Kamaavi

Nomads
  • Content Count

    4,683
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Kamaavi

  1. ^Hawl yar ma aha Taking rest from Sol before I get banned
  2. Originally posted by Hunguri: quote:Originally posted by Abtigiis & Tolka: Maadeey is a weak and coward fellow. Wuxuu u haystaa if he re-examines his position vis-a-vis this movement who did a horrific crime in loo arko nin isbedbedal badan. What is worse is if you are qof meel-ku-dheeg ah oo macangag ah. Adeeroow Maadeey, Alshabab waa kuwa qof human being ah oo ay gawracayaan (Jubboyinka) soo daayey, and they can do anything unimaginable. Intay goori goor tahay, iskaga hadh xaaraamiyiintan aan diin shaqada ku lahayn. A&T, waniyow ninka Personal attack-ga kadaa. Waad aragtaa, waa isagii iyo SOL oo dhan iska dhaaf Mujjaahidkaas, isagoo Keyboard-ka garaacayaa ayaa FBIA ama CIA-du la kacaysaa lool Ninka buulojaan ka yimid weli waa cussub yahay ha la dhaafo isaga iyo xiina yaan loo kala hiilin ha la isu daaayo
  3. Originally posted by Meiji: quote:Originally posted by UZTAAD: so what is your purpose of posting Ethiopian regional flags Monkey see, Monkey do.
  4. Dagaal ka dhacay duleedka Afmadow Warar goor dhaweyd nasoo gaadhay ayaa sheegaya in dagaal maanta uu ka dhacay duleedka Afmadow kaasoo u dhaxeeyey ciidamo u hogaaminayo Sheekh Axmed madoobe iyo ciidamada Al-shabaab ee fadhiisinka ku leh magaalada Afmadow. Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidamada Al-shabaab ay ku baxeen fadhiisimo ciidamada Sheekh Axmed madoobe ay ku lahaayeen duleedka magaalada Afmadow halkaasoo ay ku dagaalameen labadi dhinac. Mid ka mid ah dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Afmadow oo usoo waramay weriyaha Dhanaan.com ee Gobolada Jubooyinka ayaa sheegay in ciidamadii Al-shabaab ee markii hore duulaanka qaaday ay lasoo gurya noqdeen 18 dhaawac ah balse uusan arag wax mayd ah oo la keenay Afmadow. Dagaalada goos gooska ah ee u dhaxeeya ciidamada Sh.Axmed madoobe iyo kuwa Al-shabaab ayaa u muuqda kuwa maalin kasta dhacaya iyadoo lagu soo waramayo in Al-shabaab ay mar labaad soo xoojiyeen ciidamada ka jooga gobolada Jubooyinka. Dhanaan.com Afmadow
  5. 1-Dal lasii bur buriyay. 2-Diin lakala jiito. 3-Danta guud oo lala diriro. 4-Diinta,dadka iyo dalka oo ladayaco. 5-Dacwadii loo wada dadaalay ee dad farabadan darteed lagu dulleeyay oo dib loogu celiyay daafayaasha magaalada iyo digrigii dibinta laga ilaalin jiray oo duleedka kayeedhi. 6-Dadkii dalkooda dadaalka uwaday oo ladoloc wareemay. 7-Dumar iyo dhalaan dayacan oo lawada daawan. 8-Daladii culimada oo lawada diiday. 9- Duli labaday dumar,da'yar iyo dibad joogba. 10-Dagaal aan dhamaanaynin iyo damac daciifeed. Ugu danbays, nasiibxumo weeyi in lawada daawan nin walbana dantiisa raaci. Originally posted by Meiji: The five-day conference in Mombasa brings together Somali NGOs, think-tanks, analysts and researchers who will produce a document to be sent to major political stakeholders on ways of ending the 18-year-old conflict. Source: Sapa-AFP , December 8, 2009
  6. You should give it a shot, I'm sure you'll be fine!
  7. Originally posted by Abwaan: That would be a good news. Melez needs in bidaarta shanlo bir ah looga xoqo... I don't have bidaar yet but I guess it is painful... That was a good laugh, thanks abwaan.
  8. Ethiopian rebels condemn Somalia attack Tuesday 8 December 7, 2009 (ADDIS ABABA) – The O'gaden National Liberation Front (ONLF) has condemned last week’s hotel bombing in Mogadishu and extended sympathy to families of victims.. In a statement sent to Sudan Tribune the group said "we strongly condemn the cowardly bombing at a medical students’ graduation ceremony in Mogadishu". "This attack against medical graduates, parents, instructors and government officials is nothing less than an act of terrorism aimed at squashing the aspirations of those who intend to dedicate their lives to serve their fellow Somalis." Last Thursday, a suicide bomber disguised as a women blew himself up in a college graduation ceremony killing 24 people, including four government ministers in the capital, Mogadishu. The Ethiopian rebel group further said that the perpetrators are clearly the enemies of the Somali people and their hopes for a better future. "They are enemies of the re constitution of a strong Somali state, national reconciliation, peace, progress and democratic governance" the statement added. The ethnic Somali rebel group, which was founded in 1984, fights for an independent O'gaden state, alleging that the Somali-speaking communities in Ethiopia are marginalized by Addis Ababa government. Last month, the ONLF rebel group alleged capturing seven towns in what it said was a major attack which engaged thousands of its fighters against government troops in the region. The reports also claim that up to 650 government troops had been killed. However Ethiopian officials dismissed the claims made by the O'gaden rebels as preposterous propaganda. Ethiopian forces launched a major military operation against ONLF after the group’s deadly attack at an oil venture in2007 and now Ethiopia says the group is no more a threat at the region. (ST)
  9. Shirkii Cimilada Aduunka oo ka Furmay Denmark iyo Muwaadiniinta O'gaadeeniya oo Halkaas Mudaaharaad Isku Diyaarinaya. Waxaa ka Furmay Shirkii Cimilada Aduunka kaas oo lagu Marti qaaday Hogaamiyaha Itoobiya Zenawi balse waxaa halkaas si xoogan ooga socda Abaabul Balaaran oo Dhamaan Jaaliyadaha Soomaalida O'gaadeeniya ay iskaga yimaadeen Wadamada Scandenivian halkaas oo lagu Mudaaharaayado Melez Zenawi. Mudaaharadkan ayaa Dhaci Doona 17-18 December. Mid ka mid ah dadka ku nool Denmark oo aan la xariirnay waxna ka waydiinay Ujeeada Mudaaharadka ayaa noo sheegay in mahiimada tahay in caalamaka la tuso in Melez Zenawi Xasuuq ka gaystay Gobalka Soomalida O'gaadeeniya, uusan Mudnayn inuu ma talo qaarada Afrika. Wuxuu Warka ku daray in ergay ka kala Timid caalamka oo gaaraysaa ilaa 1500 qof ay goobta joogaan, ergadaan ayaa dhan wadamada ay ka yimaadeen 200 oo dal oo aduunka ah sidoo kale Ururo u dooda Xaquuqda Deegaanka. O'gadentoday
  10. Filmkii Oohinta Qarsoon oo lagu daawaday magaalada : TORONTO San Diego
  11. Don't judge your friends or you won't love them .
  12. I would love to help, but I dun want to.
  13. ^Curious to know how you reached to that solid conclution? Perhaps that is utterly true
  14. Xoghayaha Arrimada dibadda ee Mucaskarka Ras-Kaambooni oo sheegay inay dagaal la gali doonaan Alshabaab. Sida ku cad wareysi uu siiyey idaacadda VOA-da Sheekh Cabdinaasir Seeraar oo ah xoghayaha Arrimaha dibadda ee Kooxda RaasKaambooniyiinta wuxuu ku sheeegay in Alshabaab ay tahay cadow ay Soomaalidu leedahay. Wareysigaas ayuu sheekh Cabdinaasir ku sheegay inay meel kasta oo kamid ah gobolada jubbooyinka kula dagaalami doonaan Alshabaab, kana saari doonaan dhammaan deegaanada ay ka joogaan jubbooyinka iyo guud ahaan dalka Soomaaliya. Sh. Cabdinaasir ayaa sidoo kale sheegay inay weli ku sugan yihiin ciidamadoodu deegaanada ay isku dirireen iyaga iyo Alshabaab hoggamiyehoodiina (Sheekh Axmed Madoobe) ku sugan yahay deegaanadii dagaaladu ka dhaceen ee gobolka Jubbada hoose wuxuuna beeniyey inuu Axmed Madoobe u gudbey dhanka Kenya. Sarkaalkan ayaa sheegay in shacabku taageersan yahay iyaga, diidan yihiin oo ay ka cararayaan Alshabaab. Sheekh Cabdinaasir ayaa sheegay in ay ka tirsan yihiin Xizbul Islaam. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira dhaqdhaqaaq lagu tilmaamay qorshe ay ku doonayaan ciidamadii uu hoggaaminayey Sheekh Axmed Madoobe inay gabi ahaanba gobolada Jubbooyinka Soomaaliya xoog uga saaraan Kooxda Alshabaab.
  15. Dagal markale kadhacay Dhoobleey iyo Kooxda Alshaabab oo soo sartay bayaan calaacal & goodi isugu lifaaqan. Dgaal ayaa markale ku dhaxmaray Ciidamada Alxizbul islaam & Kooxda Alshabaab Meel u dhow degmada Dhoobleey. Dagaalkan ayaa dhacay Shalay maqribkii kadib markaay isku deyeen Kooxda Alshabaab inaay weeraraan fariisin ay ku lahaayeen ciidamada Alxizbul islaam meel u dhow magaalada Dhoobleey islamarkaasna dagaal ku qabsaday intaayan gaarin fariisimihii Xizbiga. Ciidamada Alxizbul islaam aya sida muuqata ka war helay weerarka kadibna cmilgal sameeyay. Ilo madax banaan oo ku sugan aaga degmada Dhoobleey ayaa K.times.com u xaqiijiyay in kooxda Alshabaab lasoo guryanoqdeen 9 meeyd ah islamarkaasna caro aad u kulul laga dareemayay wejiyadooda. Weerarkan ayaa u muuqda inaay Kooxda Alshabaab ku doonayeen inaay usoo aargudaan maleeshiyo badan oo looga laayay qaar badanna looga dhaawacay weerar gaadmo ah oo dhacay habeen afaraad kaasoo lala beegsaday Sedex Xarumood oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadkooda Lama oga waxa xigi doona weeraradan gaadmada ah ee ay is dhaafsanayaan laba Kooxood & waxa ku soo beegay xiligaan waxaana laga warqabaa in ciidamadii la dagaalamay Koxxda Alshabaab ay bed qabaan iyaga & hubkoodii kuna suganyihiin daafaha magaalooyinya Jubadahoose. Dhinaca kale Kooxda aya soo saartay bayaan isburinaya ay ay ka buuxaan hadalo iskhilaafsan. Bayaanka ayaa sida muuqata loogu talagalay in lagu macneeyo dagaalkii lagu wareeray micneeyntiisa waxaana lagu celceliyay oo keliya hadalaadii ahaa Sh. Ahmed waa murtad & qabiilbaan ladagaalameeynaa, waana hadalo daashaday dhegaha shacbiga Soomaliyeed. Kooxda ayaa ku andacootay inuu Sh. Ahmed u dagaalamayo qabiil iyo gaal u gargaarid, laakiin iswyydiintu waxaay tahay Sheekha lagama maqal asagoo dhahaya qabiilbaanu nahay Alshabaabna qabiilbaanu kula dagaalameeynaa, & gaalaan u gargaareynaa, taas bedelkeedana waxaanu ka haaynaa kooxda Alshabaab inaay ku dhawaaqeen 1.dagaal ka dhan ah Beel kamid ah Beelaha Soomaaliyeed 2. inaay hubeeyeen maleeshiyaad beeleed kuna goobaabiyeen inaay ladagaalamaan Beel islamarkaasna ka difaacaan magaalada. 3. waxaakaloo lagamaqlay afkooda Tuulooyinkaanu idinku gubeeynaa, waxaa isweeydiin mudan Sh. Ahmed Gobolka hal guri ayuu ka deganaa Tuulooyinka SHAhmed miyaa iskaleh!! 4. Ayagoo doonaya inay qabiil ubedelaan dagaalka ayaay ku andacoodeen inaay ONLF ladagaalamayaan oo ay ula jeedaan ONLF waxaaa u badan beesha ******. Waxaa kaloo bayaankooda ay ku sheegaan in ururka Kambooniyiinta uu yahay urur qabiil uuna burburay wasidaay hadalka u dhigeene. Halkaas waxaa ka muuqda in Kooxda Alshabaab ay iyagu yihiin Kooxda qabiilka wada hadii qabiil lagahadlayo. Kooxdan oo kusoo barbaartay taagerada shacbka soomaaliyaad aya lumisay taageeradii shacabka, waxaana ugu dambeeyay Gobolada Jubooyinka, waxaana gabi ahaan geyiga Soomaliyeed la wareegay naceeybka loo qabo Kooxdan mayalka adag ah markii la fahmay waxa ay yihiin iyo inaay halaag u horseedayaan Umada Soomaaliyeed. Wararka Jubbooyinka Kismaayotimes.com
  16. Warar goor dhaweyd nasoo gaadhay ayaa waxay sheegayaan in ciidamadii Al-shabaab ee ku sugnaa magaalada Bilis Qooqaani ay isaga guureen dhamaan fadhiisimihii ay ku lahaayeen aagaas ka dib markii uu culeys ka soo fuulay dhanka Dhoobley oo ay ka socdaan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoogan. Ciidamadan ayaa kolkii ay ka soo baxeen Qooqaani sedex jeer dhexda dagaal ku qabsaday iyadoo ilaa iyo hada aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay iska hor imaadyadaas. Dhanka kale waxaa habeen sedexaad magaalada Dhoobley ka dhacay dagaal mir ah oo ay soo qaadeen ciidamo daacad u ah Axmed Maxamed Islaan kuwaasoo sida la sheegay miray sedex saldhig oo fadhiisimo u ahayd ciidamada Al-shabaab ee gacanta ku haya magaalada Dhoobley. Dagaalkan oo ahaa mid sedex geesood ah isla markaana dhacay amin habeen ah ayaa lagu soo waramayaa in Xarakada Al-shabaab lagaga dilay 13 askari oo 8 ka mid ah goobta lagu dilay halka 5 kalena ay dhaawac u dhinteen. Wararka khaaska ah ee soo gaadhay Warsidaha Dhanaan.com ayaa waxay sheegayaan in Xarakada Al-shabaab ay damceen in dhaawicii ay u qaadaan dhanka magaalada Kismaayo iyagoo dhaawicii saaray baabuurka loo yaqaan Hoomeyda, balse marka ay dhexda sii socdaan ay dareemeen cabsi ka bacdina ay dhaawicii dib ugu soo celiyeen magaalada Dhoobley. Masuuliyiintii Al-shabaab ee ku sugnayd Dhoobley ayaa hadana amray in dhaawicii Kismaayo la geeyo isla markaana la raaciyo afar tiknika ah oo dhaawaca sii galbisa maadaamo uusan jidku amni ahayn. Wararku waxay sheegayaan in afartii tiknikada ahayd ee dhaawaca galbinaysay ay qudhoodii khatar culus dareemeen isla mar ahaantaana ay dhaawicii dib ugu soo celiyeen magaalada Dhoobley balse nasiib daro ayagoon weli soo gaadhin Dhoobley ayeey shantii nin ee dhaawaca ahayd qudh baxday. Dhinaca kale mar Warsiduhu uu la xidhiidhay dad xog-ogaal ah oo aan weydiinay halka ay qabteen ciidamadii Al-shabaab ee ka guuray magaalada Bilis Qooqaani ayaa naloo sheegay in ciidamadii gebi ahaanba la keenay Dhoobley si loo xoojiyo difaaca Dhoobley oo ay ka jirto dareen iyo cabsi badan. Ciidamadii Xisbul islaam ee horay looga saaray deegaanadan ayaa lagu soo waramayaa inay dib isu soo habeeyeen isla markaana ay soo buuxiyeen dhamaan duleedyada maagaalooyinka Dhoobleey iyo Afmadoow waana tan keentay in xarakada Al-shabaab ay bandoow ku soo rogaan dadka ku dhaqan labadaas magaalo oo sida la sheegay ay kulaaxayaan ciidamo daacad u ah hogaamiyaha Ururka Xisbul islaam ee Gobolada Jubooyinka Sheekh Axmed madoobe. Wararka dhabta ah ee ku saabsan xaalada Jubooyinka kala soco Warsidaha Dhanaan.com. Dhanaan.com Dhoobley