Saalax

Nomad
  • Content Count

    10,383
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    24

Everything posted by Saalax

  1. NASSIR, i never said it speaks for all of Erigavo but the majority those who have the mayor and the governor of sanaag, enough said i don't have time for this makhiir nonsense we have already established those debates months ago. here is the question ya calanka somaliland ku haya erigavo? ya erigavo ka xooreeyey ciidaankii siad bare? so aniga maha ma ciid kala?
  2. AfricaOwn, even one of the biggest kulmiye supporters pre elections - Xildhibaan Wabeeye admits the way the government tried to handle the Abdirahman Ducaale issue is wrong and how the so called hantidhawraha guud had no right to order a xayiraad but only the court. Wabeeye
  3. N.O.R.F, don't get me wrong i am not anti siilaanyo government for no reason but so far it's proving to be incompetent government. so many disastrous events that damaged somaliland's reputation in just two months. ONLF going through our ports, Oog attacked, about 6 somaliland citizens kidnapped and many more, like i said i am not impressed at slightest.
  4. FAALLO: Xukuumada Mid Baan Odhanayaa Salaadiintana Mid Baan Odhanayaa Shacabkana Mid Baan Odhanayaa,Wariye: Barkhad Cabdillaahi Maxamed Marka Hore guud ahaan waxaan salaamayaa Madaxda Xukuumada Somaliland & Salaadiinta Somaliland & Shacabka Somaliland ee Sharafta Leh, Intaa Kadib Waxaa jirtay in xukuumadu ay Baryahan Soo saartay qorshe lagu baadhayo Hantidii dalku halka ay martay iyadoo dowladu ku doodeysa in ay jirto hanti la lunsaday, Hadaba iyadoo arintaasi wanaagsan tahay ayaa dhinaca kale qabiilooyin ka cadhoodeen arintaa iyagoo sheegay in iyaga gaar loo bartilmaamsanayo. Hadaba Marka hore waxaan faaladan ku bilaabayaa Tallo aan u soo jeedinayo xukuumada Somaliland, Dalka Somaliland Waxa uu ku yaalaa mandaqad aad u halis ah isla markaana dhinac walba dagaalo ka socdaan iyadoo taasi jirto ayaa dalka Somaliland uu noqday Rajo ka dhex iftiimaysa Geeska Afrikada bari waxa ayna taasi ku timi dadka Reer Somaliland oo ah dad dun wanaagsan isla markaana nabada wada ilaaliya iyagoo is afgarad iyo tanaasul badan isu sameeya si,ay u wada noolaadaan, Hadaba Iminka Waxaad Moodaa in midi midi ku taag iyo Hebello is eegaya ay ka jiraan dalkii Somaliland arintaas oo ah Dhabar jab weyn iyo warar ay aad uga naxayaan dadka Reer Somaliland gudaha iyo Dibadaba, Xukuumada Iminka dalka Ka talisa oo Laba bilood uun joogtay Runtiina dadku ay ka filayaan horumar balaadhan oo ay dalka iyo dadkaba gaadhsiiyaan ayaad moodaa inay ku mashquulsan tahay Arimihii ugu danbeyn lahaa wax qabadkeeda waayo shaqada iminka xukuumada u taalaa wey ka balaadhan tahay nin la Eryado, Xukuumada waxaan odhan lahaa Dalka idinkaa gacanta ku haya isla markaana idinkaa ka mas,uul ah nabad galyadiisa maanta waxaa fiican inaad is weydiisaan Nabad galyada aynu haysano qiimaha ay inagu joogto. Runtii waxay inagu joogtaa Qiime aad u qaali ah mana aha inay idiin muuqdaan shakhsiyaad waa inaad ka fekertaan dalka iyo sidii aad dhibaatada uga ilaalin lahaydeen isla markaana aad horumar u gaadhsiin lahaydeen, Xukuumada waxaan odhan lahaa arinta raga la xisaabinayo wey fiican tahay laakiin waxaa fiican inaad dib u dhigataan inta ay xukuumaduna lugaheeda si wanaagsan isugu taagayso. Laakiin hadii ay xukuumadu ku adkaysato qasab baan ku socod siinayaa waxay keeni kartaa dhibaato waayo Xukuumadu wey og tahay in dadkan aanay wali u Bislayn inay isku meel ka istaagaan qofkii danbi lagu soo oogo, Xukuumadu waxay og tahay in dadkan ka kooban yihiin qabiilooyin ay ku jiraan in badan oo kala fikrad ah, Xukuumada Waxaan kula talin lahaa inay isticmaalaan hab ka duwan kan ay iminka ku socdaan iyagoo ka fogaanaya wixii dhibaato ku keeni kara, Xukuumada Waxaan Kula talin lahaa inay Nabad galyada ka horeysiiso wax walba isla markaana ay ka fogaato wixii dhibaato keeni kara, Xukuumadu maanta iyadaa midida daabkeeda haysa waxaana looga baahan yahay inay la yimaadaan dulqaad badan iyo inay ka fekeraan waxa iman kara, Soomaalida ayaa tidhaahda (Illaahow Cadawgayaga Mid Caaqil Ah Ka Dhig) oo ah In qofka Cadowga ah ee kaasoo hor jeedaa uu noqdo qof caqli leh kaasoo garanaya dhibaatada iman karta. Xukuumada waxaa ku haboon inay wax walba ku ilaawaan sidii quruxda badnayd ee loosoo doortay isla markaana ay ugu da,daali lahayd sidii ay wanaag ugu abaal gudi lahayd bulshadii soo dooratay ee maalinta dhan bacadka iyo Roobka u taagnaa,, Madax weyne Axmed Siilaanyo oo ah Rugcadaa Siyaasadana in badan ku soo dhex jiray waxaa fiican inuu noqdo NELSON MANDELA- ha Reer Somaliland. waayo Mandela markii uu Qabsaday Dalkiisa kuwii 25 sanadood Jeelka ku xidhay ayuu cafiyay, Dalka South Africa waad og tihiin in laga Sameeyey Maxkamad dadka lagu saamaxo oo qof kasta oo danbi sameeyey la yidhi Saamax baad tahay waxa ay sidaa u sameeyeen inay ilaawaan wixii ay soo mareen isla markaana ay horumar gaadhaan Taasina wey u suuro gashay maantana madowgii iyo Cadaankii Gumaysan jirey ayaa walaalo ah, Markaa maanta waa nasiib daro inaynu inagu isu fiirsano oo Qabiil dib ugu noqono, Waxaana wax laga Murugoodo ah in maanta ay arinteenu noqoto waan sameynayaa iyo ma sameynaysid, Tallada dowlad waxaan kusoo gab-gabeynayaa inay la yimaadaan dulqaad iyo walaalnimo Nabad galyadana aanay u dumin qof ay doonayaan iyadoo dhinac walba dab inagaga shidan yahay, Maanta Koonfurta Somaliya maalintay Ugu Yar Tahay waxaa ku dhinta labaatan qof Halka Somaliland maalintii ay ku dhashaan in ka badan 100 caruura, Markaa taasi waa Illaahay mahadii Inagana waxaa la inooga baahan yahay inaan ilaashano nadabaa iyo Sharaftaa uu illaahay ina siiyey, SALAADIINTA WAXAAN LEEYAHAY, Suldaanka iyo Odayaasha markooda hore waxaa lagu yaqaanaa inay nabada iyo wanaaga ka shaqeeyaan markaa salaadiinta waxaan leeyahay waa in aanay shaqadoodii ka leexan isla markaana aanay iyagu dhibaato dalka ka dhacda aanay horseedin, Salaadiinta iyo Odeyaasha waxaa looga baahan yahay inay Nabada dalka ilaaliyaan waayo Nabadu qiime badan ayay inagu joogtaa mana aha inay si fudud dhaawac u soo gaadho, Salaadiinta waxaan kula talin lahaa in aanay wax faa,iido ahi ku jirin Baaq iyo Hanjabaad ay soo saaraan isla markaana hadii wax la kala tirsanayo si walaaltinimo ah loo dhameeyo, Xukuumadani waa Xukuumad cusub walina aan shaqadii si wanaagsan ula qabsan isla markaana laga yaabo inay khaladaad ka yimaadaan laakiin idinku waxaa tihiin kuwii sixi lahaa idinkoon wax dhibaato ah Sameyn, Salaadiinta & Odayaasha waxaan kula talinlahaa inay arimahan ka Eegaan dhinaca wanaagsan isla markaana ay dowlada iyagoon xanaaqin ay kala hadlaan isla markaana ay talooyin u soo jeediyaan dowlada sidii arintan loo dhameyn lahaa, Laakiin Hadii xukuumaduna tidhaa waan sameynaynaa idinkuna aad tidhaahdaan ma sameynaysaan taasi waa Rogmasho iyo Tallo xumo weyn, & in 20 sano dib loo noqdo, Salaadiinta & Odeyaasha waxaan Talo ugu soo gab gabeynayaa inay dalkan iyagu mas,uul ka yihiin wanaag iyo xumaan wixii ay ugu taliyaana uu qaadi doono, Waxa kaloo aan idiin Rajeynayaa in Talada wanaagsan illaahay idin garan siiyo sheydaankana idinka dheereeyo. Xukuumaduna waa xukuumadeenii aynu dhisanay waxay u baahan tahay inaad la shaqeysaan oo gacmaha la is qabsado si,aan cadawgu idiinka faa,iideysan, SHACABKA WAXAAN ODHAN LAHAA, Shacabka Reer Somaliland Runtii waa dad wanaaga aad u jecel laakiin waxaan kula dar daarmayaa in aydaan idinku dab sii shidin oo hadii arimo noocan oo kale ah ay yimaadaan aad caqliga isticmaashaan, Hadii midna yidhaahdo waa la xisaabinayaa midna lama xisaabinayo markaa isa seegte ee ogaada, cadow badan ayaad leedihiin oo dhibkiina jecel markaa yaan sheydaanku idinka faa,iideysan, Dalkan iyo dadkan dhibkii ay soo mareen nina loo sheegi maayo markaa waxaa la idinka baahan yahay inaad Qabyaalada ka dheeraataan, Wax yaabaha cajiibka ah waxaa kamida ee Shacabka lagu arko in ninka difaacaya qof uu ku difaacayo Qabiil ka kasoo hor jeedaana uu uga soo hor jeedo qabiil iyadoo aanay jirin wax qadiyad ah oo dadkan Aaminsan yihiin, Shacabka Somaliland waxaan kula talinayaa inay iska daayaan hadalada Naxliga ah ee ay isu marinayaan Warbaahinta iyo kuwa ay Tooska isugu odhanayaan, Waxaadna ogaataa nin walowba ninka aad caayeyso ayaa kuu walaalo ah hadii isaga lawaayo adigana waa lagu waayayaa, Waxyaabaha la yaabka ah waxaa kamida in aanan arag baaq ay shacabku u soo dirayaan Warbaahinta oo xukuumada iyo Salaadiinta ugu baaqaya Nabad iyo Is afgarad, Waxaa wax laga calool xumaado ah in ninkii qalinka soo qaataaba ama uu difaacayo qof ama uu dhaleeceynayo iyadoo aad dareemi kartid in waxa ay ku taageerayaan iyo waxa ay ku difaacayaanba ay yihiin qabyaalad, Arintaasina waa mid shacabka Reer Somaliland ay canaan badan ku leeyihiin waayo dalka iyagaa leh haduu hagaagana iyaguu u hagaagayaa haduu xumaadana iyaguu ka xumaanaya, Shacabka waxaan Tallo ugu soo gab gabeynayaa inay walaalo ahaadaan isla markaana ay iyagu xukuumada iyo Salaadiinta ugu baaqaan inay is afgartaan maanta dani inooguma jirto dhibaato cusub iyo hadhow sidaa maan moodeyn, ugu danbeyntii kheyr baan idiin Rajeynayaa, Waxaynu isku og nahay Walaalnimo kalgacal iyo Isku Duubnaan, Faalladan waxaa Soo Diyaariyey Barkhad Cabdillaahi Maxamed Barkad C.Maxamed
  5. FAALLO: Xukuumada Mid Baan Odhanayaa Salaadiintana Mid Baan Odhanayaa Shacabkana Mid Baan Odhanayaa,Wariye: Barkhad Cabdillaahi Maxamed Marka Hore guud ahaan waxaan salaamayaa Madaxda Xukuumada Somaliland & Salaadiinta Somaliland & Shacabka Somaliland ee Sharafta Leh, Intaa Kadib Waxaa jirtay in xukuumadu ay Baryahan Soo saartay qorshe lagu baadhayo Hantidii dalku halka ay martay iyadoo dowladu ku doodeysa in ay jirto hanti la lunsaday, Hadaba iyadoo arintaasi wanaagsan tahay ayaa dhinaca kale qabiilooyin ka cadhoodeen arintaa iyagoo sheegay in iyaga gaar loo bartilmaamsanayo. Hadaba Marka hore waxaan faaladan ku bilaabayaa Tallo aan u soo jeedinayo xukuumada Somaliland, Dalka Somaliland Waxa uu ku yaalaa mandaqad aad u halis ah isla markaana dhinac walba dagaalo ka socdaan iyadoo taasi jirto ayaa dalka Somaliland uu noqday Rajo ka dhex iftiimaysa Geeska Afrikada bari waxa ayna taasi ku timi dadka Reer Somaliland oo ah dad dun wanaagsan isla markaana nabada wada ilaaliya iyagoo is afgarad iyo tanaasul badan isu sameeya si,ay u wada noolaadaan, Hadaba Iminka Waxaad Moodaa in midi midi ku taag iyo Hebello is eegaya ay ka jiraan dalkii Somaliland arintaas oo ah Dhabar jab weyn iyo warar ay aad uga naxayaan dadka Reer Somaliland gudaha iyo Dibadaba, Xukuumada Iminka dalka Ka talisa oo Laba bilood uun joogtay Runtiina dadku ay ka filayaan horumar balaadhan oo ay dalka iyo dadkaba gaadhsiiyaan ayaad moodaa inay ku mashquulsan tahay Arimihii ugu danbeyn lahaa wax qabadkeeda waayo shaqada iminka xukuumada u taalaa wey ka balaadhan tahay nin la Eryado, Xukuumada waxaan odhan lahaa Dalka idinkaa gacanta ku haya isla markaana idinkaa ka mas,uul ah nabad galyadiisa maanta waxaa fiican inaad is weydiisaan Nabad galyada aynu haysano qiimaha ay inagu joogto. Runtii waxay inagu joogtaa Qiime aad u qaali ah mana aha inay idiin muuqdaan shakhsiyaad waa inaad ka fekertaan dalka iyo sidii aad dhibaatada uga ilaalin lahaydeen isla markaana aad horumar u gaadhsiin lahaydeen, Xukuumada waxaan odhan lahaa arinta raga la xisaabinayo wey fiican tahay laakiin waxaa fiican inaad dib u dhigataan inta ay xukuumaduna lugaheeda si wanaagsan isugu taagayso. Laakiin hadii ay xukuumadu ku adkaysato qasab baan ku socod siinayaa waxay keeni kartaa dhibaato waayo Xukuumadu wey og tahay in dadkan aanay wali u Bislayn inay isku meel ka istaagaan qofkii danbi lagu soo oogo, Xukuumadu waxay og tahay in dadkan ka kooban yihiin qabiilooyin ay ku jiraan in badan oo kala fikrad ah, Xukuumada Waxaan kula talin lahaa inay isticmaalaan hab ka duwan kan ay iminka ku socdaan iyagoo ka fogaanaya wixii dhibaato ku keeni kara, Xukuumada Waxaan Kula talin lahaa inay Nabad galyada ka horeysiiso wax walba isla markaana ay ka fogaato wixii dhibaato keeni kara, Xukuumadu maanta iyadaa midida daabkeeda haysa waxaana looga baahan yahay inay la yimaadaan dulqaad badan iyo inay ka fekeraan waxa iman kara, Soomaalida ayaa tidhaahda (Illaahow Cadawgayaga Mid Caaqil Ah Ka Dhig) oo ah In qofka Cadowga ah ee kaasoo hor jeedaa uu noqdo qof caqli leh kaasoo garanaya dhibaatada iman karta. Xukuumada waxaa ku haboon inay wax walba ku ilaawaan sidii quruxda badnayd ee loosoo doortay isla markaana ay ugu da,daali lahayd sidii ay wanaag ugu abaal gudi lahayd bulshadii soo dooratay ee maalinta dhan bacadka iyo Roobka u taagnaa,, Madax weyne Axmed Siilaanyo oo ah Rugcadaa Siyaasadana in badan ku soo dhex jiray waxaa fiican inuu noqdo NELSON MANDELA- ha Reer Somaliland. waayo Mandela markii uu Qabsaday Dalkiisa kuwii 25 sanadood Jeelka ku xidhay ayuu cafiyay, Dalka South Africa waad og tihiin in laga Sameeyey Maxkamad dadka lagu saamaxo oo qof kasta oo danbi sameeyey la yidhi Saamax baad tahay waxa ay sidaa u sameeyeen inay ilaawaan wixii ay soo mareen isla markaana ay horumar gaadhaan Taasina wey u suuro gashay maantana madowgii iyo Cadaankii Gumaysan jirey ayaa walaalo ah, Markaa maanta waa nasiib daro inaynu inagu isu fiirsano oo Qabiil dib ugu noqono, Waxaana wax laga Murugoodo ah in maanta ay arinteenu noqoto waan sameynayaa iyo ma sameynaysid, Tallada dowlad waxaan kusoo gab-gabeynayaa inay la yimaadaan dulqaad iyo walaalnimo Nabad galyadana aanay u dumin qof ay doonayaan iyadoo dhinac walba dab inagaga shidan yahay, Maanta Koonfurta Somaliya maalintay Ugu Yar Tahay waxaa ku dhinta labaatan qof Halka Somaliland maalintii ay ku dhashaan in ka badan 100 caruura, Markaa taasi waa Illaahay mahadii Inagana waxaa la inooga baahan yahay inaan ilaashano nadabaa iyo Sharaftaa uu illaahay ina siiyey, SALAADIINTA WAXAAN LEEYAHAY, Suldaanka iyo Odayaasha markooda hore waxaa lagu yaqaanaa inay nabada iyo wanaaga ka shaqeeyaan markaa salaadiinta waxaan leeyahay waa in aanay shaqadoodii ka leexan isla markaana aanay iyagu dhibaato dalka ka dhacda aanay horseedin, Salaadiinta iyo Odeyaasha waxaa looga baahan yahay inay Nabada dalka ilaaliyaan waayo Nabadu qiime badan ayay inagu joogtaa mana aha inay si fudud dhaawac u soo gaadho, Salaadiinta waxaan kula talin lahaa in aanay wax faa,iido ahi ku jirin Baaq iyo Hanjabaad ay soo saaraan isla markaana hadii wax la kala tirsanayo si walaaltinimo ah loo dhameeyo, Xukuumadani waa Xukuumad cusub walina aan shaqadii si wanaagsan ula qabsan isla markaana laga yaabo inay khaladaad ka yimaadaan laakiin idinku waxaa tihiin kuwii sixi lahaa idinkoon wax dhibaato ah Sameyn, Salaadiinta & Odayaasha waxaan kula talinlahaa inay arimahan ka Eegaan dhinaca wanaagsan isla markaana ay dowlada iyagoon xanaaqin ay kala hadlaan isla markaana ay talooyin u soo jeediyaan dowlada sidii arintan loo dhameyn lahaa, Laakiin Hadii xukuumaduna tidhaa waan sameynaynaa idinkuna aad tidhaahdaan ma sameynaysaan taasi waa Rogmasho iyo Tallo xumo weyn, & in 20 sano dib loo noqdo, Salaadiinta & Odeyaasha waxaan Talo ugu soo gab gabeynayaa inay dalkan iyagu mas,uul ka yihiin wanaag iyo xumaan wixii ay ugu taliyaana uu qaadi doono, Waxa kaloo aan idiin Rajeynayaa in Talada wanaagsan illaahay idin garan siiyo sheydaankana idinka dheereeyo. Xukuumaduna waa xukuumadeenii aynu dhisanay waxay u baahan tahay inaad la shaqeysaan oo gacmaha la is qabsado si,aan cadawgu idiinka faa,iideysan, SHACABKA WAXAAN ODHAN LAHAA, Shacabka Reer Somaliland Runtii waa dad wanaaga aad u jecel laakiin waxaan kula dar daarmayaa in aydaan idinku dab sii shidin oo hadii arimo noocan oo kale ah ay yimaadaan aad caqliga isticmaashaan, Hadii midna yidhaahdo waa la xisaabinayaa midna lama xisaabinayo markaa isa seegte ee ogaada, cadow badan ayaad leedihiin oo dhibkiina jecel markaa yaan sheydaanku idinka faa,iideysan, Dalkan iyo dadkan dhibkii ay soo mareen nina loo sheegi maayo markaa waxaa la idinka baahan yahay inaad Qabyaalada ka dheeraataan, Wax yaabaha cajiibka ah waxaa kamida ee Shacabka lagu arko in ninka difaacaya qof uu ku difaacayo Qabiil ka kasoo hor jeedaana uu uga soo hor jeedo qabiil iyadoo aanay jirin wax qadiyad ah oo dadkan Aaminsan yihiin, Shacabka Somaliland waxaan kula talinayaa inay iska daayaan hadalada Naxliga ah ee ay isu marinayaan Warbaahinta iyo kuwa ay Tooska isugu odhanayaan, Waxaadna ogaataa nin walowba ninka aad caayeyso ayaa kuu walaalo ah hadii isaga lawaayo adigana waa lagu waayayaa, Waxyaabaha la yaabka ah waxaa kamida in aanan arag baaq ay shacabku u soo dirayaan Warbaahinta oo xukuumada iyo Salaadiinta ugu baaqaya Nabad iyo Is afgarad, Waxaa wax laga calool xumaado ah in ninkii qalinka soo qaataaba ama uu difaacayo qof ama uu dhaleeceynayo iyadoo aad dareemi kartid in waxa ay ku taageerayaan iyo waxa ay ku difaacayaanba ay yihiin qabyaalad, Arintaasina waa mid shacabka Reer Somaliland ay canaan badan ku leeyihiin waayo dalka iyagaa leh haduu hagaagana iyaguu u hagaagayaa haduu xumaadana iyaguu ka xumaanaya, Shacabka waxaan Tallo ugu soo gab gabeynayaa inay walaalo ahaadaan isla markaana ay iyagu xukuumada iyo Salaadiinta ugu baaqaan inay is afgartaan maanta dani inooguma jirto dhibaato cusub iyo hadhow sidaa maan moodeyn, ugu danbeyntii kheyr baan idiin Rajeynayaa, Waxaynu isku og nahay Walaalnimo kalgacal iyo Isku Duubnaan, Faalladan waxaa Soo Diyaariyey Barkhad Cabdillaahi Maxamed
  6. The clannish nature of this Incompetent government is so far shedding to light, if they want to start investigations against individuals they should start with Siilanyo when he was the finance minister under Egal iyo hantiida qaranka uu lumiyey iyo many others. second issue is the hantidhawraha guud doesn't have a right to order xayiraad only the court does.
  7. AfricaOwn, it's not about that Reer Erigavo are unhappy about this scandal involving Abdirahman Ducaale and why the new incompetent government of siilaanyo is focusing on individuals while it ignores the countries development and security problems?
  8. JB, this is a serious issue from burco to erigavo alot of people are so far unsatisfied with this incompetent government. Rather then focusing on their so called "Isbedel" and the countries sinking security, they focus on individuals for clannish reasons, i am not impressed in the slightest.
  9. Ma hore ba la yidhi Nin kuu digay kuma dilin .
  10. Dhalinyarada Beesha Galbeedka Burco oo Dhaleecayn u Soo Jeedisay Talaabooyinka ay Durba ku Kacday Xukuumada Siilaanyo‏ Burco(Oodweynenews)-Dhalniyarada Beesha Galbeedka Burco ayaa dhaleecayn Xoog leh u soo Jeedisay Xukuumada Siilanyo talaabooyinka Horta leh ee ay qaaday iyada oo aan xilkaba haynin mudo gaadhaysa 3bilood. Dhalinyaradani ayaa bayaan ay maanta ka soo sareen mid ka mid ah xafiisyadooda magaalada Burco waxay kaga hadlen arimo dhawra oo ay ku dhaliilayn xukuumada Cusub kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Qorshaha amaanxumida ee xiligani dalka ka jira,Nidaamka Cid gaara lagu ugaadhsanayo ee xiligan hanti dhawrka guud wado,fulin laanta waxyaabihii ay ku baaqayeen xiligii ololaha doorashada. Hadaba bayaankani oo nuqul ka mid ahi uu soo Gaadhay xafiiska oodweyne News waxa uu u dhignaa sidatan isaga oo dhamaystiran:- 1-Anagau hadaan nahay dhalinayarada Beesha galbeedka Burco waxaan ka xumahay waxyaabaha ay xilagani ku kacaday xukuumada cusub taas oo ah waxaan loo dulqaankarain hadaan ku horayno dhanka amaanaka waxaa xiliagni uu dalku ku suganyahay xaalada amaandaro waxaana maalinba maalinta ka danbaysa faraha ka sii baxaya amiinkii taas oo ay sabab u tahay xukuumada cusub waxaana runtii wax laga xumaado ah in dhanka maamulka ciidamada Somalainad ay xilagani xukuumadu wado iska horkeenka beelaha walaalaha ah ee dega Gobolada Galbeedka Somaliland tas o la ogaa dhawaan dhacdadii lagu casilay taliyihii xeedbaha galbeedka Somaliland Xudhuun oo loo cuskaday xilka qaadistiisa taliyaha ciidmada Qaranka oo si shakhsiayan ah ay isku hayeen. 2-Dhanka Hanti dhawrka guud ee qaranka waxaa runtii wax laga khajilo ah in xukuumadu waqtigii doorashada ay ku ololaynaysay inay samaynayso isbedel la taabankaro oo isu soo dhaweynaha dhamaanba beelaha Somaliland balse waxaa muuqata in hanti dhawrka guud uu bilaabay inuu iska horkeeno beelaha somaland taas oo haatan ay muuqato in sigaara ah loo ugaadhsano masuuliyiintii Xukuumadii hore ee ka soo jeeda Beesha galbeedka Burcogalbeedka Burco taasina ay tahay mid aanan ka yeelayn xukuumada siilanyo waxanan hore uga yeelnay xukuumada in wadnku raysal wasaare yeesho aan baalna kaga oolin Distoorka qaranka balse tani maaha midi aan u dulqaadan lahayn. Baaq si gaara ugu aadan Madaweyne Siilanyo: 3-Hadaanu nahay dhalinyarada Beesha Galbeedka Burco waxaan baaq si gaara u gaadhsiinaynaa madaxweynaha inuu u soo kala cadeeyo bulshada dooratay in isbedlka uu ku baaqayay uu ahaa sidii uu u aargoosan lahaa iyo inuu dalkani ku hogaamiyo kitaabkii uu ku dhaartay waxaanan tilmaamaynaa in wax laga xumaado ay tahay iayada oo madaxweynaha lagula yaabanaa in dalku raysal wasaare yeesho hadana manta ay la yimaadaan talaabooyin aan la qaan. Ugu danbaytii waxaan madaxweynaha ugu baaqaynaa inuu si degdega arintaasi wax uga qabto taas oo hadii aan waxba laga qaban keeni karta isku dhacyo badan halisna ku keeni karta wada shaqaynta bulshada Somaliland. Ugu danbayntii baaqani ay soo saareen ayaa ku soo beegmaya iayada oo maalmihii la soo dhaafiyay maid kan la mid ah ay u direen xukuumada cusub cuqaal iyo wax ka garad ka tirsan beelaha galbeedka Buraco oo ku kala dhaqan gobolada Togdheer iyo Sanaag. Maxamed Cawed Maxamed
  11. Xaji_Xunjuf, that is what he claims though we will see where this latest accusations against Tani leads to, seems there is other people involved in the sacking of General Xudhuun if you ask me.
  12. Taliye Xudhuun oo Xil Ka Qaadistiisa Ku Eedeeyay Nuux Taani (Hadhwanaagnews) Friday, October 01, 2010 Taliyihii hore ee ciidamada qaranka u qaabilsanaa galbeedka Somaliland Col. Maxamed Cismaan Ibrahim (Xudhuun) Hargeysa(HWN)-Taliyihii hore ee ciidamada qaranka u qaabilsanaa galbeedka Somaliland Col. Maxamed Cismaan Ibrahim (Xudhuun), ayaa markii u horaysay ka hadlay sida uu u arko xil ka qaadistiisa oo dareen xasaasiyad leh ka abuurtay gobalka Awdal iyo arrimo kale. Md. Xudhuun, oo isagoo jooga Hargeysa xalay khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu sheegay inuu xilka wareejinayo dhawaan, waxase uu sheegay inuu xil ka qaadistiisa ka shaqeeyay taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Md. Nuux Ismaaciil Taani, oo uu ku eedeyay inuu Madaxweynaha uga gudbiyay warbixino uu ku tilmaamay been abuur.“Haa xilkaygii sidaa ayuu ku dhamaday waanan wareejinayaa xilka.” ayuu yidhi Xudhuun, oo la weydiiyay inuu xilkii wareejiyay, waxaanu isagoo ka jawaabaya sida uu bedelaadiisa u arko uu yidhi, “Waxaan u arkaa badalaadayda, horta waala I badalay, hase ahaatee xilkaa la iga qaaday nin ayaan u aanaynayaa, ninkaasina waa Nuux (Taliyaha Ciidanka qaranka).” Mar la weydiiyay waxyaabaha ka dhexeeyay taliyaha ciidanka qaranka oo uu xil ka qaadistiisa u aaneeyay, wuxuu yidhi, “Waxa naga dhaxeeyay ma jiraan, mana ogi wax naga dhaxeeyay.” Col. Xudhuun, oo la weydiiyay inuu qaban doono xilka kale ee ciidamada looga dhiibo, waxa uu yidhi, “Inta uu Nuux xilka ciidanka hayo inaan xil ciidan qabto ma rabo. In la I badalo masabidka Nuux ayaa keenay oo Nuux-baa been igu masabiday.” Mar la weydiiyay sida uu u arko dareenka ay xil ka qaadistiisa ka abuurtay magaalada Borama, waxa uu yidhi, “Shalay ayaan ka imid oo waxba ma kacsana oo beenbaa laga sheegayaa, odayaashuna way hadleen oo rayigooda ayay ka hadleen laakiin wax kacsani ma jiro, shalay ayaan ka imid oo wasiirka arimaha gudaha iyo wasiir ku xigeenka waxbarashada ayaa joogay, markaa wax ka dhacay iyo wax ka jiraan midna ma jiraan. Farinta aan umadda reer Awdal u dirayaa waxa weeyaan inay daganaansho muujiyaan oo ay sidii ay awalba u daganaayeen u daganaadaan.” Waxa uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed, u rajeeyay inuu Alle xilka ku garab galo. Waxa uu Md. Xudhuun, sheegay inaanay waxba ka jirin dacaayado uu sheegay inuu Md. Nuux Taani ka faafiyay, “Umadana waxaan leeyahay waxaas waxba kama jiraan, anigu 15 sanadood ayaan xilka hayay, 15-kaa sanadoodna raggii taliska ciidanka soo qabtay ee aan la soo shaqeeyay ayaa wax iga sheegi lahaa, haddii aan nin xun ahay ama aaan wadanka khiyaameeyay raggaas ayaan ogaan lahaa.”
  13. It's clear you got upset the way i mentioned that SSC is landlocked and restored to hebel's djibouti - awdal's coast line is longer than Maydh & Berbera. If you want to state somethings about SSC's imaginary coastline go ahead but don't try and hide behind reer awdal, djibouti etc.
  14. lol ya ku yidhi reer awdal uu hadal duufanow? we are discussing SSC movement in here and how it is landlocked.
  15. Well Makhiir isn't part of SSC ideology nor do they take orders from xaklotoosiye or Garaad jamac Garaad ali that is why you see SSC ideology only combined to buhoodle , but if it makes you happy you can claim makhiir seashores and assume Garaad Jamac Garaad ali ba ka taliya lol.
  16. Irrelevant Pirate alot of people in SOL make mistakes in the somali writting however this is not the first time i have seen you following around AO alot and throwing provoking personal attacks like "doqonyahow" if your intention was to correct him you could just have said the spelling is wrong instead of taking jibes and making personal attacks against a fellow SOL Nomad for making a mistake in the title.
  17. ^^^ What do you mean from Maydh to Bosaso? you must be clueless in the geographics of the coasts of sanaag, Maydh to Geelweyt border is the territory inhabited by the people of Haji Ismail Nuur, and then from Geelweyt to Ceelayo near bosaso is the seashores of the makhiir people, so where does this SSC fit in? no where.
  18. ^^ Delusional, can you explain why the sland flag is flying high in las anod then?
  19. Mr. Pirateland adigu maxa ka galay siidu xisbi ka miid ah somaliland uu qoro lol? mind your business.
  20. Haji_Xandjuf, SSC doesn't have a xeeb they might try to fool other communities who don't know them but they surely can't fool other people who know their deegan boundaries, and it doesn't past jidaali.
  21. Thankful, so when is pirateland going to try and liberate las anod? it has been 3 years now and still under somaliland control, somaliland wax ka maqaan malaha they have all the major cities of somaliland under control, Borama, Hargeysa, Burco, Erigavo, Las anod, Berbera, that says alot .
  22. ^^^ Hiding under the bushes lol, on a serious note though this is a somaliland issue not just a party issue too much finger pointing isn't good.