Saalax

Nomad
  • Content Count

    10,383
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    24

Everything posted by Saalax

  1. “Aniga oo nasteexadiina eegaya ka codeeya KULMIYE, ka codeeya UDUB oo u codeeya kelimatu Laa’ilaha Illalaahu Muxamadu Rasuululaahi.” Musharaxa UCID Eng. Faysal Cali Waraabe Hargeysa: Musharaxa Madaxweynaha ah-na Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalad Hargeysa ayaa bulsho-weynta reer Somaliland u soo jeediyey khubad dhinacyo badan taabanaysa, taas oo nuxurkeedu yahay in la doorto xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID. Waxa kale uu Gudoomiyuhu khudbadiisa kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan qaabka ay dalka u xukumi doonaan, hambalyooyin uu u soo jeediyey Komishanka, shacbka Somaliland, Ciidamada Qaran iyo kuwa amaan iyo axsaabta-ba. Waxaana uu khudbadiisa ku bilaabay sidan:- “Marka ugu horaysa ilaahay ayaan u mahad-naqayaa subxaana watacaala. Ta labaad waxa aan u mahad-naqayaa dhamaan shacabka reer Somaliland ee sida il-baxnimada ah ee wanaagsan u gutay waajibaadkii distooriga ahaa. Waxa kale oo aan iyana ammaanayaa saddexda xisbi, oo iyaguna si fiican oo shacriga aaminsan oo welibana xeerka doorashooyinka waafaqsan u gutay ololihii doorashadooda. Waxa kale oo amaantaas oo kale muddan Komishanka qarranka, oo iyaguna hawshoodii si xor ah oo xalaal ah oo aan cidna u habrayn u gutay. Waxa kale oo aan hambalyaynayaa ciidanka Qaranka, oo is-na adkeeyey difaacii Qaranka, iyo Ciidanka ammaanka oo hadh iyo habeen-ba gudanayey waajibaadkoodii nabadgelyada. Walaaloyaal, waxaan jeclahay in hadalkaygani noqdo kii ugu dambeeyey insha’alaahu tacaalaa aniga oo mucaarid ah. Wixii hadda ka dambeeyana haddii ilaahay ka dhigo waxa aan idinkula hadli doonaa afka Ummada, oo xilkii Ummadu ii igmatay ayaan idinkula hadli doonaa. Walaaloyaal, xisbiga UCID, waa ‘yaa u cidaay,’ oo wuu soo gurmaday, waxaana uu doonayaa isha’laahu tacaalaa inuu waddankan isbedel ku sameeyo. Xisbiga UCID maaha mid u dhashay in qof-qof lagu bedelo, ee waxa weeye in isbedel horumar leh uu waddankan ka hirgeliyo, oo uu casriyeeyo. Xisbiga UCID waxa uu doonayaa inuu jahliga la dagaalamo kaas oo ah hoyga qabiilka, Caddaalad darrada’, musuqmaasuqa, caafimaad la’aanta, biyo la’aanta iyo ictiraaf la’aanta oo aanu soo af-jari doono insha’alaahu tacaalaa. Arrimahaas oo dhan ilaahay hortii, waxa aanu u adeegsan doonaa kelmada ‘laa’ilaha illahaalu Muxamadu rasuululaahi,” dalkan [somaliland] waxaa laga hirgelin doonaa sharciga Islaamka. Waxa weeye suurtagal noqon mayso annaga oo dad Isaalama ah oo ilaahay na amray in aanu isticmaalno oo aanu Ummadayada ugu shaqayno Kitaabka ilaahay iyo Sunnaha Rasuulka [NNKH] inuu halkan ka shaqeeyo, suurta geli mayso inuu halkan ka shaqeeyo baynalkoodh ma buug uu nin Hindi ahi soo qoray. Waxaanu jecelnahay inaanu Ummada adduunka u sheegno shareecada Islaamka in aan sas laga qaadin. Shareecada Islaamku waa tii Ilaahay Ummada u soo dejiyey. Waxaanu idiin sheegayna Distoorka Somaliland ee hadda jira ayaanu dabaqi doonaa. Waxa aanu si deg-deg ah u abuuri doonaa Guddidii culimo aw diinka ahaa ee Dastuurku sheegayay. Waxa aanu la fadhiisan doonaa cullimada Somaliland. Waxaan aad iyo aad u hambalyaynayaa geesinimada ay sameeyeen culimada Somaliland ee dadka ku gobaabiyey in xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID u codeeyaan. Sida oo kale waxa aan ammaanayaa Odoyaashii reer Togdheer ee iyaguna beelahooda ku amray inay u codeeyaan xisbiga UCID. Waxa aan iyagana ammaanayaa dadka Soomaaliyeed ee culimo aw diinka ah ee dibada ku nool, ee iyaguna tusay inay sharci tahay in loo codeeyo oo ay laasim tahay in la doorto Kitaabka ilaahay. Dayax ayaa u soo baxay Somaliland. Dayaxaasi ku geli noqon maayo uun Somaliland ee geeska Afrika iyo Umada Islaamku meel ay joogta-ba waxa uu u noqonayaa tusaale fiican. Waxa aanu gacan walaaltinimo ah u taagaynaa waddamada Jaarka ah sida Itoobiya, Somaliya. Kenya iyo Jabuuti dhamaantood walaalnimo ayaa naga dhexayn doonta. Waxa aanu jecelnahay inaanu waddanka iyo waddooyinka-ba wada horumarino. Waxaanu waddamada jaarka ah ka bilaabaynaa sidii Somaliland isctiraaf loogu heli lahaa. Ictiraafka Somaliland bi’idnilaahi tacaalaa waxa aanu ku soo af-jari doonaa sannad gudihii. Waxa aad ogaataan in xisbiga UCID yahay xisbigii nabada, waa kii bilaabay dimuqraadiyada ah in la tartamo oo xisbiyada la furto. Waxa jira dad maanta ordaya oo dastuurka ka soo horjeeday, anaguna waxa aanu ahayn dadkii distoorka taageeray. Markii Somaliland isku carartay [dagaalkii sokeeye] Guddidii nabada ee Somaliland u soo gurmatay af-hayeenkeedu waxa uu ahaa musharaxa xisbiga UCID. Eng Faysal Cali Waraabe. Waxa aan intaa ku darayaa, walaaloyaal tartankii ololaha doorashadu wuu dhamaaday oo annaga ayaa ugu dambaynay oo 23-kii bishan soo xidhnay. Waxa weeye wax cadaawad ah oo naga dhexeeya axsaabtu ma jiro, wixii gef inaga dhacay ilaahay ha inag cafiyo. Labada musharax ee kale waxa aan ugu ballan-qaadayaa inaanu gacmaha is haysano, inaan talo waydiiyo oo aan la tashado insha’alaahu tacaalaa marka ay doorashadu dhamaato. Waxa kale oo aan idiin sheegayaa inaanay UCID keligeed dawlada wada qaadanayn, oo dawlada aanu Somaliland u dhisaynaa waxa ay noqonaysaa dawlada loo wada dhan yahay oo qof kasta oo reer Somaliland ah waanu ku soo daraynaa ama UDUB ha ahaado ama-ba KULMIYE ha ahaadee, waanu ku soo daraynaa maamulka Somaliland. Waxa kale oo aan idiin sheegayaa sidii caadada noo ahaan jirtay, annagu go’aanka Ummadu go’aansado ee ka soo baxa maalinta doorashada inaanu sidii awal-ba aanu u hanayn jirnay in aanu u haynayn doono, oo ciddii soo baxdaba aanu gacan-siin doono. Sida oo kale, waxa aanu u mahadnaqaynaa Ardayda Jaamacadaha ee gudaha iyo dibada ee reer Somaliland ee xisbiga UCID barnaamijkiisa iyo siyaasadiisa uu dalka ku hogaaminayo ansixiyey, ee soo saaray baaqa ahaa inay taageersan yihiin hogaanka xisbiga caddaalada iyo daryeela ee UCID. Waxa aanu u ballan-qaadaynaa igaya oo aanu leenahay waxa aad tihiin maskaxda aanu ugu talogalnay inay waddankan horumariyaan, oo ay dhaqaalaha ka shaqeeyaan oo ay meel kasta ka shaqeeyaan. Shaqo la’aantana insha’alaahu si deg-deg ah ayaanu u soo af-jari doonaa. Waxa weeyaan, Ummada reer Somaliland in la khalkhaliyo maaha, in codkooda la iibsado maaha, waa in la siiyaa xuquuqdooda oo loo daayaa. Shalay waanu soonay oo Ummada reer Somaliland way soontay, waxaana aanu ku guubaabinaynaa inay soomaan oo ilaahay baryaan si doorasho nabadgelyo ah iyo go’aan wanaagsan oo kaayaga khayr-qaba soo saaraa uu u yimaado. Waxaana aan filaayaa inuu ilaahay inaga aqbali doono, ilaahay gacmo ma dhan ma soo celiyee. Ummada reer Somaliland waxa aan leeyahay badhaadhe iyo nabadgelyo ku footeeya berrito. Insha’alaahu tacaa guul wanaagsan, oo aad ku badhaadhaan oo dhibaatada iyo gaajada maanta taagan inaga saarta. Gaajadana waanu cidhib-tiri doonaa insha’alaahu. Waxaana aanu doonaynaa in dalkani [somaliland] uu noqdo dal ka tirsan Adduunka. Waxa uu noqon doonaa dalka Ummadiisa loo shaqeeyo laakiin aan laga shaqaysan. Waxaana aanu samayn doonaa madax dalka iyo dadka u shaqaysa balse aan ka shaqaysan, tu ku dayata Asxaabtii. Anigu cidda aan ku dayanayo ee tusaalaha ii ahi waa Cumar binu Khadaabr. Waxaana aan ilaahay ka baryayaa inuu noo fududeeyo xilka uu na saaray. Siyaasada xisbiga waxaa ka mid ah, wax aanu samayn doonaa Sanduuqii Zakadda, kaas oo aanu doonayno inaanu ku taageerno dadka nugul ee ay ka midka yihiin; Aqoonta, Naafada iyo cidda aanay meel-na wax ka soo gelin. Xilkoodana waxa la wareegi doonta xukuumada, mana jiri doono qof reer Somaliland ah oo waddani ah oo baahi u dhimanayaa, mana jirayo qof dawarsanayaa. Maaha dadka uun cidda uu xilku kaa saaran yahay ee xayawaanka duur-galka ah ee ku nool dhulka aad xukuntid, kuwaas-na insha’alaahu xuquuqdooda ayaanu ilaalin doonaa. Ugu dambayn, walaaloyaal waxa aan idin leeyahay, haddii aanu khayr u leenahay dalka, diinta iyo dadka ilaahow noo dhiib. Haddii aanaan dalka, dadka iyo aakhiradayada aanay khayr u lahayn-na ilaahow ha noo dhiibin, taas ayaanu ku ducaysanaynaa. Ta ugu dambaysaa waxa weeye, maanta waxa baratamaya Baynalkoodhkii iyo Kitaabkii ilaahay. Markaa waxa aan idinkula dardaarmayaa aniga oo nasteexadiina eegaya ka codeeya KULMIYE, ka codeeya UDUB oo u codeeya kelimatu Laa’ilaha Illalaahu Muxamadu Rasuululaahi. Waad xujaysan tihiin oo idinka xaggiina ayay xujadu jirtaa." Oodweynenews.com/Hargeysa Office
  2. “Aniga oo nasteexadiina eegaya ka codeeya KULMIYE, ka codeeya UDUB oo u codeeya kelimatu Laa’ilaha Illalaahu Muxamadu Rasuululaahi.” Musharaxa UCID Eng. Faysal Cali Waraabe Hargeysa: Musharaxa Madaxweynaha ah-na Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalad Hargeysa ayaa bulsho-weynta reer Somaliland u soo jeediyey khubad dhinacyo badan taabanaysa, taas oo nuxurkeedu yahay in la doorto xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID. Waxa kale uu Gudoomiyuhu khudbadiisa kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan qaabka ay dalka u xukumi doonaan, hambalyooyin uu u soo jeediyey Komishanka, shacbka Somaliland, Ciidamada Qaran iyo kuwa amaan iyo axsaabta-ba. Waxaana uu khudbadiisa ku bilaabay sidan:- “Marka ugu horaysa ilaahay ayaan u mahad-naqayaa subxaana watacaala. Ta labaad waxa aan u mahad-naqayaa dhamaan shacabka reer Somaliland ee sida il-baxnimada ah ee wanaagsan u gutay waajibaadkii distooriga ahaa. Waxa kale oo aan iyana ammaanayaa saddexda xisbi, oo iyaguna si fiican oo shacriga aaminsan oo welibana xeerka doorashooyinka waafaqsan u gutay ololihii doorashadooda. Waxa kale oo amaantaas oo kale muddan Komishanka qarranka, oo iyaguna hawshoodii si xor ah oo xalaal ah oo aan cidna u habrayn u gutay. Waxa kale oo aan hambalyaynayaa ciidanka Qaranka, oo is-na adkeeyey difaacii Qaranka, iyo Ciidanka ammaanka oo hadh iyo habeen-ba gudanayey waajibaadkoodii nabadgelyada. Walaaloyaal, waxaan jeclahay in hadalkaygani noqdo kii ugu dambeeyey insha’alaahu tacaalaa aniga oo mucaarid ah. Wixii hadda ka dambeeyana haddii ilaahay ka dhigo waxa aan idinkula hadli doonaa afka Ummada, oo xilkii Ummadu ii igmatay ayaan idinkula hadli doonaa. Walaaloyaal, xisbiga UCID, waa ‘yaa u cidaay,’ oo wuu soo gurmaday, waxaana uu doonayaa isha’laahu tacaalaa inuu waddankan isbedel ku sameeyo. Xisbiga UCID maaha mid u dhashay in qof-qof lagu bedelo, ee waxa weeye in isbedel horumar leh uu waddankan ka hirgeliyo, oo uu casriyeeyo. Xisbiga UCID waxa uu doonayaa inuu jahliga la dagaalamo kaas oo ah hoyga qabiilka, Caddaalad darrada’, musuqmaasuqa, caafimaad la’aanta, biyo la’aanta iyo ictiraaf la’aanta oo aanu soo af-jari doono insha’alaahu tacaalaa. Arrimahaas oo dhan ilaahay hortii, waxa aanu u adeegsan doonaa kelmada ‘laa’ilaha illahaalu Muxamadu rasuululaahi,” dalkan [somaliland] waxaa laga hirgelin doonaa sharciga Islaamka. Waxa weeye suurtagal noqon mayso annaga oo dad Isaalama ah oo ilaahay na amray in aanu isticmaalno oo aanu Ummadayada ugu shaqayno Kitaabka ilaahay iyo Sunnaha Rasuulka [NNKH] inuu halkan ka shaqeeyo, suurta geli mayso inuu halkan ka shaqeeyo baynalkoodh ma buug uu nin Hindi ahi soo qoray. Waxaanu jecelnahay inaanu Ummada adduunka u sheegno shareecada Islaamka in aan sas laga qaadin. Shareecada Islaamku waa tii Ilaahay Ummada u soo dejiyey. Waxaanu idiin sheegayna Distoorka Somaliland ee hadda jira ayaanu dabaqi doonaa. Waxa aanu si deg-deg ah u abuuri doonaa Guddidii culimo aw diinka ahaa ee Dastuurku sheegayay. Waxa aanu la fadhiisan doonaa cullimada Somaliland. Waxaan aad iyo aad u hambalyaynayaa geesinimada ay sameeyeen culimada Somaliland ee dadka ku gobaabiyey in xisbiga caddaalada iyo daryeelka ee UCID u codeeyaan. Sida oo kale waxa aan ammaanayaa Odoyaashii reer Togdheer ee iyaguna beelahooda ku amray inay u codeeyaan xisbiga UCID. Waxa aan iyagana ammaanayaa dadka Soomaaliyeed ee culimo aw diinka ah ee dibada ku nool, ee iyaguna tusay inay sharci tahay in loo codeeyo oo ay laasim tahay in la doorto Kitaabka ilaahay. Dayax ayaa u soo baxay Somaliland. Dayaxaasi ku geli noqon maayo uun Somaliland ee geeska Afrika iyo Umada Islaamku meel ay joogta-ba waxa uu u noqonayaa tusaale fiican. Waxa aanu gacan walaaltinimo ah u taagaynaa waddamada Jaarka ah sida Itoobiya, Somaliya. Kenya iyo Jabuuti dhamaantood walaalnimo ayaa naga dhexayn doonta. Waxa aanu jecelnahay inaanu waddanka iyo waddooyinka-ba wada horumarino. Waxaanu waddamada jaarka ah ka bilaabaynaa sidii Somaliland isctiraaf loogu heli lahaa. Ictiraafka Somaliland bi’idnilaahi tacaalaa waxa aanu ku soo af-jari doonaa sannad gudihii. Waxa aad ogaataan in xisbiga UCID yahay xisbigii nabada, waa kii bilaabay dimuqraadiyada ah in la tartamo oo xisbiyada la furto. Waxa jira dad maanta ordaya oo dastuurka ka soo horjeeday, anaguna waxa aanu ahayn dadkii distoorka taageeray. Markii Somaliland isku carartay [dagaalkii sokeeye] Guddidii nabada ee Somaliland u soo gurmatay af-hayeenkeedu waxa uu ahaa musharaxa xisbiga UCID. Eng Faysal Cali Waraabe. Waxa aan intaa ku darayaa, walaaloyaal tartankii ololaha doorashadu wuu dhamaaday oo annaga ayaa ugu dambaynay oo 23-kii bishan soo xidhnay. Waxa weeye wax cadaawad ah oo naga dhexeeya axsaabtu ma jiro, wixii gef inaga dhacay ilaahay ha inag cafiyo. Labada musharax ee kale waxa aan ugu ballan-qaadayaa inaanu gacmaha is haysano, inaan talo waydiiyo oo aan la tashado insha’alaahu tacaalaa marka ay doorashadu dhamaato. Waxa kale oo aan idiin sheegayaa inaanay UCID keligeed dawlada wada qaadanayn, oo dawlada aanu Somaliland u dhisaynaa waxa ay noqonaysaa dawlada loo wada dhan yahay oo qof kasta oo reer Somaliland ah waanu ku soo daraynaa ama UDUB ha ahaado ama-ba KULMIYE ha ahaadee, waanu ku soo daraynaa maamulka Somaliland. Waxa kale oo aan idiin sheegayaa sidii caadada noo ahaan jirtay, annagu go’aanka Ummadu go’aansado ee ka soo baxa maalinta doorashada inaanu sidii awal-ba aanu u hanayn jirnay in aanu u haynayn doono, oo ciddii soo baxdaba aanu gacan-siin doono. Sida oo kale, waxa aanu u mahadnaqaynaa Ardayda Jaamacadaha ee gudaha iyo dibada ee reer Somaliland ee xisbiga UCID barnaamijkiisa iyo siyaasadiisa uu dalka ku hogaaminayo ansixiyey, ee soo saaray baaqa ahaa inay taageersan yihiin hogaanka xisbiga caddaalada iyo daryeela ee UCID. Waxa aanu u ballan-qaadaynaa igaya oo aanu leenahay waxa aad tihiin maskaxda aanu ugu talogalnay inay waddankan horumariyaan, oo ay dhaqaalaha ka shaqeeyaan oo ay meel kasta ka shaqeeyaan. Shaqo la’aantana insha’alaahu si deg-deg ah ayaanu u soo af-jari doonaa. Waxa weeyaan, Ummada reer Somaliland in la khalkhaliyo maaha, in codkooda la iibsado maaha, waa in la siiyaa xuquuqdooda oo loo daayaa. Shalay waanu soonay oo Ummada reer Somaliland way soontay, waxaana aanu ku guubaabinaynaa inay soomaan oo ilaahay baryaan si doorasho nabadgelyo ah iyo go’aan wanaagsan oo kaayaga khayr-qaba soo saaraa uu u yimaado. Waxaana aan filaayaa inuu ilaahay inaga aqbali doono, ilaahay gacmo ma dhan ma soo celiyee. Ummada reer Somaliland waxa aan leeyahay badhaadhe iyo nabadgelyo ku footeeya berrito. Insha’alaahu tacaa guul wanaagsan, oo aad ku badhaadhaan oo dhibaatada iyo gaajada maanta taagan inaga saarta. Gaajadana waanu cidhib-tiri doonaa insha’alaahu. Waxaana aanu doonaynaa in dalkani [somaliland] uu noqdo dal ka tirsan Adduunka. Waxa uu noqon doonaa dalka Ummadiisa loo shaqeeyo laakiin aan laga shaqaysan. Waxaana aanu samayn doonaa madax dalka iyo dadka u shaqaysa balse aan ka shaqaysan, tu ku dayata Asxaabtii. Anigu cidda aan ku dayanayo ee tusaalaha ii ahi waa Cumar binu Khadaabr. Waxaana aan ilaahay ka baryayaa inuu noo fududeeyo xilka uu na saaray. Siyaasada xisbiga waxaa ka mid ah, wax aanu samayn doonaa Sanduuqii Zakadda, kaas oo aanu doonayno inaanu ku taageerno dadka nugul ee ay ka midka yihiin; Aqoonta, Naafada iyo cidda aanay meel-na wax ka soo gelin. Xilkoodana waxa la wareegi doonta xukuumada, mana jiri doono qof reer Somaliland ah oo waddani ah oo baahi u dhimanayaa, mana jirayo qof dawarsanayaa. Maaha dadka uun cidda uu xilku kaa saaran yahay ee xayawaanka duur-galka ah ee ku nool dhulka aad xukuntid, kuwaas-na insha’alaahu xuquuqdooda ayaanu ilaalin doonaa. Ugu dambayn, walaaloyaal waxa aan idin leeyahay, haddii aanu khayr u leenahay dalka, diinta iyo dadka ilaahow noo dhiib. Haddii aanaan dalka, dadka iyo aakhiradayada aanay khayr u lahayn-na ilaahow ha noo dhiibin, taas ayaanu ku ducaysanaynaa. Ta ugu dambaysaa waxa weeye, maanta waxa baratamaya Baynalkoodhkii iyo Kitaabkii ilaahay. Markaa waxa aan idinkula dardaarmayaa aniga oo nasteexadiina eegaya ka codeeya KULMIYE, ka codeeya UDUB oo u codeeya kelimatu Laa’ilaha Illalaahu Muxamadu Rasuululaahi. Waad xujaysan tihiin oo idinka xaggiina ayay xujadu jirtaa." Oodweynenews.com/Hargeysa Office
  3. lol cowke war Muj.Aided AUN baad ku walatay he must have given the yemeni community nightmares.
  4. Chief_Aaqil, if it comes to Tolniimo then everybody will vote for their closet kin and that is not really a democracy or individual voting but just tribally, somaliland should not be like that.
  5. lol so wearing a viel is al shabab? it's actually a good thing if UCID wins and implants the sharia law it will mean outsiders will have a less influence in our internal affairs, may allah be with the righteous and clean hearted party, JB you should vote for Dr.Rashiid iyo Faysal they got the best solution for somaliland. i don't care what the USA or Ethiopia thinks but we have the right to implant sharia law in our country and show we do not care about what those westerners think, vote UCID 26 June for big changes in somaliland.
  6. Xaji_Xunjuf, walle haadi meesha "ya tol" ah timaado ciid ee kulmiya kaga winniyan waxas ma jirto.
  7. Xudeedi, Qhalib is more welcome in erigavo than you and general rat-teeth, what does that show?
  8. Hales , and what is your point the sudanese are more negrofied then us yet they are arabs so why can't we be arabs lol? if you look back in the history of sudan you will actually find out some were forcefully arabized and it wasn't by choice, but somalis are very different apart from being muslims and having a bit similar culture to arabs that is where it stops, when somalis usually get a application form they tick either east african, somali, black african etc and not arab - caucasian or whatever it is, somalis can't be arabs since the somali race actually dates back ages and way back we have more in common with our afar, oromo,beja,borano in terms of genetics/DNA then arabs, infact the habesha's are more semetic and arab looking then somalis but you will never see them claiming to be arabs but instead they will tell you they are a proud highlander habesha which had 1 of the oldest kingdoms and civilizations in africa and the world, such as the kingdom of Axum.
  9. huh and why the hell you gave it the thumbs up are you against elections taking place?
  10. do you know 5,440 are registered voters from deegmaada xudun and are ready to take part in the sland elections? most of the polls in deegmaada xudun are located in bohol.
  11. I feel sorry for the sudanisi imigrants in lebanon, Ps somalis are not arabs somalia joined the arab league for financial needs in the past, as you the know kacaan government relied on arab countries but somalis are not arabs ethnically we don't even speak arabic as first language so stop this non sense that somalis are arabs, we are our own unique ethnic group within the many ethnic groups of africa.
  12. Xudeedi, makhiir doesn't exist no more and Ina-Garre made sure it's leader was shipped to seycheles and the little kingdom destroyed that is the reality for you 101.
  13. Koora-Tuunshe , i wasn't talking about you but just in general the makhiir's i have came across seem to have that issue where they need to try and feed lies to people such as we live as far as kismaayo lol.
  14. Koora-Tuunshe, the only people who always mention minorities and stuff wa makhiir that says alot, even going as far as claiming to settle in kismaayo lol.
  15. Xudeedi, the only minority is that of makhiir who depend on 1 minister who goes by the name rat-teeth, a whole community depending on 1 minister? no wonder the makhiir community has one of the smallest parliament seats both in somaliland & puntland.
  16. Xudeedi, what is next are you going to claim midhisho, karin turwaa is in western sanaag lol? i smell desperation from the makhiir side.
  17. Erigavo, is not in western sanaag, but northern central sanaag, if you said Yufleh or something that would make sense, that is besides that point no matter how much you scream your kin will forever be ruled in erigavo.
  18. Haatu, it's no secret kenya is always either ruled by the kikuyu, luo and groups like that which make up the majority of kenya, while the somalis there are not given enough chance to even have their own opposition party, you are eith with the kikuyus or luo's, currently it's a kikuyu president and a luo prime minister that is the most common power sharing in kenya.
  19. Haatu, the only fool in here is you who thinks a man who works for kikuuyaada serves the interest of his people nor has any special "political status" he does what kenya says, he does what the kikuuyu president says, he does not serve the interest of your people but rather kikuuyaada now go and live with that fact, run along and wear the masay traditional clothes and sing "Harambee" this is what happens when you try to get involved in afaraha somaliland you will get a doze of your own nightmare.
  20. haatu, nin kikuuyada ku shaqaysato aniga ha igu faaniin, atleast turki iyo waxas ku faan ileen ayagu wa xor.