Kamaavi

Nomads
  • Content Count

    4,683
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Kamaavi

  1. 2.Abdullah Osman, President of the Republic of Somalia, was born in 1908 in the town of Beledwayne He completed his formal education in Mogadishu and then served his country, which was then under Italian administration, in a variety of offices and responsibilities from 1929 to 1941 Before assuming his post, he was an active member of the Somali Youth League, until he turned out to be its leader and reputed president. He was also the president of the legislative assembly, and Somalia's representative at the Moslem conference in Karachi, and at the UN Territorial Council. Aden Abdullah Osman was born at Belet Weyne (Hiran Region). After receiving education at State Schools, he acquired administrative experience in Government offices. He subsequently devoted himself to his own business. In February 1944, he joined the Somali Youth Club (subsequently called Somali Youth League), became a member of the party's steering board and in 1946 was appointed Secretary of the Belet Weyne section of the party. In 1951 the Regional Council of Mudug designated him for the Territorial Council on which he served uninterruptedly (up to February 1956) as the representative of the S.Y.L. In 1953 he was appointed Vice-President of the Territorial Council. In 1954 he became the President of the Somali Youth League and remained office untill 1956. Re-elected to the same position in May 1958, he occupied this post simultaneously with the post of the President of the Legislative Assembly until 1st July 1960. In 1956, when the Territorial Council was replaced by Legislative Assembly, he was elected member of the National Assembly for Belet Weyne District at the general political elections, and in meantime the Legislative Assembly appointed him its President. Aden Abdullah Osman + Fans
  2. 1.Mohamed Abdi Mohamed (Somali: Maxamed Cabdi Maxamed, Arabic: محمد عبدي محمد) is a Somali anthropologist, historian and politician. He is the current Minister of Air and Transport of Somalia.Nicknamed "Gandhi", Mohamed holds 2 Ph.D. degrees in Geology and Anthropology/History in addition to a Higher Degree by Research (HDR) from Besançon University in Besançon, France. A former In-charge Researcher at the IDR in Paris, Gandhi was awarded an International Baccalaureate Diploma from the French Academy. He also served as a senior program advisor of UNDP Somalia in Disarmament, Demobilization and Reintegration (DDR). An active participant in the Somali peace process, Gandhi was Lead Consultant in Mapping the Somali Civil Society. He also chaired the Technical Committee at the Arta Somali Peace process that took place in Arta, Djibouti, as well as being a member of the Somali Civil Society at the Somali Peace and Reconciliation Conference that was held in Kenya. An accomplished author, Gandhi has published eight books in addition to more than 40 scientific articles in various academic journals. He has also edited three studies.On February 21st, 2009, Gandhi was appointed Somalia's Minister of Defense by the nation's new head of government. Professor Mohamed Abdi Gandhi + Fans
  3. Jabhadow, A&T warbaa inoogu laaban laakiin dhan walba oo laga maro arintan waxay ka go'daa dadka deegaanka, odayaasha, waxgaradka iyo aqoonyahanka gobolada(jubbooyinka iyo Gedo ee) dalka Soomaaliya. Si wadajir ah ayeyna dadka deegaanku taageero buuxda u siiyeen qorshaha wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka ee dalka Soomaliya prof Maxamed Cabdi Gaandi. Wasiirku wuxu kulamo la yeeshay waxgaradka gobolada jubbooyinka iyo gobolka Gedo sidoo kale wuxuu soo bandhgay qorshahiisa ku aadan in ay dowladda Soomaaliya ku talo jirto inay mucaaradka kala soo wareegto goboladan. Qorshahan oo ka mid ah talaabooyin ay dowladdu ku doonayso inay maamulkeeda gaadhsiiso oo ay ku ballaadhiso dalka oo dhan gaar ahaan deegaanada ay mucaaradku joogaan. Wasiiirka ayaa shacabka jubbooyinka ka codsaday inay kala shaqeyaan qorshaha ay dowladda Soomaaliya wado, sidoo kale shacabka jubbooyinka dalka Soomaaliya ayaa taageray una ballan qaaday inay la shaqeyn doonaan. Waxaa soo ifbaxay isbedello siyaasadeed & jawi cusub oo ay galeen dadka ku dhaqan Jubooyinka & Gedo 1.Waa markii ugu horeeysay oo la maqlo odayaal isku dhaf ah oo ka kala socda Jobooyinka & Gedo oo danahooda ka shaqeeynaya, inkastoo la dhihi karo waa iskaashi tabar yar oo aan ku taagneen tiirar adag oo lagu kalsoonaan karo, hadana waa wax cusub oo soo jiidanaya dhegaha dadka la socda siyaasadaha Somaalida. 2. Waa markii ugu horeeysay oo la maqlo oday ay ka muuqato codkarnimo , dhiiranaan buuxda & weliba biseeyl siyaasadeed oo u doodaya danaha dadka ku dhaqan deegaanada Jubooyinka, waa gudoomiyaha gudiga Jubooyinka & Gedo mudane Sh. Khaliif Sh Guure Ali oo hadaladiisa ay soo jiiteen dadkii dhageeystay, asagoo ay ka muuqatay qiiro wadaniyadeed & sida uu ugu heelanyahay la shaqeeynta Dowlda Fadaraalka Somaliya- hadaay doowlada dhab ka atahay hadalada had & jeer laga maqlo ee ah "soo cilinta amaanka & kala dambeeynta dalka". 3. Waa markii ugu horeeysay oo ciidamo noocaas ah oo loo dhameeystiray dhamman wixii looga baahnaa ciidamo casri ah loo diyaariyo gobolladaas aan soo xusnay. 4. Dadka ku dhaqan Jubooyinka oo lagu bartay taageerida aan shuruuda ku xirneey ee ay u hayeen ururada ku dagaalama magaca Diinta, ayaa hadda ah dadka aadka u mucaaradsan ururada noocaas ah, ayagoo u arka in maanta la joogo waqtigii la garab istaagi lahaa doowlad Fadaraalka ee Soomaaliyeed oo dalka ka hanaqaada. 5. Waa markii ugu horeeysay ee ay dhexmarto wada shaqeeyn & isku kalsooni buuxda odayaasha Jubooyinka & doowlada Kenya, oo ay ugu wacantahay labo arimood oo kala ah, doowlada Kenya oo ka cabsi qabta in dhibaato kaga timaado dhanka xuduuda Soomaaliya, & siyaasada guud ee dalka Kenya oo uu ku dhacay isbeddel baaxad leh tan iyo markii uu xukunka ka degay madax weeynihii hore Mr. Arab mooy, & Odayaasha oo ku guuleeystay in ay ka dhaadhiciyaan dowlada Kenya siyaasadooda ku aadan Soomaaliya, waxaa xusid mudan in odayaasha aay geleen wadahadallo badan intii ay ku sugnayeen dalka Kenya, wadahadaladaas oo ay ka war hayeen beesha caalamka. Prof. Gaandhi wuxuu ka mid yahay wasiiradda fara ku tiriska ah ee dowladda Soomaaliya beesha caalamka iyo shacabka soomaaliyeedna ku ammaaneen xil gudashadisa. Dadaalka faraha badan ee wasiirku sameeyey, taageerada buuxda ee dawlada Kenya u hayso DFS iyo rabitanka dadka deeganka in laga dhigo hal bacaad lagu lisay waa la dhaamaa. Shirka Nairobi ka dhacay wuxuu hordhac u yahay nabad ka hirgasha deegaanka Jubooyinka, Gedo iyo dhamaan Konfurta Somaliya. Hiil iyo hoo waa in la lagarab istaagayaa sidii loo meel marin lahaa qorshaha wasiirka. Sidoo kale waa in la iska qabtaa cid ala cidii isku dayda in ay carqaladeeyso amaba faragalin ku sameysa qorshahan, ee lagu soo celinayo nabadii iyo kala danbeyntii degaanada jubooyinka, gedo iyo Koonfurta.
  4. Somali badan waad qori taqaanaa. Lakiin xikmad daro ayaa ku haysa....
  5. Madmadoow ka dhex jira Alshabaabka Kismaayo Published: 23 March 2010 KN: Wali lama magacaabin afayeenka wilaayada islaamiga ee Jubooyinka, sababtuna waa muran wali ka taagan xil ka qaadistii Sheekh Xassan Yacquub, laakiin halka ay sarta ka quruntey waa gudoomiyihii xilkiisa waayay Hubanti la’aan ayaa ka jirta sida dhabta ah ee uu xaal yahay, laakiin waxaa muuqda astaamo soo xoogeysanaya oo muujinaya ismari waa ka dhexjira maamulka. Rag xilalka laga qaaday oo uu ka mid yahay gudoomiyihii hore Sheekh Zeeylici iyo afayeenkiisii oo saluugsan xilka madaxa dacwada ee loo dhiibey Sheekh Xassan Yacquub iyo taliyeyaal ciidan ayaa la fahamsanyahay in ay ku jiraan wax lagu tilmaami karro gadood. Arrintani waxay keentey in aanan wali la magacaabin xilka ugu saameynta badan ee afayeenka wilaayada, xilkani markii dhawaan laga qaaday Xassan Yacquub waxaa la dhimey awoodihii uu lahaa qofka qabanaya taasoo ka dhalatay ku takrifal xad dhaaf ah oo uu ku kacay Sh. Xassan Yacquub oo mar usoo muuqdey in uu isaga cid kasta ka sareeyo. Haatan waxaan xilkani awood loo siiyey in uu magacaabo gudoomiyaha taasoo siineysa qayaarka ah in uu xilka ka qaadi karo marka uu doono, haatan wali lama buuxin booskaasi. Dilkii dhawaanta Kismaayo ka dhacay ee taliyihii Dhoobleey ayaa iyana soo kordhiyey muran cusub, wararka aan heyno ayaa tibaaxaya in muranka dilka ninkani uu haatan lugaha la galay murankii horey u jirey ee xil ka qaadista. Waxaa xiran saraakiil sarsare oo la’isku mari la’yahay sida laga yeelayo, waxaa ka mid ah gudoomiyihii Dhoobleey Sheekh Maxamed Carab. Horey waxaa u jirtey in markii isku shaandheynta lagu sameeynayay maamulka in ragii xilkooda waayay ay ku doodeen in madaxda Alshabaab ee isbadalkan sameeyey aysan awood u lahayn in ay taasi sameeyaan, waxayna ku doodeen in wilaayadu ay tahay mid iskeed u madax banana. Si kastaba, macluumaadka ku saabsan arrintani ayaa si weyn looga illaalinayaa dhagaha iyo indhaha saxaafada.
  6. Cumar Cabdi Rashiid iyo wefdigiisii oo dib ugu laabtay Muqdisho Wefdigii DKMG ee uu hogaaminayey Cumar Cabdi Rashiid ee maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa lagu soo waramayaa inay dib ugu laabteen magaalada Muqdisho iyagoo aan wax natiijo ka gaadhin arimihii gundhiga u ahaa safarkoodii magaalada Nairobi. Muhiimada ugu waynayd ee weftida DKMG u yimaadeen magaalada Nairobi ayaa ahayd sidii ay u lasoo wareegi lahaayeen masuuliyada ciidamada Soomaaliyeed ee lagu tababaray dalka Kenya. Wefdiga ayaa kolkii ay soo gaadheen Nairobi dadaal badan geliyey sidii ay u heli lahaayeen oday dhaqameedyo ka soo jeeda Gobolada Jubooyinka oo garab istaaga qorshihii ay wateen. Intii ay ku sugnaayeen magaalada Nairobi waxay kulumo gooni gooni ah la yeesheen saraakiil ka tirsan dowlada Mareykanka oday dhaqameedyo, masuuliyiin Itoobiyaan ah iyo Hay'adaha deeq bixiyaasha. Dhamaan kulamadan ayaa ku dhamaaday guuldaro marka laga reebo kulankii ay la yeesheen saraakiishii ka socotay dhanka Ethiopia oo ay isku qorshe ahaayeen. Dhanka kale waxaa naloo xaqiijiyey in madaxweyne Shariif uu waraaq horay usoo raaciyey weftiga taasoo si toos ugu socotay Prof.Gaandi isla markaana uu kaga hadlayey mawqifka dowlada Somalia ee ku aadan ciidamada soomaaliyeed ee lagu taba baray gudaha Kenya. Faah faahinta fariintii uu Shariifku usoo diray Prof.Gaandi kala soco wararkaanaga dambe.
  7. ^It's the later yaa xiinos. But what would you say if he has spoken publicly now... hatu when you sing somaliyo toosoo isku tiirsada kolba kiiina tabar daran taageera weligeen, you are talking to/about the people and it always was about the clan and people generaly. Yaan lagu khaldin. Kismayo is more important than any ghost burning up city( like Baqdad, or Moqadisho). why would I care about it when I am considered as a second citizen in that same city? Do you remember what it rewarded Ina Ali Bare, the halyeey who was named as jugta during the presence of Ethios in Moqadisho( not to mention Ina Jees)? Magaalo muuqdisho ah yaad Kista garab dhigaysaa wager war li'idaaa niyow...
  8. Hatu, awoowe Garisa, and Godey are not in Somalia. But majority of the people who live in them are Somali muslims. Wake up & smell the coffe. You wonderers will have your say the day that the blue flag gets fair share, of appreciation in somalia proper. Inta ka horeysa is gaabsha..
  9. Originally posted by Che -Guevara: Kamavi-Since you call me pirate, perhaps I should join my pirate folks. Who ever you join, just don't be hashii labada geed dhexdooda waraabuhu ku cunay.
  10. ^ You guys might keep dreaming. But Somaliweyn is 1960s. I trust no Somali( wadaad, wonderer or waranle who is from Somalia,especially pirate and HBB triangle.) It's not my fault, it's the 2010. Let's talk about Garisa and Godey the very day that Somalis( in Somalia proper) start taking care of the blue flag properly.
  11. ^Dakh biladhin iyo bashtuu baratay yaa ka gar hela horta? Waryee kaligii muslim, adeer inta mujaahidnimo sheegata iyo ku mujrim ahba adaa igala liita( waayo behind screen oo laga ciyo sidii lax dhukan ayaad miciin mooday). Adeer this thread is not about A&T( or shaben perse) marka qufaca dhuuska yo calyada kaa da'aysa meel looga baahanyahay la'aad na'meen. Iga bax threadkayga sharban maskaxda kaa kufsaye na'meen. Jabhad, isku meel ayaan ka taaganahay arintan. Adeero A&T meel public ah kuma jiidjiidi karnee ha iska bisleeyo sheekadan wax rag waaweyn u cuntamana ha noo la yimaado
  12. Madaxweyne Shariif oo barri tagaya magaalada Nairobi. Warar ka imaanaya xarunta madaxtooyada Villa-Somalia ayaa sheegaya in madaxweyne Shariif uu bari oo Jimce ah u baqooli doono magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Ilaa iyo hadda lama faah-faahin ujeedka uu madaxweyne Shariif ku tagi doono Nairobi, laakiin waxay warar hoose tilmaamayaan inuu shir lagali doono saraakiil ku sugan Nairobi & odayaal dhaqameed iyaguna halkaas jooga. Waxaa in badan laga ilaaliyay saxaafadu inay hesho safarka madaxweyne Shariif ee uu halkan ku imaan doono iyo ujeedkiisa, waxaa kaloo la diiday in faah-faahin cad laga bixiyo sababta keentay safarkan qarsoodiga ah. Waxaa Nairobi ku sugan R/wasaare Cumar waxaa laftiisa la qorshaynayaa inuu aadi doono dalka DJibouti oo uu la kulmi doono madaxda wadankaas markuu madaxweyne Shariif yimaado Nairobi, sidoo kale laftiisa lama faah-faahin safarkiisaas wuxuu ku saabsan yahay. Safaradii ugu dambeeyey ee ay madaxda dowladu samaynayeen waxaa laga ilaaliyay in saxaafada la ogaysiiyo ujeedkooda, sidoo kale dowladu waxay isku dayaysaa inaysan saxaafadda usoo bandhigin howlaha ay doonayso inay qabato.
  13. Mar 26th 2010 | Dallaad. Melez oo shir jaraa’id kayidhi maraykanka iyo Europe ba waligoodbay haweenka iyo caruurtaba xasuuqi jireen ee may xuquuqul insaanku kahadlaan arinkaas. Wararka naga soo gaadhayo magaalada addis ababa ayaa waxay sheegayaan in shir uu usocday labadan maalmood kaligii taliye Melez Zenawi iyo baarlamaankiisa. Shirkan oo lagu qabtay caasimada dalka Ethiopia ayaa keenay kadib markii uu musuq maasuq badan soo kala dhex galay gabi ahaanba xukumada kaligii taliye Zenawi, taas oo ooga timid dibada iyo dalka gudihiisaba. Shirkan ayaa keenay kadib markii Meles Zenawi uu kudhawaaqay in laxiro Voa da kuhadasho Af washeensiga (Axmaariga), kadibna uu kadiiday af hayeen udhashay dalka maraykanka, isaga oo taas kutilmaamay inay xanibaad kutahay waxa afka qalaad lagu yidhaahdo Freedom Of Speech. Af hayeenka maraykanka ayaa hadalkiisa isaga oo sii wato kudaray inay horayba ooga shakisnaayeen Zenawi kadib markii cadaymo badan lasoo hordhigay oo kadhan xaga xuquuqul insaanka ama bini aadanimo darada uu kuhayo umada reer ******ia. Meles Zenawi ayaa shirkan waxuu carabka ku celceliyay in Maraykanka iyo Europe ba xasuuq ba’an kawadaan wadamo badan oo ay carrabtu dagto, taas oo ay haween iyo caruurba kulaayeen. Siiba isaga oo yidhi dagaalkii lagu qaaday Iraq inuu maraykanka u adeegsaday hub in La adeegsado kamamnuuc ahaa, iyada oo dadka hada kadhasho wadanka Iraq ay ubadanyihiin dad si kale u sirwacan kuwan oo aan sidaan horay loogu aqoon, sida ilmo laba madax leh ama afar lugood leh. Kaligii taliye Zenawi ayaad moodaa inaynan hada isku fiicnayn saaxiibadiisii reer galbeed kadib markii looga fara dhuub dhuubnaaday. Mudane iyo marwooyin wixii kasoo cusboonaado kala soco dallaad.com
  14. Published: 24 March 2010 KN: DKMG ah ayaa madaafiic ku weerartay qabuur ay ku aasnaayeen culumo Soomaaliyeed kuwaasoo ay shalayto faagtey xarakada Alshabaab, ujeedka duqeynta waxaa lagu sheegey mid lagu waxyeeleynayo ciidamo halkaasi wali faagis ka waday Lama oga waxyeelada ay duqeynta geeysatay, hase yeeshee waxaa la fahamsanyahay in xiliga duqeynta dhacaysay ay halkaasi ku sugnaayeen ciidamo iyo shaqaalo rayid ah oo faagis iyo burburin ka waday qabuurta oo ku taala degmada Wardhiigleey ee Xamar.
  15. ^Why would I ask when his position on that is as clear as your big front teeth? Unlike pirates, the Qhalib character doesn't defend Riyale's political prostitution.
  16. ^What friends or foes are you talking about? Besides the yaaban club, it's politics section( which is run by a none or all rule).
  17. Muran iyo khilaaf xoogan ayaa u dhaxeeya maalmahaan Madaxweynaha dowladda FS Shariif Sheekh Axmed iyo wasiirkiisa Gaadiidka Maxamed Cabdi Maxamed “Gaandi” , iyadoo labada Mas’uul ay isku maandhaafsan yihiin qaabka loo howlgelinayo ciidamada dowladda KMG ah loogu tababaray dalka Kenya . Wasiirka Gaadiidka ee Xukuumadda FS Maxamed Cabdi Gaandi oo hore u ahaa wasiirka Gaashaandhigga , loona xilsaaray la socodka howlaha ciidamada lagu tababaray gudaha dalka Kenya ayaa daaha ka rogay inuu ka dhex jiro isaga iyo Madaxweyne Sheekh Shariif khilaaf ba’an oo salka ku haya qaab adeegsiga iyo howlgelinta ciidamada cusub ee dowladda loo tababaray . Maxamed Cabdi Gaandi wuxuu wax lala yaabo oo maan-gaabnimo ah ku tilmaamay aragtiyada ku baaqaya in ciidamadaasi loo daabulo dhanka Magaalada Muqdisho oo uu sheegay inay joogaan 8000 askari ,iyadoo ciidankaasi tirada badan ay weli u babac dhigi la’yihiin awooda kooxaha ka soo horjeeda dowladda oo tiro ahaan iyo awood ahaan ciidankaasi ka liita , wuxuuna ku baaqay in loo sameeyo ciidamadadowladda ee Muqdisho jooga dhiiri gelin , lana howlgeliyo . Wasiirka wuxuu ku adkeystay in ciidamada dowladda FS loogu tababaray dalka Kenya ay weerari doonaan gobolada Jubbooyinka , si gacanta dowladda loogu soo celiyo Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka J/hoose , isagoo sheegay in fikirkaas ay la qabaan xitaa ciidamada oo uu sheegay inay ku heyb tirsadaan dadka jubbooyinka ku nool . Warar laga helay Madaxtooyada dowladda KMG ah ayaa waxa ay sheegeen inuu jiro khilaafkaas xoogan ee ka dhex aloosan Madaxweyne Sheekh Shariif iyo wasiirkiisa Prof.Gaandi . Waxaa soo baxeysa baqdin ah in ciidamadaas ay iska kala tagaan oo ay kala furfurmaan . Madaxweynaha Soomaaliya ayaa aaminsan in ciidamadaasi loo soo daad guureeyo gudaha Muqdisho si ay ugala qeyb qaataan ciidamada dowladda howlgalka wadajirka ah ee dowladiisa ay damacsan tahay dhowaan inay qaado. Iyadoo isla arrinkaas uu jiro ayaa misana aaney jirin isla shaqeyn ka wada dhaxeysa Wasiirka Gaadiidka Prof. Maxamed Cabdi Gaandi iyo Xildhibaan Barre Aadan Shirre “Hiiraale” oo hogaaminaya Maleeshiyo beeleedyo Ethiopia ay soo tababartay kuwaasoo haatan ku sugan degmada Doolow ee Gobolka Gedo, iyadoo xildhibaanka uu damac ka hayo sidii uu gacantiisa ugu soo celin lahaa Magaalada Dekadda ah ee Kismaayo iyo deegaanada ku xeeran ,isagoo halkaasi u magacaabay Nin lagu magacaabo Maxamuud Cali oo dowladda Ethiopia taageero balaaran ka heysta , halka wasiirka Gaadiidka isna uu magacaabay Ilyes Badal Gaboose oo taageera ka heysta shacabka jubbooyinka, dowlada kenya, Maamul Goboleedka Puntland iyo Mareykanka . Dowladda Kenya ayaa waxa ay iyadu dejisay istiraatiijiyad ciidamada dowladda FS loogu tababaray gudaha Kenya ay ku weerari karaan gobolada Jubbooyinka , si ay islaamiyiinta ka tirsan Alshabaab jab milatari u gaarsiiyaan , waxa ayna Xukuumadda Nairobi ay damaacineysaa in ciidamadaasi ay ka dagaal tagaan xuduudka ay la waaagto Soomaaliya , iyadoo u balan qaaday taageero Sahay Milatari ah oo rasaas iyo dawo isugu jirta . Ha yeeshee dowladda Ethiopia ayaa walaac ka muujisay ciidamadaan iyadow dalbatay in ciidankaasi laga soo talaabiyo Xuduudka ay la wadaagto Kenya si ay ugu biiriso xoogaga kale ee ku sugan Degaanka Doolow , waxa ayna cabsi ka muujisay in hadii ciidankaasi ay iskood uga dagaal galaan Gobolada Jubbooyinka ay taageeri karaan Jabhada wadaniga ee ka dagaalanta dhulka O'gadeniya ONLF oo Mucaaradka ku ah nidaamkeeda
  18. ^Like Muriidi or ninyaaban or yaabkayaabkiis ... weligaaba iska yaabanow
  19. Baaq, Taageero iyo Talo Ku Aaddan Shirkii Nairobi Ee Gobolada Jubooyinka Published: 23 March 2010 Qurbajoogta jaaliyadda Jubooyinka ee waddanka North Amecrica, gaarahaan Minnesota waxey si qoto dheer uga fiir sadeen arrimaha amaanka iyo xasiloonida dalka Soomaaliya iyo midda Gobolada Jubbooyinka khaasatan. Sidaas darteed marka hore waxaan taageero weyn usoo jeedineynaa shirkii golaha guurtida ee Jubooyinka ay ku qabteen magaalada Nairobi, kaas oo ay ku ayideen nabadda dalka Soomaaliyeed iyo sugidda amaanka gobolada. Anagoo ku hadlayna magaca qurbo joogta Jubooyinka ee North America waxaan taageer sanahay in la dhamaystiro nidaamka federalka ah ee dastuurka dawladda federalka ku meel gaarka ku cad, in xasilooni iyo kala dambayn lagu soo celiyo gobolada oo dhan, si simanna hawshaasi looga hirgaliyo gobolada oo dhan, khaasatan gobolada Jubooyinka. Sidaas darted, anaga oo ku hadlayna magaca qurbo joogta Jubooyinka ee North America qaybta Minnesota waxa aanu war saxaafadeedkan ku taageerayaa hadalkii Sheekh Khaliif Guure, guddoomiyaha golaha guurtida, ee ahaa in, mar haddii ay adkaatey in Moqdisho la xasiliyo, la taageero in gobolada wax laga qabto isagoo sheegey in ciidamada lagu tababarayo Kenya loo diyaariyay in ay ka hawlgalaan gobolada Jubooyinka iyo Gedo. Waxaan kale oo ku baaqaynaa in laga dig toonaado damaca gaarka ah iyo dabinada shisheeyaha wax walbana laga hormariyo nabad galyada, xasiloonida iyo walaanimada diinteenu ina farayso. Waxaa kale oo aan jaaliyaadka Jubaland ee qurbaha ku baahsan ugu baaqeynaa iney codkooda mideeyaan si loo gaadho midnimo iyo walaal nimo horseedda qaranimadii Soomaaliyeed. Afhayeenka Qurbo Joogta Jubooyinka ee North America. Shafeec Khaliif Qaasim (651)332-3355
  20. Dad Colaadi Dhextaalo, Balse Heshiis ku ah in la Fashiliyo Qorshaha Prof. Gaandi ee Jubbooyinka Markii Wasiirka Gaadiidka Prof. Gaandi uu dhawaan Nairobi kaga dhawaaqay in ciidamada dawlada ee lagu soo tababaray Kenya ay ka hawl gali doonaan Jubbooyinka, waxaa isla markiiba soo baxay garabyo colaad weyni dhextaalo, balse hadda heshiis ku ah in laga hortago qorshahaas. Dawlada Soomaaliya iyo kooxda Alshabab labada midna raali kama aha in uu hirgalo qorshaha uu wato Prof. Gaandi. Uma baahna in sharaxaad dheer laga bixiyo sababta kooxda Alshabab u diidan tahay qorshahan, laakiin waxaa is weydiin mudan, maxaa keenay in Dawaladu ka soo horjeedsato qorshaha Prof. Gaandi?. Mawqifka Dawladu waa in ciidamadaasi ka hawl galaan Muqdisho, isla markaas aan la geynin gobolada Jubbooyinka. Hadaba si loo kala ogaado in mawqifka Dawladu yahay mid daacad iyo in ay jiraan arimo kale oo dahsoon, bal aqristow ila fiiri afarta qodob ee hoos ku xusan: 1. Sanadkii la soo dhaafay ayaa ciidamo fara badan oo ay leedahay dawlada Soomaaliya lagu soo tababaray magaalada Mustaxiil ee Ethiopia. Ciidamaas waxaa gacanta ku hayey Alle ha u naxariistee Col. Cumar Xaashi oo ahaa wasiirka amniga qaranka. Ujeedada ciidamadaasi waxay ahayd in ay la wareegaan gobolada dhexe, hiiraan, iyo shabeelaha dhexe, balse qorshahaasi waa burburay ka dib markii Alshabab ay qarax ku dileen Col. Cumar Xaashi. 2. Waxaa kale oo bishii November ee 2009 jiray in Wasiiru Dawlaha Arimaha Gudaha C/Rashiid Xidig oo uu weheliyo Taliyahii hore ee ciidamada booliska General Cabdi Qeybdiid ay booqasho ku tageen Boosaaso iyo Garowe iyaga oo halkaas tababar ugu soo xidhay ciidamo badan oo boolis ah oo ka tirsan dawlada Federaalka Soomaaliya. 3. Waxaa kale oo jira ciidamo tiro badan oo daacad u ah Xaabsade iyo Aadan Madoobe oo fadhigoodu yahay Ceelbarde, taageerana ka haysta Ethiopia. 4. Maxay tahay shaqada ay qabanayaan ciidamada kor u dhaafaya 10,000 ee loo soo tababary dawlada iyo ciidamada AMISOM oo dhan 5,000 oo dhamaantood ku wada sugan magaalada Muqdisho. Waxaa kale oo wali dhagaha dad badan oo Soomaali ah ka sii guuxaya sababta iyo cidda ka danbeysay in la fashiliyo qorshihii kale ee uu watay Prof. Gaandi markii uu ahaa Wasiirka Gaanshaandhiga, qorshahaas oo ahaa in dib loo hawl galiyo ugu yaraan 36,000 oo ah ciidamadii hore ee Soomaaliya si ay dalka dib ugu qabtaaan. Su�aasha hadda taagan waxa ay tahay: Maxaa ciidamadii lagu soo tababary Mustaxiil, iyo booliska ku sugan Puntland iyo waliba kuwa Ceelbarde jooga loo keeni waayey Muqdisho? Maxayse tahay sababta ay dawladu u rabto in ciidamada deegaan ahaan ka soo jeeda Jubbooyinka la keeno Muqdisho is ay uga dagaalamaan, isla markaasna u diidan tahay in la geeyo Jubbooyinka? Dhinac kale markaad ka fiiriso, waxaa la is weydiin karaa: gobolada dhex iyo gobolada Jubbooyinka mid kee ayaa u faa�iido badan in ay Dawladu qabsato? Ma dawlada Soomaaliya ayaa danaheeda garaneyn, mise waxaan raali laga ahayn in ciidamada Kenya lagu soo tababaray ay la wareegaan gobolada ay deegaan ahaan ka soo jeedaan?!. Dad badan ayaa aaminsan in Dawlada Soomaaliya ay ka cabsi qabto in haddii ciidamada lagu soo tababaray Kenya ay qabsadaan gobolada Jubbooyinka, in taasi horseedi karto ku dhawaaqida maamul goboleedka �Jubbaland State�, talaabadaas oo wax weyn ka badali doonto siyaasada Soomaaliya ee qabiilka ku dhisan. Dr. Maxamed Cabaas kismaayo91@hotmail.com
  21. Cumar Cabdi Rashiid iyo Xidig oo loo wakiishay inay fashiliyaan dadaalkii Prof.Gaandi Warar xasaasi ah oo goor dhawayd nasoo gaadhay ayaa waxa ay ku soo waramayaan in shir lagu minjaxaabinayo barnaamijkii Jubooyinka ee uu gadhwadeenka ka ahaa Wasiirka Gaadiidka ee DKMG Prof. Maxamed Cabdi Gaandi uu haatan ka socda magaalada Nairobi. Shirkan ayaa sida lagu soo waramayo waxaa soo qaban qaabiyey Raysul wasaaraha DKMG iyo koox wasiiro ah oo loo soo wakiishay inay kar kaarka waydaariyaan Prof. Gaandi. Ujeedada Shirka haatan loo fadhiyo ayaa lagu sheegay in lagu go'aaminayo sidii maamulka iyo barnaamijka guud ee ciidamada lagu tababaray dalka Kenya looga wareejin lahaa Prof.Gaandi islamarkaana loo hoos gayn lahaa wasaarada g/dhiga ee DKMG. Dhanka maamulka ayaa la sheegay in loo dhiibi doono ninka lagu magacaabo Xidig oo asagu horboodaya ragga loo soo adeegsaday bur burinta qorshaha mudada dheer soo socday ee Prof. Gaandi. Wasiirada kulankan soo xaadiray ayaa tiradooda lagu sheegay 6 wasiir oo safar kaga yimid magaalada Addis Ababa. Wararka hoose ee ku soo dhacaya Dhanaan.com ayaa waxay tibaaxayaan in qorshahan lagaga takhalusayo prof. Gaandi iyo barnaamijkiisa laga soo abaabulay Addis Ababa iyadoo loo soo wakiishay Raysul wasaare Cumar Cabdi Rashiid iyo Xidig. Wixii ka soo kordha shirka ka socda Nairobi kala soco Dhanaan.com
  22. Qorshihii lagu doonayey in lagu badalo Prof.Gaandi oo fashilmay Wararka dheeraadka ah ee naga soo gaadhaya magaalada Nairobi ayaa waxay sheegayaan inuu fashilmay qorshe xasaasi ahaa oo lagu doonayey in Prof.Gaandi looga wareejiyo maamulka barnaamijka ciidamada DKMG loogu taba baray dalka Kenya. Wararku waxay intaas ku darayaan in qorshahani uu fashilmay ka dib markii odayaasha dhaqanka,dowlada Kenya iyo Hay'adaha deeqbixiyaashuba ay ka horyimaadeen. Waxaa xusid mudan in Raysul wasaare Cumar Cabdi Rashiid iyo xubnaha wasiirada ee la socday ay dadaal badan geliyeen sidii Prof.Gaandi looga wareejin lahaa barnaamijka iyagoo soo abaabulay odayaal dhaqameed laga soo aruuriyey magaalada Nairobi oo ay ku doonayeen inay ku gaadhaan yoolkii ay higsanayeen. Ma aha markii ugu horaysay ee DKMG ee Somalia isku khilaafto hawlgelinta iyo maamulida ciidamada Soomaaliyeed ee lagu taba baray dalka Kenya, balse waa arin soo noq noqatay iyadoo dadku siyaasada geeska Africa u dhuun duleela ay khilaafkan dhamaan la' ku tilmaameen mid ay ku lug leedahay dowlada Ethiopia oo iyada sida muuqata aan raali ka ahayn gebi ahaanba barnaamijka ka socda dalka Kenya.
  23. Baahida kal gacalkiyo boholyowhga aan qabo Naftu kugu basaastoo bogsanwayey awgaa Adiguna baraariyo barwaaqaad la jiiftaa Ana boogtii caashqa waxaan ahay bastayoo barkintaan dul aala Basraay aduunyada intaan baaqi noolahay Qalbiga kama baxayside waxaad tahay barkay Barigii aan ku lananiyo barashadii tixgaliyoo Balantii dhaxdeeniyo wacadkii ha baal marin... Adiguna badhaadhiyo barwaaqaad la jiiftaa Ana boogtii caashqa waxaan ahay bastayoo barkintaan dul aala
  24. ^You forgot the kuwaithi flag? Joog maroodi ,,, ama jiif wiyileed ha la haato.