Kamaavi

Nomads
  • Content Count

    4,683
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Kamaavi

  1. Dagaal ayaa dhooblay ka dhacay cidina ma ku oran colka ku soo duulay Afmadow ee dib isooga noqday ka dib markay ka war heleen in dhexda loo galay ayuu warku xambaarsanaa. Maqaalka ugu horeeya hadaad si fiican u akhriday waad fahmi lahayd meesha aan ka soo xigtay Sidooni ha ahaatee waakane si fiican u dul mar,
  2. It is not my wishful thinking but it is all what is happening ,, even it seems that it is getting worse since both factions are getting reinforcements from all regions. You need to check around and follow up the news of the event ,,,,
  3. Reer gedo horta ma sidanaa ka dhaba mise tabar la'aan ayaa qaarna shabaabka daba dhigtay qaarkii kalena doolo ka riday ,,,
  4. fadh fadha Gabal waxay ku danbayn ayaan la sii yaabanahay ,,,,
  5. Ducaysane oo magacii iyo magaaladisiiba lagu haysto walle war baa u yaala
  6. Originally posted by Gheelle.T: War horta Jaffe iyo Nasir garta ha ka baxaan saa eex beey meesh keeneen. Gheelle.T, eexda aan hunguri ka exday ama A&T aan u hiiliyey halkeed ku aragtay? Teeda kale Nassir hadduu si habsami leh uu walaalkii ugu eexanayo kama soo horjeedo laakiin maxaa ku qasbay inuu aflagaado reer dhan oo weliba rag kuwooda ka mid ah avatarka gashanaya kula kaco? Arinta aan ka dhawaajiyey ayaa ahayd aflagaadada raqiiska ah ee uu la soo shirtagay isagoo hiil iyo sacab tumid ula qasdaya. Arintaas iyada ah waa inuu raali gelin ka bixiyaa eexashada uu samyeeyay ka sokow. Hunguri, saaxiib anu waan kula jiray inti hore haddana hadaad garta hesho waan kula jiri kaana eexan maayo laakiin ani iyo kan yar ee sidii ilmo caruur ah oo cudqadi dishay dacaayad raqiisa mesha la soo fadhiistay ha isku kaano qaban *agah*...
  7. Wararkii ugu dambeeyey ee la xidhiidha colkii duulaanka ku soo ahaa Afmadow ayaa waxa ay xaqiijinayaan in ciidamo khaas ah ay ku baxeen aagagii lagu sheegay in colku ay soo marayaan iyadoo wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in colkii duulaanka ahaa uu dib u noqday ka dib kolkii ay ka war heleen in ciidamo lixaad leh ay ka soo baxeen Afmadow kuna soo wajahan yihiin Dhanka kale waxaa lasoo xaqiijiyey in colkan duulaanka la damacsanaa Afmadow ay ka koobnaayeen maleeshiyooyin laga soo kala aruuriyey Gedo,Baay iyo Bakool. Xaalada Jubooyinka ayaa maanta ahayd mid xasiloon oo degan marka loo eego maalmihii nasoo dhaafay oo dagaalo isdaba joog ah ay ka socdeen.
  8. Originally posted by Ducaysane: Kismaayo dadkii waa waashay. Jafe101 armuu dharka dhigtaa. Adeer ma hadal qaadkeeda ayaa ku dhibaya mise waxaanan ogayn ayaad ogtahay?
  9. Originally posted by NASSIR: waxaa ka muuqata maangaabnimada lagu yiqiin iyo hablaha oo ay si xun ula dhaqmaan. Nassir, Avatar meesha kuugu jira eed caabudo iyo cayda aad kor ku soo qortay wax is qaban kara maaha. Ninka aad caabudo hadh iyo habeen ku seexato waa reerka aad farta ku mudi ee saas ula soco. Teeda kale A&T nin bay is hayaan isu dhaaf, aan ka ahayn si dhex taal ah u haddal oo reerka dhan eed af lagaadaynayso ka foo jugnow kaluun bakhtiyay boobow
  10. Waraa Nassir aan rabaa in dhulka la dhigo ,,, ( thread cusub Doodwadaag ha laga furo, akhyaarta, tani way dhiiqowday)
  11. Qaar ka mid ah Wariyeyaasha ka howl galayay magaalada Kismaayo ayaa lagu amray inay ka baxaan, kadib markii lagu eedeeyay hurinta dagaalada ka dhex aloosan Islaamiyiinta. Maamulka Wilaayada Jubooyinka ayaa la sheegay inuu waraaqo digniin ah magaalada ugu daadiyay wariyeyaasha, isla markaana uga baxaan magaalada saacado gudahood, taasoo keentay in baqdin darteed ay qofba meel u firxado. Idaacadaha Muqdisho oo maalmihii u dambeeyay si xowli ah u tabinayay dagaaladii ka dhacay Magaalada Kismaayo iyo duleedkeeda ayaa waxaa halkaas ugaga soo waramayay Wariyeyaal madax banaan, kuwaasoo daqiiqad kasta soo tabinayay wararka dagaalka. Warar ku dhow dhow Xafiiska Warfaafinta Maamulka Islaamiga Jubooyinka ayaa sheegaya inuu soo saaray go'aan ka dhan ah Wariyeyaasha, kaasoo ah in magaalada aanay ka howl geli karin Wariyeyaal aan aheyn Idaacada ku hadasha Afka maamulka ee ka howl gasha Magaalada Kismaayo. Ilaa tobaneeyo wariye oo ahaa wakiilo ugaga soo waramayay Magaalada Kismaayo Idaacadaha Muqdisho ayaa ka cararay, markii loo jeediyay handadaada, kuwaasoo aaday dalalka deris iyo magaalooyin kale. Warbaahinta madax banaan ayaa dhib u joog u noqotay siyaasadaha is diidan ee dalka, waxaana tacadiyada lagu haayo saxaafada ay aheyd mid mudooyinkii u dambeeyay isa soo tarayeen, waxaana sanadkan gudihiisa la dilay ilaa shan wariye. Hoyga wararka Somaliyed www.Jowhar.com
  12. Waxaa baqdin xoogan laga qabaa dagaal dhexmara labadan urur kaas oo ka dhaca Muqdisho.....
  13. Warar hordhac ah oo hada ku soo dhacay xafiiska warqabadka ee Dhanaan.com ayaa sheegaya in col laga soo abaabulay gobolka Gedo uu duulaan ku soo yahay magaalada Afmadow ee Gobolka Jubbada hoose. Colkan ku soo wajahan magaalada Afmadow ayaa sida wararka lagu helayo ka soo duulay Gedo isla markaana damacsan inay dhabar jabin ku sameeyeen ciidamada Xisbul islaam ee kulaalaya magaalada Kismaayo. Dhanka kale ciidamada Xisbul islaam ayaa ka war haya colka duulaanka ku soo ah dhanka Afmadow,waxayna wararku sheegayaan in loo diyaar garoobay. Sarkaal ku sugan Birta dheer oo u waramay Warsidaha Dhanaan.com ayaa sheegay in ay suurta gal tahay in wakhta dhow ay xabadu ka qaraxdo dhanka Afmadoow oo ah halka colku uu ku soo wajahan yahay. Al-shabaab iyo maleeshiyada xulufada la ah ayaa muuqata inay u caal waayeen dagaalkii duleedka Kismaayo oo ay hada isku dayeyaan inay xooga saaran dhanka Afmadow oo maalin ka hor ay ku jabeen.
  14. Warar hada aan ka helay ila kala duwan ayaa xaqiijiyay in Dagaal Xoogan oo ah kii abid oogu waynaa uu ka dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamada ka Amar Qaata Sargaalka Xisbul Islaam Axmed Islaan Axmed Madoobe, Dagaalkan ayaa Wakhtigan hada ah socda Dagaalkan ayaa la sheegay in Ciidamada Xarakada Alshabab oo xataa ay waheliyaan Dumarkoodii ay weerar aad u xoogan ku qaadaan midan oo ay sheegeen inay tahay kama Danbaystii Dagaalka Jubooyinka. Wararka qaar ayaa sheegaya in gabi ahaanba ay ka soo baxayaan Kismaayo meel ay u socdaan aan la aqoon balse aan ilaa hada la xaqiijin, meesha oogu danbaysa ee uu dagaalkan gaari karo. Wali ma heeyno wax faahfaahin ah inaba ha yaraatee, laakiin sidii aan horey usoo tabiney wariyeyaasheena gobolka ku sugan ayaa sheegaya in magaalada Kismaayo ay faarujiyeen dhamana ciidamadii Al-Shabaab, iyagoo xittaa qaatay dhaawacyadii Isbitaalka Kismaayo yiiley, kuwaasoo warar aan helney ay sheegayaan in la geeyey magaalada Jamaame.
  15. Saan u arko dooda halkii loo baahnaana way garab martay niman aan is kaftan aqoon ayaa raba inay kaftamaan sidaa darteed Hunguri madaamoo uuna dooda saarin meeshii la rabay waxaa ila quman in Jamaal looga hadho arintan iyada ah(isaga ayey is kaftan yaqaanaan saaxiibkiis A&T), oo laga yabaa inay gunaanad wanaagsan oo xubnaha ka farxiya is la garaan. Fikir iyo talo ,,,
  16. Originally posted by Jacaylbaro: I wonder who is that "Sarkaal Sare" ,,,,, Sida uu sheegay sarkaal sare( ) oo ka tirsan Xizbul islaam ,,, maxaabiista iyo sarkaakiisha Alshabaab dagaalka looga qabtay ayaan saxaafada loo ogolayn in ay hesho magacyadooda rasmiga ah sababo amaan darteed ,,, saas u fahan dee
  17. Warar hor dhac ayaa sheegaya in dagaal markale dib uga qarxey aaggii maalmahan la isku hayay ee duleedka Kismaayo. Dhanka kale warar hor dhac ayaa sheegaya in ciidamo gurmad ah Alshabaab ay kasoo talaabeen buundada Buaale iyagoo kusoo jeeda dhanka Kismaayo. Shalay ayay aheyd markii Ciidamada Xisbul Islaam ay gacanta ku dhigeyn masuul sare oo ka tirsan Xarakada Alshabaab dagaalkii Shalay loogu awood sheegtey Alshabaab Wararka naga soo gaadhaya gudaha magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xalay iyo maanta laga waayey wax askar ah oo ka tirsan ciidamadii Alshabaab ee maamulka magaalada Kismaayo iyadoo aan la garanaynin meesha ay aadeen ciidamadii Alshabaab. Warar dheeri oo aan ka helney magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in dhamaan waxii agab ahaa iyo dhaawacii halkaas yaalley ay ka daadgureysteen magaalada Kismaayo iyagoo isugu geystey magaalada Jamaame. Dhanka kale ciidankii Gacmo-dheere ee Raaskaamboni ee jiray magaalada Muqdisho ayaa ku soo wajahan magaalada Kismaayo, lana filayo inay saacado dhaw soo gaaraan halkaa, taasoo sababtay inay kooxda Al-shabaab qax billowdo.. Jubbada.com
  18. Warar hor dhac ayaa sheegaya in dagaal markale dib uga qarxey aaggii maalmahan la isku hayay ee duleedka Kismaayo. Dhanka kale warar hor dhac ayaa sheegaya in ciidamo gurmad ah Alshabaab ay kasoo talaabeen buunada Buaale iyagoo kusoo jeeda dhanka Kismaayo. Warar dheeri oo aan ka helney magaalada Kismaayo saaka ayaa sheegaya in dhamaan waxii agab ahaa iyo dhaawacii halkaas yaalley ay ka daadgureysteen magaalada Kismaayo iyagoo isugu geystey magaalada Jamaame. Dagaalkan ayaa qarxey kadib markii heshiis beenaad ah lagu gaadhey Xamar oo u dhaxeeya labada urur iyagoo dhanka kalena dagaalku sii socdo. Ciidamada Xisbul Islaam ayaa gacanta ku dhigey masuul sare oo ka tirsan Xarakada Alshabaab dagaalkii Shalay loogu awood sheegtey Alshabaab Illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhacay dagaalkan bilawga ah iyo meesha xaal ku dambeyn doono.
  19. Abtigiis & Tolka V Hunguri (an open debate in Somali, its for all SOL members) I know it is for all Sol members, laakiin gartan waxaa ku haboon dhalinyarada( oo gabdhahu ku jiraan ) sidaa ay tahay ha lagu soo wareejiyo dhalinta wax garadka ah madaama ay odayaashu hawl gabeen ,,,,
  20. Shabelle: KISMAAYO Wararka ka imaanaya deegaano hoostaga Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa sheegaya in mar kale maanta xoogaga islaamiyiintu uu dagaal ku dhexmaray halkaasi. Ilo wareedyo ku sugan deegaanka Sooya oo u dhow deegaanka janaay Cabdala ee galbeeka Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa waxaa ay Shabelle u sheegeen in halkaasi maanta uu ka dhacay dagaal dhexmaray xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo kuwa Xisbul islaam. Dagaalka ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii deegaanka Sooya oo ay ku sugnaayeen Ciidamada ururka Xisbul Islaam ay weerar kuq aadeen Ciidamada Walaalayada Islaamiga ee gobolada Jubooyinka kuwaasi oo la sheegay in ay ka soo duleen dhanka Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolak J/hoose. Saraakiil u hadashay ciidamada Xisbul Islaam ayaa waxaa ay sheegeen in ay iska caabiyeen ciidamadii weerarka soo qaaday iyadoo uusan carabbaabin qasaaraha dagaalkaasi ka soo gaaray dhankooda iyo dhankii ay la dagaalameen. Sidoo kale Saraakiisha horkacaysa ciidamada Xisbul islaam ayaa waxaa ay sheegayaan in ay ku suganyihiin halkii maanta uu dagaalku ka dhacay iyagoona intaasi ku daray in ay dib u qabsadeen deegaano ay sheegeen in ay shalay kala wareegeen ciidamada walaalayada Islaamiga ee gobolada Jubooyinka. Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka saraaiisha walaalayada islaamiga ee gobolada Jubooyinka kaasoo ku aadan dagaalka maanta ka dhacay deegaanada ku dhow dhow Magaalada Kismaayo. Shalay ayey aheeyd markii afhayeenka Walaayada Islaamiga ee gobolada Jubooyinka uu sheegay in ay soo Afjareen dagaaladii dhawaanahan ka dhacayay deegaanada galbeedka ka xiga Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolak J/hoose. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
  21. Ninka A&T waa imtixaan socda saliid ayuu soo marsaday oo meel la qabto ma leh. Jamaal ayaa raba inuu garba duub usoo qabto oo uu keeno gogol uu Ngonge bambo u dhigay Xiin oo goorwalba inay qaraxdona laga yaabo ....
  22. Originally posted by xiinfaniin: quote:Originally posted by Jafe101: Alshabaab waa in cashar lama ilaa waan ah loo dhigaa maadaamoo oo ay ku caasiyoobeeeen aabayaashii soo barbaarshey. in my assesment, alshabaabs will be willing to withdraw from other parts of the country including Mogadishu to hold onto Jubbooyinka. they have not been defeated yet ...the war has just begun awoowe The war has begun eight days back, not now awoowe. And I don't think Alshabaab can stand a long battle in Jubooyinka. Their aim was to hit fast and diminish the power of HI in Jubooyinka. But it has costed more time & energy not to mention they have suffered heavy losses. In Afgoye, Moqadisho & other parts of the country Alshabaabs are forced and they have started to fill the gabs that have been left by the Kaamboonis & other factions of HI. Alshabab are in hard place to win this war, even if it is politically. Unless Alshabaab are willing to accept the heavy losses that they will meet from their former teachers I don't see the reason that they should keep fighting in jubooyinka anymore. Nimanku waa naf la caari adeer, iyaga dhexdooda ayaa hadda kala jabay. Abu mansuur niman uu ku jiro ayaa diiday qorshaha guruxan ee shaqsiyaad iyaga ka mid ahi wataan. The news has it that Alshabaabs have left the Kismaayo city now since they couldn't deliver the success that they were expecting to bring within a week. Incase if they are willing to continoue the battle in Jubooyinka then the whole thing has to take another dimention. You can guess what another dimention could mean....
  23. Gogoshii dhaneyd ee reeruhu dhigteen Ina Godane( sorry I mean Ngonge ) ayaa raba inuu isku qarxiyo. Warar hoosaad xalay soo gaaray gudiga gogosha u fadhiyey ayaa sheegaya in markii hore loo jeeday A&T balse hadda la rabo in odey Xiin lala kaco. Nin kuu digay kuma dilin kolka Xiin waxan kula talin lahaa inuuna gogoshaas isku garab marin aan ka ahayn kolba ninkii af duuban qoorta ha ku dhago waa kii loo soo diraye....
  24. Sheekh Ahmed Islaam is teaching his former students after bringing them out of the city to his play ground which is in the Juba jungle... KISMAYO, Somalia Oct 7 (Garowe Online) - Renewed armed clashes in southern Somalia between Islamist rival factions continued again on Wednesday, with Al Shabaab hardliners reportedly suffering heavy losses, Radio Garowe reports. Two separate clashes took place near Janay Abdalla village in Lower Jubba region, inside sources said. The first attack took place around 4am local time when Al Shabaab fighters were ambushed and forced to retreat. The second attack was an "all-out battle" between Al Shabaab and Hizbul Islam groups that erupted around noon, the sources added. "Al Shabaab suffered heavy losses, lost control of their military post and had their supply trucks captured," said a well-informed source, who was describing the two-hour-long battle. There were no reliable reports of casualties, but sources in Kismayo, Afdamow and Nairobi said Al Shabaab fighters were "forced to scatter in a state of confusion" as Hizbul Islam reinforcements rushed in to battle. Somali government sources in Mogadishu confirmed that a heavily armed convoy of Hizbul Islam fighters left Mogadishu and Afgoye town en route to Lower Jubba region using the main road through Jilib and other towns controlled by Al Shabaab. There was no report of fighting as the Hizbul Islam armed convoy peacefully drove through many towns and villages in Lower Shabelle and Middle Jubba regions controlled by Al Shabaab. Wednesday's clashes come as Hizbul Islam chief Sheikh Hassan Dahir Aweys has called for a "ceasefire" with Al Shabaab. Also Wednesday, Al Shabaab's political and regional relations head, Sheikh Hussein Ali Fidow, told Mogadishu-based media that a "committee" has been established to "investigate the conflict between Al Shabaab and Hizbul Islam." He noted that Al Shabaab and Hizbul Islam leaders have "reached a preliminary agreement" and promised to present the terms to the media once the final agreement is signed. Source: Garowe Online