-
Content Count
10,383 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
24
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Saalax
-
Somalia;758184 wrote: But most of Laascaanood and Sool is ANTI-SSC.. kk.
-
Xaaji Xunjuf;758132 wrote: Ilahaay ha u naxariisto qabriga ha u nuuro dadki gacanta xaqdaradu dishay Aamin.
-
8 Caaqil oo ka mid ah cuqaasha degmada Taleex ayaa ma digay burburka yimaada shirka kaaso ka imanaya dhinaca kooxda khatuumo laan ee G6. http://taleex.net/2011/11/13/cuqaasha-degmada-taleex-oo-war-saxaafadeed-ka-soo-saartay-shirka-khaatumo2-codsawiro
-
Professor Axmed Ismacil samatar There is hardly any Somalia any more
Saalax replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
kk. -
Waqtigii Shirka & Lacagtii loo Uruuriyay Waxaa ay Ku Dhamadeen G6 Talada Haloo Daayo & Bayaano Been ah. http://taleex.net/2011/11/11/waqtigii-shirka-lacagtii-loo-uruuriyay-waxaa-ay-ku-dhamadeen-g6-talada-haloo-daayo-bayaano-been-ah
-
Shirkii Kooxda Khaatumo Laan 2 Oo Dib Loo Dhigay Ilaa Bisha December Iyo Sababaha Kalifay. http://www.ramaasnews.com/index.php/News/News/Shirkii-Beesha-***********-Ee-Khaatumo-2-Oo-Dib-Loo-Dhigay-Ilaa-Bisha-December-Iyo-Sababaha-Kalifay.html
-
A_Khadar Balidhiig did defend themselfs. Shacabka Balidhiig oo iska difaacay Ciidamada Liyuu Booliiska loo yaqaan ee shaadhka qarsoon huwan. http://halbeegnews.net/?p=7214
-
Jarmalka oo Qabsaday Awoodi Europe iyo walaaca yuhuuda Dadka jarmalka waxa lagu sheegaa in ay ka mid yihiin dadka aduunka ugu caqliga iyo hawl-qabadka badan, marka laga eego dhinaca horumarka. dadka jarmalku waa dad la jaanqaada xadaaradaha aduunka markaasi jira waliba marwalba waxa ay ka galaan kaalmaha ugu horeeya. warbaahinta caalamaku waxay hada aad ugu foorartaa, sida ay u socoto xawaaraha uu jaraayo saamaynta uu jarmalku aduunka ku yeeshay dhinaca dhaqaalaha, siyaasada iyo waliba Awoodaha ciidan. Dhaqaale xumida ka jirta Europe ayuu ka faaiidaystay jarmalku waxaanay awood u siisaysay in shir loo fadhiisan waayo uu jarmal ka maqanyahay, calanka isugu jira Madowga,Casaanka(guduudka) iyo waliba dahabiga ayaa meel walba ka babanaaya Europe. jarmalku waxa uu awood u yeeshay in wadamada Europe si anshaxa ka baxsan uu uga dhex hadlo sidii dunida saddexaad. waxa ay awood u yeesheen in ay wadanka giriiga raysal wasaare uga dhigaan nin lagu magacaabo Filippos Petsalnikos oo ahaa afhayeenkii parlimentka giriiga. Mr Petsalnikos waxa uu noloshiisaa ku soo qaatay wadanka jarmalka, waxa uu ku hadlaa afka jarmalka ee (Deutsch) sifican waliba waxaanu qabaa haweenay Looyarada oo jarmal ah. Taasi waxa ay jarmalka u sahlaysaa in uu dib u soo celiyo dhaqaalaha Giriiga balse dhaxal looga dhigo in uu giriigu raaco siyaasad wal oo uu jarmal soo dhigo miiska Europe. Dhinaca Talyaaniga Berlusconi waxa ay jarmalku ku qasbeen in uu miiska soo saaro miisaaniyada sanadka soo socda, oo ay waliba ku jirto waxa uu ugu talo galay in uu wax kaga qabto hoos u dhaca dhaqalaha Europe. Culayskaasi ayaa waxa uu ku qasbay in ruugcadaagii talin jiray uu Is casilo. Jarmalku waxa uu bishii hore heshiis la saxiixday Dawlada Ruushka oo iyadu hada garawsatay in jarmalku aanay ahayn dawlad la dhaylsan karo dhinac walba oo ay noqoto. Heshiiskaasi waxa uu ku sahabsanaa in Gaasta Ruushka la soo mariyo badda hoosteeda lana keeno badda waqooyi ee jarmalka iyadoo la soo marinaayo wadamada balkonska loo yaqaan ee Lithuania iyo latvia. Ruushku hal mabda ayuu ka leeyahay in uu Gas siiyo jarmalka. waxa ay rabaan in ay Gasta siiyaan Europta Galbeed iyada oon sii marayn Europta barri, hadii uu ruushku taasi hello waxa ay awood u siinaysaa in marka ay rabaan ay ka jari karaan Gasta wadamada bariga Europe sida Ukraine,Maldova, Georgea iyo Belaruss. Jarmalkuna waxa uu raba in uu kaga faaiidaysto saamayntiisan sii xoogaysanaysa ee dhaqaale. Dhinaca Yuhuuda: yuhuudu maba aaminsana in jarmalku cafiyey waayo, waxa ay ku doodaan Hitler shakhsi ayuu ahaa waxa arintii nalagu xasuuqay horseed ka ahaa dadka jarmalka laftooda. taasi ayaa ku dhalaysi walaac ah in ay mar labaad arkaan jarmal oo dunidii qabsaday waliba markani ka xoog badan taariikhda intii hore ee uu soomaray jarmal. FIIRO-GAAR AH warkan xuquuqdiisa waxa leh www.togaherer.com
-
A_Khadar little boy kk dhuusha ayaan ka idhi AUN. Qofku maha inu markasta AUN qoraalka ka daho.
-
Gaacuur read properly the news says Buulle committed crimes against Hargeysa.
-
Buulle Oo Ka Mid Ahaa Maamuulkii Rajiimkii Siyaad Barre Ee Shacbiga Reer Hargeysa Gumaaday Sideetamaadkii Oo Lagu Khaarajiyey Muqdhisho. http://oodweynenews.com/news/119914-buulle-oo-ka-mid-ahaa-maamulkii-rajiimkii-siyaad-barre-ee-shacbiga-reer-hargeysa-gumaaday-sideetamaadkii-oo-lagu-khaarajiyay-muqdisho.html
-
Wasiir Duur: Walaahi waxaan hayaa ciidan beel ka adag, ciidanka qarankuna amar bay ku qabaan inay dilaan ninka qoriga sita(DHEGEYSO) (Hadhwanaagnews) Wednesday, November 09, 2011 Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Md Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa khudbad uu ka jeediyay magaalada Cerigaabo munaasabadii Ciidul-Adxa laga dheehan karayay hanjabad iyo cagojugleyn uga dartay Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Md Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa khudbad uu ka jeediyay magaalada Cerigaabo munaasabadii Ciidul-Adxa laga dheehan karayay hanjabad iyo cagojugleyn uga dartay xaaladii uu halkaa u tegay xalinteeda. Wasiirka oo ku dheeraaday ka hadalka muhiimada ay nabadu horumarka u leedahay ayaa dhanka kalena si caro ka muuqata ugu hanjabay belaha keeb la yuurarka ah ee Ceerigaabo. Halkaan Guji Si aad udhageysato Hadalka Wasiir Duur Submitted By: Hassan Kuriya
-
“Somaliland Weligeed La Midoobi Mayso Somaliya, Haddii Ay Isku Dayaan Inay Nagu Qasbaana, Waxaanu Diyaar U Nahay Dagaal Ilaa Aanu Madhano” Nov 5th, 2011 Hargeysa(Geeska)-Madaxweynihii hore ee Somaliland ayaa yarkasi cad ugu sheegay mudane ka tirsan aqalka odayaasha Maraykanka oo lagu magacaabo Senator Feingold, inay bulshada Somaliland dagaal ka xigto midnimo dambe oo ay la galaan Somaliya. Warsidaha Wikileaks ee faafiya siraha kala duwan ee ay safaaradaha Maraykanku u diraan xaruntooda Washington, ayaa dhawaan baahiyay waxyaabihii lagaga wada hadlay kulan dhex maray Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin iyo Senatar Feingold oo bishii December ee sannadkii 2009 ka dhacay dalka Djibouti, markaas oo uu xildhibaanku safar ku yimid gobalka Geeska Afrika islamarkaana uu Djibouti kula kulmay hoggaamiyayaashii xilligaas ee Somaliland iyo Somaliya. Sida uu wikileaks baahiyay kulamadaas oo qabsoomay 19-21 December 2009, wuxuu senatorku ugu horayn Madaxweynihii hore ka tacsiyadeeyay qaraxyadii 2008 ka dhacay Somaliland. Daahir Rayaale, wuxuu Senator Feingold u sheegay in qaar ka mid ah dadkii gaystay qaraxyadadaas Somaliland ka dhacay 29 Oktoobar ay ka soo jeedeen Somaliland, laakiin ay ku soo tababarteen dalka Somaliya. “Laakiin xag jirku waa isku mid, macno ma leh meesha ay ka soo jeedaan iyo meesha ay ka yimaadeen, dhammaantood waa isku ajande.” Ayuu Daahir Rayaale Kaahin ku yidhi Senatarka. Wuxuu sheegay in inta badan ee dadka reer Somaliland ay Booliska la shaqeeyaan iyagoo siinaya xogta lagu qaban karo argagixisada. Daahir Rayaale Kaahin wuxuu qaraxyadii 29 Oktoobar ku macneeyay, “Waxay noo ahaayeen baraarujin sidii Maraykanka ee September 11.”, waxaanu intaas raaciyay in qaraxyadaas ka sokow ay Somaliland ku jirtay hayaanka dawlad wanaaga tan iyo sannadkii 1991-kii. Isagoo Daahir Rayaale, ka hadlaya aqoonsiga Somaliland, wuxuu sheegay in hadii ay heli lahaayeen caawimo toos ah ay awood u yeelan lahaayeen inay iska caabiyaan xag jirka. Waxaanu sheegay in haddii Somaliland la aqoonsado ay door ka ciyaari karto arrimaha koonfurta iyadoo cudud ku biirin karta Djibouti iyo Itoobiya. Wuxuu carrabka ku adkeeyay munaafaqnimada bulshada caalamka ee ku waajahan aqoonsiga dawladda ku meelgaadhka ah ee Somaliya oo aan shaqayn iyo sababta ay aqoonsan waayeen Jamhuuriyadda Somaliland ee shaqaynaysa. Isagoo ka hadlaya midnimadii Somaliya, wuxuu sheegay inay reer Somaliland tijaabiyeen midowga Somaliya oo ay arkeen midhihiisa, “Somaliland waxay samaysay midowgii, waanay tijaabisay mana jirto suurtogalnimo kale oo Somali weyn ahi.” Ayuu yidhi Rayaale. Rayaale, wuxuu sheegay inay Somaliland ka duwantahay Somaliya, isagoo sheegay inay madaxda Somaliya isku mashquuliyaan inay arrin kasta ka yeeshaan shirweyne, “Xataa arrimaha yar yar, dhibaatadu Somaliya waxa weeye in qof kastaa uu isku dayayo inuu hoggaamiye noqdo, waxaanay aaminsanyihiin in xalku dibadda uga iman doono. Wuxuu Daahir Rayale Kaahin Senator Feingold u sheegay inay Somaliland midnimo dambe ka xigto dagaal ay ku hoobato, “Somalilland weligeed la midoobi mayso Somaliya, haddii ay isku dayaan inay nagu qasbaana, waxaanu diyaar u nahay inaanu dagaalano ilaa aanu madhano.” Ayuu ku soo koobay Madaxweynihii hore doodda uu la hortagay Senator Feingold.
-
Xaaji Xunjuf;755966 wrote:
-
It's Time To Create Two Administrations In Ceerigaabo !
Saalax replied to Knight of Wisdom's topic in General
-
Xaaji Xunjuf;754863 wrote: Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta oo xadhiga ka jaray xarunta Telefiishanka Qaranka ee UK Sat 29th Oct,2011 Wararka Munaasabad kooban oo xadhiga lagaga jarayay xarunta telefiishanka qaranka ee UK ayaa lagu qabtay xafiiska telefiishanka ee London. Xafladan oo ay kasoo qayb galeen qaybaha kale duwan ee bulshada reer Somaliland, ayaa waxa ugu horeyntiiba xadhiga lagaga jaray xafiiska telefiishanku ku yeelan doono UK. Xafiiska oo noqon doona kii ugu horeeyay ee teleiishanka Qaranka JSL ku yeesho dalka mid ah waddamada Yurub waxa uu ka danbeeyay dedaal badan oo xukuumadu ugu jirto tayaynta iyo balaadhinta warbaahinta dalka. Agaasimaha wasaarada warfaafinta Md Faysal Cali Sheekh oo halkaasi ereyo kooban ka jeediyaya, ayaa waxa uu ka waramay marxaladihii kale duwanaa ee uu soo maray telefiishanka qaranka iyo inuu telefiishanka qaranku yahay mid ummadda reer Somaliland leedahay oo aan cid gooni ahi lahayn, loona baahan yahay in si buuxda dadka reer Somaliland gacan uga wada geystaan horumarintiisa. Waxa lagu wadaa in maanta ay magaalada London ka dhacdo xaflad balaadhan oo lagu soo dhaweynayo furitaanka telefiishanka qaranka xaruntiisa Yurub. :cool:
-
Somali Kenyans support the Kenyan Military invasion into Somalia
Saalax replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Not all Kenyan Somalis maybe just those from Garissa district and parts of Wajir district support the Kenyan invasion of Somalia. -
Moi Kibaki: Ciidamada Kenya Way ku Jiri Doonaan Soomaaliya illaa laga Ciribtirayo Al-Shabaab Nairobi (RBC) Madaxweynaha Kenya Moi Kibaki ayaa xaqiijiyey in ciidamada wadankiisa aysan ka soo bixi doonin Soomaaliya illaa inta laga ciribtirayo kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya. “Marka dadka wadankaan iyo dalkani ay dareemaan inay aamin ka yihiin khatarta Al-Shabaab markaasi ayaan ka soo bixi doonaa Soomaaliya”, ayuu yiri madaxweynaha Kenya oo wariyaasha kula hadlay xarunta wasaaradda difaaca Kenya maanta oo Sabti ah. “Ololahan ma ahan mid waqti leh, waxaanu u deyn doonaa dadkawadankan inay iyagu HAA yiraahdaan oo ay cadeeyaan inaysan wax cabsi ah ka qabin Al-Shabaab isla markaana ay aamin yihiin xuduudahayaga” ayuu ku dii daray hadalkiisa madaxweyne Kibaki. Madaxweyne Kibaki wuxuu sheegay in Kenya aysan wax dan iyo xaajo ka lahayn qabsashada Soomaaliya balse ay dooneyso oo kaliya inay dhabarka ka jebiso Al-Shabaab oo uu sheegay in dhowr jeer ay hanjabaado u soo direen Soomaaliya. Dhanka kale taliyaha guud ee ciidamada Kenya General Julius Karangioo shirkan jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in Kenya ay halis ugu jirtay khatarta Al-Shabaab sidaasi darteedna hawlgalka hadda ay ka wadaan gudaha Soomaaliya uu sii socon doono. Taliyaha ayaa ka warbixiyey dagaal dhexmaray ciidamada Kenya iyo kuwa Al-Shabaab oo ka dhacay meel u dhow xuduuda labada dal kaasoo uu sheegay in dhowr askari ay kaga dhinteen 2 kalana ay kaga maqan yihiin illaa hadda. Hadalka madaxweynaha Kenya ee ah inaysan ka sopo baxay Soomaaliya inta Al-Shabaab laga ciribtirayo ayaa ku soo beegmay xilli dadka Soomaaliyeed ay su’aalo iska weydiinayaan goorta ciidamada Kenya ay ka soo laaban doonaan Soomaaliya oo bishan hortaanteedii ay so galeen. Waxaana hadalka madaxweynaha Kenya uu cadeynayaa in Kenya ay goosatay dagaal waqti dheer oo ay la gasho Al-Shabaab maadaama kooxda Al-Shabaab lafteeda ay wacad ku martay inay dagaal la galeyso militariga Kenya ee soo galay dalka. RBC Radio