Saalax

Nomad
  • Content Count

    10,383
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    24

Everything posted by Saalax

  1. Qm ayaa soo dhoweeysay heshiiskii madaxwaynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka ee Soomaliya ku gaareen magaalada Kambala ee dalka Uganda,kaasi oo ay ka mid tahay in muddo sanad ah loogu daro DKMG ah ee Somaliya islamarkaana la magacaabo ra’isal wasaare cusub. Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska wakiilka QM ee Somaliya Augustine Mahiga ayaa lagu sheegay inuu soo dhoweynayo heshiiska dalka Uganda ay ku gaareen madaxwaynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka ee Somaliya,waxaana uu sheegay in heshiiskan uu soo afjaryo khilaafkii dhinaca siyaasadda ee u dhaxeeyay madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan. A.Mahiga ayaa sheegay inuu ka codsanayo masuuliyiinta dowlada ee heshiiska ku gaaray magaalada Kambala inay ka shaqeeyaan sidii nabad iyo xasilooni dib loogu soo celin lahaa dalka Somaliya, islamarkaana ay fuliso heshiisyadii ay horay ula gashay maamulka Puntland iyo Ahlu-sunah Waljamaaca. Hadalka QM ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Muqdisho uu maanta uu ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeedo heshiiska masuuliyiinta Dowladda KMG Somaliya ay ku gaareen magaala Kambala. Horseed Media
  2. Wuxuu xulafo ka dhigtay Baarlamaanka intiisa badan iyo Wasiiradii Cumar Dowladiisa ka tirsanaa sida, Jurille, Jangeli, Cabdishakuur, iyo rag kale oo badan. Sidoo kale maadaama uu ogaa dareenka iyo is afgaran waaga ka dhexeeya Puntland iyo TFG-2, iyo qaarkale ee ka mid ah Dowlad Goboleedyada ayuu iyagana xulafaystay si markaasi uu isbedel siyaasadeed oo u adeegaya isaga iyo xulafadiisa u keeno. Dagaalkiisa waxaa sii xoojiyay RW Farmaajo oo aad moodid inuusan khibrad qota dheer iyo xirfad siyaasadeed oo buuran ka haysan wadciyada iyo isbedbedala Siyaasadeed ee socda, moodayna daacad baan ahayd iyo ethics baan leeyahay oo qudha inay guul gaarsiin karto, sidoo kale isu taaga iyo ismaqiiqa uu la galay UN, iyo kordhisashada aan sharciga ahayn iyo wakhtiga dowladiisa iyo Madaxweyne Sh. Axmedba ayaad moodaa inay Shariif Sakiin u sii gaarista iyo hiigsashada hadafkiisa. Qaadicistii shirka Nairobi ee RW Farmaajo, ayaa iyaduna fursad siisay Shariif Sakiin,taas oo uu taageero iyo xulafaysi cusub kaga helay Ergayga Gaarka ah Mr. Mahiga Gabagabo: Waa hubaal in Shariif Sakiin uu yahay dhurwaa hilbo lagu ragto iska daaye aan aamini Karin, xulafo kastana kolkuu dantiisa ka gaaro ayuu mid kale oo uu ku adeegto samaystaa, waxaa kaloo hubaal ah fadhiidnimada iyo dhabacsanaanta Sh. Shariif Axmed, Siyaasad xumada iyo Dhoohnaanta RW Farmaajo, Hurdada iyo Dhaayo xumada Shacabka Soomaaliyeed inay sababtay oo Shariif Sakiin u saamaxday in mustaqbalkii iyo masiirkii ummadda Soomaliyeed ku cayaaro , shaqsigaas oo aan wax dareen iyo diir nax ah u hayn maatada uu maalkeeda dhacayo , ummada uu masiirkeeda ku cayaarayo iyo afduubka uu ku hayo hogaanka iyo haykalka Dowladnimo. Intaa waxaa ka sii dheer inuu Shariif Sakiin iyo Xulafadiisu si toos ah ay maanta ugu adeegayaan Agendayaasha Dowlada Itoobiya iyo (IGAD, gaar ahaan UGANDA oo mashruuc la mid ah kii Congo – Zaire ka dhigatay Soomaaliya) oo aad arkaysid in markii shir Soomaaliyeed dhacayo ama laga yimaadaba ay madax ku sheegtu iska xaadiriyaan Adis, si ama ay warbixin u sameeyaan, ama amar u soo qaataan. Waxaa kaloo hubaal ah in Sh.Shariif Axmed iyo RW Farmaajo aysan haystan cid ay maanta ku taagan yihiin oo taageero toos ah ka helaan dal guddo iyo dibadba, taasina ay ka dhalatay Siyaasadahooda indhaha’la oo aan waaqaca iyo wadciga la socon lana fargeli Karin, fadhiidnimadooda wax qabada, soo dhawayn la’aantooda Dowlad Goboleedyada, Xiriir Xumada iyaga iyo Xubnaha Baarlamaanka iwm…. (Sow Cajiib Maaha in nimanka isku sheegaya Madaxweyne iyo Ra’iisal Wasaare aysan weli tagin meel ka baxsan Muqdisho , aaway dadkii iyo dalkii loo irkaday inay maamulaan), aad ayay ugu takhasuseen aadista caasimadaha Caalamka laakiin way ka caagan yihiin tagista , booqashada, u kuurgalka iyo ka warqabka Shacabka iyo Gobolada Dalka Hooyo. Waa hubaal in Shariif Sakiin dagaalo badan ka soo badbaaday, balse waxaa isweydiin mudan in uu ka samata bixi doona mida maanta taagan iyo in kale, laga yaabee inuu isagoo badqaba ka baxsado, lakiin waxaa muuqada in gabalkiisu sii dhacayo, kaadhadhkiisuna soo yaraanayaan, sidaa awgeed, ma yahay nin dareemi kara carada iyo ciilka badan ee loo qabo, mise wuxuu sugayaa in sida Madaxda Carbeed la soo qabto oo xabsiga la dhigo dabadeedna laga soo fago Malaayiinta Doolar ee uu maatada iyo maxaysatada Soomaaliyeed ka dhacay, noloshiisana uu xabsi ku dhamaysto. Farah Aw-Osman http://allssc.com/?p=11239
  3. Waa hubaal ah in Shariif Sakiin uu doorweyn oo mugdi ah ka soo cayaaray Fashilkii Maxkamadaha, Burburkii TFG-1, iyo Khalkhalka siyaasadeed ee uu maanta horseedka ka yahay ee haysta TFG-2. Hadaba waxaa dad badan oo saaxada siyaasadeed ku jira ama indha indheeya hab dhaqanka Hogaan iyo siyaasi ku sheega Soomaliyeed ay aad ula yaaban yihiin, xirfadaha qotada dheer, istiraatiijiyada kala qaybinta, isku dirka, iyo xulafo dhisida ku salaysan ee uu caanka ku noqday Shariif Sakiin meesha uu ka keenay, maadaama uusan ahayn shaqsi xirfad siyaasadeed oo buuran aan lahayn. Hadaba waa kuma Shariif Sakiin? Sida aan kor ku soo xusnayba Shariif Sakiin tacliin iyo khibrad siyaasadeed midna nin leh maaha, nin mansab dowladeed iyo maamul soo qabtayna maaha, laakiin waa shaqsi leh xirfad aad u qoto dheer oo ku salaysan taas oo uu ka dhaxlay doorkiisii Ganacsi iyo Koontarabaaniiste. Shariifku xiligii dowladii Ina-Siyaad wuxuu ahaa ganacsade ka baayacmushtara koontarabaanka laga keeno Kenya. Sarkaan turabataariyada (customs) Baladxaawo ka shaqayn jiray oo aqoon badan u leh Shariifka marar badana ku qabtay badeecad koontara baan ayaa iiga sheekeeyay xirfadaha uu berigaas adeegsan jiray Shariifku sida, marka la qabto oo lagu daro askar isaga iyo badeecadiisa Xamar u dhaadhicisa inuu , intuu jidka ku jiro askartaas kii kala furfuri jiray, siin jirayna (Offer) balanqaad aysan diidi Karin , kaas oo ah inuu askarta ku yiraahdo “Badeecada gaari saaran yaa leh, Jawaabtu waa adigaa leh, kadaba ka warama hadii inta aad xamar igayn lahaydeen oo indinkoo xataa waxaad gaari Baladxaawo ugu soo noqotaan oo jiscin ah haysan dhici lahayd, hadii aan badeecadayda kala barano oo nus idinka idin siiyo , nuska kalena aad ii daysaan” . Dagaaladii Sokeeye kadib , wuxuu Shariif Sakiin ahaa ganacsade Contracts ka helo ciidamadii UN iyo US ee Restore Hope iyo UNISOM, halkaas oo uu xiriir hoose oo badan la yeeshay dagaal oogayaashii Muqdisho. Kadib wuxuu isku bedelay Qaadwale Kenya ka keena Qaadka, halkaas oo uu xiriirka iyo maalgelinta malaysiyaadkii jiray lug ku lahaa, sidoo kale maadaama uu dhaqaale haystay baahi badana ay jirtay ayaa taasi u saamaxday inuu Malaaqyada Digil iyo Mirif iyo iyo Siyaasiyiintaba gacanta ku dhigo oo uu noqdo nin laga haybaysto. Isku soo duuboo Shariif Sakiin waa shaqsi saadaalin kara mowjadu meesha ay u socoto , inta aan hirku la tagina ku boodi kari bari iyo bacad uu ku samatabaxo. Waxaan oran kartaa xirfadaha iyo khirbadaha uu shaqoonyinka kor ku xusan ayaa u saamaxday inuu barto balse ka badsho Siyaasi ku sheegyada Soomaaliyeed, sida shaxda Siyaasadeed loo cayaaro, taas oo uu rag badan oo ruug cadaa siyaasadeed ahaa, dagaal oogayaal, culimo iyo Mutacalimiinta Qurbo joogta ah ee isku haysta inay wax walba daadiyiin uu had iyo goor 2 -0 diro. Hadaad dib u eegto doorka siyaasadeed ee oo 6 sanadood ee la soo dhaafay cayaaray taas oo had iyo goor isagu noqdo kan kaliya ee ka soo samatar baxa waxaa ka mid ahaa kuwan: Dec – 2004 - Inuu noqday Gudoomiyaha Baarlamaanka ee TFG-1 , isagoo ruug cadaa kursigaas wada rabay ee ka soo jeeda Beesha Bay/Bakool Banaanka dhigay May – 2005 – Kadib markii Dowladii TFG-1 laga codsaday inay guddaha dalka Gasho inuu ka buskiciyay Muqdisho isagoo hogaaminaya Dagaal oogayaashii Muqdisho. Jan – 2006 - Kadib markuu arkay saaxiibadiisii Muqdisho oo Dagaala ooge iyo Wadaado (waranle iyo Wadaad) u kala baxay oo dagaal meeshii ka soo food leeyahay , ayuu Cadan kula heshiiyay Madaxweynihii TFG-1 ee Xiligaas Cabdullahi Yusuf Feb – 2006 - Ayuu Gaalkacayo Socdaal ku tagay, si uu xulafaysi cusub iyo dhaawihii uu horay u gaystay u dhayo. August – 2006 – kadib markuu arkay Maxkamadihii oo dhul badan qabsaday ayuu safar qarsoodi ah ugu duulay Dhuuso Mareeb si uu xiriir ula samaysto Maxkamadaha iyo Xassan Daahir Aways iyo Indho Cadde October -2006 – Ayuu Dubai kula kulmay Shariif Axmed oo markaasi Gudoomiyaha Guddiga Fulinta ee Maxkamadihii Xamar November – 2006 – Ayuu isagoo hogaaminaya 27 Xubnood oo Baarlamaanka ah goostay kana soo dagay Muqdisho oo ay markaasi haysteen Makamadaha Muqdisho Intaa waxaa ka danbeeyay inuu Casmara tagay ku biiray Mucaaradkii TFG-1 ee xarunta ka dhigtay Casmara. Mudo kadib wuxuu iska casilay xilkii uu u hayay mucaaradkaas isagoo dareemay waanwaanta siyaasadeed ee la wado iyo shirka ka dhici doona Jabuuti , kaas oo uu laf dhabar u ahaa inuu Shariif Axmed ku soo qanciyo inuu ka soo goosto Casmara. Kadib wuxuu ka soo degay Jabuuti isagoo wato Shariif Axmed, taas oo aad uga caraysiisay kooxdii Casmara Gaar ahaan Sh. Xassan Daahir Aweys oo cayaarayay siyaasad ah (Ushaada ninkaad ka qaadan kartid ayaa loo dhiibtaa) , sidaa awgeed ,siyaasidii Sh. Xassan Daahir iyo xulafadii Casmara ayuu dhabarka ka jabiyay. Kadib markii uu noqod wasiirka maaliyada uuna ahaa ninka sida tooska ah u maamulanayay dowladii Shariif Axmed uu Madaxweynaha ka noqday, taas oo uu adeegsanayay xulafo badan oo uu isagu abuurtay sida Dr. Ibbi iyo rag la mid ah, ayuu Shariif Sakiin arkay dabayl iyo duufaan caratay oo kusoo food leh sida: Inuu ogaaday in UN report kii hore iyo kan soo socdaba in farta lagu fiiqay laguna fiiqi doonaa raga xatooyada iyo boobka ku haya dhaqaalaha dowlada Isagoo ogaaday in Lacago badan laga xajiray sida lacagta 14 Milyan ah ee lagu xayiray Malaysia sida ku cad warqadaha sirta ah ee ay soo qortay Jariidada Sharq Al-Awsad In uu dareemay in jiro codsi beesha caalamka oo ah in raga farta lagu fiiqay ee xatooyada iyo khiyaamada ku caan baxay iyo raga aan tayada maamul iyo maaraynba lahayn laga eryo xilalka wasiirnimo, booskoodana la geeyo dad u qalma aqoona u leh xilalkaasi, si markaasi loo helo taageerada maadi iyo macnawi ee beesha caalamka. Sidaa awgeed Shariif Sakiin oo ah nin aad u caqli badan, kuna wax qaybsada wadciyada iyo duruufaha hadba jira ayaa wuxuu go’aansaday inuu dib u hanto Booskiisii hore ee ahaa Gudoomiyaha Baarlamaan taas oo uu u arkay inuu kaga nabadgeli karo dhamaan arimaha kor ku xusan , kuna heli karo Immunity ama inaan maxkamad khiyaano qaran ama xatooyo qaran la horkeenin iyo inuu ka badbaado duufaanta siyaasadeedba. Sidoo kale doorkaan cusubi wuxuu sii siinayaa Shariif Sakiin inuu awooda ugu saraysa ee dowlada weli ku sii dhexjiro qoobka cayaarkiina meesha ka sii wado. Si uu booska Afhayeenka Baarlamaanka u helo wuxuu cayaaray xeelad uu iska horkeenay sadexdii masuul ee howsha wada wada, kuwaas oo uu labo ka mid ah waa Shariif Axmed iyo RW Cumar Cabdirashiid midkasta hoosta ka tusayay inuu isaga la jiro, meesha uu weerar cad ku qaaday Aadan Madoobe. Hafkiisa ugu weyne wuxuu ahaa inuu noqdo Afhayeenka Baarlamaanka , Kadibna ka takhaluso Madaxweyne Shariif Axmed, laakiin dagaalkii uu ka dhex oogay Shariif Axmed iyo Cumar ayaa Meel xun gaaray, waxaana taasi sajaratay Cumar, sidaa awgeed, xulafaysigiisii ayaa dhaawan soo gaaray, laakiin waxuu ku guulaystay inuu Aadan Madoobe ka takhaluso, go’aana ku gaaro inuu dagaalka Shariif Axmed dib u dhigto una rag badsado.
  4. Farmaajo oo Muqdisho u duulay Kuna Dhawaaqaya Is Casilaad Posted by Galgala on June 9, 2011 in Warar | Exclusive :-Waxaa warka hada naga soo gaaraya magaalada Kampala ee Uganda oo ayku sugan yihiin masuuliyiinta ugu sarsareysa Federaalka oo uu maalmahan qilaaf xoogan hareeyay ayaa lasoo afjaray murankoodii Maanta. Shir aanan caadi aheyn oo ay wada qaateen masuuliyiinta oo ay wehliyaan Musveni iyo Mahiiga ayaa waxaa si wadajira loo saxiixay in xilka uu ka dago Ra’iisulwasaarihii hore ee dowladda KMG ah Md.Cabdulahi Maxamed Farmaajo. Heshiiskan ayaa sidoo kale waxaa goobjoog ahaa masuuliyiin kale oo ka socota beesha caalamka waxaana sida warqada ku cad wada saxiixay 2-Shariif, Museveni, Amb.Mahiiga iyo Farmaajo. Sida halkaasi wararka aanu ka heleyno aysheegayaan waxaa lagu wargelshay 2-Shariif in aysoo dhisaan xukumad loo dhanyahay mudo 30-cosho gudahooda ah iyadoo taasi ka dhigeysa Madaxweyne Shariif Ra’iisulwasaarihii 3-aad oo uu soo magacaabo 2-sano iyo bar gudahooda halka C/llahi Yusuf ay afarsano ku qaadatay in uu keeno Ra’iisulwasaare labaad. Farmaajo ayaa la filyaa in uu Maantao saxaafada la hadlo asagoo sheegaya in uu xilkaasi ka dagay kadibna uu howlaha dowlada uu sii wadi doono Madaxweyne Shariif oo soo magacaabaya Ra’iisulwasaare cusub. Olale xoogan oo Dhegta Loogu Taagayo Is Casilada Farmaajo ayaa ka socda Villa Somaliya iyo Hotelada ay degenyihiin Xildhibaanada Dawlada Somaliya. Wasiirka Warfaafinta ee ah Turjumaanka Shariif Axmed ayaa Idaacada ah Taageera Dawlada u sheegay inuu i Casilayo Maanta isla markaana Dhawaan Madaxwayne Shariif Looga Fadhiyo inuu Raisalwasaare Cusub soo xusho. Waxa Xusid Mudan in Shabakada GalGalanews ay Sadex Casho ka Hor Daabacday in Raisalwasaare Farmaajo uu xilka ka degayo Anaga oo Ilo Diplomasiyadeed ka Helay Warkaasi isaga ah [Akhri Warkaasi] (THE KAMPALA ACCORD) AGREEMENT BETWEEN THE PRESIDENT OF THE TRANSITIONAL FEDERAL GOVERNMENT OF SOMALIA AND THE SPEAKER OF THE TRANSITIONAL FEDERAL PARLIAMENT OF SOMALIA MADE IN KAMPALA ON 9TH JUNE 2011(THE KAMPALA ACCORD)1.Recognizing the Transitional Federal Charter as the basis for the legitimacy of all Transitional Federal Institutions.2.The President of the Transitional Federal Government and The Speaker of the Transitional Federal Parliament met in Kampala Uganda under the auspices of His Excellency President Yoweri Kaguta Museveni and the facilitation of the Special Representative of the Secretary General of the United Nations Ambassador Augustine P. Mahiga to address the issues and agree the way forward on bringing to an end the transition in a spirit of cooperation and harmony in accordance with the Djibouti Agreement and in line with the Transitional Federal Charter.3.All parties were cognisant of the counsel from the United Nations Security Council in their meeting of the 25th May 2011 to reach an agreement on ending the transitional phase. Cognisant of the counsel of the ICG Meeting of June 3rd, 2011. Cognisant of the concerns of the Troop Contributing Countries not to squander significant military progress and the readiness by the Regional Heads of State (IGAD and EAC with the participation of the United Nations (UNPOS) and the African Union) to oversee and monitor and guide any agreement by the Transitional Federal Institutions on bringing to an end the Transitional Phase on 20 August, 2011 and thereafter bringing in a new dispensation.4.The parties meeting in Kampala agreed to the following parameters:a.We agree to defer elections of the President and the Speaker and his deputies for twelve months after August, 2011 in order to adequately prepare and complete priority transitional tasks.b.Elections for President and Speaker of Parliament will have to take place prior to August 20, 2012.c.Within thirty days of the signing of this Agreement, the Prime Minister will resign from his position; and the President will appoint a new Prime Minister.d.Parliament will endorse the new Prime Minister within 14 days of the submission of the PM Nominee by the Office of the President.1e.The New Prime Minister will appoint his cabinet within 30 days of his approval and submit it to President.f.Parliament will endorse the new cabinet within 14 days of the submission of the cabinet list by the Office of the President.g.While ensuring the new government reflects the 4.5 formula for power sharing. These appointments will be done in the spirit of collaboration and mutual confidence between the leaders of the TFIs in accordance with their respective mandates.h.All Ministers are to possess the education, experience and integrity to discharge their ministerial duties.i.The new Government and Parliament will work closely with each other through joint committees and their respective mandates to complete important priority tasks, including on security, Parliamentary reforms, constitution-making process, preparation for elections, and greater political outreach.j.Both Government and Parliament will endeavour to create an environment to that is conducive to a cooperative working relationship and shall refrain from media recrimination, threats of impeachment of the President, Speaker and two deputy speakers of Parliament, and the dismissal of Parliament.k.The government should also not be subjected to motions unless that motion has been justified and substantiated with strong evidence of a breach of the TFC.l.In its oversight role, Parliament should facilitate the smooth functioning of government business in Parliament. Each branch of the TFIs will operate within the confines of its respective mandate to ensure harmonious and complimentary working relations. Government will initiate needed legislation in a timely manner and Parliament shall consider and act on proposed and pending legislation expeditiously.m.Both Government and Parliament shall work together with the international community to establish a roadmap with benchmarks, timelines and compliance mechanisms for the implementation of the priority task. Details of the mechanisms to be agreed by 20 August 2011.n.The Heads of State of the Region (IGAD and EAC) shall constitute a Political Bureau with participation of the UN (UNPOS) and the AU, similar to the Burundi Regional Peace Initiative. The Bureau shall oversee and monitor compliance of the TFIs with agreed benchmarks and timelines to implement the transitional tasks and to advance the Somali Peace Process.o.The international partners and the Regional Bureau reserve the right to evoke appropriate measures with consequences to ensure compliance with the benchmarks and timelines by the TFIs including the application of appropriate sanctions against spoilers.p.A mid-term review of performance of the TFIs to take place in six months time.23q.The international community shall undertake commitment to provide timely support for these efforts in line with agreed benchmarks and timelines.r.The planned Mogadishu Conference will be convened by the TFG and TFP and facilitated by the SRSG to be held at a mutually agreed date as soon as possible.5.The parties agreed that support for the current military operations and completion of the rebuilding of the Security forces are fundamental to the success of the transitional period and agreed that a reformed Joint Security Committee will sit permanently in Mogadishu.6.All parties to this agreement should seek the support and reach out to all the Somali stakeholders.7.All parties to this agreement agreed to the creation of a new Anti-Corruption Commission to safeguard the public wealth.8.We invite the international community and the regional actors to guarantee this political undertaking. The parties to this agreement will seek the support and reach out to all Somali stakeholders.9.HE President Yoweri Museveni of Uganda will Guarantee the implementation of this agreement and sign below as a witness.10.This Agreement will come into effect when signed.Signed this day 9th June 2011 by:……………………………………………………………………… ……………………………………………………….HE Sharif Sheikh Ahmed Hon Shariff Hassan Sheikh AdenPresident of the Transitional Federal Government Speaker of the Transitional Federal ParliamentWitnessed by: Witnessed by:………………………………………………………………………. ………………………………………………………….H.E. Yoweri Kaguta Museveni Dr Augustine P MahigaPresident of the Republic of Uganda Special Representative of the Secretary General of the United Nations Chief Editor- Nairobi http://galgalanews.com/?p=14312
  5. That is a crazy conclusion. Saalax meel baad uga dhacday Aaliyyah wa nin landheere he doesn't need to pretend to be a Piratelander or from the Garaad clan to attack others.
  6. Xaaji Xunjuf;727179 wrote: yeah he does a bit with an accent though.
  7. Aaliyyah;727193 wrote: could it be possible this is salax and co with a new shaati lmao!! Aaliyyah how is that possible? Saalax is not Pirateland supporter nor is he from the Garaad clan.
  8. War Deg Deg Ah: Ra’iisal Wasaare Farmaajo oo Iscasiley War deg deg ah ayaa xaqiijinaya in Ra”isal wasarihii Soomaaliya Mohamed Abdullaahi Farmaajo iscasiley. Warkan oo mas’uuliyiin sar sare u xaqiijiyeen Shabakada Caalamiga ah ee Horufadhi ayaa sheegaya inuu saxeexay waraaqdii istiqaalada.Shabakada Horufadhi ayaa warkan ka xaqiijisay dad mas’uuliyiin ah oo aad ugu dhow dhow. Waxii faah faahin ah kala soco Wararkeena danbe. Horufadhi News Desk. http://horufadhi.com/2011/06/08/war-deg-deg-ah-raiisal-wasaare-farmaajo-oo-iscasiley/
  9. MoonLight1 Where did i celeberate? Keep your twisted clannish views to yourself. AUN to the innocents that died.
  10. Wararka ka imaanaya Magaalada Galkacyo ayaa sheegaya in Dabley Hubeysan ay saaka aroortii weerar ku qaaday Dad fadhiyay goob maqaaxi ah oo ay ka qaxweynayeen, kadib salaadii subax, iyadoo weerarkaas uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac. Sida ay sheegayaan wararka ilaa afar ruux ayaa ku dhimatay, ku dhowaad shan kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarkaas hubeysan, waxaana uu ahaa mid bareer ah oo dableyda ay rasaas ooda ugu qaadeen dadka fadhiyay goobta lagu qaxweynayay. Wararka qaar ayaa sheegaya in weerarkan saaka uu daba joogo weerar shalay lagu qaaday gaadiid marayay meel u dhow deegaanka Jariiban ee Gobolka Mudug, kaasoo ay ku dhinteen ilaa toban ruux, oo ahaa rakaabkii saarnaa gaariga oo ay jidka u galeen Niman dabley ah. Xaalada dhinaca Koofureed ee Magaalada Galkacyo ayaa saaka ah mid kacsan, waxaana dhacdada saaka uu muuqataa mid xurguf beeleed ah oo keeni kara aanooyin qabiil. Mudooyinkii u dambeeyay ayaa Magaalada Galkacyo, gaar ahaan dhankeeda Koofureed waxaa ka jiray aanooyin xaga qabiil iyo weeraro qaraxyo ah, iyadoo dhacadii ugu foolka xumeyd ay aheyd labo bilood ka hor markii dableys Hubeysan xilli salaad subax weerar ku qaadeen Masaajid ay dad ku cibaadeysanayeen. http://galgalanews.com/?p=14279
  11. Kampala:-Waxaa caawa dalka Uganda saacadaha soo socda kusoo aadan Ra’iisulwasaare Maxamed C/llahi Famaajo oo looga yeeray caasimada Kampala. Warar hada dhankaasi naga soo gaaraya ayaa sheegaya in xilka laga qaadayo saacadaha soosocda Ra’iisulwasaaraha, waxaana heshiiska rasmiga ee labada shariif uu si buuxda u cadeeyay in losoo dhiso dowlad wada jira oo ay labada Shariif soo wada dhisaan. Ilo wareed ayaa sheegaya in Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Faroole oo Shirkaasi ICG ka qayb Galay uu Ku Suganyahay Wakhtigan Ethiopia isla markaana uu Saacad Saacad Khadka Telefoonka ugula soo xidhiidhayo Gudoonka Baarlamaanka waxana aad looga wada hadlayaa Ruuxa Lagu bedelayo Farmaajo inuu Noqdo Raisalwasaare uu Saxiib dhow la Yahay Madaxwayne C/raxmaan Faroole si Looga Gudbo Khilaafka Baahsan ee Hay’addaha TFG iyo Puntland ka dhex aloosan kaasi oo Salka ku haya Awood Qaybsi iyo Dhaqaale. Hadii arintaasi Dhabowdo waxa Meesha Ka Baxaysa Balantii Shariif Axmed iyo Raisalwasaaraha Somaliya oo Isku Mowqif ka ahaa inaan Doorasho la qaban Wakhtigan isla markaana Dalku uu Xaalad Adag ku Jiro, Hase Yeeshee waxa Moodaa in Shariif Axmed uu Jalaafo Adag u dhigay Rafiiqiisii dhanka Siyaasada ay ahaayeen. Raisalwasaare Farmaajo oo Waraysi Siiyay Laanta Af-Somaliga ee VOA-da ka Hor intii aanu Ka duulin Garoonka Magaalada Muqdisho waxa uu qeexay in Shirkii ICG ee Kampala laga Baydhay Ajandihiisii isla markaana Loo weecday Buu Yiri Awood Qaybsi isla markaana ay Taasi tahay Mid Sharicga Gees Marsan. Farmaajo ayaa dhaleeceeyay Gudoonka Baarlamaanka Kuna Tilmaamay nin Ujeedkiisu yahay Gor Gortan Wasiiro ah inuu ka Helo Xukuumada Cusub ee La sheegayo in la dhisayo. Maxamed C/laahi Famaajo oo Xafiiska Hayay Mudo Lix Bilood ah waxa uu Sheegay inay wax badan qabteen isla markaana ay dib u Riixeen Kooxda Mucaaradka ee Dawlada ka soo Hor Jeeda taasi oo Gooba badan oo Muhiim u ahaa Al-Shabaab Laga Turkiyay Gudoomiyaha Baarlamaanak Shariif Xasan oo Waraysi Siiyay BBC-da Ka Hor intii aanu Shirkii Kamapala Dhamaan ayuu Qiray in aanu Marnaba Aqbalayn in Doorashada dib loo dhigo Dhegayso BBC-da Waraysi Chief Editor- Nairobi http://galgalanews.com/?p=14259
  12. Hargeysa: Muwaadiniinta Reer Somaliland Ee Ka Soo Qaxaya Colaadaha Ka Taagan Dalka Yemen Oo Si Isdaba Joog Ah Dalka U Soo Gaadha Iyo Wiil Ka Waramaya Dhibaatooyinka Dalkaa Ka Taagan Hargeysa (Ramaas) June 8,2011 – Muwaadiniintii reer Somaliland ee siyaabaha kala duwan u tagay dalka colaaduhu ka socdaan ee Yemen ayaa bilaabay inay dalkooda dib ugu soo guryo noqdaan. Dadkan oo ka soo dega xeebaha kala duwan ee Somaliland ayaa ka soo qaxaya dagaalada u dhaxeeya qabiilka ugu wayn dalka Yemen iyo dawlada uu hogaamiyo Cali Cabdalla Saalax, dagaladaas oo maalinba maalinta ku xiga sii xoogeysanaya. Cali Cabdilaahi oo ka mid ah dhalinyaro hore wadanka Yemen ugu tahriibay si ay ugu sii gudbaan wadamada Yurub oo uu maanta la kulmay wariye ka tirsan Ramaasnews.com ayaa sheegay inuu ka soo cararay dhibaatooyinka dagaalka Yemen isaga oo sheegay in mararka qaarkood dad gadoodsane ay dhibaateeyaan dadka ajaanibka ah, sidaas daraadeedna ay door moodeen inay dalkooda hooyo ku soo guryo noqdaan “Walaahi markii hore tahriib ayaan ku tagay dalkaa, waxaanan aaminsanaa inaan ka sii gudbiyo karo, laakiin wixii aanu ku fikiraynayba dhibta meesha taala ayaa ka badan” ayuu Cali waxaanu intaa ku daray “Markaa waxaan doortay inaan dalka ku soo laabto.” Dadka reer Somaliland ee dalka Yemen ka soo qaxaya ayaa waxa ku jira qoysas dhan oo iyagga oo carruurtoodii watta dalka ku soo laabanaya ka dib markii ay u adkaysan waayeen mushaakilaadka siyaasadeed ee dalkaa ka taagan. Ramaasnews Desk
  13. Nice. Good luck to the Somaliland brother.
  14. GalGala:- Dagaal Xoogan ayaa Maanta ka dhacay Buuraha Golis Galbeedka G.Bari, Malayshiyaad Daacad u ah Wadaadka Maxamed Siyaad Atam iyo Ciidamo kale oo Taabacsan Madaxwaynaha Puntland ayaa iskaga Hor Yimi Buuraha GalGala Maanta Galinkii Danbe. Ilo wareed baa shegaya in 5- Askari oo dhawaac ah la Keenay Cisbitaalka Bosaaso walow ay Jiraan war sheegaya iin Puntland dagaal looga Gacan sareeyay. Malayshiyaadka deegaanka Galbeedka bari ayaa la Xaqiijiyay in Weerar Gaadmo ah ku soo qaadeen Saldhig ay Joogn Ciidamada PL. Wasiirka Amniga PL Gen Yuusuf Axmed Khyar ayaa Beeniyay in Dagaalkaasi looga Gacan sareeyay waxana uu xusay inay Kooxda dagaalka soo qaaday ahaayeen Malayshiyaad diidan Nabada Puntland oo doonaya dano Gaar ah. Docda kale wali war Lagama hayo Malayshiyaadkaasi Sheegtay inay doonayaan Isbedel ka dhan Puntland oo ay Dalbanayaan in Madaxda Sare ee Maamulku ay Meesha Baneeyeen waa sida ay hadalka u dhigeen. Buuraha Golis dagaal baa ka Bilowday Bishii Julay sanadkii 2010- kaasi oo Gun dhigiisu ahaa Markii Dawlada PL ay Fara Galisay Ciidamo daacad u ahaa Maxamed Said Atam oo Horay u sheegay inuu difaacanayo Khayraad Deegaankaasi ku Duugan. Puntland ayaa Awoodeedii isugu Gaysay Buuraha GalGala waxana dagaalkaasi socday Mudo dheer Madaxwaynaha PL oo Waraysi Wakhtigaasi Bixiyay waxa uu sheegay inay soo Af Jareen Kooxdii GalGala Balse Hadalkaasi ayaa wax ka danbeeyay Dhowr Dagaal oo danbe. Halkan Ka dhageyso Waraysiga. Madaxweynaha Puntland Dr Faroole-Afjarid Galgale War Dhegayso Wasiirka Aminga PL Gen Yuusuf Axmed Khayr Dhegayso Sheekh Atam VOA-da. http://galgalanews.com/?p=14246
  15. Dowlada Ugandha ayaa xaqiijisay in mid kamid ah Korneylada hogaamiyaha ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho la dilay maalinimadii Sabtidii. Korneylkan ayaa lagu wadaa in maanta magaciisa la shaaciyo, wuxuuna kamid ahaa shan askari oo kamid ah ciidamada AMISOM oo uu ku dhacay hoobiye ay soo tuureen kooxda Al Shabaab, dagaalkii ugu danbeeyey ee ka dhacay degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho. Korneylkan ayaa noqonaya sarkaalkii ugu sareeyey ee AMISOM oo in muddo ah lagu dilo dalka Soomaaliya gudihiisa, waxayna kusoo beegmaysaa xili ay ciidamada AMISOM wadaan dagaalo ay ku doonayaan inay kula wareegaan qeybo kamid ah magaalada Muqdisho. Xarkada AL Shabaab ayaa sheegtay inay gubeen labo kamid ah gaadiidka dagaalka ee AMISOM, ayadoo Taliyaha Ciidamada AMISOM Maj. Gen. Nathan Mugisha uu xaqiijiyey dhimashada saraakiisha ka socota AMISOM, asagoo arrintaasi ku tilmaamay mid nasiib xumo ah. Maj. Gen. Nathan Mugisha oo hada ku sugan shirka ka dhacayey magaalada Kambala ee dalka Ugandha ayaa sheegay in dhawaan ay shaacin doonaan magaca Taliyahaasi la dilay, wuxuuna sheegay in si khaldan uu u dhintay sarkaalkaasi sare. Dilka Korneylkan kasoo jeeda dalka Ugandha ayaa kusoo beegmaya xili Madaxweynaha dalka Ugandha Yuweri Musefeni uu sheegay in wakhti 1 sano ah loogu daro dowlada Federaalka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, hadii kale oo lasoo dadajiyo Doorashooyinka Madaxweynaha iyo Baarlamaanka in dalkiisa uu ciidamada Ugandha kala bixi doono dalka Soomaaliya. Horseed Media
  16. Maamuka Garoowe oo Ku guulaystay inuu markale kala Qaybiyo Cududii Kooxda La Baxday SSC. http://horufadhi.com/2011/06/04/maamuka-garoowe-oo-ku-guulaystay-inuu-markale-kala-qaybiyo-cududii-***********/
  17. The Zack Buuba, Sifir, Omar don't have any support bases in their native lands though. Were's the likes of Xaabsade get a big welcome in Las anod.
  18. http://horufadhi.com/2011/06/04/maamuka-garoowe-oo-ku-guulaystay-inuu-markale-kala-qaybiyo-cududii-***********/
  19. AfricaOwn;725829 wrote: Now let's get it all in perspective pl admin = cowards , ssc = hopeless, headless chickens. .
  20. Mashallah good news. *ANWAR*;725517 wrote: it is said there are much better roads between Growe and Gaalkacyo, then Burco and Hargeysa You do realise there was never a direct proper road linking Burco & Hargeysa to begin with? Thus your comparison is off the mark.