational implementation of the new security arrangement between the Ethiopian authorities and the so-called Somaliland administration. It represents a violation of international law and is a testament to the blatant abuse of human rights by the authorities of the so-called Somaliland administration. The ONLF will not tolerate the targeting and illegal renditions of our citizens in northern Somalia fleeing persecution. The so-called Somaliland administration will solely be responsible for the consequences of this action. O'gaden National Liberation Front (ONLF)
  8. Bishaaro Wacdi/File Photo Maamulka magaalada Hargaysa wuxuu gacanta u galiyay Bishaaro Wacdi Shaqlane ciidanka sirdoonka Itoobiya, arrinkan ayaa baaritaan badan waxaa amarka bixiyay wasiirka arrimaha gudaha ee maamulkaa waqooyi ee isku magacaabay Somaliland, Bishaaro waa Hooyo Soomaaliyeed oo uu dhalatay Soomalida Ogadeeniya, waxaana lagu eedenaya inay gacan saar la leedahay ciidamada ONLF midaas oo iyadu diidan tahay. Soyaalka godabeed ee u dhaxeeya Somalida geeska Afrika degan waa mid soo jireen ahaa balse aan caado iyo dhaqan u lahayn in Hooyo Soomaaliyeed Gacanta loo galiyo ciidamada Itoobiya. Hooyada Soomaliyeed ayaa waxay kala kulmi doonta xabisyada Itoobiya jirdil taas oo halis u saaran tahay inay u dhimato jirdilkaas. Maamulka Riyaal Kaahin iyo Shacabka Soomaliland waxay godob baal cusub ah ka galeen guud ahaan Hooyooyinka Soomaliyeed gaar ahaana Hooyooyinka Soomalida Ogadeeniya, arrinkaas oo noqon doono godob midii oogu xumayd. Maamulka ayaa horaan u dhiibi jiray dad u badan rag halkaas oo qaar ka mid ah ku dhinteen jeelasha Itoobiya meesha qaar kalana ilaa haatan lagu la yahay. O'gadentoday. Hargaysa
  9. Magaalada Jigjiga oo ah Caasimadda Ogadeeniya ayaa maalmahan waxaa si weyn looga daremay dhibaatadii loo gaystey Bishaaro Wacdi Shaqlane ee ay Maamulka lamagac baxay Soomaaliland intay qabteen ay usoo gacan galiyeen Cadawga Itoobiya, dadka magaalada Jigjiga ku nool ayaa labadii qof ee meel taagan waxay hadal hayaan Bishaaro Wacdi iyo sida arxandarada ah ee Cadawga loogu soo gacan galiyay, iyagoo dhanka kale codadkooda hoos u dhigaya si aan loo maqlin sheekada ay hadal hayaan Bishaaro Wacdi iyagoo ka cabsi qaba in Jawaasiistu ay soo basaasaan. Maqaaxiyaha, Hotelada iyo meelaha ay dadka Ree Jigjiga ku kulmaan oo dhan waxaa la hadal hayaa un Bishaaro Wacdi Shaqlane, iyagoo dad badani ay dusha ka habaarayaan Maamulka Hargaysa sida ay ugu soo gacan galiyeen Cadawga gabadhan. iyagoo aad uga naxsan oo qaarkood wajiyadooda aad ka dheehan karto walbahaar iyo murugo badan oo ay ka murugoonayaan dulmiga lagu soo qabtay gabadhan. halka qaar kale oo isugu jira Jawaasiis iyo Calooshood u shaqaystayaal ka amar qaata Ina Iley ay aad ugu faraxsan yihiin arrintaas. Maxay ka yidhaahdeen dadka qaar Xadhiga Bishaaro Wacdi Shaqlane: Hooyo magaceeda ku soo gaabisay Aamina oo deggan magaalada Jigjiga ayaa tidhi " Marka hore aad iyo aad baan uga naxay in Bishaaro Wacdi dib loogu xidho magaalada Jigjiga oo ay muddaba ku xidhnay hadda ka hor. Hargaysa waa qeyb ka tirsan Itoobiya maamul ahaan, qofkii intuu ka baxsado Cadawga Hargaysa tagaa wali wuxuu ku jiraa un gacantii Cadawga, markaa maysan ahayn in Hargaysa ay tagto ee waxay ahayd inay meelahaa kale ee dibadaha ay tagto, laakiin qadar Ilaahay baa dhacay.!". Oday kale oo isna magaciisa kusoo gaabiyay Cabdi yare ayaa sheegay dhankiisa in Maamulka Hargaysa ay horey caadu ugu lahaayeen inay soo dhiibaan dad badan oo Ogadeeniya u dhashay, sidaas darteedna ugu baaqay in Shacabku iska ilaaliyaan inay aadaan Maamulkaasi uu madaxa u yahay Riyaale. Ogaadaana in Itoobiya iyo Hargaysa ay yihiin laba ku midoobay cunidda Shacabka Ogadeeniya. Si kastaba ha ahaatee Bishaaro Wacdi Shaqlane Maamulka Hargaysa ayaa usoo gacan galiyay Cadawga Itoobiya, lamana garanayo meel ay Jigjiga ka geeyeen Bishaaro. Haddaba marar aanu dhex wareegnay Shacabka Ree Jigjiga si aanu u helno xog dheeraad ah oo ku saabsan xadhiga Bishaaro ayaan wali noo suurtoobin inaan xog rasmi ah ka helno arrintan, iyadoo qofkii aad waydiisaaba qaarna kaa aamusayaan iyagoo lafahooda u cabsanaya kuwa kalena ay kuugu jawaabanayaan magaranayo meel la geeyay. Qorahay Online wali iyadoon ka daalin waxay in badan isku dayaysaa inay hesho faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan halka ay haatan ku sugan tahay Bishaaro Wacdi Shaqlane iyo siday Xaaladeeddu ku sugan tahay, Inshaa Allaahu sida ugu degdegga badan ee aanu faahfaahinta u helnaba ayaanu idinku soo gudbin doonaa.
  10. Maamulka SomaliLand oo Bishaaro Wacdi u gacangaliya Sirdoonka Itobiya Ururka African Rights Monitor bayaanka uu ka soo sarey Bishaaro Wacdi oo ah gabadh u dhalatay S. Ogadeenya oo maamulka SoamliLand uu u gacan galiyey sirdoonka Itobiya ayay ku tilmaameen falkaasi inuu yahay mid ku xadgudbaya xeerarka Xuquuqda Addanaha ee qeexay in qof baniaadam ah aan si qasab ah loogu gacan galinin cadawgiisa. African Rights Monitor ayaa in mucaahadada caalamiga ah ee diidaya Jiddilka (torture) qaybahiisa hoose ee (1 iyo 2) bandigiisa 3aad uu sheeagayo in; 1. Dawladna aanay ka caydhin, ama si qasab ah ku celinin ama u eryin dawlad kale qof baniaadam ah oo la hubo hadii loo gacangaliyo dawladaasi inuu la kulmayo Jidhdil. 2. Si loo hubsado inay arintaasi dhici doontana waa inuu maamulkaasi tixgaliyaa dawladda uu u gacangalinayo qofkan inay ka jirto cadaadin iyo ku xadgudub xuquuqda aadanaha ah oon aabayeel lahayn. Ururka ARM ayaa sheegay in warbixinada soo gaaray ay sheegayaan in gabadha Bishaaro Wacdi oo ka ahayd xubin firfircoon ururka - O'gaden Women Democratic Assiciation ( Ururka Dimoqraadiga ee Haweenka Ogadeenya) – ay ka soo carartay cadaadiska Itobiya soona gashay dalka dariska ah ee SomaliLand, iyadoo ku ahayd qaxooti halkaana ay qabteen maamulka Somalland una gacan galiyeen Sirdoonka Itobiya Ethiopian Security Service (ESS) taariikhdu marakay ahayd 10kiiFeberaayo, 2010. Wuxuu ururka ARK sheegay in Bishharo Wcadi ay qaxooti ku ahayd labadii sanee ugu dambaysay magaca Shamsa CabduLaahi Xirsi si ay isaga qariso Sirdoonka Itobiya ESS ka dib markii ay ka soo baxsatay xabsiga Jigjiga halkaasoo si sharci darro ah loog haystay laga bilaabo Oktoobar 2006dii ilaa Janaayo 2007. xabsigaa ka horna in dhow jeer la qabtay iyadoo si aad ah loo jidhdilay xagga badanka iyo xagga nafsaddaba. Waxaa ku yaala jidhka Bishaaro oo ka muuqda nabaro badan oo loo gaystay oo ka dhigay hawlgab waxayna maskaxdana ka noqotay qof aan waxba qabsan karin. Qodobka 14 (1) ee Xeerka Xuquuql Insaanka - Unversal Declaration of Human Rights (UDHR) wuxuu qorayaa inuu; “ Qof kasta oo ka soo carara meel naftiisa khatar ku ah uu xaq u leeyahay inuu ka helo dalka uu ku soo cararay nabadgalyo iyo amaan.” Ururka xuquuqul Insaanka ee African Rights Monitor (ARM) wuxuu ururada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha u dooda ka codsanayaa inay cambaareeyaan dawladda Itobiya iyo maamulka SomaliLand falkan sharcidarada ahee ay kula dhaqmaan dadka shacabka ah ee ka soo cararaya Itobiya oo ah dal aan ixtiraamin oo aan badbaadinin shacabkiisa. Wuxuu sheegay ururka African Rights Monitor in aanay ahayn markii ugu horeysay ee booliiska SomaliLand ay u dhiibeen sirdoonka Itobiya ESS qaxooti Somaliyeed, sidaa darteed waa in arimahan xadgudubka ah xuquuqda aadanaha la joojiyaa oo la soo daayaa maxaabiista sharcidarada lagu qabtay. FG. Nuqulka Rasmiga ah ka akhriso qaybta af-ingriisiga. ONA.
  11. Warar hordhac ah oo naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in haatan ay dagaalo ka socdaan magaalooyinka Dhoobleey iyo tuulada Diif KismaayoNews oo warkan ka heshey illo xog-ogaal ah oo gobolka ku sugan ayaa sheegaya in waqti xaadirkan oo saacadu geeska Afrika tahay 4 saac habeenimo ay socdaan dagaalada Dhoobleey. Dagaalka diif maanta ayuu biloowdey waxayna wararka sheegayaan in garab ka mid ah uu ku awood roonaaday dagaalka Dagaalka waxa uu dhexmarayaa Alshabaab iyo Xisbul Islaam oo uu hogaaminayo Sh. Axmed Madoobe, wararka aan heleyno waxay sheegayaan in Alshabaab ay qaaday dagaalka Diif, dib ayaana loosoo celiyey sida aan ku heleyno wararka, dagaalkii Diif ee maanta ayaa kusoo faafay Dhoobleey sida aan ku heyno warar ilo wareedyo gobolka ku sugan ay noo xaqiijiyeen Dhanka kale degmada Afmadoow ayaa caawa waxa ka dhaqangalay bandow lama filaan ah oo loo maleeynayo in uu yahay dagaalada dartood, goobihii ganacsiga ayay ciidamada Alshabaab kasoo ceeyriyeen dadkii ku ganacsanayay kuna amreen in ay si dhaqso ah u xiraan. Wixii faahfaahin ah kala soco KismaayoNews.com
  12. Maamulka Hargeysa oo Itoobiya u gacan galiyey Hooyo lagu magacaabo Bishaaro Wacdi Shaqlane Maamul ku sheega Hargeysa aaa bishan Feb 10, 2010 waxay Ciidamda sirdoonka Itoobya u gacangeliyeen Hooyo lagu Magacaabo Bishaaro Wacdi oo ka soo jeeda Wadanka Ogadeeniya. Marwo Bishaaro ayaa waxay ku nooleyd magaalada Hargeysa qiyaastii laba sano, kadib markii ay ka soo baxdey Xabsi ku yaala magakaada Jigjiga Jan 31, 2007. Marwo Bishaaro ayaa waxay Ciidamada Itoobiya ugu xidhnaan jirtey Magaalada Qabridahare sanadii 2005. Jeelkaas oo laga soo daayey sanad kadib. Marwo Bishaaro waxay u soo guurtey Magaalada Jigjiga. Balse Oct 20, 2006 xiliga waaberiga ayey Ciidamada Itoobiya gurigeeda kala baxeen oo ay dhigeen xabsi ku yaala Magaalada Jigjiga. Xabsigaas ayey Ciidamada Itooboya kala baxeen Marwo Bishaaro Oct 28, 2006 iyada oo dadkii la xidhnaa filayeen in la sii dayn doono ayaa waxa xabsiga lagu soo celiyey iyada oo sanka iyo afka dhiig ka da’ayo labada gacmoodna laga soo jabiyey. Marwo Bishaaro ayaa nasiib u heshay in ay xabsigaas adag ka soo baxdo Jan 31, 2007, waxayna si nabad ah ugu nooleyd magaalada Hargeysa, balse Maamula Dabadhoonka ee Hargeysa oo caan ku ah raali gelinta xukumada Itoobiya iyo ku tumashada xuquul insaanka dadka ka soo jeeda Ogadeeniya ayaa Marwo Bishaaro mar kale u gacan geliyey xukumada dhiigyacabka ah ee Itoobiya. Ma’aha marii ugu horeysay ee Maamulka Hargeysa ku kaco falala noocan oo kale ah, laakiin waxaa hada ku cusub dhiibitaanka Dumarka Hooyooyinka ah ee nabadgelyada u soo raadsadey deegaankooda. Xabsiyada Maagalooyinka Ogadeeniya iyo xeryaha Cidmaada Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in ay buux dhaafeen, halkaas oo ay ku xiran yihiin dad shacab ah oo taradoodu kor u dhaaftey kumanaan qof. Dadkaas ayaa lagu eedeynayaa in ay taageerayaal u yihiin Jabhada ONLF, balse ma jirto wax cadeymo ah oo lagu hayo, lamana saaro wax Maxkamad ah dadka xabsiyada ku xiran. Gobolada Ogadeeniya ayaa waxaa ka jira xukun ka duwan Itoobiya inteeda kale, taas askariga Itoobiyaanka ah siineysa awood ka weyn mida Maamul ku sheega ka jirta Gobolada *******
  13. Rendition of O'gaden Civilians Continues Unabated Monday, 15 February 2010 18:18 O'gaden Online Bishaaro Wacdi/File Photo Reports reaching the O'gaden Online service desk confirm the recent rendition of yet an O'gaden civilian from the North Western Somali fiefdom that calls itself self-autonomous to the Woyane led regime in Addis Ababa. The rendered civilian is a mother by the name of Bishaaro Wacdi. It is reported that Mrs. Bishaaro lived peacefully in Hargeisa for two years after she was released from a Woyane torture center in JigJiga on January 31st 2007. Eyewitnesses and individuals who knew Mrs. Bishaaro confirm that she was first detained in Qabri Dahar in 2005. She was said to have been severely tortured in the year plus she spent in the Qabri Dahar torture center. Upon release from this detention center, Mrs. Bishaaro left Qabri Dahar and moved to Jig Jiga in early 2006. Bisharo's both arms were broken by Ethiopian security Forces In the early hours of October 20th, 2006, it is reported that Mrs. Bishaaro was taken from her home by Woyane Militias in JigJiga. It is said that after being tortured in a militia run torture center in the outskirts of the city, she was later brought to the main jail in JigJiga. Individuals who were at the time present in the jail confirm that Mrs. Bishaaro was in terrible pain when brought back to the jail. She was reported to have been bleeding from the mouth and ears. She was reported to have had her two arms broken during the torture she was subjected to by the Woyane militias in Jig Jiga. After a yearlong sojourn in this notorious prison in JigJiga, Mrs. Bishaaro was released without charge at the end of the year 2006. In an effort to escape the Woyane militias, Mrs. Bishaaro relocated to Hargeisa where she had relatives. As is usual for the Woyane militias and their proxy militias in many parts of the Somali republic, they have tracked Mrs. Bishaaro in Hargeisa where she lived peacefully for two years. The local authorities in the North Western Somali fiefdom picked her up and rendered her to the Woyane militias in Addis Ababa.
  14. Human rights instruments provide protection against refoulement. The UN Convention against Torture, in Sub-article (l and 2) of Article 3 states that: 1. “1. No State Party shall expel, return (refouler) or extradite a person to another State where there are substantial grounds for believing that he would be in danger of being subjected to torture. 2. For the purpose of determining whether there are such grounds, the competent authorities shall take into account all relevant considerations including, where applicable, the existence in the State concerned of a consistent pattern of gross, flagrant or mass violations of human rights.” Reports has reached African Rights Monitor-ARM, that Ms. Bisharo Wa’adi, an O'gaden Women Democratic Association activist, who fled from Ethiopia to the neighboring province, Somaliland, as a refugee has been captured and detained by Somaliland authorities and handed to the Ethiopian Security Services (ESS) on February 10, 2010. Ms. Wa’adi lived in Hargaisa for the past two years as a refugee under the alias Shamsa Abdulahi Hirsi to disguise her identity from ESS after she escaped from JigJiga prison where she was unlawfully detained from October 2006 to January 2007. Prior to this latest arrest, Ms. Wa’adi was arrested and jailed multiple times where she was severely tortured psychologically, mentally and physically. Ms. Wa’adi’s body bears injuries that made her physically disabled and her mental anguish prevented her from leading a productive life. Article 14 (1) of the Universal Declaration of Human Rights (UDHR) states that: “Everyone has the right to seek and to enjoy in other countries asylum from persecution” ARM urgently appeals to the international human right agencies, the United Nations, and governing bodies, to condemn Ethiopia and Somaliland for these unlawful acts against innocent civilians that flee a country that does not respect nor protects the rights of its citizens. This is not the first reported renditions by ESS and the Somaliland forces against innocent Somali refugees and this violation of basic rights must be stopped and prisoners freed. Contact: Huda Yusuf FOR IMMEDIATE RELEASE Email: africanrightsmonitor@gmail.com
  15. ^Doorashada ka hor, wadankoo xor ah adaa arki doona Idam Alle. Raga kale( iyo A&T) ma ka war hayaan in Bishaaro xirantahay? :eek:
  16. ^^Y'know from your post (and comments elsewhere), I get the impression that this topic is not the one you were dying to refer. Better you take your proxy comments to where they belong next time.
  17. Markaan wakhti helo ayaan u soo jirayn doonaa, Mahadsanid Abdiladiif.
  18. Unfortunately the page cannot be found, it has either moved to a new location or has been deleted. ?
  19. xildhibaanka ayaa haatan u ek mid la daala dhacayay buuq dhanka siyaasada ah oo baryihii ugu danbey la soo dirsay waxa uuna haatan saalax yahay mid ka fakarayo sidii uu fadhiisin uga dhigan lahaa Bakaaraha oo ay ku xoog leeyihiin Alshababa iyo Xibzul-islaam. Read it here!
  20. Al Shabaab oo 24 saac u qabtay Xisbul Islaam in ay ku soo wareejiyaan Xildhibaan Saalax Badbaado Xaraada Al Shabaab ayaa waxa ay fareen ururka Xisbl Islaam oo gacanta ku haya Xildhiibaan Salaax Badbaado in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ugu soo wareejiyaan gacanta Al Shabaab. Warar hoose ee ay heshay markacadey.net ayaa sheegaya in Al Shabaab ay fareen Xisbul Islaam in Xildhibaan Saalax Badbaado u soo gacan geliyaan si Shabaab uu u sugo amaanka xildhibaanka ka goostay dowlada KMG . fariinta ayaa waxa ay ka soo baxday Amiirka Xarakada Al Shabaab waxaan amrkaan Xisbul Islaam u gudbiyey Afhayeenka Al Shababaab, waxana Xisbul Islaam loo sheegay in Xildhibaanka waxba aan loo dhimi doonin ee kaliya amaankiisa lasugayo. ka dib markii ay fariintaasi gaartay Xisbul Islaam ayaa waxa ay wadan wadatashi ay yeelanayaan saraakiisha Xisbl Islaam oo qaarkood arintaasi ka biyo diidan halka qaar ka mid ah Xisbul Islaam oo la dhacsan hadafka guud ee Al shabaab ay ku talinayaan in Xildhibaan saalax Badbaado al Shabaab loo dhiibo . Xildhibaan Salaax Badbaado ayaa maalin ka hor waxa uu ka goostay dowlada KMG ee uu ka yahay Xildhibaan , waxa uuna ku biiray Xisbul Islaam inkastoo uusan wax hadal ah bixin tan iyo ku biiritiisa Kooxaha Mucaardaka
  21. Kamaavi

    Dalkeygow

    Originally posted by Aaliyah416: Dakeygow Loveee this song...oh my god I am in tears... lets hold hands and work together so we can contribute and help our people both back home and here. salaam Tell it to me please
  22. Calanka Jabuuti oo kii sidii xabashida loogu gubey Ceelasha Biyaha Published: 12 February 2010 KN: Banaanbax uu soo qabanqaabiyey Xisbul islaam ayaa si foolxun oo bahdil ah loogu gubey calanka jamhuuriyada Jabuuti, banaanbaxa oo uu qudbad ka jeediyey Xassan Daahir Aweys ayaa lagu cambaareeyey farogalinta ay balanqaaday Jabuuti. Waxay noqoneysaa markii koowaad oo dad Soomaali ah ay gubaan calanka Jabuuti oo ah astaan garab weyn siisey dadka Soomaaliyeed xilli ay dhibaateysnaayeen. Dadka calanka gubey ayaa ahaa ciidamo hubka iska soo dhibey oo isku dhexdaray shacabka barokacay oo intooda badan lagu soo qasbay banaanbaxa sida aan ku heeyno warar xaqiiqo ah. Mid ka mid ah dadkii ka qeybgalay banaanbaxa oo ay KismaayoNews la hadashay ayaa yiri “ma xuma in laga banaanboxo imaanshaha ciidamada Jabuuti iyo garabka ay siinayaan AMISOM, laakiin in calanka Jabuuti la gubo waxay la mid tahay in aan gubney kii Soomaaliya, mana ahan wax fiican” ayuu yiri isagoo diidey in magaciisa la xuso. Saraakiil Xisbiga ka tirsan oo aan arrinkan wax ka weeydiiyey dhegxumada ay ku tahay shacabka Jabuuti ee walaalaha ah ayuu midkood oo lagu magacaabo Sh. Xusseen noo sheegey in aysanba aqoonsanayn calankaasi, wuxuuna yiri “kii Soomaaliya ayaanan aqoonsanayn, ma kan Jabuuti ayaan dan ka galaynaa”. Xassan Daahir Aweys aya aku celiyey in dowlada Shariifka ay tahay dowlad riddo ah oo ay waajib tahay in laga taqaluso, wuxuu khudbada ki jeedinayay af Soomaali iyo Af carabi labaduba. Arrintan ayaa imanaysa markii dhawaan Jabuuti ay balanqaaday in ay Xamar keeneyso 450 ciidamo ah oo saacida mashruuca ciidamada AMISOM.