Kamaavi

Nomads
  • Content Count

    4,683
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Kamaavi

  1. Ethiopia is a dying regime indeed. It is just matter of time to witness the Tigre Agame officials running for their lives. Soon will the young brave men and women of ONLA come permanently victorious over the minority Tigre regime and ring the freedom, I'A. Guul & Gobanimo.
  2. Afjano's article is mainly concerned with: Mindida Cadowgaagu kugu halgaado iyo mijin qabashada walaalkaa midkee xanbuun badan? So I think, to say the least, it's better to base our comments or arguements more often on that question. Originally posted by *Ibtisam: Jafe: I tried replying to you, but your inbox is full. This article is too long in Somali, it will take me an hour to read it!! I'll give my view in 3yrs time when I learn more Somali- unless you want to give me a short summary. Ibti, Lol. Yes, you are right it's too long and I forget your Somali was limmited just like my English is. However, I believe in 3 years of time Somali galbeed will be free, I'A. But to see Ibti being able to read, write or compose Somali gabays like or more than Afjano will be a great success, I think. I've shortcomings with English so I will leave for garaad A&T to summerise for us. Ps. My inbox is clear now, if anyone tried to send me a message earlier please you can resend it, thanks.
  3. Cadceed soo baxday miyaa lagu qarin karaa sacabada? Waa maya!
  4. Originally posted by Jacaylbaro: quote:Originally posted by Abtigiis & Tolka: Jacaylbaro, Inaadeero, dhamaan Somalilanders in this forum waxaan rabaa inaan xaal mariyo ee bal ciddi aan kala xidhiidhi lahaa ii soo sheeg. Koley ama waa adi ama waa AYOUB. Intii Somaliland wax iskaga kaaya jireen saleelo ayey aheyd. Waa dad wixii jira sheegii oo sababeyn. Bal adigu qolyahan jid u saar!!!Waanu wareernay maalmahan. Masiibo. Inagu weligeeenba waynu is jiidjiidan jirnay hadana maynaan kala dhamaan jirin oo wax waliba way isugu keen jireene ,,,,,,, waakaase ka gar bax kuwaas aad sheegayso ,, imisaan ku lahaa cid ii kaa dhaanta heli mayside aayar soco ,,,
  5. Sida ay APL usheegeen Saraakiil ka tirsan laamaha Booliska Puntland, waxa ayna ciidamadaasi saaka uyeereen nabadoon ka mid ahaa Nabadoonada gobalka Bari, oo shalay ka hadlay arrimaha ku aadan in nin udhashay Soomaali Galbeed, loo dhiibay dawladda Itoobiya oo dagaal adag kala dhaxeeyo Jabhada hubeysan ee ONLF. Nabadoonka ayaa ay xireen ciidamada Booliska ee saldhiga Magaalada Boosaaso, waxaana magaciisa lugu sheegay Cabdicasiis Maxamuud Afgaduud oo ka mid ah Nabadoonada gobalkari, isagoo aan la garan Karin sababaha rasmiga ah ee waqtigan saldhiga loo xiray. Qaar ka mid ah Sarakiisha Booliska oo ay la hadashay APL ayaa usheegay in ay soo xireen Nabadoon Af-gaduud, una soo xireen markii ay heleen wararka sheegaya in uu xaqiijiyey jiritaanka warka ah in ay dawladda Puntland ugudbisay dawladda Itoobiya,dad udhashay Somali galbeed, waxaana ilaa shalay soo baxayay warar arintaasi shaacinaya. Saraakiisha ayaa sheegaya in ay socdaan dadaalo lugu xaqiijinayo jiritaanka warkaasi, ah in ay dawladda Puntland udhiibtay dawladda Itoobiya nin udhashay Beesha A'bsame oo lasheegay in uu ka soo laabtay dalka Yemen oo uu ka ganacsanayay. Nabadoonka manta lugu xiray magaalada Boosaaso, ayaa ah nabadoonkii labaad oo ay xiraan ciidamada amaanka ee magaalada Boosaso, waxaana horay nabadoonada gobalka Bari ay ugu kala qeybsameen qaabka loola shaqeynayo nidaamka dawladda Puntland. Lama garan karo waxa uu soo kordhin karo xariga Nabadoon C/casiis Maxamuud Af-gaduud oo ay sakadii hore xireen ciidamada amaanka ee magaalada Boosaaso. Allpuntland
  6. ^Labada Nabadoon ka sare ayaaba u eg inuu tun weyne yahay lakiin laandheere nimada in laga wado ayey u egtahay ,,, It is good to see peace loving people who are speaking against the illegal war bussiness that PL admins have made with the minority Tigre regime. The xaq will prevail, as Sophist & everyone would say!
  7. Nadadoon Cabdicasiis Maxamuud Afgaduud oo ciidanka Booliska Boosaaso ay Xabsiga u taxaabeen Posted to the Web Oct 28, 08:27 Ciidanka Booliska magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa saaka xabsiga u taxaabay Nadadoon Cabdicasiis Maxamuud Afgaduud oo ka mid ah Nabadoonada Puntland, Nadadoon Cabdicasiis Maxamuud Afgaduud ayaa xarigiisa waxaa loo aanaynayaa ka dib markii uu Nabadoonku u ka hadalaya dhalinyaro ka soo jeeda Soomaali Galbeed oo mid ka mid ah sida la sheegayo loo dhiibay Dowlada Itoobiya. Nadadoon Cabdicasiis Maxamuud Afgaduud ayaa waxaa lagu xiray Xabiga dhexe ee magaalada Boosaaso, Saraakiisha amaanka ee Boosaaso ayaa waxaa ay su'aalo ka wiidiinayaan Nadadoon Cabdicasiis Maxamuud Afgaduud waraysi uu shalay siiyey Idaacada VOA oo kaga waramaya dhalinyaro Soomaali Galbeed ah oo maamulka Puntlland uu u gacan geliyey Dowlada Itoobiya. Nabadoonka ayaa si geesinimo leh uga hadlay falkii guracnaa ee dhalinyaro Soomaaliyeed oo Muslin ah loogu gacan galiyey cadow soo jireen ah oo Itoobiya ah ,Waxgarada ,Isimo ,Culimda Puntlland ayaa ka hadlay dhalinyarad la dhiibay waxaan ay si kulul u weerareen Maamulka Puntlland oo ilaa hadda aan ka hadal falka lagu eedeeyey. Isimada waaweyn ee Puntlland oo miisaanka culus ku leh Gobollada Puntlland ayaa waxaa looga fadhiyaa in ay maareeyaan falalka lagu ugaarsanayo xalna ay u raadiyaan dhalinyarad ka soo jeeda Soomaali Galbeed oo kii laga shakiyaba si sahlan loogu dhiibay Dowlada Itoobiya. Halgan.net
  8. Puntland oo Nabadoon Caan ah Xidhay. Maamulka PL aya xidhay Nabadoon C/Casiis Maxamuud AF-Guud oo ahaa Nabadoonada ugu tunka wayn ee Puntland, Nabadoonka ayaa saaka laga soo wacay xabsiga dhexe ee Bosaaso; isaga oo loo sheegay in danbi loo haytso, Nabadoonka ayaa la xidhay si Sharciga Ka Baxsan. Maha in Nabadoon ama Isin Beeleed la xidho oo sharafta laga qaado. Nabadoon Afguduud ayaa la sheegay inuu VOA- shalay ka sheegay in PL ay ku xad-gutubtay xeerka dadka Soomalida ah, waxana uu canbaareeyay falkaasi loogu gaystay dadka Ogaa'deeniya, Nabadoonka ayaa shucuurta ka cabariyay sida uu uga xun yahay Maamulka PL ayaan ilaa haatan ka hadlin xadhiga Nabadoon, dhanka kale Puntland Kama Aysan Hadlin Raga la sheegay in loo Gacan Geliyay Ethiopia. Shacabka Oga'daaniya ee Qurbaha ayaa bilaabay kulamo joogta oo ay kaga xaajoonaya arimahaasi ee ay PL kula kacday dadka Somali Galbeed, Reer Ogaa'daaniya ayaa wararka qaar sheegayaan inay PL fariin u soo direen ah inay cawaaqib xumo ku tahay Puntland hadii aanay faraha kala bixin arimahaasi.
  9. Qaar ka mid ah isimada Puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay fal xukuumadu ay rag ugu dhiibtey dowlada Ethiopia, Suldaan Cabdiqaadir Ciise Axmed ayaa sheegey in ay aad uga walaacsanyihiin waxa dhacay. Suldaanka ayaa ka digey in arrimahani oo kale ay horseedi karto colaad sokeeye oo nasiib daro ah, wuxuuna madaxda Puntland ugu baaqay in ay si degdeg ah wax uga qabtaan falalka noocaasi oo kale ah. Waxaa isa soo taraya codadka dulmi diidka ah ee Puntland dhexdeeda iyadoo arrintani raga lagu dhiibey ay gilgishey meel kasta.
  10. Wednesday, 21 October 2009 23:52 Officials of the ONLF have said they have attained victory in recent fighting with Ethiopian troops in the Dollo province, and the towns of Darar and Baadilo. Information secretary of ONLF, Hussein Nur, speaking to Shabelle Media dismissed reports indicating that senior officials of the ONLF have surendered to Ethiopian troops. The official said they have issued an official statement on the issue earlier on and reiterated that the reports were lies. Hussein Nur also said they ambushed Ethiopian troops in their bases at night and inflicted heavy losses on them. He said "we have killed more than a 100 Ethiopian soldiers and captured other senior officials of the Ethiopian armed forces." There is constant fighting between Ethiopian troops and ONLF forces in the Oga'den region. Human rights organizations accuse the Ethiopian soldiers of violating the human rights by harassing the people in the Oga'den region.
  11. Saturday, 10 October 2009 18:49 Marka hore waxaan halkan ka salaamayaa umadda Soomaaliyeed inteeda wanaaga iyocadaalada jecel waxaanan u rajaynayaa in uu Illahay guud ahaan umada Soomaliyeed dhibataada ka dul qaado una soo celiyo qaranimadii, midnimadii, haybadii iyo isku kalsoonidii luntay waxaan si gaar ah u salaamayaa umadda Soomaalida Og'aadeenya ee la gumaysto una halgamaysa xoriyadeeda gaar ahaan inta sida dhabta ah uga danqatay xanuunka gumaysiga kana dhiidhiday waxaanan u rajayanyaa in u Illahay guusah u soo dadajiyo. Inta aanan fogaanin waxaan jeclahay in aan yar iftiimiyo ruuxa aan ahay, waxa aan ku hubaysanahay iyo sababta igu kaliftay qormadan, waxaan ahay gabadh ka mid ah Soomaalida Og'aadeenya ee uu gumaysigu ragaadiyay waxaan ka mid ahay da’da ciilka ku calool gashay cadhada la soo dhalatay taraysada lagu anqariyay gulofka dagaalkana lagu gardaadiyay walina aan qoob qabow ku joogsanin cimriga aan jiro oo meel dhexaad ah dhagahaygu wax badan oo farxad u ah ma aysan maqal idhahayguna ma aysan arag maskaxdaydana habeen iyo maalin kama bixin fikir iyo is weydiin. Waxaan indhaha ku kala qaaday dagaal u dhexeeya Soomaalida O'gaadeenya iyo dad Afrikaan ah oo ku soo duulay doonayana in ay gumaystaan, anigoon caqilgaygu igu filaanin ayaan ka mid noqday dadka go’aansaday in aysan marnaba gunimo ogolaanin tabari meel ay dhigtaba waxaanan aad ugu rajo weynahay dagaalka u dhaxeeya Soomaalida Ogaa'deenya iyo Itoobiya in uu soo af jarmi doono xili aan fogayn guushii mudada dheer aanu raadianynaya ay soo muuqato sidoo kale waxaan ku han weynahay in aan mar uun arki doono guud ahaan umada Soomaaliyeed oo Eebbe u soo ciliyay sharaftii isna wada jecel oo is qadarinaysa anigoo aad ugu dhaata Soomaalinimada waxaa marwalab idanqanaysa boog igu taala oo uu xoqayo ruux Soomaali ah. Hardanka colaadeed ee u dhexeeya dadka Soomaaliyeed ee Ogaa'deenya degan iyo Abasiiniyiinta dhulboobka ku can baay ee duulaanka ah waa mid soo jireen ah oo dhamaan Soomaalida khuseeya waana mid saamayn balaadhan ku leh guud ahaan Geeska Afrika lagumana xalin karo wax aan xornimo ahayn waxaa jira duruufo aan yarayn oo laga yaabo inay dib ridaan guusha uu shacabka Ogaa'deenya higsanayo waxaase si dhab ah loo ogaaday in ay dadka Ogaa'deenya isku tashadeen ayna ka go’antahay in ay wax walba oo qaali ah ku iibsadaan gobanimadooda taas oo ay hubaal tahay in wax badani uu ka hirgalay. Halganka Ogaa'deenya lagu xoreynayo oo lagu tilmaamo in uu yahay halganka caalamka ugu taariikhda dheer waxaa hor mud u ah Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaa'deenya(JWXO) oo ah Jabhadii ugu cimriga dheerayd ee abid dhulka Ogaa'deenya u dagaalanta maantana ah xoog aan la dhayalsan karin oo Geeska Afrika ka dhex muuqda kana soo dhex baxay shacab gobanimo doon ah, halagnkan oo asal ahaan Soomaali oo dhan khuseeya wuxuu soo maray marxalado kala duwan waxaa mar qoriga u wada qaadday Soomaali weyn waxaana la cidhiidhi galiyay gumaysiga Itoobiya taas oo ugu dambayntii sababtay in ay Itoobiya u soo gurmadaan quwado waawayn oo reer Galbeed ah, sikastaba ha ahaatee halganka Ogaa'deenya wuxuu madi noqday markii qaranimadii Jamhuuriyadii Soomaaliya luntay inkasta oo halgankani uu yahay mid wadadiisii ku qotoma hadana Dawladii dhexe ee Soomaaliya markii la waayay shacabka Ogaa'deenya wax badan ayaa kaga lumay. Burburkii Soomaaliya aafadii iyo darxumadii ka dhalatay shacabka Ogaa'deenya wax badan ayaa ka soo gaadhay si walbana dhibaatadu way u saamaysay waxayna la qabeen Soomaalida inteeda kale waxaase u dheer halgaada gumaysiga oo aysan hiil u helin, halganka ay JWXO hor muudka u tahay wuxuu ku soo beegmay xili adag oo ku talo galkiisa leh waxaana ku xeeran duruufo caam ah iyo kuwo khaas ah intaba JWXO markii ay dagaalka hubaysan bilowday hiil kama aysan filaynin Jamhuuriyadii Soomaaliya sababtoo ah qaranimadii meesha ayay ka baxday waxaana bilowday dagaal sokeeye oo aad u baahsan arintaasi shacbka Ogaa'deenya iyo JWXO waxay ku ahayd walwal ilaa eegga taagan waxayna dareemayaan in geestii ehelku ka jiray ay dabayli kaga socoto kuna banaantahay oo ay walaba dhiilo culusi ka jirto xalna loo la’yahay . Inkasta oo aan ku dheeraaday gogol dhiga bal aan gudo galo ujeedada cinwaanka qormadayda oo ah Mindida Cawogaagu kugu halgaado iyo Mijin qabashada walaalkaa midkee xanuun badan? waa su’aal aan jawaabteeda ka sugayo cid kasta oo jawaab u haysa waxayna ka dhalatay xanuunka boogta ixanfafaysa ee marwalab idanaqnaysa taas oo sida aan kor ku xusay ay idanqayaan dadkii nabaradayda dhayi lahaa ee dhawaca aan qabo la tacaali lahaa. Tolow waa kuwee kuwaasu?. Sida afkan aan wax ku qorayaayi tilmaamayo waxaan lahadalyaa cida aan wax walba wadaagno sida dhalasho,dhaqan,dhul iyo diin waxaaanan filayaa in aadan akhristoow u baahnayn in aan sii tilmaamo dadka aanu waxaasoo dhan wadaagno cida ay yihiin wayna kuu cadahay in aan Soomaalida lahadlayo. Maxaan ka cabanayaa? Sida hadalkayga hore laga dhadhansanayo umadda Soomaaliyeed inteedi xorta ahayd ma jiro hiil weyn oo in ay naga garab dagaalamaan ah oo aanu ka filaynay marka la eego xiligan waxaase waajib ku ah wixii ay awoodaan in aysan naga hagranin bal ka waran hadii Soomaalidu hiilkii aanu uga cudur daaraynay iyo ka badanba ay siinayaan Cadowgii aanu hiilka u la ayn waxayna Soomaalidu noo quudhaa wax uusan gumaysiga aanu la dirirayno noo quudhin sida runta ah Itoobiya waxyaalo badan ayaanu kaga adkaanay marwalbase waxaa la duuban in badan oo Soomaali ah kuwaas oo noo mijinqabanaya, ma doonayo inaan qormadan eegga ku falanqeeyo inta nooc ee ay dadka Soomaaliyeed noogu mijin qabanayaan uguna hiilinayaan cadawgooda soo jireenka ah waxaanse doonayaa in aan soo qaato inta ugu yar. Umadda Soomaaliyeed ee Ogaa'deenya degan waa dad aan waligood Itoobiyanimo ogolaanin mana ogolaan doonaan waana dad Soomaali nimadu ka dhab tahay oo aan badhax ku jirin gumaysiga laftiisuna macangagnimo un buu isugu dhajinayaaye wuu ogyahay arintaas waligiina fagaare caalami ah magac aan Ogaa'deenya ahayn ma uusan dhulkaas ugaga yeedhin wuxuuse taliska dhiigyacab Zanaawi samaystay nidaam cusub kaas oo lagu tilmaamo Itoobiyada cusub oo la doonayay in reer Galbeedka laga gado waxaana shucuubta laysku khasbayo ee ay maanta qowmiyada tirada yar ee Tigaygu gumaysato loo qaybiyay 5 qaybood erayga qayb ayaa afka xabashida waxaa lagu yidhaahdaa Kilil, qaybahaas waxaa laga soo bilaabayaa Gobolka Tigrayag oo la yidhi Kililka 1aad Af Soomaalina ku ah qaybta 1aad Dhuka Ogaa'deenya oo gumaysigu gobol ahaan u istic maalayo ayaa lagu suntay Kilika 5aad ama qaybat 5aad. Hadaba umadda Soomaaliyeed oo aan maanta u qalmin in aan ka cadwoono ayaa meel iska dhigtay wax walba oo dani ugu jirto jinsigeena Soomaaliga ah waxaana u fudud in danaha cadogeena si muuqata iyo si dadbanba loo fuliyo,aan ku noqdo boogta iqoomanta maalin walba, bulshada Soomaaliyeed waxay shacabka Ogaa'deenya ka galayaan dhagar taariikhi ah waxayna si xishood la’aan ah ugu badheedhayaan hagaradaamada aan kala go’a lahayn ee shacabkaas dulman loo gaysanayo. Waxba waxbaa iiga daran Dilka duudsigaa iiga daran Dakanada shacabka Ogaa'deenya ay Soomaalida inteeda kale ka galayso waxaa ugu culus duudsiga jiritaanka dalnimo iyo umadnimo waana wax aan loo dul qaadan karin oo in laga dagaalomo ay waajib tahay Itoobiya waxay rabtaa shacabka Ogaa'deenya in oo heeryada gumaysiga ogolaado hadii uu shacabka Ogaa'deenya taas ogolaado oo halganka huabysan joogsado Itoobiyana lagula gorgortamo maagca aanu leenahay waa Ogaa'deenya way ogoshahay waxa aanu isku haynaana waa aan ku xukumo iyo ixukumi maysid , sida muuqata Soomaalidii xorta ahaan jirtay waxaaba dhib ku ah in ay na xusuustaan waxaanad moodaa in 20 kii sano ee waalidu uu xiskooda ka lumiyay in aanu ahayn dad Soomaali ah oo wali gacanta gumaysiga ku baaqi ah waxaana taas cadayn u ah waxaa dhib ku ah in ay magaca aanu leenahay sheegaan waxaan in badan Saxaafada Soomaalida ku arkaa ama ka maqlaa magacyo uusan waligii gumaysigu in uu noogu yeedho ku dhiiarnin. Saxaafada Soomaalida ee Af Soomaaliga ku hadasha noocay dooniba ha noqoto cid kastaana ha lahaatee marka ay dalka iyo dadka Soomaalida Ogaa'deenya ka hadalyaan way ku margadaan hadalka waxayna noo raadiyaan magac inaanu Itoobiyaan yahay muujianya sida *Soomaalida Itoobiya *Soomaalida dhulka Itoobiya degta *Soomaalida kililka 5aad ee Itoobiya *Gobolka Itoobiya ee Soomaalidu degto *Qaybta 5aad ee Itoobiya Intaas oo magac ah oo ay Soomaalidu noogu yeedho waa hiilo weyn oo gumaysiga loo hibayay waana dhagar culus oo nalaga galayo waxaanse ku kalsoonahay laba arimood 1. Shacabka Ogaa'deenya wuu isku tashaday ilahayna wuu isku xidhay halgankuna waa dhib ay dheefi ka dambayso isku day walba oo lagu xagal daacinayo halganka xaqa ah ee Ogaa'deenya lagu xoraynayona aakhirkiisa wuu fashilmaa. 2. Dadka Soomaaliyeed ee noo quudhi la’ in ay nagu tilmaamaan Soomaalinimo maanta iyagiiba naf isuma hayaan waanan ognahay in uu xarrka gumaysigu masakxdooda ku beermay sidaas daraadeed waa uun iga dareensiine iyo kayd aan u dhigayo jiilasha soosocda’e dad miyir iyo caafimaad qaba in aanan ka cabanaynin waan ogahay maata kobtaas ha inoo joogto waaxaanan idinku dhaafayaa. *Kuwa isamka doolka ah shacbkiga ku ablikaynaaya. *Itoobiyana nagu sheegayoow la ogolaan waaye. *Abtirsiinadii iyo rirkaygaad ambinaysaane. *Duntii lagu arooraayaybaad uub u qodaysaane. *Anoo ubaxa Soomaaliyeed Eebbe iga beeray. *Aanjii miyaan noqon karaa ina amxaaraad ah. *Sideen ugu ekaadaa ma ihi Aabasiiniya’e Qoraalkan waxaa qorey Rooda Ibrahim A/Gurey (Afjanno) oo ah Gabadh Abwaanad ah oo ku xeel dheer Gabayada Waxaad kala xiriiri kartaa: Afjano2004@yahoo.com
  12. Originally posted by Complicated: Jafe101: Sxb you are as hawkish as General Duke, Cawke, Mr. Somalia, Garoodi iyo waliba Marx. Relax everyone, Fadhi kudirir (Cyber ku dirir in this case) ma fiicnee yaysan idin la tagin bahashu (Qabyaalada) It was a lighthearted saaxiib, just was annoying Genaralka. Never take it in the wrong way. Xaasha Cowke oo kale ma ihi, dil baan ka xigaa!
  13. Faroole : Another puppet and coward like Riyaale who is best at arresting civilians since he does not have the balls to face the mighty ONLA, military men.
  14. Faroole dadkuu iska maamusho, gaar haan dhabacayadu ma xishooto laakiin shanta hadday ku dhacdo edebay yeeshaan A&T wakhtigeedii ma la joogaa tolow? Xal kale malehe, ma kor taagnaa Garoowe iyo Boosaaso oo Laaskana masoo dul marnaa?
  15. Dhacdooyinkan soo noqnoqdey ee Maamulka PL ku ka cayo ma aha mid been abuur ah balse waa mid caddeymaheeda iyo markhaatigeeda leh waxaana ugu danbeeyey shanta wiil ee reer oga'deniya ah ee wayaanuhu xabsiyada Boosaasoo kuqaawiyey sawiradana ka qaatey sidii Abu-qareybkii ciraaq, madaxoodiina gacanta wayaanaha lagu wareejiyey. Waxaa ka horeeyey labadii wiil ee suuqa Gaalkacyo badhtankiisa lagu ugaadhsaday ee midna meyd ahaan isagoo gawracan looga tagey midkii kalena aan laheyn meydkiisii xataa si eheladiisii si wanaagsan ay ugu aasato. Waxaa ka horeeyey Wiilki suuqa Boosaaso lagu toogtay, ka dibna dad boqol kor u dhaafaya oo qaxooti ah loo xidhxidhay si arinta qiiq loogu qariyo. Waxaa ka horeeyey tii garoowe ee Dhiirre Caafi iyo Cabdi-nur sooyaan wayaanaha gacanta loogu galiyey. Waxaa jira dhacdooyin waxyeelooyin oo aan halkan lagu soo koobi karin oo waxyeelo dad badan loo gaystay. Dhacdooyinkaas oo dhan intii Maamulka PL ee uu ugu dambeeyo maamulka Cabdiraxmaan Faroole ay kula ka cayeen shacabka Soomaalida Oga'deeniya wuu ka sii jeedey isaga oo dulqaad doorbidey tixgalinayeyna darisnimada, Islam-nimada iyo Soomalinimada balse waxaa cadaatey iney u fasirteen dulqaadkii shacabka reer Ogaa'deeniya dad aan dareen laheyn kana danqan heynin xumaanta loo geysanayo. Arrintani waxay keentey in Cabdiraxmaan Faroole si badheedh ah ugu dhawaaqo in shacabka Soomaalida Oga'deeniya aysan aheyn Soomali isaguna uu yahey ruuxa qeexaya yaa Soomaali ah yaanse ahayn. Balse waxaa hoos nooga xariiqan Go’aanka Maamulka PL ee Cabdiraxmaan Faroole qaatey oo ah cadaawada aan geedna loogu soo gaban lidigana ku ah shacabka Soomaalida Ogaa'deeniya, Colaaddaas uu qaatey Cabdiraxmaan Faroole iyo PL ayaa innoo wada go’aan ah. Cid aan dhul laheyn Soomaali ma jirto Cid aan dhulkeeda la dhex dageyneyna majirto beesha wayaanaha loo dhiibi waa tan markii aan Soomaali nahey ugu dhul balaadhan ha noqoto Soomaaliya, hanoqoto Waqooyiga Bari Kenya iyo Ogaa'deeniya intabana bulsho reer PL ahi waa laga helayaa. Hadaba, dhibaatada ka timaada ficilada xumaanta iyo naca xambaarsan waxaa dhabarka u ridan doona Maamulka PL ee uu madaxda ka yahay Cabdiraxmaan Faroole. Gebagebadi, waxaa la gudboon Bulshada Soomaalida Og'aadeenya: Ee degan ama ganacsi ku leh Degaanada PL iney si dhekhso ah uga xero gedistaan degaanka PL. Iney hantidoodana uga daldashaan meelo kale, xataa haddii ay dantu ku qasabto iney ku noqdaan gumeysigii ay ka soo carareen markii hore labada geerina tan gumeysiga ayaa dhaanta haddaad Marley dhimaneysid.
  16. Warku waa suganyhay, LS. Wiilasha la qabtay waa laguu yaqaan. Kama aysan tirsanayn urur. Siyaasadna lug kuma lahayn. Hadday noqoto ururka ONLF, sida lawada ogyahay waa urur caalmi ah meel walbana xafiisyo ku leh. Waa urur ku leh xafiisyo dalalka reer galbeedka oo dhan sida Marykan, Ingiriiska iyo Jarmalka, haddaba ma PL ayaa kala saaxiibsan Itoobiya maraykanka iyo Ingiriiska? Taasi jawaabteedu waa maya haddaba niman adduunkoo dhan xafiisyo ku leh oo aan cidina ku aabyoon maxaa PL ku kallifay inay qabqabato? Runtii waa arin u baahan in loo kuur galo kistoo aan la ogaan karin tahayna arin ka fog runta iyo maslaxadda. Dhagarta uu cadawgu la damacsanyahay PL waa in wax garadka beesha iyo cuqaashu ka hortgaan, aan k ahayn fidno, dagaal ehli iyo hoog badan ka waaarsan mayso.
  17. Abtigiis waan u jeedaaa. Sophist iyo kii Xiinow ahaa inta ay ka soo galyaan isha ka dhowr ayaan is leeyahay. Kobtaas kaga hay aadeerkiis.
  18. Originally posted by Maaddeey: Cowke, waxan Culimada Boosaaso ka qaylisiiyey miyaa been ah? APL uun ha akhrine bal iska hubi warkan aad thread walba ku qoreyso! Shanta nine ee doonida lagala degey ayaa mid ka mid ah la dhiibey kaasina waxaa lagu magacaabaa Cabdi Xussen Yuusuf, doonida waxay timid dalka Yemen, markii ay dekeda Boosaaso kusoo xiratayna waxaa si gaar ah dadkani ula degey illaalada Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole, sida ay odayaasha ku doodayaan. But acordig to Cowke this meeting was also a propagandha
  19. Inaan dhaanto ku ciyaro iyo in kale adaa arki saaxiib. In badan ayaan ka dignay qumac amxaaro ku dhici lahaa inaad kas bataan. Waxaad doorbideen inaad gashaan u noqtaan amxaarta. Kolka waxaad ka hesho adaa iska leh ogow.
  20. ^ Oh boy. You seem you have an attention deficit disorder or fall asleep when you read? No body gave you an advise. But since you need one, try to resolve your problems in reading comprehension. I am not barking at the wrong tree, at least not now. So take a not from this post. Build up your reading comprehension....
  21. Warku waa war sugan oo cid walbaa ogssoon. Beelo gaar ah ayaana mas’uul ka ah arrintani, jawaabteedana weey heli doonaan haddii alle idmo.
  22. @ The Greatest unrecognized country in the world!!! Is it greater than the Awdal state of Somalia?
  23. Reer Oz waa dadyow calan leh waa in la la xididaa