-
Content Count
10,383 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
24
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Saalax
-
Somalina;706151 wrote: Calmadow Just a little correction walal that is Daallo - Sland not Calmadow.
-
http://www.waryatv.com/read/article/10156
-
-
Khat or no Khat. I don't know about this guy's sanity alhu aclam but the court will deal with him how they see it fit. Claiming to be a "Prophet" is not something that should be regarded as a small crime but rather big. By the way if you look carefully in the begining of the news it says this guy was a religious teacher. Obvisiouly he was a sane or is a sane guy. Unless your telling us a insane guy was teaching Quran/Hadiths? " sida ay xaqijiyeen dad u aqoon u leh, ninkan oo muuqaal wadaad leh, ayaa sida oo kale la sheegay inuu sannadihii u dambeeyay ahaa macalin diinta bara carrurta." Salaam.
-
Aaliyyah you out of everyone who is from Somaliland should know this "Khat" problem is not only confined to Somaliland but majority of Somali peninsula( that includes South Somalia, Puntland etc). Your eedo should have visited Djibouti then she would know what real khat problem is. Anyhows back to the topic this is is not about Khat. But rather a man who committed something worse than blasphemy and bought to the court.
-
Hargaysa: Nin Nabi sheegtay oo Dacwadiisi Hargaysa ka bilaabmatay MONDAY, 11 APRIL 2011 Maxkamada degmada Hargeysa, ayaa maanta si rasmi ah u bilowday dacwad ka dhan ah nin dhawaan sheegay in uu yahay Nebi ilaahay soo diray, kaasoo ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada amaanku. Ninkan ayaa magaciisa la yidhaahdaa Shariif Axmed Cabdi kana soo jeeda dalka Soomaaliya, isaga oo Somaliland ku sugnaa muddo sannado ah sida ay xaqijiyeen dad u aqoon u leh, ninkan oo muuqaal wadaad leh, ayaa sida oo kale la sheegay inuu sannadihii u dambeeyay ahaa macalin diinta bara carrurta. Waxa ay saaka ay markii ay furantay maxkamadu uu garsoorihii dacwada qaadayay sheegay in kiiska wadaadkan loo cuskan doono xeerka ciqaabta iyo shareecada Islaamka, maadaama oo uu ku xadgudbay diinta oo ah muqadas ka fog xumaan ka sheegid ahna caqiidada ay aaminsanyihiin shacabka Somaliland, iyada oo maalinta bari ah go’aan laga gaadhi doono dacwadan. Kiiskan oo ah kii uga layaabka badnaa oo soo mara taariikhda dacwadaha maxkamadaha dalka, iyada oo ay arrintan noqotay mid amakaag ku riday guud ahaan dadweynaha reer Somaliland oo u dhagtaagaya sida loo maarayn doono kiiskan ninkan. Togdhnews http://www.togdheernews.com//index.php?option=com_content&task=view&id=7865&Itemid=1
-
Barlamaanka Sweden oo lagu soo dhaweeyay saddex xildhibaan oo ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland (Hadhwanaagnews) Monday, April 11, 2011 Sweden (HWN) Waxa manta oo bishu tahay 11 abriil 2011 lagu soo dhaweeyey Baarlamaanka Sweden Xildhibaan Mohamed Nur Arale (Duur), Xildhibaan Cali Hassan Mohamed (Cali *********) iyo Xildhibaan Mohamed H Yusuf Ahmed (Waabeeyo). Sweden (HWN) Waxa maanta oo bishu tahay 11 abriil 2011 lagu soo dhaweeyey Baarlamaanka Sweden Xildhibaan Mohamed Nur Arale (Duur), Xildhibaan Cali Hassan Mohamed (Cali *********) iyo Xildhibaan Mohamed H Yusuf Ahmed (Waabeeyo).Waxa shirkaas xildhibaanada ku weheliyey Wakiilka Somaliland ee Sweden Eidarus Sh Adan iyo Mohamed Abdillahi Haji Hassan. Waxa halkaas ku dhaweeyey Xildhibaan Amir Adan oo ku jira Baarlamaanka Sweden, kana socda Xisbiga Muxaafidka ee dawladda (Conservative Party). Asal ahaana ka soo jeeda reer Somaliland. Xildhbaanada waxa la siiyey warbixin ku saabsan sida uu Baarlamaanka Sweden u shaqeeyo. Xildhibaanaduna waxa ay ka warameen Xaalada Somalilaned ku sugan tahay iyo sida Baarlamaanka Somaliland u shaqeeyo. Xildhibaan Amir Adan ayaa u sheegay wefdiga in diyaar u yahay in qadiyada Somaliland uu wax ka qabto Baarlamaanka Swedena soo dhigo. Waxa kale oo uu Amir Adan sheegay in wefdi xildhibaano iyo dadkale iskugu jira ay tegi doonan Somaliland muddo dhaw. Ujeedada safarkooduna u yahay in ay soo arkaan horumarka fiican ee ka socoda Somaliland iyo sida labada Baarlamaan ay wax uwada qabsan lahaayeen. Kadibna waxa qado sharaf leh lugu siiyey wefdiga Baarlamaanka Sweden. Isla Golaha Baarlamaanka waxa ay xildhibaanadu kula kulmeey madax ka socota Xisbiga Liberaalka Sweden(Liberal Party). Kulankaas waxa ka qeyb galey Xoghayaha Guud ee Hayadda Liberaalka Sweden (General Secretary, Swedish Liberal Centre) iyo Fredrik Svensson oo ah Xoghayhaa Caalamiga ee Xisbiga Liberaalka Sweden(International Secretary Liberal Party Sweden). Xisbiga Liberaalku waxa ay Somaliland ku caawiyeen sida Dimuqraadiyada loo horumariyo. Waxa kale oo ay tababaro siiyey axsaabta Somaliland khaasatan Xisbiga Kulmiye oo ay u arkaan in uu yahay Xisbi liberal ah. Waxa uu Xoghayaha Caalamigu u sheegay in ay aad ula dhacsan yihiin horumarka fiican ee ka socda Somaliland, diyaarna u yihiin in ay caawimo u fidiyaan. Shirarkaas barlamaanka Sweden ka dhacay si fiican ayey ku dhamaadeen. Wariye-Najax
-
Xukuumadda Samato-bixisay 77 Muwaadin Oo Ku Go’doonsanaa Markab Ku Ciladoobay Badweynta Hargeysa (Somaliland.Org)- Xukuumada Somaliland ayaa saaka soo badbaadisay 77 muwaadin oo ay ku jireen 16 carruur ahi oo ka soo qaxay qulqulatooyinka iyo kacdoona ka jira dalka Yeman oo muddo shan maalmood ah ku go’doonsanaa xeebta deegaanka Bulo-cadde ee galbeedka Somaliland ka dib markii markabka MV-Salaaxa-diin oo ay saaraayeen uu matoorka ciladi ka soo gaadhay. Ku Xigeenka Madaxa Badda Saleebaan Jawaase, oo isagu hoggaaminayay kooxdii u gurmatay ee soo samato-bixisay dadkan oo ka hadlay arrintan saaka ayaa isagoo faraxsan wuxuu yidhi “Anigoo ah Ku Xigeenka madaxa waaxda Badda,waxaan ahaa ninkii u gurmaday markabkan ee kaxaystay doonta la yidhaahdo Al-marwax, waxaan Berbera ka baxay habeen hore saqdii dhexe waxaanan dadkan markabku ka ciladoobay aan ugu tagay meel biyaha Saylac ah, Alxamdulaah waanu ku guulaysanay inaanu soo kaxayno markabkan oo Geer bogosku ka jabay. Waxaanan saaka ku soo xidhanay dekada Berbera 6:30 subaxnimo” “ILAAHAY mahaddii dadku way wanaagsan yihiin waxba ma qabaan, markii hore ciidanka Ilaalada xeebaha ayaa dadka u gurmaday oo biyo iyo cunto gaadhsiiyay. Markii dambena waxaanu hagaajinay xadhkihii markab kale markabkan ciladoobay ku soo jiidi lahaa. Waxaan leeyahay arrintaasi ILAAHAY wuu nagu guuleeyay waana aanu badbaadinay markabkan oo aanu mar ka shakinay oo aanu is nidhi wuu degi doonaa,”ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel Jire) oo isagu saaka abbaaro 6:30 subaxnimo goob joog ka ahaa markii markabkaasi ku soo xidhay Marsada Berbera, ayaa tallaabadan dadka lagu badbaadiyay ku tilmaamay guul weyn oo Somaliland gaadhay. Wasiirku wuxuu ugu horayn u mahad celiyay Ha’yadaha dawlada ee ka qeyb galay gurmadka samato-bixinta waxaanu yidhi “Waxaan u mahad celinayaa Hayadaha xukuumiga ah ee gobolka Saaxil ee ka qeyb qaadanaya gurmadka badbaadinta ah ee aynu saaka goob jooga ka nahay. Waxaan uga mahad celinayaa siday u abaabuleen shaqadan oo dadkan wax loogu qaban lahaa, loona badbaadin lahaa. Anigu sadex cisho ayaan ka warhayay laakiin waxa la sheegayaa inay shan cisho dadkani ku jireen badda oo ay ku dhibaataysnaayeen. Waxa saaran 77 qof marka lagu daro shaqaalaha markabka. Dadku way wada caafimaad qabaan ILAAHAY mahadii, waxa naloo sheegay in afar qof xanuunsanayaan. Waxa dadka halkan (dekada) lagaga qaadayaa basas, waxa la geynayaa Huteel loo sii diyaariyay alaabtoodiina baabuur ayaa loogu qaadayaa. Ka dibna waxa la eegayaa dadka xanuunsanaya ee cisbitaal u baahan iyo dadka kale.” Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo ka hadlay halkaasi wuxuu yidhi “Markabkani shan maalmood ayuu cadilnaa markii u horaysayba waxa lala soo xidhiidhay maamulka dekada, iyaguna way nala soo socodsiiyeen. Ka dibna waxaanu halkan uga dirnay gurmad uu hoggaaminayay sarkaal ka tirsan Maamulka Badda, waxaanu tallooyin siinayay kabtanka Markabka ka dibna waa la soo badbaadiyay oo waa la soo riixay isagoo raran oo dad badanna saaran yihiin.” Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Maareeyaha Dekada Berbera,waxaanu sheegay in arrintani tahay guul weyn oo u soo hoyatay maamulka Dekada Berbera. Sidoo kale,waxa u mahad celiyay maamulka Somaliland xubno ka mid ah muwaadiniintii laga soo badbaadiyay markabkaasi, waxaanay ka warameen marxaladihii ay soo mareen muddo shan cisho ah oo ay ku rafaadsanaayeen Badweynta. Waxa ka qeyb galay gurmadkan oo dadka caafimaadkooda baadhayay maamulka Caafimaadka Gobolka Saaxil, halka Wasaarada Kalluumaysiga iyo maamulka Gobolkuna dedaal weyn u galeen hawshan. Cumar Maxamed Faarax Somaliland.Org/Hargeysa
-
Laascaanood: Ciidamadda Amaanka Oo Qaraxii Xalay Dhalinyaro Badan U Qab-Qabtay, Heegan Sarena Gallay Iyo Bandoodii Magaaladda Hore U Saarnayd Oo La Adkeeyay Sababo Amaan Daraadeed. Laascaanood (Ramaas) Apr 10,2011- Ciidamada amaanka ee ku sugan Magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood ayaa hawl-gallo ay sameeyeen xalay ilaa saaka qaraxii xalay u qab-qabtay dhalinyaro faro badan oo reer Laascaanood ah. Ciidamadda amaanka oo hawlgalkan ay samaynayaan uu ka dambeeyay qaraxii xalay ka dhacay Saldhig boolis oo ku yaal dhinaca koonfureed ee Magaaladda Laascaanood oo uu ku dhaawacmay taliye ku xigeenkii saldhigaasi, hal askari oo boolis ah iyo qof saldhiga ku xidhnaa wakhtiga saldhiga weerarka qaraxa lagu qaaday, ayaa waxa ay dhalinyaradan ka qab-qabteen iyagga oo maanta ku qayilaya maqaaxiyo ku yaal guddaha Magaalada Laascaacood Wararka aanu ka helayno Magaaladda Laascaanood ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamadda amaanku sii adkeeyeen bandoo hore u saarnayd Magaaladaas, isla-markaana ay ilaa hadda baadhitaan ka wadaan gudaha Magaaladda si gacanta loogu soo dhigo dadkii qaraxa saldhiga ka dambeeyay, ka sakow dhalinyaradda ay saaka qabteen oo la sheegay in tuhun ahaan loo qab-qabtay “Hawlo Badan ayaa ciidamada amaanku ka wadaan Magaaladda, laakiin ilaa hadda ma jiraan cid dhab ah loo qabtay qarixi xalay ka dhacay Magaaladda”Sidaa waxa yidhi wariye ku sugan Magaaladda Laascaanood oo shabakadda wararka ee RAMAASNEWS la xidhiidhay. Wariyahani waxa kale oo uu noo sheegay in ciidamadda amaanku qab-qabteen dhalinyaro reer Laascaanood ah oo lagu xidhiidhiyey qaraxii xalay ka dhacay Magaaladda Laascaanood “Ciidamadu boolisku waxay qab-qabteen maanta dhalinyaro faro badan oo laga shakiyey.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Taliyaha ciidanka booliska Laascaanood oo aanu isku daynay in aanu wax la waydiino hawlgalkooda iyo inay ilaa hadda qabteen dadkii ka dambeeyay qaraxa saldhiga iyo in kale wuu ka gaabsaday.” Wariyahani sidoo kale waxa uu u sheegay shabakadda Caalamiga ah ee RAMAASNEWS.COM “Bandoodii hore Magaaladda u saarnayd ayaa sare loo sii qaaday, oo guud ahaan ciidamada miatariga iyo kuwa booliskuba heegan ayay ku jiraan.”ayuu yidhi. Ramaasnews Desk Hargeisa
-
No matter what personal attacks and other nonsense you write . I still stand by my original statement. "Saado ali is doing the samething as murdering she is driving alot of young people to their coffins with her warmongering/tribal instigating songs." That is the pearl of wisdom. Salaam and good day to you too.
-
Aaliyyah. Now you are restoring to personal attacks that is very childish of you it shows you are not ready to engage in civilised discussions yet. Salaam.
-
Siilaanyo and other Muj's. took responsibility for the SNM that is why today the government pays compensation to all those young Mujahidiin's families. Will Saado ali or Xakltosiiye take responsibility for what happens to those youths they are encouraging to die? Salaam.
-
Whose fault will it be if those warmongering songs and the fight for nonsense influences alot of young people to die? rather than encouraging the problems to be sorted out through peaceful means & dialogue. Is Saado ali ready to be held accountable of what her tribal instigating songs bring? Salaam.
-
Aaliyyah Saado ali is doing the samething as murdering she is driving alot of young people to their coffins with her warmongering/tribal instigating songs. Salaam.
-
Maxkamad Degmada Hargeysa Oo Maanta Markii Ugu Horeysay Taariikhda Bilowday Dhageysiga Dacwada Nin Nebinimo Sheegtay Oo La Horkeenay. Hargeysa (Ramaas)Apr. 11, 2011- Maxkamada degmada Hargeysa, ayaa maanta si rasmi ah u bilowday dacwad ka dhan ah nin dhawaan sheegay in uu yahay Nebi ilaahay soo diray, kaasoo ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada amaanku. Ninkan ayaa magaciisa la yidhaahdaa Shariif Axmed Cabdi kana soo jeeda dalka Soomaaliya, isaga oo Somaliland ku sugnaa muddo sannado ah sida ay xaqijiyeen dad u aqoon u leh, ninkan oo muuqaal wadaad leh, ayaa sida oo kale la sheegay inuu sannadihii u dambeeyay ahaa macalin diinta bara carrurta. Waxa ay saaka ay markii ay furantay maxkamadu uu garsoorihii dacwada qaadayay sheegay in kiiska wadaadkan loo cuskan doono xeerka ciqaabta iyo shareecada Islaamka, maadaama oo uu ku xadgudbay diinta oo ah muqadas ka fog xumaan ka sheegid ahna caqiidada ay aaminsanyihiin shacabka Somaliland, iyada oo maalinta bari ah go’aan laga gaadhi doono dacwadan. Kiiskan oo ah kii uga layaabka badnaa oo soo mara taariikhda dacwadaha maxkamadaha dalka, iyada oo ay arrintan noqotay mid amakaag ku riday guud ahaan dadweynaha reer Somaliland oo u dhagtaagaya sida loo maarayn doono kiiskan ninkan. Ramaasnews Desk
-
oba hiloowlow why doesn't Sheikh Sharif visit Puntland? is it because his clan president? or Qaran president? Secondly remember the Jubba troops they are Gandhi's trained soldiers not just any random troops, why would Gandhi send them to Mogadishu when the regions he hails from need to be liberated first? His just putting his priorities first can't blame the old guy.
-
I think Prof. Gandhi is a smart man for refusing Sheikh Sharif's demands for those trained two thousand troops to be sent to Mogadishu instead of Jubboyiinka (which they were designed to liberate those regions). Why doesn't Sheikh Shariff ask for the training of his own troops from his own regions ( Jowhar, Ceeldheere, wankaweyn, Shabellaha dheexe etc to be sent to Mogadishu.
-
Popular Contributors