Saalax

Nomad
  • Content Count

    10,383
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    24

Everything posted by Saalax

  1. Jacaylbaro;709290 wrote: As long as we can pay sxb .......... who is next Sabarey ??
  2. Xaaji Xunjuf;709188 wrote: The SNM guurti conference held in 1983 in Harar Ethiopia the elders invited some youth Historic picture.
  3. Jacaylbaro;709334 wrote: Kooxo hubaysan oo ku dhawaad 5 qof ku dilay Magaalada Garoowe Garoowe: (Sh. M. Network) Kooxo hubaysan ayaa maanta barqadii gudaha magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland waxa ay ku dileen ku dhawaad 5 qof oo uu ku jirauy sarkaal u shaqeynayay hay’adda Cilmibaarista Puntland ee ka howlgasha Garoowe. Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, kooxo hubaysan oo la sheegay in ay bartilmaameedsanayeen Agaasimihii hay’adda cilmi barista Puntland ee PDRC ayaa gudaha magaaladaasi ku dilay ilaa 4 qof oo uu ku jiray agaasimihii ay bartilmaameedadeen oo lagu magacaabayay Max’ed Yaasin Ciise kuna magic dheeraa (Ilkacasse). Dadka kale ee dhintay ayaa waxaa la sheegay in ay haleeshay rasaastii lagu bartilmaameedsanayay sarkaalka ka tirsanaa hay’adda cilmi baaritsa ee PDRC, waxaana la sheegay in dadka dhintay ay ku jireen labo qof oo la saarnaa gaariga lagu rasaaseeyay sida Idaacada Shabelle ay u sheegeen dad goobjoogayaal ah. Ciidamada booliska Puntland ayaa durba goobta rasaastu ay ka dhacday soo gaaray hase ahaatee kuma aysan guuleysan in ay gacanta ku dhigaan kooxihii gacan ku dhiiglayaasha ahaa ee dilalka geystay. Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga ujeedada ka dambeysa dilka sarkaalkaani ka tirsanaa hay’adda PDRC iyo dadka kale ee lagu dilay gudaha Magaalada Garoowe, waxaana dadka dhintay sidoo kale ku jiray qof haweeney ah oo rasaastu ay gurigeeda ku dhex haleeshay. AUN to the dead.
  4. Longlive SNM liberators of Hargeysa, Burco, Berbera, Erigavo and many other cities in Somaliland.
  5. Sarkaalkii Dhawaan Ka Soo Goostay S.S.C Oo Dib Ugub Laabtay Deegaanka Widh-Widh iyo Xildhibaano Ka Yimi Buntland oo Weji Gabax Kala Kulmay Deegaankaasi. Widh-Widh-(OWN) -Kaysa Cabdi Yuusuf oo ahaa xoghayihii Birmadka iyo Warfaafinta Kooda S.S.C oo Dhawaan u soo goostay Dhanka Somaliland ayaa markii horaysay ku laabtay Deegaankii uu ka soo jeeday tan iyo xiligi uu ka soo goostay Maleeshiyaadka S.S.C. http://oodweynenews.com/news/62090-62090.html
  6. Fal dhimasho iyo Dhaawac keenay oo ka dhacay degaanka Dhahar ee gobolka Sanaag. MONDAY, 04 APRIL 2011 Sanaag(Togdheernews)- Hal Nin ayaa dhintay Saddex kalena way dhaawacmeen , ka dib markii Kooxo hubaysani ay si gaadmo ah u soo weerareen beesha Degaanka Seerbi ,oo ka tirsan degmada Dhahar ee gobolka Sanaag. Kooxdan dablayda ah ee wax soo weerartay ayaa la sheegay inay ka soo jeedo, dhinaca Maamul gobolkeedka Puntland, lamana garanaayo sababta dhalisay falkaasi. Odayaasha iyo Wax garadka degaanka Seerbi ayaa walaac wayn ka muujiyey falkan gaadmada ah ee lagu soo qaaday, kuna tilmaameen inu yahay mid lagu hurinaayo Colaad hor leh oo ka Abuuranta Degaankaasi. Dadkii ku dhawaacmay falkaasi ayaa hadda lagu dawaynayaa Cisbitaalka Guud ee magaaladda Ceerigaabo.
  7. Eretariya oo la Sheegay Inay Taageerto Kooxaha Hubaysan ee ka Jira Itoobiya, Suudan iyo Somaliland TUESDAY, 05 APRIL 2011 Addis Ababa (Togdhnews/Jimma Times)- Dawladda Eretariya, ayaa la sheegay inay taageero u fidiso kooxo hubaysan oo ka jira dalalka Itoobiya, Suudaan iyo Jamhuuriyadda Somaliland si ay qas iyo jahawareer uga abuurto mandaqadda Geeska Afrika. Sida lagu baahiyey wargeyska Jimma Times ee ka soo baxa dalka Itoobiya shalay, waxa dawladda qaska jecel ee Eratariya ku hawlan tahay sidii ay taageero iyo taakulayn u siin lahayd kooxaha hubaysan ee dagaalka ka wada dalalka Itoobiya iyo Sudan, isla markaana waxay hub iyo taageero siisaa kooxaha nabad-diidka ah ee qaska ka wada deegaanno ka tirsan bariga Somaliland, kuwaas oo Maamul-goboleedka Puntland dabada ka soo riixayo, isla markaana dhawr jeer weerarro gaadmo ah ku qaadeen ciidanka qaranka ee jidida hore fadhiya. Maamulka Eratariya oo sannadkii 2000kii dagaal xooggan la galay dalka Itoobiya, ayaa u muuqda waddan dagaal-ooge ah, maadaama 15 kii sanno ee u dambeeyey uu dagaallo kala duwan la galay dawladaha Yemen, Sudan, Jabuuti iyo Soomaaliya oo uu qas ka wado, iyada oo beesha caalamka iyo Qaramada Midoobayba dhawr jeer oo kala duwan cambaarayn u jeediyeen Eratariya, looguna baaqay inay ka waantowdo qaska iyo xasillooni-darrada ay ka wado mandaqadda. Qaramada Midoobay, ayaa sannadkii 2009 cunaqabatayn ku soo rogay dalka Eratariya, kadib markii lagu eedeeyey inay ka waantoobi waayeen hubaynta kooxaha nabad-diidka ah iyo khalkhalinta xasilloonida dalalka Geeska Afrika.
  8. Hawlgal laga fuliyey magaaladda Laascaanod. http://www.togdheernews.com//index.php?option=com_content&task=view&id=7788&Itemid=1
  9. Kayse iyo Mustaf oo la wareegay WidhWidh (Saraakiishan ayaa hogaaminayey Ciidamo Somaliland oo Hargeysa laga soo abaabulay) Ciidamo ka tirsan Beesha Guleed Garaad oo ay horkacayaan Kayse Cabdi Yuusuf iyo Mustafa Galaal oo ahaan jiray saraakiil ka tirsan Jabhadda Kooxda Nairobi ,balse u diga rogtey Hargaysa ayaa caawa soo garay Dagmada Widh-Widh, Xubnahan taageersan Somaliland oo caawa kolkii ay soo galeen Magaalada Dhalinyarada qaarkood u qeybiyay lacago sooryo ah oo Hargeysa laga soo dhiibay,ayaa sababtay inaysan wax iska caabin kala kulmin dadka deegaanka WidhWidh. labadan nin ayaa kasoo jeeda dhalasho ahan Beesha (Barkhad)oo qaarkood taageersan siyaasadda Kayse ee ku saleysan inay Beeshiisa hoos-timaado maamulka Somaliland,inkastoo inta badan Beelaha degan Gobolka Cayn ay ka soo horjeedaan Ciidamada uu hogaaminayo Sarkaalkan ka tirsanaan jiray SSC ee hadda si toos ah oogu biiray Maamulka Siilaanyo. Keyse oo ku faanaya Xiniiyaha Reerkiisa Barkhad ee magaalada ku soo dhaweeyay ayaa isagoo la hadlaya Jabhadda SSC ku khudbadeeyay: “Waxaan joogaa magaaladeydii WidhWidh,qof iga xigana ma jirto ee oohinta iyo calaacalka Dhulbahantoow iska daaya dadkana nabad kula noolaada, dadku way ka ilbaxeen shuftada Buuhoodle joogta ee masaakiinta dhacaysa maalin walba, dadku nabad iyo horumar bay u baahanyihiin ee yaan la dhageysin shuftadaas. Hadalka iyo hanjabaada kasoo yeedhay Sarkaalkan mar ka tirsanaan jiray SSC,ayaa waxaa ka cadhooday shacabka magaalada,wuxuuna beeniyay hadaladii ka soo yeeray qaar ka mid ah cuqaasha magaalada WidhWidh oo wacad ku maray inay gacan-bir ah ku qaban-doonaan Keyse iyo Mustafa Galaal hadii ay soo galaan magaalada iyagoo hogaaminaya ciidamo SNM-ah,balse caawa ayuu magaalada soo galay isagoo xaragoonaya hogaaminayana ciidamo kasoo jeeda Beeshiisa Ciidamadan ayaa waxaa la doonayaa inay saldhig ka dhigtaan degmadda WidhWidh. buhodlepost
  10. BAAQ IYO CABAAREYN KA TIMID JAALIYADA AWDAL/SALAL EE WADAMADA HOLLAND IYO SWEDEN April 04, 2011 By: adal Category: Baaq Annaga oo ka faaiidaysanayna fursada ay nasiisay shabakadan caalamiga ee Saylicipress.net waxan halkan uga soo gudbinaynaa bulshoweynta reer somaliland , mawqifka ay beesha awdal iyo selel ee degan wadamada sweden iyo holland ee ku wajahan magaca riyada iyo been abuurka ku salaysan ee lagu sheegay AWDALSTATE. markii aan eegnay ee aan ogaanay fekerka , macnaha iyo waliba dadka ka dambeeya ku dhawaaqida magacan riyada iyo jaahwareerka ah oo u adeegaya dad iyo dano shisheeye markii aan eegnay danta iyo isku duubnida beelaha awdal iyo selel iyo waliba daris wadaaga beelaha kale ee somaliland inuu lid ku yahay ku dhawaaqidan laablakaca ahi markii aan dhegaysanay siyaasiyiin , waxgaradka iyo bulshoweynta maanta ku nool goboladaas iyo guud ahaan ba somaliland. markii aan ogaanay inuu magacan khaladka loo adeegsanayo uu halis galin karo nabadgelyada , xasiloonida iyo oodwadaaga beelaha soomaliland isla markaasna aysan waxba ka qaban karin nimanka maanta ku dhawaaqay hadiiba nabadgelyadu faraha ka baxdo sidii taariikhdu ina bartay 1991dii. Waxaan halkan cambaarayn uga soo jeedinaynaa nimanka ku dhwaaqay waxa ay ugu yeedheen AWDALSTATE oo aan marnaba ka turjumayn fekerka iyo rabitaanka bulshoweynta awdal iyo salal . Waxaan ugu baaqaynaa in ay si degdeg ah uga noqdaan ku dhawaaqidaas oo aanu u aragno mid u adeegaysa dad iyo dano shisheeye . Waxaan bulshoweynta reer awdal ku boorinaynaa in aanay dhegta u raaricin been iyo feker qaldan oo uga yimaada dad , urur iiyo siyaasado aan haybtooda iyo mustaqbalkooda aan la ogeyn. Waxaa baaqan iyo cambaareyntan diray: 1-muuse aaden ducaale (odey dhaqameed) 2-axmed maxamed xudhuun( siyaasi) 3-haybe ciise ( baayacmushtari) 4-muxuyadiin axmed ducaale( siyaasi) 5-yaasiin maydhane geele ( xafiiska wacyi-galinta beelaha somaliland) 6-siciid muuse dixood( ururka dhalinyarada awdal iyo selel ee sweden) 7-abdiwahaab cali cismaan( siyaasi) 8-cumer saciid jaamac ( ardey) 9-mahad shide badmaax (suldaan 10-warsame cabdilaahi maydhane (cabaade) 11-xuseen awcali bulxan (odey dhaqameed) 12-cabdilaahi bare riiraash ( gaashaanle) 13-sacada faarax galab (hooyo) 14- ardo faatax diiriye ( hooyo) 15-saciid cali awcismaan suri) 16- xaaji jaamac muuse ( ururka dhalinyarada somaliland ee sweden) 17- caasha ibraahim caateeye 19-faarax cadaane saban 20- sahra awxasan jaamac Jaaliyada Sweden and Holland
  11. BAAQ IYO CABAAREYN KA TIMID JAALIYADA AWDAL/SALAL EE WADAMADA HOLLAND IYO SWEDEN April 04, 2011 By: adal Category: Baaq Annaga oo ka faaiidaysanayna fursada ay nasiisay shabakadan caalamiga ee Saylicipress.net waxan halkan uga soo gudbinaynaa bulshoweynta reer somaliland , mawqifka ay beesha awdal iyo selel ee degan wadamada sweden iyo holland ee ku wajahan magaca riyada iyo been abuurka ku salaysan ee lagu sheegay AWDALSTATE. markii aan eegnay ee aan ogaanay fekerka , macnaha iyo waliba dadka ka dambeeya ku dhawaaqida magacan riyada iyo jaahwareerka ah oo u adeegaya dad iyo dano shisheeye markii aan eegnay danta iyo isku duubnida beelaha awdal iyo selel iyo waliba daris wadaaga beelaha kale ee somaliland inuu lid ku yahay ku dhawaaqidan laablakaca ahi markii aan dhegaysanay siyaasiyiin , waxgaradka iyo bulshoweynta maanta ku nool goboladaas iyo guud ahaan ba somaliland. markii aan ogaanay inuu magacan khaladka loo adeegsanayo uu halis galin karo nabadgelyada , xasiloonida iyo oodwadaaga beelaha soomaliland isla markaasna aysan waxba ka qaban karin nimanka maanta ku dhawaaqay hadiiba nabadgelyadu faraha ka baxdo sidii taariikhdu ina bartay 1991dii. Waxaan halkan cambaarayn uga soo jeedinaynaa nimanka ku dhwaaqay waxa ay ugu yeedheen AWDALSTATE oo aan marnaba ka turjumayn fekerka iyo rabitaanka bulshoweynta awdal iyo salal . Waxaan ugu baaqaynaa in ay si degdeg ah uga noqdaan ku dhawaaqidaas oo aanu u aragno mid u adeegaysa dad iyo dano shisheeye . Waxaan bulshoweynta reer awdal ku boorinaynaa in aanay dhegta u raaricin been iyo feker qaldan oo uga yimaada dad , urur iiyo siyaasado aan haybtooda iyo mustaqbalkooda aan la ogeyn. Waxaa baaqan iyo cambaareyntan diray: 1-muuse aaden ducaale (odey dhaqameed) 2-axmed maxamed xudhuun( siyaasi) 3-haybe ciise ( baayacmushtari) 4-muxuyadiin axmed ducaale( siyaasi) 5-yaasiin maydhane geele ( xafiiska wacyi-galinta beelaha somaliland) 6-siciid muuse dixood( ururka dhalinyarada awdal iyo selel ee sweden) 7-abdiwahaab cali cismaan( siyaasi) 8-cumer saciid jaamac ( ardey) 9-mahad shide badmaax (suldaan 10-warsame cabdilaahi maydhane (cabaade) 11-xuseen awcali bulxan (odey dhaqameed) 12-cabdilaahi bare riiraash ( gaashaanle) 13-sacada faarax galab (hooyo) 14- ardo faatax diiriye ( hooyo) 15-saciid cali awcismaan suri) 16- xaaji jaamac muuse ( ururka dhalinyarada somaliland ee sweden) 17- caasha ibraahim caateeye 19-faarax cadaane saban 20- sahra awxasan jaamac Jaaliyada Sweden and Holland
  12. SayliciPress.Net: We Are One Nation Called Somaliland Republic! Posted in April 4th, 2011 by lug in Badheedhe This is nothing but a fictional dream which is the brain child of some people, who are associated with the former regime. This is the work of few people in the diaspora who were staunch supporters of the former regime, Rayale Kahin. They refused to stop the non sense, and congratulates their fellow brothers/sisters who were supporting their leadership for about 20 years. Since the new government peacefully succeeded in last presidential elections, and came to power, they were coming up with one trick after another. So-called Awdal-Land is Nul and Void, All ********** are Devote Somalilanders They were engaged in activities aimed for jeapordizing the mature peace Somaliland is enjoying. I am advicing these people, forget about your mirage dreams, move on and participate in the efforts for the devoplement of the country. ********** inside and outside of the country are devote Somalilanders, who are ready to defend their beloved country from all types of aggression, whether it is from inside or outside the country. They refused to stop the non sense, and congratulates their fellow brothers/sisters who were supporting their leadership for about 20 years. Since the new government peacefully succeeded in last presidential elections, and came to power, they were coming up with one trick after another. Wa’taiyahaa Udunu Waaciya – Quran - Al-Haqqah 69:12 That We might make it a Message unto you, and that ears (that should hear the tale and) retain its memory should bear its (lessons) in remembrance. Dadka ka danbeeya waxan ay ugu yeedheen “Awdal State” waa kuwo aan dal, dad, iyo dhul aan naf u hayn. Labaatan sano ayey Dahir Rayale dhabta ku hayeen oo ay u sacabo tumayeen markii xisbiga Kulmiye qabsaday ayey bilaabeen inay kolba khidad iyo dabin dhigaan waana lagu gartay. Reer Awdal waa taageerayaasha Somaliland siday u dhan yihiin waana u diyaar inay difaacaan weerar kasta oo ku yimaada. Nimanka iska dhigaya niman qiiraysan oo muwaadiniin ahi umada ha u sheegaan danbiyada ay faraha kula jiraan ee ay shacabka galbeedka Somaliland ay ka galaan iyo micnaha runta ah ee ka danbeeya Awdal State-da ay sheegayaan. Ka qayb qaata horumarka dalka oo shacabnimada ogolaada taageerayaasha Rayale iyo xisbigii UDUBOW. Ninkaad kabo ka tolanaysid waxa horta la eegaa kabihiisa - Muxuu Dahir Rayale u qabtay Awdal siduu sheegay siyaasiga wayne ee Axmed Moumin SEED ee shacabku wada og yahay- maxayse u qaban karaan dalka nimankani mar haduu ninka ay taageerayaani uu yahay Dahir Rayale? Maadaama oo uu meesha ka baxay ayey kolba khidad la imanayaan kaliya. Dad la aamini karo ma’aha waxa cadaynaysa inta aan ka naqaano taageerayaasha Rayale 20-ka sano ee lasoo dhaafay. ”Dhegihii alla waanshay baa waansan” Suuratal Alxaaq -69:12. For ever Somaliland Long life Somaliland Xigasho: Saylicpress Editorial http://lughaya.com/2011/04/04/saylicipressnet-we-are-one-nation-called-somaliland-republic/
  13. SayliciPress.Net: We Are One Nation Called Somaliland Republic! Posted in April 4th, 2011 by lug in Badheedhe This is nothing but a fictional dream which is the brain child of some people, who are associated with the former regime. This is the work of few people in the diaspora who were staunch supporters of the former regime, Rayale Kahin. They refused to stop the non sense, and congratulates their fellow brothers/sisters who were supporting their leadership for about 20 years. Since the new government peacefully succeeded in last presidential elections, and came to power, they were coming up with one trick after another. So-called Awdal-Land is Nul and Void, All ********** are Devote Somalilanders They were engaged in activities aimed for jeapordizing the mature peace Somaliland is enjoying. I am advicing these people, forget about your mirage dreams, move on and participate in the efforts for the devoplement of the country. ********** inside and outside of the country are devote Somalilanders, who are ready to defend their beloved country from all types of aggression, whether it is from inside or outside the country. They refused to stop the non sense, and congratulates their fellow brothers/sisters who were supporting their leadership for about 20 years. Since the new government peacefully succeeded in last presidential elections, and came to power, they were coming up with one trick after another. Wa’taiyahaa Udunu Waaciya – Quran - Al-Haqqah 69:12 That We might make it a Message unto you, and that ears (that should hear the tale and) retain its memory should bear its (lessons) in remembrance. Dadka ka danbeeya waxan ay ugu yeedheen “Awdal State” waa kuwo aan dal, dad, iyo dhul aan naf u hayn. Labaatan sano ayey Dahir Rayale dhabta ku hayeen oo ay u sacabo tumayeen markii xisbiga Kulmiye qabsaday ayey bilaabeen inay kolba khidad iyo dabin dhigaan waana lagu gartay. Reer Awdal waa taageerayaasha Somaliland siday u dhan yihiin waana u diyaar inay difaacaan weerar kasta oo ku yimaada. Nimanka iska dhigaya niman qiiraysan oo muwaadiniin ahi umada ha u sheegaan danbiyada ay faraha kula jiraan ee ay shacabka galbeedka Somaliland ay ka galaan iyo micnaha runta ah ee ka danbeeya Awdal State-da ay sheegayaan. Ka qayb qaata horumarka dalka oo shacabnimada ogolaada taageerayaasha Rayale iyo xisbigii UDUBOW. Ninkaad kabo ka tolanaysid waxa horta la eegaa kabihiisa - Muxuu Dahir Rayale u qabtay Awdal siduu sheegay siyaasiga wayne ee Axmed Moumin SEED ee shacabku wada og yahay- maxayse u qaban karaan dalka nimankani mar haduu ninka ay taageerayaani uu yahay Dahir Rayale? Maadaama oo uu meesha ka baxay ayey kolba khidad la imanayaan kaliya. Dad la aamini karo ma’aha waxa cadaynaysa inta aan ka naqaano taageerayaasha Rayale 20-ka sano ee lasoo dhaafay. ”Dhegihii alla waanshay baa waansan” Suuratal Alxaaq -69:12. For ever Somaliland Long life Somaliland Xigasho: Saylicpress Editorial http://lughaya.com/2011/04/04/saylicipressnet-we-are-one-nation-called-somaliland-republic/
  14. Wasiirkii hore ee Macdanta iyo Biyaha oo canbaareeyay Qurba-jooga reer Awdal ee ku dhawaaqay Awdal State April 5, 2011 Hargeysa(Cadceed) Cismaan Aw Cabdi Muxumed oo ahaa wasiirkii Macdanta iyo Biyaha ee Xukuumaddii Madaxweyne Rayaale ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Hargeysa ku Canbaareeyay Qurba-jooga u dhashay reer Awdal ee dibada kaga dhawaaqay inay samaysanayaan Maamul la yidhaahdo Awdal State. Cismaan waxa uu sheegay inay kooxdaasi tahay koox yar oo aan metali Karin dadweynaha reer Awdal ee Somaliland ee jooga Qurbaha, isla markaana dadka reer Awdal ay ku filan yihiin inay ka hortagaan fidnada ay Somaliland ku abuurayaan waxaanu yidhi “ dadka reer Awdal muddo sideed sano ah ayay xilka Madaxweynenimo hayaan waa ceeb in maanta markii isbedel yimi ay ku hadlaan waxaan cuntami karin, kuwa waxaa samaynayaa ma metelaan dadka qurba jooga ah ee reer Awdal, wax ay ku samayn karaan Somaliland Madax banaanideedana ma jirto.” Ayuu yidhi Isagoo sii wata hadalka uu kooxdaas ku durayo waxa uu yidhi “ dadka qurbajooga ah ee reer Awdal waxa laga filayaa inay dalkooda wax soo taraan, waxaan uga mahadnaqayaa sidii ay jaamacadda Camuud u dhiseen maantana waxa looga fadhiyaa inay ku soo tartamaan sidii ay gobolkooda iyo dalka intiisa kaleba uga hirgalin lahaayeen Mashaariic horumarineed si ay Dalkooda u dhisaan, loogama baanha inay maanta la yimaadaan waxaan ka turjumayn dareenka fayaw ee dadkooda.” Cismaan Aw Cabdi mar uu ka hadlayay reer Awdal ahaan waxa ay aaminsan yihiin iyo talaabada ay ka qaadanayaan dhawaaqaas waxa uu yidhi “ reer Awdal waa Somaliland, reer Awdal baana ku filan kooxdaasi waxa aan leeyahay xukuumadda meel uga banaan ma jirto wax ka qabashada arrintaas ee reer Awdal faraha halooga qaado” ayuu ku soo gabagabeeyay shirkiisa jaraa’id
  15. Wasiirkii hore ee Macdanta iyo Biyaha Somaliland Oo Canbaareeyay Qurbo-jooga Reer Awdal Ee ku Dhawaaqay Waxa Loogu Yeedhay Awdal State. http://oodweynenews.com/news/61977-wasiirkii-hore-ee-macdanta-iyo-biyaha-somaliland-oo-canbaareeyay-qurba-jooga-reer-awdal-ee-ku-dhawaaqay-waxa-loogu-yeeshay-awdal-state-2.html
  16. Che -Guevara. Ethnic Somalilander's from the Hawd reserve area such as Harshin, Harta Sheikh, Gashaamo, Awbarre(tafe berri), Gursum etc sometimes some of it's populations actually crossed the borders to take part of the voting in Sland in the past. Ethnic Somaliland Djiboutians living in Somaliland with dual citizenships (Somaliland & Djibouti) also have a right to cross the border and take part of the voting in djibouti.
  17. The irony is majority of those mamuul ku sheeg in the list claim they are for " Somalia Unity" yet they can't unite within themselfs. SSC doesn't want to unite with Puntland, Makhiir doesn't want unite with SSC as one. Ximaan & Xeeb doesn't want to unite with Galmudug as one. Jubba Raaso doesn't want to unite with Jubbland as one. Hiiraanland doesn't want to unite with Galgaduud.
  18. “The prime minister is committed to defeating those terrorists and they are brainwashing his family members.” How can Farmaajo protect TFG from al shabab when he can't even protect his own family members from joining the group?
  19. ^^^ Poor Khadar counting on some awdal diaspora. This is what SSC has been reduced to. Gaadhi kamid ah Tignikada SSC Oo Maamulka Hargaysa loola galay Mid kamid ah Gaadiidka Ciidanka Ilaaladii Kornayl Cali Sabaray ayaa Maanta Galinkii Danbe loola galay Maamulka Hargaysa oo Gaadhigaasi ay Jiidaha Hore kala baxsadeen Qaarkamid ah Ilaalada Kornayl Cali Sababaray oo iyagu u talaabay DHinaca Tuulada yar ee Qorulugud. Markii ay halkaasi gaadheen ayaa Gaadhigaasi Waxa kala Wareegay Beesha Habarjeclo oo Ciidamo halkaasi u joogaan Waxa Raggii Gaadhigaasi dhacay loo taxaabay Dhinaca Xabsiga Magaalada Burco . Riix Kana Daawo Wararka WidhWidh Online Wararka aanu ka Helayno Buuhoodle ayaana intaasi ku daraya in Cali sabaray ay ku soo badanaysay Habacsanaan Xoogan oo kala daad sanaa dhinaca Maamulka ah iyo Ciidamada oo aan la siin Wax dhaqaalo ah taasina keentay inay jabhada SMNTA U Talaabaan. Xafiiska Wararka ee Radiowidhwidh, Buuhoodle