Saalax

Nomad
  • Content Count

    10,383
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    24

Everything posted by Saalax

  1. Shirkad Macdan baadhis ka wadday Somaliland oo sheegtay inay qaybtii ugu horraysay u dirtay Kanada Hargeysa(RBC):- Shirkad lagu magacaabo Nobian Gold oo bilii u dambeeyey-ba sahamin iyo baadhis lagu ogaanayo noocyada Macdanta laga heli karo deegaannada Waqooyiga Hargeysa ee Somaliland, ayaa shaacisay inay macdan badan oo kala duwani ku jirto dhulkaas, isla markaana qaybtii u horreysay baadhis ugu dirtay dalka Kanada (Canada). Sidaa waxa lagu sheegay kulan maanta dhexmaray Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wefti ka socday Shirkad ku hawllan baadhista Macdanta Somaliland. kulankaas laba geesoodka ah ayaa la iska xaal-waraystay halka ay marayso bilowga hawsha baadhista Macdanta Somaliland oo ay maalgelinayso Shirkad Maraykanka laga leeyahay oo lagu magacaabo Mendesta, isla markaana ay fulinayso Shirkad kale oo la yidhaahdo Nobian Gold. Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu shirkadda u soo jeediyay inay wada shaqayn toos ah la yeelato Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha oo Qaranka uga mas’uul ah wixii ku saabsan dhinaca Macdanaha, isagoo intaas ku daray in sida ugu suurto galsan loo bilaabo hawlgalka baadhista Macdanta marka la helo natiijada tijaabada Macdanta Somaliland oo loo qaaday waddanka Kanada. Dr. Tucker Barrie oo ah ku-xigeenka shirkadda Mendesta Group ayaa sheegay in shirkaddoodu ay si sharci ah u baadhi doonto Macdanta ku duugan Somaliland, waxaanu caddeeyay in hawlgalkoodii koowaad ay ku sahamiyeen Dhul qiyaastiisu gaadhayso Afar iyo Toban kun oo Killo mitir laba jibaaran oo ah deegaanka Waqooyiga Hargaysa. Dr. Tucker, waxa uu tilmaamay in Macdano badan oo faa’iido lihi ay ku jiraan dhulka Somaliland, taas oo ay ku ******** sida uu xusay tijaabooyinka qaybyada ah ee ay sameeyeen. Dr Tucker Barrie waxaa kale oo uu ka warramay qorshayaasha mustaqbalka dhaw ay Shirkaddoodu ka fulin doonto gudaha Somaliland. Maxamed Cumar Ismaaciil oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Shirkadda fulinaysa hawshan ee Nobian Gold ayaa shaaciyay in tijaabooyinkii loo qaaday dalka Kanada natiijooyinka ka soo baxay dhawaan waddanka la keeni doono isagoo u mahad-celiyay cid kasta oo gacan ka geysatay dhaqaajinta Mashruucan. RBC Radio Xafiiska Wararka Hargeysa.
  2. Garoowe[RBC Radio] Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland Jeneraal Cabdisamad Cali Shire ayaa ku tilmaamay Maamulka cusub ee dhawaan looga dhawaaqay degmada Taleex in uu yahay mid magac ciyaal ah lana mid yahay kuwii horey la magacbaxay Raascaseyr iyo Galbeedka Mudug. Madaxweyne Kuxigeenka ayaa hadalkaan ka sheegay xili maanta uu ka qeybgalay Xaflad lagu Xusaayey Maalinta Warbaahinta Soomaaliyeed gudaha magaalada Garoowe,wuxuuna xusay in ay si weyn u canbaareynayaan Weerarka ay Somaliland kusoo qaaday Sool iyo Cayn oo yiri waxa ay ka tirsan yihiin Puntland. Jeneraal Cabdisamad Cali Shire ayaa sidoo kale sheegay in Shacabkaasi ay diyaar u yihiin in ay iska difaacaan wax kasta oo khatar gelinaya naftooda,dhulkooda iyo maalkoodaba ayna difaacayaan haddii ay Dawladda Puntland yihiin. Sidoo kale mar uu ka hadlaayey sida ay arakti ahaan ula muuqato Maamulka cusub ee Khaatumo State ee lagaga dhawaaqay dhawaan degmada Taleex ayaa waxa uu ku sifeeyey mid magac ciyaal ah lana mid ah kuwii lamagacbaxay Raascaseyr iyo Galbeedka Mudug isagoo yiri Minimada Puntland waa muqadas. Shirkii lagu qabtay Taleex kana soo baxay Maamulka Khaatumo State ayaa waxa uu ku sheegay Jeneraal Cabdisamad Cali Shire in aysan marnaba u dhamayn beelaha wada-dega deegaanadaas isagoona xusay in ay marin habaabin ku sameeyeen kooxo balse ma uusan carabaabin kooxdu waxa ay tahay. Si kastaba ha ahaatee hadalkan Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ayaa kusoo beegmaysa xili maalmo ka hor uu isna ka gaabsaday in uu ka hadlo Maamulka cusub ee Khaatumo State Madaxweyne Faroole isagoona sheegay in uusan rabin in uu hadal iyo tafaasiil ka jeediyo sheegayna arrintu in ay tahay Cayriin. RBC Radio Xafiiska Wararka Boosaaso
  3. Xaaji Xunjuf;777479 wrote: Nice drawing Gaacuur but you need to be realistic Here are the people of sanaag ceerigaabo " frameborder="0" allowfullscreen> Excellent.
  4. Gaacur don't be ignorant the minorities live eastern Sanaag and eastern Sool. Map showing the disputed areas.
  5. Buuhoodle:Banaanbax Lagu Taageerayo Hogaamiyaha Ururka SSC Mr Saleebaan Xaglatoosiye Oo Saaka Ka dhacay Magaalada Buuhoodle.... (Hadhwanaagnews) Friday, January 20, 2012 Degmada Buuhoodle caasimadeeda Buuhoodle,Ayaa saaka ku waa bariisatay mudaharaad baaxad wayn,Kaas oo lagu taageerayo Hogaamiyaha Kooxda SSC Saleebaan Xaglatoosiye mowqifkii uu iska taagay shirkii beesha *********** ee lixda nin Mudaharaadkii Saaka Ka Dhacay Buuhoodle..... Washington,D.C(HWN):Degmada Buuhoodle caasimadeeda Buuhoodle,Ayaa saaka ku waa bariisatay mudaharaad baaxad wayn,Kaas oo lagu taageerayo Hogaamiyaha Kooxda SSC Saleebaan Xaglatoosiye mowqifkii uu iska taagay shirkii beesha *********** ee lixda nin usoo dhoofeen inay afduubaan.Mr xaglatoosiye ayaa maanta mar uu waraysi siiyay weriye Xagar oo BBC-da gobolka togdheer uga soo warama u sheegay in shirkaas ay niman afduubeen taladiina ay maroorsadeen iyagoo dad ay awalba wateen xilal u magacaabay. Hogaamiyaha Kooxda SSC maaha markii u horaysay ee uu ka biyadiido waxa Cali khaliif kooxdiisu soodhoodhobatay ee hore ayuu shirkaa u diiday inuu ka qayb galo in kastoo markii danbe lagu qanciyay in shirkaasi yahay mid beeshu u dhantahay oo laga gaadhidoono go´aan midaysan,laakiin markii shirkii ay ka soo baxeen go´aano guracan ayuu Hogaamiyahani ka soo booday,Isagoo fashiliyay sirihii iyo tabihii nimankaasi wateen. Hadaba dad badan oo reer buuhoodle ah ayaa aad u soo dhaweeyey mowqifka uu ka istaagay Mr Xaglatoosiye shirkaa lagu soo yagleeley wax loogu yeedhay Khaatumo State,Kaas oo markiiba dadku u bixiyeen Kaatumoseeg.Maantana waxaa dhacay Banaan bax lagu taageerayo Md Xaglatoosiye inkastoo dad yari isku dayeen inay soo weeragaan banaan baxaa uu hogaaminayay madaxa SSC saaka.Halkaana khudbad dheer uga jeediyay dadkii isugu soo baxay. Hadaladii uu Hogaamiyaha SSC ka siidaayay idaacadii subaxnimo ee BBC ayuu ku sheegay inuu nabad ku baaqayo,Taas oo dad badani u fasirteen inuu aqbalay gogoshii uu Md M/weyne Siilaanyo u fidiyay beesha *********** oo horeba dad badan oo ka tirsani aqbaleen kuwaas oo ay ka mid ahaayeen maxad sarsare oo ay Mr Xaglotoosiye ay isku urur ka tirsanyihiin,Kuwaas oo markii danbena Hargaysa kaga dhawaaqay Urur siyaasadeed wata magicii Kooxda SSC,Waxaana la filayaa in hogaamiyahooduna ku biiridoono dhawaan,Sidii nabada dalka looga wada shaqayn alahaa. warkan waxa uu gaar u yahay Shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews. wariyaha Shabakada ee Arimaha Siyaasada Dibada Saciidjamaal Xaaji Cali Saciid/Saciid-jamaal saciid-jamaal@hadhwanaag.org
  6. Hoggaanka SSC Saleebaan Xaglatoosiye oo Kasoo Horjeestay Maamulka Khaatumo State Kuna Baaqay Shir Nabadeed oo Deg Deg ah[Warbixin] Boosaaso[RBC Radio] Hoggaamiyaha SSC Saleebaan Ciise Axmed Kaar[Xaglatoosiye] ayaa si weyn uga hor yimid Mas’uuliyiinta cusub ee Maamulka Khaatumo State ee lagu dhawaaqay,waxaana uu ka dhawaajiyey in Shirkii ka socday degmada Taleex ay ka leexiyeen hannaankii loogu talagalay Siyaasiyiin uu kamid yahay Cali Khaliif Galaydh. Saleebaan Ciise Axmed Kaar[Xaglatoosiye] ayaa sheegay isaga oo la hadlaayey laanta Af- Soomaaliga ee BBC-da in Shirka aysan habayaraatee aysan kasoo bixin wixii ay ka sugaayeen Shacabka SSC.waxaana dhacay buu yiri afduub iyo majaro habaabin lagu sameeyey Shirka taas oo ay ka danbeeyeen Shakhsiyaad gaar ah oo madasha joogay kana mid yahay Cali Khaliif Galaydh. …”Shirku waxa uu ahaa mid qabiil oo beesha *********** isugu timid runtii waan ka xumahay ujeedooyinkii iyo doonistii Shacabka *********** ku salaysnaa Shirkaas lama qaadan oo kama aysan soo bixin,waxaana dhacay afduub iyo majara habaabin waxayna u dalbadeen Maamul goboleed buuxa hase yeeshee taas waxaa diiday shakhsiyaad gaar ah meesha joogay…”ayuu yiri Hoggaamiyaha SSC Saleebaan Xagletoosiye ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in doonistii Shacabka laga leexdo taas oo ku macneeyey in aysan Shacabku waxba dooran balse Shakhsiyaad gaar ah ay magacowdeen Maamulka hadda jira,waxaana uu sheegay in dadka habayaraatee aan waxba laga weydiin hawsha socota. …….”Ariinta kale ee yaabka leh ee dhacday waxa weeye een waxaynu arki jirnay umad marka ay isu timaado oo ay heshiiso dadka ay hawsha u dirsanayaan doorta ayaanu arki jirnay balse in la magacaabay oo shakhsiyaad gaar ahi magacaabeen oo dad ayagu ay doonayaa sidii Raysalwasaare ama Madaxweyne magacaabaya dad uu hawl u dirsanayo ayaa waxaa la magacaabay shakhsiyaad aan dadku dooran si cadaalad ah uma dhicin dadka waxba lama weydiin,niman gaar ah oo Cali Khaliif Galaydh uu kamid yahay ayaa magacaabay dad gaar ah…:ayuu yiri Xagletoosiye. Shir deg deg ah oo ay isugu yimaadaan Shacabka SSC kagana tashanayaan masiirkooda in ay isugu yimaadaan ayuu ugu baaqay Hoggaamiyihu,waxaana uu xusay in aysan ku niyad jabin waxa meesha ka dhacay. ….”Shirkii waa la khalday waxaan ugu baaqayaa Shacabka SSC in aanay ku niyad jabin waxa meesha ka dhacay isuguna yimaadaan Shir deg deg ah oo aayahooda kaga tashanayaana isugu yimaadaan…..”ayuu yiri. Mar la weydiiyey su’aal ahayd in Shirka uu isga qudhiisu uu joogay kana mid ahaa Madaxdii Shirka waxa uu ku diidayo hadda waxa kasoo baxay ayaa waxa uu sheegay in joogay ayna ku sugnaayeen dad badan oo meelo kala duwan ka yimid balse la afduubay Shirka kuwaas oo diiday rayi soo jeedintii Ergada keensadayna waxa ay iyagu wataan,iyaga ayaa magacaabay shakhsiyaadka hadda loomana cadeyn dadka lamana weydiin waxa ay rabaa iyo waxa ay diidan yihiin. ……”Runtii waan tagay meesha dad badana waa yimid laakiin niman yar oo tiro yar ayaa hawsha afduubtay diidayna talooyinkii iyo talo biximihii Isimada,diiday tii sahacabka,diiday talo biximihii qabaal’ilka kala gedisan ee meesha isugu yimid,niman gaar ah ayaa iyagu meesha fariistay iyagaa diiday ra’yi soo jeedintii ergada,iyaga ayaa keensaday waxa iyagu wataan,iyaga ayaa magacaabay shakhsiyaadka loomana Codeyn dadkana lama weydiin marabtaa,markaa waa afduub aad u fool xun waana ka raali gelinayaa Shacabka SSC Khaladkaa laga galay…”ayuu yiri Saleebaan Xaglatoosiye. Hoggaanka SSC Xaglatoosiye ayaa gabagabdii tilmaamay in waxa Shirka dabadii kasoo baxay ay si weyn uga xunyihiin Shacabka,Isimiada iyo gabdhaha in Shirweyne umadi isugu timid ay shakhsiyaad gaar ahi afduubtaan ayna digreeto wax ku magacaabaan ,doonistii shacabkana diidaan,waxay iyagu wataan dadka ku maamulaan. Si kastaba ha ahaatee hadalka Hoggaanka SSC Saleebaan Xaglatoosiye ayaa kusoo beegmaya xili lagu dhawaaqay Mas’uuliyiinta Khaatumo State,waxaana ilaa hadda aan la ogayn Jawaabta rasmiga ah ee ay ka bixin doonaan mas’uuliyiinta Cusub. Cismaan Turaabi RBC Radio Xafiiska Wararka Boosaaso turrabi20@gmail.com
  7. Ceerigaabo:Shacabka Reer Sanaag Oo Dhamaan Diiday Kooxda Khaatumo Seeg....Daawo Video-ga (Hadhwanaagnews) Thursday, January 19, 2012 Sha cabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan way cadeeyeen sida ay uga soo horjeedaan shirka Khaatumoseeg ee ka dhacay Magaalada Taleex...Maantana waa Ceeri gaabo ee Daawasho wacan. " frameborder="0" allowfullscreen>
  8. Boosaaso[RBC Radio] Puntland ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajisay in Soomaaliland uu ka biyo diiday in Puntland wadahadal toos ah uu dhexmaro xili Soomaaliland dagaal kusoo qaaday degmada Buuhoodle. Wasiirka arrimaha gudaha Dawladda Puntland Janraal Cabdillaahi Axmed Jaamac Ilka-jiir oo la hadlay laanta Af-soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in mar kasta ay Puntland dhowrayso daris wanaaga iyo nabada u dhaxaysa Soomaaliland balse aysan diyaar u ahayn taas Maamulkaas. Wuxuu xusay Wasiirku in Dawladda Puntland aysan marnaba horseed u noqon Colaad ba’an balse ay wadaan wadahadal lagu dhameynayo Colaada laguna gaarayo nabad iyo barwaaqo,waxaana Canbaareynaa buu yiri dagaalkii qaawanaa ee ay Soomaaliland ku qaaday Shacabka degan Buuhoodle. …..”Puntland mar kasta waxanu dhowrnaa nabadgelyada,wadajirka iyo daris wanaaga naga dhaxeeya taas anagoo tixgelinayna,waxaana canbaareynaynaa Weerarkii qaawanaa ee gardarada ah ee lagu qaaday Shacabka ku dhaqan Buuhoodle. Mowqifka Puntland ay ka taagan tahay dagaalka Buuhoodle ayaa waxa uu ku tilmaamay in la isugu yimaado geedka wadahadlka laguna dhameeyo si nabad ah. Si kastaba Dawladda Puntland ayaa si adag uga hadashay dagaalka Soomaaliland kusoo qaaday degmada Buuhoodle,waxaana ay kasoo saartay Warsaxaafadeed lagu Canbaareynayo Weerarka Soomaaliland. RBC Radio Xafiiska Wararka Boosaaso
  9. Banaan bax Lagu Taageerayo Ciidanka Qaranka Somaliland, Taageerana Loogu Raadinayey Khudbadii Madaxweynaha Oo Maanta Ka Dhacay Gabiley. Banaanbaxan oo ay ka soo qayb galeen dadweyne tiro badan iyo masuuliyiinta Gobolka ayaa... Hargeysa (GNS) - Banaan bax lagu taageerayo Ciidanka Qaranka Somaliland ee Dagaalka kula jira Maleeshiyada ku sugan Deegaanada ku dhaw dhaw Buuhoodle, isla markaana taageero loogu raadinayey Khudbadii uu Madaxweyne Siillanyo maalintii Sabtidii ka jeediyey Xarunta Golayaasha Wakiilada Somaliland ayaa maantaka dhacay Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley. Banaanbaxan lahaa labada ujeedo ayaa waxa isugu soo baxay dadweyne aad u tiro badan, kuwaasi oo dhamaantood taageero balaadhan u muujinayey Ciidanka Qaranka Somaliland, kuwaasi oo Dagaal kula jira Cadawga Qaranimada Somaliland. Banaanbaxan oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiinta Gobolka Gabiley oo ay hor kacayso Badhasaabka Gobolkaasi Khadra Xaaji Gaydh, ayaa waxa madashii banaanbaxu ka dhacayey ka soo jeediyey Khudbado kala duwan Masuuliyiintii ka soo qayb gashay Banaanbaxaasi. Dadweynaha ka soo qayb galay banaanbaxan ayaa ka sinaa taageerada Ciidanka Qaranka Somaliland, balse Masuuliyiinta Gobolka Gabiley oo ay ugu horeyso Badhasaabka Gobolkaasi Khadra Xaaji Gaydh ayaa ka watay ujeedo kale oo ahayd in ay taageero ugu raadinayeen Khudbad Sanadeedkii uu Madaxweynuhu ka soo jeediyey maalintii Sabtidii Xarunta Golayaasha Baarlamaanka Somaliland, taasi oo shacabka Somaliland si weyn uga biyo diideen, ka dib markii laga sugayey in uu Madaxweynuhu ka waramo waxqabad Sanadeedkii Xukuumaddiisa, bilaabay in uu Dhaleecayn aanu u meel dayin dusha uga tuuro Telefishanka HCTV, taasi oo dad badan ka biyo diideen, halka dadka qaar sheegeen in aanay ahayn taladiisii ee Madaxweynaha dad kale dabada ka wadaan. Tan iyo intii ka dambaysay Maalintii Sabtidii ee uu Madaxweynuhu Khudbada ka hor jeediyey labada Golle Baarlamaan ee Wakiilada iyo Guurtida ayaa waxa ay Masuuliyiinta kala duwan ee Xukuumaddu wadeen abaabulo ay taageero ugu raadinayaan Khudbadaasi, taasi oo maalintii shalayna Banaanbax lagu taageerayo ka dhacday Magaalada Berbera, halka ay maantana ka dhacday Gabiley.
  10. Berbera: isku soo bax balaadhan oo lagu tageerayo Gooni isku taaga Somaliland oo Goor dhoweyd ka dhacay Magaalada Berbera Daawo Sawirada (Hadhwanaagnews) Monday, January 16, 2012 waxa Goor Dhoweyd ka dhacay magalada Berbera ee xarunta Gobolka SAAXIL isku soo bax ballaadhan oo lagu taagerayo qaranimada iyo Gooni isutaaga ,Somaliland laguna diidan yahay cida kala furfurayso midnimada Somaliland Berbera: isku soo bax balaadhan oo lagu tageerayo Gooni isku taaga Somaliland oo Goor dhoweyd ka dhacay Magaalada Berbera Daawo Sawirada waxa Goor Dhoweyd ka dhacay magalada Berbera ee xarunta Gobolka SAAXIL isku soo bax ballaadhan oo lagu taagerayo qaranimada iyo Gooni isutaaga ,Somaliland laguna diidan yahay cida kala furfurayso midnimada Somaliland, isla markaasna lagaga soo horjeeda beelihii ku shiray Bariga ee sheegay inay maamulgoboleed samaysanayaan, waxaana isoo baxan ka qaybqaata boqolaal ka mid ah dadwayanaha ku dhaqan magalada Berbera iyo dhamaan shaqalaha laamaha dawlada iyo ururada Bulshada iyadoo ay halkaasi kala hadleen Dadweynihii Bannaanbaxayey madaxda kala duwan ee G/sahil iyo degmada sida Badhasaabka G/sahil Maxmud Cali Saleban (RAMAAX), Mareyaha Dekeda Berbera Cali Xoorxoor, Xoghayaha D/hoose, iyo Taliyaha Qaybta Booliiska G/saahil qaar ka mid ah Madax dhdaqamedada G/sahil , waxaanay dhamaantood Dadweyanaha ugu baaqayeen in aan la ogolaan doonin in la waxyeelayo Qaranimada Dalkan somaliland ee loo soo halgamay dhiigana loo soo daadiyey. dadwayanaha Bannaanbaxayey ayaa ahaa qaar ay wajiyadooda ka muuqatay dareen wadaniyadeed waxaanu ku dhammaaday jawi xasiloon oo nabad gelyo ah.
  11. Dervish 50 SSC terrorists are dead.
  12. Alot of SSC terrorist rats died today.
  13. Gaalkacyo (RBC) Madaxweynaha maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa si kulul u eedeeyay madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo uu sheegay inuu faragelin ku hayo arimaha Galmudug. Madaxweyne Caalin oo galabta shir jaraa’id oo kooban ku qabtay koonfurta Gaalkacyo ayaa shaaca ka qaaday in beryahanba maamulkiisu uu ka harsan waayey faragelin uga imaaneysay madaxtooyada Villa Soomaaliya taasoo loo soo adeegsanayo dad reer Galmudug ah, sida uu yiri Caalin. Caalin wuxuu sheegay in madaxweyne Shariif uu jaal la noqday rag u sacabatumaya dhismaha maamulo laga hoos sameeyo Galmudug, sida maamul la doonayo in looga dhawaaqo magaalada Hobyo kaasoo uu sheegay in rag uusan magacaabin ay madaxweyne Shariif uga soo dhaadhicyeen xafiiskiisa. “Waxaan rabaa inaanu sheego ummada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka Hobyo waxay ka tirsan tahay Galmudug gobol ayeyna u tahay, dawlada Soomaaliya kalama soo xiriirin maamulka Galmudug kalama tashan, wax wargelin ah oo haba yaraatee oo lagala soo sameeyay ma jirto” ayuu yiri Caalin. “Sidaa Madaxweyne Shariif faraha hakala boxo arimaha Gobolada Galguduud iyo Mudug, wixii uu ugabaahan yahay hakala soo xiriiro dawladgoboleedka Galmudug, laakiin in la iskaga tashado wixii la doono laga sameysto, waxay keeni doontaa dadka deegaanka inay isku dirto” ayuu sii raaciyey madaxweynaha Galmudug. Sidoo kale wuxuu madaxweynaha Galmudug soo hadal qaaday inmadaxweyne Shariif uu wax ku lahaa abaabulka shir bishii Disembar lagu qabtay degmada Cadaado kaasoo sida uu hadalka u dhigay lagu dhabar jebinayey maamulka Galmudug. “Hadda qalalaasaha ka socda Galmudug, dagaalka Caabudwaaq ka socda, Dhuusamareeb dagaalka lagu soo qaaday, shirka lagu dhigay Cadaado intuba waxaad moodaa wax isku xiran aana ognahay dhamaantood inay ka soo wada bexeen xafiiska madaxweynaha” ayuu yiri Caalin. Maxamed Axmed Caalin ayaa intaa raaciyey in hadda wixii dhacay ay dheceen balse la doonayo in khalad dambe uusan dhicin, isagoo ku dooday in Galmudug ay tahay maamul aqoonsi ka heysta adduunka oo aan dooneyn in deriskiisa uu dhibaato kula noolaado, waa siduu hadalka u dhigay. Wuxuu ku soo gabagabeeyey hadalkiisa in dadka reer Hobyo aysan yeeli doonin in la isku diro, sida uu sheegay. Eedeynta ka soo baxday madaxweynaha Galmudug ayaa imaaneysa xilli wararka ay sheegayaan in khilaaf hoose uu u dhexeeyo saraakiisha maamulka Galmudug kaasoo sababay in qdhinac ka mid ah dhinacyada iskhilaafsan ay taageero ka raadsadeen madaxda DKG si ay maamul ka soo horjeeda Galmudug uga furtaan gobolada dhexe. Dhanka madaxtooyada Villa Soomaaliya ma jiraan wax jawaab ah oo ay eedeyntan ka yiraahdeen. RBC Radio Xafiiska wararka Muqdisho
  14. RedSea;774339 wrote: So this makes Galkacayo the first city in history to house three regional adminstrations which are PSS, WPS, and GSS. Interesting.
  15. Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Galbeedka Puntlanld Yuusuf Maxamed Warsame Sarcad " Yuusuf Gaalkacyo".
  16. Faahfaahin ku Saabsan Maamul looga Dhawaaqay Gaalkacyo (Sawirro) Warsaxaafadeed Maamulka Galbeedka Puntland Golaha Warfaafinta ee Maamulka WPS westpuntland@gmail.com Calanka Galbeedka Puntland Waxaa Markii ay taariikhdu aheyd 13-Jan-2011 looga dhawaaqay Galbeedka Puntland maamul cusub oo magaciisu yahay Dowlad Goboleedka Galbeedka Puntland “West Puntland State (WPS)”, xarunta maamulka ayaa noqoneysa Magaalada Galkacyo, wuxuuna ka arimin doonaa dhamaan Galbeedka Puntland. Xaflada looga dhawaaqay Maamulka WPS oo ka dhacday Caasumada Maamulka ee Galkacyo ayaa waxaa kasoo qayb galay dadwayne farabadan oo iskugu jira Isimo, Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo Marti sharaf badan oo kakala yimid dhamaan maamulada dariska ah sida Puntland iyo Galmudug. Xafladaas oo lagu qabtay Qasriga madaxtooyada ee ku yaala Bartamaha Galkacyo ayaa waxaa aad loo adkeeyey nabadgalayada, Ciidanka Maamulka Galbeedka Puntland ayaa aad u sugay Amaanka. Suldaan Jaamac Shire Geesood oo ku hadlayey Magaca Isimada Galbeedka Puntland ayaa sheegay in uu aad usoo dhaweeenayo Isimada kale oo kasocsatay Galmudug, asagoo shegay in Maamula galbeedka Puntland uu yahay maamul ay dhistayn dadka daga deegaanka galbeedka puntland asagoo sheegay in MD Yuusuf Maxamed Warsame Sarcad uu yahay madaxwaynaha Maamulka galbeedka Puntland. Ugaas Xassan Sh Axmed oo asaguna ku hadlay Magaca Isimada Galmudug ayaa aad usoo dhaweeyey Maamulka cusub ee looga dhawaaqay Galkacyo, Asagoo sheegay in dhamaan Isimada iyo Madaxda Galmudug ay garab istaagayaan Maamulka Cusub, asagoo sheegay in khibrada ay uga horeeyeen maamul ahaan ay ku biirin doonaan, Ugaaska ayaa sheegay in nabad iyo daris wanaag ay ku noolaadaan maamulada hadda ka jira Galkacyo. Taliyaha Guud ee Ciidamada Maamulka Galbeedka Puntland Gen. Warsame Jaamac (Warsame Cade) ayaa aad ugu dheeraaday ujeedka maamulka cudub iyo sababaha keenay in maanta maamul lagu dhawaaqo, Taliyaha ayaa sheegay in 13-sano kabacdi ay Maamulkii Puntland uu u kala jabay sadex-dii qaybood ee uu u dhisnaa tan iyo 1998 markii shirwayne iskugu yimaadaan sadex-dii urur ee wada dhistay Puntland. wuxuu sheegay in maanra urur kasta uu gaarnoqday. Md Cabdi casayr oo ka mid ah Madaxda maamulka ayaa aad usoo dhaweeyey shirka ka socda Taleex iyo maamulka halkas looga dhawaaqay, wuxuuna sheegay in Maamulka WPS uu hormar iyo barwaaqo u horseedi doono dhamaan gobolka. Daahir Maxamuud Muuse ayaa sidoo kale sheegay in maamulkaan uu ka mid yahay maamul goboleedyada hoos tagaya DFKG ah, asagoo sheegay in ay buuxin doonaan dhamaan sharuudihii maamul goboleedyada, Asagoo fasiraad ka bixiyey Maamulka iyo Calnkiisaba. dhawaan ayaa lasoo gudbin doonaa Magacyada Golaha Wasiirada iyo xildhibaanada. http://www.raxanreeb.com/?p=127147
  17. Halkaan ka Daawo Maamul looga Dhawaaqay Gaalkacyo http://www.raxanreeb.com/?p=127115
  18. kkkkkkkkkk. If Aaliyyah is part of those small african buffalos i wouldn't like to see her get eaten by the lions or crocodiles.
  19. Gaalkacyo (RBC Radio) Waxaa magaalada Gaalkacyo kusoo gabagaboobay Xaflad ay kasoo qeyb galeen dad aad u badan. Xafladaan ayaa looga dhawaaqay maamul loogu magacdaray GALBEEDKA PUNTLAND. Maamulkaan iyo cida hogaamineyso waxaan idinkula soo socodsiin doonaa wararkeena danbe. RBC Radio Gaalkacyo