Kamaavi

Nomads
  • Content Count

    4,683
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Kamaavi

  1. wadnaha wuxu is tagi doona dumashiyo markay arkagto rudy oo threadkan akhrinaya ,,,
  2. ^Guul deg deg ah hora loo garay. It was the 77. Lakiin waxa la rabaa mid permanent ah.
  3. ^ odeyga mooye wiilku waa gar gaab. Adis ayuu kuso gar xiirtay. Qawiim wuxuu qoray ma akhriday?
  4. Beentii Soo Afjarmatay, iyo Shabakada,Wararka ee Afka Carabiga, ee Qawiim Warbixintii Ururkii Isdhiibay, Shabakadda Qawim ee bishii 3xaad uu Ibraahim dheere ku yidhi waan jihaadayaaye i taageera ayaa ka qortay maqaal dheer waxan loogu yeedhay heshiiska ka dib markii laga sal gaadhay beentii loo sheegayay umadda. Cinwaanka maqaalka oo ah ( آفاق السلام في منطقة أوجادين) Saadaasha nabadeed ee gobolka Ogadeenya (Peace prospects in Ogadeenya), ayuu qoraaga wuxuu aad ugu nuuxnuuxsaday in laba qof un ay runta ka sheegeen arintan. Wasiirka Warfaafinta Gumaysiga iyo Hogaanka Arimaha Dibadda ee JWXO. Wasiirka warfaafinta Gumaysiga Itobiya ayaa isaga ugu horeynba sheegay arinta siday u dhcaday markuu yidhi; وفي الوقت الذي قالت فيه الجبهة إنها إنما فعلت ذلك استجابة لرغبة إثيوبية معلنة بعد عقدين من القتال المتواصل، أعلن وزير الإعلام الإثيوبي أن ما حدث لا يعدو أن يكون استسلاماً من الجبهة لحكومة بلاده التي وصفت هذه الجماعة المناهضة لها بالإسلامية المتمردة، والتي كانت تعتزم مهاجمة شركات النفط والغاز الناشطة في إثيوبيا، وها هي بمقتضى الاتفاق، قررت، بحسب الرواية الإثيوبية، وضع السلاح والالتزام بالدستور لتتحول إلى حزب سياسي. Oo macnaheedu yahay; “ Marka ay jabhadda (UWSLF) leedahay waxaan sidan u yeelnay iyadoo ay Itobiya cadaysay inay rabto wadahadal nabadeed ka dib markaan 20 sano dagaal kula jirnay, wuxuu Wasiirka Warfaafinta Itobiya shaaca ka qaaday inaysan arintan dhaafsiisnayn inay jabhadaas isu soo dhiibtay xukuumadda dalkiisa oo ku tilmaantay kooxdan inay ahaayeen koox islaamiyiin ah oo falaagowday, oo doonaysay un inay weeraraan shirkadaha baara shidaalka ee Itobiya ka dhex shaqaynaya. Waana sidaa heshiiska. Waxay go’aansadeen inay hubka dhigaan oy u hogaansamaan dastuurka Itobiya noqdaana xisbi siyaasi ah.” Waxaa kaloo runta ka sheegay Hogaanka Arimaha Dibadda JWXO oy soo xigtey shabakadda ereyadiisii doodii Jazeera; الجبهة الوطنية لتحرير أوغادين، إحدى أهم الجبهات المقاتلة لتحرير الإقليم، لا تنظر لهذه المسألة بهذه الصورة، بل تعتبر هذه الاتفاقية بين طرفين يائسين، فالحكومة فشلت في نشاطاتها وهي تريد أن تظهر شيئاً ما يخدمها في الانتخابات في مايو المقبل، وأيضاً الجبهة المتحدة هي منظمة ميتة لم يعد لها وجود ولم يعد لها أنصار، من وجهة نظر الجبهة الوطنية، بالإضافة إلى أن وزير الإعلام الإثيوبي قال رسمياً في مقابلة له أن الجبهة المتحدة لتحرير الصومال الغربي استسلمت ووافقت على الدستور وبنوده. Macnaha waa sidan; " Jabhadda Wadaniga Xoreynta Ogadeenya oo ah jabhadda ugu muhiimsan ee u halgamaysa xoreynta wadankaa, arinta heshiiskan sawir ka duwan ayay ka bixisay. Waxayna uba aragtaa heshiiskan la sheegayo inuu yahay mid u dhexeeya laba dhinac oo liita. Xukuumadda Itobiya oo ku fashilantay hawlgaladeedii oo doonaysa inay wax un tusto dadweynaheeda xiliga doorashada soo socota ee Maayo, iyo Jabhadda Midowga oo ah urur dhintay oo aan jirin lahayna taageerayaal. Arinta dhabta ah waa aragtidaa jabhadda ONLF oo loo geeyay hadalka rasmiga ahee uu wasiirka warfaafinta Itobiya sheegay inay isa soo dhiibtay UWSLF oy ogolaatay dastuurka Itobiya wuxuu qorayo.” Waxaa maqaalka uu aad uga xogwaramayaa xaaladda ka jirta dalka Ogadeenya taariikh ahaan iyo halgan ahaan, wuxuuna xusay in dastuurka Itobiya uu qirayo xaqqa aaya ka tashiga shucuubta ilaa heer go’itaan, hadana aysan dawladda Itobiya u ogolayn shacabkaasi xuquuqdiisa inkastoo gobolka Ogadeenya uuna sinaba uga tirsanayn Itobiya. Waxaa la yaab leh Itobiya inay ku andacooto in xaqqa aaya-ka-tashiga ee dastuurka ugu yaala ay tidhaahdo waa arin ay ONLF oo kali ah wadato, siduu lahaa Dirir wasiir beenaadka u adeega gumaysiga ee ku kufriyay taariikhdii umadiisa. Waxaa hubaal ah inay soo gudhay beentii loo sheegayay qaar ka mid ah shacabka Ogadeenya ee lacagaha looga guranayay umadaha Islaamka. Waxaa inoo Soo Turjumay oo inoo Soo Diyaariyay, Wakalada wararka ee ONA.
  5. April 28 (Bloomberg) -- Ethiopia’s opposition plans to use violence to topple the government with backing from Western nations and non-governmental organizations after elections on May 23, a senior ruling party official said. “We know what their ultimate objective is, they want to instigate violence,” Tedros Hagos, head of the political bureau of the Tigray People’s Liberation Front, said in an interview yesterday. “Organizations from outside, sometimes governments, think that the government in Ethiopia can be changed through street violence.” The comments raise the ruling party’s rhetoric against the opposition at a time when it is accusing Prime Minister Meles Zenawi’s government of becoming increasingly repressive. The Forum for Democratic Dialogue, or Medrek, says the elections will not be free and fair and has protested the continued jailing of its leader, Birtukan Mideksa. The opposition is making false allegations that Meles’ supporters have withheld foreign-funded food aid from its sympathizers and have killed and beaten its candidates in a bid to stir up anti-government sentiment, Tedros said in his office in Mekelle, a city in the northern Tigray region. The TPLF has ruled the Horn of Africa country in an alliance with other pro-Meles parties known as the Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front since toppling the country’s Communist Derg regime in 1991. Next month’s elections will be the first time an opposition party has widely contested a poll in Tigray, which has been a stronghold of Meles’ support. Those challenging the TPLF this year include a number of former high-ranking party veterans like Aregash Adane, who fought alongside Meles in the movement’s 16-year guerrilla war against the Derg. They also include Seeye Abreha, Meles’ former defense minister, and Gebru Asrat, the former president of the Tigray region.
  6. waa halkii ay Somalidu tidhiye dawarsato dariiqa ayay ku colowdaa ,,,
  7. ^ Odeygu ma qacbaa mise Dhuso mareeb ayaa la qabsaday. Dowlada waxaa ugu jira Indho Cade jaajuus xaalka halka uu marayo usoo sheega, Dowlada waxaa qabiilkiisa laga siiyay waxaanan qabiilada kale la siin, wali rabshuu wadaa, saaxiibadii kala tageen. Ina Caydiid, Ina habel Khalid, Zakariya, Dr.Cumar Iiman, Macow, Sh.H Turki, Abdikadir Dhaqane, Sh.Sakiin, Sh.Sharif aaway? Culumadii kala tage sida Sh Bashir Salad, Sh Barud Gurxan, Sh Umal, walaalkii Dr Aways. Odeygu saaxada ayuu si fiican ooga baxayaa ,,, u dhaafa.
  8. Agah. Waar nimanka ma saas ayaa dhaanto cinyaar ka ah?
  9. Sheekh Xasan Daahir: "Axmed madoobe iyo Gaandi waxay ku heshiiyeen inay Jubooyinka iyo Gedo difaacdaan" Hogaamiyaha Ururka Xisbul islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay ka warheleen In Axmed madoobe,Gaandi iyo rag uu wato ay heshiis ku gaadheen inay difaacdaan Gobolada Jubooyinka iyo Gedo. Sheekh Xasan Daahir ayaa sheegay in heshiiskan aysan raali ka ahayn ayna ka urur ahaan ka hor tagi doonaan. Dhanka kale Sheekha ayaa u digay dawladaha Kenya, Ethiopia, Uganda iyo Burundi isagoo ugu baaqay inay faraha kala baxaan arimaha Somalia. Hadalka kasoo yeedhay hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam ayaa yimid kadib markii maalintii shalay ahayd ay saxaafda somalida oo soo xiganaysa shabakada Aljazeera ay baahiyeen in Sheekh Axmed madoobe uu heshiis lagalay DKMG kaasoo inta laga warhayo ka koobnaa dhowr qodob oo ugu muhiimsanaa in labada dhinac ay iska kaashadaan ladagaalanka Alshabaabka ku sugan Gobolada Jubooyinka. Sh.Axmed madoobe ayaa ilaa iyo hada aan ka jawaabin wararka sheegaya inuu la heshiiyey DKMG,Lama oga in uu ka jawaabi doono hadalka maanta kasoo yeedhay Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo inkale. Dhanaan.com
  10. Sh. Xassan Daahir Aweys “Axmed Madoobe DKMG ah ayuu la heshiiyey” Hogaamiyaha Xisbul Islaam Sh. Xassan Daahir Aweys ayaa sheegey in ay ka warheleen in Sheekh Axmed Maxamed Islaam uu heshiis la saxiixdey DKMG ah iyo dowlada Kenya Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id oo uu Xamar ku qabtey ayuu sheegey in Axmed Madoobe iyo DKMG ah ay ku heshiiyeen in ay “wada difaacdaan” Jubooyinka sida uu hadalka u dhigey, balse Xisbul Islaam ay taasi ka hortagi doonto. Waxa uu sheegey in ay jiraan qorshayaal ay maleegayaan dowlado dhowr oo ay doonayaan in ay kusoo farogaliyaan Soomaaliya, balse waxa uu ka digey in dabka ka hilaaqaya Soomaaliya uu gaari doono wadamadooda. Sh. Xassan Daahir ayaa wax u muuqda in uu u qiilsameynayo Sheekh Axmed Madoobe waxa uu sheegey in uu ka mid ahaa mujaahidiintii qabatay Jubooyinka balse Alshabaab ay la dagaalameen kuna tilmaameen in uu ridoobey, balse ay ahayd in uu iska samro, mana ahayn in uu ku biro DKMG ah xiligan. “Nalagama uusan tashan inaga, mana aqbaleyno” ayuu yiri Sheekh Xassan Hadalka Sheekh Xassan Daahir ayaa soo baxay kadib warar saxaafada kusoo baxay oo shalay la faafiyey oo ahaa in Sh. Axmed Madoobe iyo Prof. Gaandi oo wasiir dowlada ka tirsan ah ay heshiiyeen, waxyaabaha lagu heshiiyeyna ay ka mid ahaayeen in la mideeyo ciidamada Axmed uu hogaaminayo iyo kuwa Jubooyinka laga soo aruuriyey, Kenyana lagu tabobaray. Hase yeeshee ma jirin wax war ah oo kasoo baxay labada dhinac ee la sheegey in ay heshiiyeen. KismaayoNews oo sameysay xariiro kala duwan oo ay xog badan kaga ogaaneyso arrintani ayaysan illaa haatan u suurogalin in ay xaqiijiso heshiiska oo la sheegey in uu ahaa mid qarsoodi ah. Hase yeeshee il war galeen ah ayaa ugu yaraan KismaayoNews u sheegtey in uu dhacay kulan dhexmaray Sh. Axmed Madoobe iyo Prof. Gaandi balse aysan jirin wax heshiis ah oo dhacay. Walloow Sheekh Xassan Daahir Aweys uu sheegey in xisbigiisa ka hortagi doonaan heshiiskani, hadana ereybixinta uu isticmaaley ee ah “si ay wada difaacdaan Jubbooyinka” ayaa keentey shaki ah in uu ogolyahay arrinka, caadi ahaan ereybixinta xoogaga islaamiyiinta ah marka ay ka hadlayaan wax ay cadaw u arkaan waa iney yiraahdaan “weey nasoo weerarayaan” ee ma ahan “waxbeey difaacayaan” sida uu Xassan Daahir ka dhawaajiyey. Wixii arrintani kasoo kordha dib ayaa kasoo tabin doonaa.
  11. (Sawirkan waxaa leh Dhanaan News) Magaalada Godey waxaa ku sii qul qulayaa madax masuuliyin ka tirsan Urur waynaha Altixaad kaas oo sannadkii 1993 u kala bur buray koox koox, Ururkaas ayaa sannadkii 2006 magaca badashay wuxuuna la baxay Jabhada Midowga Soomali Galbeed, hadafka Ururkaas ay dadka u sheegeen ayaa ahaa inay u dagaalamayaan Islaanimada Iyo Gobanimada Ogadeeniya, balse hab dhaqan ahaan dadka mudo ka shakiyeen kadib markii ay ku furaan dacaayado Jabhada ONLF ee ka dagaalamaysay Ogadeeniya mudada 20 Ku dhow, iyagoo hadalka ka soo yeeray ahayd ONLF waa cilmaaniyeen midaas la mid ah ONLF waa Gaalo. Diinta Islaamku in qof Ashhaadanaya lagu tilmaamo cilmaani waa wax aan ka wada dharagsanahay. Farxada Iyo murugado waa wax Ilaahay bini'aadamka ku beeray oo ku xiran dareenka qofka bini'aadanka ahi leeyahay ee saameeya is badalka dunida iyo mida gaar ahaaneed ee shaqsi, dadka ku nool Gobalka Godey ayaa inta badan saadaal ka baxinaya imaanshaha xubnahan soo gaaraya magaalada Godey. Saadaasha ayaa inta badan ah mid negative ah diidmo ah oo ay ku tilmaamayaan in wax wada xaajood ah uusan suura gal ahayn inuu ka dhex dhalan karo odoyaashan ka yimid dacalada qaarada Afrika kuwaas wadamada ay ka yimaadeen ka ahaan jiray qaraabo goys wada xin badan oo bulshada aan soo dhex galin iyo meel ummada danteeda looga arrinsan. Mid ka mid ah dadka ku nool Godey oo aan la xariirnay aya yiri, ma u malayn meel qofka yimaada la diiwan galin oo magaciisa galayo liiska Korneelka sirdoonka u qaabilsan Godey in qof soo dhawayn qof walba wuxuu ka baqayaa in liiskaan uu galo waxaana ooga digaynaa inta aan waxba ogayn inay ogaadaan. ONLF maxay ka faa'iday xaroonshaha asxaabtan? Wax oogu badan ee Jabhada ONLF Ka faa'iday ayaa ah : 1- Xubanaha Jabahada ONLF oo halgan xoogan cagta sii saaray 2- Shacabka Ogadeeniya ee qurbaha oo dhaqaalaha laba jibaaray 3- Dacaayadii ONLF ka dhanka ahayd oo maanta dhamaatay 4- Jihaadkii ONLF ee la beenaynayay oo xaqiiq Noqday 5- Islanimada ONLF ee dadka wis wis laga galiyay oo xoogsatay 6- Kalsoonida Shacabka ONLF oo sii xoogsatay 7- Itoobiya oo qirtay in awooda ONLF wali maqan tahay oo heshiis ay rabaan 8- Gudoomiyaha ONLF oo si Madaxwaynimo logu soo dhaweyay magaalada Altixaad ay ka qaxeen ee Cape Town. 9- Soomalidii magac Somali Galbeed lagu khalday oo soo baraarugtay 10- Dadkii dhuuman jiray oo dhan oo banaanka yimid. Isku soo duu duuboo dadka ku nool gobalka Godey ayaa aaminsan in qosolkan ka danbayn doonto baroor.
  12. Ileen hadal idaa kuma yidhaahdo ,,,
  13. Sida uu qoray Warkayska ku hadla afka Xukumada Addiss Ababa ee Reporter ayaa sheegay in Dhaq Dhaqaaq Ciidan oo hubaysan uu ka bilaabmay Gobalka Axmaadaru Degta ee Gonder, Halkaas oo Dablay Hubaysan oo haybtooda aan la aqoon ay Baaburta Jidka Ku istaajiyaan, Mid ka mid ah Maamulka Gobalka Gonder ayaa u sheegay Wargayska Reporter oo ah Afka Dowlada( State Mouth News Reporter). Sargaal amniga qaabilsan oo u hadlay Xukuamada Addiss Ababa ayaa sheegay Nimankaas inay yihiin Budhcad oo aysan Shaqo ku lahayn inay Xariir la leeyihiin Dalka Eritrea, Iyadoo Xukumada Addiss Ababa ay wixii dhacaba ay Dusha ka saaraan Xukumada Asmara, Iyo Ururada Dhaq Dhaqaaqa Gobanimo Doonka ah. Isla Wargaysta ayaa qoray In Niman Ehlu Suna la Dhaho oo Xabashi ah Hub haystaan Kuwaas oo haatan Dowlada tuhun san tahay, Balse dadka ku xeel dheer siyaasada Iyo Amniga Itoobiya ayaa sheegay in Suufiyaada Xabashida ay waayahan kacsan yihiin walow Xariir wanaagsan la leeyihin Xukumada uu Hogaamiye Zenawi. Dalka Itoobiya ayaa ka shidan dab meel walba, gees ka gees Iyadoo Dadka Daneeya Mustaqbalka Itoobiya walaac xoogaan ka muujinayaan Kala taga Itoobiya balse Qoomiyaha Itoobiya qaar kood u ah Maslaxo Iyo Baal Cusub oo siyaasadeed.
  14. ^Awey mamulkii Zeylici? Seefta banaanka? iyo af hayeenkii indhaha guduudna ,,,, sow cashar looma dhigin iyaba... Xiinka madoobee iyo Xisbiga are on the boat. Ku ducayso in sharifku madaxa kor u yara qaado oo uu neefsado.
  15. Shabakada Aljazeera ayaa boga ay ku leedahay Internetka ku daabacday heshiis ay ku sheegtay inuu dhexmaray dawlada KMG iyo Sheekh Axmed Madoobe oo ciidamadiisu ka hawlgalaan gobolada Jubooyinka. Shabakada Aljazeera oo soo xiganaysa illo wareedyo labada dhinac ah ayaa sheegtay in labada dhinac ay wada gaadheen heshiis mabda'iyan ah oo ay xarakada Alshabaab u aqoonsadeen cadow ay wadaagaan. Qodobada labada dhinac ku heshiiyeen oo saxaafada laga qaiyey ayaa waxaa kamid ahaa: 1 Midaynta ciidamada DKMG ee lagu taba baray dalka Kenya iyo kuwa Axmed madoobe. 2 In Alshabaab loo aqoonsado cadow labada dhinac ay wada leeyihiin 3 In Jubooyinka laga sifeeyo Alshabaab 4 In la dhiso maamul loo dhan yahay oo wada matala beelaha dega Jubooyinka 5 In la ilaaliyo deriswanaaga dawlada Kenya Waxay kaloo Aljazeera sheegtay iyadoo soo xiganaysa ilo wareedyo khaas ah in dawlada Kenya ay ka warheshay heshiiska isla markaana la gaadhsiiyey nuqul kamid ah heshiiska. Isla ilo wareedyadan ayaa Aljazeera u sheegay in labada dhinac ay bilaabeen diyaarinta istaraatijiyadii lagula dagaalami laha Alshabaabka ku sugan Jubooyinka. Warkan oo dhameystiran ka akhri halkan Aljazeera.net
  16. Originally posted by Jacaylbaro: and why the NGOs ??? ,,,,,,,,,,,,,, They have to be extra careful ,,,, for their safety.
  17. Ciidamadii Ebid oogu Badnaa ee ONLF oo Jidadka Dhooban. Wararka naga soo gaaraya Ogadeeniya ayaa sheegaya in Ciidamada ONLF ee Abid oogu badnaa oo Maamulka Kililka ka Naxeen ay Isa Soo Dhoobeen Wadooyinka Gala, Jigjiga, Dhagaxbuur, Qabridahar, Godey Iyo Wardheer, Xoogagan oo ahaa kuwo aan Wajigooda Horey loo arag oo Si Xoogan u Hubaysan 20 Nin wata Phone Gacanta ayaa lagu arkay Wadooyinka. Dadka Indha Indheeya Siyaasada Iyo Dagaalada ka socda Ogadeeniya ayaa Tilmaama in Xoogaga ONLF ay awoodooda Ciidan iyo Tactic Mulatri ay sii xoogaysatay Labada Sano ee oogu Danbeeyay, Lama oga Sabab Dhabta ah ee ka danbeeya Xoogaas. Balse Dad aan wax ka waydiinay ayaa sheegay In Maalin Walba Jabhada ONLF ay Raaceen Dhalinyaro Dalkooda Iyo Dadkooda Inay u Halgamaan Isu Xil qaamay Kuwaas oo ah Naftood Hurayaal. Jabhada ONLF ayaa loo aas aasay Sannadkii 1984, Gobanimo Doonka Dhulka Soomalida Ogadeeniya ee Xukumadii Ingriiski Ku wareejisay 1948-1954 Dowlada Abasinaya ee loo yaqaan Itoobiya. Jabhada ONLF ayaa halku Dhageedu yahay Midnimo, Isku Duubni, Isku Tashi, Gobanimo Guul. ******today.
  18. ^Wadamada deriska haday xuduuda so dhafaan yaa eryan doona baad tiri? Sherif waa shaqsi. Waana laga maarmi kara.
  19. Kenya bas ah ma ahan. Sudan, Somalia, Ethiopia, Maraykan iyo China waxaa ka socda dacwado isku sar ah. Gaar ahaan kuwii xasuuqa Garissa gaystay waa la yaqaana farna way ku godantahay. Maxkamda dad badan mardhow waa la keeni. Soo dhago dhagee, saxiib.
  20. Sherif ma iska dhafi lahayd? Yaase eryan doona?
  21. Ahlu Jago iyana waa ka dhamaatay , galgaduud faro kuma hayan. Dhuso mareeb gacntooda inay ka baxdo waa suuro gal. Awoodi ay la hayeen waa wiiqday iyadoo qorshihii awood qaybsiga aan weli helin. Alshabab haday qabsato Galgaduud deetana Galmudug iyo Puntland waa ku daayen. Taasi waxay soo dadajinaysa maabka qalocan oo hir gala. Wax walba waa suuro gal marka laga qiyaas qaato ciidamada wadamada deriska ee xuduuda dhooban, iyo awooda shabab oo sii kordhaysa. Somali hadayna tashan markale waa loo talin. Shekaduna waxay taagantahay halkii ay taagneyd 2006kii.