-
Content Count
10,383 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
24
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Saalax
-
^^^ Agah! war wa maxay caydu iis daji your al shabab B-F's waxbana lagama sheegiin ee. this is about the Caado qaate Maxamed Abdilahi Omar admitting his not good enough to compete in somaliland.
-
(Hadhwanaagnews) Monday, November 15, 2010 “Waxaan Xil uga raadsan waayay Somaliland waxa ay tahay waxaa Jooga dad iga Aqoon & Cilmi badan, Cismaan Kaluun & Siilaanyo Waa niman” R-Hadhwanaag oo Waraysi Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya. Maxamed C/Laahi Oomaar. Radio Hadhwanaag ayaa Waraysi aad U Xiiso badan oo dhinacyo badan tabanaya layeshay Layeshay Raiisul Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya. Mr. Maxamed Cabdullahi Oomaar, Waraysi Qaade Wariye Hassan Kuuriya Muqdisho. HALKAN GUJI OO DHAGAYSO Hadhwanaag
-
Dibadbax looga soo horjeedey Xukuumada KMG oo ka dhacay Garoowe. Garoowe : (Sh. M. Network) Dibadbax looga soo horjeeday Xukuumada Cusub ee Ra’iisul wasaare Max’ed Cabdullaahi Max’ed ayaa maanta ka dhacay Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamul goboleedka Puntland. Dibadbaxaani oo ahaa mid looga soo horjeeday wasiirada Cusub ee dhawaan uu soo magacaabay Ra’iisul wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Max’ed Cabdullaahi Max’ed ayaa maanta ka dhacay Magaalada Garoowe, waxaana dibadbaxa soo qaban qaabiyay Maamulka Puntland ee gobolka Nugaal iyo kan Magaalada Garoowe. Dadkii ka qeyb qaadanayay Banaanbax ayaa ku qeylinayay hadalo ka dhan ah xukuumada Ra’iisul wasaare Farmaajo iyagoo sheegay inay ka soo horjeedaan habka Wasiirada uu u magacaabay Ra’iisul wasaaraha iyagoo dhinaca kale soo dhaweeyay hadalkii Maamulka Puntland uu ku sheegay in uu ka fiirsanayo wadashaqeynta uu la leeyahay dowladda KMG Soomaaliya. Qaar ka mid ah Banaanbaxayaashaasi oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in fikir ahaan ay raacsanyihiin maamul goboleedka Puntland, waxaana ay sheegeen in Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ay ku diidanyihiin habka Maamulka Puntland uu wax ugu qeybiyay Xukuumada Cusub. Banaanbaxaani looga soo horjeedo Xukuumada Cusub ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa daba socda banaanbaxyo sidaan oo kale looga soo horjeeday Wasiirada Cusub kuwaasi oo maalintii shalay ka dhacay degmooyin ka tirsan Bariga Sanaag.
-
Protests in Maakhir against the TFG and the new cabinet.
Saalax replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Well Sanaag is also cosmopolitan region. The suitable term for Nassir would be "Eastern Sanaag" since that is where the protests took place and not all of the region. -
Sheekh Atam oo Waraysi siiyey Shabakadaha waraka ee Gobolka Sanaag Hogaamiyaha Ciidamada Dagaalka Kula Jiray PL Sheekh Maxamed Siciid Atam ayaa Galabta Waraysi Shabakadaha gobolka qaarkood Atam Waxa uu kaga Waramay Dagaalkii ay la Galeen Ciidamada Maamulka PL isaga oo Guulo ka sheegtay Dagaalkaasi sidoo kale waxa uu qeexay inay sii wadayaan Dagaalka ilaa Maamulkaasi Wakhtigiisa uu dhamaado. Maxamed Atam ayaa xusay in isaga lagu soo duulay isla markaana ay dadkooda iyo dhulkooda Difaacayaan waxana uu meesha ka saaray Haba Yaraatee warkii sheegaya inuu Xamar aaday oo PL Guud ahaan ka Baxay, isaga oo ku cel celiyay inay Joogaan Meel aan saas uga Fogayn GalGala. “Anaga Meelihii baanu Joognaa PL Gaadiid bay soo Bandhigay waa Gadiid Iskaraab ah oo Xumaaday awalba anaga Gaadiid Baabuur ah ma Isticmaali Jirin waayo Meeshu waa Buuro”Ayuu Yiri Atam. Maxamed Siciid Atam ayaa iska Fogeeyay inay dilaan dadka Puntland qaarkood taasi oo Horay Dawladu u sheegtay inay dilkaasi Fuliyaan”Anaga dadka ma dilo Maamulka ayaa dadka dila oo xidh xidha qaarkood Jeelasha ka Buuxaan Markaa dadku is bedel sidan dhaama bay Rabaan” Ayuu Yiri Atam. Sheekh Maxamed Siciid Atam ayaa dhan kale iska Fogeeyay in Ciidamo Somaliland ah ay ka Barbar dagaalameen Ciidankiisa GalGala warkaasi oo ahaa mid dhawaan Puntland ka soo Yeedhay”Anaga Ciidan Somaliland iyo Mid Koonfurta ka Yimi Toona Nalama Joogaan dadkii deegaanka oo Tashaday weeyaan kana xumaaday dhibaatada ay u Gaysanayaa Asha’haada La dirarku hayaan dadkayga.
-
Protests in Maakhir against the TFG and the new cabinet.
Saalax replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Originally posted by Xaji_Xunjuf: you are right the maakhrians deserve it. Indeed. -
I wanted to post it in the General section but it instead ended up in here. Anyhow enjoy the pictures it's not much of a issue whether it is in the political or general section.
-
Eid mubarak to all the SOlers.
-
Originally posted by Xaji_Xunjuf: . Maxkamada qarranka well done Indeed well done maxkamada Qaranka JSL. Let this be lesson to anybody who thinks about inu gacan siiyo ONLF in somaliland soil maxkamada ba la so dhiigaya.
-
SANAAG(OWN)- Somaliland waa dal baaxad weyn oo xuduudo la leh dalal badan oo Afrika ah, waa dal qani ah oo ku wanaagsan xagwalba,sida Beeraha,iyo macdanta,sidasoo kale Somaliland waxa lama huraan ah in ay leedahay ilo dhaqaale oo ay ugu horeyso xoolaha nool oo dakhliga ugu badan ay ka soo gasho dalalka xoolaha loo dhoofiyo. hadaynu soo qaadano markii dawladii kaligii taliyahii Maxamed Siyaad Bare jirtay meesha Somalia lacagta ugu badani ay kasoo xaroon jirtey waxa ay ahayd Gobolka Togdheer(Burco)oo qani ku ah xoolaha Nool, oo dhaqaalo badani kasoo gali jirey Xoolahii noolaa ee dalalka Carabta loo iib geyn jirey. Sidasoo kale xaga sool iyo Sanaag ayaa xaga kale aad u qurux badan oo aad arkayso buuro,bari iyo bad oo aad garankarto meelaha ugu caansan Somaliland ay ka mid tahay buuraha quruxda badan ee DAALLO oo sida sawiradan aad ka dheehan karto kuu muujinaysa quruxda ay Somaliland leedahay dhinac walba iyo sida loo dayacaayo ee looga soo cararaayo.Hadii aad aragto Casimada Somaliland waxa ay la ciir ciiraysaa dad badan oo aad arkayso qaar badan oo xagaa iyo bari ka yimid soona degay Casimada iyaga oo ay u samixi weyday duruufaha ka jira iyo nolo malmeedkooda oo ku xidhnaaday casimada ama ay doonayaan inay ganacsigooda iyo hawlahooda ka fushadaan iyo qaar waxbarasho usoo doontay ka tayo wacan meesha ay joogaan. Dadka reer Somaliland waxa muhiima inay fiiro gaara u yeeshaan in ay jiraan dad ama quruumo aynu dal isku hayno loona bahan yahay in aan la banayn ee bariga Somaliland la xoojiyo,dawlada Somalilandna ay dadka reer Somaliland ee bariga degan ay baahidooda wax ka qabato si dadku aanay usoo guurin. Waxa aad daawataan bal sawiradan oo aad arki karto dalkeena sida Ilahay quruxda ugu manaystay iyo ka cago jiidka inaynu aamino ama ku nagaano meeshaa quruxda badan.
-
Maxkamada Ciidamada Darajada 1-aad Ee Somaliland Oo Xukun Ku Riday Qaar Ka Mida Ciidankii Lagu Qab-qabtay Jabahada ONLF, Iyo Xuno Kale Boorama (OWN)- Maxkamada Ciidamada darajada 1aad ee Gobolada Galbeedka Somaliland, ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday xubo ka mida jabhada ONLF iyo darwaliin tii qaaday, dalmariyayaashii, dilaaliintii u sahlay ONLF in ay dhexmaraan Gudaha Somaliland. Maxkamada Ciidamda ayaa waxa ay go’aanda deedan kaga dhawaaqday fadhi ay manta ku lahay Magaalda Borama waxa uu xukunka Maxakada Ciidamdau u dhacay sidan; Maxakamda Ciidamda Ee Darajda 1-aad waxa xukun 10 sano ah ku riday:- 1- Cabdi Xaashi Macalin 2- CadiWali Nuux Yuusuf Labadaas Xubnood oo ka tirsanaa Jabhadii ONLF, Iyada oo Maxakamadu u cuskatay Qodobka 221-aad ee xeerka ciqaabta Guud oo lala akhriyo qodobka 39-aad ee xeerka Ciqaabta Guud. Waxa kale oo ay Maxakada xabsi kala duwan oo u dhaxeeya 16 sano ilaa 5 bilood ku xukuntay Dirawaliintii, dalmaryayaashii iyo dalaaliintii oo kale ah:- 1- Wade, Maxmed Yuusuf Odawaa Haleel Abaabule Maqane, waxa ay Maxakamadu ku xukuntay 16 sano oo xabdi maleesho ah kaas oo lagu fulindoono marka la qabto. 2- Wade baaduur. Cabdirisaq Ibraahim Faaxar Shiine waxay Maxakadu ku xukunatayu 7 sano oo xabsi Milatari ah iyo 2 millyan oo S/land shillin ah. 3- Wade baabuur iliyaas Intifaac Xirsi waxa ay Maxkamadu ku xukuntray 7 sano oo xadhiga milatari ah iyo Ganaax dhsn 1 milyan oo S/shilig ah. 4- Dalmariye. Cabdi Habane Meecaad waxa lagu Xukumay 4 sano xabsi milatari. 5- Damariye. Daahir muxumed Guuleed waxa lagu xumuay 5sano oo xabsi milatari ah. 6- Abshir jaamac Riiraash waxa lagu xukamay xabsi 6 bilood oo shuruud ah. 7- Shabcaan Xasan Ducaale waxa lagu Xumay 6 bilood oo shurood ah. Xumudaa waxa ay maxakamdu u cuskatay qodobada 231.237,292,298, ee xeerka ciqaabat Guud. Sidoo kalena wax ay Maxamda Ciidamada ee darajada 1aad mid kiiba ku Xukunatay 10 milayan oo S/land shilling ah, gadiidkii lagu qaaday jabada ONLF, kuwaas oo lambardoodu kala yihiin, Somaliland 30523, Somaliland 25250, Somaliland 3563. Lacagat Gnaaxa ah wax lagu shubayaa 70% qasnada cashuurah bariga halka ina soohadhayna lagu dayac tirayo gaadiidka garsoorka.
-
Protests in Maakhir against the TFG and the new cabinet.
Saalax replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Xaji_Xunjuf .The tfg should give ministers to makhiir instead of caado qaate's who have no support from their people such as Ina Omar, Axmed C/raxmaan Abaade. -
Thankful. Their love for somalia? more like their love for minister position.
-
Banan Bax Lagaga Soo Horjeedo Xukumada uu Soo Dhisay Raysal Wasaare Farmaajo oo Maanta Ka Dhacay Degmada Badhan Badhan-(OWN)-Banan bax Balaadhan oo lagaga oo Horjeedo xukuumada Cusub ee uu soo Dhisay Raysal wasaaraha Dawlada Federaalka Ku Meelgaadhka ah ee Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa manta ka dhacay Magaalada Badhan kaas oo ay soo Abaabuleen waxgaradka iyo Madax dhaqameedyada beesha Degta Deegaankaasi kuwaasi oo cadeeyay inay gabi ahaantoodaba kala Noqdeen kal soonida xukuumadii uu dhawaan soo dhisay araysal wasaaruhu kuwaasi oo ku tilmaamay inay tahay xukumad aan dan u hayn dadka Soomaliyeed. Dadka saaka mudaharaadayay ayaa dhamaantoodba ka sinaa Qaadacada xukuumada Raysal wasaare Farmaajo kuwaasi oo sitay boodhadh ay ku diidanyihiin xukuumadiisa taas oo sida ka muuqata liiska golihiisa wasiirada aanay gabi ahaantoodab beeshani ka heli wax wasiira taasina ay tahay ta keentay inay ka dhiidhiyaan xukumadani. Oday Axmed Cabdale oo ka mid ah duqayda Deegaanka ayaa manta amar uu la hadalayay saxaafada sheegay inay ka xumyihiin in xukuumada uu soo dhisay raysal wasaaruhu ay tahay mid aan cadaalad ahayn waxanu sheegay inay ugu baaqayaan xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya inaanay codka kalsoonida ah siiniin xukuumadaasi uu soo dhisay Raysal Wasaaruhu. Maalintii shalay ayay ahayd ayaa Xildhibaano ka soo Jeeda Beeshani ay si wada jira U shaaciyeen inay kala noqdeen xukuumada Cusub kalsoonidoodii taas oo ay ku sifeeyeen inuu raysal Wasaaruhu ku talaabsaday talaabo kala fogaynaysa umada soomaaliyeed ee laga shaqaynayay isuu soo dhawayntooda. Ugu Dannaytii arintani ayaa ku Soo Beegmaysa iyada oo maalintii shalay ahayd uu madaxweynaha Dalka Somaliya Sheekh Shariif u anbabaxay Dalka sacuudoga isaga oo gudanaya Xajka waxaana la sheegay inuu madaxweynuhu ku taliyay in xukuumada ay Baarlamaanku codka kalsoonida ah u qaadi doonan gudashada xajka ka dib oo uu isna waqtigaasi dalka dib ugu soo laaban doono.
-
Originally posted by Xaji_Xunjuf: very nice peace is the way forward for all somalilanders.. :cool:
-
wa ruunta peace is the way forward.
-
Maxa naga galay haadi budhcad badeedka la laayo! they shouldn't do illegal piracy in other people's seashores such as kalifi - Kenya.
-
Good riddance.
-
Jacpher. Maya adiga matala mukulalyaasha iyo wixi adiga kula miid ah. Hadaad ka xanaaqday "caado qaateyaashaga oo uselesska ah minster positionkooda makhiir ha la siiyo" xaal qaado.
-
Taleexi. Abti bal ka waran waxan maqlay qooladi la baxday "SSC" Xamar bii tuugsii uu tageen siida lacag iyo hub uga heelan Sheikh dalxis maxa ka jiira? waxana maqlay wa lo so diidaay since the TFG itself needs those weapons to defend itself from Godane's boys.
-
Gabbal. Erigavo has nothing to do with puntland don't let the pirate clowns deceive you.
-
oba hiloowlow habaraha ha naga cayniin. Those caado qaate's cidna ma matalan but their useless selfs that is why they can't even visit their hometowns without getting arrested. I Think those ministers should be given to our Makhiir neighbours instead since they support TFG.
-
You forgot to add "Tugsii" for TFG money. + deceiving unsuspecting diaspora.
-
Wa'ayo Kooxdan Sidata Magaca "SSC" Maxay Doonayan? fact finding.
-
Popular Contributors