-
Content Count
10,383 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
24
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Saalax
-
Calling Galckayo a peaceful island is an insult to "peace". Perhap Garowe can be called "a peaceful island in somalia" but not Galckayo which has a high rate of crime, robbery, killing of officials, elders etc.
-
lol@peaceful island. Oh yh a peaceful island where officials, elders get assassinated daily. "A peaceful island indeed"
-
^^
-
Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo ka digtay ka qaybgalka shirka lagu wado inuu ka dhaco dalka Kenya Axad, Abriil 03, 2011 (HOL) – Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa ka digtay ka qaybgala shirka ka dhacaya dalka Kenya, kaasoo uu qabanqaabinayo wakiilka UN-ka ee arrimaha Soomaaliya danjire Augustine Mahiga, iyagoo sheegay in qodobbada kasoo baxa shirkaas aanay ka dhaqangalayn Soomaaliya. "Shirkan waa shir uu cadowg wato, uuna ku doonayo inuu ku dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed, waana diidnay," ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho. Hoggaamiyihii hore ee Xisbul Islaam oo haatan ka mid ah saraakiisha Xarrakatul Shabaab ayaa sheegay in shirkaas aan laga qaybgelin, sidoo kalena ay ku wargelinayaan caalamka in Soomaaliya aysan ka soconayn wax aanay shacabku doonayn. "Waxaan ku wargelinaynaa kuwa shirarkaas wada iyo inta isku sharraxaysa inaysan Soomaaliya ka hirgalayn qodobbada kasoo baxa, innaguna aan diidnay, dalkanna ay ka socon karto oo keliya wixii ay shacbka Soomaaliyeed doonayaan oo ah diinta Islaamka," ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir. Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa diiday ka qaybgalka shirkaas iyagoo ku tilmaamay mid aanay dani ugu jirin Soomaaliya, sidoo kalena uu yahay mid lagu kala jarjarayo Soomaaliya. Wakiilka Qarammada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya danjire Augustine Mahiga ayaa sheegay in shirkaas uu yahay mid aan go'aan looga gaarayn aayaha dalka Soomaaliya, balse uu yahay mid wadatashi ah oo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya. Hadalka kasoo baxay Xarrakatul Shabaab ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ay uga hadlaan shirka ka dhacaya Nairobi, kaasoo wakiilkas Qarammada Midoobay ee Soomaaliya uu sheegay inuu socon doono 12 illaa 13 bishan Abriil. http://www.hiiraan.com/news/2011/Apr/wararka_maanta3-13083.htm
-
http://taleex.net/2011/04/03/dabyley-raashin-abaaraha-loogu-talagalay-ku-boobay-degmada-buuhoodle
-
http://horufadhi.com/2011/04/03/shacabku-wuxuu-doonayaa-in-la-rido-garaadada/
-
Buuhoodle: Dhalinyaro Hubaysan Oo Maleeshiyadda SSC Ciidan Ahaan U Qorteen Wakhtiyadii Ay Soo Weerari Jireen Ciidamada Somaliland Oo Raashin Mucaawimo Ah Boobay. Hargeysa (Ramaas) Aprill 3,2011- Kooxo Dhalinyaro ah oo ka mid ah kooxihii maleeshiyadda nabad-diidka ah ee SSC u qorteen inay ciidan ahaan u adeegsadaan wakhtiyadii ay weerarada gaadmada ah ku soo qaadi jireen ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan jiidaha ku dhadhow Buuhoodle ayaa maanta boobay raashin loogu tallo-galay in la gaadhsiiyo dadka abaaruhu hayaan ee ku nool deegaanka Buuhoodle. Raashinkan oo la sheegay inay soo direen dadka qurbaha ku nool ee ka soo jeeda deegaanadaasi oo ka koobnaa, sonkor, daqiiq, bariis iyo waxyaabo kale oo tiro badan ayaa dhalinyaradan hubaysani boobeen ka dib markii iyagga oo gudaha Buuhoodle ku sugan raashinka la keenay si loogu diyaar garoobo qaybintiisa. Gudddoomiye ku xigeenka Magaaladda Buuhoodle Maxamuud Sheekh Cumar oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka xun yihiin waxa ka dhacay, isaga oo sheegay in baahida deegaanadaasi ka jirtaa sababtay in boobka noocan ahi dhaco, isaga oo ka gaabsadsay inuu tafaasiil ka bixiyo waxa ay ka yeelayaan dhalinyarada falkan geystay. Guddoomiye ku xigeenka Magaaladda Buuhoodle, oo arimahaa si kooban uga hadlayaana waxa uu yidhi “Baahiddii abaareed iyo dad hubaysan ayaa is helay, taasina waa mida keentay dhacdadaasi horseeday in dadkii loogu talagalay raashinka uuna gaadhin”
-
Shacabku Wuxuu Doonayaa In La Rido Garaaddada Written by Jidbaale.com Maqaal(Jidbaale.com):-Saddexdii bilood ee ugu danbaysay dunida Carabta waxaa ka socotay mawjado baaxado waaweyn, oo shacabka waddamada Carabtu dhammaantood ku muujinayeen siday u doonayaan isbaddelka, waxaana xukunkii laga tuuray labadii madaxweyne ee ugu xoogga-weynaa, shacabkoodana six un u bahdilay. Waxaana hadda ku daba jira Qadaafiga Liibiya, iyo Cali C/lla Saalixa Yaman, waxaa isaguna hadda lagu bilaabay Bashaar Al-asadka Suuriya, waxaana mudaharaadyo baaxadweyni ka dhacay wadamada ugu hodansanaa dunida carabta, Sida Bahrain, Oman, waxa kale oo is-baddelladu saameeyeen Morocco. Inkasta oo aan si qoto dheer laysu dhinac dhigi Karin dalalka Carabta iyo Xaaladda SSC, haddana waxay iska shabahaan dhinaca madaxda Carabta oo shacabkooda markasta khiyaano iyo daba martayn kuwada. Waxaa la odhan karaa shacabka Carbeed madaxdoodu waxay ula dhaqmeen si ka baxsan bani aadannimada, iyaga oo markasta waxa ay ka codsadaan reer galbeedka u sameeya, heshiisyo hoosaadna la gala, xoogaa sandareera ahna ka qaata, oo aan markaas u qalmin waxa ay saxeexeen reer galbeedka. 50kii sano ee u danbeeyey madaxda Carbeed waxay markasta si dullinimo ah gacanta u hoorsanayeen reer galbeedka, iyaga oo Dhulkoodii dhaafsaday dhaqaale yar, sida Masar oo sannad kasta Maraykanku siin jiray xoogaa dhaqaale ah, si ay u raalli galiso reer galbeedka iyo Israil. Carabta kalena waxay muddooyinkii ugu danbeeyey reer galbeedka ugu nacamlayn jireen waxa loogu yeedho la dagaallanka Argagixisada, shacabkoodiina cabudhiyeen oo xataa in ay shaqo u abuuraan diideen, waana sababta keentay in ninkii Dhalinyarada ahaa ee u dhashay Tunisia “Bucazeez” uu is gubo ka dibna kacdoonkii ugu baaxadda weynaa qarxo, sanamyadii ugu xoogga-weynaana loo riday sida Mubarak iyo Zaynil Cabidin Bin Cali. Waxayna Shacabka Carbeed bilaabeen in ay halku dhig ka dhigtaan “Shacabku wuxuu doonayaa in la rido Daallinka”. Haddaad u fiirsatid Shacabka *********** 20kii sano ee ugu danbaysay waxaa sharaftoodii iyo karaamaday lahaayeen dhulka la simay, Niman loogu magac daray Garaaddo, isla markaana loohuwiyey Harqado badankooda laga soo waariday waddanka Suuriya, oo loogu talo galay in la saaro miisaska cuntada ee waddamada Shaam “Suuriya, Falastiin, Urdun Iyo Lubnaan”. Waxaana mid walba horjooge looga dhigay magac la yidhi sidaad doonto ka yeel, kaad dulmidid, kaad eex ka gashid iyo kaad magaciisa gunno ku heshidba waad u madax bannaan-tahay. Wuxuuna mid waliba samaystay Shaanbad yar, oo marka loo baahdo ee mid doonaya in loo shaanbadeeyo warqad ku socota Hargeysa ama Garoowe, aroortii laga raadiyo Jikada (Madbakha), ka dibna khad loo raadiyo warqaddana lagu dhufto, sababta ay shaanbadaha qaarkood jikada guriga u yaallaan ayaa waxa lagu sifeeyey in xataa Wasaaraddooda arrimaha guduhu ogaato waxa lagu dhuftay iyo kharashka soo xerooday, waayo waa isha kaliya ee dhaqaalaha soo xeraysa Shaanbadda girgiraha canjeelada agtaalaa, muddooyinkan danbe qaarkood way ilbixiyeen shaanbadda, oo taaj boqor ayey soo saareen. Garaaddada SSC. 20kii sano ee ugu danbaysay waxay u kala gooshayeen Garoowe iyo Hargeysa, kaan isagu tagin kistiisa ama walaalkii ayaa u soo qaadayey ama kuu dhalay, waa tii soo gaadha meeshay doontaba ha soo martee, xawaalad kolay ku tahay. Sidee ayeysan u soo gaadhin? kii ay ugu dhufteen shaanbadda ayaaba ku dagaalamaya sidii uu ugu abaal gudi lahaa shaanbadda shaqada siisay, haddii labada maamul laga magacaabayo shaah qaadaha xafiisyada, kana soo jeeda raggaas waa in shaanbaddu ku soo dhacdaa. Waa dhici kartaa in aanay intooda badani Hargeysa tagin, haddana shaanbaddoodu waa taallaa, maxay tahay laba aflayntani, waa kee ka ka dhaaran karaa in aanay shaanbaddiisu oollin Hargeysa?. Tusaale Haddaan Usoo Qaadanno. Garaad C/laahi Garaad Soofe waxaa u jooga Hargeysa Walaalkii Cismaan Garaad Soofe, oo maanta weerarku soo ah Buuhoodle, Garaad Saleebaan Garaad Maxamedna waxaa Hargeysa u jooga Walaalkii Qawdhagayste iyo Adeerkii Cismaan, Garaad Jaamac Garaad Calina waxaa marna Hargeysa ka ahaa Wasiir marna Garoowe adeerkii C/xamiid Garaad Jaamac. Ugaas C/laahi Ciisena waxaa u joogay Hargeysa Walaalkii oo ka ahaa taliyaha Asluubta ee Hargeysa. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciilna waxaa Hargeysa u jooga Inaadeerkii C/risaaq Khaliif Axmed Dawdar, oo maanta u hanjabaya shacabka Laascaanood, Garaad Abshir Saalaxna Adeerkii, oo isaguna ah Sarkaal ka tirsan Hargeysa. Waa su’aale sidee arrimuhu isu qabanayaan kuway cid isugu xigeen ayaa dalka hore iyo haddaba cadawga ku soo hogaaminayee?. Waxaa daliil cad oo markhati ma doonto kuu ah odayaasha noloshoodii iyo shaqadoodiiba saas noqotay inaysan cidnaba matali karin, iskaba daa inay warqad lasoo hordhigo saxeexaan, taasoo hadda sababtay inay Safiirkii Ingiriiska ee dhawaan soo Gaadhay Garoowe, una kuurgalayay cabashooyinkii dhowaan Shacabka SSC gude iyo dibadba ka mudaharaadeen, iyagoo ka dacwoonaya in Ingiriisku u janjeedho xagga maamulka Soomaalidiidka, kaalmadii uu siiyayna ay u adeegsadeen waddo qaldan. Sidaa darteedna u yimi Garoowe yaa sideedaba matala shacabka SSC maamul ahaan, isla markaasna wada-xaajood qarsoon, oo dhexmaray Isimada iyo Safiirka in waraaq laga saxeexdo in Maamulka Puntland matalo shacabka SSC, oo ay hoostagaan. Xaaladda Iyo Meesha Ay Hadda ku suga Yihiin. Garoowe hadda qaarkoodbaaba Gaws-danbaydka ku haysta, kuna raalliya in lagu xannaaneeyo Maxjarka Hotel Hoorshe sida loogu xannaaneeyo Maxjarrada ku yaalla Boosaaso iyo Berbera Adhiga loo rarayo Khaliijka. Waxaanse shaki ku jirin in hadday kun warqadood ku qoraan Puntland ayaanu nahay kuwa haatan jooga Garoowe in aanay Xukuumadda Garoowe ee ay hoggaamiyaan Faroole iyo C/samad Cali Shire waxba ka qabanayn dalka Maqan siday horeba ugu fashilmeen saddexdii sano ee ay xilka hayeen, haddana in aanay waxba ka qabanayn. Waana arrin iska cad oo lagu dhaaran karo in ay xoogaa gunna ah qaateen ragga saxeexay qoraalkan ugu danbeeyey ee ay ku sheegeen in ay Puntland ka tirsan yihiin, oo ay warqaddan Dhaafsadeen dhaqaale, oo iyaga waxaa u daran maalin dagaalka iyo biyo cabaalkooda ay markaas qaadanayaan dhul iyo dadna adaaba sheegaya. Hasa yeeshee waxaa lagu niyad samaan karaa in shacabka dibad iyo gudaba joogaa ay ogyihiin ragga maanta garaadada sheeganaya waxay galaan iyo waxay gudaan, 20 sano ee la soo dhaafayna la arkay waxqabadkoodii, ayna maanta qaxooti ku yihiin Garoowe sida uu afkiisa ka sheegay Garaad C/salaan markii uu ka hadlay BBC-da. Dhammaan Garaaddada ka soo jeeda SSC waxaa la odhan karaa shacabkooda iyo iyagu laba jiho, oo aan shaqo isku lahayn ayey u kala socdaan, marka laga reebo Garaad kaliya, oo aad mooddid in uu shacabka la aragti yahay, isaguna qoyska uu Garaadka u yahay ayaan gacan ugu jirin. Sidaas daraddeed waxaan qabaa in la soo gaadhay xilligii la odhan lahaa “Shacabku wuxuu doonayaa in la Rido Garaadada”. waa su'aale maxaynu ku waayeynaa hadii shacabku kalsoonida kala noqdo, deegaankii waxaa lagu qabsaday shaanbadaha jikada, oo waxaa shacabkii lagu kala qaybiyey cimaamadahan garabka la saartay, ee loogu talo galay miisaska cuntada, oo aanu shacabka soo gaadhin dhib iyo magac xumo aanay u gaysan, iyaga iyo kuwa Hargeysa iyo Garoowe u kala shaqo tagay (Hargaysa=Hindi) (Garoowe=Pakistani). Kii u arka Sanamkiisa in uu yahay lama taabtaanoow, Deegaankiisa Maxjar lagu xannaaneeyo uga sameeya, oo halkaas ku horjoogsada, waxaase muuqata in la joogo xilligii shacabka SSC uu arrimihiisa maamulan lahaa, iyagana laga tashan lahaa. Waxaanuna odhan lahayn in laysugu soo baxo magaalooyinka SSC muddaharaadyo hal-ku dhiggoodu yahay “Shacabku Wuxuu Doonayaa In Kalsoonida Lagala Noqdo Garaaddada”. People want to bring down the Garads الشعب يريد اسقاط السلاطين Shacabku Wuxuu Doonayaa In La Rido Garaaddada http://jidbaale.com/index.php?option=com_content&view=article&id=1405:shacabku-wuxuu-doonayaa-in-la-rido-garaadada&catid=42:wararka-af-somali
-
Ciidamada Bileyska Boorama Oo Xabsiga Dhigay Dhalinyaro Iyo Saxafiyiin La Sheegay Inay Abaabulayeen Mudaharaad Lagu Tageerayo Fikiro Ay Wataan Koox Sland Diid Ah. http://oodweynenews.com/news/61394-ciidamada-bileyska-boorama-oo-xabsiga-dhigay-dhalinyaro-iyo-saxafiyiin-la-sheegay-inay-abaabulayeen-mudaharaad-lagu-taageerayo-fikiro-ay-wataan-koox-sland-diid-ah.html
-
Dacwadii Cali Samatar Ee Ka Socotay Waddanka Maraykanka Oo Guul Laga Gaadhay. (Hadhwanaagnews) Saturday, April 02, 2011 (HNW)-Washington. Jaaliyadda Somaliland ee dalka Maraykanka, gaar ahaan kuwa magaalada Washington iyo duleedkeeda ayaa guul ka gaadhay dacwadii lagu oogayay Maxamed Cali Samatar, oo ahaa wasiirkii gaashaandhigga iyo Raysalwasaare dawladii Siyaad Barre (HNW)-Washington. Jaaliyadda Somaliland ee dalka Maraykanka, gaar ahaan kuwa magaalada Washington iyo duleedkeeda ayaa guul ka gaadhay dacwadii lagu oogayay Maxamed Cali Samatar, oo ahaa wasiirkii gaashaandhigga iyo Raysalwasaare dawladii Siyaad Barre, xilliyadii sida baan loo xasuuqay umadda Somaliland. Cali Samatar Oo Ahaa Shakhsigii Bixiyay Amarka In Laduqeeyo Magaalada Hargaysa Oo Guul Laga Gaadhay Dacwadisii. Dacwadda lagu oogayay Cali Samatar, oo muddo sannado ah soo jiitamaysay, waxa hore goaan uga gaadhay maxkamadda sare ee dalka Maraykanka oo goaamisay in la maxkamadeeyo islamarkaana beenisay inuu haysto xasaanad diblomaasiyadeed, waxaana Jimcihii shalay la isugu yimid furitaankii maxkamadda. Garyaqaanka Cali Samatar difaacayay ayaa la horyimid maxkamadda dood adag oo uu ku difaacayay eedaysanahan, isagoo ku doodayay inuu haysto xasaanad oo aan la maxkamadayn karin, waxaanu sheegay inay wakhti dheeri ugu dambaysay talada dawladii Maxamed Siyaad Barre, sharciga Maraykankuna aanu fasaxayn in la maxkamadeeyo. Hase yeeshe sida uu Geeska Afrika xalay khadka Telefoonka ugu sheegay Aniis Cabdillaahi Ciise, oo ah muwaadin reer Somaliland ah oo qayb libaax ku leh abaabulka dacwadaas lagu oogayo Cali Samatar, xaakinkii dacwadda dhagaysanayay ayaa ku wargeliyay qareenka Cali Samatar difaacayay inay dhammaatay doodii ka taagnayd in la dacwayn karo eedaysanaha, maadaama oo ay maxkamadda sare ee dalkaasi goaan ka soo saartay. Dacwadani waxay socotay ilaa maxkamadii Maraykan u saraysay oo kama doodi karno inaan ninkan wadankan lagu dacwayn karin ee waxaad keentaa wixii cadaymo ah ee aad hayso ee aad ku difaacayso inaanu dambigan gelin. Sidaas ayay qareenkii dacwadda dhagaysanaysay ku tidhi garyaqaankii Cali Samatar difaacayay, sida uu Geeska Afrika u sheegay Aniis Cabdillaahi Ciise, oo xilligaas ka soo baxay hoolka dacwadda lagu dhagaysanayay waxaanu Aniis intaas ku daray inay dhawaan Hargeysa iman doonaan qaar ka mid ah hayadaha xuquuqal isaanka ee taageersan in ninkan sharciga lala tiigsado, kuwaas oo waraysiyo cadaymo ah ka qaadi doono dadweynaha Hargeysa jooga ee xogta ka hayo xasuuqii Cali Samatar gaystay, Colkeenu Hargeysa ayay imanayaan markhaatiyo ayay soo kaxaynayaan, markaas bilo ka dib ayaa la isugu soo noqon doonaa dhagaysiga dacwadda. ayuu yidhi Aniis, wuxuuna sheegay inay dadweynaha reer Somaliland ee washington iyo duleedkeeda degeni si weyn uga soo qayb galeen dacwadii shalay, waxase iyaguna madasha joogay dad kale oo Somali ah oo taageersanaa Cali Samatar, waxaana la sheegay inaanay shalay goobta joogin cid ka tirsan qoyska Cali Samatar, maadaama oo gabadh uu dhalay oo maxkamada la iman jirtay aflagaado iyo cay ay xilligan ka mid tahay wasiirada dawladda Sheekh Shariif ee Muqdisho ku sugan. Geedi socodka dacwadan iyo goaanka qareenka maxkamadda ee shalay ayaa u muuqda mid ay guul ka gaadheen bulshada Somaliland oo xasuuq baan kala kulantay dawladii Maxamed Siyaad Barre, oo uu Cali Samatar yahay masuulka u sareeya ee maanta ka nool. Xigasho Wargayska Geeska Afrika.
-
-
Mid ka mid ah Qurba-Joogta Sanaag Oo Deeq Gaadhsiisey Xarumaha (MCH) Caafimaadka Degmada Ceerigaabo CEERIGAABO(OWN)-Deeqdan oo ka koobnayd Sariirsaha Ummulaha iyo bukaanka kale oo watey furshaantooda iyo weliba kabadhada agabka lagu ridanayo ayaa waxa xarumaha MCH-yada degmada Ceerigaabo soo gaadhsiisey Faadumo Saalax Muuse oo ka mid ah qurbo-joogta reer Sanaag ee wadanka ustralia gaar ahaan gobolka Malpan. Waxana horraantii qalabkaas loo qaaday qaar ka mid ah meelihi loogu tala galay oo ay ka mid yihiin Yufleh, Maydh, Xaadh, Gudmo-Biyo -Cas, iyo meelo kaleba iyadoo goob kasta oo ka mid ahna ciddii uga mas'uulka ahayd MCH-ka iyo madax-dhaqameedyadooda la guddoonsiiyey agabkaas, halka inta kalena sidan oo kale loo geyn doono goobohooda.
-
Somaliland a history of wretched warlords treachery
Saalax replied to General Duke's topic in Politics
-
Somaliland a history of wretched warlords treachery
Saalax replied to General Duke's topic in Politics
And 18 years later we are all united against pirates and their criminal acitivites in the sea's. Ciidanka Ilaalada Xeebaha Sanaag - Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Lix Nin Oo Budhcad Badeed Ah March 23rd, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)- Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee gobolka Sanaag, ayaa galabta lix nin oo budhcad badeed ah ku qabtay biyaha rabshiga oo 30KM dhinaca Bari ka xigta Magaalada Maydh, sida uu shaaca ka qaaday Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee gobolka Sanaag Maxamed Yuusuf Otor. -
Somalia: British Delegation visited Garowe, meet SSC elders..pics
Saalax replied to General Duke's topic in Politics
Maqaal: Yaa Hortaagan Xoreynta iyo Midnimaada SSC?! Bartamahihii sanadkii 2009kii, ayaa waxaa jaaliyadda SSC ee geeska Afrika oo is xilqaantay ay guntiga dhiisha uga xidheen ay Holiyaan bal in la helo koox ka dhiidhida dibindaabyada iyo haysasha deegaanada SSC ee maamulka SNM. Kaasoo bishii October ee sanadkii 2007 si gardaro ah ula wareegay magaalada Laascaanood oo ay ugaa Baqo carareen ciidankii Puntland oo uu markaas hogaaminayey Col: Abdulsamad Ali Shire oo hada ah ku xigaanka Faroole. Dulucda maqaalkeygu mahaa Araarasho badan, ee waa mid aan ugu talo galay inaan ku ifiyo wax dadka badankiisu ujeedaan, hase ahaatee aan doonayo inaan daaha ka rogo. Markii shirka la qaban qaabinayey, waxay gudidii Jaaliyadda Nairobi ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen, inay shirka keenaan kuna casuumaan Madaxdhaqameedkii deeganada Sool, Sanaag iyo Cayn. Kuwaasoo markaas badankoodu ku sugnaa magaalada Garoowe oo ah xarunta looga arimiyo. Waxaana iska daba wareeg, balamo been ah, Telefoonada oo la qaban waayo, Carrab Laadlaadin aan hoos jirin iyo Jalaafooyin badani awgood shirku uu dib ugu dhacay mudo ku dhaw 6 bilood, oo kolba dib loogu dhigayey bal si loo hubiyo waxa ka soo Naasacadaada balamahaas aan xaqiiqda meela ku lahayn ee lagala kulmay Madaxdhaqameedkaas. Waxaana xusid mudan inuusan jirin madax dhaqameed aan ugu yaraan mudo Konton jeer ah la wicin, xiliyo kala duduwan, kuwaasoo dhamaantood midna uusan sheegin wax run ah. Waxayse ugu danbeyntii noqotay in sadex Hogaamiye dhaqameed ay arintaas ogolaadeen soona Ajiibeen, waxayna qoladii reer Garoowe ay ku Afgoobaadsadeen” Sadexdaas Madax dhaqameed ayaa na matala”, taasoo ay sii daba dhigeen” Waxaa jira Xeer Hoosaad odhanaya meesha Madax dhaqameed *********** ahi joogo wuu ku matelaa kuwa kale” Warkaas ayuu ahaa kan inta badan ka soo yeedhayey Madaxdhaqameedka Garoowe”. Waxaase war kaa ka duwan maalmo yar gudahood warbaahinta ka sheegay Abdi Qawdhan Warsame{Halas{, oo sheegay kelmed inta badan dadka SSC maskaxdooda ku weyn, isla markaana ah mid xaqiiqda dhabta ah ooda ka qaaday” Gaaradada SSC waxay noogu jiraan Maxjar la dhaho Hotel Hoorshe oo ay ku biil qaataan meel aanan raali ka ahayn uma socdaan”.! Weedhaas ayaa noqotay mid si weyn loo xasuusto markastoo la arko, qaabka Bahdilaada, Mas’uuliyad darada, Habacsanaanta iyo weliba dhego Nuglaanta ee loo adeegsanayo Madaxdhaqameedka hoosta taga Maxjar Hoorshe. Caqabadihii uggu waa weynaa. Ka dib markii warkoodii ahaa Sadexdaas Maadax dhaqameed ee kala ahaa Garaad Jaamac Garaad Cali, Garaad Abshir Salaax iyo Garaad Ali Buraale , ayaa na matala, loo daayey, loona yeelay, ayey isla markiiba jeebka kala soo baxeen wejigoodii u qarsoonaa, waxaana ay ban jariyeen safar ay Madax dhaqameedku ku doonayeen inay ugu anbabaxaan Yurub iyo North America, si ay shacabka SSC ee qurbaha uga dhaadhiciyan hawshan, una sii anba qaadaan labadii qodob ee kala ahaa Xoreyn iyo Mideyn uu Hogaamiyo , hogaanka Badbaada iyo Mideynta SSC Soomaaliya. Waxayna war ay ka soo saareen Garoowe uga digeen hadii aan Madaxdhaqameedkaasi deg deg dalka u soo gelin in aysan waxba ka socon doonin, hawshii ay dheheen waa nagu matelaan markii shirka dadka lagu casuumayey. Waxaana taasi ay dhalisay in dhamaan la joojiyo socdaalkii Sadexda Hogaamiye dhaqameed, oo markaas joogey Dalka Jamhuuriyada Jabuuti khasabna ay ku noqotay in ay qorshahoodii oo dhan baajiyaan, dibna ugu noqdaan gudihii. Waxaana hadana la isla gartay in si bal loo dhameeyo, la iskuna fahansiiyo Madmadow iyow axii tabasho ah ee Hogaamiyayaasha dhaqanka dhexdooda ah , la isugu tago Holhol, oo Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil gogosheeda dhigay. Taas ugu danbeyntiina loo soo digo rogtey Buura wadal, halkaas oo shir Bilooyin qaatay lagu lafo gurayey waxii la yeeli lahaa, Fajacisadii ugu weynayd ayaa noqotay markii baaqii soo baxay Buura wadal, laguna ansixiyey Khusuusi, awoodna u leh talada SSC inay go’aan ka gaadhaan, xataa lagu xidhay shuruud odhanaysa Hogaankii Nairobi ee Horseed diida ama yeela, ayaa isla habeenkii , habeekii xigay lagu arkay telefeeshinada iyo Shaashadahaba arin madax wareer kale ah, taasoo hadana ay ku saxeexeen Puntladn ayaa nooga Mas’uul ah hogaaminta taladayada. Waxaana ay taasi markiiba dharsisay dadkii, shacabki iyo shucuubtii ku heshiisay hiigsanayseyna wadajirka iyo Midnimada. Kooxdan Madaxdhaqameedku waxay markastaba Lugaha hayeen cid kasta, qofkasta , si kasta oo la isugu dayo in lagu hergeliyo Midnimadii iyo xoreyntii. Waxay la dageen Hogaankii SSC. Waxay is hortaageen hergelidii Qodobadii Horseed ee Nairobi. Waxay Lugta jiideen go’aamadoodii Buurawadal. Waxay shacabka ku kala rideen shaki baahsan. Waxaa cadaatay in ay ku xidhan yihiin cadowga dadka ee SNM. Waxaa hada hubaal ah in ay ku mashquulsan yihiin dibindaabyada dadka. Mayd maxaa u danbeeyey Kaa la siisido. Waxaynu daawanayney, arkeyney waraaqo horleh oo laga saxeexday. Qaarkood waxay heshiis muuqda oo isku dhiibis ku dheehan tahay la galeen Siilaanyo iyo jabhadiisa. Qaarkale waxaa aan afka Siilaaanyo iyo Cawaantiisa aan ka haynaaa inay kaa mushahar qaataan. Waxaa kale oo rumoowdey in ay yihiin dadku ku maqan dadkooda ee aan u Maqnayn. Waxaa hubaal ah in ay dhibaatada ina haysata ina geliyeen. Waxay isku dayayaan in ay is hortaagaan shirka London ee Aqoonyahanada. Waxay hada isku cimaamadeen, Ah Madaxdhaqameedka, Ah Siyaasiyiinta,. Ah Aqoonyahanada, Ah Saraakiisha, Waxkasta iyo cun waxii aan ku cuninba. Talo Deg deg ah oo Shacabka SSC. Shacabka SSC waxaa maaanta la gudboon in ay go’aan ka qaataan weliba ay qaadaan talaabooyin deg deg ah oo nimankan lagu xakameynayo. Taasoo aan ahayn in keliya la wiiqo Awoodeeda ee loo baahan yahay in laga Takhaluso. Waa In la helaa 20,000 oo reer SSC ah oo saxeexa in aysan sinaba u matelin Maadaxdhaqameedkaas Maxjarka fadhiyaa. Waa in deg deg loo helaa, gole lagu mideeyo Cuqaasha intaa xalaasha ah , ee wadaniyiinta ah iyo waxii ka soo hadha kooxda La fidneenayo. Waa in sidoo kale la helaa, golle aqoonyahan oo doorkooda qaata weliba gacanta ku haya oo haga Siyaasada ay ku shaqaynayaan cidkastaba, xataa qolada hogaanku. Waa in la helaa Gole dhalinyaro oo ka barbar shaqeeya golayaashaas, kale oo xoojiya Muruqa iyo maalka, kana tir tira dadka maskaxdoodu ku weyntahay shakhsi jaclaysiga, weliba kuwa aad ugu dhego nugul kelmada ah” Waa Gaaraadkeyga , Asaga i matela” iyo hadalada kale ee Caaadifadaysan, ayadoo qofkaas laga yaabo inuusan kaba fekereyn mustaqbalkiisa iyo kuwa dhabarkiisa ku jira toono. Ugu danbeyntii waa in aad markastoo aad maanka geliso, Midnimo iyo xoreyn aadan meesha ka saarin caqabada koowaad inay yihiin Madaxdhaqameedkaas, dadkoodii, dalkooda iyo Sharaftoodiiba ka doortay Maxjarka Abdi Hallas inoo iftiimiyey. Waxaad kaloo aadan moogaan, in wadada keliya ee looga bixi karo dhibka nimankan ay tahay in laga wareejiyo Talada, lana tuso in Garoowe aysan cidna ku matelin, heshiisyo SNM lala galana aysan u cuntamayn shacabkan. Kharaashaad labada maamula, aysan cidna ugu daneyn ayaga, lana joogo wakhtigii laga takhalusi lahaa. Ficilka waxaan u dhaafashaayaa shacaba, Fekerkana waxaan u deynayaa Mutacalimiinta. http://horufadhi.com/2011/04/01/maqaal-yaa-hortaagan-xoreynta-iyo-midnimaada-ssc/ -
Interesting.
-
"Waxa Raggii Gaadhigaasi dhacay loo taxaabay Dhinaca Xabsiga Magaalada Burco ."
-
Mid kamid ah Gaadiidka Ciidanka Ilaaladii Kornayl Cali Sabaray ayaa Maanta Galinkii Danbe loola galay Maamulka Hargaysa oo Gaadhigaasi ay Jiidaha Hore kala baxsadeen Qaarkamid ah Ilaalada Kornayl Cali Sababaray oo iyagu u talaabay DHinaca Tuulada yar ee Qorulugud. Riix Kana Daawo Wararka WidhWidh Online Markii ay halkaasi gaadheen ayaa Gaadhigaasi Waxa kala Wareegay Beesha ********** oo Ciidamo halkaasi u joogaan Waxa Raggii Gaadhigaasi dhacay loo taxaabay Dhinaca Xabsiga Magaalada Burco . Wararka aanu ka Helayno Buuhoodle ayaana intaasi ku daraya in Cali sabaray ay ku soo badanaysay Habacsanaan Xoogan oo kala daad sanaa dhinaca Maamulka ah iyo Ciidamada oo aan la siin Wax dhaqaalo ah taasina keentay inay jabhada SMNTA U Talaabaan. http://www.radiowidhwidh.com/widhwidhnew/Radio/2011/04/gaadhi-kamid-ah-tignikada-ssc-oo-maamulka-hargaysa-loola-galay/
-
-
Somaliland a history of wretched warlords treachery
Saalax replied to General Duke's topic in Politics
Haye ma aabahay ba hadaana uso dhiigatay who is not even a SOL member? i am sorry to inform young lady but his a happily married man.
-
Popular Contributors