Kamaavi
Nomads-
Content Count
4,683 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Kamaavi
-
PIS iyo beelalaha cadaystay cadawada ay u hayaan Ummada ku nool Gobalka **** in badan wey ka shalayn. Awoowe nin qoyani biyo iskama dhawro. [ October 30, 2009, 02:19 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]
-
Warar lagu baahiyay idaacada Ginbot ayaa sheegtay in xaalad caafimaad oo deg deg ah soo wajahday Melez Zenawi, warka ayaa intaas ku dareen in xaaladiisa cakiran tahay kadib si deg deg ah loola cararay Hospital lagu daweeyay hada kahor oo ku yaala Wadanka Bulgium, xanuunka Melez ayaa lagu sheegay in uu yahay xaga neerfayaasha iyo xiidmaha. Xaaladiisa ayaa lagu sheegay inay tahay mid la xariirta xiidmaha sidoo kale cudurada ku dhaca nerfayaasha halkaas oo si deg deg ah loola cararay Hospitalkaas oo laba bilood kahor lagu daweeyay waa sida idaacada Ginbot hadalka u dhigtaye. Warka ayaa wuxuu intaas ku darayaa in ay raaceen lix xubnood oo ah sirdoonka watana Number Codes ka Bastooladahoodana loo sharciyeeyay. Waxaana dhamaan lagu badalay safaaradii wadanka shaqaale kale kuwaas oo loogu talagay si aan warka u baxin loona ogaan, shaqaalahan ayaa dhamaan laga keenay Addiss Ababa ahna xubno ku abtirsada Qoomiyada Tigreega. Ginbot Radio.
-
Jabhad, Mar dhow waxaad maqli doontaa dhaq dheer dhimatoo dhulkii nabadeey. Guul iyo Gobanimo, Insha'Allah.
-
Abtigiis, Taliska Tigray galbay, in la turaan turiyo uun baa hadhsan Idim Alle.
-
Warar goosgoos ah oo wariyayaasha ONA ay noo soo direen: Melas Zenawi oo lasheegay in lagu dawaynayo Cisbitaalka Saint Luke ee Balgiumka. Warka nagasoo gaadhaya wadanka Biljimka ayaa sheegaya in Kaligii taliye Meles Zenawi uu yaalo Ispitaalka Saint Luke ee magaalada Brussels. Waa markii labaad ee mudo 6 bilood gudohood ah la dhigo isbitaal lagaga daweeynayo xanuun ka haleelay caluusha iyo isku buuq xaga maskaxda ah. Shaqaalaha Isbitaalka ayaa layaaban walwalka ka muuqda koox waardiye ah oo la socday kaligii taliye Zenawi. Xanuunka ayaa loo malaymnayaa in uu sababay dhibaatada haysata maamulkiisa, dhaqaalihii dalka oo dhulka galay ka dib markay boob ugu dhaqaaqeen xubna ku dhow isaga oo afadiisa ay ugu horeyso. Sidoo kale waxaa sii xoogaysanaya mucaaradkii iyo iskacaabinta uu Wayaanaha kala kulmayo shucuubta uu xooga ku haysto. Meles Zenaawi ayaa la sheegey sababtoo u doortay Belgium in ay tahay iyada oo ay xidhiidh dhaw leeyihiin Ambassadarka Europe u jooga TPLFta oo layiraahdo Birhaane Gabrekristoos. Jaamacadaha Itoobiya oo lasheegay inay buux dhaafiyeen dad Jaajuusiin ah. Ardayda Jaamacadaha dhigata ayaa walwal ka muujiyay dad badan oo aan ahayn ardaydii la yaqiinay oo Jaamacdaha loo keenay in ay soo dhagaystaan dareenka ardayda iyadoo xisbiga TPLF uu ka baqayo doorashada soo socota in afka dhulka loo daro. Jaamacadaha sida gaarka ah wardoonku isha ugu hayo ayaa waxaa kamid ah: Addis ababa University, Baahirdhar University, Arbaminj, iyo Alemaya university. Sida la wada ogsoonyahay Jaamacadaha Itoobiya ayaa ah halka ay ka bilowdeen kacaanadii isbadal doonka ee lagu afganbiyay xukuumadihii ka horeeyay Kaligii Taliye Zenawi. Ayaamahan danbe waxaa soo xoogaysanayay mucaaradada Ardayda, kuwaas oo ka cabanayay xadgudubka lagu hayo eheladooda iyo gobolada ay ka soo jeedaan. Wardoonka lagu so daad gureeyay Jaamacadaha ayaa muujinaya in cabsi weyn ay soo foodsaartay taliska Meles Zenaawi. Macaluul ba'an oo ka jirta Itobiya Dhawaan waxaa warbaahinta caalamku markale baaahisay in malaayiin dad ah ay gaajo iyo macluul u dhimanayaan dalka Itoobiya. Marka laga reebo Gobolada Galbeedka iyo Kufur Galbeed waxaa Itobiya gabi ahaanba soo foodsaartay cuno yaraan. Xarunta Digniinta Macaluusha ee ay maalgaliso Hayada USAID ayaa shaaca ka qaaday in meelaha ugu daran ee ay macaluushu soo foodsaatay ay kamid yihiin Qoomiyadaha Gobolada koofureed, Oromia, cafarta iyo O'gadenya. Xukuumada TPLF ayaa horey u sheegan jirtay in 19 kii sanoee ay xukunka hayeen ay dalka horumar gaarsiiyeen, gaar ahaan in beeralayda Itoobiya ay barwaaqeeyeen. Baahida macaluusha ah ee maanta soo shaacbaxday ayaa fashilaad ku noqotay xukuumada wayaanaha ee Itoobiya ka talisa. Qayla dhaanta macaluusha ayaa siweyn uga caraysiisay Meles Zenawi waxuuna canaan kulul dusha uga tuuray hayadaha gargaarka isaga oo ku eedeeyey in ay buun-buuninayaan macaluusha ka jirta guud ahaan Itoobiya. Asbuuc kadib eedaas ayay xukuumada Wayaanuhu garwaaqsatay in ay adagtahay in laqariyo 12 million oo macaluul la’ildaran. ONA
-
Oct 28, 2009 Sooyaalka taariikheed ee maamulada Gobolka Woqooyi Beri Somalia ee SSDF waxaa ka buuxa dunuub culus oo ay ka galeen qadiyada xaqa ah iyo shacabiga somalida O'gadeniya, sodonkii sano ee tagtay waxay soomaali ka dharagsantahay dhaqannadii iyo tallaabooyinkii foosha xumaa ee ay ku caanbaxeen, waxaa la ogyahay in badhtamihii 1978 ay ahayd bilowgii taariikhda ee siyaasiyada SSDF la safteen cadawga ummadda Soomaliyeed meel ay joogtaba ee Abasiiniya. Kolkaas oo ahayd markii ugu horeysay taariikhda dhow oo sarkaal Xooga dalka Soomaaliyeed oo lagu dhaariyay kitaabka qur'aanka ah(suuradda bara'bisin la ') uu u galo cadawgii lagu dhaariyay inuu dalka iyo dadkiisaba ka difaaco, kaas oo ahaa G/sare C/hi Yusuf Axmed Guddoomiyhii SSDF tallaabadaasi wqaxay noqotay sunne xun oo soomaali loo bilaabay, ilaa ay noqotay tusbax furtay oo sarkaalkii cadhoodaba inuu Ardisababa ka soo jeedsado isugu faanto noqotay. Falkaas madaw wuxuu dhabarjabin toos ah ku ahaa hagankii O'gadeniya ee ay ku jirtay jabhaddii WSLF somaliweyn oo dhanna garabtaagnayd, dhanka kalana waxay horseeday tallaabadaasi burburkii Jamhuuriyadii Soomaaliyeed oo taniyo maanta saldhigi la', mudada burburku socday waxay madaxda SSDF saaxiib dhow la ahayd taliska gumaysiga TPLF heer dhammaan qabqableyaashii Somaliya rogay si xin ah ugu tukadaan qibladooda Addis Ababa ee aan lahay waxaan ka ahayn dhilo iyo khamro jaban iyo cadaawad Soomaali loo hayo, una baratamaan raali galinta iyo u adeegida taliska cadawga Soomaaliyeed ee Tigreega ah. Dhaqankaas guracan iyo siyaasadaas qaloocan waxay dhalisay in Caasimaddii Soomaaliya Muqdisho iyo gabi ahaan dalkii Jamhuuriya Somalia la galiyay gacanta gumaysiga Itoobiya ee ku caanbaxay dhulballaadhsiga iyo damaca waalan, dhacdadan taariikhda gashay waxay si toos ah lid ugu tahay jiritaanka guud ahaan ummadda Somaliyed, xagal daacinna ku ah horumarka qadiyada Somaliyeed ee O'gadeniya ee xaqa iyo cadaaladda ku dhisan. Tobankii sano ee u danbeysay mamulada SSDF ee gobalka W/bari waxaay qaaden talaaboyin dheerad ah oo ay ku raaligalinyeen sayidkooda Meles Zinawi madax gumesiga Abasiiniya,kuna dhabar jabinayaan walaalahooda Somalida O'gadenya iyagoo Apriil 2008 kala baxay laba masuul oo ah golaha dhexe ee ONLF huteel ku yaala badhtamaha magalada Garowe labadan masuul oo inan-layaalo ku ahaa deegaanka gobalka W/bari tan oo ceeb dheeri ah ku ah dhaqanka Somalida waxayna C/nuur M. Sooyan iyo Dhiire Cilmi dhax kuududaan jeel Jigjiga ku yaala iygoo lagu xukumaay 10 sano oo ciqaab ah jidhil ba,aan ka dib. Intii kadabeesay falkaas waxay mamulayaasha Bari fuliyeen hawlgalo isdabajoog ah oo ay ugu gudbiyeen shacab kor udhaafaya 20 Ruux oo ka sojeeda somalida O'gadenya gacanta cadoga ay ka so carareen, dadkan maatada ah oo maciin iyo ehelnimo soo biday deegankooda dhacdooyinkan silsilada ah ee bahalnimada iyo xishood la,aanta huwan waxaa ka mid ahaa xasuuq dad shacab ah oo dhana 183 qof oo 45 dumar yahiin oo xabsiga loo taxaabay bishii ina dhaaftay, gawraca wiil dhalinyaro ah loogu gaystay magalada Galkacayo. Haddaan xusayno faldanbiyeedyada mamulayasha SSDF ee yaabka leh waxaan la iloobikarin dilkii waxashinimada lahaa ee loogastay N/hure Xilibaan Sandoon Julay 1996 magalada Galkacayo isaga oo dhawac ahaan loo keenay inlagu daweeyo. Falba falka darane waxaa yaab laheed markii horaantii 2008 guri aroos lagu hayay oo ay odayaal,dhalinyaro,haween iyo caruur ku kulansanayeen meesha ay ubixiyeen tuur A'bsame lagu tuuray banbaano gacmeed oo 11 ruux ku dhawacantay, daqiqado ka dib la toogtay macalin wax ka dhiga Dugsiga Sare ee Boosaaso, iyodoo asbuuc ka hor lagu weeraray qoys isqaba gurigoodii dhaawac ka dibna xabsiga ladhigay oo uu ku geeriyooday aabihii qoyska shahiid C'/hi Cumar oo 9 sano daganaa Boosaaso. Gaboodfalada madaxda Gobalka Bari ee SSDF ay kula kacaan shacabka dulman ee Somalida O'gadenya ee ka dhanka ah xaquuqda aadamaha,sharciga islaamka iyo dhaqanka Somalinimada iyo wadadhalashada ma aha mid qormo iyo labo lagu koobi karo laakiin waa dhito urursan oo ku keydsan kutub maguuraan ah, waana wax uyaala inlagula xisaabtamo goortii ku haboon, uhiilinta cadowga Soomaliyeed, garab wagliilka xaq udirika somalida O'gadenya, Burburinta qarannimoda iyo madaxbanaanida Jamhuriyada Somaliyeed waa tilmamaha ay ku caanbaxeen horjoogayaasha SSDF iyo mamulkooda caatada ah ee Gobalka Bari ee shacabka wakhatiga ka lumiyay kuna hankaajiyey gobanimadii iyo madaxbanaanidii shacabku u soo halgamay, taas oo 60 sano ka dib Jamhuryadii Somaliya dib u galiyay gacanta gumeysiga taagtadaran ee laangaabka Tigray. Shacabkan ay maamulaan madax kusheegan fadhiidka ah waxaa maanta la gudboon in ay soo dhacsadaan gobanimadoodii la lumiyay, Hoggaan sharaf leh oo u qalmana ay dhistaan haddii kale sharaf dhac iyo burbur aan la mahadin ayay ku abaadi, Shacabka O'gadenya waxuu leeyahay tawrad gobnimodoon ah oo aan d'abadh'ilif loodin karin. Nabsi guratay gooraad heshaba waana ii Godobe' Gadaafaba haddaad odhan lahayd laguma Gaadhsiinin Ninka gabiga igu soo dunshayow sow ku Garanmaayo
-
**** haduu hiilan iyo heli walaalkiise 1. Hada maanso hooyaale gabay heelo iyo dhaanto 2. Hal abuurka suugaanta iyo tumashadii haanta 3. Hoolebenta iyo jiibta iyo sacab hanaankiiba 4. Hawraarta waataan bartoo aan higaad qabaye 5. Waataan hormuudka u ahaa taniyo haabiile 6. Maantana hirdooglay bixiyo heego iyo roobe 7. Hiyigaygu tuu maagay baad iga helaysaane 8. Haraad iyo hamuun baan uqabay geesi haaribahe 9. Halyeey yaa ukacay reer kayaga loo han weynyahye 10. Hadeeruu garaad haybadliyo hoobal soo baxaye 11. Hadii aan hogaankii qabsadaan cidina ii haynin 12. Hadeeraan habaaskiyo kakaci hagidi aan iille 13. Hadeeruu hugii ii qalalay igu hulaabnaaye 14. Herdankiyo hadaan qayb kanoqon hadafka soomale 15. Hamigiyo wareerkii haduu iga hadhaysaaye 16. Hadeeraan hir doogliyo caleen halaha daaq siine 17. Horweyn dhalay hadaan malayaa oo haleela ahe 18. Hadeeraan hashaydii luntiyo baadidii heliye 19. Hantidii tasowdiyo hadaan haybin maqantiiye 20. Habiskii isaaraa ilaah haatan iga qaadye 21. Heeryadi hadaan tuuray iyo habac sanaantiiye 22. Mar hadaan dantaydii hantoo hagayo liishaanka 23. Hanfigiyo kulaylaha hadaan ka hadhsan doonaaye 24. Haasaawii haduu ii furmiyo inan hawoodaaye 25. Haldhaa garay sidiisaan hadeer socodka haashayne 26. Hadeeraan sidii halable aar u higan doonaaye 27. Hagoogtiyo hadeeraan shulaha hoos udhigaayaaye 28. Hadreenaan hurdada jiifayaa badi habeenkiiye 29. Hadeeray bar baartii fardaha halbsan leylkiiye 30. Hadeeraan hareeraha u diri heegan fara weyne 31. Hadaan ninman ku hayl haylayaa hiirta waaberiye 32. Hadaan cadowgi heeryada xumaa haanka jarayaaye 33. Hadaan hawsarkiyo jiibta iyo holaca leefsiine 34. Hayinkii hadaan fuulayaa waa lahayn jiraye 35. Halowlaha baroor iyo hadaan xamarki heensayne 36. Habaaskiyo bulaaluhu haduu hiija kugu layne 37. Ashkir halabli hiirtiyo haduu socon habeenkiiye 38. Hardafkiyo hadeeraan kadlaha kugu hareerayne 39. Hilqadlaha hadaan sudhanayaa heetiyow farase 40. Hadii uu ilaahay idmoo la'i haleel siiyo 41. Hawd iyo nugaal iyo sanaag waa hantiyayaaye 42. Hadhuub raaca nimankii labaray loona gacan haadshey 43. Hungurigoodu nimankuu kariday taniyo hayhaato 44. Hadal xumada nimankii qabaan loo hamrana haynin 45. Hilaacyada galbeed inamadii ugu hayaamaayey 46. Habuurkiyo kuwii shuuxa iyo beenta ku habsaamay 47. Hoosiiska nimankii hadhkiyo dhedada hoosmoodey 48. Habawgiyo hadaan doonayaa hadafki reeraa'e 49. Hadaan haydhafkiyo soo helheli habaq lohoodiiye 50. Hindidii hargeysiyo berbera shaqada loo haystey 51. Hadhaagiyo haday imanayaan kii habeen sadaye 52. Haaddiyo dhurwaagay sidiis waxu hilaad shaane 53. Hadaan Haramcadadi bari fadhiyey hallu qalaayaaye 54. Hilaaca iyo dhiigay hadeer soo hinqana yaane 55. Hubaal iyo ogaalkay iyana waa ina hayaane 56. **** haduu hiilan iyo heli walaalkiise 57. Hadeeruu halbawluhu bogsoon dhiiga habayaaye 58. Hadaa dhaawacoodii hadhiyo dhayma loohelye 59. Haweenka iyo maatada haday meel u helayaane 60. Haday dawlad hanaqaada iyo heetis noo curane 61. Hadeeraan horseedka u ahaan oo hor kacayaaye 62. Hadaan wada heshiisiinayaa higilka d'aaroode 63. **** iyo hadaan dhawrayaa haybihii kale'e [ October 30, 2009, 02:17 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]
-
Bayd kamida gabayada qiimaha badan ee Macalin Dhoodaan ayaa ahaa : Ka gilgila gantaal kugu dhacaa, kaaga gu'i waaye Macalinka cimrigii ha jiree wuxuu in-badan dadkiisa hogatusaaleeyey ugana digay iney asaaggood ka hooseeyaan had iyo goorba. Saas ay tahay hadal badan haan ma buuxshee waxaan anu qabaa in dib turubka loo baandheeyo, wax badanna la darsaa, marki 10 nin nalaga dhiibana 20 loo dila illeen ninki xumaan kaa raadiya xumaan buu mudan yahay in lagu abaalmariyee. Sidi dhacdadi ka kala dhacday Afmadow iyo Boosaaso ee aheyd in **** ah ay nin **** ah, **** ah, ku afduubteen Boosaaso 1996-kii ayna ku hanjabeen iney dilayaan, reer Afmadowna ay mid M'ajeerteen ah ku qabteen Afmadow taarkana kaga sheegeen in aarihii ninka diyaar yahay sidaas darteedna **** ninki **** ku badbaadiyeen koodiina ku nabadgalay. Baaq iyo hadal meesha ha laga saaro, Abtigiis & Tolka. Xaalkuna wuxuu marayaa Ka gilgila gantaal kugu dhacaa, kaaga gu'i waaye. [ October 30, 2009, 02:15 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]
-
Even in war, justice must prevail. The families of the victims has to get response. They have every right to take revenge, even if ONLF doesn't assist them.
-
Faisal cali waraabe sends special forces to buhuudle
Kamaavi replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Originally posted by Che -Guevara: ^Hormarka maxaad ku diidey? Xaajigu su'aashaas inuu wajaho ayey ahayd.. -
If ONLF is clannist for fighting second strongest army of Africa which has support of most world super powers and at the same time numero one enemy to Somali men and women except a few pay outs, then I would say let it be. No body will ever waste his two minutes just to re-enlight a baised arguemnet which have been buried long time ago. If there are no other successful Somali political organization willing to take the fight against agressions of Absinnyia led by a minority Tigre Agame regime, why oppose, or abduct or accuse the few men and women who are in the midle of their strugle trying their best in liberating their fathers' land? That is just beyond being irresponsible...
-
And he continous to blame only the Sherif, not the other men who proposed the mission to bring foreign soldiers on Somali soil?
-
Cadowgu wuu muuqdaa adeer, waana waxaan Alshabaab ka ahayn.
-
Qudhac, cawke iyo yar yar aan anigu u horeeyo yaa odayaasha hadalka dhaafiyee ,,,, Ha la iska dulqaato
-
^ Could ever Ina Godane & Sayidka become comparable or the Alshabaab & Dervish? May be 22 years from now, the two will be synonymous (minus the suicide car bomb blasts)!
-
Caku iyo caruur dhabayaco caadkood!
-
Sow hadalku kuma deeqo horta? Nin jira oo war gal ah noqo aan ka ahayn sidii dameer qaylo dhaana iska bootin dhiso hadaad hesho wax beenta iyo bakhtiga aad meelaha la wareegi, kaaba rasteeyaa. Qarax adeerow oo weliba bul dheh!!
-
It does indeed, you are unmajure as ever. And for that reason this issue may not go with your like, as I smell you are isane man. Gacanta aad afka i gelinayso igala wareeg saxiib, oo intaas ha inoogu e kaato.
-
Chocolate & honey well said, walaashiis. To see a sister like you who knows that we're rejecting only oppression, tyrani and unjustice which has been carried out since Adam's birth means alot to us. Eventually the backbone of every strugle for freedom, justice and complete house are mainly women. May Allah bless our Somali women, Alhamdulillah! Edit: Well said LST, as well. I'A the strugle against opression shall & will continou till we gain a permanent victory. Mr.Somalia don't let your emotions over take you saxib, what I said is fact and inrecord. You can raise questions but you cannot dismise as a cheap propaganda, just to prove that your an ONLF hater.
-
Saxiib as said you will see for your self, in aan dhaanto ciyaaro iyo in kale and no need to come back just to show how low you can get at times. After all, I believe you are the last person who should talk about either the PL admin or the ONLF as you have to be majure yet. Beeter if you educate your self first and leave these issues for grown up men to exchange their views & principles. Waa talo iyo tusaale,
-
In the past we tried but it was fruitless attempt, Ethiopia will never agree to autonmous and independent Oga'denia, losing Oga'denia means the end of their dying Tigre empire. The barrel of the gun is the only solution to this ongoing conflict. After the fall of the Dergi regime (the Communist military junta that came to power following ousting of Haile Selassie), the members of the Og'aden National Liberation Front (ONLF) formerly clandestine and their supporters became public holders. The brave ONLF participated a political process and won the election in 1995 more than 85% of the casted votes in the Oga'den Somali region. At the end of the transitional period, the political organizations, the elected members of Parliament, the elders and the people started expressing their views regarding their future status. Their views and demands were not consistent with that held by the Tigray People Liberation Front (TPLF) led regime of Addis Ababa. On February-April l994, there were various conferences between Ethiopian officials and Oga'den Somali politicians, and traditional elders. The Oga'den Somali Elders and President of that time Meles Zenawi met in Harar, the third Session of the Oga'den Somali Regional Parliament in Jigjiga, and Godey meeting between Elders and Zenawi all ended fruitless. On May 10th 1994, the Regional Assembly in Og'aden Somali Region passed a unanimous resolution in accordance with the Transitional Charter and the Ethiopian Constitution. The Addis Ababa regime responded rapidly by overthrowing and almost terminating all democratically elected national institutions in the region, including the Regional Parliament. TPLF officers started killing, arresting, and intimidating unarmed and peaceful ONLF leaders and its members. They started to execute publically regional governors, mayors, and important figures in the community without due process. And tyranise the civilian population. Then, ONLF prepared to defend its people, it choose the liberation struggle rather than accept their lot as second class citizens, a people who only exist as part of the Tigre empire. Never will will it be negotiated right for self determination and independence, history teaches us that freedom is only achieved with the gun not politically. Therefore, you either help or come against us to free that land from the Tigre minority regime. Otherwise, you can keep on calling me names one time and selling my kinsmen to the enemies other times but you cannot dictate me to say which side of the road I shall take.
-
^^Intaas oo kale haddii walaalaheena kale laga heli lahaa ma hiil iyo hoo ayaa iga maqnaan lahaa? Isticmaarka gaamuray dhulkeena mar dhow waa laga saari. Mar ay noqotana, xaqu dirirku wuu guulaysan Idim Alle.
-
What else proof one may need when it's a daily activities to arrest, humilate and handle innocent men and poor women to the enemy whilest it's happening infront of all eyes wide open? Talk about damage control instead of looking for hard evidence, when there're abundance. Keni adakaa dadku!