Saalax

Nomad
  • Content Count

    10,383
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    24

Everything posted by Saalax

  1. Zakariye M.Xaaji Cabdi: Ciidanka Amisom ee loo soo Wado Puntland Waxaa loo Dalbaday Galbeed Mudug, Galmudug iyo Galgaduud Muqdisho (RBC) Gudoomiyaha Isbahaysiga Soomaaliyeed Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa kadigay go’aanka maamulka Puntland ee ku aadan in ciidamo ka socda Amisom la geeyo deegaanada Puntlandisagoo ku tilmaamay inay tahay khiyaano qaran oo uu galayo maamulka C/raxmaan Faroole. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo isagoo ku sugan magaalada London wareysi gaar ah siiyey RBC Radio ayaa shaaca ka qaaday in ujeedada maamulka C/raxmaan Faroole uu u dalbaday ciidamada Amisom inay tahay in lagu gumaado dad gaar ah. “Waxaan la soconaa in ciidamadaas waxaa loo dalbaday waa dadka ka soo jeeda Galbeed Mudug iyo Galmudug iyo gobolka la yiraahdo Galguduud in la rabo in dadkaasi lagu adoonsadooo lagu qabsado, Waxaan ugu baaqeynaa ciidamadaasi ajnabiga oo hadda Xamar heysta inaysan caradaasi isku imaan” ayuu yiri Zakariye oo wareysi siiyey RBC Radio. Zakariye oo aan weydiinay waxa uu ku cadeyn karo in ujeedada Puntland ay u dalbatay ciidankaasi ay tahay dad gaar ah oo Soomaaliyeed ayaa yiri;- “Faroole ayaa sheegay in ciidanka meelo gaar ah geysanayo oo uusan geyneyn meeshuu joogo isagu”. Yaa ka masuul ah amaandarida Puntland? Gudoomiyaha Isbahaysiga Soomaaliyeed Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi waxaa uu ku eedeeyey amaandarida ka jirta gobolada Puntland inay masuul ka yihiin ciidamo uu sheegay in loo yaqaano ‘ASHAHAADO LA DIRIR’ kuwaasoo uu sheegay in maamulka Puntland hadda ka jira ay abuureen kuwaasoo uu ku eedeeyey inay qabqabtaan dadka masaajidada ka soo baxa iyo kuwa tukada oo kaliya. “Hadey yimaadaana [ciidankaasi] dadka Soomaaliyeed way isdifaaci doonaan”, ayuu hadalkiisa ku daray Zakariye Maxamuud oo sidoo kale dadka ugu baaqay inay ka horyimaadaan ciidamadaasi ajnabiga ah ee loo soo wado. Soo gelida ciidamada Kenya Wareysiga Zakariye ayaan sidoo kale wax kaga weydiinay sida uu u arko faragelinta ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya isagoo sheegay inay tahay sharci darro. “Waxaan ugu baaqeynaa Kenya inay ka laabato duulaanka Soomaaliya waayo Ethiopia ayaa xoog ku qabsan weyday Soomaaliya”, ayuu yiri Zakariye. Wuxuu cambaareeyey hadalkii uu raysul wasaaraha DKMG Soomaaliya ku taageeray soo gelida ciidamada Kenya isagoo sheegay inay nasiib darro tahay in dad masuuliyiin ah ay ogolaadaan faragelin ciidan shisheeye. Gudoomiyaha Isbahaysiga Soomaaliyeed wuxuu sidoo kale cambaareeyey afduubyadii laga geystay gudaha Kenya, isagoo sheegay in Kenya looga baahan yahay inay kala saarto kuwa afduubyada geysta iyo shacabka Soomaaliyeed qaranimadooda. RBC Radio
  2. Aaliyyah;754562 wrote: Mashallah my birth place looks cool. Alle ha idin siyaadiyo Amiin. thanks for your well wishes, Shaw Hargeysa dhalad aad tahay? kk.
  3. By Standard Reporters and Agencies Eight people have been killed in a grenade attack on a bus in Mandera town, North-eastern Kenya by suspected al shabaab militia. The militia are said to have sprayed the bus ferrying KCSE exam papers with bullets before lobbing a grenade that instantaneously exploded killing all on board. Those killed include Lafey secondary school headmaster, the district education officer, and two Kenya police reserve among others. The attack happened 100 kilometres from Mandera town. This is the third grenade attack in the past five days bringing the death toll in suspected al shabaab related attacks to 9. "We have received a report of a banditry attack in Mandera District about 110 km from Mandera town involving a vehicle carrying government officials among others," police spokesman Eric Kiraithe said. Kiraithe said the District Police Commander and his security team were proceeding to the scene of the attack. Mandera is in Kenya's sparsely populated far northeast, close to the porous borders with Ethiopia and Somalia. Kenyan troops deployed into anarchic Somalia 12 days ago in an offensive against al-Shabaab militants blamed for a series of kidnappings on Kenyan soil and frequent cross-border incursions. Al Shabaab had warned it would strike back. Two separate grenade attacks in the capital Nairobi on October 24, killed one person and wounded more than 20. A Kenyan man pleaded guilty on October 26 to one of the attacks and being a member of al Shabaab, the Somali Islamist group.
  4. Khaawi: " Fikirad Khatuumo Anigaa Lahaa, *********** Waa Somaliland" (Sir La Qarxiyay). http://taleex.net/2011/10/26/khaawi-fikirad-khaatumo-anigaa-lahaa-dhulbahantana-waa-somaliland-sir-la-qarxiyay
  5. Sawiro laga Qaaday Hargeysa dhawaan. Sawirkan oo muujinaya Muuqalka Guud Ee Magaalada Hargeysa iyo sida ay isu bedelayso maalinba maalinta ka danbaysa.
  6. Alla ha u naxariisto War Deg Deg Ah:Magaalada Burco Oo Nin ka soo jeeda Gobolada Dhexe ee Somaliya Ku dilay Tooray afweyn iyo qori Laba Ruux Saddex kalena ku dhaawacay http://www.togaherer.com/2011/10/27/war-deg-deg-ah-magaalada-burco-oo-nin-ka-soo-jeeda-gobolada-dhexe-ee-somaliya-ku-dilay-tooray-af-weyn-iyo-qori-laba-ruux-saddex-kalena-ku-dhaawacay/
  7. Jowhar (RBC) Maamulka cusub ee Al-Shabaab dhowaan u magacawday gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa maanta sheegay inay dadka u fasexeen ganacsiga iyo cunista qaadka. Amarka maanta lagu fasaxay Qaadka ayaa waxaa shaaciyey saraakiisha Shabaab ee Jowhar, iyadoo maanta dib loo furay suuqii Qaadka ee magaalada Jowhar oo hore Shabaabku u xireen. Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in mudo dhowr bilood ah markii ugu horeysay maanta ay bilaabeen inay Qaadka ku cunaan biibitooyinka magaalada iyadoo aysan jirin wax cabsi ah oo dadku ka qabaan maleesghiyaadka Shabaab oo markii hore dadka xiri jiray. Dumar badan oo ka shaqeysan jirin iibka Qaadka ayaa iyaguna maanta bilaabay inay soo shaqo tagaan. Wararka ayaa sheegaya in sababta ay Shabaab u fasaxeen Qaadks sy tahay kadib markii dadka ay ka soo horjeesteen cadaadis Shabaab ku hayeen dadka deegaanka taasoo keentay isku dhacyo dhexmaray dadka deegaanka oo ka careysan cadaadiska iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab. Fasaxa Al-Shabaab ay dadka ayaa soo baxday maalmo ka dib markii maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe laga qaaday ninkii hore u heyn jiray loona dhiibay Sheekh Yuusuf Ciise Kabakutukade oo gobolka ka soo jeeda. RBC Radio
  8. ALLSANAAG website owned by Xiinfaniins folks take on this kk. Ina Axmed oo ka hor yimid Xorayntii Jubooyinka http://www.allsanaag.com/Details.asp?id=8091
  9. Mintid Farayar;753165 wrote: Typical Diaspora Somalis. Waar, dhulkiinii iyo dadkiinii baa gubanaya, idinkuna Qadafi iyo NATO baa maskaxdiina la weynaadey! While the mutilation, humiliation, and murder of Qadafi, regardless of his crimes, has been shocking to say the least, far more shocking is the amount of Somalis currently expiring from war, starvation, thirst, disease, and every other calamity known to mankind. Come back to reality and concentrate on home. co-sign.
  10. oba hiloowlow Raxanreeb belongs to a Puntland clan not Somaliland or triangle.
  11. Shirkii Wadatashiga Soomaalida ee Lagu Qaban Lahaa Garowe oo Loo Wareejiyey Nairobi (Warbixin) Nairobi (RBC) Waxaa saaka oo Sabti ah [22.10.2011] hotel ku yaalla magaalada Nairobi ka furmaya wareegii labaad ee shirkii wadatashiga ee bishii September lagu qabtay magaalada Muqdisho. Shirkan oo ay qabanqaabisay hay’adda UNPOS ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa ka qeybgalaya DKMG Soomaaliya, Puntland, Galmudug iyo Ahlusuna. Waxaana shirkan uu noqonayaa kii labaad oo ku xiriirsan shirkii bishii September 9-keedii lagu qabtay magaalada Muqdisho. Wareegan labaad ayaa lagu waday inuuka dhaco magaalada Garowe ee caasimada maamul goboleedka Puntland iyadoo sida qorshuhu ahaa, la filayey in shirka uu dhaco bishan October bartankeeda. Waxaana sidaasi horey u shaaciyey DKMG iyo Puntland. Hase yeeshee waxaa ergadii shirka ka qeybgaleysay ay shalay soo gaareen magaalada Nairobi oo uu ku sugan yahay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan SoomaaliyaAugostine Mahiga oo shirka horboodaya. Mana cadda sababta shirka looga soo weeciyey Garowe ee loo keenay Nairobi. Warar hore u soo baxay ayaa sheegaya in bishan horaanteedii Puntland ay dalbatay in lagu soo wareejiyo dhaqaalaha shirka lagu qabanayo oo dhan $200,000 (labo boqol kun doolar), taasoo aan la ogeyn in masuuliyiinta Qaramada Midoobay ay lacagtaasi siiyeen Puntland iyo in kale. Wafdiga DKIMG ee shirka uga qeybgalaya Nairobi ayaa waxaa hogaaminaya wasiirka arimaha gudaha C/samad Macalin Maxamud. Xafiiska Shabakadda Raxanreeb ee Nairobi ayaaxalay la xiriiray Xafiiska UNPOS iyo wafdiga Puntland ee ku sugan Nairobi bal si aan wax uga weydiino sababta shirka looga soo weeciyey Garowe ayaan suurtagalin sababo la xiriira mashquulka wufuuda awgeed. Hase yeeshee ilo wareedyo ku dhow wufuuda ayaa laga soo xigtay inay u badantahay in sababtu ay tahay kadib markii xildhibaano ka tirrsan barlamaanka DKMG oo shirka ka qeygali lahaa ay ka biyo diideen tegitaanka Garowe iyagoo maamulka Puntland ku eedeeyey inay si xun ula dhaqmeen dad ka soojeeda koonfurta Soomaaliya ee ku noolaa gobolada Puntland taasina ay keentay in cabasho loo gudbiyo xafiiska UNPOS si shirka loogu wareejiyo Nairobi. Sidoo kale ilo wareedyo kale ayaasheegaya in arimaha amaanka Puntland ay ka welweleen saraakiisha UN-ka, Mareykanka iyo kuwa Midowga Europe oo la rabay inay shirka wareegiisa labaad goobjoog ka noqdaan. RBC Radio Xafiiska wararka Raxanreeb, Nairobi
  12. I dislike dictators. Gaddafi though died in his own country like he said unlike Siad Bare who fled to Lagos Nigeria.
  13. Madaxweyne Faroole oo Sheegay inuu Codsadey in AMISOM Puntland La geeyo RBC (London) Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxmuud Faroore ayaa waxuu shaaca ka qaaday war ay RBC kal hore qortay kaas oo ahaa in ciimada AMISOM qaarkood la geeyo deeganada Puntland si ay uga qeyb qaataan sugida amaanka deegaanada Puntland. Mar uu Madaxweynuhu la hadlayey jaaliyada Puntland ee degan dalka UK ayaa waxuu sheegey inay codsadeen in ciidanka midowga Africa ee jooga magaalda Muqdisho qaarkood la geeyo magaala madaxda gobolka Mudug ee Gaalkacyo. Madaxweynaha oo la hadlayaya Jaaaliyada Puntland UK Wuxuuna intaas ku darey Madaxweynuhu in ay tahay sababta Gaalkacyo ay ugu doorteen in ciidankaas la geeyo ayada oo amaankeedu xunyahay ayna noqotay meel furin ah oo dilalka qorsheysan laga soo agaasimo. ” Puntland waxaa duulaan qaawan kusoo wada dadka ka dagaalama koonfurta dalka Soomaaliya sidaas darted waxaanu doonaynaa in aanu adkeyno amaanka Soodinteena waana midaas sababta aanu u codsanay waxaana ku hanweynahay in ciidankaas uu nasoo gaaro bilaha soo socda”.sidaa waxaa yiri madaxweynaha maamulka Puntland. Midowga Afrika ciidamo ayaa ka jooga Caasimada Soomaaliya waxaana ciidamadaasi ay ka kala socdaan wadamada Burundi iyo Uganda, waxa ayna xiligaan wajahayaan dagaal googan oo ay kula jiraan Al-Shabaab, inkastoo mudooyinkii ugu danbeeyay ay la wareegeen inta badan magaalada Muqdisho. Codsiga Puntland ee ku wajahan ciidamada AMISOM ayaa waxuu ku soo adayaa xili magaalada Gaalkacyo ay ka dhaceen dagaalo xoogan oo u dhaxeeyay Puntland iyo waliba dad shacab ah oo degan xaafada Garsoor ee magaaladaasi Gaalkacyo. Abdiraxmaan guushaa abdi RBC Radio London uk
  14. Madaxweynaha Puntland oo xaqiijiyey in AMISOM la geynaayo Puntland Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud “Faroole” ayaa xaqiijiyey in ciidamada ka socda Midowga Africa kuna hawlgala magaca AMISOM la geynaayo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Madaxweynaha oo khudbad u jeedinaayo boqolaal Soomaalida ku dhqan magaalada London iyo hareeraheeda ayaa khudbadiisi ku soo qaatey arrinta Gaalkacyo, waxaana madaxweynuhu sheegey in nabadgelyo xumo ay muddo badan ku soo laabatey magaalaada Gaalkacyo, waxaana uu yiri waxaa imaan doono ciidamo ka socda Midowga Africa, madaxweynaha ayaa dadka u sheegey in aysan arrintaasi noqon mid ay hadhow la yaabaan ee ay ogsoonaadaan in ciidamadaasi imaanayaan. Dhawaan waxaa booqdey magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo Saraakiil ka socda AMISOM iyo Taliyaha guud ee xooga dalka Soomaaliya Gen Cabdulqaadir Diini, waxaana soo baxay warar sheegaya in ay u gogolxaarayaan ciidamo la geynaayo magaalada Gaalkacyo oo inteeda badan ay maamulaan Puntland marka laga reebo xaafad ay caasimad ka dhigteen maamulka Galmudug. Afhayeenka Madaxtooyada ayaa mar uu waraysi siinaayey Horseed Media meesha ka sarey in ciidamo ku socda magaca AMISOM la geynaayo geyiga Puntland. AMISOM ayaa dalbatey in la kordhiyo tirada ay ku joogaan Soomaaliya, waxaana ay sheegeen in ay balaarin doonaan hawlagalada ay Soomaaliya ka wadaan, waxaa hadda ku sugan magaalada Muqdisho 9000 oo askeri oo ka socda dalalka Uganda iyo Burundi kuwaas oo ogolaansho ka haysta Qaramada Midoobey, isla markaana ka socda Midowga Afrika. Horseed Media
  15. Carafaat;752812 wrote: going to war with who exactly? With SSC in Buuhoodle.
  16. http://horufadhi.com/2011/10/19/daawo-dagaalkii-uu-ku-dhaawaqay-hoosgal-axmed-aadan-carrabvedio/
  17. Daawo Dagaalkii uu ku Dhaawaqay Axmed Aadan Carrab{Vedio}. Axmed Aadan Carrab oo Faroole dhawaan u soo magacaabay magaada Buuhoodle inuu dilaal uga noqdo ayaa maanta xaajo ugu ku ah gobolka Cayn iyo guud ahaan deeganada SSC kaga dhawaaqay gudaha magaalada Buuhoodle. Hadaba hadalka Hoosgalka ee kicinta, isku dhufashada iyo weliba Colaad Hurinta ah.
  18. Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Caawa Boorama Kulan Kula Yeeshay Ugaaska Beelaha ******** Oo Xukuumadu Ka Hor-taagan Tahay In Uu Socdaal Ku Tago Deegaano Ka Tirsan Awdal Iyo Salel. Boorama (Ramaas) Oct 19,2011 – Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo maanta socdaal ku tagay Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa caawa kulan la yeeshay Ugaaska beelaha ******** Ugaas Cabdirashiid Ugaas Doodi Ugaas Rooble. Kulankan Madaxwayne ku xigeenka iyo Ugaaska beelaha ******** oo aan la ogeyn xaqiiqo ahaan waxa lagaga wada hadlay ayaa haddana wararka ka soo baxayaa waxa ay tibaaxayaan in Madaxwaynuhu Ugaaska cadaadis ku saaray inuu baajiyo socdaal la filayo inuu dhawaan Ugaasku ku taggo deegaano ay ka mid tahay degmada Lughaya oo dhismaha dekedeeda muran ka taagan yahay. Kulankan Madaxwayne ku xigeenka Somaliland iyo Ugaaska beelaha ******** Ugaas Cabdirashiid Ugaas Doodi Ugaas Rooble oo dadka reer Boorama ay saadaalinayaan waxa ka soo bixi kara, iyadda ujeedada Madaxwayne ku xigeenku ugu deg-degay kulanka Ugaaska lagu macneeyay inay tahay sidii uu ugu guulaysan lahaa baajinta socdaalka Ugaaska oo aan ilaa hadda laga war-qabin waxa xukuumadu Ugaaska uga hor-taagan tahay inuu taggo deegaano ka tirsan Awdal iyo Salal. Magaalada Boorama waxa hore u sii joogay wasiirada wasaaraha Arimaha gudaha Md Maxamed Nuur Carraale (Duur) hawlaha guud Prof Ismaaciil Muumin Aare iyo dib-u-dejinta Md Cabdirisaaq, kuwaas oo iyagana ujeedadooda lagu sheegay inay la xidhiidhay sidii ay Ugaaska u baajin lahaayeen. Wixii war ah ee ka soo kordha socdaalka Madaxwayne ku xigeenka ee Boorama iyo kulanka uu la sheegay Ugaaska ******** kala soco RAMAASNEWS.COM Ramaasnews Desk Hargeisa
  19. Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyeysay geeridii Marie Dedieu 2 hours ago Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cabdiweli Maxamed Cali ayaa tacsi u diray madaxweynaha Faransiiska, isagoo muujiyay sida uu uga xumaaday geerida Marie Dedieu oo u dhalatay dalka Faransiiska, taasoo ay afduubayaal ku haysteen gudaha Soomaaliya. Dabley hubeysan ayaa Marie ka soo afduubtay jasiirad ku taalla dalka Kenya, kadibna u soo gudbiyay dalkeena Soomaaliya. Ra’iisul-wasaaraha ayaa falkan ku sifeeyay inuu yahay mid ka baxsan bani’aadannimada, isla markaana meel uga dhacaya sharafta shacabka Soomaaliyeed. “Aad baan uga xunnahay geerida ku timid Marie. Waxaan tacsi u direynaa qoyskii iyo asxaabtii ay ka geeriyootay. “Waxaan ka shaqeyneynay oo aan rajeyneynay in la soo daayo. Nasiib darro, argagixiso ku xiran Al-Qaacida iyo burcad-badeed ayaa khatar u haya nabadgelyada Soomaaliya, gobolka iyo caalamkaba. Xukuumaddeyduna waxay ka shaqeyn doontaa sidii caddaaladda loo horkeeni lahaa dadkii ka dambeeyay falkaas.” Falkan murugada leh wuxuu muujinayaa mas’uuliyadda shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba ka saran in la nabadeeyo Soomaaliya. In laga caawiyo Soomaaliya dhinacyada sharciga iyo kala-dambeynta iyo horumarka dhaqaalaha ayuunbaa looga guuleysan karaa xagjirnimada iyo burcad-badeednimada. Horseed Media Xigasho: Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya
  20. Amiirada Al-Shabaab oo Gabdhaha Dhalinyarada Qasab ku Guursanaya iyo Walwal soo Wajahay Waalidiinta (Warbixin) Muqdisho (RBC) Qaar ka mid ah qoysaska ku nool deegaanada duleedka magaalada Muqdisho ayaa bilaaby inay ka soo qaxaan guryahooda oo ay dib ugu guuraan magaalada Muqdisho ka dib markii maalin ka hor wadada dheer ee isku xirta deegaanka Ceelasha biyaha iyo Carbiska lagu arkay meydka nin dhalinyaro ah oo ay Al-Shabaab gawraceen kaasi lagu magacaabi jiray Cilmi Cabdi Xasan. Walaaca ugu weyn ee soo wajahay dadweynaha, gaar ahaan hooyooyinka iyo aabayaasha ayaa ah in amiirada horjoogayaasha u ah Al-Shabaab oo u badan ajaaniib ay bilaabeen in si qasab ah ay ku guursadaan gabdhaha yar yar iyadoo xitaa mararka qaar aan la weydiisay waalidiintooda, haddii la weydiisto oo ay diidaana loogu bedelo dil. Dilka Marxuum Cilmi Marxuum Cilmi Cabdi Xasan waxaa uu ahaa wade baabuur nooca TAXI loo yaqaano ee kirada ku qaada dadka. Waxaana sida dadka yaqaana ay noo xaqiijiyeen uu degganaa deegaanka Ceelasha biyaha halkaasoo uu kula noolaa qoyskooda oo uu isagu u weynaa una shaqeyn jiray. Dadka deegaanka waxay sheegeen in mid ka mid ah Amiirada Al-Shabaab ee ku sugan deegaanka uu dhowr toddobaad ka hor u tegey qoyska Marxuum Cilmi isla markaana weydiistay gabar 18-jir ah oo la dhalatay Marxuum Cilmi. Hase yeeshee qoyska waxay diideen in gabadhooda ay u guuriyaan nin ajnabi ah oo aysan aqoon iyagoo ku andacooday in gabadhu agoon tahay isla markaana aan la qasbi Karin. Nasiib daro ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa labo habeen kadib Cilmi ka afduubay gudaha suuqa Ceelasha biyaha isagoo xilligaasi watay baabuurkiisa, lamina ogeyn halka ay la aadeen. Balse subaxnimadii Talaadada ee [shalay] ayaa meydkiisa oo gawracan laga soo heley deegaanka Carbiska ee gobolka Shabeelaha Hoose. Walwalka waalidiinta Waxaa jirta sheeko caan ah oo ay kuu sheegayaan dadka ku nool dhulka ay maamusho Al-Shabaab, gaar ahaan habka ay u maraan guurka gabdhaha ay qysaskooda ka baadaan. Waxaana dadka ay sheegayaan in dhaqanka Al-Shabaab u yahay in gabadha lagu kaxaysto wax ay u yaqaanaan ‘RABITAAN NAFEED’ waxaana gabadha lagu yiraahdaa ‘UKHTI NAFTA AYAA KU RABTA” iyadoo marka ay rabaan iska fura taasoo sidoo kale noqotay arin ay gabdho badan necbeysteen. Tani waxay keentay in waalidiinta ku nool dhulka ay ka taliso kooxda Al-Shabaab ay ka qaxaan una guuraan qeybaha ay DKMG ka maamusho Muqdisho si ay uga badbaadaan in gabdhahooda si qasab ah looga kaxaysto. Qaar ka mid ah waalidiinta ayaa wariyaasha u sheegay in aysan ahayn markii ugu horeysay oo dhacdo la mid ah tan loo geystay Cilmi iyo reerkooda balse ay horey u dheceen dhacdooyin la mid ah. Waxaana beryahan arintan darteed sare u kacay dadka kas oo guuraya deegaanada duleedka Muqdisho eek u soo laabanaya guryahooda. Xitaa waalidiinta aan awoodin inay ka guuraan meelaha ay Shabaabku joogaan, waxay ku qasbanaadaan inay gabdhahooda qaangaarka ah iyo wiilasha da’da yar ay u wareejiyaan eheladooda degan dhulka ay dawladu maamusho si ay uga nabadgalaan in gabdhaha xoog lagu kaxaysto, wiilashana la askareeyo. RBC Radio
  21. Qardho (RBC) Wasiirka arimaha gudaha iyo dawladaha hoose Puntland Gen C/laahi Axmed Jaamac [ilkajiir] ayaa ku baaqay in hub ka dhigis lagu sameeyo qabiilada Puntland isagoo sheegay in taasi ay yareyn kartoisku dhacyada qabiilada u dhexeeya ee ka dhaca gudaha Puntland. Wasiirka ayaa hadalkiisan jeediyey isagoo markii ugu horeysay colaado dhowaan ka taagnaa gobolka Karkaar, wuxuuna sheegay wasiirku in colaadaha beeluhu ay sababaan dhimashada dad badan taasoo ay ugu wacan tahay hubka faraha badan ee ay haystaan beelaha. “Anagu waxaan u aragnaa muhim in hub ka dhigis lagu sameeyo beelaha hubka heysta iyo maleeshiyaadka” ayuu yiri wasiirka oo dhanka kale sheegay in dawlada ay wado dadaalo ay ku dhexdhexaadineyso beelaha ay shaqaaqooyinka u dhexeeyaan ee ku wada nool gobolka Karkaar. Hadalkan maanta ka soo yeeray wasiirka arimaha gudaha Puntland Gen Ilkajiir ayaa ku soo beegmay iyadoo xiiado colaadeed ay weli ka jiraan deegaano ka mid ah gobolka Karkaar iyadoo dadweynaha ay dhaliileen sida maamulku uga gaabiyey nabadeynta beelaha ay colaaduhu u dhexeeyaan. RBC Radio
  22. xiinfaniin;752085 wrote: SSC folks are historically from strong powerhouse, the genes are from eastern mountains
  23. Xiinfaniin kk. You can keep them after Somaliland gets full recognition.
  24. hmm. So does SSC only exist in Buhoodle? what happened to the other Sool areas settled by the Garaad group.