Siciid_10

Nomads
  • Content Count

    3
  • Joined

  • Last visited

  1. Hargeisa under siege ( part 1 ) http://www.youtube.com/watch?v=6jKyFbUlMj0 Hargeisa under siege ( part 2 ) http://www.youtube.com/watch?v=H6wEy1dNhGU&mode=related&search= part 3 http://www.youtube.com/watch?v=eI5ozAbzhgs part 4 http://www.youtube.com/watch?v=_zZwNMRfOPw part 5 part 6 part 7 http://www.youtube.com/watch?v=XTb2OE_QaIQ&mode=related&search=
  2. http://video.google.com/videoplay?docid=6542858426976357094&sourceid=docidfeed&hl=nl
  3. Shareecadda Islamka, Somaliland, Maxkamadaha Muqdisho Iyo Wahabiya Sarmad Shaykh — --- — 10 December, 2006 -------------------------------------------------------------------------------- Shareecadda Islamka, Somaliland, Maxkamadaha Muqdisho iyo Wahabiya Waxa beryahan ku soo batay Somaliland odhaahda ah “ha la isku xukumo shareecadda Islaamka”. Mar haddaad maqasho ‘shareecad ha la isku xumo’ ogow inay dadkaasi ama Wahabiya yihiin ama ay Wahabiya ‘influence’garaysay. Marka hore, bal aynnu eegno micnaha xaqa ah ee ‘shareecadda ha la isku xukumo’. Culamadii hore ee xaqa ku socdey marka ay odhan jireen “shareecadda ha la isku xukumo” waxay ula jeedeen “adigu, qof ahaan, shareecadda isku xukun” oo micneheedu yahay wax kasta oo shareecadda ka soo hor jeeda noloshaada daahiriga (outward) iyo batiniga (inward) ka dhamee ama ka safee. Inuu qofku noloshiisa daahiriga ah ka tirtiro wixii shareecadda ka soo hor jeeda waxa ka mid ah: inuu cibaadooyinka sida salaada, soonka, etc. fuliyo, inuu xalaal ku noolaado, inuu xaaskiisa u roonaado, inu qaraabada uu xidhiidhiyo inuu martida soo dhoweeyo inuu dadka dan yarta ah u roonaado iyo waxyaalo kale oo fara badan. Inuu qofku noloshiisa baatinga ah ka tirtiro wixii shareecadda ka soo hor jeeda waxa ka mid ah: inuu xanta iska ilaaliyo, inuu xaasidnimada iska ilaaliyo, inuu isla waynaanta iska ilaaliyo, inuu istuska iska ilaaliyo iyo wax yaalo kale oo fara badan oo kutubta culamada ka buuxda, sida kitaabka ixyaa culuuma diin ee Imaam Al Ghazali.. Waxa la ogyahay in ay mujtamacyadu ka koobanyihiin afraad (individuals), haddii aany dadku qof qof isugu soo dabaalin shareecadda wax hagaagayaa ma jiraan xitaa hadii ‘shareecadda islaamka la isku xukumo’, waxa taa marag ka ah dadka wadanka Saucuudi Arabia. Sacuudi Arabia waxay ku faantaa inay isku xukunto shareecadda Islaamka laakin qof kasta oo waddankaa ku noolaada muddo yar oo dadkooda dhexgalaa wuxuu markiiba dareemayaa inay ka aradanyihin shareecadda Islaamka. Sacuudi Arabia ama Wahaabiya waxy ula jeedaan “shareecadda ha la isku xukum” waa “gacmaha ha la is gooyo”. Xukunka Sacudi Arabia waa xukunaka ugu cadaalad xun dunida, wadaadada Wahaabiya ee kula shuraakey xukunka waa kuwa ‘Fatwooyinka’ u soo saara oo dadka ku yidhaahda dawladeennu shareecad bay ku socotaa. Maxkamadha Islaamka ee Muqdisho waxay ku noolyihiin oo haystaan dhulkii iyo khayraadkii dadka masaakiinta aha ee Shabeelooyinka. Waa maxay Shareecadda ay wataan hadii ayba xaaraan ku noolyihiin? Jawaabtu waxa weeye Kitaabkii Maxamed Bin Cabdi Wahaab ayay akhriyeen oo shareecadoodu waa ta Sacuudiga oo kale. Haddii kale waxay ku bilaabi lahaayeen inay dadkaa masaakiinta ah xaqooda u soo celiyaan oo weliba raalli gelin siiyaan. Arrin Muhiim ah: Aad bay u sahlantahy inuu qof ku ku qayliyo “Shareecadda ha la isku xukumo” laakin aad iyo aad bay u adagtahay inuu NAFTIISA ku dabaqo Shareecadda oo iska safeeyo Karaahiyadda, Xaasidnimada, Iftikhaarka, Beenta, Namiimada, qabyaalada, etc. Jihaadka runta ahi waa kaa. Qofkii isku dayey baa garanaya waxaan ka hadlayo. sarmadshaykh@yahoo.com