Kamaavi

Nomads
  • Content Count

    4,683
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Kamaavi

  1. Originally posted by Xaq: Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Gobolka Hiiraan ay si toos ah ula wareegeyso oo aysan dib dambe uga bixi doonin kadib markii dhowr jeer ee horey ay kabaxday. Dowlad fadaraal ah oon hal degmo qabsan karin ,,, ayaan daranaa
  2. Lara Fabian - Je T'aime http://www.youtube.com/watch?v=bQ0jSVj7uAE&feature=related Amazing audience response!
  3. Intaasi ma iyadaa wax yeelo ah, habo? Ninka waxaan rabaa inaad si fiican inooga reebto ilayn isagaa naga hadi waayey'e
  4. ^Saas ayaa lagaa rabaa awoowe:) Iyana waxaa xusid mudan xerta ay u horayso Buuxo, MMA, Malika, Allamagan, Kooraatuunshe, Xiin iyo dhamaaan akhyaarta daacada u ah taageerda halganka S/Galbeeed. Xertaas shaki igama jiro in ay ka dharagsanyihiin taariikhda halganka, laga soo bilaabo Aabo M.Dahir. Waxaan hubaa in af iyo adinba ku taageertaan walaalaha ku jira halganka gumaysi diidka ah. Somalidu meelna kala tagi mayseee nimanyahow cadowga aan iska kaashano! Kolba keena liitana aan garab istaagno. Wasalaama.
  5. Waxaa jira sifooyin badan oo dadka mideeya ama ay isku kala xigsadaan, waxaana ugu caansan diinta, dhalashada, afka, dalka, midabka, taariikhda iyo danaha.Dadka arrimahaas ka faallooda way isku khilaafsanyihiin kan ugu muhiimsan oo saldhigga u ah inta kale, waxayse isku raacsanyihiin in mar kasta oo ay bataan tilmaamaha laga midaysanyahay ay sii xoogaysanayso midnimada iyo xiriirku Xarigga ugu adag ee ummadda muslimiinta isu haya waa diinta, xariggaas la’aantiisna inta kale qiime weyn ma laha, haddii isaga laga midaysanyahayna inta kale waxay u sii kordhinaysaa xoog iyo midnimo. Midnimada Soomaaliyeed Haddaba Shacabka Soomaaliyeed waa bulsho ka midaysan diin, dal, af, dhalasho iyo taariikhba, nolosheeda iyo masaalixdeeduna isku xirantahay. Ma jiraan wax teed ah oo bulshada Soomaaliyeed dhexyaalla noocuu doono ha ahaadee. Qofka Soomaaliga ah wuxuu awood u leeyahay in uu soo daaqo Laasgardafuuy, ka dibna uu ku arooro Hawaash, nurka xigana uu u hayaamo Cali-sabiix, kan ka dambeeyana Laamo, iyada oo aysan jirin cid socodkiisa carqaladaynaysa ama uu turjumaan uga baahanyahay inta uu dhulka intaa isu jira isaga gooshayo. Sidaas oo ay tahay gumaystayaashii waxay geed dheer iyo geed gaabanba u fuuleen sidii ay dadkaas walaalaha ah u kalagayn lahaayeen, wayna ku guuldaraysteen ujeeddadaas si kasta oo ay dalkii u kala googooyeen, magacyo kala duwana ugu baxsheen, waxaana ka qeybqaatay fashilinta shirqooladaas dadweynaha oo ku qanacsanaa walaalnimadooda, isla markaasna dareensanaa khatarta kalafogaynta shacabka Soomaaliyeed. Waxaa kale oo xoojinayey walaalnimadooda iyo isku duubnidooda Dastuurka Qaranka Soomaaliyeed oo ay ku caddayd midnimada Shacabka Soomaaliyeed, qodobka arrintaa caddaynayana wuxuu u qornaa sidaan: (Qod. 4aad ) (Midnimada Shacbiga Soomaaliyeed) 1. Shacbiga Soomaaliyeed waa shacbi mid ah, Jinsiyadda Soomaaliyeedna waa mid qura. Ma garbaa in aynu is kala soocno, yaase ina kala sooci kara? Haddaba in loo qaybiyo shacabka Soomaaliyeed jinsiyado kala duwan oo qaar muwaadiniin yihiin, kuwana ay yihiin ajnabi dhalasho kaliya naga dhexayso ama loo qaybiyo shisheeye dhulku naga dhexeeyo iyo sokeeye aan dhulka nala wadaagin waa xaajo khilaafsan dastuurkii soo jireenka ahaa ee dalka, isla markaasna burinaysa mawaaqiftii taariikhiga ahayd ee rasmiga iyo shacbigaba ahayd, waxayna albaabka u furaysaa in si sharciyaysan bulshoweynta Soomaaliyeed loogu kala furfuro jees jees iyo magaalo magaalo, faraq baana u dhexeeya in shacabka xoog lagu kala faquuqo iyaga oo diidan sida haddaba dhacday iyo in arrintaas noqoto wax qaanuuni ah oo bulshadu ku qanacsantahay. Waxaa kale oo xusid mudan in aan cidna awood qaanuuni ah u lahayn inay si gaar ah u buriso mabaadi’dii asaasiga ahayd ee ummaddu ku taagnayd, ayna ku heshiisay iyada oo midaysan, ciddaasi ha ahaato beelo ama maamulo ama shakhsiyaade, waxaana jira arrimo iska daa maamul’e uusan baarlaamnka guud ee qaranku go’aan kama dambays ah ka gaari karin ilaa shacabku u codeeyo. Kala qoqobista shacabka Soomaaliyeed yay u darantahay? Cidda qur ah ee ka faa’iidaysanaysa kala goynta iyo is-nacsiinta bulshada Soomaaliyeed waa quruumaha ay is hayaan, mana jirto wax maslaxad ah oo Soomaaliweyn ama qayb ka mid ah ugu jirta arrintaas haba yaraatee. Ciddii ku andacoota in kala faquuqiddu dhibayso beelo ama deegaano kale ee ay iyaga qabiilooyinkooda iyo maamuladooda dan u tahayna iyadaa caddayn laga rabaa. Si kastaba ha ahaatee haddii aan waxba laga soo qaadin masaalixda istiraatiijiga ah ee ummadda Soomaaliyeed, ee kaliya loo fakaro masaalixda gaar ahaaneed ee gobolada ama beelaha ama dadka markaas maamulka haya cidda ugu horreysa ee in shacabka Soomaaliyeed loo kala qoqobo muwaadin iyo ajnabi ku khasaaraysa dhinac walba waa maamulada hadda sida gaarka ah u takooraya dadweynaha reer S/galbeed iyo reer koonfureed; waayo tillaabadaani waxay saamaynaysaa qeyb weyn oo ka mid ah dadka la haybta ah qabaa’ilka dega P/land iyo S/land oo iyagana la oran karo waxaa ina ka dhexeeya dhalasho ee isku dal ma ahin!. Qodobkii aynu cuskanay soo la inagu qaadi maayo? Sharciga aynu u cuskanay fongorista qayb ka mid ah dadkeena waa xariiqihii gumaystayaashu dhexmariyeen dadweynaha iyo dalweynaha Soomaaliyeed oo kala qaybqaybinayey hal magaalo, hal beer iyo oday labadiisa bohood. Shacabka Soomaaliyeed waxay ku hortaagnaayeen kala jaristaan caqiido adag, qaanuun qoran iyo ficil ay ku buriyeen. Haddaba maamulada Soomaaliyeed haddii beelaha ay wadaninimada u diideen qiil uga dhigtaan in aynu wadamo kala duwan nahay soow beelo aan la fogayn Karin xeerku qaban maayo?. Puntland iyo raadka xeerka cusub? Ingiriisku isagaa mar isku haystay dalweynaha Soomaaliyeed marka laga reebo Jibuuti, mararna wuxuu gaar u haystay dhulka hadda lagu kala magacaabo S/galbeed, S/land iyo NFD, ka dibna isagaa xarriiqo kala dhexmariyey oo seddex qaybood ka dhigay. Qayb wuu ka baxay, labo qayboodna wuxuu kala siiyay Itoobiya iyo Kenya. Haddaba markii aynu raacno sida Ingiriisku wax u kala xarxariiqay ******** kaliya shisheeye ma noqonayaan ee dadka degan dhulka u dhexeeya xuduud beenaadka iyo Wardheer ee ay beelaha P/land hayb wadaaga yihiin waxay noqonaynaan dad aan isir wadaagnahay, dalkuna aanu naga dhexayn, Itoobiyana waxay xaq u yeelanaysaa in iyaga iyo ******** isku si loogu dhiibo, wasiiraba ha inoo ahaadeene; waayo labaduba xarriiqda way ka shisheeyaan, isir wadaagna waa wada nahay. Haddii beelaha haybta soke la wadaaga reer P/land ay dhalashada jamhuuriyadda ku heleen eheladooda degan jamhuuriyadda sow ********ka S/galbeed iyana kuma heli karaan eheladooda degan jamhuuriyadda?. Dhinaca kale xarriiqda Ingiriisku waxay martaa meelo waxyar u wada jira magaalooyinka waaweyn ee P/land, sida Boosaaso, Qardho iyo Garoowe. Haddaba marka la raaco xarriiqihii Ingiriiska waa in dadka woqooyi ka xiga xarriiqdaas loo wada aqoonsado ajnabi, ciddii soo dalbatana loo wada dhiibo, illeyn walxa isku mid ahna labo xugun lama kala siiyo, walxo kala duwana isku xugun lama siiyee. Taa macneheedu waxaa weeye in aysan gar ahayn in xariiqaha Ingiriiska midna sharci laga dhigo, midna sharci daro ama dadka ka shisheeya qaarna muwaadin noqdaan, kuwana ajnabi. Talyaanigu ma ina midayn karaa? Sidii aynu soo xusnay xarigga ugu adag ee isu haya bulshadeena waa diinta, ka dibna ehelnimada, dalka, afka, taariikhda iyo danaha. Mugga dadkii reer S/galbeed iyo reer S/land ee intaasiba inaga dhaxaysay haddii ajnabi lagu kala noqday xarriiqihii Ingiriiska ma laga yaabaa in reer P/land iyo reer koonfur ku walaaloobaan Talyaanigii wada gumaystay darti iyada oo wixii kale oo dhan wax tari waayeen?. Haddii Talyaanigu ina midayn waayase sow in Gaalkacyo bartankeeda Customs la dhigo ma aha?. Gabogabo Soomaali wax kasta oo dad mideeya ayaa ka dhexeeya, dhab ahaana way ka midaysantahay wax kasta oo aan maamulada u kala taliya ahayn. In la kala soocana gar ma aha, wixii Soomaali oo isku duuban ay wada go’aansatayna ma jirto cid gaara oo kaligeed burin karta. Sidaas oo kale ma jirto cid Soomaali ah oo dani ugu jirto kala goynta shacabka Soomaaliyeed ee beel kasta iyo deegaan walba way dhibaysaa. Haddii kala sooca qiil looga dhigo xarriiqihii gumaysigana dadka loo dan leeyahay kaliya ma saamaynaysee dad in laga soo reebo la jecelyahay baa soo galaya. Haddii la isku dayo in ehelada qaar ku fakadaana qolo walba jamhuuriyadda ehelo ay ku gabbadaan waa u dagantahay. Mar haddii xarriiqihii Ingiriisku Soomaalida woqooyi iyo tan galbeed ina kala sooceen xarriiqdii Talyaaniguna ina midayn mayso. Haddaba waxaa ina la gudboon waqtiga xun ee la marayo iyo cadawga ina ka taagroonaaday dartood in aynaan uga tagin mabaadi’dii aasaasiga ahayd ee Soomaaliyeed iyo masaalixdeedii istiraatiijiga ahayd. Haddii maamuladu xammili waayaan cadaadiska Itoobiyana ma aha inay ummadda majara-habaabiyaan ama ay jiirta markaas kaga gudbaan tanaasulaad khatar ah ee waa inay la yimaadaan xeelado iyo farsamooyin ay xeegana ku xagtaan ilkana ku nabadgalaan, dadkoodana ay la kaashadaan sidii ay dabinada uga bixi lahaayeen. Ninkii u bareera inuu meel ka dhac sameeyana waa in aanu khaladkiisa falsafadayn ee uu ku gaabsado gafka kaliya. Ugu dambayn nin walba, reer walba iyo deegaan kasta iyagaa qoraya taariikhdooda, aakhirana waa dambaysaa, waana la doogine yaan la dacaroon. Axmed C/samad alwaqaar@hotmail.com
  6. Allah ha u naxariisto. Samir iyo Imaan.
  7. Originally posted by Kool_Kat: Jafe, habo, FuFu maxaa ka rabtaa? Waa isku kawis murqayo guduud ah, waahoraan sheegay inaan lafaheyga uga baqo... Habo cadeey Fu waxba kama rabo laakiin inaad iska juq juqayso ayaan jecelahay ma ogayn inaad saas uga baqo
  8. ^ Ibti go watch a movie that can put you to sleep Chapter 92: Surah Wal Layl Recite this Surah 15 times before sleeping and see only good dreams
  9. Oct 31, 2009 Wariye nooga soo waramay Gobalada Bari ee Soomaaliya ayaa sheegay salaadi Jimce in uu khudbad ay caadidi ku jirto ka jeediyay Gudoomiyaha Gobolada Bari Soomaaliya Faroole ayada aad u kulul oo isugu jira hanjabaad & handadaad uu kuwada dadka ka soo jeeda Somali Galbeed & NFD, wuxuuna Faroole khudbada ka jeediyay masajidka weyn ee Jaamica ah ee loo yaqaano Al-huda Khudbadii Salaada Jamaca ee masaajidka ayaa gabi ayaaba waxaa ka hadlay Faroole waxaana hadaladisii ka mid ahaa. "Dadka Af-Soomaliga ku wada hadlaa in ayna wada ahayn Soomaali" waxa uu tusaale u soo qaatay Faroole dadka u dhashay Somali Galbeed inaysan ahayn muwaadniin Somaali ah ayna yiiin Itoobiyaan waa sida uu hadalka u dhigay Faroole. Dhanka kale wuxuu u sheegay Faroole dadka Somali Galbeed ee jooga gobalada uu maamulo inay ay guuraan hadii ayna guurinna ay iyagu ku celin doonaan meeshii ay ka yimaadeen oo uu ula jeedo Somali Galbeed. Waxaa kale oo kamid ahaa hadaladii Faroole "Ma ogolin in ay ONLF hub kala soo dagto Puntland" arintaas oo ay dadku u arkaan fariin ay gaadhsiinayaan xukuumadda Tigreega oo ay u muujinayaan in ay san ogalayn dadka Soomaali Galbeed. Waxaa kale oo uu Faroole khudbadisii kamid ahayd "Inuu saxaafada ka maqlay dad isku sheegay inay yihiin beesha A'bsame dadkaas oo ku shiray Gaarisa sheegayna inay reer Puntland kaga aargoosan doonanan Jubooyinka" waxa uu sheegay in nin ka soo gudbay xadka Kenya uusan dadka reer Puntland waxaba yeeli karin iyagana waxaan usheegaynaa ayuu yidhi Faroole inaysan waxba la hadhin hadii ay wax nayeeli karaan. Arintan oo ah arin keeni karta colaad bilaabata oo labada belood ka dhaxaysa. Waxaa todobaadkii hore magaalada Boosaaso laga qabtay 5 wiil oo u dhashay Somali Galbeed waxaa mid kamid ah loo gacan galiyay sirdoonka Itoobiya ee jooga Boosaaso, halka 4 tii kale lagu hayo xabsi ku yaala magaalada Boosaaso waxayna warar ku dhow-dhow wiilasha sheegayaan in ay aad u xanuunsan yihiin wiilasha xabsiga Boosaaso lagu hayo ayaga oo qaarkood lagu jidh dilay xabsiga gudihiisa mana aynan helin wax daryeel caafilaad ah. Wuxuu Faroole horeen sheegay dadka u dhashay Somali Galbeed lagu sheegi karin in ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed arintaas oo dadbadan u dhashay Somali Galbeed ka cadhaysiisay waxayna ku soo beegantay xili Boosaaso laga qab-qabanyo dadka ka soo jeeda Somali Galbeed kadibna loogacan galinayo Itoobiya. Waxay dhamaan Jaaliyadaha Somali Galbeed ee caalamka gudbiyeen Baaqaq ay ku baaqayaan in la joojiyo colaada uu Faroole kudhawaaqay ee hayb sooca ah arintaas oo keeni karta colaad xun oo aan dhamaanin waxayna hadalada maanta ka soo yeedhaya Faroole sii hurinaysaa hadaladii hore oo aad moodo in aynan Gobolada Bari Soomaaliya kali ah ku ekaan doonin. Maax Ibrahim E-mail: qorahay99@yahoo.com Garowe, Soomaaliya.
  10. Gabadh kubweynta ah ayaa nin doob ah lagu daray. Subixi mar Alla markay qureecda keento ayaa lugta lagu dhegi jiray. Markay weelka qaado gurigana ku noqoto sido kale lug qabasho ayey u ahayd. Qadada markay keento misina lugta ayaa lagu dhegi jiray. Markay weelka rafacdo gurigana kusoo noqoto ayaa misana lugta la qaban jiray. Casarkii markay tahay maba uuna seegi jirin halka habeenkii oo dhan ay gabadhu silic ku nool ahayd. Laba bilood markay saas ku jirtay ayey aroor arooraha kamid ah qureecdii laga sugaayey intay tuurtay ayey maxkamada sare ninkii doobka ahaa dacwo dheer ka gaysay. Qaadigii ayey u warantay una sheegtay inay naf la caari tahay. Qaadigii ayaa dacwadii furay ka dib markii goobjooge yaashu iyo ninkii yimaadeen. Waxaa si fiican loo dhagaystay doodii gabadha oo ugu muhiimsanaa in mar alla markay guriga soo gasho ama cunto ha keento ama weel ha qaadee lugta lagu dhago kana cabsanayso inay guriga gasho. Ninkii ayaa la waydiiyay arintaas iyada ah waxa ka jira. Markuu rumeeyay kadib ayaa la waydiiyay inta jeer ee ku filnaan karta wuxuuna ku jawaabay 10 jeer ugu yaraan oo kala ah laba subaxii kadib ah, laba duhurka kadib ah, laba casarka ka dib ah, labo fiidka hore ama cishaha ka dib ah iyo labo qiyaamo laylka ka dib ah( saqda dhexe.) Gabadhii ayaa soo booday oo codsatay in min hal looga dhigo sidaana uu 5 jeer oo keliya ugu tago. Ninkii ayaa la ogalaysiiyay shan jeer oo wakhtiga uu rabo ah. Markay maxkamdii ka tageen eey sidaaday guriga u gaadheen ayuu laba is raac ah ku dhuftay. Bacdo Qado ayuu midii sadexaad ka tuuray. Gabalkoon dhicin ayu labadii u hadhsaneyd ka turay. Habeenkii oo dhan iyo waxaa isku soo hadhay isagoon waxba hayn. Wuxuu is celiyaba oo hurdo iska keen keenaba saqdii dhexe markay ahayd ayuu gabadhii baryo kula kacay isagoo raba in shanta beri ah laba kaliya laga sii amaahiyo Sidii kolba mid iyo labo uu u daynsanaayey ayaa waxa lagu yeeshay qaan labo sano ah, aroor arooraha ka mid ah ayey gabadhii kunoqtay maxkamadii iyadoo rabta fasax laba sano waana la siiyey ( Nin kale oo ka dab yar ayey raadsatay ) Waxay nasiib u yeelatay inay oday caano madaadshe guursato. Maalmo ka dib ayaa gabadha iyo hooyadeed is warsadeen. Hooyo asked : "Hooyo waa maxay guuur?" And the gabadha replied: "Guuri waa doob!"
  11. Habo qoolo Fu meel inaad ooga soo hadho weeye ...
  12. ^ Waryaa Paragon adu dadka iilama mid tihid ninkii wax wacyi gelin lahaa ayaad tahay boorka iska jaf awoowe
  13. For the life me, when it comes to the seccessionist of North western of Somalia, I fail to understand what the likes of Qudhac would achieve with Somaliland that they couldn’t achieve with Somalia. But again no surprises; Somalis are far more loyal to their tribes than to their country or even to their faith.
  14. ^More likely with us or against us. But again there is nothing in the hands of Faroole now. He is owned by Melez ,,,
  15. ^^ Heh@they are just too ciyaalish...Speaking from experience here...
  16. Habo Buuxo, I understand the arguements which are mainly about name change but the historical and political importance of the name, or dangers of name changing in perspective of both the local and international communities deserve some consideration. In other words, the view of the local is equally imortant as that of the international community's perpective. Political equillibrium of the two views is mandatory to ring freedom, or bringing peace and stability of Somali galbeed region. ONLF is just doing this by their hands, even though much of blame for present disunity and violence is coming from the Mama Somalia via clan-conflicts, which is an internal problem. You will find Somalis around from every quarter of the Somali Nation who are standing up to the lousy leaches beyond Awash. They accept nothing less than freedom. But there are indivituals who are flat out wrong on so many Somalis and other world events, that even if you show the truth, would still find a way to blame the few men who are in the midle of their strugle agaist oppression for every ill affecting the horn. Only those who oppose the cause of the Somali galbeed like always to confuse the people by tying the nationhood of the Somali people in the region and the name of the Territory. It is not dependent on Somalis in the Somali galbeed region to create new names until the Somali galbeed itself becomes independent. Only independent countries can change their names. After independence let the Somali people in the Somali galbeed call their country whatever they want, but the appologist of Ethiopian colonialsm like to use this name as a pretext to avoid the rigours of a liberation struggle and choose to serve lowly Amharas and Tigre Agames instead of struggling for their rights. Nevertheless, to ask you again, if all Somalis united in late 70s agaist occupation and the wind of freedom seemed to be ever stronger, then what was most important mistake that have been done in order to recorect it?
  17. Faroole oo Maanta Salaadii Jimacaha Ku Weeraray ONLF Hadalo, Fariinta Raali Galinta Addiss Ababab. Madax wayne Gobaleedka Maamulka Puntland ayaa Maanta Salaadii Jimacaha ka hadlay Arrimo ku saabsan Jabhada ONLF isagoo weerar Badheedh ah ku sheegay ONLF inay Yihiin Kooxa Argagaxiso ah oo lagu soo tooba Baro Dalka Erateriya Hadaba Waxaa Laga sugayaa Maamulka Jabhada ONLF inay ka Baxin donaan Jawaab Hadalada Iyo Ficilada Faroole. Faroole ayaa sheegay waxaa uu tilmaamay xili uu ka hadlayay Uruurka ONLF oo ah Urur ka dagaalama Ismaamulka Soomaalida O'gaadeniya ayuu carabka ku dhuftay in Puntland aysan aqbali doonin in laga tageero gudaha Puntland ama looga adeego Dakada wayn ee Magaalada Bosaaso ee xarunta Gobalka Bari Waaxa uuna intaa sii raaciyay Madaxwaynuhu in dhawaan Ciidamada Amniga ay qabten Afar ruux oo ka soo socdaalay Dalka Yeman isla markaana Tababaro ku soo qaatay Dalka Eriteriya sida uu hadlka u yiri Madaxawyanaha oo arimahaa ka hadlayay waxana arintaa lugu ogaaday ayuu yiri baaritaano lugu sameeyay Dukumintiya ay wateen, Run ahaantii Hadaladan ayaan oran karnaa Fariinta Raali Galintaa Addiss Ababa. Cabdiraxmaan Faroole ayaa Wuxuu noqonayaa Madaxwaynaha Koobaad ee Maamulka Gobalka Puntland soo mara eee Warar Toos ah oo iskugu Jira Ficil iyo Hadalba ku qaada Jabhada ONLF isagoo Raali galinayaa Maamulka Adiss Ababa.
  18. Warar khaas ah oo aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Cabaas Talxa oo ay la socdaan 6 dhalinyaro ah uu kasoo baxsaday magaalada Kismaayo islamarkaana uu soo gaadhay magaalada Nairobi. Cabaas ayaa kamid ahaa hor joogayaashii maleeshiyadii Barre Hiiraale ee u qaxay dhanka Dooloow,wuxuuna sanadkan gudihiisa isu soo dhiibayey ciidamada Al-shabaab ee ku sugnaa magaalada Baladxaawo halkaasoo uu kaga biiray ciidamada Al-shabaab. Cabaas ayaa kamid ahaa ciidamo gurmad ku yimid magaalada Kismaayo si ay ula dagaalamaan ciidamadii Xisbul islaam ee uu hogaaminayey Axmed Sheekh Maxamed Islaan (Axmed madoobe). Wuxuuna kamid ahaa shakhsiyaadkii aadka loo buun buuniyey ee Al-shabaab ugu magac dareen "Seeful islaam". Baxsashada Cabaas ayaa la sheegay inay salka ku hayso khilaaf soo kala dhex galay Ururka Al-shabaab iyo Beesha uu ka dhashay oo ka gadoodsan dilkii dhawaan ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ee lagu khaarijiyey mid kamid ah odayaasha Beesha. Wararka arimahan la xidhiidha ee ku soo dhacay warsidaha Dhanaan.com ayaa sheegaya in tira badan oo kamid ah Qooyskii marxuumkii la dilay ay isaga soo baxeen magaalada Kismaayo isla markaana ay isku abaabulayaan duleedka magaalada Kismaayo. Dhanka kale waxaa lagu soo waramayaa in Gobolka ay ka da'een roobab mahiigaan ah isla markaana ay xaaladu hada tahay mid degan. Dhanaan.com Nairobi
  19. Sayid was forced to use the qabiil war tactics cause Somalis were in dark age during his time. None of the people could understand what freedom stands. And he succeeded with awakening them from deep sleep. As for Ina Godane it's to early to say anything about him, Macalin ceyrow has also walked away too early. So, I say give him 22 more years and will be remembered for what he carries out now.
  20. ^ the best ones are majure girls 30 to 50 ,,, But whatever makes a person happy i say
  21. This song is dedicated to Indhoos http://www.youtube.com/watch?v=lWBZypQpwSM
  22. ^ Waxaan soo xasuustay muqaaxiyihii wakhti kaama tegin ee saqda dhexe markay tahay cajalad kal hore laga duubay BBC lagu tuuri jiray , wakhti kaam tegin ayey shaaha iyo jaadka ku socod siin jireen