-
Content Count
10,383 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
24
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Saalax
-
Che -Guevara, don't flatter yourself sxb i hardly talk about al shabab i just find it strange they are the only 1's wearing pakistani clothes in the somali peninsula.
-
Originally posted by Xaji_Xunjuf: Libaahe dont u understand Che wears pakistani clothes in The united states To its normal if your a member of alshabaab no wonder his so defensive of kashmiir clothes.
-
who wears pakistani styled khamiis aside from pakistan(mostly), few from bengaladesh, and india? excuses excuses, nobody introduced this pakistani styled khamiis to somalia since most somalis are not even fond of it, do you see ordinary people wearing it? it's only al shabab.
-
^^^ lol i didn't know wearing pakistani clothes makes you a lion.
-
Che -Guevara, like it or not pakistani clothes are very unfamiliar in somalia, especially the pakistani styled khamiis.
-
^^^ Who said anything about western clothes sxb? i am strictly for somali clothes when i am backhome you can even catch me jamming with my macawis in erigavo. and not pakistani clothes, atleast if they want to wear a khamiis why not wear just a normal one which is familiar with somalis.
-
Dugsiga Sare Ceerigaabo Oo Mar Kale Dib Loo Furay + SAWIRO Ceerigaabo(Oodweynenews)- Kaddib toddobaadkii hore dhammaadkiisii markii si ku meel gaadh ah loo xidhay Dugsiga Sare (Haji AdenSecondary School) ee Ceerigaabo. Ayaa kulammo dhex maray maammulka wasaaradda, macallimiinta iyo guddiyada walidiinta waxa si rasmi ah mar kale dib loo furay dugsigaasi. Iyadoo macallimiinta wax ka dhigaya iyo ardayduba si dhammays tiran xilliyada loo qoondeeyey halkaas ay ka xaadirayaan. Guddoomiyaha Waxbarashada gobolka Sanaag C/raxmaan Siciid (Xuubey) ayaa isaguna maalmahan saacadihiisa shaqo intooda badan ku qaadanayey dugsigan sare (Haii Aden) ee Ceerigaabo si uu u hubiyo habsami u socodka guud ahaanba hawlaha dugsigan. Saxaafadda oo maanta booqatay dugsigaasi waxna ka weydiisey hawlaha dugsigan ayaa guddoomiyaha waxbarashada gobolk Sanaag C/raxmaan Siciid Xuubey wuxu yidhi “Shirar badan oo dhex maray maammulka wasaaradda iyo macallimiinta iyowaalidiinta kaddib ayaa waxa dugsigan sare (Haji Aden) si rasmi ah loo furay Sabtidii, sababihii hakadka hore keenay iyo caqabadihii soo wajahayna waa la isla saxy”. Isagoo ka hadlaya dhibaatooyinka ilaa hadda jira ee u baahan si guud in cxal loo helona wuxu yidhi “Dhibaatooyinka kale ee jira waxa ka mid ah macallimiintii Masaarida ahayd ee dugsigan wax ka dhigi jirey oo sannad-dugsiyeedkii inna dhaafay iyo sannad-dugsiyeedkan toonna aan dugsign ka hawl gelin iyo tirada ardayda ardayda oo badan awgeed in aan fasalladu ku filnayn iyadoo fasallada qaarkoodna ay ku fadhiyaan dhawr iyo 90—100 arday”. Sikastaba ha ahaatee xilligan ayaa dugsiga sare (Haji Aden) ee Ceerigaabo waxa ka muuqata dardar gelin hor leh oo hareeraha laga taagan yahay tayaynta waxbarasho iyo maammulkaba ee dugsigaas.
-
Qandali, exactly the suldaan made a excellent speech and telling the natives to welcome people from southern somalia who were devastated by the war, but instead of being understanding some take it the wrong way and think they can do whatever they want in somaliland without the consent of the natives.
-
'Sister Wives': TLC's Polygamist Family Asks Us To 'Rethink Marriage'
Saalax replied to Che -Guevara's topic in General
What a thread how did i miss it, heer ba la gadhay haadi mar cadaankii america barteen polygamy. -
Doorashadii Xisbiga Labour Party Ee Ingiriiska oo U Dhacday Si Lama filaan & yaab Ah Kadib Markii Ed Miliband uu Kaga Guuleystay Walaalkii oo Ka weyn David Miliband oo Ahaa Wasiirkii A. Dibada Ee Ingiriiska Ee Hore LONDON(OWN)- Doorashadii Xisbiga Shaqaalaha Ee dalka Ingirrska ayaa waxaa ka dhacday lama filaan kadin markii Ed Miliband uu kaga guuleystay hogaaminta xisbiga walaalkiisa ka weyn isla maarkaana ahaa wasiirkii arimaha dibada ee Ingiriiska Mr.David Miliband, David Miliband oo ahaa nin Siyaasi caan ah isla markaana sumcad weyn ku lahaa siyaasada dalka Ingiriiska ayaa la filayey inuu ku guuleysto hogaaminta xisbiga Shaqaalaha ama Labour Party, David Miliband ayaa sheegay inuu aad uga naxay markii walaalkii u sheegay inuu kula tar tamayo hogaaminta xisbiga Shaqaalaha Bishii MAY ee sanadkan, Doorasahadan oo maanta ka dhacday magaalada Manchester ayaa markii loo codeeyey labada nin ee walaalaha ah waxaa labadii wareeg ee hore ku horeeyey David Miliband oo isagu ahaa walaalka weyn isla markaana ahaa Wasiirkii arimaha dibada ee dalka Ingiriiska ee xukuumadii Gorden Brown, Doorashadan ayaa si lama filaan ah isla markaana laga yaabay uu ku soo baxay Ed Miliband oo ah walaalka yar ee David. isagoo ku badiyey 50,65 halka uu ka helay David 49,35, David miliband oo doorashadaa hogaaminta xisbiga uu kaga guuleystay walaalkii oo ka yar ayaa sheegay inuu walaalkii yahay isla markaana uu jecel yahay uuna la shaqeyn doono, Ed Milliband ayaa la sheegay inuu ka faa,iideystay codadka nin sadexaad oo la tar tamayey oo lagu magaacbo Ed Balls kaasoo helay 16,49, Ed miliband oo ku guuleystay hogaaminta xisbiga shaqaalaha ee dalka ingiriiska isla markaana ku tartami doona jagada Reysal wasaaraha ee dalka Ingiriiska doorashada soo socota ayaa sheegay inuu wax weyn ka bedeli doono siyaasada dalka ingiriiska isagoo sheegay inuu kasoo saari doono ciidamada Ingiriiska ee dalka Afganistan ku sugan, David Miliband oo doorashadaa uu kaga guuleystay walaalkii oo ka yar ayaa sheegay in Reer Miliband ay u tahay maalin farxad badan isla markaana ay wax weyn iska bedeli doonaan siyaasada dalka Ingiriiska mar hadii maanta la doortay nin yar oo dhalinyaro ah oo 40 jir ah, Isagoo intaa ku daray inuu la shaqweyn doono walaalkiisa ka yar ee ka guuleystay, Dhinaca kale waxaa hambalyo u soo diray Ed Miliband Reysal wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron kadib markii uu caawa telefoon kula soo hadlay Ed Miliband,
-
Hargeysa (TogHerer) Dawladda Somaliland ayaa ka hadashay hadalkii kasoo yeedhay Kaaliyaha xogheyaha arrimaha dibada Maraykanka u qaabilsan arrimaha Afrika Mr.Johhnie Carson kasoo sheegay in ay wada shaqeyn dhow la yeelanayaan Dawlada Somaliland . Wasiirka arrimaha dibada ee Somaliland Dr.Maxamed Cabdulaahi Cumar oo shir jiraa’id ku qabtay magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan hadalkaas kasoo yeedhay masuulka ka tirsan Maraykanka. Wuxuu sheegay tan iyo wixii ka danbeeyey doorashooyinkii ka dhacay Somaliland ay beesha caalamka il gaar ah ku haysay Somaliland,iyadoo u tilmaamay in wafuud caalami ah ay booqasho ku yimaadeen magaalada Hargeysa oo ay ugu danbeyeen wefdi ka socday dalka Denmark. Wasiirka ayaa xusey in maamulka Somaliland ay si aad ah ula shaqeynayso Dawladda Maraykanka. Dawladda Maraykanka ayaa sheegtay in Dawlada Somaliland ay kala shaqeynayso sidii looga hortagi lahaa faafitaanka xagjirnimada,iyadoo ay balanqaaday in ay gaadhsiin doonto mashariicda dhaqaalaha,biyaha iyo Beeraha. Hargeysa
-
Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray Oo Shacbiweynaha Reer JSL Ugu Baaqay In Ay Soo Dhaweeyaan Dadka Somaliyed Ee Ka Soo Barakacay Dagaalada Somaliya iyo Ilaalinta Nabadgelyada Somaliland. Hargeysa(Ramaas) Sept.23, 2010 - Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo ka mid ah Salaadiinta Somaliland, ayaa dadweynaha reer Somaliland ugu baaqay inay soo dhaweeyaan dadka Somaliyeed ee ka soo qaxay koonfurta Somaliya, gaar ahaan kuwa magaalada Muqdisho ee dagaalada qadhaadhi ka socdaan ee ku sugan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. Isaga oo reer Somalilandna usoo jeediyey in ay nabadgalyadooda ku fara adaygaan. Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray waxa uu sidan ka sheegay mar uu maanta la hadlayey arday hore xiftiga qur’aanka uga dhamaysay Dugsiga Aflax oo xaflad loogu samaynayey dalad kulmisa ardaydaas oo lagu qabtay Hotel Kaah ee bariga magaalada Hargeysa ku yaala. Suldaanku isaga oo arintaas kala hadlaya shacabka reer Somaliland waxa uu yidhi “Koonfur ama Somaliya waa walaalaheen isku dad iyo isku diin ayeynu nahay, laakiin waxa aynu kala nahay laba dawladood oo walaalo ah. Waxa aynu Ilaahay uga baryeynaa inuu dhibaatada haysata ka dulqaado oo barwaaqo, nabad iyo bash bash ugu badelo”. Waxaa uu intaa sii raaciyey oo uu yidhi Suldaanku “Waxan ka codsanayaa shacabka Somaliland dadku way soo qaxeen oo walaaladeen way inoo yimaadeen ee ha la soo dhaweeyo, ma ninkii balaaya wada mise shacabka caadiga ah iyo dumarka iyo caruurta ninkii balaaya wada sharcigaa qaban ummadduna way iska qabanaysaa. Waxaan idiin soo jeedinayaa waar dadkaa walaalaheena ee ay naftu inoo keentay cunfi, dhibaato ah ha galinina oo ha jidh-diidina ee soo dhaweeya, oo nin wallowba wixii aad u qaban karayso u qabo, waayo anigu iyagana Suldaan baan u ahay oo xil gaar ah ayaa iga saaran. Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray waxaa uu shacabka u soo jeediyey in ay ilaashadaan nabadgalyada ilaahay siiyey, isaga oo si cilmiyeysana uga hadlay qiimaha ay nabaddu leedahay wuxu yidhi “Maanta nabadgalyo ayeynu haysanaa, Ilaahay ha inoo sii xoojiyo waxba maynaan dhiganeen horumar kalena maynaan samaynayn, haddii aynaan nabadgalyo haysan, bal hadda hadalkaa u fiirsada markaa shacabka reer Somaliland qaybahooda kala duwan waxaan leeyahay waar nabadda aynu gacanta ku hayno”. Suldaan Xiiray waxa uu soo qaatay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday sannadkan, taas oo uu tilmaamay in ay sabab u ahayd qabsoomideedu nabadgalyada ka jirta Somaliland ,waxanu yidhi “Bal waxa kaliya oo aad eegtaan warqad cad baa Madaxweynihii hore ee tagay lagu eryey dhiig kuma daadan dhibaato kamay dhicin, kan jooggaana warqadaa cad buu ku yimid, ka iman doonaa warqad cad buu ku imanayaa, kana taasi ayuu buu ku tagayaa”. Isagoo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi “Waxa dhacday habeenkii la yidhi bari ayaa doorashada loo dareerayaa, horta caloosha ayaan ka yara naxay eray kale ismaan odhane waxaan isidhi bilaa la iskula yaacaa, taasuun baan habeenkii oo dhan ka ducaynayey oo aan lahaa ilaahayow nabad noogu dhamee kii doonaa ha helee. Waxaan farxay markii ay 200 oo qof ka soo qayb galeen, markii ay labada Madaxweyne xilka isku wareejinayeen oo si nabad ah ku dhamaatay oo Madaxweynihii tagay uu albaabka ka baxay ee uu Madaxweynihii la doortayna kursigii uu ku fadhiisan jiray Daahir Rayaale uu xaggiisii u dhaqaaqay oo uu ku soo fadhiistay. Arinta intaa le’eg ee miisaankaas leh, waxa keenay codkiinii aad sida nabadgalyada ah ku codayseen, nabadgalyadaana Ilaahay baanu ugu xamdi naqaynaa.” Dad Somaliyeed oo ay soo barakiciyeen dagaalada ka socda dalkooda ayaa guud ahaanba ku sugan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, dadkaas oo si fiican ay shacabkuna u soo dhaweeyaan. kuwaas oo iyaga laftooduna isu arka in ay la joogaan dad ay walaalo yihiin.
-
In that sense i do agree.
-
lol@Barack Obama Quotes tan waan kugu racay "We are the ones we have been waiting for. We are the change we seek", i would not exactly agree with the first two though since, waiting for some other person( could be somebody from southern somalia who can fix the problems, or some other time they could get lucky, but we are talking about how foreigners will not be able to fix the current inner problems nor bring any meaningful change to somalia's troubled turmoil of 20 years.
-
Hales, we are not talking about funding they can fund the government all they want but they can't fix somalia's inner problems, it takes alot more then just funding, or sending forgien troops.
-
Originally posted by Xaji_Xunjuf: Libaahe as long as these people think the UN is going to transform the failed state of Somalia in to respectful useful country again they are being naïve and delusional Co-Sign.
-
Xaji_Xunjuf, you hit the nail in the head.
-
The UN will not save somalia from further destruction nor will it rebuilt it for the people when will the people of somalia realize only somalis can fix the current problems somalia is facing not foreigners.
-
X.Xanjuf & Xudeedi, indeed, mashallah sanaag region is developing day by day , all that is left is a reliable road network connecting most of the regions important districts.
-
Ceerigaabo(Oodweynenews)- Munaasibad ballaadhan oo maalintii khamiista (maanta) lagu qabtay isla dhismaha labada dabaq ee iskuulkan cusub ayna kazoo qayb galeen maammulka heer-gobol iyo degmo ee Ceerigaabo. Mas’uuliyiin ka socota hay’adaha Candlelight iyo ISF Shirkadaha Isgadhsiinta. Boqorro iyo Salaadiin iyo Marti-sharaf kale oo badan ayaa waxa halkaas xadhigga laga jaray Dugsiga Tababbarrada iyo Xirfadaha dhallinyarada ee Candlelight/Erigavo. Madaxa hay’adda waddaniga ah Candlelight(CLHE) ee gobolka Sanaag Mr-Xasan Diiriye oo ugu horrayn halkaas ka hadlay ayaa wuxu ka xog warramay xaaladda waxqabadka hay’addan iyo muddadii 2004—2010 ay gobolka Sanaag ka hawl gelaysey oo uu sheegay in ay fuliyeen mashaariic tiradoodu ka badan tahay siddeed mashruuc oo isugu jira mashaariicda horumarinta bulshada iyo faya-dhawrka deegaanka ee kala duwan iyo gargaarka degdegga ah oo ay ka mid tahay lcag mararka qaarkood loo qaybiyey bulshada danyarta ah iyo weliba gudniinka fircooniga ah. (Livelyhood projects, Emergency, and FGM projects), kuwaas oo sida uu sheegay ay kala qayb qaateen hay’adaha Caalammiga ah ee ay kamid yihiin CARE NOFIP WFP SCF hay’adda Waddaniga ee PENHA iyo hay’adda caalammiga maalgelisey mashruucan ugu danbeeyey ee dugsigan barashada xirfaduhu ka mid yahay ee ISF. Madaxa hay’adda CLHE Somaliland Mrs-Shukri Bandare oo iyaduna munaasibaddan ka hadashay ayaa iyadoo guud ahaan mahadnaq usoo jeedisey madaxda maammulka iyo bulshada Ceerigaabo iyo hay’adaha gacanta ka siiyey fulinta mashaariicdaas intaba, sidoo kalena hawl-wadeennada iyo shaqaalaha CLHE ku ammaantay gudashada hawlaha hay’addan, sidoo kalena ay sheegtay in hay’addan oo 1995 laga abuuray degmada Oodweyne ay maanta ka hawlgasho guud ahaan gobollada Somaliland. Waxa kaloo hadalladeedii soo jeedinta ahaa ka mid ahaa “Maanta oo dawlad cusubi innoo dhalatay oo weliba aan filayo gobollada bariga in ay wax weyn innoo qaban doonto waxan ku talinayaa in diiradda la saaro saddex arrimood oo ah Biyo ku filan miyi iyo magaaloba gobolka Sanaag sidii loo heli lahaa waayo baahida manta ugu darani waa biyaha, Caafimaad bulshada Sanaag hesho iyo weliba Tacliin socota”. Maayorka Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Waxan si weyn uga mahadnaqayaa hay’adaha CLHE iyo ISF waxqabadkan aynu aragno ee ay muujiyeen. Hay’ad kastaana haddii ay intan oo kale innoo qabato horumar la taaban karo ayay noqon lahayd. Innakana waxan leeyahay waa in aynu ka faa’iidaysanno horumarkaas oo dhibaatooyinka shaqo la’aaneed ee jira aan lagu cajisin waayo mustaqbalka fursadda shaqo ee dadka xirfadaha kala duwan bartay wuu iman doonaa”. Madaxa shirkadda isgaadhsiinta SOMTEL Axmed Ibraahin oo ka mid ahaa madaxdii munaasibaddan kazoo qayb gashay ayaa wuxu isaguna dugsigan cusub ugu deeqay Telefoon (Wireless) wacitaankiisu lacag la’aan yahay sidoo kalena madaxdii iyo bulshadii munaasibaddan kazoo qayb galay oo tiro badan dhammaan guddoonsiiyey kaadhadhka ku-hadalka shirkaddiisa SOMTEL. Madaxa hay’adda ISF Finland iyo Somaliland ee maalgelisey mashruuca iskuulkan manta xadhigga laga jaray oo haweeney caddaan ah runtiina xusid mudan hadalkeedii qaybta hore oo Af-Soomaali ahaa ayaa waxay si weyn ugu mahad celisey guud ahaan maammulka dawladda iyo hay’adda mashruucan fulisey kazoo qayb galayasha iyo guud ahaanba bulshada reer Sanaag. Waxana munaasibaddan soo gebagebeeyey Kuxigeenka Badhasaabka gobnolka Sanaag C/casiis Xasan Siciid oo isaguna dhiniciisa hay’addan Candlelight iyo hay’adaha mashaariicdan horumarineed kala qayb qaatayba halkaas uga mahad celiyey sidoo kalena bulshada Sanaag iyo dadka xirfdahan fursadda u helay iee bartay ku boorriyey in ay ka faa’iidaystaan, bulshadoodana ugu adeegaan aqoontan ay barteen. Kaddibna Maayorka Ceerigabo ayaa Iskuulkaas cusub halkaas xadhigga kaga jaray. Madax-dhaqameedyadii iyo xubnihii kale ee munaasibaddan ka hadlay ayaa iyaguna dhinacooda.usoo jeediyey maammulka iyo hay’adaha iska kaashaday mashruucan iyo guud ahaanba horumarinta gobolka Sanag, sidoo kalena bulshada iyo dadka xirfadahan la barayo usoo jeediyey talooyin kala duwan. Dhinaca kalena Kulan Xarunta Waxbarashada Ceerigabo ay isugu yimaaddeen Badhasaabka gobolka Sanaag Cali Cabdi Hurre Guddoonka Waxbarashada Waalidiinta iyo Macallimiinta dugsiga sare (Haji Aden Secondary School) ayaa laysla qaatay dugsiga sare (Haji Aden) ee Ceerigaabo oo saxitaan dartiis laba casho xidhnaa in Sabtida soo socota dib loo furo oo lasoo gebagebeeyey arrimihii dhaliyey hakadka muddada kooban dugsigaas ku yimid.
-
Popular Contributors