Saalax

Nomad
  • Content Count

    10,383
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    24

Everything posted by Saalax

  1. CEERIGOOBO(OODWEYNENEWS)- Waxa maalintoodii 1-aad fagaaraha beerta xorriyadda ee magaalada Ceerigaabo isugu soo baxay taageerayaalka xisbiga Uicd oo aad u tiro badan. Fagaarahan laysugu soo bxay oo ay ka muuqanaysey jawi nabdoon iyo xasillooni ayaa waxa taageerayalka kala qayb galay guddoomiyaha xisbiga Ucid ee gobolka Sanaag C/laahi Axmed Daammur iyo xubno kale oo xisbigan ka tirsan oo isugu jira heerar kala duwan. “Xisbigeenna halku dheggiisu waa nabadgelyada iyo tacliinta oo midkoodna la’aantiis aanay dhallinyaradu ka maarmi Karin ama horumar samayn karin markaa waxan idinkula dardaarmayaa in aad taageerada codkiinna siisaan Ucid”. Sidaas waxa yidhi guddoomiye-xigeenka guud ee garabbada dhallinyarada xisbiga Ucid Mubaarik Axmed Saalax. “Maalinba xukunka cid baa haysee manta idinka gacantiinnuu ku jiraaye gacantiinna haysku gawricina codkiinnana siiya xisbiga caddaaladda iyo sinnaanta ee Ucid iyo madaxweynaha xisbigan Feysal Cali Waraabe”. Sidaas waxa yidhi Saalax Barre oo isaguna fagaarahaas ka hadlay. “Xisbigani waa xisbiga sida aad ku maqlayseen barnaamijkiis waxqabad u adeegaya aqoonta caddaladda iyo daryeelka bulshadeenna codkiinnuna waa waraaqaha/kaadhadhka guryaha iyo shendedeheenna ku jiree isaga aynu dooranno”. Sidaas waxa tidhi guddoomisada garabka haweenka Ucid ee gobolka Sanaag. Guddoomiyaha Ucid ee gobolka Sanaag C/laahi Axmed Daammur oo ugu danbayn fagaarahaas hadal kooban ka yidhi ayaa waxa hadalladiisii ka mid ahaa Ad iyo aad ayaan idiinkaga mahad celinayaa sedan ballaadhan ee aad isugu soo baxdeen una muujiseen dareenkiinna iyo shucuurtiinna ku waajahan taageerada xisbigan Ucid”. “Waxan kaloo idiin sheegayaa labada xisbi ee kale midkoodna kan kale wax uma oggola laakiin labaduba innaga (Ucid) waa oggolyihiin markaa waxan rajaynayaa in aynu kuu guulaysanayno doorashada madaxweynaha ee innaku soo fool leh”. “Mabda’eennuna waa in aynu wanaagga xaqa iyo caddaaladda ka shaqayno waxana la gaadhey xilligii caddaaladda iyo daryeelku shaqayn lahaayeen qolyaha walaalaheen ee la qaldayna warkeenna gaadhsiiya”. Intaas kaddibna dadweynihii taageerayaalka Ucid ee fagaarahaas ka dareeray iyagoo isku duuban oo ay weheliyaan baabuur ta yar yar islamarkaasna ruxaya calaamadaha/boodhahdhka halku-dhegyada iyo sawirrada ladaba murashax ee xisbigan waxay socod ku mareen dhammaan suuqyada ,agaalada Ceerigaabo iyagoo markii danbena isugu tegey xarunta guud Ucid ee magalad Ceerigaabo kaddibna lan iyo qayb waliba si deggan goobohoodii ugu dhaqaaqeen. Weriiye-Darwiish Oodweynenews.com/ Ceerigaabo
  2. looooool, embarrassing taxi driver atleast if you are going to take hot young girls on your taxi keep your mouth to yourself especially when your a married man.
  3. Jacpher , the only illiterates are those who can't come up with a simple multi party instead use 1 room poll.
  4. Oodweyne, Indeed i am well surprised aswell the supporters for UCID has improved alot from last elections and seems they have a far greater support this elections which might shock or surprise some people.
  5. Taageerayaasha Xisbiga Ucid ee Gobolka Togdheer oo Maanta Muujiyay Inaan Labada Xisbi ee Udub iyo Kulmiye Kaga Codbadnayn+Faysal Cali Waraabe oo Maanta Baaq u Diray Dadka Deegaamada Buuhoodle iyo Widh-widh Burco(OWN)-Taageerayasha xisbiga mucaaridka ee ucid ayaa saaka banaan bax balaadhanoo ay kala qaybqaateen Musharaxa madaxweynaha ee xisbigaasi Eng.Faysal Cali waraabe gudoomiye ku xigeenka xisbigaasi aadan mire waqaf,xildhibaano iyo dadweyne aad u tira badan ayaa isaguna ka dhacay magaalada burco. Taageerayaasha xibiga ucid ayaa iayagu u muuqday saaka kuwo u sii diyaargaroobay sidii ay u muujinlahaayeen astaamaha iyo calaamnata u gaarka ah xisbigooda iyo musharixiintooda madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka. Weftidani uu hogaaminayay gudoomiyaha xisbiga ucid eng.faysal cali waraabe ayaa ahaa kuwo ka soo kicitimay Dhanka hawdka ee Gobolkani togdheer kuwaasi oo kulamo goono gooni ah la soo qaatay dadweynaha ku dhaqan deegaanadaasi. Isu soo bax maanta oo ka dhcaayay khayriyada magaalada Burco ayaa hayd mid ay si laxaad leh u soo buuxdhaafiyeen taageerayaasha xisbiga ucid kuwaasi oo markii igu horaysay muujiyay sida ay labada xisbi ee kaleba kugula tartami karaan gobolkani. Ugu horayn waxa xafladaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ahna musharxa madaxweynaha ee xisbigaasi Eng.Fayasal Cali Waraabe waxaanu u mahadnaqay Taageerayaasha badan ee maanata u soo baxay inay muujiyaan cududooda iyo taageerda ay ku leeyihiin Gobolka waxaanu Eng faysal ka hadflay Barnaamijka xisbiga ucid oo ku tilmaamay inuuyahay mid uu ku horumatrinayo dalaka hadii loo doorto jagada madaxweynaha Somaliland taas oo uu daliil ga dhigay in xisbigiisa ucid uu yahay ka ugu barnaamijka waxac axsaabta qaranka. Waxaa kale oo uu Eng Faysal dhaleecayn kulul u soo jeediayay xukuumada madaxweyne Daahir rayaale oo ku tilmaamy inay tahay mid aan dalka waxba u qaban 8deedii sano ee ay xilka haystay waxaanu wax laga xumaado ku tilmaamay in maanta ay nasiibdaro ay tahay in madaxeyne rayaale la soo taaganyahay dib ha laydoorto. Waxaanu ku tilmamay in dalakan jkamhuuriyada Somaliand waxa ka xumaaday uu yahay oo keliya hogaankii dadka ku hagi lahaa jidka saxa ah. Waxaanu sheegay im madaxweynuhu dhagax dhigay meelo badan oo ka mid ah gobolkan togdheer kaas oo an waxba ka qaban. Gudoomiye Faysal sidoo kale waxa uu ku dheeraaday Xidhiidhka dalalka jaarka aynu nahay sida dalka etoobiya oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo ay alaabteenu kootarabaan ku gasho halka kuwooduna ay si xora u soo galaan dalkeena waxaanu balan qaaday in hadii uu xisbigiisu ku guulaysto doorashada madaxtinimada uu xalindoono dhamaan waxa kasta oo dadka reer Somaliand xaq ugu leeyihiin . Waxaanu maanta halkan baaq uga diray Eng Faysal Cali Waraabe dadka deegaanada Buuhoodle iyo widhwidh oo uu u sheegay dadka reer somalaind ay yihiin ul iyo diirkeed aanayna u baahnayn wax fad qalalo iyo dhibaato u gaysta. Waxaa kale oo isn halkaas I ka hadalay Gudoomiye ku xigeenka xisbigaasi Aadan maxamed Mire waqaf oo sheegay In xisbiga ucid uu wato barnaamij hufan kaas oo ay madax ka yihii n eng faysal cali waraabo iyo maxamed rashiid sheikh xasan oo labaduba ah aqoonyahno una heelan horumarinta dadla iyo daka aadanmire waqf isag oo arimahan ka hadalaya waxaa hadaladiisii ka mid ahaa. Ugu danbytii waxaa isna halkan ka hadalay Gudoomiayah gobolka Togdheer ee xisbiga ucid Cismaan Afgaab oo sheegay in isbel loo bahayahay kaas oo la filayo in 26june doorashada dalka ka dhacayasa taas oo uu ku tilmaamay iany noqondoonto taariikh cusub oo u bilaabmidoonta dalakan taas oo lagag bixidoona ayuu yidhi mugdiga lagu jio waa sida uu hadalkiisa u dhigaye. Waxa iyana xalakan ka hadalay masuuliyyin sarsare oo ay ka mid yihiin Siciid raage,Xildhibaan Xuseen Cige,iyo madax kale oo badan dhamaantoodna waxa ay sheegeen in xisbiga ucid yahay xisboga kaliya ee sanadkan badbaadinkara dalka kaas oo iasugu leh barnaamij hufan halkudhegiisun yahay Isku xukumida shareecada islaamaka taas oo maanta laga dareemayay barnaamijkoodii oololaha oo ay ka saareen heelooyinkii iyo amaanta ahaa . Maxamede Cawed Maxamed Oodweynenews.com/TBurco Office
  6. Burco-UCID Taageerayaasha Xisbiga Ucid ee Gobolka Togdheer oo Maanta Muujiyay Inaan Labada Xisbi ee Udub iyo Kulmiye Kaga Codbadnayn+Faysal Cali Waraabe oo Maanta Baaq u Diray Dadka Deegaamada Buuhoodle iyo Widh-widh Burco(OWN)-Taageerayasha xisbiga mucaaridka ee ucid ayaa saaka banaan bax balaadhanoo ay kala qaybqaateen Musharaxa madaxweynaha ee xisbigaasi Eng.Faysal Cali waraabe gudoomiye ku xigeenka xisbigaasi aadan mire waqaf,xildhibaano iyo dadweyne aad u tira badan ayaa isaguna ka dhacay magaalada burco. Taageerayaasha xibiga ucid ayaa iayagu u muuqday saaka kuwo u sii diyaargaroobay sidii ay u muujinlahaayeen astaamaha iyo calaamnata u gaarka ah xisbigooda iyo musharixiintooda madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka. Weftidani uu hogaaminayay gudoomiyaha xisbiga ucid eng.faysal cali waraabe ayaa ahaa kuwo ka soo kicitimay Dhanka hawdka ee Gobolkani togdheer kuwaasi oo kulamo goono gooni ah la soo qaatay dadweynaha ku dhaqan deegaanadaasi. Isu soo bax maanta oo ka dhcaayay khayriyada magaalada Burco ayaa hayd mid ay si laxaad leh u soo buuxdhaafiyeen taageerayaasha xisbiga ucid kuwaasi oo markii igu horaysay muujiyay sida ay labada xisbi ee kaleba kugula tartami karaan gobolkani. Ugu horayn waxa xafladaasi ka hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ahna musharxa madaxweynaha ee xisbigaasi Eng.Fayasal Cali Waraabe waxaanu u mahadnaqay Taageerayaasha badan ee maanata u soo baxay inay muujiyaan cududooda iyo taageerda ay ku leeyihiin Gobolka waxaanu Eng faysal ka hadflay Barnaamijka xisbiga ucid oo ku tilmaamay inuuyahay mid uu ku horumatrinayo dalaka hadii loo doorto jagada madaxweynaha Somaliland taas oo uu daliil ga dhigay in xisbigiisa ucid uu yahay ka ugu barnaamijka waxac axsaabta qaranka. Waxaa kale oo uu Eng Faysal dhaleecayn kulul u soo jeediayay xukuumada madaxweyne Daahir rayaale oo ku tilmaamy inay tahay mid aan dalka waxba u qaban 8deedii sano ee ay xilka haystay waxaanu wax laga xumaado ku tilmaamay in maanta ay nasiibdaro ay tahay in madaxeyne rayaale la soo taaganyahay dib ha laydoorto. Waxaanu ku tilmamay in dalakan jkamhuuriyada Somaliand waxa ka xumaaday uu yahay oo keliya hogaankii dadka ku hagi lahaa jidka saxa ah. Waxaanu sheegay im madaxweynuhu dhagax dhigay meelo badan oo ka mid ah gobolkan togdheer kaas oo an waxba ka qaban. Gudoomiye Faysal sidoo kale waxa uu ku dheeraaday Xidhiidhka dalalka jaarka aynu nahay sida dalka etoobiya oo uu ku tilmaamay inay yihiin kuwo ay alaabteenu kootarabaan ku gasho halka kuwooduna ay si xora u soo galaan dalkeena waxaanu balan qaaday in hadii uu xisbigiisu ku guulaysto doorashada madaxtinimada uu xalindoono dhamaan waxa kasta oo dadka reer Somaliand xaq ugu leeyihiin . Waxaanu maanta halkan baaq uga diray Eng Faysal Cali Waraabe dadka deegaanada Buuhoodle iyo widhwidh oo uu u sheegay dadka reer somalaind ay yihiin ul iyo diirkeed aanayna u baahnayn wax fad qalalo iyo dhibaato u gaysta. Waxaa kale oo isn halkaas I ka hadalay Gudoomiye ku xigeenka xisbigaasi Aadan maxamed Mire waqaf oo sheegay In xisbiga ucid uu wato barnaamij hufan kaas oo ay madax ka yihii n eng faysal cali waraabo iyo maxamed rashiid sheikh xasan oo labaduba ah aqoonyahno una heelan horumarinta dadla iyo daka aadanmire waqf isag oo arimahan ka hadalaya waxaa hadaladiisii ka mid ahaa. Ugu danbytii waxaa isna halkan ka hadalay Gudoomiayah gobolka Togdheer ee xisbiga ucid Cismaan Afgaab oo sheegay in isbel loo bahayahay kaas oo la filayo in 26june doorashada dalka ka dhacayasa taas oo uu ku tilmaamay iany noqondoonto taariikh cusub oo u bilaabmidoonta dalakan taas oo lagag bixidoona ayuu yidhi mugdiga lagu jio waa sida uu hadalkiisa u dhigaye. Waxa iyana xalakan ka hadalay masuuliyyin sarsare oo ay ka mid yihiin Siciid raage,Xildhibaan Xuseen Cige,iyo madax kale oo badan dhamaantoodna waxa ay sheegeen in xisbiga ucid yahay xisboga kaliya ee sanadkan badbaadinkara dalka kaas oo iasugu leh barnaamij hufan halkudhegiisun yahay Isku xukumida shareecada islaamaka taas oo maanta laga dareemayay barnaamijkoodii oololaha oo ay ka saareen heelooyinkii iyo amaanta ahaa . Maxamede Cawed Maxamed Oodweynenews.com/TBurco Office
  7. Xisbiga UCID Oo Maanta Muujiyay Cududdiisa Taageero Ee Magaalada Burco. Burco(Ramaas) June 5, 2010 - Iyadoo maanta ay tahay wareegii koowaad ee ololaha doorashada somaliland kuna beegnayd maalintii ugu danbaysay ee uu u lahaa xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka UCID ayaa maanta munaasibad aad u balaadhan oo ay kasoo qayb galeen kumanaan taageerayaasha xisbiga UCID isagu soo baxeen fagaraha khayriyadda magaaladda Burco. Munaasibadaasi ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin tiro badan oo uu hogaaminayay musharaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID Mudane Faysal Cali Waraabe iyo taageerayaal aad u tiro badan ,ugu horayntiina waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha degmada ee Xisbiga UCID Md. Siciida Axmed Maxamed ,gudoomiaha gobolka ee Xisbiga UCID mudane Cismaan Ibraahin Nuur "Cismaan Afgaab" , DR: C/raxmaan Axmed Raage , gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga UCID mudane Aadan Mirre Waqaf , Xildhibaan Xuseen Maxamed Cigge iyo musharaxa madaxweynaha ee Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee Eng. Faysal Cali Xuseen "Waraabe" iyo masuuliyiin kale , iyaga oo dhammaantood ka hadlayay wax qabad la,aanta Xisbiga talada haya ee UDUB iyo barnaamijyada ay ugu tal galeen inay qabanayaan haddii ay doorashada ku guulaystaan. Ugu danbayntiina waxaa halkaasi ka hadlay musharaxa madaxweynaha Faysal Cali Waraabe waxaanu soo bandhigay taariikh kooban oo kusaabasan is bedelkii xiligii guumaysiga kadib , sidoo kalena soo bandhigay barnaamijyaddii ay ugu talagaleen inay dadweynaha taagerayasha u soo bandhigaan taasoo ah wax qabadyada ay qaban doonaan ,isla mar ahaantaa waxa uu ku dhawaaqay Faysal Cali Waraabe" inay ku xukumi doonaan sharciga diinta iyo Kitaabka Kariimka ah ,inay horumarindoonan waxbarashada , goobaha caafimaadka iyo xidhiidhka wadammada deriska ah. Waxaa kale oo Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID uu kaga duwanyahay axsaabta kale ee mucaaradka wax uu kusoo bandhigay Ololihiisa aayado Qur’aanka Kariimka ah iyo heeso dhaqameedyo ,halka Xisbiyada Mucaaradka ahi ay heeso iyo Muusik ay ololhoodo ku furanayeen. Si kastaba ha ahaatee ma jirin wax dhib ah oo dhacay intii munaasibaddu socotay waxayna ku dhamaatay jawi aad u nabdoon. Shabac cabdi maxamed Ramaasnews Burco somaliland
  8. Flamboyantressurected , lol i guess you were right it's something to do with the camera showing different date.
  9. http://www.togaherer.com/2010/06/05/daawo-muuqaaladii-ololaha-xisbiga-ucid-ee-maanta-magalaada-boora ma/
  10. Daawo Muuqaaladii Ololaha Xisbiga Ucid Ee Maanta Magaalada Borama
  11. UCID - Hargaysa Kumaanaan Ka Mid ah Taageereyaasha UCID Oo Isugu Soo Baxay Magaalada Hargeysa Iyo Khudbad Kulul oo Guddoomiyaha Wakiiladu Ka Jeediyay (Hadhwanaagnews) Saturday, June 05, 2010 Hargeysa (HWN)- Taageereyaasha xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa saaka isu soo bax balaadhan ka dhigay Fagaaraha beerta Xoriyada ee Magaalada Hargeysa. kumanaan ka mid ah taageereyaasha xisbiga UCID oo ka kala yimid shanta degmo ee caasimada Hargeysa ayaa saaka dhoola tus ka sameeyay Magaalada Hargeysa waxaanay lulayeen caleemo qoyan iyo calamada xisbigaasi. Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka xisbiga UCID Md. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan, ka hadlay xafladii isku soo baxa taageereyaasha xisbigiisa ayaa uga mahad celiyay sida weyn ee ay ugu soo baxeen xisbigiisa. Waxaanu ka waramay barnaamijka siyaasadeed ee xisbigoodu ku shaqayn doono haddii ay tallada dalka ku qabtaan, waxaanu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa taageereyaashii xisbiga UCID ee illa xalay illaa maanta ee soo agaasimay xafladan quruxda badan.” Md. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan waxa kale oo uu ammaan u soo jeediyay ciidamada nabadgelyada ee ammaanka fagaaraha sugaya. “Waxaan leeyahay dadweynaha Somaliland walaal waa inaad ka fiirsataan cida aad siinaysaan codkiina doorashada madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa, waxaanu idiin soo bandhignay barnaamij siyaasadeed oo dheeli tiran oo dhinac walba wax ka qabanaya gaar ahaan dhinacyada Horumarinta, Dhaqaalaha , Nabadgelyada iyo Caafimaadka, waxaanu soo dhisaynaa haddii aanu ku guulaysano dawlad tayo leh oo kooban oo ka turjumaysa rabitaanka shacbiga,”ayuu yidhi Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka xisbiga UCID. Kumaanaan Ka Mid ah Taageereyaasha UCID Oo Isugu Soo Baxay Magaalada Hargeysa Iyo Khudbad Kulul oo Guddoomiyaha Wakiiladu Ka Jeediyay (Hadhwanaagnews) Saturday, June 05, 2010 Hargeysa (HWN)- Taageereyaasha xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa saaka isu soo bax balaadhan ka dhigay Fagaaraha beerta Xoriyada ee Magaalada Hargeysa. kumanaan ka mid ah taageereyaasha xisbiga UCID oo ka kala yimid shanta degmo ee caasimada Hargeysa ayaa saaka dhoola tus ka sameeyay Magaalada Hargeysa waxaanay lulayeen caleemo qoyan iyo calamada xisbigaasi. Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka xisbiga UCID Md. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan, ka hadlay xafladii isku soo baxa taageereyaasha xisbigiisa ayaa uga mahad celiyay sida weyn ee ay ugu soo baxeen xisbigiisa. Waxaanu ka waramay barnaamijka siyaasadeed ee xisbigoodu ku shaqayn doono haddii ay tallada dalka ku qabtaan, waxaanu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa taageereyaashii xisbiga UCID ee illa xalay illaa maanta ee soo agaasimay xafladan quruxda badan.” Musharaxa M/weyne-ku xigeenka UCID Dr.Maxamed Rashid Sh. Xasan Md. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan waxa kale oo uu ammaan u soo jeediyay ciidamada nabadgelyada ee ammaanka fagaaraha sugaya. “Waxaan leeyahay dadweynaha Somaliland walaal waa inaad ka fiirsataan cida aad siinaysaan codkiina doorashada madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa, waxaanu idiin soo bandhignay barnaamij siyaasadeed oo dheeli tiran oo dhinac walba wax ka qabanaya gaar ahaan dhinacyada Horumarinta, Dhaqaalaha , Nabadgelyada iyo Caafimaadka, waxaanu soo dhisaynaa haddii aanu ku guulaysano dawlad tayo leh oo kooban oo ka turjumaysa rabitaanka shacbiga,”ayuu yidhi Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka xisbiga UCID. Md. Maxamed-rashiid wuxuu ugu baaqay dadweynaha Somaliland inay doortaan xisbigiisa oo uu ku andacooday inuu ka ficil u bedeli karo isbedelka dalku u baahan yahay. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro) oo ka hadlay xafladaasi ayaa u mahad celiyay dadweynaha reer Hargeysa ee u soo baxay taageerada xisbiga UCID. Guddoomiyaha Wakiiladu wuxuu jawaab kulul ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Madaxweyne Rayaale oo uu ku duray Shirgudoonka Wakiilada waxaanu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa dadweynoow Madaxweynaha Somaliland 2006-dii illaa 2010-kii inuu aflagaadeeyo Golaha Wakiilada ee ummaddu soo dooratay balse Anagu marnaba umaanu jawaabin. Waxaan maanta jecelahay inaan hal eray ka idhaahdo khudbadii Madaxweynaha waxaan leeyahay Madaxweyne waxaad kala garan weyday inaad shirgudoonka la tartamayso iyo inaad Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Faysal cali Waraabe aad la tartamayso.Shirgudoonku murashaxiin ma aha adiga kulama tartamayaan laakiin waxay ahayd haddii aad cid u jawaabayso inaad kuwa kula tartamaya.” “Golaha Wakiilada ee aanu masuulka ka nahay Madaxweynaha Somaliland ayaa carqalada ugu weyn ku ahaa waxaanu ku sameeyay mar uu xeerarka ku soo celiyo iyo mar uu si toos ah u soo faro geliyo shaqada Golaha,dadweynoow waxaad ogaydeen wixii Golaha ka dhacay oo aad ka daawan jirteen shaashada TV-yada.illaa markii dambe ay gaadhay inuu Madaxweynuhu amro in Golaha quful lagu xidho, hase yeeshee shacbiga Somaliland ee sharafta badan ayaa ka diiday oo ka dagaalamay. Shacbigu waxay suurto geliyeen in Golaha loo soo celiyo karaamadiisii. Waxaan u mahad naqaynaa shacbiga Somaliland,”ayuu yidhi Md. C/Raxmaan Cirro. Guddoomiyaha Wakiiladu waxa kale oo uu dhambaal tacsi ah u diray labadii dhalinyarada ahaa ee ku dhintay mudaharaadyadii lagaga soo horjeeday markii xukuumadu albaabada u xidhay Golaha Wakiilada, waxaanu Madaxweynaha ku eedeeyay masuuliyada dilkii labadaasi qof inuu amar ku bixiyay in loo adeegsado rasaasta nool. Md. C/Raxmaan Cirro wuxuu madaxweyne Rayaale ku tilmaamay mid curyaamiyay shaqadii Golaha waxaanu carabka ku dhuftay inuu lix cisho ka hor dib ugu soo celiyay aqalkaasi xeerkii loo sameeyay Miisaaniyada qaranka. “Walaalayaal waxa sharcigu dhigayaa in Madaxweynuhu Golaha Wakiilada horkeeno heshiisyada uu la galo shirkadaha waxaan idiin sheegayaa Madaxweyne Rayaale waligii ma uu horkeenin heshiisyada uu galo,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu. Guddoomiyaha Wakiiladu wuxuu shacbiga Somaliland ka dalbaday inay codkooda siiyaan xisbiga UCID oo uu sheegay inuu dalka uga wanaagsanaan doono xisbiga UDUB. Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay xubno ka tirsan Guddida fulinta ee xisbiga UCID kuwaasi oo taageereyaashooda uga waramay barnaamijkooda siyaasadeed. Dhinaca kale, waxa isu soo baxan oo kale xisbiga UCID ku qabtay magaalooyinka waaweyn ee dalka oo dhan. Weriye Cumar Maxamed Faarax Hadhwanaag News/Hargeysa
  12. UCID - Hargaysa Kumaanaan Ka Mid ah Taageereyaasha UCID Oo Isugu Soo Baxay Magaalada Hargeysa Iyo Khudbad Kulul oo Guddoomiyaha Wakiiladu Ka Jeediyay (Hadhwanaagnews) Saturday, June 05, 2010 Hargeysa (HWN)- Taageereyaasha xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa saaka isu soo bax balaadhan ka dhigay Fagaaraha beerta Xoriyada ee Magaalada Hargeysa. kumanaan ka mid ah taageereyaasha xisbiga UCID oo ka kala yimid shanta degmo ee caasimada Hargeysa ayaa saaka dhoola tus ka sameeyay Magaalada Hargeysa waxaanay lulayeen caleemo qoyan iyo calamada xisbigaasi. Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka xisbiga UCID Md. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan, ka hadlay xafladii isku soo baxa taageereyaasha xisbigiisa ayaa uga mahad celiyay sida weyn ee ay ugu soo baxeen xisbigiisa. Waxaanu ka waramay barnaamijka siyaasadeed ee xisbigoodu ku shaqayn doono haddii ay tallada dalka ku qabtaan, waxaanu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa taageereyaashii xisbiga UCID ee illa xalay illaa maanta ee soo agaasimay xafladan quruxda badan.” Md. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan waxa kale oo uu ammaan u soo jeediyay ciidamada nabadgelyada ee ammaanka fagaaraha sugaya. “Waxaan leeyahay dadweynaha Somaliland walaal waa inaad ka fiirsataan cida aad siinaysaan codkiina doorashada madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa, waxaanu idiin soo bandhignay barnaamij siyaasadeed oo dheeli tiran oo dhinac walba wax ka qabanaya gaar ahaan dhinacyada Horumarinta, Dhaqaalaha , Nabadgelyada iyo Caafimaadka, waxaanu soo dhisaynaa haddii aanu ku guulaysano dawlad tayo leh oo kooban oo ka turjumaysa rabitaanka shacbiga,”ayuu yidhi Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka xisbiga UCID. Kumaanaan Ka Mid ah Taageereyaasha UCID Oo Isugu Soo Baxay Magaalada Hargeysa Iyo Khudbad Kulul oo Guddoomiyaha Wakiiladu Ka Jeediyay (Hadhwanaagnews) Saturday, June 05, 2010 Hargeysa (HWN)- Taageereyaasha xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa saaka isu soo bax balaadhan ka dhigay Fagaaraha beerta Xoriyada ee Magaalada Hargeysa. kumanaan ka mid ah taageereyaasha xisbiga UCID oo ka kala yimid shanta degmo ee caasimada Hargeysa ayaa saaka dhoola tus ka sameeyay Magaalada Hargeysa waxaanay lulayeen caleemo qoyan iyo calamada xisbigaasi. Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka xisbiga UCID Md. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan, ka hadlay xafladii isku soo baxa taageereyaasha xisbigiisa ayaa uga mahad celiyay sida weyn ee ay ugu soo baxeen xisbigiisa. Waxaanu ka waramay barnaamijka siyaasadeed ee xisbigoodu ku shaqayn doono haddii ay tallada dalka ku qabtaan, waxaanu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa taageereyaashii xisbiga UCID ee illa xalay illaa maanta ee soo agaasimay xafladan quruxda badan.” Musharaxa M/weyne-ku xigeenka UCID Dr.Maxamed Rashid Sh. Xasan Md. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan waxa kale oo uu ammaan u soo jeediyay ciidamada nabadgelyada ee ammaanka fagaaraha sugaya. “Waxaan leeyahay dadweynaha Somaliland walaal waa inaad ka fiirsataan cida aad siinaysaan codkiina doorashada madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa, waxaanu idiin soo bandhignay barnaamij siyaasadeed oo dheeli tiran oo dhinac walba wax ka qabanaya gaar ahaan dhinacyada Horumarinta, Dhaqaalaha , Nabadgelyada iyo Caafimaadka, waxaanu soo dhisaynaa haddii aanu ku guulaysano dawlad tayo leh oo kooban oo ka turjumaysa rabitaanka shacbiga,”ayuu yidhi Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeenka xisbiga UCID. Md. Maxamed-rashiid wuxuu ugu baaqay dadweynaha Somaliland inay doortaan xisbigiisa oo uu ku andacooday inuu ka ficil u bedeli karo isbedelka dalku u baahan yahay. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (C/Raxmaan Cirro) oo ka hadlay xafladaasi ayaa u mahad celiyay dadweynaha reer Hargeysa ee u soo baxay taageerada xisbiga UCID. Guddoomiyaha Wakiiladu wuxuu jawaab kulul ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Madaxweyne Rayaale oo uu ku duray Shirgudoonka Wakiilada waxaanu yidhi “Waxaan idiin sheegayaa dadweynoow Madaxweynaha Somaliland 2006-dii illaa 2010-kii inuu aflagaadeeyo Golaha Wakiilada ee ummaddu soo dooratay balse Anagu marnaba umaanu jawaabin. Waxaan maanta jecelahay inaan hal eray ka idhaahdo khudbadii Madaxweynaha waxaan leeyahay Madaxweyne waxaad kala garan weyday inaad shirgudoonka la tartamayso iyo inaad Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Faysal cali Waraabe aad la tartamayso.Shirgudoonku murashaxiin ma aha adiga kulama tartamayaan laakiin waxay ahayd haddii aad cid u jawaabayso inaad kuwa kula tartamaya.” “Golaha Wakiilada ee aanu masuulka ka nahay Madaxweynaha Somaliland ayaa carqalada ugu weyn ku ahaa waxaanu ku sameeyay mar uu xeerarka ku soo celiyo iyo mar uu si toos ah u soo faro geliyo shaqada Golaha,dadweynoow waxaad ogaydeen wixii Golaha ka dhacay oo aad ka daawan jirteen shaashada TV-yada.illaa markii dambe ay gaadhay inuu Madaxweynuhu amro in Golaha quful lagu xidho, hase yeeshee shacbiga Somaliland ee sharafta badan ayaa ka diiday oo ka dagaalamay. Shacbigu waxay suurto geliyeen in Golaha loo soo celiyo karaamadiisii. Waxaan u mahad naqaynaa shacbiga Somaliland,”ayuu yidhi Md. C/Raxmaan Cirro. Guddoomiyaha Wakiiladu waxa kale oo uu dhambaal tacsi ah u diray labadii dhalinyarada ahaa ee ku dhintay mudaharaadyadii lagaga soo horjeeday markii xukuumadu albaabada u xidhay Golaha Wakiilada, waxaanu Madaxweynaha ku eedeeyay masuuliyada dilkii labadaasi qof inuu amar ku bixiyay in loo adeegsado rasaasta nool. Md. C/Raxmaan Cirro wuxuu madaxweyne Rayaale ku tilmaamay mid curyaamiyay shaqadii Golaha waxaanu carabka ku dhuftay inuu lix cisho ka hor dib ugu soo celiyay aqalkaasi xeerkii loo sameeyay Miisaaniyada qaranka. “Walaalayaal waxa sharcigu dhigayaa in Madaxweynuhu Golaha Wakiilada horkeeno heshiisyada uu la galo shirkadaha waxaan idiin sheegayaa Madaxweyne Rayaale waligii ma uu horkeenin heshiisyada uu galo,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu. Guddoomiyaha Wakiiladu wuxuu shacbiga Somaliland ka dalbaday inay codkooda siiyaan xisbiga UCID oo uu sheegay inuu dalka uga wanaagsanaan doono xisbiga UDUB. Sidoo kale, waxa xafladaasi ka hadlay xubno ka tirsan Guddida fulinta ee xisbiga UCID kuwaasi oo taageereyaashooda uga waramay barnaamijkooda siyaasadeed. Dhinaca kale, waxa isu soo baxan oo kale xisbiga UCID ku qabtay magaalooyinka waaweyn ee dalka oo dhan. Weriye Cumar Maxamed Faarax Hadhwanaag News/Hargeysa
  13. Flamboyantressurected, that still doesn't explain why those pictures posted got the 2007 date on it.
  14. Oodweyne, indeed it's strange some people are using pictures taken in 2007 for the campaign, desperate times call for desperate measures lol.
  15. Siciid1986, why does the label on those pictures you posted says 2007?
  16. Xaji_Xunjuf, indeed that is what ololaha dooraashada are for every party will get their day out.
  17. AfricaOwn, obvisiouly Erigavo is mostly UDUB cause we know already that Haji Ismail nuur's boys are the majority in that area and are going for UDUB this elections.
  18. Originally posted by Xaji_Xunjuf: Well done Muwaadininta reer laascanood. Indeed.
  19. First laser surgery in Somaliland took place in Hargeisa Written by Somalilandpress Jun 03, 2010 at 02:13 PM Hargeisa,(Qarannews)-A very advance medical surgery was performed in Manhal Hospital in Hargeisa. A medical team from Somaliland and Yemen operated on ten people using Laser technology. Known as laparotomy surgery, doctors used advance medical equipments to treat ten people from gallbladder and liver diseases. In a press conference, the head of Manhal City Hospital Dr. Yasin Abdi inform the press that this was a historic event and that today’s surgery was the first of its kind in Somaliland. According to Dr. Abdi today’s surgery will give thousands of Somalilanders an opportunity to get free medical laser surgery. Dr. Abdi described how using this technology will reduce risk to patients and dramatically decrease healing time after the surgery. Dr. Abdi adds, “Inserting mini-laparotomy tubal ligation into sensitive area in the stomach and liver, and observing that through monitor make it easy for us to treat people more efficiently and accurately. Before this technology, doctors performed open surgery on people, which is riskier and can lead to other complication.” People who receive this type of surgery recover in two days instead of a week without this procedure. This is the second time that Manhal medical center brought doctors from other countries to perform free surgeries in Somaliland. These doctors train local medical professionals in performing sophisticated surgeries. Manhal medical center is planning to bring doctors who will perform heart surgery in Somaliland. Manhal Hospital with many branches across the country has treated about 40,000 people who suffer from poor eye sight, glaucoma and other vision illness.