-
Content Count
10,383 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
24
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Saalax
-
Guddigii Ay Xukuumadda Somaliland U Xil Saartay Diyaaradii Saanadda Milatari U Siday Puntland Oo Shaaca Ka Qaaday In Xukunka Diyaaraddan Ay Hor Geynayaan Maxkamad. (Hadhwanaagnews) Saturday, December 18, 2010 Kampala-(HWN)- Guddii gaar ka ahayd ee ay Somaliland u xil saartay in ay baadhitaan buuxa ku soo sameeyaaan diyaaradii saanada milatari u siday Puntland, ayaa ku dhawaaqay markii u horaysay in kiiska Diyaaradaas ay hor geynayaan Maxkamadda. Wasiirka Duulista Hawada ee Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa bayaamiyay in xukuumadda Somaaliland ay xukunka diyaaradan hor geynayso maxkamad , isga oo ka dhawaajiyay in lagu soo oogayo seddex kiis oo dacwado ah oo kala in diyaaraddani ay oo ku soo xad gudubtay Hawada Jamhuuriyadda Somaliland,, iyo Saanadda militari ee ay siddo, iyo raga diyaaraddan la socda oo sheegtay in ay yihiin Suxufiyiin u dhashay dalka Koonfur Afrika. Xukuumadda Somaliland ayaa hore u kashiftay in diyaaradani ay saanad iyo hub u siday dawlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya, balse ma jiraaan wax war ah oo si rasmi ah uga soo baxay Puntlan oo ku saabsan Inkastdiyaaraddan ay Somaliland gacanta ku dhigtay. Si kastaba ha ahaatee, waxa ay dadweynaha Somaliland si weyn u hadal hayeen maalmihii u danbeeyay kiiska diyaaradan iyaga oo is weydiinayay waxa laga yeelayo iyo go’aanka ay xukuumadda Somaliland ka qaadan doonto xukunka diyaaraddan. Cabdiqaadir Maxamed Ciid (Baay)
-
posted by: Webmaster Wasiirka Caafimaadka Somaliland DR Xuseen Xoog oo ku dhawaaqay in Todobaadka Talaalka Somaliland uu ka furmi doono dalka Maalinta Berri Hargeysa/ToggaHerer Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr Xuseen Maxamed Muxumed (Xuseen Xoog) oo ay wehelinayaan Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil C/laahi Axmed Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Marwo Nimco Qawdhan ayaa maanta ka qayb galay xaflad loo sameeyey todobaadka Talaalka Caruurta oo ka furmay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeisa,Todobaadka Talaalka ayaa maalinta berri ah ka furmi doona dalka . Dr Xuseen Xoog Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegay in talaalku caruurta uu faaido weyn u leeyahay cuduro fara badan oo aan daawo lahayna uu ka difaacayo Wasiirka ayaa intaa ku daray in bulshada Reer Somaliland gaar ahaan waalidiintu ay ku boorinayaan in ay caruurtooda talaalaan. Wasiirka Caafimadka Somaliland aya ka dhwaajiyey in mudada uu talaal ku soconayaa ay tahay Muddo laba todobaad ah isla markaana waxa uu soo jeediyay in ay bulshadu ka faaidaysto Fursadaas caruurtana ay u sii diyaariyaan hawlwadeenada caafimaadka . Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil oo isna halkaas ka hadlay ayaa si weyn ugu dheeraaday waxa ay diinta Islaamku ka qabto Talaalka waxaanu wasiirku sheegay in ay diintu soo dhawaynayso wax kasta oo wax ka taray caafimaadka Binu aadamka waxaanu ugu baaqay waalidiintu in ay caruurtooda ka talaalan cudurada halista ah ee aan daawada lahayn . Gebogebadii waxa halkaas ka hadlay saraakiil ka socotay Hayadaha WHO iyo UNICEF oo iyagu u soo jeediyay Bulshada in ay caruurtooda ka talaalan cudurada dilaaga ah .
-
Garowe today is the very heart of the Somaliworld
Saalax replied to General Duke's topic in Politics
The Zack, Sxb maya. I am just quite offended somebody from Garowe has the nerve to try and tell the real natives( like myself that i don't belong into those lands) indhoadayg ba ka so haray daadkan. Hence they will be corrected no matter what. -
Garowe today is the very heart of the Somaliworld
Saalax replied to General Duke's topic in Politics
GaroweGal just because your mother is from those regions it doesn't change the fact it's part of Somaliland. I myself is a Sanaagian/North Soolian native what isku dhajiis are you talking about? Here is the Sland flag flying high and proud in Sanaag's capital. Indhaaga ku nuurso. -
Garowe today is the very heart of the Somaliworld
Saalax replied to General Duke's topic in Politics
GaroweGal, How could we suffer from the green eye monster when we were invited into playing footie in the desert and dusty playground of bintiland? which we have declined respectively. I'd rather play footie in beerta xooriiyada - Erigavo lol. Which has real goals and grass. -
Garowe today is the very heart of the Somaliworld
Saalax replied to General Duke's topic in Politics
I didn't know discussing the bintiland gabool mamuleed of somalia became discussing people? -
Garowe today is the very heart of the Somaliworld
Saalax replied to General Duke's topic in Politics
bintiland faan badana. -
Why are you posting those pictures in this thread? i don't see your point kid. All somalis from every corner? there we go with the delusional grandeur . All i see is just 13 regions and a half playing in a dusty little playground. Let alone all somalis from every corner. cut down what you are drinking kid it isn't good for your health.
-
HARGEISA (SomalilandPress)–Somaliland president Ahmed Mohamed Silanyo is expected to pay an official visit to China early next year, at the invitation of Chinese Government. It was earlier in the year when a 14-member delegation from the People’s Republic of China made on official visit to the Republic of Somaliland to study the economic and investment climate earlier in the year. The delegation which consists of some of China’s leading investors, government officials and members of China’s leading media-houses arrived in the capital Hargeisa. Mr. Qi told local press at the time that they were delighted with their trip to Somaliland and expressed their desire to invest in number of places in the country. They praised the people of Somaliland for their warm hospitality and for their achievements without international help. The state-owned China National Offshore Oil Corporation (CNOOC) attempted to acquire an interest in Somaliland potential oil reserves. The Chinese state oil giant, CNOOC, has already won permission to search for oil in part of Somalia, – coming to an agreement in 2007 with Abdullahi Yusuf Ahmed, the then head of the “Transitional Federal Government”, which demonstrates China’s willingness to brave Africa’s most volatile regions in its hunt for natural resources.” CNOOC’s deal with Somalia’s transitional federal government gave it exploration rights in the north Mudug region, some 500km north-east of Mogadishu. China has now approached the government of Somaliland, where earlier surveys also show the possibility of significant oil reserves. It is a truth, overlooked at your peril, that China is steadily building its influence in Africa and the Indian Ocean.
-
SSDF = another name for Bintiland. Samething. Besides i don't think you can read somali. Hence your confusion about the article. Cadowgaygu duurkiyo Hadduu doogga cawskiyo Dareemada ka badan yahay Aniguna dab baan ahay Digo shidan hadaad tahay Anna daad socdaan ahay Damal adag hadduu yahay Ana danab dhacaan ahay Baaruudda duushiyo Dubbe culus hadaad tahay Derbi soo ceshaan ahay Dulin dhiigga miirtiyo Dulmi hilan hadaad tahay Xaq dillaacay baan ahay Nin qabiil daftiisiyo Sita daramalkiisoo Ku dan qaba hadaad tahay Qaran dawladaan ahay Somali Weyn waa Tuma?
-
Somaliland Waa Qaran Geesi ah oo aanay ruxi karin Hadhaadigii Siyaad Barre iyo Fulayadii SSDF Written by Kaysar Cabdilaahi Maxamed Dec 16, 2010 at 12:16 PM Bahal Iga da'a weynoo Dad cun ahi ma joogee Ma Dididee Hargoolow Ha igu tumin Durbaanada Iyo Daasaaha Madhan Isku baydh Dad qalatooy "Abwaan Hadraawi" Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa soo baxayay abaabulka dhismo Ciidan oo ay wadaan Maamulka Puntland iyo Xukuumad ku sheegta ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya, dawladaas oo imika ay gacanta ku qabteen xubno cuqdadaysan oo ka tirsanaa Hadhaadigii Siyaad Barre kuwaasoo awoodii si dadban oo aan toos ahayn ugala wareegay Wadaadka tabarta daran ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Dhismahan ciidan oo ay ka qayb qaadanayaan calooshood u shaqaystayaal Koonfur afrika u dhashay, lana sheegay inay maal-galinayaan Qawlaysato carab ahi waxa ay horseed ka tahay weerar xeeladaysan oo loogu talo galo galay in lagu wiiqo degenaansha, horumarka, iyo dimuqraadiyada ka hano qaaday Jamhuuriyada Somalilan, taasi oo soo jiidatay indhaha caalamka una muuqata inay soo dedejinayso Aqoonsiga Somaliland, iyada oo dhinaca kalena Doorashooyinkii quruxdaba bandaa iyo horumarka xawliga ah ee ay Somaliland ku talaabsatay ay werwer iyo baqdin ku abuurtay kaligood taliyayaal badan oo ku dhaqan Qaarada Afrika, kuwaasi oo si weyn u Rabbi tuugaya in Somaliland ay burburto isla markaasna taageeraya wax kasta oo lagu wiiqayo Somaliland la iskuna hor taagayo in la Aqoonsado. Hadaba Shirqooladan cusub ee Somaliland iyo Shacbigeeda lala damacsan yahay ma noqon doonaan qaar lagu guulaysto? Si aynu Jawaabta u helno waxaa haboon in aynu taariikhda dib u milacsano. Waa Ayo Shacbiga reer Somaliland, Xorriyadooda Siday ku Heleen? Inkasta oo laga wada dheregsanahay Shacbiga Somaliland iyo Taariikhdiisa oo aynaan u baahnayn soo bandhigida qoraalo balaadhan, hadana waxaa xusid mudin in Shacbiga reer Somaliland ay yihiin dadka ugu ilbaxsan, ugu wadanisan uguna aqoonta badan shucuubta ku dhaqan geeska Afrika, waxay ahaayeen shacbigii xorriyada ugu hor helay dadka Afka Soomaaliga ku hadla, ee inay Dal gaar ah noqdaan ka door biday raadinta Somaliweyn, xorriyadoodiina u sadqeeyay helida midnimo Soomaaliyeed, waxay ahaayeen shacbigii sida weyn ugu dagaalamay xornimada Dalka Jabuuti iyo waliba dhulweynihii Soomaali galbeed, reer Somaliland waa shacbigii halkii ay ka filayeen inay abuuraan dawlad Soomaaliyeed oo si cadaalad ah umadeeda ugu adeegta loogu abaal guday xasuuq dhinac kasta ah, midnimo iyo walaalnimo ay helaan ha joogtee waxaa la isugu kaashaday in la isir tiro oo xasuuq dhinac kasta ah iyo cadaadis naxariis darro ah ayaa lagula kacay, waxaa aakhirkii ay dantu ku qasabtay inay qoriga qaataan iyada oo la dhisay ururkii geesiga ahaa ee SNM. Hadaba Kooxahan isa soo xulufaystay imika ee ciidamo dhisida iyo is hubaynta ku mashquulsani waxay qayb ka ahaayeen kana tirsanaayeen maamulkii naxariista darnaa ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre, waxaana ay sanadihii Sideetamaadkii ay dadweynaha reer Somaliland u geysteen dhibaatooyin culus oo aan xaashiyo yar lagu soo koobi karin iyaga oo istcimaalay awooddi Soomaaliya ay lahayd oo dhan sida Ciidamadii Lugta, ciidamadii Bada iyo Ciidamadii Cirka ee Sooomaaliya iyaga oo sidoo kalena soo kiraystay calooshood u shaqaystaal koonfur afrika u dhashay, waxa taliskaasi dhaqaale ku taageerayay dawladaha Carbeed oo ay si khaldan uga dhaaciyeen inay dad Yuhuud ah la dagaalamayaan, Taliskii Siyaad Barre waxa kale oo uu ku guulaystay in shacbiweynihii Gobolada waqooyi deganaa uu kala qaybiyo oo uu hub isugu dhiibo, marxaladaas qadhaadh ee reer Somaliland ay ku jireen maalmahaas waxaa uu Abwaanka Hadraawi si wanaagsan ugu tilmaamay maansanan. Maxaad gaadde hoosiyo gurrac iyo shirqool iyo tabo igu gantoobteen Maxaad garan-gartaydiyo guryahayga bi'iseen Gacal iyo tol wada yaal gobol gobol u u ooddeen laba aan is-gooyeen kala goonni yeesheen Maxaad laba gudboonayd midna garabka siiseen ka labaad u guusheen Maxaa Gaanni ciidmiyo hanad aan gardaadshoo ku goblamay birayseen Golxobkiinnu ku afuray maxaa geesi aan dhalay inta gowrac mariseen gorgor baahan siiseen Maxaa inan gashaantiya gayaxaha ka siibteen milgadeeda gawsheen ka xil baxay gayaankeed Xaaladu markay heerkaas gaadhay may furnayd wado kale oo u banaanayd shacbiga reer Somaliland ee la xasuuqayay oo aan ahayn inay Qoriga qaataan oo ay wax iska dhiciyaan, waxaana markiiba ay si geesinmo leh ay ugu babac dhigeen awoodii Afraad ee ciidan ee ugu weynad qaarada Afrika, waxaana sanado gudihii lagu soo afjaray Xukunkii Siyaad Barre iyada oo dhenged lagaga sifeeyay goboladii waqooyi, duhur dharaareedna si damaashaad ku jiro Burco ayaa lagaga dhawaaqay In Somaliland ay ka noqotay heshiiskii midowga koonfureed, iyada oo lagu dhawaaqay Madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland 18 May sanadkii 1991kii, waxaana mudadii intaas ka danbeysay ay reer Somaliland ku mashquulsanaayeen dib u dhiska dalkoodii burburay, iyaga oo nabadna kula noolaaday dawladaha iyo umadaha la derisk ah. Xulufadan imika soo cusboonaatay ee isu hubaynaysa isuna habar wacatay inay Somaliland furimo dagaal ku abuuraan, waxay u muuqdaan qaar durba iloobay dambiyadii ay hore ugu geysteen reer Somaliland, waxa kale oo ay iloobeen in reer Somaliland ay yihiin geesiyaal aan dagaal waxba lagu yeelli karin, guushana duhur dharaareed hantiya oo mar kasta cadawgooda jabiya. Waxay u muuqataa in reer Puntland ay ilowsan yihiin in Jabhadoodii SSDF ay ahaayeen kuwii halgankoodii ku fashilmay ee is dhiibay iyaga oo gacmaha madaxa saarayna ay Siyaad Barre gacmaha hoos dhigteen, halka ururkii SNM uu guul lagu faano oo taariikhi ah uu ka gaadhay halgankiisii, Reer Puntland waxay ilowsan yihiin in bulshada reer Somaliland ay yhiin dad Nabadgelyada iyo Deriswanaaga iyo Walaalnimada jecel, oo aan ku degdegin fidno iyo colaad, waxay reer Puntland iyo cadawga kaashanayaa ay ilowsan yihiin in Reer Somaliland ay yihiin Qaran isku filan oo leh Awood Millatari, mid Dhaqaale iyo Awood Siyaasadeed oo ku ilaashan karo qaranimadiisa. Xuluffo kasta iyo cid kasta oo isu soo kaashata inay waxay yeesho Somalilandna waxaan shaki ku jirin fashilmi doonaan, * Cadowgaygu duurkiyo Hadduu doogga cawskiyo Dareemada ka badan yahay Aniguna dab baan ahay Digo shidan hadaad tahay Anna daad socdaan ahay Damal adag hadduu yahay Ana danab dhacaan ahay Baaruudda duushiyo Dubbe culus hadaad tahay Derbi soo ceshaan ahay Dulin dhiigga miirtiyo Dulmi hilan hadaad tahay Xaq dillaacay baan ahay Nin qabiil daftiisiyo Sita daramalkiisoo Ku dan qaba hadaad tahay Qaran dawladaan ahay Somali Weyn waa Tuma? Marka la isku wada daro Kooxaha Soomaaliyeed ee deegaanadooda uu dabku ka holcayo oo ay ka mid yihiin qab-qablayaasha dagaalada, kuwa Dawald ku sheegta ku meel gaadhka ah, Xisbul Islaam, Alshabaab, iyo xataa kuwa fadhi ku dirirka ah ee ku abtirsada dalka Soomaaliya waxay dhamaantood sheegaan inay Midnimada Soomaaliya Muqaddas tahay, waxay meel walba kaga hadaaqaan heesihii gaboobay ee Soomaaliyay toosoo-toosoo isku tiirsada iyaga oo iska dhigaya qaar Midnimada iyo Somalinimada jecel, halka aynu ka ognahay inay yihiin kuwa ugu neceb Somalinimada ee masuulka ka ahaa burburkii ummada, kuwa midnimada ku doodayaa waxay middayn kari waayeen deegaanada ay ku nool yihiin, waxaanay u kala qaybsan yihiin boqolaal kooxood oo midba mida kale ay cadow ku tahay, wax kale iska daayoo kuwii ku doodayay inay Diinta Islaamka u hiilinayaan ayaa kooxo u kala baxay oo xabada iskula dhacaya Xamar gudaheeda, Midnimada ay markaas ka hadlayaan waa mid xagee taallaa? Inta aanay midnimo Somaliland iyo Somaliya dhex marta ka hadlin, waxaa la gudboonayd inay marka hore iyagu is nabadgeliyaan oo ay nabadgelyo samaystaan. * Duni aanan weli maqal Nin I daawisiiyow Kuma arag daraandaro Midabbada dalxiiskiyo Ku dalaysan dheehee Dux la'aanta gadantee Wax intaas ka door roon La dugsado ma haysaa? Ugu danbayn waxaan usoo jeedinayaa Xukuumada Somaliland inay qaado hawl galo degdeg ah oo lagu weerarayo goob kasta oo lagu tuhmo in laga soo abaabulayo cadawga Somaliland, waxaana loo baahan in dadweynaha reer Somaliland ay indha furaan, kana hor tagaan xulufada shaydaaniga ah ee isu soo gaashaan-buuraysatay inay khalkhaliyaan amaanka iyo Qaranimada Muqadaska ah ee Somaliland, sidoo kale waxaa looga fadhiyaa Wasaarada Gaashaandhiiga ee Somaliland inay ku dhaqaaqdo talaabo kasta oo lagu xoojin karo Ciidamada Qaranka ee Somaliland dhinac kastaba, loona hawl galo in hubka noocyadiisa kala duwan degdeg dalka loo keeno, kol hadii si cad loo jabiyay cuno qabatayntii hubka ee la saaray Geyiga Soomaalida. NB: Tixaha suugaanta ahi waxay ka mid yihiin Maansooyinka Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi
-
Nothing new. Most arabs become spoiled once they get an ounce of wealth.
-
Wasiirka Cadaalada JSL Ismacil Mumin Aar “Ninkii Soomaaliya Uga Qeyb Galayay Shirkaasi Waxaan Ku idhi Istaag Oo Taageer Somaliland Waayo Dumarkii iyo Carruurtii Aad Madfaca la Dhacaysay Waxay Ku Sugan yihiin Somaliland , Haddii kale Waanu Idiin Soo Celinaynaa” Wasiirka Cadaladda Somaliland Prof. Ismaaciil Hargeysa(OWN)-Wasiirka Wasaarada Cadaalda Somaliland Prf. Ismaaciil Muumin Aar Ayaa maalintii shalay Hotelka Ambassador ee magaalada Hargeysa ka furay Shir laga waxa xaajoonayey sidii sharco loogu samayn lahaa Budhcad badeeda, sidoo kalena waxa uu Wasiirka Shaaca ka qaaday in mar uu ka qayb galayey Shir laga hadalayey Budhcad badeeda in uu Ninkii shirkaas Somalia wakiilka uga ahaa in uu ku hadaday in uu Somaliland Taageero Hadii kale Ay Somalilnad Dib u celin doonto Dadka Magan galyodoonka ah ee ka soo bara kacay Dagaalada ka socda Magaalada Muqdiasho, ku waas oo ku sugan Gudaha Somaliland. Shirkaasi ka soo qeyb galay Wasiirrada Wasaaradaha Cadaaladda, Kalluumaysiga, Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Gudaha, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Xoghayaha guud ee Guurtida iyo Ururka Haweenka qareenadda ah. Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Somaliland Md. Ismaaciil Muumin Aare oo ka hadlayay kulankaasi wuxuu yidhi “Waxaynu sidaad la socotaan aynu qeyb ka nahay caalamka dagaalka kula jira budhcad badeedda. Waxa Somaliland inoogu yimid dhawaan ninkii la dagaalanka budhcad badeeda kala taliya Xoghayaha guud ee qaramadda Midoobay, Madaxweynaha ayay ka wada hadleen arigtida aynu ka qabno budhcad baddeedda, Madaxweynuuhu wuxuu yidhi waxaanu masuuliyadeeda qaadaynaa wixii xeebahayaga ku soo xad gudba. Wixii maxaabiis ah ee la isku gudbinayo waa inay ka wada hadlaan labada dal ee midna uu ku xidhan yahay iyo ka kale waanna inay heshiis ka gaadhaan.” Prof. Ismaaciil Muumin wuxuu ka hadlay kulan uu dalka Denmark kaga qeyh galay oo lagaga hadlayay arrimaha budh cad baddeeda, waxaanu yidhi “Aragtida aynu ka qabno dal ahaan arrimaha budhcad badeedda waxaanu la tagnay dhawaan Copanhegan xarunta Denmark oo ay ku shirayeen in ka badan 50 dal, Somaliland ahaan ayaanu ku fadhinay oo miiskayaga waxa noogu qornaa Somaliland, waxa kale oo ka soo qeyb galay dawlada Shariifka iyo maamul goboleedka Puntland, ninkii Soomaaliya uga qeyb galayay shirkaasi waxaan ku idhi istaag oo shirka ka taageer Somaliland waayo dumarkii iyo carruurtii aad madfaca la dhacaysay waxay ku sugan yihiin Hargeysa, Burco, Berbera iyo Boorame, haddii kale waanu idiin soo celinaynaa. Waxaan u sheegay inay Somaliland dadkaasi soo barokacay ay nabad ku joogaan, Ninkii wuu sarokacay wuxuu yidhi waanu ku taageersan nahay oo nabadgelyo ayay samaysay, Dawladihii waaweynaa ee halkaasi ka soo qeyb galay oo Maraykanka iyo Ingiriisku ka mid yihiin waxay sheegeen inay Somaliland waxqabsatay nabad gelyana ay dadkeeddu ku nool yihiin.” Wasiirka oo ka hadlayay sida loogu baahan yahay inay Somaliland samayso shuruuc lagula dagaalamo Budhcad badeedda, waxaanu yidhi “Waxaynu isu nimid inaynu isla eegno oo ansixino wixii Guddida dib u habaynta shuruucda qaranku ay soo diyaariyeen sanadkii hore inagoo ka faa’iidaysanaya taageerada caalamku inaga siinayo arrinta budhcad badeedda. Waxa jeelasheena ku xidhan budhcad badeeddii inagoo doonayna in Hayadaha caalamiga inaga taageeraan horumarinta ciidamaddeena Ilaalladda xeebaha. Waxaynu u baahan nahay in la inaga taageero Kalluumaysiga..” Sidaana waxa yidhi Wasiirka Cadalada Somaliland Prof. Ismaaciil Muumin Aar. Oodweynews.com/HargeysaOffice
-
Garowe today is the very heart of the Somaliworld
Saalax replied to General Duke's topic in Politics
@Veteran ball player lol. -
Garowe today is the very heart of the Somaliworld
Saalax replied to General Duke's topic in Politics
Somalina;680664 wrote: Odeygan heart attack yuusan ku dhicin! it is obvious that he is out of shape. -
GeneralDuke. Lets not fool ourselfs i don't know about Sool. But surely the team picked from Sanaag was from Eastern Sanaag therefore they represent Eastern sanaag as far as i am concerned. However out of neighbourly relations i want the Eastern Sanaag team to win the cup.
-
Where is the Eastern Sanaag team? Did they win? I am rooting for them.
-
Blah Blah. Typical Lowyokuus Faan. Hadaad wax isku haysiin come to Las canood.
-
Popular Contributors