Kamaavi

Nomads
  • Content Count

    4,683
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Kamaavi

  1. Wararkii oogu Danbeeyay ee Jubooyinka: Jabkii Alshabaab Jac Iyo Baaruuud Dheh.( Dhoobleey,Afmadow, Iyo Diif) Ciidamada Daacad u ah Axmed Madoobe iyo Xisbul Islam ayaa saaka La wareegay Magaalada Dhooblay, Halkaas oo ay Maamulaan Degmada Dhooblay Axmed Madoobe ayaa si wayn loogu soo Dhaweeyay Magaalada Dhooblay Isagoo Dadku u lulayeen Caleemo Qoyan. Dagaalka ayaa qarxay saaka barqanimadii kolkii ciidamo ka amar qaata Sheekh Axmed Madoobe ay magaalada ka soo galeen dhan aan laga filaynin iyadoo isla markiina ay xabadu ka qaraxday gudaha magaalada saacado yar ka dibna ciidamadii Al-shabaab laga foodhiciyey magaalada. Al-shabaab ayaa dagaalkii saaka lagaga qabsaday 8-baabuur oo isugu jira nooca loo yaqaano tiknikada iyo kuwa lagu raaxaysto iyadoo baabuurta gacanta lagu dhigay uu ka mid yahay baabuurkii gudoomiyihii maamulkii Al-shabaab ee magaalada Dhoobley Maxamed Carab. Dagaalka Alshabaab Laga Saaray Magaalada Dhooblay ayay Ku jabeen Iyagoo Lagala wareegay 8 Baabur oo Kuwa Gaashaaman ah Iyo Qalab Ciidan oo Badan. Wararka ka soo Baxaya Magaalada Dhooblay Caawo ayaa sheegaya in Magaalada ay Degan tahay Balse uu og yahay Axmed Madooba in Alshabab soo Rogaan Celin Iyagoo Dadka Deegaanka Diyaar u yihiin in Iska Caabiyaan Xoogaag Alkharaab. Dhanka Afmadow ayaa Caawa Magaalada laga Dareemayaa Colaad Xoogaan Kadib Markii Ciiidamo isku Jira kuwii Hore ee Gobalka Jubooyinka ee Axmed Madoobe iyo Dhalin Badan oo Caawo raacday ay dul Joogsadeen Magaalada Afmadow Meesha Wararka kale sheegayaan in Laga Cabsi qabo in Caawo Dagaal Laba wajiile ah oo xoogaan uu ka dhaco Labad Magaalo ee Afmadow iyo Dhoobley. Dhanka Magaalada Diif ayaa la sheegaya in Ciidamo ka Amar Qaata Axmed Madoobe inay Caawo Joogaan Kadib Markii Ciidamadii Alshabaab ay soo aadeen Dhanka Dhooblay Halkaas oo Caawo meel 20 Km u Jirta ay Ciidamada Alkharaab kaga Carareen Islaamo Xaasaskooda ah Iyo Kabahooda Iyo Cumaamad Shaydaankii ay Dadka Diinta oogu Gabadeen. Halkaas oo Xaasaskii Intii Baabur Shacab la saaray Lga Daba geeyay Lana sooryay Balse Alshabaab Malahan Dhaqanka Noocaas ah ee Gobanimadu Ku Jirto. Alkharaab(Alshabaab) Ayaa Xaalkoodu Meel xun Marayaa Iyagoo Ku waashay war Axmed Madoobe Xagee Ciidankan ka Keenay Dadka Deegaanku waa Noo Gabadeen. Hogaamiyahii oogu Waynaa ee Alkharaab Ina Godane ayaa Ilaa haatan aan wax war ah ka soo Baxin, Isagoo Horay loogu Bartay in uu Cajul Buraanbur ah soo Duuba Marka Xaaladahan oo Kale ay Taagan tahay. Dhamaan Dad waynaha Gobalada Jubooyinka ee Qurabaha Jooga ayaa Loogu Baaqayaa in Garab is Taagaan Xoogaa Cadaalada Iyo Islaanimada ee uu Hogaaminayo Axmed Madoobe.
  2. ^Dee waa Sayidkiisa. Buraanburkii uu dhooblay ka tiriyey miyaadan maqal? ninki dhoof ku yimidbay geeridu dhibaysa
  3. ^ Garoowe yaan wax laga sheegin? War waxaa jooga kuwo bisadaha ka liita.
  4. Originally posted by AYOUB: The lady and her family do have sincere sympathy and my prayers. The clannish and anti-SL articles posted by Dajiye are the ones that politicised this incident. Go and re-read them with a cool head and tell me what you think. ^Hold on there, Ayoubtos! You had enough. You cannot quote me every time you make a post for no apparent reason. The press release and the news( including the VOA one) that have been posted were most balanced and reliable source. You got problem with the O name in the news. But it stands for a country and the whole population. Personally if you got the news or the press clannish or anti qudhinland it would be more wise if you dismissed right away when it's been posted. Not after throwing away your marduf( or what ever that made you to get high).
  5. Halgan baa socda, ruux la dhiibay iyo boqol la dilay midna u istaagi maayo. Halganku heydaarto badan buu leeyahay oo waa kii dhoodaan maruu sharxayay lahaa Oo kii haro biya ah moodiyow, waa harraad kulule Oo kii hoyasho guri doonayow, waa cidlaw hadafe Oo kii hadimo diidayow, waa naftaa huride Kii xoola haabhaabanow, kama hodmaysaane Kii hadaaf xarrago maagganow, haaruftaad bixine Marka shacabka reer Ogadeeniyow, Insha'Allah, waa la doogiye, yaan la dacaroon.
  6. Originally posted by *Buuxo*: This is an appalling act by Somaliland authorites. Illaahay ha u sahlo Bisharo Wacdi. Ameen huuno A&T , Abti I hear you well. But the O stands my land, and not the clan. Xiin, macno badan meesha kuma haysid. Odweyne oo afkiisa haysta ayaa ku dhaama. Ps. Faraxan aad sheegi isagoon Godey(oo xor ah) ka degin inuu Garowe aado maba haboona. Labada magaalo gacanyare gumaysi ayaa budh ah. Garoowe haddii lagu af duubo ma pirates ayaa laga gar bixi? Sow lacag badan keena dhihi mayaan..
  7. Originally posted by Xaaji Dhagax.: I wonder if he got help from the TFG troops who are now stationed in Libooye ? But anyway its good news! ^^More like it seems that he got help from the locals. Wareysigii Sheekh Axmed Madoobe iyo qaar kamid ah shacabka Dhoobley oo ka hadlaya dagaalka halkan ka dhagayso.
  8. Alshabaab( Alkharaab) oo Dagaalkii Dhooblley Ku Jabtay Magaaladana Lagala Wareegay. Ciidamada daacad u ah Axmed Madoobe iyo Xisbul Islam ayaa saaka La wareegay magaalada dhooblay, halkaas oo ay maamulaan degmada Dhooblay. Axmed Madoobe ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Dhooblay iyagoo dadku u lulayeen caloomo qoyan. Dagaalka ayaa qarxay saaka barqanimadii kolkii ciidamo ka amar qaata Sheekh Axmed Madoobe ay magaalada ka soo galeen dhan aan laga filaynin iyadoo isla markiina ay xabadu ka qaraxday gudaha magaalada saacado yar ka dibna ciidamadii Al-shabaab laga foodhiciyey magaalada. Al-shabaab ayaa dagaalkii saaka lagaga qabsaday 8-baabuur oo isugu jira nooca loo yaqaano tiknikada iyo kuwa lagu raaxaysto iyadoo baabuurta gacanta lagu dhigay uu ka mid yahay baabuurkii gudoomiyihii maamulkii Al-shabaab ee magaalada Dhoobley Maxamed Carab. Dagaalka Alshabaab Laga Saaray Magaalada Dhooblay ayay Ku jabeen Iyagoo Lagala wareegay 8 Baabur oo Kuwa Gaashaaman ah Iyo Qalab Ciidan oo Badan. Wararka ka soo Baxaya Magaalada Dhooblay Caawo ayaa sheegaya in Magaalada ay Degan tahay Balse uu og yahay Axmed Madooba in Alshabab soo Rogaan Celin Iyagoo Dadka Deegaanka Diyaar u yihiin in Iska Caabiyaan Xoogaag Alkharaab.
  9. Sh. Axmed Madoobe iyo Ciidamo uu hogaaminayo oo Dhoobley qabsaday Warar deg deg ah oo hordhac ah oo hada nasoo gaadhay ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo uu hogaaminayo Sheekh Axmed Maxamed Islaan(Axmed Madoobe) ay saaka weerar ku ekeeyeen magaalada Dhoobley waxogaa ka dibna ay la wareegeen magaaladii iyagoo gacanta ku dhigay gaadhigii gudoomiyihii magaalada Dhoobley Maxamed Carab. Sarkaalkan sare iyo ciidamo daacad u ah ayaa la wareegay magaalada kadib iska hor imaad culus oo ay la kaleen maleeshiyaadka al-Shabaab oo iyagu halkaasi horay ugala wareegay Xisbul Islaam oo uu kasoo jeedo Axmed Madoobe. Dagaalka oo goos-goos ah ayaa waxaa uu iminka ka socdaa meel u jirta magaalada Dhoobley ku dhawaad 40-50 kilo mitir, sida loo xaqiijiyay shabakada kismaayotimes.com. Qabsashada magaalada Dhoobley ay qabsadeen ciidamada Sheekh Axmed Madoobe ayaa ku soo beegantay laba maalin un ka dib kolkii ay Al-shabaab shaacisay in ciidamadii Axmed Madoobe ay kala wareegeen fadhiisinkii ugu dambeeyey ay ku lahaayeen gobolka Jubada Hoose oo ahaa deegaanka Diif. Wixii warar ah ee ka soo kardha dagaalka ka socda deegaankaasi Dhoobley dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaaIinsha’allah. Kismaayotimes.com
  10. War Deg-Deg ah: Dhoobleey oo laga qabsaday Alshabaab Published: 18 February 2010 KN: War hadda naga soo gaaray dagaalkii maanta ka biloowdey Dhoobleey ayaa sheegaya in magaalada Dhoobleey ay ka baxday gacanta Alshabaab Warka oo ay nasoo gaarsiiyeen wariyeyaasheena Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaalka magaalada la’iskala baxay, walise uu socdo, magaalada ay la wareegeen ciidamadii saakay soo weeraray ee uu watay Sh. Axmed Madoobe, wallow hubanti la’aan ay ka taagantahay ciidamada qabsaday ee rasmiga ah kuwa ay yihiin. Natiijada dagaalka ayaa is badali karta daqiiqad kasta maadaamaa uu dagaalka wali socdo. Arrintan ayaa waxay kusoo beegmeysaa kadib markii 24 kii saac ee ugu dambeeyey xuduuda lasoo dhoobey ciidamo Soomaali ah oo aad u badan oo dhawaan tabobar ciidan ugu soo dhamaaday Wixii war ah ee kusoo kordha kala Soco KismaayoNews
  11. Waxaa Warsidaha Dhanaan.com si isdaba joog ah ugu soo dhacaya warar iyo faah faahin dheeraad ah oo la xidhiidha khasaarihii ka dhashay dagaalkii saaka ka dhacay magaalada Dhoobley a ee loogu awood sheegtay ciidamadii Al-shabaab ee ku sugnaa magaalada.Wararkii ugu dambeeyey ayaa waxay xaqiijinayaan in dagaalka saaka ciidamadii Al-shabaab looga dilay 9 askari halka 7- baabuurna loogaga qabsaday . Khasaaraha soo gaadhay ciidamadii qabsaday magaalada ee uu hogaaminayey Sheekh Axmed Madoobe ayaa lagu sheegay hal dhimasho ah taasoo tirada wadareed ee khasaarihii ka dhashay dagaalkii saaka ka dhigaysa 10 ruux. Dagaalka ayaa qarxay saaka barqanimadii kolkii ciidamo ka amar qaata Sheekh Axmed Madoobe ay magaalada ka soo galeen dhan aan laga filaynin iyadoo isla markiina ay xabadu ka qaraxday gudaha magaalada saacado yar ka dibna ciidamadii Al-shabaab laga foodhiciyey magaalada. Al-shabaab ayaa dagaalkii saaka lagaga qabsaday 7-baabuur oo isugu jira nooca loo yaqaano tiknikada iyo kuwa lagu raaxaysto iyadoo baabuurta gacanta lagu dhigay uu ka mid yahay baabuurkii gudoomiyihii maamulkii Al-shabaab ee magaalada Dhoobley Maxamed Carab. Ciidamadii Al-shabaab ee laga saaray magaalada ayaa ku baxay dhanka wadada aada Husingoo iyadoo sida wararku sheegayaan lagu daba jiro oo ay sii baacsanayaa ciidamadii Sheekh Axmed Madoobe. Dhanka kale Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in Sheekh Axmed Madoobe uu goor dhow shir jaraa'id ku qaban doono gudaha magaalada Dhoobley kaasoo uu kaga hadli doono dagaalkii saaka ciidamdiisu kula wareegeen magaalada Dhoobley. Wararka ugu dambeeya ee xaalada Dhoobley iyo guud ahaan jawiga kacsan ee Jubooyinka kala soco Dhanaan.com Dhanaan.com
  12. Originally posted by AYOUB: ^ Dajiye and Co need to come out and explain this. Naf firxada, marti kuu ahayd, isla markaas gacanyaraha gumaysiga Itoobiya kaala hoos baxay ka sheekayn uma baahnee gacanta iska qabta kuwa sumcadiina godka ku riday ee aan danaha umdda u adeegaynin. Taariikhda halganka uun bay ku biiriye, tani cadeyn uma baahna.
  13. Originally posted by The Zack: Meesha muqayyiliin baa ka soo buuxsamay maalmahan meel uu wax u socda iyo meel uu ka socdaba aan la soconin. P.s. I am not referring to specific qabiil or am I? Afar magac oo JB ku shaqaysto waxaan ka ahayn ma arko. Waana hubaa inuu qayilo.
  14. Marwo Bishaaro Wacdi waa astaan dhibaatada lagu hayo haweenka S.Ogadeenya.
  15. ^^Si kastoo laguugu baaqo (ama wax laguugu sheego) waxaad ahaan nin meeli bugto. ONLF baad ka soo horjeedaa( shaqsi ka ahaan Xiin) kuma oran laakiin munaafaqnimo iyo war xumo tashiil inaad la yaboosi cid walbaa sheeda ka aragta. Si kale hadaan u dhigo, siyaasada aad cabsantahay ayaa ka soo horjeeda ONLF. Faroolaha aad taageerto ayaa ka soo horjeeda. Ficil kasta ood qaadaan wuu ka soo horjeedaa. Bari waa barriga mooye wanaag kamaba soo baxo. Booqashadii Farax Macalin waad khalad fahmamtaye, mudahaarad way ka weyneyd. Islaanta la xidhay, iyo wiilasha Boosaaso lagu laayey waxay daliil u tahay in isla meelaha laga soo dhiibi ay u baahanyihiin in la xoreeyo. Intaas inaad garwaaqsato uun bay ahayd miyir qaboow. Heshiiska A&T iyo Odweyne dhexmaray halkiisii waa inuu ka sii socdo loona jiheeyaa sidii Garoowe, Godey iyo Hargaysa loogu xorayn lahaa!
  16. Ku Xigeenka Hogaanka Arrimaha Dibbeda ee JWXO Mudane Hanad Maalinguur ayaa si xoogan u cambarayay falka sharci darada ay ku dhaqaqeen maamulka ka taliya Waqooyi Galbeed Somalia . Feb 17, 2010 (QOL) Ku Xigeenka Hogaanka Arrimaha Dibbeda ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadeenya Mudane Hanad Maalinguur ayaa si xoogan u cambarayay falka sharci darada ay ku dhaqaqeen maamulka ka taliya Waqooyi Galbeed Somalia oo todobadkii hore Itoobiya u gacan galiyay hooyo Bishaaro Wacdi Shaqlane. "Sharuuc caalami ayey jabiyeen marka ay Itoobiya u dhiibeen Bishaaro Wacdi" ayuu yiri Hanad "ka ganacsiga shacabka Ogadeenya ama ha noqoto maamulka Puntland ama maamulka ka taliya Waqooyi Galbeed mid aanu u dulqaadan doono ma'aha" ayuu yiri Hanad isaga oo hadalkiisa sii wado. "Waxaanu rajeynaynay in ay dhibaatadii hore ee dhacday marka ay fal noocan oo kale sameyeen Maamulka Waqooyi Galbeed ay wax garashadooda kordhisay lakiin waxaad mooda in ay weli ku dhaqaaqayaan tilabooyin dan u ahayn iyaga oo raali galinaya maamulka Itoobiya" ayuu yiri Hanad Maalinguur. "Maamulka waqooyi Galbeed tilaabada ay qadeen waa mid diblomasiyiinta dalalka deeqda bixiya ay la socdaan waana mid sumcadooda beesha caalamka hortiisa dhaawacay" ayuu yiri Hanad. Mudane Hanad Maalinguur waxuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay "xisaabtanka ma foga" Maha markii ugu horeysay ee ay labada maamul u gacan galiyaan dad ka soo jeeda Soomaalida Ogadeenya waxaa sanooyinkii ugu dambeeyay loo gacan galiyay Itoobiya dad shacab ah oo ka gacsanayay labada maamul waxaana dadkaas qaarna lagu laayay xabsiyada Itoobiya qaarna ilaahadda ku jiraan. Qorahay Online
  17. Madax Waynahii Hore ee Maraykanka Jimmy Carter oo Diiday Inuu Doorahada Itoobiya Goob-Joog ka Ahaado. Dowlada Itoobiya ayaa ku Marti qaaday Madax iskugu Jira Reer Yurub Iyo Maraykanka in ay Goob Joog ka ahaadaan Doorashada Bisha May ee Sannadkan, Balse Madaxwaynhii Hore ee Dalka Maraykanka ayaa Gabi ahaanba Maanta soo Gaarsiiyay Xukumada Addiss Ababa waraaq Diidmo ah oo ku cad inuusan Goob joog ka ahaynin. Shabakada O'gadentoday oo warkan Maanta ka heshay Addiss Ababa ayaa loo sheegay in Madaxwaynuhu uu Saluugsan yahay qaabka wax u socdaan Isagoo Midaas ku daray in Doorshadii hore ee uu Goob Jooga ka ahaa ay ku dhinteen Dad badan. Jimmy Carter ayaa leh Xarun loogu Magac daray Carter Centre oo Indha Indhaysa Arrimaha Doorashooyinka Dalalka Afrika kana Caawisa Qaarada Cudurada. Dadka Indha indheeya Siyaasada ayaa ku tilmaamay in arrintan Dhabar jab wayn ku tahay oo siyaasadeed Xukumada uu Hogaaminayo Melez Zenawo oo kalsoonida laga qabo sii Xumaan doonto. Gudiga Doorshada Indha-Indhaynaysa ee Reer Yurub ayaa la Filayaa in Maalinimada Khamiista ah ay Saxaafada la hadli Doonaan. O'gadentoday/ File Photo World
  18. ^Awoowe isla buugaas(diwaanka dheer) waxaa ku qoran inaan isku tareen saaranahay (laakiin indho aad ku aragto malihid.) Hunguri tiisa( macal saxeexa) ayaa murti badani ku jirtaa. Waa suu sheegaye meelo badan isla Jigjiga ayaa laga xukumaa waxaana haysta Tigreyga oo say rabaan ka yeela. Kan xornimada sheeganna uu yahay jaajuus u shaqeeya, oo waliba ku sii xidhan Tigreyga ka sokoow niman Jigjiga fadhiya. Sabab maanta Hargeisa iyo Jigjiga loo kala duwo meesha ma taalo. Waxaa Hargeisa loo haystaa sida Dhagaxbuur, Garoowe iyo Godey loo haysto. Jacaylbariyo waxay yeeli lahaayeenba waa niman la guumaysto, dhulka anagaa wada xoreyne sii fadhiya dumarkana u sii sheekeeya.
  19. ^Still you are in if, and none of your clan portal news has reported this incident(whether it's true or not). No wonder why Xidigo denies the existence of qudhinland.
  20. Originally posted by Sacad *Ducaale: quote:Originally posted by Che -Guevara: ^We are all ears. What happen in those years? Carpet Bombing , tortures, killings , assisinations, poisoning, indiscriminate killings, rapes whether it be women , children , old people, men etc even poisoning the wells of whole towns and villages , killing livestocks. You have borrowed them from the urban dictionary. So I don't think those words would make slightest meaning for you. You believe in Mammo Bishaaro's story now (or you waiting for Jacaylbaro?)
  21. Originally posted by xiinfaniin: ^^ mintid fara yar mirihii battaa kama macaashaane soo maahayn, ahmed madoobe taag loo waa diidyey inuu guul darro qaatto Ahmed diide dhuluu leeyahay in loogu taliyo libaax weeye aaan la waabine Labada daan Caanoole miduun ku sheeg?
  22. Hello habo maalika. Adi mad na wacdisid.