-
Content Count
10,383 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
24
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Saalax
-
Somaliland and Puntland should merge and get married
Saalax replied to Chief_Aaqil's topic in Politics
lol absurd idea. -
Twin blasts in Uganda capital Kampala 'kill 23 people'
Saalax replied to Che -Guevara's topic in Politics
Maaddeey, you have a good point there. -
big deal.
-
Karl_Polanyi so have you joined the nation of sland?
-
Originally posted by Cowke: Bossaso New Masjid Complex looks more better. Look at me my mosque is better looking than yours miyi sheekaadii noqotay? lol
-
Iska hor imaad u dhexeeya maleeshiyaadka Shabaab iyo Xisbul-Islaam ayaa xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho. Inta la ogyahay 3 qof ayaa ku dhimatay 5 kalena way ku dhaawacantay iska hor-imaadkaasi oo ka dhacay xarun ay maleeshiyada Xisbigu ku leeyihiin Ceelasha Biyaha. Laba ka mid ah dadka dhintay ayaa ah dad rayid ah, halka dhaawacuna isugu jiro maleeshiyaadkii dagaallamay iyo dad shacab ah. Iska hor imaadka ayaa bilowday kaddib markii maleeshiyadka Shabaab ay weerar bambaano ku qaadeen xarunta ay Xisbigi ku leeyihiin Ceelasha Biyaha. Muddooyinkii dambe waxaa degaankaas ka taagnaa cabsi xooggan oo Xisbigu uu ka qabay in Shabaabku ay soo weeraraan saldhigga ay ku leeyihiin Ceelasha Biyaha kaddibna la wareegaan.
-
The problem facing sanaag as a whole is there is no single proper roads in the entire region, and imagine how big sanaag is? the new somaliland government needs to get it's priorities right when it's things concerning eastern somaliland and that is constructing proper roads in sanaag especially the road that goes from burco -garadag-ceelfaweyn-yufleh-erigavo, the former siad bare government totally neglected sanaag for whatever odd reason.
-
Archdemos, Siilaanyo is 74 years old i believe, he was born in 1936 according to his registration card he used to vote in the elections.
-
nonsense walle nothing new just another mad rage from allsanaag authors.
-
Magaalada Gabiley oo ka mid ah meelaha Xaxabka ugu badani ka soo go’o, ayaa mar keliya dhamaan meheradihii hore u iibin jiray khudradu ay hortooda iyo hareerahoodaba uu buuxdhaafiyay XabXab aad la yaabto quruxdiisa iyo sidda dhamayska tiran ee uu u bislaaday. Waxa kale oo aad ku dhex arkaysay magaalada gudeheeda isaga oo xab xabku si weyn uu ugu dhex daaday khashinkiisii, waxa kale oo aad la kulmaysaa iyada oo uu Xab-xab fayow oo nabar yar qabaa uu dhexdaadsanaa magaalada. Dadka ku nool magaalada ayaa waxay u isticmaalaan oo ku badasheen cunadii caadiga ahayd ee la quudan jiray. Haddii aad dadka wax ka weydiiso waxa sababay sida xad dhaafka ah ee uu usoo go’ay xab xabku ayaa waxa ay kuu sheegayaa dadku in sanadkan ay da’een roobab ka badan intii hore ee di’i jiray, isla markaana ay dadku beereen in ka badan xadigii hore ay u beeran jireen markay ka niyad jabeen midhaha hay’ada WFP ku soo beegto xiliga dalaga la goynayo. Geesta kale, Beerashada Xab xabka ayaan hore dalka Somaliland uga ahayn wax la tixgaliyo oo ninkii qotaana aanu u beeran jirin hab ganacsi laakiin waxa sanadihii ugu danbeeyay si aan la qiyaasi Karin ugu soo badana dalka beerasha geedka xab xabka oo ah geed aan mudo badan waari Karin, waana sababta hay’ada WFP aanay dibada uga keeni Karin xabxab sida ay midhaha kaleba u keento si ay ugu jabiso beeralayda rasmiga ah. Baabuurta waawayn ee galbeedka ka soo gala magaalada Hargeysa ayaa waxa ay badidoodu keenaan oo magaalada u soo diiqaan xab xab, hadaba xad-dhaafka beerasha xab xabka ayaa waxa uu ka batay intii looga baahnaa suuqyada maagaalooyinka taasina waxa ay keentay in dad badani u waayaan wax suuq ah xab xabkii ay mudada ka soo shaqaynayeen ee hawsha iyo wakhtiga badani ka soo galay, taasina waxa ay muujinaysaa sida aanay bulshadeenu ugu bislaan habka loo beerto khudrada ganacsiga u gaarka ah, waayo waxa meesha ka baxay oo gabi ahaanba laga dhaqaaqay in la beero, khudrado kale oo hore loo beeran jiray iyo midho kale kaddib markii hay’ada WFP khaati laga joogsaday. Dhinaca kale, Xabxabku waxa uu ku baxaa biyo aad u yar ama roobab ka yar kuwa ay khudrada kale u baahan tahay, geedka xab xabku kama baxo oo kaliya beeraha bustaanada ah. Laakiin waxa uu ka baxaa oo sifiican looga beeraa beera roobaadka. Xiliga lagu jiro oo ah xiligii uu sida ugu badan usoo ga’ay geedka xab xabku ayaa waxa ay dadkii beertay ee mudada ku soo tabcay ay u dhowyihiin in ay u waayaan suuq lagaga iibsado oo u qalma howshii iyo maalkii ay ku bixiyeen xiligii uu geedka ku yaalay, si ay uga helaan faa’iido. Si kastaba ha ahaatee xukuumadda cusub ee xilka la wareegaysa ayaa looga fadhiyaa inay wax ka qabato hay’adaha ku tumanaya wax soo saarka dalka isla markaana curyaaminaya wax soo saarkii beeralayda, sida WFP oo dalka soo galisa raashin tayadiisu aad u hoosayso.
-
Barnaamijka Dhacdooyinka Todobaadka: Magaalada Hargeysa Oo La Ciir-ciiraysa Xabxab Xad-dhaaf Ah Oo Ka Soo Go’ay Dhul-beereedka Galbeedka + SAWIRO Hargeysa (Oodweynenews)- Magaalo-madaxda Somaliland ee Hargeysa, ayaa saddexdii todobaad ee ugu dambeeyey waxa ay la ciir-ciiraysay Xabxab xad-dhaaf ah oo ka soo go’ay dhul-beereedka Gobolada Galbeedka, ka dib markii sannadkan ay ka da’een roobaad badan, isla markaana ay dad badani jaanis u heleen inay Xabxab badan beertaan. Guud ahaan suuqyada iyo xaafadaha kala duwan ee magaalada Hargeysa, ayaa meel walba waxa ay indhahaagu qabanayaan Xabxab la kala iibsanayo, iyada oo qiimaha la kala siisanayaa uu aad u jaban yahay, isla markaana ay dad badani awood u heleen inay qiimo jaban ku helaan Xabxabkii waa weynaa ee lacagta badan la kala siisan jiray. Sida oo kale gobolada dalka oo dhan ayaa waxa ay la ciir ciirayaan wakhtigan xabxab tiro badan oo ka soo go’ay deegaanada galbeedka Somaliland, kuwaas oo waayadan dambe caan ku noqday ama u jeedsaday dhinaca Beeraha, iyadoo aad moodo inay ka jeesteen dhincii xoolo dhaqatada. Mar aan maanta booqday meel ka mid ah Goobaha Xabxabka lagu iibinayay, ayaa waxa aan halkaas kula kulmay mid tirsan hawl-wadeenadii Xabxabka iibinayay, waxaana aan wadydiiyey Xabxabka ugu faraha badani halka uu ka soo go’o, waxaanuu ku jawaabay oo uu yidhi “Horta Xabxabkan fara badan waxaa sababay roobabkii badnaa ee saddankan waddanka ka da’ay. Waxaana Xabxabka badankiisu ka soo go’aa dhinaca Galbeedka ee Somaliland sida Gabiley, Arabsiyo, Alley-baday, Tog-wajaale, Ijaara, Xidhinta, Geed-ballaadh, Fara-weyne, Waalid-xoor, Goray, Boodhley iyo meelo kale.” Sidaa ayuu yidhi Siciid Ciise Bullaale. Cabdifataax Aw Jaamac oo isna ka mid ahaa dadka Xabxabka iibinayay oo aan is-na waydiiyey qiimeyaasha ay ku iibinayaan, ayaa ku jawaabay “Runtii xabxabku aad ayuu u jabay oo waxaa sannadkan soo go’ay Xabxab aad u fara badan oo meel kasta buux-dhaafiyey. Haddii aan wax kaaga sheeqo Qiimayaasha Xabxabka waa inta u dhexaysa dhawr kun ilaa dhawr iyo toban kun. Metelan xabbada weyn ee berigii hore la siin jiray 30,000 ee shilin, hadda waxa aanu siinaynaa 12000 shilin ama 10,000 shilin iyo wax ka hooseeya.” Sida la wada og soon yahay, Xabxabka ayaa waxa uu ka mid yahay khudrada Ilaahay ku manaystey ummadiisa ee uu ugu talo galay inay quutaan, waxaanu wax weyn ka taraa caafimaadka dadka kalyo xanuunka ka cabanaya, waxa kale oo jira xanuuno dhawr ah oo uu wax ka taro Xab-xabku. Hadaba mudooyinkii u danbeeyay ayaa waxa suuqyada magaalooyinka Somaliland waxa buux dhaafiyay oo intuu ka batay bakhaaradii iyo goobihii lagu iibin jiray, uu daadsan yahay wadooyinka.
-
Originally posted by Xaji_Xunjuf: D blocku manay ahayn kuwi mad madooba eeh surwaalku ka dhici jiray eh maruwanada cabi jiray Cowke properly means that rap group.
-
Jacpher, easy there you sound like a mad raging woman.
-
Huh? so much for we want somaliweyn iyo united somalia lol the hypocrisy of SSC is coming out.
-
Siyaasiyaga Axmed Cabdi Maxamud Xaabsade ayaa markii ugu horaysay Madaxwaynaha Cusub ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo oo ku guulaystay doorashadii madaxtooyada ee dalka qabsoontey 26-kii June 2010-ka markii ugu horaysay ugu baaqay in uu dalka ku maamulo shareecada Islaamka, isagoo ku tilmaamay hadaan dalka lagu dhaqin shareecada Islaamka in aanay Somaliland sina u toosaynin isagoo intaa ku daray in dalku u baahan yahay dawlad kooban oo tayo leh, kana digay dawlad tiro badan oo tii madaxwayne Rayaale oo kale ah in la soo dhiso. Md Xaabsade waxa kale oo uu hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxwaynihii hore ee Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin oo ku amaanay go’aankii uu ku aqbalay natiijadii ku meelgaadhka ahayd ee cododka doorashada madaxtooyada ay ka soo saareen Komishanka doorashooyinka, isagoo Madaxwayne Axmed Siilaanyo kula taliyey in uu dalka taariikh wax ku ool ah uga tago una balan qaaday in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo wax kasta oo uu uga baahdana uu la qaban doono. Siyaasiyaga Axmed Cabdi Xaabsade waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay galab wargeyska Haatuf xogwaraysi khaas ah kula yeeshay khadka telefoonka isagoo ku sugan caasimada dalka ee Hargeysa, isagoo dhinaca kalena kaga hadlay arimo ku saabsan qaabkii ay doorashada madaxtooyada uga qabsoontey gobolka Sool iyo deegaanada hoos yimaada. Md Xaabsade isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Horta waxaan ilaahay ugu mahad naqayaa suurta galinta doorashadii madaxtooyada ee ku dhacday jawiga nabad galyada ah ee ina garansiiyey aqbalaadii natiijada doorashada madaxtooyada ka soo baxday, horta Axmed Siilaanyo natiijadii doorashada madaxtooyada ee kuu adkaaday waan ku hambalyeynayaa, madaxwaynihii hore ee Daahir Rayaale Kaahin waxaan sidoo kale ku bogaadinayaa sidii quruxda badnayd ee uu u aqbalay natiijadaasi ee uu xilka iskaga dhiibay una gartey inaanu dalku gacantiisa ku burburin, Madaxwaynaha cusub Axmed Siilaanyo waxaan leeyahay dalka qabyo badan ayaa taala oo dhaqaale, dhaqan iyo shuruucba dhinac kasta oo la eegana waxa ka muuqda daldaloolooyin badan Ahmiyadii aad ka lahayd inaad dalka mar uun Madaxwayne ka noqoto hadii Ilaahay maanta ku siiyey waxaan kugula talinayaa inaad taariikh cad dalka kaga tagto maxaa yeelay dalku wuu kuu baahan yahay oo waad u soo halgantey, xil wasiirna waad ka soo qabatey, waayo aragnimo iyo khibrad balaadhana waad u leedahay maanta waxa lagaaga baahan yahay in aad marto dariiqii uu dalku ku horemari lahaa ee uu ku toosi lahaa, inaad shareecada Islaamka maanta dalka ku xukunto waa mid lagama maarmaan ah shareecada Islaamkuna waa mid Ilaahay inoo soo dajiyey oo uu inagu waajib yeelay in aynu ku dhaqano, dalkuna toosi maayo hadaan diinta Islaamka iyo ku dhaqankeedaba aan la ilaalin oo ubadka soo koraya aan lagu barbarin dalkeenu toosi maayo, dalkeena burbur balaadhan ayaa ka dhacay adiguna xogogaal baad u tahay sidaa darteed waxaan kugula talinayaa oo lagaaga baahan yahay inaad mudada cimrigaaga ka hadhay aad taariikh dhaxal gal ah kaga tagto” S: Hadii Madaxwayne Siilaanyo kuu soo jeediyo inaad la shaqayso maamulkiisa diyaar ma u tahay? J: Wixii uu iiga baahdaba waan kala hawl galayaa waanan la shaqaynayaa, waxna waan la dhisi doonaa diyaarbaan u ahay inaan wax la qabto oo aan la shaqeeyo. S:Waxaad u soo jeedisay in Madaxwayne Axmed Siilaanyo dalka ku xukumo shareecada Islaamka, barnaamijkii xisbiga Kulmiye ee olola doorashada uu ku galayna kuma jirin qodobka ku dhaqanka shareecada Islaamka inay dalka ku xukumi doonaan, arinkaasi maxaad ka leedahay? J: Hadaanay barnaamijka Kulmiye ku jirin anigu waxaan leeyahay waa lagama maarmaan in dalka shareecada Islaamka lagu xukumo, dalkuna si kale u toosi maayo shareecada Islaamka oo lagu xukumo mooyee. S: Doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday 26-kii June 2010-ka dadwaynaha ku dhaqan gobolka Sool iyo deegaanada hoos yimaada toona codayntii si wanaagsan ugamay qayb galin dad tiro yar mooyaane, arimahaasi maxaa sabab ayaad u malaynaysaa? J: Dadku waxyaalo badan ayey tabanayeen, waxna way u weheliyeen maamulkuna si rasmiya ugama dhaqan galin, dadkii wax dooran lahaana umay suuro galin, dagaalo ka dhacay Hawdkuna way jireen daruufo jira awgood ayaanay u suuro galin in dadwaynuhu ay codkooda si aqlabiyad ah ay u dhiibtaan. S:Gole wasiiro oo noocee ah ayaad odhan lahayd Madaxwayne Axmed Siilaanyo ha soo dhiso iyadoo xukuumadii Madaxwaynihii hore Md Daahir Rayaale Kaahina ay ka koobnayd Gole wasiiro oo lixdameeyo ah oo iskugu jira wasiiro wasiiro dawlayaal iyo wasiir ku xigeeno? J: Waxa loo baahan yahay in uu dawlad yar oo tayo leh oo kooban oo aan sidii hore u balaadhnayn uu soo dhiso, maxaa yeelay dal yar ayeynu nahay oo dawlad tiro badan ma qaadi karno, miisaaniyadeenuna ma qaadi karto, sidaa darteed waxaan u soo jeedin lahaa in uu madaxwaynuhu soo dhiso xukuumad kooban oo tayo leh. Haatuf.
-
Allaha uu naxaristo.
-
Tuur AUN was born in Duruksi - Togdheer Cigaal AUN was born in Oodweyne - Togdheer I have no idea of siilaanyo's birthplace but his from togdheer.
-
^^
-
Thankful, check this out las anod celebrating Kulmiye's recent election victory. Xaflad loo qabtay guusha xisbiga kulmiye laascaanood.avi
-
Hutus = Ugandan -AMISOM troops what is the big deal.
-
Popular Contributors