-
Content Count
10,383 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
24
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Saalax
-
Roobabkii Guga Oo Sii weyn Uga Da'ay Gobolada Togdheer, Sool, Saraar, Oodweyne iyo Deegaamo kale.
-
Gaalkacyo: Dagaalkii Oo Joogsadey & Ciidamo Puntland Ah Oo Kala Dhexgalay Dhinacyadii Diriray Gaalkacyo (RBC Radio):- Dagaalkii maanta duhurkii ka bilowday magaalada Gaalkacyo ayaa joogsadey kadib markii ciidamada Booliska Puntland ay kala dhexgaleen labada maleeshiyo beeleed ee ku dagaalamayey xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo. Dagaalka ayaa socday saacado kooban, waxaana uu reebay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana dhimatay ku dhowaad shan ruux halka uu dhaawac soo gaaray dad lagu qiyaasay toban ruux. Labada dhinac ee dagaalamayey ayaa ah maleeshiyaad ka soo kala jeeda qaar ka mid ah beelaha degan Gaalkacyo, waxaana gebi ahaanba ciidamada amniga Puntland ay ku guuleysteen in ay kala dhexgalaan labada maleeshiyo ee dagaalamayey. Dagaalka saameyntiisa ayaa laga wada dareemay dhamaan qeybaha magaalada Gaalkacyo, waxaana jira raadad cabsi galiyey dadweynaha oo uu reebay dagaalka maanta duhurkii ka bilowday magaalada Gaalkacyo. Labada maleeshiyo beeleed dagaalka dhexmaray ayaa ka dambeeyay kadib markii nin ganacsade ah lagu dilay gurigiisa oo ku yaalay xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo, waxaana jira dhaq dhaqaaqyo labada maleeshiyo iyo beelaha ay kasoo kala jeedaan lagu dhex dhexaadinayo. Dagaalka maanta dhacay kadib waxaa maamulka cusub ee gobolka Mudug uu magaalada ku soo rogay bandow, waxaana bandowgaasi uu ka bilaabanayey fiidnimada caawa ah, iyadoo sidoo kalena la mamnuucay in hubka magaalada lagu dhex qaato. RBC Radio.
-
(Hadhwanaagnews) Wednesday, April 27, 2011 Gaalkacyo(HWN)Maleeshiyaad hubeysan ayaa goor dhow waxa uu iska horimaad ku dhex maray waqooyiga magaalada Gaalkacyo Gaalkacyo(HWN)Maleeshiyaad hubeysan ayaa goor dhow waxa uu iska horimaad ku dhex maray waqooyiga magaalada Gaalkacyo Iska horimaadkaas ayaa bilowday kadib markii kooxo hubeysan ay dil u geysteen wiil dhalinyaro ah, kaasoo ay dilkiisa jawaab ka bixiyeen kooxo kale oo dilkaas ka carooday. Kooxihii dilka geystay oo la sheegay in ay gabaad ka dhigteen warshad Galleyda lagu shiido ayaa waxay wararku sheegayaan in iska horimaadkaa ay ku biireen ciidamada Puntland oo taageero siinaya kooxdii wax dishay, iyadoo aan la ogeyn sababta ay dagaalka ugu biireen ciidamada Puntland. Weli lama ogaan qasaaraha ka dhashay iska horimaadka, waxaana la sheegay in rasaasta ay dhinacyadaasi isweydaarsadeen ay dad rayid ah wax ku noqdeen. Iska hor imaadkan ayaa imaanaya xilli maanta Maamulka magaalada Gaalkacayo ee Puntland ay amar ka soo saareen dadka hubka sharcidarrada ku dhex wata gudaha magaalada Gaalkacyo. Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Maxamuud C/raxmaan Cowke ayaa sheegay in amar lagu bixiyay in gudaha magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca Woqooyi aan lagu arki karin qof wata hub sharci darro ah, wuxuuna ku goodiyey in qofkii hub wata tallaabo sharci ah laga qaadayo. Duleedka waqooyiga magaalada Galkacyo ayaa waxaa muddooyinkan dambe ka jira dilal qorsheysan, waxaana xalay lagu dilay magaaladaas labo qof oo mid ka mid ahi yahay Itoobiyaan, midka kalena nin Sheekh ahaa oo lagu magacaabi jiray Sheekh Ibraahim oo ka soo jeeda Gobollada Bay iyo Bakool, kaasoo rag hubeysan ay xalay kaxeysteen, kadibna ay dileen.
-
Dagaal Beeleed Khasaare Gaystay oo Maanta ilaa Galabta Gaalkacyo Ka Dhacay War Deg Deg ah/Dhacdooyinka Gaalkacyo (DHM Radio):- Dagaal lagu tilmaamay mid beeleed hase yeeshee war sugan uusan kasoo bixin ayaa maanta duhurnimadii ilaa galabta wakhti gaaban ka dhacaayey bartamaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Dagaalkaan oo ah mid beeleed ayaa ka dhacay xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacyo, waxaana uu qarxay kadib markii nin ganacsade ah lagu tilay magaalada Gaalkacyo. Dagaalka oo ahaa mid ka dhacaayey xaafadda Garsoor iyo aga gaarkeeda ayaa ala’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, lamana oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay. Dagaalka ayaa ahaa mid saamayn ku yeeshay xaaladda guud ee magaalada Gaalkacyo, waxaana gebi ahaanba hakad galay dhaq dhaqaada ganacsiga iyo kan gaadiidka ee magaalada. Ciidamada Puntland ee gobolka Mudug kusugan sida kuwa Daraawiishta Booliska iyo Asluubta ayaa kala dhexgalay malayshiyaadka dagaalamay. Warar sugan kama soo bixin ilaa iyo iminka khasaaraha ka dhashay dagaalka maanta ilaa galabta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, hase yeeshee waxaa la xaqiijiyey in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah. Dagaalka ayaa hadda u muuqda mid soo yara qaboobay, wuxuuna kusoo aaday xilli ay maal mahii lasoo dhaafay magaalada Gaalkacyo ka jireen falal ammaan darro. Marwalba iyo Waqti Walba Dhacdooyinka.com ka Aqriso Wararkii ugu Danbeeyay ee Soomaaliya si Aad Ula Socoto Xaaladda Soomaaliya. Xafiiska Dhacdooyinka Bossaso http://dhacdooyinka.com/2011/04/27/dagaal-beeleed-khasaare-gaystay-oo-maanta-ilaa-galabta-gaalkacyo-ka-dhacay/
-
Xaaji Xunjuf i am not sure about that. But it has something to do with the mosque killings in the past week.
-
Xaalad Deg Deg Ah Oo Lagu Soo Rogay Magaalada Gaalkacyo Gaalkacyo (RBC Radio):- Gudoomiyaha Guddiga Amniga iyo Horumarka Gobolka Mudug Mudane Maxamuud C/raxmaan Cuuke ayaa haatan shir deg deg ah oo ku qabtey Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Gaalkacyo waxaa uu ku dhawaaqay in magaalada Gaalkacyo lagu soo rogay xaalad deg deg ah. Gudoomiyaha ayaa soo saarey warsaxaafadeed ay ku sixiixan yihiin xubnaha mas’uuliyiinta Guddiga Amniga iyo Horumarinta gobolka Mudug, warsaxaafadeedkaasi oo qeexaya in magaalada Gaalkacyo lagu soo rogay xaalad deg deg ah. Xaalada deg dega ah ee magaalada lagu soo rogay ayaa waxay tahay bandow ka bilaabanaya 5:00 Galabnimo kaasi oo soconaya ilaa iyo 5:00 Aroornimo salaada subax kadib, waxaana guud ahaan magaalada laga mamnuucay in shacabku hub ku dhex qaato iyo in magaalada lagu dhex wato gaadiidka bacaha madow ku dhegan yihiin. Amarkan xaalada deg dega ah loogu soo rogay magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay in uu soconaya tan iyo inta magaalada Gaalkacyo amaankeeda gacanta lagu soo celinayo. RBC Radio.
-
Deg Deg: Dagaal Ka Bilowday Bartmaha Magaalada Gaalkacyo Gaalkacyo (RBC Radio):- Dagaal ayaa haatan ka bilowday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug kadib nin ganacsade ah oo lagu dilay xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo. Dagaalka ayaa wuxuu ka soconayaa xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo, waxaana la sheegayaa in dagaalku u dhaxeeyo maleeshiyaadka laba beelood oo wada degan magaalada, waxaana dagaalku ka bilowday kadib markii Maxamed Cilmi Gurey oo ka tirsanaa Ganacsatada gobolka lagu toogtay xaafada Garsoor. Ilaa iyo iminka dadka geeriyoodey waxaa lagu sheegay in ay gaarayaan ilaa iyo laba ruux, waxaana dhaawac uu soo gaarey afar ruux oo kale kuwaasi oo la keenay Isbitaalka guud ee gobolka Mudug. Xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa kacsan waxaana xiran dhamaan goobihii ganacsiga, waxaana guud ahaan magaalada laga maqlayaa dhawaqa rasaasta ay isu adeegsanayaan labada dhinac. Wixii warar ah oo soo kordha kala soco wararkeena dambe. RBC Radio. http://www.raxanreeb.com/?p=93885
-
10 qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Gaalkacyo Gaalkacyo Dagaal beeleed maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku dhintay toban qof, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen. Dagaalka oo ka dhacay xaafadda Garsoor ee dhanka waqooyi ee magaalada ayaa la sheegayaa inuu salka ku hayo aano qabiil. Guddoomiyaha cusub ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland, Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in magaalada lagu soo rogay bandow soconaya 6da maqribnimo illaa iyo 6da subaxnimo. Wararka ayaa intaas ku daraya in rasaastii la is-weydaarasanayay ay gaartay goobo ka baxsan halkii lagu dagallaamayay, ayna waxyeelleysay dad rayid ah. Gacan ka hadalka magaalada Gaalkacyo ka dhacay maanta ayaa ku soo beegmaya iyadoo muddooyinkii u dambeeyay falal ka dhan ah ammaanka oo ay ku jiraan dilal qorshaysan ay ka dhacayeen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Sidoo kale, dagaalkan wuxuu ku soo beegmayaa todobaad ka hor markii maamulkii hore ee gobolka Mudug la kala diray, islamarkaana la sameeyay maamul cusub oo howshiisa lagu sheegay wax ka qabashada amniga faraha ka sii baxaya ee gobolka, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo. http://www.bar-kulan.com/2011/04/27/10-qof-oo-ku-dhintay-dagaal-ka-dhacay-gaalkacyo/
-
GAALKACYO : Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo dhexmaray laba beelood April 27, 2011 3:17 pm GMT- Gaalkacyo:-Dagaal ayaa maanta dhex maray laba beelood oo walaalo ah oo wada magaalada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug, waxaana la sheegay in uu dagaalku ka bilowmay kadib smarkii saaka la dilay nin ganacsade ah oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Maxamed Cumar Guray dabadeena waxaa la sheegay in la weeraray dad lagu tuhmay dilka marxuuumka geeriyooday halkaasna uu dagaalku ka bilowmay. Dagaalka, waxaa la sheegay in uu maanta galinkii dambe sii xoogaystay oo uu khasaare dhimasho iyo dhaawac ahba uu dhaliyay walina magaalada laga maqlayo rasaas dhacaysa, waxaana la sheegay in haatan Ciidanka Puntland ay isku dayayaan in ay xakameeyaan dagaalka labadan beelood, waxaana labada beelood la dhex-dhigay ciidan aad u badan oo doonaya in colaada la joojiyo. Dagaalka maanta ayaa wuxuu ku soo beegmay xili xaalad xasaasi ah ay ka jirto gobolka Mudug oo maamulka cusub ee dhawaan la magacaabay uu soo saaray awaamiir dhanka ammaanka ah oo ay ka mid tahay in aan wax hub ah lagu dhexwadan-karin gudaha magaalada iyo in laga bilaabo maqribkii illaa salaada subax ay magaalada bandow tahay oo aan la ogalayn isku socodka dadka iyo gaadiidkaba. Isbadalka iyo maamulka cusub ee loo sameeyay gobolka Mudug ayaa waxa uu ifafaalo loo arkayay in uu wax badan ka qaban doono xaalada ammaan ee gobolka Mudug, waxaana la filayay in la dareemo isbadal ballaaran, hase ahaatee, dagaalkan labada beelood ayaa noqday mid aan la filayn oo haddii uus ii socdo uu ragaad ku samayn doono hanka wayn ee laga qabo maamulka cusub ee gobolka. Lama sadaalin-karo sida ay xaal noqon doonto, maxaa yeelay magaalada Gaalkacayo ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa lagu laayay dad aad u badan oo isugujira Masuuliyiin, Aqoonyahan iyo Waxgarad, waxaana la weeraray Masaajido, waxaana si wayn looga hadalhayay cidda ka dambaysa dilalka qorshaysay ee dhaca ee aan cidna loo qaban. Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Cali Nuur oo ku sugan Gaalkacyo ayaa isagu waxa uu dhawaan bixiyay ifafaalo muujinaya in ay hayaan amaba ay ka warheleen cidda ka dambaysa dilalka gaar ahaan dilakii ugu dambeeyay, laakiin wali mar jirto cid Maxkamad loo soo saaray dilalka kala duwan ee Gaalkacyo ka dhacay. http://www.puntlandpost.com/gaalkacyo-dagaal-sababay-dhimasho-iyo-dhaawac-oo-dhexmaray-laba-beelood/
-
Taleexi;714915 wrote: Hadday run tahay Rabbi ha kala qaboojiyo beelaha deriska ah. Amiin.
-
War degdega: Dagaal Ka Bilowday Bartmaha Magaalada Gaalkacyo. http://allssc.com/?p=9395
-
Gaalkacyo:(Allpuntland)-Dagaal u dhexeeyo beelo walaalo ah oo wada dega magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa duhurnimadii maanta ka qarxay xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo,waxaana uu dagaalkani yimid kadib markii saaka waaberigii koox hubaysani ay duleedka magaalada ku dileen nin culimo ah. Kadib dilka wadaadkan ayaa duhurnimadii maanta isla gaalkacyo lagu dilay nin kale oo lala xiriiranayo nin ganacsade ah oo kasoo jeeda midkamid ah beelaha gobolka Mudug,waxaana dilka ninkan kadib magaalada si rasmi ah uga bilowday dagaal u dhexeeyo labo kamid ah qaabaa’ilada ugu waaweyn ee dega magaalada Gaalkacyo & guud ahaanba gobolka Mudug. Inta la ogyahay in kabana 7-Ruux ayaa ku dhimatay dagaalka,waxaana jira dhaawacyo intaas kabadan oo la geeyey isbitaalada Koonfurta Gaalkacyo & kuwa Waqooyiga Gaalkacyo,waxaana jira waanwaan ay Puntland ku dhawaaqday oo aanan weli hirgelin,dagaalkanse waa kii ugu balaarnaa ee mudo sanado ah dhexmara Qabaa’ilada kala dega Koonfur Galbeed Magaalada & Bariga magaalada Gaalkacyo. Wixii kasoo kordha dagaalkan APL kalasoco. Cabdiqani Xayir Allpuntland
-
Somaliland Plans to Halt Use of Somali Shilling by Mid-June
Saalax replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Good stuff. -
Madaxweyne Faroole oo Garoowe ka wada abaabul dagaal oo ka dhan ah maamul gooboleedka cusub ee Raas Caseyr State Of Somalia Waxaa malmahanba ay shirar aan kala joogsi lahay ka dhacayen magalada Garoowe ee gobalka Nugal shirkaas oo uu soo qaban qabiyay Faroole isgoo ujedadisu aheeyd sidii bulshada ku dhaqan gobalka Nugaal ay ugu tagerilahayd damaciisa ah inuu dagaal Maamul goboleedka RAAS CASEYR STATE OF SOMALIA maamulkaas oo ka madaxbanaan Puntland inteeda kale yeshayna madaxweyne iyo ku xigeen,gole barlamaan iyo gole wasiir dhamantodna ku sugan wadanka gudihiisa kadib markii ay ku gacan seyreen saladinta, aqoon yahanada, culumo awdiinka, ganacsatada iyo qaar kamida sarakisha ciidanka puntland ayaa waxaa soo baxaya inuu faroole hada uu ababul ugu jiro sidii uu burcad badeed iyo maleshiyo beleed beled u soo hubayn lahaa. Mamulka RAASCASEYR oo ka dhashay shirar iyo wada tashiyo mudaba uga socday dalka iyo dibada dadka degaanka degan ayaa shir weyne loo dhanyahay oo ay ka soo qayb galeen dhamaan bulshada dhinacyadeda kala duwan waxuu ka dhacay 10/2/2011-20/2/2011 magaalada BAARGAAL kaas oo lagu go aan saday in ay dadka degamadaas dagani ay sameystaan maammul ka shaqeya danahooda kadib markii ay ku khasareen isku sarsigii iyo wada lahanshihii puntland ayaa lagu dhawaqay mamulka RASCASEYR STATE OF SOMALIA tarikhdu markay aheeyd 17/4/2011 Madaxweynaha mamulka raas caseyr Eng Farah Mohamud Yusuf Dooxajoog maruu lahadlayay warbahinta gudaha isagoo ku sugan casimada mumulkas ee caluula ayuu u sheegay in cid kasta oo isku dayda inay ka hor yimadan rabitanka shacabka degankaas ay ka hortagayaan iskana difacayaan. Sidoo kale waxaa warbaahinta gudaha la hadlay taliyaha guud ee cidamada RAASCASEYR STATE OF SOMALIA jen: Mohamed Xirsi Cumar isagoo sheegay in hadii maleeshiyada uu Faroole ka ururinayo Garoowe soo damaciyaan degankan ay u dhigayaan cashar lama ilawana isla markaana ay hada ku jiraan heegankii ugu danbeeyay xaduduhuna ay xiran yihiin bad iyo biri ilaa iyo iminka ma jirto wax wan wan wada hadal oo labada qoloba ay diyaar u yihiin waana suura gal in xili kasta uu ka qarxo dagaal faraha looga gubtay kaas oo masuliyadiisa uu qadayo faroole iyo inta ku caqligaa. Sawiradaan waa shirkii ka dhacay degmada Bargaal oo lagu doortay mamulka Raascaseyr labada nin ee wada fadhiya waa madaxweynihii Eng: Farah Dooxajoog iyo ku xigeenkii madaxweynugu Dr: Bare Faatax. http://allcaseyr.net/2011/04/26/madaxweyne-faroole-oo-garoowe-ka-wada-abaabul-dagaal-oo-ka-dhan-ah-maamul-gooboleedka-cusub-ee-raas-caseyr-state-of-somalia/
-
Xaaji Xunjuf;714751 wrote: Kooxda SNM iyo USC ee UK oo xaflad u dhigaya CasayrLand Waxaa magaalada London ka socota qaban-qaabo ey wadaan kooxda SNM iyo USCoo ey lacago uugu aruurinayaan xaflad loo dhigi doono maamulka aan saldhiga iyo taageerada toona laheyn ee Casyerland. Hadaba maxey tahay sababta ey u taageerayaan kooxda SNM iyo USC, akhristow waxaan dhowaanta la-soconey in magaalada Galkacyo lagu xirey Prof Lasoraani isagoo loogashakisanaa inuu lacag kasoo qaadey Dowlada Villa-Soomaaliya gaar-ahaan Madaxweyne Shariif Axmed, read more here http://www.allsanaag.com/Details.asp?id=7261 lol so they are already paranoid about ras casayr.
-
Xaaji Xunjuf;714713 wrote: We shall see duke Salax Raas caseyr wa inaynu so dhaweyno wa niman dhulkooda u tashaday oo diiday qablayadi faroole Rascaseyr website on Somaliland. Wefti uu hoggaaminayay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo socdaal ku jooga dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa kulamo la yeesho masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Safiirro. Warsaxaafadeed ay Madaxtooyadu ka soo saartay socdaalka Madaxweynaha, ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu kulamo la qaatay masuuliyiin uu ka mid yahay Safiirka Dalka Hindiya u fadhiya Imaaraadka, isla markaana ay ka wada hadleen arrimo kala duwan. Warsaxaafadeedkaasi wuxuu u dhignaa sidan; “Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Weftiga uu Hogaaminaayo kuna sugan Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa waxa Maanta (25/04/2011) ku soo bookhday Madaxweynaha JSL, Hotel-ka uu Degan yahay Safiirka Waddanka HINDIA u fadhiya Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Mr. Lokesh Mysore Kapanaiah. Safiirka oo kulan Saacaddo qaatay la yeeshay Madaxweynaha iyo Weftigiisa ayaa waxa uu ka hadlay Aragtida Wadankiisu uu ka qabo Somaliland iyo Guud ahaanba Mandaqada Geeska Afrikada Bari Gaar ahaana Dhinaca Nabad-gelyada, Budhcad-badeeda, Argagixisada dhinaca Dhaqaalaha intaba. Safiirku waxa uu sheegay in uu Wadankisu ka war hayo in Somaliland tahay qayb markii hore ka mid ahayd waddankii laysku Odhan jiray Soomaaliya, laakin imika ay Muddo labaatan (20) sanno ah ay Goonideeda u taagnayd, in uu Waddanka Somaliland yahay waddan Mutaystay in la Gacan-qabto oo ku guulaystay inuu dhinaca Nabad-gelyada iyo Dhinaca Dimu-quraadiyada aad uga Horu-marro waddamada ku xeeran qaarkood gaar ahaana Waddankii uu markii hore ka mid ka ahaan jiray ee Soomaaliya oo isagu Weli ku sugan Xaalad Xasilooni Daro ah ayuu yidhi Safiirka waddanka Hindia u fadhiya Dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta oo Madaxweynaha uga Waramaayey Aragtidiisa ku aadan Mandaqada iyo sida ay u arkaan wax-wada qabsi ay waddankiisu la yeeshaan Wadanka Somaliland. Safiirku waxa uu sheegay in waddanka Hindiya danaynayo wax la qabsi dhinaca Dhaqaalaha ah oo uu la yeesho wadanka Somaliland, waxaanu sheegay in uu Shirkaddo waa weyn oo waddankiisa ka soo jeedaa danaynayaan Maal-gashi gaar ahaana Dhinaca Macdanta. Madaxweynaha Somaliland ayaa isaguna dhiniciisa waxa uu uga waramay Safiirka Baahida ay Somaliland u qabto in ay somaliland wax la qabsato Hindia waxaanu warbixin ka bixiyey dhinaca Budhcad-badeeda iyo dhinaca Nabad-gelyada labada sidii loo sii adkayn lahaa Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay labadaasba ka bad-qabto Somaliland laakiin Nasiib darada haysataa Somaliland ay tahay in labadaasiba ay halis ku yihiin oo ay ku badan yihiin Wadanka la jaarka ah ee Soomaaliya ee ay la wadaagto bad-weynta hindiya ee Budhcad- badeedu hada ka ugaadhsato iyo Dhinaca Bada-cas gaar ahaana dhinaca Soomaaliya iyo weliba Argagixisada oo iyadu xarunba isagga noqotay Waddanka Soomaaliya oo Dabcan Somaliland-na mar-mar badan saamayn ku yeeshay. Laakiin waxa uu Madaxweynuhu uga waramay in ay shacbiga iyo Dawladda Somaliland-ba si wayn isaga kaashadeen sidii ay isaga Dayri lahaayeen dhibaatooyinkaa kaga imanaaya deriska ee la xidhiidha bada iyo beriga labadaba. Madaxweynuhu waxa uu dhiiri-geliyey Aragtida Safiirka ee ah in uu soo hogaamiyo ama soo dhiiri-geliyo shirkadaha waa weyn ee waddanka Hindia ee Maal-gashiga Somaliland diyaarka u ah ama Danaynaya. Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) waxa kale oo uu safiirka kala hadlay dhinaca wax-barashada oo uu sheegay in wadanka Hindia ka caawin karo somaliland dhinaca wax-barashada gaar ahaan (Scholarships), Scholarship-yada dhinaca Ardayda Dhamaysatay Dugsiyada Sare iyo Jaamacadahaba ee reer Somaliland, Safiirkuna waxa uu soo Dhaweeyey Arrintaasi waxaanu sheegay in waddanka Hindia taa wax weyn ka qaban karayaan dalkiisana uu kula noqon doono. http://allcaseyr.net/2011/04/26/wefti-uu-hoggaaminayay-madaxweynaha-somaliland-axmed-maxamed-siilaanyo-oo-socdaal-ku-jooga-dalka-isu-tagga-imaaraadka-carabta-ayaa-kulamo-la-yeesho-masuuliyiin-kala-duwan-oo-ay-ka-mid-yihiin-safiirro/
-
AfricaOwn;714732 wrote: As if Oodweyne has no ties to Erigavo? My thoughs exactly.
-
Somaliland plans to build a new road to connect Djibouti and Somaliland
Saalax replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
[quote=Xaaji Xunjuf;714692 Wasiiirka Hawlaha guud, Guryeynta iyo Gaadiidka Somaliland Md. Caydiid, waxa uu sheegay inay dhakhso u curin doonaan dhismaha waddooyin cusub oo isku xidha dalalka Jabuuti iyo Somaliland, iyo magaalooyinka kala duwan ee dalka, waanu yidhi; “Waddooyin cusubi waa lagama maarmaan, waddadaa Ceerigaabo iyo Ina-Afmadoobe, waddooyinka raaci karaa waxa weeyaan Burco iyo Hargeysa oo waddo isku xidha la sameeyo oo wareeggan dheer ee shidaalka badan, wakhtiga iyo kharashka badiya ee kirada dadka ku qaaliyeeya laga kabto oo mid toosa la mari karo. Jabuuti waddo innagu xidhiidhisa oo Boorama la mariyo ama Hargeysa-ba toos looga dhaadhiciyo, waddooyinkaa Xeebaha ee Berbera xidhiidhiya Bari iyo Galbeedba ka taga oo meelo badan lagaga safro oo ay ka mid yihiin Xeebaha Bariga Berbera oo aan gaadhi qudhi u badheedhi Karin inuu kaligii maro, taasina ay noqonayso in muhiimadda la siiyo waddadaa Xeebta illaa Maydh, Ceerigaabo, Bari loo kaxeeyo Laasqoray iyo Ceelaayo laga gaadhsiiyo, dhinaca Dhahar mid laga saaro ayaa loo baahanayaa.” Gebagabadii kulankaa uu Wasiirka Hawlaha guud ku hortagay Guddi-hoosaadka joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland, waxa uu kagaga dalbaday inay kala shaqeeyaan sidii loo yarayn lahaa dhibaatada muranka dhulka oo uu sheegay inuu qayb ka yahay waxyaabaha nabadgalyada khalkhalin kara, maaddaama oo ay Guurti ahaan ka mid yihiin hay’adaha nabadgalyada iyo xasilloonida doorka weyn ka qaata ama ka shaqeeya. Excellent.
-
Popular Contributors