Kamaavi

Nomads
  • Content Count

    4,683
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by Kamaavi


  1. :D:D Cilmi baaris lagu sameeyay

    maroodiga waxaa la garan waayay

    sababta uu geedaha ugu waa wayn

    xididada ugu siibo.

     

    Dadka duurka ku nool markii la

    weydiiyayna waxay ku jawaabeen

    caqli malahan very simple, waayo

    bini aadamku waxna waa dhisi karaa

    waxna waa burin karaa, miyaynaan ka

    mid ahayn aadanaha hadaba caruuray

    intad riwaayadan aan dhamadka lahayn

    iska dhaftaan wax barta aan barwaaqo

    iyo dawladnimo gaarnee.


  2. Gabdhihii duulay tolow ma soo nabad dageen? :rolleyes:

     

    Reerihii meelahan jogi jiray, miyey iyana

    wada duuleen mise maanta waa Sunday oo waa

    la wada jamaadayaa....Jam Jam Jiif macana. smile.gif

     

    Warya Jacacda bal jooji fartan dhexe eed

    dhagta uun kula jirto oo aabihii la janee

    reerihii duul-duulayey xog iyo xalwad nooga

    keen niyow !?! :D:D


  3. Sheeekoy sheeko,

    Sheeko xariir.

    Shini baa wax qortay,

    Gofanaa akhriyey.

     

    Sheekooyin wanaagsan

    ayaad dhamaantiin soo

    bandhigteen, halkaa

    ka sii wada mararka

    aad wakhti firaaqo

    ah heshaan ama marka

    aad caajistaan.

     

    Sheekooyinka aa soo

    bandhigaysaan ha

    gaabnaadan,kuwo aad

    alifteena ha ahaadaan.

     

    Bal hadda ana tayda

    tuuran lahaa,laakiin

    waxaan maanta ka soo

    tagay pepsidii marka

    int aan hal pepsi ah

    meelahan dhow ka soo

    qabsan rabo kuraastiina

    soo jiita oo sii fariista

    shanqartana yareeya

    marka aad qoslaysaana

    gacmaha saara dhafoorka

    marka aad ilmayn rabtaan

    iyadna gacmaha saara

    dhegahiina marwalbana

    shahaadada yaan la

    hilmaamin.

     

    Waxaan idiin soo wadaa

    sheekooyin badan oo

    idin ka qoslin doona,

    idinka farxin doona,

    idinka oohin doona,

    idinka caraysiin doona,

    isku dhex yaac, acmal.

     

    Waxaa suuro gala in

    aan isticmaalo magac

    yadiina SOL, gaar ahan

    akhyarta magacyadoodu

    ku xusan yihiin hoos:

    Baashe, Bishaaro,Mafia,

    Wiilo, Tuujiye, Jabarjaan

    Xiin, Fandhaal, Kulmiye,

    iyo Afro.

     

    Qofkii aan rali ka ahayn in

    magaciisa loo isticmaalo

    sheekooyinka soo socda isla

    haddaba horay hangu soo

    wergeliyo inta aanaan ka

    laftaha kala bixin magaciisa.

     

    Sheekooyinka aan idiin soo

    wado waxay u badnaan

    doonaan kuwo aydaan horay

    u maqal oo jacbur ah.

     

    Sidooni a ahaate iska soo

    dhawaada, aan isku afuufnee. :Dicon_razz.gif


  4. Cabdiyo, I first came along the word Farancab, reading Dune,

    by Frank Herbert. It came up in reference to Farancab Emperor

    Shaddam VII, and its been a favourite Forum, MSN, AIM and all

    purpose nick for me.

     

    It means 'High King' or 'Great King', and was used by Persian

    and Turkish Kings.


  5. DOBBS hadal macaaneey warbaan

    kuu hayaa afkeena hooyo in aad barato

    wax kaaga ayaan badan ma leh.

     

    Mowduucaan waxuu ahaa non-af-

    Somali thread? Hadana jacaylkii

    cilmi dilay buu isu badalay.

     

    Diin iyo dhaqan fiican yaad

    leedahay waana shayga ugu

    muhiimsan oo qof lagu jeclaado

    meesha layga taabtay waa halkaas.

     

    Laakiin nasiib wanaag odaybaan

    ahay oo intaad biyaha ii kululaynayso

    yaa laga yaabaa inaan iska seexdo.

     

    Wiilashaa yaryare chatinka ee afka

    qalaad ku hadla markay kaasoo

    xanaajiyaan maskiinkaa sheekh Faran

    iyo eededii Kool haku cadho baabi'in.

     

    Soo dhawow hadal macaaney oo eedo

    Koolna bal isa sii waraysta inta aan

    halkan dhow ka soo laaban rabo. icon_razz.gif:D


  6. Maanta, waxan go'aansday in aan madax-

    masax usoo galo golaha hablaha iyo dumarka. :D

     

    Hablow haddii aan idiin sheegi laha waxaan ilaa

    maanta usoo geli la'aa golahan, waxaa kuna in

    dhamaantiin firixda ay idinka dhamaanlahayd.

     

    Kuusha gabadhada soo bar-baar dheh, eedo. smile.gif


  7. LOL^Qalanjo haday noqoto in aad aragto dee meel ay ku nasato

    aa horta la geyn jiray, kadibna waa la doogsan jiray.

     

    Markaa ha quruurux layne, qorshaha ku darso inad Qardho ku laabato

    oo qalanjooyinkaanaga soo arag niyow. :D


  8. Gabdhuhu Insha'Allahu way

    soo nabad degi doonan, markayse

    soo dagaan halqabsigu wuxu noqon

    doona: "way soo dagtay for real"!

     

    Sababtoo ah, hadda duulitaankooda

    waxa inooga muhiimsan daadagooda.

     

    Ibti & Faheema nabad ku soo daadaga, I'A smile.gif


  9. Aaabo mar ay ka kala dhici

    doontaba, hadda Shariifka

    way ugu jirtaa.

     

    Aaabo dee ninba dhan u badi

    weye sheekadu, sababtoo ah

    abidkeen laba nin oo Somali

    ah oo isku dhan wax u wada

    aanba ina soo marin.

     

    Ku walba reerkiisa iyo tiisa

    aa ugu daran.

     

    Haddii amxaaro, cadow-cadow iyo

    sheekadaa la aaminsanyahayna,

    Somalidaan arkay tiradeeda dee

    amxaar ma aynan dabbada iyo weliba

    futadda u wada dhaqdeen.

     

    Hafan oo wax hafan go'e !!

     

    Aabbayaal haddaba dee

    Shariifku waa fariid yar oo

    googa'ay oo weliba dantii garad ah,

    markaa miyaan ka xunahay guusha uu

    gaaray. Waa mayaa, abadan, maya!!

     

    Waxaa taas kaaga daliila ducada

    aan mar walba la dabbo tukubayno

    si uu u sii tiimbado dollarka

    nabada hadal iyo qori lagu waayey

    lagu sarifi doooono.