-
Content Count
10,383 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
24
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Saalax
-
So far sheikh shariff seems anti reer gedo.
-
I didn't know it was oldnews. I have seen it in Qarannews this morning. Al-Akhram
-
Al-Ahraam Oo Warbixin Xasaasi Ah Ka Qortay Budhcad Baddeeda Iyo Xidhiidhka Madaxweyne Faroole Written by Saxafi Oct 12, 2010 at 11:51 AM Wargeyska Al-Ahraam Wuxuu Daaha Ka Rogay Inay Budhcad Baddeedu Malaayiin Doollar Oo Laaluussh Ah Ku Bixisay Qorshihii Cabdiraxmaan Faroole Ku Noqday Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland “Musiibada ugu weyni waxay tahay ururka budhcad badeeda iyo xubnihiisa Oo xataa awooday inay lacago laaluush ah u qaybiyaan Xubnihii Baarlamaanka, si ay Cabdiraxmaan Faroole ugu doortaan madaxtinimada Puntland” Qaahira, Masara, (QRN/Al-Ahraam) –Wargeyska Al- Ahraam ee ka soo baxa Dalka Masar ayaa daabacay warbixin si weyn daaha uga fayday xogta dhabta ah ee qaab-dhismeedka Budhcad badeeda ka ugaadhsata doonyaha iyo maraakiibta biyaha gacanka cadmeed iyo Badweynta Hindiya ee xeebaha Somalia, doorka ay ku leeyihiin madaxda iyo masuuliyiinta maamul goboleedka Puntland iyo sidoo kale shakhsiyaad ganacsato ah oo ka taajiray lacagaha madax-furashada ah ee laga qaado maraakiibta iyo doonyaha ay budhcad baddeedu soo afduubto. Sidoo kale waxa ay warbixintani daaha ka rogtay in Madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland, Cabdiraxmaan Faroole gacan-saar la leeyahay budhcad baddeeda, isla markaana doorashadiisii ay qayb ka qaateen budhcad baddeedu, kadib markii ay malaayiin doollar ku laaluusheen Baarlamaankii soo doortay. Warbixintan oo ah mid xasaasi ah, isla markaana iftiiminaysa xogo iyo macluumaad badan oo qarsoon, ayaa waxaa diyaariyay weriye u dhashay dalka Masar oo magaciisa la yidhaahdo Ayman Al-Siisi, kaas oo booqasho aan gabasho lahayn ku maray goobaha xasaasiga ah ee Puntland bishii July ee sannadkan 2010, isla markaana wareysiyo kala duwan la yeeshay masuuliyiin ka tirsan maamul-goboleedka Puntland iyo hogaamiyaasha Budhcad-baddeedka ka hawlgala degaanada Puntland. Warbixintan oo dabayaqaadii bishii September si taxane ah loogu daabacay wargeyska Al-Ahraam, isla markaana ku salaysan xogtii uu weriyahaasi ka soo ururiyay Puntland ee la xidhiidhay Shebekada Budhcad badeedka ka jirta Puntland ayaa lagu sheegay in weriyahani maamul goboleedka Puntland ka galay dhinaca magaalada Mukala ee dalka Yemen, isagoo ka talaabay Biyaha badda ee u dhexeeya Yemen iyo Somalia, waxaanu Mukala ka soo fuulay mid ka mid ah Doonyaha u qaada xoolaha dalka Yemen, sidaasna uu ku galay magaalada Boosaaso, halkaas oo uu ka bilaabay inuu urursado xogtiisa la xidhiidha Budhcad badeedka, isagoo u dhexgalay shebekadaa si aan baqasho lahayn. Wargeyska Al-Ahraam oo warbixinta weriyahan cinwaan uga dhigtay “Ahraam oo jiidhay godadkii Budhcad badeeda oo ah Hay ‘ad sir ah oo doorata Baarlamaan iyo Madaxweyne” wuxuu weriyuhu ku bilaabay warbixintiisa sidan: “Waxaa macluumaad aan ku xaqiijiyay in fasahaadku uu ka talaabo dekedda Boosaaso ilaa magaalada Mukala ee ku taala koonfurta Bari ee Dalka Yemen, halkaas oo si qarsoon loogu gudbiyo lacagaha Budhcad badeedka, taas ay ku lug leeyihiin ganacsato waaweyn lacagahaas, waxaana lacagtaa si farsamaysan maalgashi lagaga samaystaa magaalada gobolka Xadramowt, iyadoo maalgashigu ka bilaabmayo doonyo kaluumaysi, isla markaana gaadhsiisan yahay ilaa wershado kaluumaysi, maalgashigaa oo isku xidhan ilaa Boosaaso ilaa Calowla. Hubka, Doonyaha dheereeya iyo agabkooda ayaa waxaa laga soo tahriibiyaa dalka Yeman, iyada oo la adeegsanayo dhaqdhaqaaqa Bada ee ka jira dekedda Mukula, amase Jasiirada Cabdi Alkuuri ilaa raas Casayr iyo Calawla oo ku taal dalka Somaliya inkasta oo dekeda Berkeda ahi ay noqotay dekedaha ugu muhiimsan Somaliya. laakiin dhalinyaro yar ayaa shaqo ka heshay halka shacabka intiisa kale ee ku sugan Puntland ay badankoodu gaajo la ildaran yihiin, taas oo keentay in nolol maalmeedka ay ka mid noqoto inaad aragto goobo lagu dawarsanayo. Sidaas awgeed lacagta inteeda badan iyo weliba iyada oo tirooyin aad u farabadan ahi, waxay gacanta ugu jirtaa kuwii adhiga raaci jiray iyo kaluumaysatadii saboolka ahaa, kuwaas oo noqday Budhcad badeed, taas oo suurta gelisay inay awoodooda dhaqaale xoogaysato, isla markaana is habeeyay, waxayna ku halwgalaan budhcadnimo iyaga oo dhistay urur ay ku bahoobeen Budhcad badeedu oo uu hogaamiye u yahay Ninkii aasaasay uguna caansan, kaas oo ah Ninkii ugu horeeyay ee ku kacay falka budhcad badeednimada laguna magacaabo Abshir Booyax. Sida ay xaqiijiyeen warbixino ay heshay Al-Ahraam Abshir Booyax, xataa muddada xabsiga uu ku jiro wuxuu qabsadaa kaalintiisa hogaamineed ee kooxaha budhcad badeedka, isagoo hela qaybtiisa hawl-gal kasta oo budhcad baddeednimo, isla markaana ay gacan siinayaan masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland. Ururkan xoogiisu kuma salaysna tirada xubnihiisa, kuwaas oo ilo wareedyo ay ku qadareen tiradooda ilaa 1500 oo xubnood, iyadoo tirooyin kale oo gacan saar la lehi ay jiraan, kuwaas oo isugu jira dhalinyaro rag ah oo qabanaya adeegyada kala ah kaaliyayaal, waardiyaal shaqaale iyo dareewalo oo tiradoodu gaadhayso ilaa 10 kun, isla markaana samaynaya dhamaan shaqooyinka suurtagalka ah iyo kuwa aan suurtagalka ahayn isuguna jira nadiifinta goobaha la degan yahay biyo iyo raashin keenida iyo dumarka jidhkooda ka ganacsada. Sacad Cabdulaahi oo ka mid ah dhalinyarada hubkooda kireeya si loogu ilaaliyo wadooyinka iyo goobaha lagu haysto doonyaha la afduubay ayaa waxa uu yidhi, “aniga iyo caruurtayda lixda ahi ma aanaan haysan wax aanu quudano, waxaanuna ku noolayn ugu yaraan tuugsi halkaas oo xaaskaygu ka dawarsan jirtay hoteelada hortooda, ilaa aan ka arkay isbedel weyn mid ka mid ah asxaabtayda, waxaanan ogaaday in barwaaqadiisa cusub iyo kartida uu u helay inuu iibsado alaabta qaaliga ah ay tahay adeega uu u hayo qaar ka mid ah budhcad badeeda ay isku qoyska yihiin ee Ciise Maxamuud ee ku sugan magaalada Gaalkacayo.” Sacad wuxuu intaa sii raaciyay inuu ku dirqiyay saaxiibkii inuu baro mid ka mid ah raggaas kaas oo tijaabo kaga qaaday ridida rasaasta iyo inuu awood u leeyahay inuu soo jeedo waardiyaha habeenkii kadibna markii uu ku guulaystay ay ogolaadeen inuu la shaqeeyo, taasina ay ka caawisay quudinta ciyaalkiisa, isla markaana ka celisay haweenaydiisa inay dewarsi u baxdo, iyagoo weliba awood u yeeshay inay hagaajistaan gurigii ay ku noolaayeen taasi waxa ay tahay tusaale ka mid ah tobanaanka kun ee isugu jira dhalinyarada iyo ragga iyo haweenka kuwaas oo u shaqa taga budhcad badeedka.” Maxay tahay musiibada weyn ee weriyuhu sheegay? Weriyaha Al-Ahraam waxa uu yidhi: “Musiibada ugu weyn waxay tahay ururka budhcad badeedka iyo xubnihiisu inay xoogaysteen kadib markii ay dhaqaale heleen, kuwaas oo xataa awooday inay lacago laaluush ah u qaybiyaan xubnihii Barlamaanka (Puntland) ee tiradoodu ahayd 66-ka xubnood oo ay u qaybiyeen laba malyan oo doolar, lacagtaas oo uu qaybiyay Cabdiraxmaan Faroole si ay ugu doortaan madaxtinimada dawladda goboleedka Puntland, waxana warbixino ay heshay Ahraam ay xaqiijiyeen in lacagtaa uu bixiyay Abshir Booyax oo ah hogaamiyaha budhcad badeedka, isaga oo u sii mariyay Ninka la yidhaahdo Maxamed Kediye. sidaa darteedna dagaalka lagu qaadayo budhcad badeedka ee had iyo jeer uu sheego Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole iyo qaar ka tirsan wasiiradiisu maaha mid jira ee waa dacaayad lagu qaadsiinayo bulshada gudaha, isla markana lagu aamusiinayo ragga diinta iyo dariiqada suufiyadda, kuwaas oo khudbadaha Jimcayaasha ku dhaleeceeya shaqooyinkaas, iyaga oo saaran minbarada masaajidyada, waxayna xaaraan ka dhigeen in budhcad badeedka wax laga iibsado, ama wax laga iibiyo iyo xataa in xidhiidh guur lala yeesho , iyada oo xaqiiqda xidhdiidhkaa ay xaqiijinayaan in dheergaradka Puntland iyo odayaal dhaqameedkooda gaar ahaana Islaan Ciise Islaan Moxamed oo ah islaamka Beesha Ciise Maxamuud, waana qabiilka uu ka soo jeedo Booyaxa budhcadka ah ee sharka badan iyo Cabdiraxman Faroole oo ah Madaxweynaha Puntland. Islaan Ciise ayaa dhowr jeer u yeedhay madaxweynaha, isla markaana ku booriyay inuu la dagaalamo budhcad badeedka. laakiin waxaa uu u sheegay Islaamka tiro dhawr kulan kadib in isaga iyo dawladiisu aanay tamar u hayn taas oo ay sabab u tahay awood la ‘aanta haysata, arrintaas oo Islaan Ciise ogaaday in aanay sax ahayn, dabadeedna wuu ka fogaaday iyaga iyo waxay samaynayaan, isagoo u guuray degaanka baadiyaha ah ee Xasbihale, wuxuuna diiday in uu dadka qaabilo iyada oo la raacayo dhaqan qabiileedka Somalida marka uu qabiilku ku gacansaydho, ama mid ka mid ah hogaamiyahooda. Waxa ay heshay Ahram dhukumenti muhiim ah, kaas oo xaqiijinaya in sheegashada Cabdiraxmaan Faroole ee ku waajahan ciidamadiisa ammaanku aanay awood u lahayn budhcad badeedka ay tahay mid aan run ahayn, waana warqad qoraal ah oo madaxweynuhu saxeexay 7-dii November 2009, taas oo ku jihaysnayd dawladda Yemen, gaar ahaana wasaaradda arrimaha gudaha iyo ta kaluumaysiga iyo baddaha iyo taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha dalka Yemen, isagoo ugu sheegaya inuu dib uga laabtay ogalaanshihiisii uu hore si rasmi ah u bixiyay ee loogu ogalaaday Saadiq Shire iyo ragga kale ee ay shirkada ku wada jiraan oo ah maamulaha shirkada UNIFISH inay ilaaliyaan xeebaha Puntland isla markaana ay la dagaalamaan budhcad badeedka. Saadiq iyo ragga kale ee ay shirkada ku wada jiraan ayaa horay uga codsaday madaxweyne Faroole inuu u ogaalado inay ka hawl galaan xeebaha Puntland, kadib markii dhibaato ay ka soo gaadhay budhcad badeeda ka hawl gala Puntland, wuxuuna sheegay inay samayn doonaan maleeshiyo hubaysan oo badda ka hawl gasha, waxana uu xaqiijiyay inuu awoodo in uu soo af-jaro hawlgalada budhcad badeedku ka wadaan xeebaha Somaliya, isagoo codsaday in lala socodsiiyo dawladda Yemen si markaa aan isku dhac u iman oo loo wada shaqeeyo. Waxaa la ansixiyay arrintaas laakiin madaxweynaha ayaa durbadiiba heshiiskii ka baxay, sababtuna waxa weeye waa dhaqaalaha iyo taageerada uu ka helayo iyo balanqaadyada joogtada ah. Arrintani sidoo kale waxaa ku lug leh wasiirkiisa arrimaha gudaha ( Col. Ilka jiir), kaas oo haysta dhalasho Maraykan ah, waana Nin lagu yaqaan inuu gacan saar la leeyahay budhcad badeedka oo uu siiyo sahayda muhiimka ah sida raashinka, Khamrada iyo hubka, taas bedelkeedana uu helaayo qadar cayiman oo ka mid ah madax-furashada ay bixiyaan mulkiilayaasha doonyaha, isaga oo dhex dhexaad ahaan u soo dhexgala si badheedh ah, marka la sii daynayo waxaana si buuxda loo ogyahay lacagta uu ka helayo madax-furasho kasta oo la bixiyo. Madaxweyne Faroole ayaa ergay ahaan ugu diray horay dalka Yemen si uu dib ula soo noqdo ogalaanshihii madaxweynaha una dhiibo dhambaalka madaxweynaha ee ku waajahnaa in la diiday heshiiskii hore, arrintaa oo ku dhiiri gelisay tiro ka mid ah budhcad badeedka inay isu bedelaan maal geliyayaal, waxana ka mid ah Ninka lagu magcaabo Cali Sawax, kaas oo hawshaa foosha xun waday muddo laba sano ah, ilaa lacagtiisu ay gaadhay in ka badan 9 malyan oo doolar, isagoo ka dalacay faqiirnimo ilaa uu gaadhay dadka ka muuqda magaaladaa, wuxuuna ku noolyahay guri weyn oo qalabaysan, isagoo leh laba doonyood oo kuwa kaluumaysiga ah, kuwaas oo isaga goosha xeebaha Yemen iyo Somalia si degan oo amaan ah, halkaas oo ay ka soo helaan kaluumaysiga iyo budhcad badeedka, waxaana lagu daraa inuu leeyahay wershad kaluun oo ku taal magaalada Mukala wuxuuna yeeshay wershedaa sheer gaadhay 60% (boqolkiiba lixdan).’ Waxa kale oo uu weriyuhu ka sheekeyay Nin kale oo la yidhaahdo Ciise Xaaji Faarax oo degan magaalada Boosaaso, waxaanu yidhi: “Ciise Xaaji Faarax oo degan Boosaaso, kana mid ah ganacsatada ugu waaweyn, oo leh 12 doonyood oo kaluumaysi oo qaarkod uu soo kiraystay, qaarna waxa uu la wadaagaa Niman reer Thailand ah, waxa ay si amaan ah doonyihiisu isaga gooshaan xeebaha Bari iyo waqooyi ee Somaliya, budhcad badeedkuna midna iskuma taabto doonyihiisa, waayo waxa uu yahay kan ugu weyn ee fan gareeya hawl galadooda, taas oo uu ka helo 40% (boqolkiiba afartan) madax furashada la bixiyo.” Saxafi
-
^^^ So he was a spy sent by puntland? interesting.
-
^^ Your right i shouldn't be comparing myself to the piratestate. instead we should be comparing ourselfs to djibouti a fellow independent somali state unlike pirateland which takes orders from sheikh shariff & co.
-
Liibaan, somaliland doesn't need the south unlike puntland we can live without them, they can take the whole thing pm , president, forgien minister we couldn't careless looool.
-
Liibaan, there is no such thing as North West, Awdalland or SSC. your either from Somaliland or Puntland.
-
His not making a much point if you ask me. The PM position is not only reserved for puntland as some particular communities in the south also want their fair share.
-
i didn't know puntland was this desperate for the PM post huh? Unfortunately Sheikh Shariff is realising if he wants to succede he has to choose a PM from the south.
-
Odayasha Puntland oo digey Sh. Shariif Garaad Cabdulaahi Cali Ciid oo ka mid ah Issimada ugu miisaanka weyn Issimada Reer Puntland islamarkaana ah afhayeenka issimada Puntland ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtey magaalada Garowe kaga hadley soo xulida Ra'isal wasaaraha Somalia kaas hadda la tashiyo ku aadan uu wado Madaxweyne Shiikh Shariif . Garaadka oo sheegey in uu ku hadlayo magaca issimada Puntland ayaa sheegey in marka horre ku boorinayo Madaxweynaha dowlada Federaalka Sheikh Shariif Sheikh Axmed magacaabida ray'isal wasaaraha ka dhigo qof reer Puntland ah. Sidoo Kale Garaadka ayaa shirkiisa jaraa'iid kaga hadley beelaha aanooyinku u dhexeeyaan ee Puntland kuwaasoo uu ka dalbadey in ay nabad dhibkooda kusoo dabaalaan islamarkaana u hogaan-samaan awaamiirta kasoo baxda guddiyada dhex dhexaadinaya. Odayasha Puntland oo digey Sh. Shariif You can listen it here. Odayasha Puntland oo digey Sh.Shariif
-
^^^lol his piratized sababtas ba lo eryeey.
-
I know. The garaads already told the bugland minister to stay out of this they do not trust bugland ministers. especially after what happened in 2006.
-
General Duke, how about you show us pirate chief faroole meeting with donald payne? . those women you posted are usa citizens from the somali region and not puntland ee wa maxay isku dhajiiska boowe?
-
D/P.
-
the so called donald payne met siilaanyo when he was the opposition leader. ya pirate.
-
Originally posted by Xaji_Xunjuf: Cali cabdale salax is like Obama to the pirates let them celebrate libaahe dee
-
Xubno Ka Tirsan Maamulka Waqooyi Bari -Puntland Oo Laga Eryey Dharkayn. Written by jidbaale.com Tuesday, 12 October 2010 09:08 Dharkayn(Jidbaale.com):-Wasiirka Qorshaynta Maamulka Waqooyi Bari Ex Puntland Daa’uud Bisinle iyo xubno uu hoggaaminayey oo maanta duhurkii soo gaadhey Degmada Dharkayn-geenyo xarunta ku meel gaadhka ah ee Hoggaanka ayaa waxaa gacanta ku dhigey Ciidamada SSC. Sida uu noo xaqiijiyey Afhayeenka Hoggaanka SSC Axmed Gacmayare waxaa maanta duhurnimaadkii soo gaadhey Dharkayn xubno uu horkacayo Daa'uud Bisinle, ayna ka mid ahaayeen Aadan Xaaji Xuseen, Faarax Sulub oo ka tirsan golaha Wakillada waqooyi bari iyo nin kale oo lagu sheegey Cabdul Cagey, oo raajiciya Booskii baarlamaanka ee Ibraahim Maxamed Guure. Afhayeenku waxaa uu intaas ku darey in markii xubnahani ay soo gaadheen Kaantaroolka dhanka Saaxdheer ay gacanta ku dhigeen Ciidamada SSC ee aaggaas ku sugan, waxaana ugu danbayntii laga masaafuriyey magaalada, ka dib markii odayaasha deegaanku ay ku hagoogteen. Xubnahan oo dhawrkii maalmood ee aynu soo dhaafney ku sugnaa Tuulada Qoriley, halkaasna u yimi waxaa ay ugu yeedheen Nabadayn, ayaa saaka xamaamadooda ka soo gurtey, kadib markii Beesha B/same ay go’aansadeen in aysan xilligan wax wada-hadal ah galeyn ilaa iyo inta ay dhammay-sanayaan shirka u socda, iyagoo ugu baaqey dadkii halkaas tagey, ee Buuhoodle iyo Garoowe ka kala yimi in ay ku noqdaan meelihii ay ka yimaaddeen. Xubnaha uu Daa'uud Bisinle horkacayey oo markii taasi ku dhacdey warbixin cusub looga soo yeedhiyey Garoowe, ayaa waxaa uu ahaa ujeedkooda Dharkayn sidii ay ula kulmi lahaayeen ugu qancin lahaayeen Garaad Jaamac Garaad Cali in Beeshu ay wada-hadalka gasho, kana noqoto go’aanka ay gaadhey oo labada bilood ah. Isku soo wada duuboo waxaa ay arrintani waji-gabax iyo dhirbaaxo labaad ku tahay Kooxihii Maamulka waqooyi Bari uu ka soo direy Buuhoodle ee Isimada lahaa iyo kooxda Garoowe ka timi ee Daa’uud Bisinle horboodayey.
-
do you have pictures of the pirate chief meeting kenya's prime minister or the president of ethiopia or melez for that matter? i guess not his directed to low level ministers like wasiiru dowlaha arimaha dibada loool.
-
Is that what you call a accomplishment meeting the president of the poorest state in the gulf? , bal tell us why faroole is never allowed to meet meles zenawi or the president of Ethiopia? but yet is only directed to low level ministers like wasiirul dawlaha arimaha dibada it's not even foreign minister but his paperboy. Here is former somaliland president Riyaale meeting the president of Ethiopia - Girma Wolde. Current Somaliland foreign minister Mohammed Abdullahi Omar meeting Kenya's prime minister Raila Odinga. So now tell us pirateboy did Faroole ever met the prime minister of kenya or the president of ethiopia? or the prime minister of ethiopia melez zenawi for that matter.
-
General Dukel, don't flatter yourself sxb. why would i be upset about puntland pirate chief meeting with the president of the poorest arab gulf state? which is plagued by extremists, rebels, drugs hardly a role model? no reason exactly so stop being paranoid.
-
Very sad indeed.
-
General Duke, pirateland chief faroole looks more guilty though wouldn't you agree.
-
Yemen and Puntland to further cooperation: [Consulate to open in Garowe]
Saalax replied to General Duke's topic in Politics
lol@ short yemeni. faroole is not that different either .
-
Popular Contributors