Kamaavi

Nomads
  • Content Count

    4,683
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Kamaavi

  1. Whether it remains true or not I am feeding you the news of today's fighting, do you have another vertion? Please post it....
  2. Alshabaab oo lagu jebiyey Deegaanka Sooya !
  3. Dagaaladii goos gooska ahaa ee socday shalay,xalay ilaa saaka ay soo afjarmeen ka dib markii gacanta lagu dhigay taliyihii dagaal galinayey ciidamadii Al-shabaab ee maalmihii u dambeeyey weerarada isdaba jooga ah soo qaadayey iyadoo khasaare xoogana la gaadhsiiyey ciidamadii Al-shabaab. Wararku waxay intaas raacinayaan in dagaalkii saaka ay ciidamada Xisbul islaam ku qabsadeen 2 baabuur oo midu yahay saadkii ciidamada Al-shabaab halka mid sedexaadna laga gubay. Waxay kaloo wararku sheegayaan in dhamaan goobihii dagaaladu ay ka socdeen shalay,xalay ilaa saaka ay gacanta ku dhigeen ciidamadaii Xisbul islaam dagaalkuna uu hada gabaabsi sii yahay. Khasaaraha dagaalkii saaka ka soo gaadhay Xisbul islaam ayaa naloogu sheegay in hal askari uu kaga dhaawacmay dagaalka isagoo dhaawiciisii la soo gaadhsiiyey magaalada Afmadow. Taliyaha Al-shabaab ee gacanta lagu dhigay ayaa la sheegayaa inuu dhaawac yahay waloow aysan noo suurta gelin inaan helno magaca taliyaha balse aanu isku dayi doono inaan dib ka soo sheegno hadii ilaahay idmo.
  4. Dagaal xoogaggan ayaa saaka mar kale dib waxaa uu uga qarxay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta G/Jubada hoose ,dagaalka ayaa ah mid aad u qaraar waxaan uu u dhexeeyaa Xizbul Islaam iyo Al-shabaab,Dagaalka ayaa goordhow bilaawday waxaan dagaalka soo qaaday Al-shabaab. Kooxda Al-shabaab ayaa saxaafada ka shaaciyeen shalay inay soo afjareen dagaalkii ay kula jireen ciidamada Xisbul islaam isla markaana ay qabsadeen xarumihii dhinicii kasoo horjeeday.Arintan ayaa waji gabax ku noqon doonta masuulkii shaaciyey inay Al-shabaab ay la wareegtay xarumihii ciidmada Xisbul islaam ay ku lahaayeen duleedka Kismaayo. Dhinaca kale Xoghayaha Xafiiska warfaadinta Ururka Xizbul islaam Sh. Maxamed Macalina Cali oo saaka la hadlay saxaafada Muqdisho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in dhamaan fariisamihii ay ku lahaayeen duleedka Kismaayo ay ka qabsadeen xoogagga Al-shabaab. Xoghayaha Xafiiska warfaadinta Ururka Xizbul islaam Sh. Maxamed Macalin oo wax laga wiidiiyey Sh Axmed Madoobe ayaa waxaa uu yiri Sh Axmed Madoobe waa masuul ka tirsan Ururka Xizbul Islaam , walaalaheen Al-shabaabna Masuuliyiinta Ururka Xizbul Islaam ayey weerar gardaro ah ku hayaan ,Shiikh Maxamed Macalin ayaa ugu baaqay walaalaha Al shabaab in joojiyaan dagaalka ay ku wadaan Masuuliyiinta iyo ciidanka Xizbul Islaam. Jubbada.com
  5. Waxay noqon lahaydba Hunguri banaanka ayuu is keenay hadda waxaan ka yaabi in bakoorada ku dhacda uu sanado ka soo kaban kari waayo hunguri ayaan kolkan la jiraa ,,, bal aan aragno hadduu A&T iska dhicin karo ...
  6. Say usoctay xujo dhaq miyaa dhar dhaq isu badashay ,,,,
  7. Gabayga iyo alaabta Hunguri loo soo tirin ayaan la sii yabanahay...
  8. ^^Ma wax garad ayaa loo baahanyahay mise indheer garad horta? Magacyada uu Hunguri la soo shirtagay badhoow badh waa reer maakhir, iyo afar reer sheekh ah iyo laba ree koonfureed ah oo lagu qurxuyiyey Inta uu Oodweyne meesha fadhiyo Sophist & anina aanu ka maqanyahay wax xeerbeeg la dhaho ma jirto Huguri iyo A&T walle ninka laga roonaan doono way iska cadahay yaase kala qabta inta ay goori goor tahay
  9. Originally posted by rudy-Diiriye: may be with a brain transplant he can become wise, otherwise, just throw the towel on this moron. Hes useless. Laa xalwa war ninku muxuu ku maagay madaxwaynaha islaameed ,,,,
  10. Dagaal xoogaggan ayaa saaka mar kale dib waxaa uu uga qarxay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta G/Jubada hoose ,dagaalka ayaa ah mid aad u qaraar waxaan uu u dhexeeyaa Xizbul Islaam iyo Al-shabaab,Dagaalka ayaa goordhow bilaawday waxaan dagaalka qaaday Al-shabaab sida ilo xogogaal ah ay u sheegeen Halgan.net, wax tafsiil ah lagama hayo dagaalka weli. Ilo wareedyo kale duwan oo ay Halgan.net kala xiriirtay Degmada Afmadow. Magaalada Kismaayo iyo Muqdisho ayaa dhamaan waxaa ay u xaqiijiyeen in dagaal u dhexeeya Xizbul Islaam iyo Xarakadda Shabaabul Mujaahidiin uu ka soconayo Deegaanka “Birta Dheer” oo qiyaastii 50KM dhinaca Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka jubada Hoose Dhinaca kale Xoghayaha Xafiiska warfaadinta Ururka Xizbul islaam Sh. Maxamed Macalina Cali oo saaka la hadlay saxaafada Muqdisho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in dhamaan fariisamihii ay ku lahaayeen duleedka Kismaayo ay ka qabsadeen xoogagga Al-shabaab sida uu sheegay Afhayeenka Al-shabaab ee Walaajada Jubooyinka Sh Xassan Yacquub Cali oo isagu sheegay in ay soo afjareen dagaalkii ka siocday duleedka Kismaayo Xoghayaha Xafiiska warfaadinta Ururka Xizbul islaam Sh. Maxamed Macalina Cali ayaa saxaafada u sheegay in meel laga qabsaday aysan jirin istaraatijiyadii dagaalkuna aysan waxba iska bedelin ,Madaxda Sarsare ee Ururka Xizbul Islaam ayaa ku celcelinaya in aysan doonayn in ay dagaal la galaan walaalahood Al-shabaab wixii ay ka tabanayaana loo celiyo Kitaabka Alle. Xoghayaha Xafiiska warfaadinta Ururka Xizbul islaam Sh. Maxamed Macalin oo wax laga wiidiiyey Sh Axmed Madoobe ayaa waxaa uu yiri Sh Axmed Madoobe waa masuul ka tirsan Ururka Xizbul Islaam , walaalaheen Al-shabaabna Masuuliyiinta Ururka Xizbul Islaam ayey weerar gardaro ah ku hayaan ,Shiikh Maxamed Macalin ayaa ugu baaqay walaalaha Al shabaab in joojiyaan dagaalka ay ku wadaan Masuuliyiinta iyo ciidanka Xizbul Islaam. Dagaalka ka socda duleedka Kismaayo ayaan dhawaan idiin soo gudbin doonaa Insha Allaahu Halgan.net
  11. Wararka naga soo gaadhaya gobolka Jubada hoose ayaa xaqiijinaya in saaka dagaal culus u dib uga qarxay duleedka magaalada Kismaayo oo haray labada dhinac isku hor fadhiyeen. Dagaalka oo ilaa iyo weli socda ayaan tafaasiisha dib ka soo sheegi doonaa. Warar aan la xaqiijinin ayaa sheegaya in ciidamadii Al-shabaab ee saaka soo duulaya gaadhi booyad ah laga gubay dibna loo riixay. Faah faahinta dagaalka ka socda duleedka Kismaayo dib ayaan ka soo tabin doonaa hadii Ilaahay idmo.
  12. Baroortu Kismaayo ka weyn ee timir laf baa ku jirta !!
  13. Waxaas ayaa dawladnimo iyo wasiirnimo sheeganayaa lol
  14. Alshabaab waa in cashar lama ilaa waan ah loo dhigaa maadaamoo oo ay ku caasiyoobeeeen aabayaashii soo barbaarshey.
  15. Shabab meel aan gacanta lala gelin ayey lug la galeen dagaalkii magaalada inta loo dhaafay ayaa keynta magaalada korkeeda ah casharo wax ku ool ah loogu dhigayaa tolow ma gaari ayey isku qarxin si kale tabcada wey ku heli la'yihiine.The only thing which is left for them is to use suicide bombs just against the very men who have sheltered them. Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islam Sh. Xasan Daahir Aweys ayaa xalay kulan qarsoodi ah la qaatay saraakiil ka tirsan Ururka Al-shabaab, isagoo kala hadlay dagaalkii dhawaan labadooda dhinac ku dhexmaray Magaalada Kismaayo. Dhanka Al-shabaab ayaa waxaa ka socday Sh. Mukhtar Roobow Cali [Abu-Mansor] iyo Sh. Axmed Cabdi Godane, kuwaasoo ka dalbaday Sh. Aweys inuu tanaasulo maamulka Kismaayo, isla markaana uu aqbalo maamul ay iyagu u magacaabeen. Inkastoo saxaafada laga qariyay shirkaas hadana warar hoose laga soo xigtay saraakiil labada dhinac ka tirsan ayaa sheegaya in Sh. Aweys uu diiday inuu aqbalo soo jeedinta Al-shabaab, isla markaana uu ugu baaqay inay ka baxaan Kismaayo. "Sh. Aweys wuxuu ku adkeystay in maamulka Kismaayo loo daayo Xisbul Islam, raaligelinta laga bixiyo dagaalkii halkaas ka dhacay oo lagu qaaday mas'uul ka tirsan ururkiisa" ayuu yiri sarkaal ka tirsan Xisbul Islam oo isqariyay. Sh. Aweys ayaa la sheegay inuu ku wargaliyay madaxda Al Shabaab inay weerar ku qaadeen qabiilo si weyn uga qeybqaatay jihaadka iyadoo qabiiladaasi ay ay ka soo gurmadeen ilaa gudaha dalka Ethiopia. Dhawaan ayaa ciidamada Al Shabaab waxaa lagu eedeeyey inay hubeeyeen kana barbar dagaalameen maleeshiyo beleedyo si ay ciidamada Xizbul Islam uga saaraan magaalada Kismayo. Kulanka ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Sh. Abu-Mansor iyadoo mas'uuliyiinta ay ku kala boodeen kulankaas, waxaana la sheegay in saraakiishii Al-shabaab ay codsadeen in mar kale kulan la isugu yimaado. "Shirka waxaa soo qabanqaabiyay Gudoomiyaha Al-shabaab Sh. Axmed Godane iyo ku xigeeniisa Sh. Abu-Mansor, balse waa lagu guuldareystay ujeedadii laga lahaa oo ahayd in lagu dhameeyo khilaafka labada urur" ayuu yiri mas'uul Al-shabaab ah. Ururadan oo isku bahaystay dagaal lagula jiro DF si xukunka looga tuuro ayaa ku dagaalamay gacan ku haynta magaalada dekeda leh ee Kismaayo, dagaalkaas oo dhaliyay khasaare u badnaa maleeshiyooyinkooda dagaalku dhexmaray. Xisbul Islam ayaa ku habjabay in mowqif ka duwan midka nabadeed ee ay horay ugu baaqeen ay qaadan doonaan, hadii aan laga digtoonaan weerarada lagu hayo maleeshiyooyinkooda iyo saraakiishooda, isla markaana aan la joojin dacaayadaha.
  16. Kaasu marka horeba ku khayr leh ma ahayn inay iska hayaan ayey ahayd
  17. Originally posted by NGONGE: If he killed one of yours, adna Farancab iska dil. Lakin gacanta ka daa. Waraa waa kusidee? Ma hadaad rabtaa inaan Hunguri kala horeeyo oo laba nin saas ooga dhintaan reerka Hunguri waa nin tolka ah adna odey shaqo gab ah ayaad tahay laakiin laba riirkiina ah, JB & Norfsky waa inaan ana iska dilaa haba la isku baaba'ee War Sol ma in la isku jano tago ayaa u danbaysay
  18. Abtigiis adi aakhirka waxaa ku xidhi doona JB, isaga uun iska ilaali. Odweyne isagu waa libaax bilaa miciyo ah
  19. Originally posted by Poker: ^Don't forget Buuxo is a woman. They usaully discuss those sort of things. You on the other hand....I don't know....I thought you're a dude man! Poker duqa waa Miskiin oo akhyaar ah ka waajee aabadey
  20. Kamaavi

    Dhac iyo Boob

    Originally posted by Dhubad.: quote:Originally posted by Jafe101: quote: Originally posted by Dhubad.: Laakiin dhinaca Xizbul -Islaam iyo Ahmed Madoowe shaki iigama jirin inay qabiil ahaan wax ku wadaan!! Sababta aad u mudayso Xisbul Islaam ama Madoobe yaan ka baxsanayn qabiil dartiis. Sababta aad adigana iiga shakisantahay inaan Madoowe iyo meleeshiyadiis aan qabiil ku sheegayo ayaa ayadana qabiil ka marnayn. Shaki meesha kuma jiro saaxiib haddii adaan adu shaki galinin in aad si kale farta ugu mudayso sheekha.
  21. Kamaavi

    Dhac iyo Boob

    Rag hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in ay agab kala duwan ka qaateen guriga Sh. Axmed Madoobe oo isaga iyo ciidamadiisa Xisbul Islaam laga saaray Kismaayo 2 maalmood ka hor. Maleeshiyo beeleed ka tirsan kuwii Col. Barre Hiiraale ee magaalada laga qabsaday sanad ka hor balse Xarakatul Shabaab ay hubeeyeen Arbacadii ayaa la sheegayaa in ay boob iyo dhac ka geeysteen gudaha magaalada, isla markaasina ay qaarkood diideen in ay hubka dhigaan. Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaarkood hubkii laga qaaday, qaarkoodna ay diidanyihiin in wareejiyaan kuna hanjabeen in ay isdifaacayaan haddii la tixgalin waayo garabkii ay Shabaabka siiyeen xiligii loo baahnaa. Saraakiil kale oo Xisbul Islaam ka tirsan ayaa iyana guryahooda agab laga qaatay, lamina oga waxa ay yihiin alaabaha la furtey iyo qiimahoodaba. Maamulka Kismaayo ee wali kasii taliya magaalada ayaanan wax war ah kasoo saarin arrinkan. Isla markii lagu kala baxay dagaalkii magaalada ayaa waxaa biloowmey boob baahsan oo lala eeganayay dad kasoo jeeda beelaha Alshabaab ay sheegeen in ay kusoo duuleen magaalada oo ay shacabka magaalada ugu baaqeen in ay iska difaacaan. Hubeynta Maleeshiyaadkani ayaa yimid kadib markii afayeenka Maamulka Sheekh Xassan Yacquub uu idaacada Andulus baaq ugu jeediyey dadka magaalada isagoo leh “waxaa nagu soo duuley beel, ee dad magaalada waxaan ugu baaqaynaa in ay iska difaacaan, haddii aad garab na siin waayaana inaga ayaa diyaaru ah in aan is difaacno”.
  22. Originally posted by Miskiin-Macruuf- Aqiyaar: Xujooyin Soomaaliyeed keen ama mid google jawaabteeda laga heleynin. Hadda waxaad u danleedahay Koolkaat, ood leedahay jawaabteeda wey soo xaabsatay ee mayna ka shaqayn. Adi qudhaada aaba ka daray oo google jawaab u doontay Originally posted by Miskiin-Macruuf- Jawaabteena aniga iyo Indhoos dhiibanay haddii si loo fiiriyo wey saxsanaan kartaa, laakiin. Waxaas indho adeeg waaye, google xiitaa haduu jawaabta kuu sheegay ma soo taagnaane... Ninka waxaad ku gurtay: 76+82+88+94+100 = 440 xabo shan beri gudahood? Su'aasha waa kaa hoos baxday saaxiib. Shanta beri isku dar halka uu ka cuni lahaa 100 ayaad in one day( 5th day) 100 xabo ku gurtay which can lead to cardiac arrest and heart damage, cause bannanas are rich in potassium. Haddii see loo fiiro ayey jawaabtaadu sax noqon kartaa?
  23. War goordhaw na soo gaaray ayaa sheegaya in dagaal uu ka qarxay deegaanka lagu magacaabo Janaa Cabdala ee duleedka Kismaayo dagaalka ayaa waxaa uu u dhexeeyaa Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab . Dagaalka ayaa qarxay ka dib markii ciidanka Xisbul Islaam oo aan ka fogey magaalada ay isku dhaceen sahan ay leeyihiin Al-Shabaab waxaana laga furtay Al-Shabaab hal gaari sida uu Halgan.net u sheegay sarkaal ka tirsan Xisbul Islaam waxayna dib ugu noqdeen Al-Shabaab magaalada Kismaayo. Ciidanka Xisbul Islaam ayaa waxaa ay ku soo durkeen magaalada Kismaayo waxaana ka jirta dhiilo colaadeed gudaha Kismaayo, Al-Shabaab ayaa isku diyaarinaya in ay difaacaan magaalada Kismaayo iyada oo hogaanka sare ee Xisbul Islaam go,aan qaadan doonaaa xiliyada soo socata. Ilaa haatan ma jiraan cid u istaagatay in ay damiyaan fitanta ka dhexqaxday rag shalay Jihaad ku wada jiray mana muuqato in uu shaqeeyo caqliga loona laabto sharciga alle oo lagu kala baxo. Xaalada ayaa haatan ah mid degan mana jiraan wax dagaalo ah oo ka dhacay degmada Buulogaduud sida ay baahiyeen saxaafada qaarkood. A/Cawale Halgan.net