-
Content Count
10,383 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
24
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Saalax
-
Waftigii uu Hogaaminayay Wariirka Arimaha Dibeda oo u soo Ambabaxay Dhinaca Magaalada Nayroobi. (Hadhwanaagnews) Wednesday, December 28, 2011 Weftiga Somaliland ee Booqashada ku joogay Dalka Masar gaar ahaan Qaahira ayaa caawa gelinkii hore soo gebagabeeyey martiqaadkii ay halkaa ku tegeen una soo kicitimay xarunta dalka kiiniya ee Nayroobi, Wasiirka Arimaha Dibeda Qahira-(HWN)-Weftiga Somaliland ee Booqashada ku joogay Dalka Masar gaar ahaan Qaahira ayaa caawa gelinkii hore soo gebagabeeyey martiqaadkii ay halkaa ku tegeen una soo kicitimay xarunta dalka kiiniya ee Nayroobi, kadib markii ay soo dhamaysteen socdaal qaatay Shan maamlmood oo ay kulamo kula yeesheen Masuuliyiinta Dawlada Masar, Ururka Jaamacada Carabta, iyo Madaxda Xarunta Wershadaha iyo ganacsiga ee Dalka Masar. Mudada uu weftiga Somaliland Qaahira ku sugnaa, Madaxda uu kulamada la yeeshay waxa ugu muhiimsanaa, ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debeda ee dalka Masar,Muna Cumar oo ku qaabishay (wasiirka ayaa waxa uu ku maqan yahay Dalka Eeraan), xafiiska wasaarada Arrimaha debeda isla markaana qado sharaf u samaysay weftiga, Wasiirka Mucaawimooyinka iyo iskaashiga Debeda, oo Xafiiska Raysal wasaaraha ku qaabishay maanta gelinkii danbe, Saraakiisha Xarunta wershadaha iyo Ganacsiga ee Dalka Masar oo xaruntooda ku qaabilay isla markaana weftiga soo tusay wershadaha waa weyn ee muhiimka u ah wax soo saarka dawlada Masaarida iyo sida ay u danaynayaan Somaliland, ku xigeenka Xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta oo xafiiskiisa ku qaabilay. Weftiga Somaliland ee wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland iyo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland waxa ay Madaxda ka wada hadleen qodobo muhiim u ah xoojinta xidhiidhka siyaasadeed iyo ka ganacsi ee u dhexeeya labada wadan. Sida ay tibaaxeen wasiirada Somaliland ee weftiga ahina waxa ay dawlada Masaaridu u muujisay sida ay u danaynayso inay wax la qaybsato Somaliland dhinac walba iyo sida ay weftigan ka hor xogta Somaliland ugu yarayd Qaahira. Weftigu waxa kale oo uu kulan balaadhan la yeeshay Ardayda Reer Somaliland ee waxka ka barata dalkaas iyo Jaaliyada halkaasi ku nool oo ay uga xog warameen Dawladnimada ka hana qaaday Somaliland, isla markaana waxa ay ka dhegaysteen xaaladooda. Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland Maxamed CabdilaahI Cumar iyo Wasiirka Madaxtooyda Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo markii ugu horaysay booqasho ku tegay dalka Masar intii Xukuumada Cusubi jiray ka dib markii ay martiqaad rasmiya ka heleen Dalka masar waxa ay soo Ibo-fureen xidhiidh cusub oo la jaan qaadaya isbedelka ka dhacay Dalkaas, Somalilandna ay doonayso in ay dawladda Masaarida ku qanciso gooni isu taaga Somaliland, maadaama ay masar tahay Wadan Miisaan ku leh Dunida Carabta iyo ta Afrika labadaba. Hadhwanaagnews/Office Hargeysa/Somaliland
-
Wasiirka Arimaha Dibada oo Uu Weheliyo Wasiirka Madaxtooyada Oo Kadib Markii Ay dhamaysteen Socdaalkoodii Masar u kicitimay Kenya. posted by: Daahir shaami Weftiga Somaliland ee Booqashada ku joogay Dalka Masar gaar ahaan Qaahira ayaa caawa gelinkii hore soo gebagabeeyey martiqaadkii ay halkaa ku tegeen una soo kicitimay xarunta dalka kiiniya ee Nayroobi, kadib markii ay soo dhamaysteen socdaal qaatay Shan maamlmood oo ay kulamo kula yeesheen Masuuliyiinta Dawlada Masar, Ururka Jaamacada Carabta, iyo Madaxda Xarunta Wershadaha iyo ganacsiga ee Dalka Masar. Mudada uu weftiga Somaliland Qaahira ku sugnaa, Madaxda uu kulamada la yeeshay waxa ugu muhiimsanaa, ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debeda ee dalka Masar,Muna Cumar oo ku qaabishay (wasiirka ayaa waxa uu ku maqan yahay Dalka Eeraan), xafiiska wasaarada Arrimaha debeda isla markaana qado sharaf u samaysay weftiga, Wasiirka Mucaawimooyinka iyo iskaashiga Debeda, oo Xafiiska Raysal wasaaraha ku qaabishay maanta gelinkii danbe, Saraakiisha Xarunta wershadaha iyo Ganacsiga ee Dalka Masar oo xaruntooda ku qaabilay isla markaana weftiga soo tusay wershadaha waa weyn ee muhiimka u ah wax soo saarka dawlada Masaarida iyo sida ay u danaynayaan Somaliland, ku xigeenka Xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta oo xafiiskiisa ku qaabilay. Weftiga Somaliland ee wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland iyo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland waxa ay Madaxda ka wada hadleen qodobo muhiim u ah xoojinta xidhiidhka siyaasadeed iyo ka ganacsi ee u dhexeeya labada wadan. Sida ay tibaaxeen wasiirada Somaliland ee weftiga ahina waxa ay dawlada Masaaridu u muujisay sida ay u danaynayso inay wax la qaybsato Somaliland dhinac walba iyo sida ay weftigan ka hor xogta Somaliland ugu yarayd Qaahira. Weftigu waxa kale oo uu kulan balaadhan la yeeshay Ardayda Reer Somaliland ee waxka ka barata dalkaas iyo Jaaliyada halkaasi ku nool oo ay uga xog warameen Dawladnimada ka hana qaaday Somaliland, isla markaana waxa ay ka dhegaysteen xaaladooda. Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland Maxamed CabdilaahI Cumar iyo Wasiirka Madaxtooyda Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo markii ugu horaysay booqasho ku tegay dalka Masar intii Xukuumada Cusubi jiray ka dib markii ay martiqaad rasmiya ka heleen Dalka masar waxa ay soo Ibo-fureen xidhiidh cusub oo la jaan qaadaya isbedelka ka dhacay Dalkaas, Somalilandna ay doonayso in ay dawladda Masaarida ku qanciso gooni isu taaga Somaliland, maadaama ay masar tahay Wadan Miisaan ku leh Dunida Carabta iyo ta Afrika labadaba.
-
Somaliland Security forces foil teror plot in Hargeysa
Saalax replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Ciidamada Somaliland oo fashiliyay qaraxyo lala damacsanaa Magaalada Hargeysa Arbaco, December 28, 2011 (HOL)-Sirdoonka Ciidanka Milatariga Somaliland ayaa sheegay inay qabteen qalab la doonayey in meelo kala duwan lagu qarxiyo. Taliyaha Hoggaanka Sahanka ee ciidanka Milatariga Somaliland Maxamed Cabdi Cali ayaa sheegay inay xalay qabteen qalab kuwa qarxa ah oo laba nin wateen, kuwaas oo doonayey inay ku qarxiyaan meelo muhiim ah oo uu ku jiray Buundada labaad ee magaalada Hargeysa. “ Xalay waxa askari sirdoonka ciidanka qaranka ahi soo daba galay nin jilbaabka dumarka xidhan, kaas oo marka uu marayo Buundada magaaladda Hargeysa meel u dhow oo u dhexeysa Dooxa iyo Guriga Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayuu dhigay qalabkii, kaddibna telefoon ayuu ku hadlay isagoo erayo ay isku fahmayaan cidda uu la hadlay ku hadlay” ayuu yidhi, waxa uu intaas ku daray “ waxa u yimid nin kale, waxa markii dambe ninkii askariga ahaa ku riday xabad balse way baxsadeen waxaanu ka reebay qalabkii ay sideen” sidaas waxa yiri Maxamed Cabdi hoggaanka Sahanka ee Ciidanka Milatariga Somaliland. Inkastoo aan raggii sitay la qaban haddana waxa lagu guuleystay in walxahan qarxayey la qabto, waxaanu sarkaalku sheegay in haddii la qarxin lahaa walxahan ay dhul balaadhan burburin karaysay, dhulkaasi oo gaadhaya Buundada magaalada ilaa guriga Madaxweyne ku xigeenka oo waxyar uun u jiray halka lagu aasi lahaa walxahan qarxa ee raggaasi siteen. Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online Hargeysa, Somaliland -
Cowke it was in Cairo alright. Wasiirada Arimaha Dibada iyo Madaxtooyada Oo Si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Magaalada Qaahir posted by: Daahir shaami Wasiirka Arrimaha Debeda, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa si heersare ah loogu soo dhaweeyey Qaahir oo ay maanta ka degeen waxaana gegida diyaaradaha ku sugaayey oo ka horyimid Dublamaasiyiin iyo masuuliyin ay horkacaysay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Debeda ee qaabilsan Africa ee Dalka Masar, Mona Omar oo uu weheliyo Safiirka Dalka Masar ee Somaliya iyo Somaliland Ayman Magdi Labada Wasiir oo ay gelbinayaan masuuyiin sarsare oo u badan wasaarada khaarajiga ee dalka masar ayaa la dejiyey halkii loogu talo galay oo maqaamsare leh. Weftiga Somaliland ayaa la filayaa in maalinta beriya kulamo la yeeshaan madaxda dawlada masar oo uu ugu horeeyo wasiirka arrimaha debeda ee dalkaasiSocdaalka uu weftiga Somaliland ku tegay dalka masar ayaa ah mid qiimo weyn ugu fadhiya xidhiidhka ay Somaliland la yeelanayso wadamada carbeed iyo kuwa Afrikaba iyadoo ay u muuqato in ay Somaliland ka faa’iidaysanayso isbedelka ka dhacay dalka masar waxana la ogyahay in ay dawlada masaaridu meel muuqata kaga jirto Saamayn weynaha ku leedahay guud ahaanba siyaasada Afrika iyo carabta oo ay tahay halka isku xidha. http://www.togaherer.com/2011/12/24/wasiirada-arimaha-dibada-iyo-madaxtooyada-oo-si-heer-sare-ah-loogu-soo-dhaweeyey-magaalada-qaahir/
-
Somaliland Security forces foil teror plot in Hargeysa
Saalax replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Ciidamada Qaranka oo Fashiliyey Hawlgal Argagaxiso oo lagu damacsanaa in lagu qarxiyo Goobo Muhiim ah oo Hargeysa ah Hargeysa/ToggaHerer 28 Dc 2011 War uu soo daaray Taliska Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta lagu sheegay in ay fashiliyeen Hawlgal Argagaxiso oo lagu damacsanaa in lagu qarxiyo Goobo Muhiim ah oo caasimada Somaliland ee Hargeysa ah. Hawlgalkaa Argagxiso ee fashilmay ayaa ahaa mid lagu beegsanaayay Biriijka Labaad ee Hargeysa habeenkii Xalay ahaa iyada oo Ciidanka Qaranku gacanta Ku dhigeen Qalabkii loo adeegsanaayay Qaraxaasi . Taliyaha Hogaanka Sahanka Maxamed Cabdi Cali Ayaa sheegay in Qalabkan Loo adeegsanaayay Falka Argagaxiso ay sideen Laba nin oo Xidhnaa Jalaabiib Kuwaas oo Habeen madawgii Ka fakaday Ciidamada… Warqabadka ToggaHerer Hargeysa Somaliland -
Somaliland Security forces foil teror plot in Hargeysa
Saalax replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Masha'Allah may allah bless the Somaliland security forces for foiling the wicked plans of the enemy. -
Mashaariic kala duwan oo Somaliland ay ka hirgelinayso Magaalada Saylac ee gobolka Selel oo xarigga laga jaray Isniin, December 26, 2011 (HOL) − Wasiirka Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo dhaqanka Somaliland, Cabdi-siciid Faahiye, ayaa xadhiga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hirgaliyey magaaladda Saylac ee gobolka Selel. Munaasibad balaadhan oo loo sameeyey mashruucyadan horumarineed ee laga hirgaliyey magaalada Saylac ayaa waxa ka soo qaybgalay duqa magaalada Saylac Maxamed Cumar Xadi, Badhasaab ku xigeenka gobolka Selel ahna ku simaha badhasaabka Cali Alaale Riyaale, Taliyeyaaha ciidamada Xeebaha, Milatariga iyo Booliska, Xildhibaano, isku duwayaasha wasaaradaha ka hawlgala gobolka iyo marti sharaf kale. Wasiirka waxa uu xadhiga ka jaray xafiisyo cusub oo ay ka mid yihiin xafiiska laanta socdaalka gobolka, waxbarashadda, Ciyaaraha, Xarunta dawlada hoose iyo xafiiska Maareeyaha dekada Saylac. Masuuliyiinta heer degmo iyo Gobo lee Selel ayaa weftiga u yimid uga waramay xaalada guud ee gobolka iyo waxyaalaha muhiim ah ee ay xukumadda dhexe ka codsanayaan, waxaanay sheegeen inay sanadkan gobolka laga fuliyey mashaariic horumarineed oo kala duwan oo xaga waxbarashada iyo caafimaad ah, waxaanay weftiga ka codsadeen inay u baahan yihiin in wax lagala qabto xaga wadooyinka oo ay dhib badan kala kulmaan, waxa kale oo ay codsadeen in xukuumadda iyo hay’adaha caalamiga ahba wax kala qabtaan abaar adag oo gobolka ka dhacday. Wasiirka dhalinyarada, ciyaaraha iyo dhaqanka, Cabdi-siciid Faahiya ayaa maamulka iyo masuuliyiinta gobolka uga mahadnaqay dardargelinta adeega bulshadda ee gobolka Selel ka fulay, isagoo xusay in mashaariic horumarineed oo balaadhan laga hirgaliyey gobolka, waxaa kale oo uu ku booriyey inay xoojiyaan nabadgalyada, isla markaana ilaaliyaan xeebaha iyo Xuduudaha dalka. Sidoo kale waxa uu wasiirka dhalinyarada Mr: Faahiye xadhiga ka jaray dugsi sare oo cusub oo ay hirgaliyeen jaalida gobolka Selel ee dibadaha ku dhaqan oo magacooda la yidhaa Ramad, waxaana dugsigaasi loo bixiyey Sacadadiin Secundary School, waxaanu noqon doonaa dugsi hoy ah oo ay maalgalin doonaan jaaliyadaasi. Waxa isaguna halkaasi ka hadlay guddoomiyaha Jaaliyadda Ramad ee Dibaddaha ee gobolka Selel Axmed Xuseen Miigane, waxaanu wasiirka dhalinyarada, ciyaaraha iyo dhaqanka iyo wasiirka Waxbarashada guddoonsiiyeen hadyado ay ugu soo talogaleen. Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online Hargeysa, Somaliland.
-
Jacaylbaro;767818 wrote: Those silly Arabs are finally learning and learning at the same time. kkkkkkkkkkkkkkkk.
-
Freedom;767767 wrote: HARGEISA — Mohamed Abdullahi Omar, Somaliland Minister of Foreign Affairs, arrived in the Egyptian capital on Saturday and held immediate talks with officials on various regional affairs, it was officially reported. Press statement issued by the Ministry of Foreign Affairs said Dr Omar accompanied by Mr Hersi Ali Hassan, Ministers for Presidential Palace, embarked on his first diplomatic mission to the North African country. The statement added the minister received an official invitation from Egypt for talks. The dialogue is aimed at establishing diplomatic relations and developing bilateral cooperation in all areas for the first time, it said. Upon arrival, the two ministers were greeted and welcomed to the Arab state by Egyptian Assistant Foreign Minister for African Affairs Mrs Mona Omar and Special Representative to Somalia and Somaliland Mr Ayman Magdy. Dr Omar is expected to hold a series of bilateral talks with senior Egyptian officials. Somaliland said that the new Egyptian authorities had expressed a willingness to open a new page in bilateral relations with Hargeisa. Ties between the two African states have always been sour but Somaliland has reacted positively to the new initiative. It expressed optimism and expects things to normalize between Cairo and Hargeisa following the ouster of Egyptian President Hosni Mubarak. For years Hargeisa accused Egypt of blocking its bid to gain full recognition. It argued Egypt had used its strong position within the AU and the Arab League, also a strong ally of U.S. and Israel, to block Somaliland recognition. Egypt’s government has always maintained it recognizes the Transitional Federal Government in Mogadishu, which controls only few blocks, as the sole authority in Somalia. After a devastating conflict with Mogadishu that left hundreds of thousands dead, Somaliland ended its voluntary union with Somalia in 1991. The Hosni Mubarak regime refused to respect the decision of the people of Somaliland. Somaliland voluntarily unified with its southern neighbor July 1960, a union that was never rectified. After the toppling of long-time dictator Mubarak, Egypt said it was open to all countries and was seeking new relations. This visit to Cairo by Dr Omar is the first its kind by a Somaliland official since declaring the restoration of its sovereignty in 1991. It remains to be seen if the diplomatic trip will bear any fruits in the near future. Somalilandpress Excellent.
-
AYOUB;767721 wrote: You got to love the headline below? http://boocameonline.com/?p=22779 kkkkkk one more reason for SSC to be afraid eh.
-
Duufaan SNM families have kids per 8-15 per family on average. Now you can't match that can you mr minority kkkkk. Buhoodle is a village in a small district not sure how you came up with the conclusion of 20%.
-
Xaaji Xunjuf;767466 wrote: He got it from that mad website called allssc Jabhada SNM iyo Dawlada Labo Shariif oo Shir Mu’aamaradeysani Qaahira uga Socdo (xog hoose) London (Allssc.com) 23 Disembar 2011 Niman uu horkacayo Wiilka dhaqan celiska ah ee ay SNM-tu ku sheegto inuu arimaha dibada u qaabilsanyahay Mohamed Bajaaj iyo kuwo kale oo looga http://allssc.com/?p=19270 kkkk.
-
When you are wishing some one 'Merry Christmas',with out you realizing, you are agreeing that God has a son and he (the Son of God) was born on 25th December. Astagfirullah AlAzim Saying God has a children is a Shirk (the greatest sin in Islam), as Allah says in the Qur'an: "Allah begets not, nor was He begotten"[Quran, 112: 3]. http://www.lifeofmuslim.com/
-
Wasiirada Arimaha Dibada iyo Madaxtooyada Oo Si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Magaalada Qaahir posted by: Daahir shaami Wasiirka Arrimaha Debeda, Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa si heersare ah loogu soo dhaweeyey Qaahir oo ay maanta ka degeen waxaana gegida diyaaradaha ku sugaayey oo ka horyimid Dublamaasiyiin iyo masuuliyin ay horkacaysay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Debeda ee qaabilsan Africa ee Dalka Masar, Mona Omar oo uu weheliyo Safiirka Dalka Masar ee Somaliya iyo Somaliland Ayman Magdi Labada Wasiir oo ay gelbinayaan masuuyiin sarsare oo u badan wasaarada khaarajiga ee dalka masar ayaa la dejiyey halkii loogu talo galay oo maqaamsare leh. Weftiga Somaliland ayaa la filayaa in maalinta beriya kulamo la yeeshaan madaxda dawlada masar oo uu ugu horeeyo wasiirka arrimaha debeda ee dalkaasiSocdaalka uu weftiga Somaliland ku tegay dalka masar ayaa ah mid qiimo weyn ugu fadhiya xidhiidhka ay Somaliland la yeelanayso wadamada carbeed iyo kuwa Afrikaba iyadoo ay u muuqato in ay Somaliland ka faa’iidaysanayso isbedelka ka dhacay dalka masar waxana la ogyahay in ay dawlada masaaridu meel muuqata kaga jirto Saamayn weynaha ku leedahay guud ahaanba siyaasada Afrika iyo carabta oo ay tahay halka isku xidha.
-
Abtigiis;767402 wrote: I retract my earlier optimism about Somalia coming back Jacaylbaro;767402 wrote: Islaan baa inankeeda ku tidhi "Hooyo Hantoolliyow diimo badanidaa .... kkkk.