Saalax

Nomad
  • Content Count

    10,383
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    24

Everything posted by Saalax

  1. Haadi anu iska ilaalino iyo haadi kaleba. Ariintas Somaliland bii uu tal.
  2. Ma wasiirka informationka JSL ba dog ku sheegaysa?. War isku xishood.
  3. Don't worry about Xaabsade. He is at where he belongs.
  4. You might be able to assist them with weapons as far as it goes. However puntland knows if they get involved another 2007 will happen to them.
  5. ^^^ At the end of the day Faroole is sidelined in garowe. They are missing out. you have no say sadly.
  6. Funny. How people suddenly get concerned when Somaliland decided to send more troops. The so called SSC militia shouldn't have attacked the army in the first place. If they can't handle the heat they should get out of the kitchen.
  7. Ciidamada Qaranka Somaliland oo ku sii qulqulaya degaanka kalshaale iyo Xaalada oo cakiran. THURSDAY, 10 FEBRUARY 2011 Burco(Togdhnews)-Ciidamada qaranka somaliland oo ay weheliyaan gaadiidka kala duwan ee dagaalka ayaa ku sii qulqulaya degaanka kalshaale ee dhawaan dagaalku ka dhacay. Ciidamadan qaranka ayaa la sheegay inay biiri doonaan cutubyadii hore ee halkaasi ku sugnaa,sidoo kale,wasiiro ka tirsan xukuumada madaxweyne Siilanyo iyo saraakiil sare oo ciidamada ka tirsan ayaa la filayaa inay ilaa berito soo gaadhaan magaalada Burco ee xarunta gobolka togdheer,halka qaar kalena uga sii gudbi doonaan dhinaca magaalada laascaanood ee gobolka sool. Ilaa shalay ayaa waxa muuqanaya abaabulada iyo diyaargarowga xoogan ee ay ku hawlan yihiin masuuliyiinta xukuumada somaliland ,kuwaasoo tilmaamaya in markale dagaal culusi ka qarxo degaanka kalshaale. Geesta kale,degaanka buuhoodle ayaa wararka ka imanaya sheegayaan i abaabul balaadhani ka socdo halkaasi. iyadoo ay soo gaadheen wasiiro ka tirsan maamulka puntland kuwaasoo ilaa hada ku sugan.
  8. Taliska Guud Ee Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Si Kulul U Beeniyey Hadal Ka Soo Yeedhay Nin Sheegay Inuu Ka Mid Ahaa Ciidanka Qaranka Oo U Goostay Dhinaca Kooxda Nabad Diidka. Hargeysa (Ramaas) Feb. 09, 2011- Taliska guud ee ciidanka qaranka Somaliland, ayaa si kulul u beeniyey hadal ka soo yeedhay nin sheegtay inuu ciidanka qaranka ka tirsanaa oo u baxsaday maanta dhinaca kooxda nabad diidka ah ee ku sugan degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer. Taliyaha guud ee ciidanka milateriga Somaliland Col, Nuux Ismaaciil Taani, ayaa galabta beeniyey inuu ka tirsanaa ciidanka qaranka ninka lagu magacaabo Axmed Maxamed Dalbac oo galabta sheegay inuu ka soo goostay ciidanka qaranka oo uu ka soo tirsanaa, isla markaana uu la soo baxsaday gaadiid tikniko ah iyo ciidan ka soo jeeda deegaankaas, isagoo sheegay inuu hada ku sugan yahay magaalada Buuhoodle. Col, Taani, waxa uu sheegay in aanu ninkan si rasmi ah uga tirsanaynayn ciidanka qaranka Somaliland, hase yeeshee uu hor jooge u ahaa ciidan beeleed tiradoodu dhamayd 30 askari iyo saddex gaadhi oo tikniko ah, waxaanu taliyuhu sheegay inuu markiisii horeba uu ka soo goostay dhinaca maamul-gobolleedka Puntland. Taliye Nuux Ismaaciil Taani, waxa kale oo uu xusay in aanay ciidanka Somaliland iyo qarankaba aanay waxba u dhimi Karin baro bogaandooyinka ay faafinayaan kooxdaha nabad diidka ah ee ka soo horjeeda gooni isu taaga Somaliland. Ugu dambayntii Taliyaha ciidanka qaranku, waxa uu sheegay in ciidanka milateriga Somaliland ay diyaar u yihiin dufaacitaanka qaranka Somaliland, isla markaana aanay marnaba u dulqaadan doonin cid kasta oo taako ka mid ah dhulka Somaliland ku soo xadgudubta. Ramaasnews Desk
  9. It was ssc who attacked the army first. They are the ones who are creating the fidna.
  10. A_Khadar . Then why did the SSC militia fled to buhoodle? Kalshaale is still in the hands of Somaliland.
  11. Maxaabiistii lagu Soo Qabtay Dagaalki kalshaale ayaa la Soo Gaadhsiiyey Xabsiga Dhexe ee Burco. TUESDAY, 08 FEBRUARY 2011 Hargaysa-(Togdhnews)-Maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii shalay ka dhacay Deegaanka Kalshaale ee ay ciidamada Qaranka Somaliland ay gacanta ku dhigeen ayaa la soo gaadhsiiyay Xabsiga Dhexe ee Magaalada Burco, kuwaasi oo ay tiradoodu dhan tahay 13 Maxaabis, oo laga Soo Qabtay Maleeshiyadii ka soo jeeday Deegaanka Buuhoodle. Deegaamadii ay shalay ka dhaceen Dagaaladu ayaa maanta degan oo aanay wax dagaal ahi ka dhicin marka laga reebo Madaafiic salaadii hore ee Saaka laysku riday balse aan si soconin, waxaanay wararku sheegayaan in ilaa xalay ay deegaankaasi ku sii qulqulayaan gurmadyada ciidan eek u sii qulqula halkaasi. Dhinaca kale Magaalada Buuhoodle ayaa waxaa soo gaadhay Masuuliyiin ka socota Maamulka Puthland oo ilaa hada ku sugan, waxaanay wararka ka imanaya halkaasi ay sheegayaan in xaalada deegaankaasi kacsan tahay kana socdaan abaabul dagaal. Si kastaba ha ahaatee dagaalkan shalay dhacay deegaanka Kalshaale ayaa ahaa kii ugu cuslaa ee ka dhaca halkaasi kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac ilaa hadana ma jirto cid ku hawlan wanwaan colaadeed oo ka dhacda halkaasi balse waxa ka socda abaabul dagaal oo xoogan.
  12. The irony they are complaining now when they first attacked the sland army. And now moaning when things got heated. You know what they say if you can't handle the heat get out of the kitchen.
  13. Taleexi. Maxan "inshallah" uu kaga reebeeye? whoever attacked the innocent people in qorilugud and now the army. Shall pay. Inshallah.
  14. Cidaanka Qaranka wa ini shaaqo ficaan ka qabtan kooxdan nabadiidka ah ila gudaha magaalada Buhoodle(saldhiigoda). Inshallah.
  15. Shirqoolo ka Dhan ah Halganka iyo Kacdoonka Shacabka SSC oo ka socda Garoowe. Tan iyo intii ay bilaabatay kacdoonka shacabka dadaweynaha SSC ee is haysta ilaa Kalshaale iyo Laascaanood, waxaa jiray shirar kala gedisan oo ka soconaya magaalada Garoowe, Shirarkaas ayaa waxaa lahaa dhamaan xubnahaga Golaha wasiirada ee maamulka Faroole kuwaasoo badankoodu soo jeediyeen in taageero Hiil iyo hooba leh la isla garab taago shacabka SSC. Hase yeshee waxaa arintaas aad uga soo horjeestay Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Abdi Samad Cali Shire iyo weliba xubno kale oo asaga lka ag dhow, waxaana la sheegay in Odey Abdi Samad hada uuba ka cad cad yahay Faroole, waxaana dhawaan uu C/Samad Taliye ciidan u magacaabay Maxamed Raage kaasoo ujeedkiisu ahaa in lagu bur buriyo Ciidamada Tukaraq jooga ee ka soo jeed Deeganada SSC kuwaasoo diidey inay hoostagaan maamulka Garoowe. Abdi samad ayaa la sheegay inuu lacag fara badan u dhiibey Maxamed Raage isla markaana uu ku amray inuu kala fur furo Ciidankaas iyo weliba shir u soconayey odayaasha deegaankaas, oo ay kaga arinsanayeen mustaqbalka Hubka iyo ciidamada uu hore gacanta ugu hayey Ahmed Karaash. Maalinimadii khamiista waxaa ka dhacay guriga uu C/Samad ka degan yahay Garoowe qyabtqa madaxtooyada mudahraad ay soo abaabuleen shacabka degan Garoowe ee ka soo jeeda SSC, waxayna ka dalbanayeen inuu fadhiga ka kaco, isla markaana uu dadkiisa is garabtaago. Waxaase jawaabtii ka timid dhanka C/Samad noqotay in xabado lagu rido maatadii banaanbaxaysey kuwaasoo diidanaa ficil la’aanta uu odeygu deriska u noqday. Habeen hore ayaa la sheegay in la qabtay shir Alabaabadu u xidhan yihiin oo Abdisamad iyo Faroole oo ay weheliyaan Cali Dolar iyo Abdi halas madaxtooyada ka dhacay kaasoo Abdi Halas ka sheegay in mudaharaadkii Khamiistii laga soo abaabulay Tukoraq, isla markaana loo baahan yahay in laga hortago waxa ka soconaya magalaadaasi. Warar aanu ka helnay ilo laagu kalsoon yahay oo ku sugan Garoowe waxay sheegeen in hoosta laga xariiqay in ciidanka Tukoraq ku sugan loo aqoonsado cadaw, lana mid ah ciidan ku soo duuli kara Gaaroowe , sidaas daraadeedna hadaan lagu wareejin wasiirka cusub ee Ahmed Cali Askar in talaabo militery laga qaato. Arintaas ayaa la sheegay in la isku waafaq, waxaana intaas ka dib shalay oo ahayd habeenimadii uu shirku dhacay maalinimadeedii hadanma mudaharaad sameeyey shacablka SSC ee goowe degan, kuwaasoo boodhadh ay SSC ku xardhan tahay isla hortubay guriga Madaxweyne ku xigeenka C/Samad Cali Shire. Waxayna ku dhawaaqayeen” SSC ha noolaato” Dan umada uma haysid” dadkaagaa waa la laynayaa” iyo erayo kale. Waxaase arintaaas aad uga cadhoodhay Odey Abdi Samad oo amarku bixiyey in jeelka la dhigo haweenka, taasoo ay wiilasha dhegaha fudud ee ilaaliya C/Samad markiiba ku dhgaqaaqeen, suuqa Garoowena jiid jiideen gabdho *********** ah, ayadoo ay dadka kale ee magaalada degana daawanayeen. Waxaana hada la sheegay in 28 dumar ahi jeelka habeenkii labaad ku hoyanayaaan, tasoo ay aad uga xumaadeen shacabka kale ee SSC ee jooga Garoowe, Xildhibaanada ka soo jeeda SSC ayaa la sheegay in qaarkood basaasiin yihiin, oo qofkii soo qaada in loo hiiliyo shacabka *********** ay jiraan kuwo Abdi Samad u shaqeeya oo markiiba u gudbinaya taasoo lagaga jawaabo inta badan in xilka laga qaado. Abdi Salaan Siciid Cartan. Soomaaliya.
  16. Garoowe(Jidbaale):- In ka badan 30 haween ah oo ka soo jeeda deegaanadda SSC ayaa magaaladda Garoowe lagu xidhay labadii maalmood ee u danbeeyey iyada oo tiro kalena la raadinayo, haweenkan ayaa mudaharaad xoogle ku sameeyey Cabdi Samed Cali Shire iyaga oo isku soo baxay afaafka hore ee xarunta maamulka Garoowe. Kuwaas oo ku dhawaaqayey Erayo ay ku kicinayaan Cabdisamed haweenkan ayaa markii danbe ku bilaabay Shiid guriga uu dagan yahay Cabdisamed Cali shire kolkaas oo Askarta Ilaaladda u ay xabado ugu jawaabeen dibad baxayaashan. Shalayto ayaa galinkii danbe hadana Cabdisamed ku yaala dhinac Bari ee Magaaladda mar kale waxa ay haweenkani ugu tageen guriga kuwaas oo ka dalbayday in uu sida ugu dhakhsiyaha badan uga baxo magaaladda, waxana ay wateen boodhado ay ku qoran yihin Erayo lidku ah Cabdisamed Cali Shire isku dhac ayaa dhexmaray Haweenka Mudaharaadayey iyo Ciidamadda Ilaaladda u ah Cabdisamed oo qoryo dabadood la dhacay waxa ay jeelka u taxaabeen 30 ka mid ahaa mudaharaadayaashii waxna ay ku daba joogaan intii ka carartay Haweenkan ayaa ilaa maanta u xidhan Cabdisamed isaga oo diiday in uu soo daayo waana markii ugu horaysay oo Gabdho SSC ah ku xidho ,xili ay ku waaninayaan dano ka dhaxeeya. 1.Xamdi Farax Ciise 2.Caasha Cali Muuse 3.Muna Jaamac Bashiir 4.Deeqa Jaamac Bashiir 5.Farduus Xuseen Xassan 6.Nuura Cabdi Garaad.
  17. Buuhoodle: “Waxaan waligeed dhicin…ayaa dhacay” Afhayeenka Cuqaasha Gobolka Buuhoodle SUNDAY, 06 FEBRUARY 2011 Buuhoodle, (Togdhnewsl)- Odayaal iyo Madax-dhaqameed ka soo jeeda degaanka Buuhoodle, ayaa ugu baaqay bulshada iyo Maddax -dhaqameedyada Somaliland uga arrimin lahaayeen xal-nabadeed laga gaadho xaalado ay sheegeen inay ka taagan yihiin oo ay tilmaameen inaanay ku qanacsanayn xalkii uu go’aamiyay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo). Chief Caaqil Cabdillaahi Yuusuf Kooreeye iyo Caaqil Maxamed Nuux oo sheegay inuu yahay afhayeenka Cuqaasha Degaanka Gobolka Buuhoodle, ayaa si wada-jir ah khadka talefoonka ugula soo xidhiidhay Wargeyska Ogaal, kuwaasoo shaaca ka qaaday in baaq u dirayaan guud ahaan bulshada Somaliland, gaar ahaana Madax-dhaqameedka Beelaha Somaliland, kuwaasoo ay ka dalbanayaan inay si dhexdhexaadnimo leh u soo dhex-galaan wax ay ku tilmaameen khilaad qabiilooyin ay degaan wadaagaan. “Bishan 1-deedii dagaalkii ka dhacay Hagoogane, rag shacab ahaa, ayaa meesha lagu soo doontay, waxaana cagta mariyay ciidankii Somaliland.” Sidaa waxa yidhi Caaqil Maxamed Nuux. Isaga oo ka hadlayay sidii wax u dhaceen waxa uu yidhi, “Waxaan waligeed dhicin oo aan waqooyiba (Somaliland) ka dhicin ayaa dhacay.” Waxaanu sheegay in ciidan ka soo jeeday beeshooda oo ka tirsanaa ciidamada Somaliland ay dhinac kale u leexdeen, taasoo uu caaqilkaasi ku tilmaamay inay horseeday dhacdooyinkii ugu dambeeyay. “Sidan maamul-xumo iyo cadaalada-xumo ayaa keentay iyo go’aan la’aan, waxaananu maamulka Somaliland ku eedaynaynaa dhibaatada dhacday. Hub aan weligeed laysu adeegsan ayaa laysu adeegsaday, waxa dhacday meesha la yidhaahdo Kalshaale, maalintii Mandaraqa lagu dhuftay ayuu Madaxweynaha gaadhsiiyay wax-garadkaygu inuu wax ka qabto. Waxa kale oo dhacday in xataa madaafiic ay labadii ciidan isu adeegsadeen.” Ayuu Caaqilka Afhayeenka isku magacaabay intaa ku daray. Isaga oo ka hadlayay go’aankii Kalshaale loogu wareejiyay ciidamada qaranka, waxa uu yidhi, “Waxa ka daran meeshii ay labada reer ku heshiin waayeen ee Kalshaale, ayaa wuxuu yidhi (Madaxweynaha Somaliland) waxa laga dhigayaa fadhiisin ciidan.” Ugu dambayntiina waxay Caaqilladan iyo Odayaal kaleba baaq u soo jeedinayaan Beelaha Somaliland. “Waxaanu beelaha Somaliland u sheegaynaa inay ka tashadaan oo shirar-beeleedyo la qabto, waxaananu la yaabanahay sababta ay waxgaradkii beelaha kale,” ayuu raaciyay isaga oo u jeeday in marka laga saaro beeshooda ay beesha ay is-hayaan ay beelaha kale ee ka baxsani arrintaa dawadeeda u raadiyaan….”U qaban waayay, taana weli ma hayno, xataa hadii ay waxgaradka beeluhu isu taagaan wax-ka-qabashada ama madax-dhaqameed ha ahaadaan ama Mutacalimin ama Golayaal, way wanagsanaan lahayd.” Ogaal
  18. Cabdisamed Cali Shire oo 30 haween ah oo ka soo jeeda SSC ugu xidhxidhan yihiin Garoowe. Written by Jidbaale Sunday, 06 February 2011 05:28