Saalax

Nomad
  • Content Count

    10,383
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    24

Everything posted by Saalax

  1. http://www.raxanreeb.com/2012/06/muqdisho-maxaa-kala-heysta-odayaasha-dhaqanka-iyo-siyaasiyiinta-xil-doonka-ah-iyo-is-xulufeysiga-beelaha-warbixin/
  2. wrote: Sidoo kale waxaa kaalin muuqata ololaha xil doonka ka ciyaaraya Xildhibaan C/risaaq Juriile iyo Prof Cali Khaliif Galeyr oo labaduba waayadan ku sugnaa magaalada Muqdisho kuwaasoo kulamo aan kala go’ lahayn la qaadanaya odayaal beeleed iyo xubno dhaqan oo qaarkood ka mid yihiin kuwa ka qeybgalaya shirka odayaasha ee ka socda Muqdisho. I qor aan ku qoree! Siyaayiinta ololaha muuqda haatan ka wada Muqdisho waxaa ka mid ah xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow, Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax, Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), madaxweynaha Ximan iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiiceey, iyo xubno u badan baarlamaanka waqtigisu sii dhamaanayo kuwaasoo ku jira gorgortan adag.
  3. ;841351 wrote: On the battle field, his grasp of military tactics and his ability to laugh warmly and speak about war as if it’s nothing, has become a source of morale and inspiration for Kenyan soldiers. “You look at him and you get the feeling that you need to keep on fighting. He is such an inspiration,” said a Kenyan soldier when Sheikh Madobe visited the KDF Camp.
  4. AUN Dablay Hubaysan Oo Laba Dirawal Ku Dilay Duleedka Tuulada Karin-Dabayl-weyn Ee Gobolka Sool Iyo Dadka Deegaanka Oo Badbaadiyey Gaadiidkii Ay Wateen Laascaanood (Ramaas) June 11,2012 – Koox dablay ah oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa dad ku laayay deegaanka DHOON oo aan wax badani ka fogeyn tuulada Karin-dabeylwayn ee gobolka Sool. Kooxdan dablayda ah ayaa toogasho ku dilay Laba Dirawal oo waday gaadiid u socday dhanka Maamul goboleedka Puntland, waxaana la sheegay in gaadiidkii iyo agabkii ay siddeenba odayaal deegaankaasi ku baxay ay u gudbiyeen xadka ay wadaagaan Sool iyo gobolka Mudug ee Somaliya, inkasta oo aan la sheegin maydadka labada marxuum la aasay in kale. Dilkan oo ka dhacay xalay wakhti dambe, ilaa haddana aan la garan sababta dablaydani dilka ugu geysteen labadan dirawal, ayaa haddana dadka deegaanka Karin-dabeyl-wayn oo falkan aad uga xumaaday ay ka shaqeynayaan sidii looga hortaggi lahaa dhibaato noocaas ah oo mar kale soo noqota ama ka dhalata dilkan. Deegaanka Karin-dabeyl-wayn oo dilkani duleedkeeda ka dhacay ayaan ahayn markii ugu horeysay ee dil noocan ahi ka dhaco, balse waxa jiray in bishii labaad ee sanadkan laga helay maydka nin reer Baadiye ah oo halkaasi lagu dilay, iyadda oo aan ilaa hadda la garan cidii ka dambaysay falkaasi. Falalka dilka ah ayaa ku soo badanaya deegaanada gobolka Soo, waxaana hore u jiray in dhowr todobaad ka hor koox dablay ahi ay hal qof lagu dileen, kuwo kalena ku dhaawaceen duleedka Buuhoodle. Sidoo kale, waxa dhawaan tuulada Tukaraq lagu afduubay laba baabuurta xamuulka qaada ah oo u rarnaa hay’adda WFP, kuwaasi oo raashin ay ka qaadeen dekeda Berbera u sidday Gaalkacayo, kuwaasi oo mar dambe xoog lagaga soo furdaamiyey. Ramaasnews desk Hargeisa
  5. Don't mess with married woman rudy. If she was a single mother it is understandable .
  6. http://gobolada.com/2012/06/kooxo-maleeshiyo-ah-oo-toogasho-ku-dishay-laba-ruux-koonfurta-magaalada-laascaanood/ http://horufadhi.com/2012/06/11/wararka-sobaxaya-labo-qof-oo-xalay-lagu-diley-degmada-karin-dabayl-weyn/
  7. Wararka naga soo gaaraya Tuulada Karin Dabeylweyn oo qiyaastii 75 KM dhinaca Koonfureed kaga beegan Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxaa shalay gelinkii danbe lagu dilay laba ruux oo midi darawal ahaa halka ruuxa kale uu ahaa Milkiilaha mid ka mid ah gaadiidka Waaraadka ah ee Qudaarta ka qaada Koonfurta Soomaaliya, isla markaana geeya magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland. Labada qof ee la dilay midkood waxaa lagu magacaabi jiray Farxaan Dheere, wuxuuna dilkiisu yimid markii mid ka mid ah darawaliinta gaadiidkaasi oo Aano Qabiil loo daba joogay kooxo maleeshiyo soo weerareen, teedana ku dhagay Farxaan Dheere, taasoo sababay in labadooduba rasaas lagu harqiyay. Wararka waxay sheegayaan in 2-da Qof ee ay dileen maleeshiyaadkaasi uu wali meydadkoodu yaalo goobtii lagu dilay, halka gaadiidkii Qudaarta sidayna la tilmaamay inay la baxsadeen Maleeshiyaadkii falkaasi foosha xun ku kacay. Si kastaba muddooyinkii ugu danbeeyey dhibaatooyin ba’an ayay ku qabaan wadayaasha Gaadiidka Qudaarta ka qaada Koonfurta Soomaaliya ee geysa Magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland, mana jirto cid wax ka qabata dhibaatooyinka kooxahaasi kula kacaan gaadiidleydaasi, iyadoo dhibaatada ugu badan loogu geysto Deegaanada ay maamusho Maamulka Khaatumo State.
  8. http://ramaasnews.com/index.php/News/News/Kooxda-Khaatumo-Oo-Puntland-Ku-Eedaysay-In-Ay-Wado-Duulaan-Ay-Ku-Qaadayso-Dhul-Ka-Mida-Bariga-Gobolka-Sool.html
  9. Kooxda Khaatumo Oo Puntland Ku Eedaysay In Ay Wado Duulaan Ay Ku Qaadayso Dhul Ka Mida Bariga Gobolka Sool. Taleex(Ramaas) June, 10, 2012- Maamulka kooxda Khaatumo iyo qaar ka mida hogaaamiyayaasha dhaqanka ee gobolka Sool, ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland in ay colaad ka hurinayaan Bariga gobolka Sool oo ay dhawaan ka dhaceen dagaalo u dhaxeeyay labada dhinac, iyaga oo sheegay in Madaxweyne Faroole uu abaabulayo dagaal uu ku soo qaado deegaanka Turaq. Shir wada tashi oo ay isugu yimaadeen madaxda Khaatumo iyo madax dhaqameedyo oo ka dhacay Magaalada Taleex ayaa ay kooxdan kaga dhawaaqeen Puntland halis ku tahay deegaamadooda, isla markaana ay ciidamadeedu soo qaadayaan dagaal ay doonayaan in ay dhul ballaadhan ku qabsadeen,laakiin dadka deegaanku iska difaaci doonaan duulaankaas oo ay ku tilmaameen gardaro ah. Wasiir ku xigeenka amminga Cabdifataax Dhalac, ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed in uu wado colaada, isaga oo dagaalka wakhtigan ka qabanqaabinaya Magaalada Garoowe oo ay ciidamadiisa wareerada ka soo qaadayaan, waxaana uu shacabka Puntland ugu baaqay in ay maamulka kala taliyaan khasaaraha ka imanaya dagaal dhaca. “ Waan la soconaa in ciidamada Puntland ay dagaalo ka soo wadaan Garoowe, ninka Faroole isaga colaada waxa uu og yahay in ciidankiisa lagu jabiyay dagaalkii Tukaraq ka dhacay, ciidamada Khaatumo iyo shacabku waa diyaar, waa iska celin doonaan nimanka dalkayga ku soo duulayaa, Faroolena isaaga masuul ka ah wixi dhaca” ayuu yidhi Mr Dhalac. Oday Cali Cilmi Dhuuto, ayaa isna sheegay in colaada ay la socdaan weerarka ay sheegeen in uu kaga so wajahan yahay dhanka Garoowe, hase aahaate, iyagu aanay doonayn colaad ka hurta Bariga gobolka Sool oo ah dhul aan deganayn oo xasilooni u baahan, waxaana uu shacabka Puntland ugu baaqay in ay hortagaan qalalaasaha maamuku wada, isaga oo sheegay in beeshiisa ay difaaci doono deegaamadeeda.. Wararka ka imanaya Jiida Tukaraq ayaa sheegaya in labada dhinac ay diyaargaraw ugu jiraan dagaal ay suurtagal tahay in uu dhaco saacadaha socda , kuwaasoo saamayn ku yeelan doona dadka rayidka ah oo qaarkood uga barakaceen dagaaladii hore. Raamaasnews Desk Hargeisa.
  10. http://www.raxanreeb.com/2012/06/wasiirka-dekedaha-puntland-waa-jiraan-ganacsato-ka-wareegatay-dekeda-boosaaso-oo-tagay-dekeda-berbera/
  11. Wasiirka Dekedaha Puntland: Waa Jiraan Ganacsato Ka Wareegatay Dekeda Boosaaso oo Tagay Dekeda Berbera Wasiirka dekedahaiyo gaadiidka badda Puntland Siciid Maxamed Raage Boosaaso (RBC) Wasiirka dekedahaiyo gaadiidka badda Puntland Siciid Maxamed Raage oo maantafaahfaahin ka bixyey hawlaha dekeda Boosaaso ayaa sheegay inay jiraan qaar ka mid ah ganacsatadii wax kala soo degi jirtay dekeda weyn ee magaalada Boosaaso oo u wareegtay dekeda Bebera isagoo aan si cad u sheegin sababta arintaasi keentay. Wasiirka ayaa mar uu wariyaasha la hadlay maanta ayaa beeniyey in hoos u dhac weyn uu ku yimid hawlaha dekeda Boosaaso iyadoo saddexdii bilood ee u dambeeyay ay jirtay hoos u dhac 50% ah oo dekeda iyo dhaqaalaha guud ee magaalada Boosaaso soo foodsaaray. “Wararka la sheegayo ee la leeyahay dekedii baa hoos u dhacday waa been waxbana kama jiraan, hawsha dekeda si fiican bay u socotaa” ayuu yiri wasiir Siciid Maxamed Raage. Tartanka dekeda Berbera Wasiirku wuxuu ku dooday in tartan ay ku heyso dekeda magaalada Berbera oo sida muuqata canshuurta kaga hooseyso tan Boosaaso, isla markaana ganacsato badan soo jiidatay. “Waa jiraa in tartan uu nagala dhexeeyo dekeda Berbera oo ganacsatadii ka iman jiran dhanka Jigjiga ay u wareegteen xagaasi” ayuu sii raaciyey Siciid Maxamed Raage hadalkiisa. Hadalka wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Siciif Maxamed Raage ayaa yimid toddobaad ka dib markii warbixin ay daabacday Shabakada Raxanreeb ay banaanka keentay hoos u dhac sii kordhaya oo ku yimid hawlaha soo dejinta iyo dhoofinta dekeda magaalada Boosaaso. Dhanka kalana qaar ka mid ah ganacsatada gudaha ayaa ka cabanaya in suuqyada magaalada ay dadkii ku yaraadeen sababo ay ku sheegeen in ciidamada maamulka ay beegsi ku hayeen bilihii la soo dhaafay dadka ganacsatada ah ee ka soo jeeda gobolada koonfurta dalka iyo kuwa ka soo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn oo badankood hadda u guuray dekeda Berbera ee maamulka Somaliland. RBC Radio Xafiiska Wararka Nairobi
  12. http://ramaasnews.com/index.php/News/News/Wasiir-Ka-Tirsan-Dawlada-Sheekh-Shariif-Oo-Isaga-Oo-Sita-Calanka-Somaliya-Ka-Soo-Deggay-Garoonka-Diyaaradaha-Berbera-Iyo-Booliska-Khasab-Ugu-Celiyay.html
  13. Wasiir Ka Tirsan Dawlada Sheekh Shariif Oo Isaga Oo Sita Calanka Somaliya Ka Soo Deggay Garoonka Diyaaradaha Berbera Iyo Booliska Khasab Ugu Celiyay Berbera (Ramaas) June 9,2012 - Wasiir ku-xigeenka wasaarada gaadiidka duulista iyo dekedaha Dawladda TFG-da Somaliya Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi (C/raxmaan Dheere) oo saarnaa diyaarad ku socotay Muqdisho oo ku hakatay Garoonka Berbera ayaa si sharci daro ah uga soo dagay Diyaaradii isagoo Lulaya Calanka Somaliya. Ciidamadda Booliiska madaarka Berbera ayaa isla markiiba intaanu hore u soo socon wasiirkaas iyo Calankiisiiba ku celiyay Diyaaradii uu ka soo dagay, waxaanu ka dagay garoonka Muqdisho, isagoo saxaafadda uga kaga cawday in gef lagu sameeyay oo aanu wax danbi ah samayn. Madaxda Dawladda ku-meel gaadhka ah ayaa caado ka dhigtay marka ay madaarada somalilan ku meel gaadhka ku yihiin inay soo farogaliyaan arrimaha Somaliland, iyadoo dhacdadii ugu danbaysay uu sawir is yidhi iskaga qaad madaarka laakiin markiiba ay Booliisku ka hortageen oo ay ku celiyeen Diyaaradii uu saarna. Todobaad ka hor waxa iyana ka dhacday in Cali Daacuun oo ka mid ah Mukhalasiinta Dawladda Somaliya uu sidan oo kale isagoo transit ah uu uga soo dagay diyaaradii uu la socday, kadibna ay diiday diyaaradii inay qaado, waxaanay Ciidamadda Booliisku muddo sadex maalmood ah ku hayeen Huteel, markii danbena waxay saareen Diyaarad kale. Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamud Cali Hayste Ramaax oo aanu wax ka weydiinay dhacdadan ayaa sheegay inuu Goob joog ahaa isagoo ka jawaabayana waxa uu yidhi “Madaarka Berbera caalami buu noqday oo diyaarado badan baa soo mara oo dad ku dajiya dad kalena ka qaada, wax dhibaato ah oo loogu geystaa ma jirto laakiin waxa dhacda qaar sharciga ay ku soo dagayaan madaarka aan garanayn oo mudada ay diyaarada kale fuulayaan inay waxay doonaan sameeyaan iska jeclaysta” ayuu yidhi Isagoo ka waramaya qaabkii ay u dhacday Wasiir Dawladda Somaliya ka tirsani inuu ka soo dago isagoo Calan sita waxa uu yidhi “ Wasiiro badan bay ahaayeen oo xaga Turkiga ka yimi markaa kuwa kale si akhlaaq leh ayay u socdeen ee ninkan sheeganaya waa la I jiid jiiday oo Kamarad baa la iga qaaday isagoo ku xad gudbay sharciga oo inta uu sidii ay dalkiisii tahay soo qaatay Calan dad badan oo Reer Somaliland ahi ka xanaaqaan Kamarad damcay inuu isku sawiro. Markaa wax dhibaato ah oo loo gaystay ma jirtee Booliisku jooji oo diyaaradaada Fuul bay ku yidhaahdeen ana goob jog baan ka ahaa” ayuu yidhi Dhinaca kalena warar aan la hubin oo isa soo taraya ayaa sheegaya wefti ka socda Dawladda TFG-du in ay doonayaan inay Somaliland u yimaadaan sii ambaqaadka wadahadaladii ay Beesha Caalamku ugu baaqday Somaliya iyo Somaliland. Warkan oo labadii maalmood ee u danbeeyay meelo badan laga hadal hayay waxa uu ka soo baxay dhinaca Madaxtooyadda Somaliya, balse ilaa hada ma jiro war faahfaahsan oo laga hayo arrintaasi Dad kala duwan oo ka faalooda siyaasadda arrimaha Dibeda iyo wadahadalada Beesha Caalamku wado ayaa sheegaya haddii ay wefftigaasi sidaas ku yimaadaan Somaliland iyada oo aanay Beesha Caalamku dhex joogin inuu majarahabaabayo dedaalkii beesha Caalamku iyo rajadii ay Somaliland ka qaadatay Shirkii Ingiriiska sidaas daraadeed waxay ku taliyeen in laga hortago haddii ay TFG-du sidaas isku daydo. Ramaasnews desk Hargeisa
  14. http://horufadhi.com/2012/06/09/csamad-cali-shire-oo-maleeshiyaad-**********-ah-wata-oo-tukoraq-weerar-ku-soo-ahiyo-ciiidamada-maamulka-khaatumo-oo-ka-war-helaywabixin/
  15. http://ramaasnews.com/index.php/News/News/Maleeshiyaad-Ka-Amar-Qaata-Hor-joogaha-Koowaad-Ee-Khaatumo-Oo-Dhalinyaro-Ku-Laayey-Tukaraq-Iyo-Madax-dhaqameed-Ka-Gar-helay-Axmed-Karaash-Maxkamad-Dhaqan-Ka-Dib.html
  16. Maleeshiyaad Ka Amar Qaata Hor-joogaha Koowaad Ee Khaatumo Oo Dhalinyaro Ku Laayey Tukaraq Iyo Madax-dhaqameed Ka Gar-helay Axmed Karaash Maxkamad Dhaqan Ka Dib. Tukaraq (Ramaas) June 7,2012 – Axmed Karaash oo ah ninka ku magacaaban Madaxwaynaha koowaad ee Maamul ku sheega Khaatumo ee lagaga dhawaaqay degmada Taleex ee gobolka Sool ee Somaliland ayaa waxa uu waajahayaa jaho-wareer siyaasadeed. Axmed Karaash ayaa waxa ku kacay qaybo ka mid ah beesha deegaanada bariga Sool iyo Buuhoodle, kuwaasi oo ku eedeeyay inuu ka dambeeyay dil gaadmo ah oo Maleeshiyaad taabacsani ku dileen laba dhalinyaro ah oo Isbaaro dhigtay tuulada Tukaraq ee koonfurta gobolka Sool, kuwaasi oo Maleeshiyaad si gaar ah uga amar qaata Karaash ay dileen wakhti habeenimo ah, iyagga oo doonaya inay kala wareegaan kaantaroolka si ay gaadiidka u socdo dhanka Puntland u dhacaan. Axmed Karaash oo hadda ku sugan Magaaladda Taleex ee Gobolka Sool, ayaa waxa gar la dhigtay qaar ka mid ah Madax-dhaqameedkii hore u taabacsanaa isaga, waxayna ka dalbadeen sida la sheegay inuu cadeeyo sababta uu Maleeshiyaadkiisu gaadmada ugu dileen dhalinyaradaasi oo midna dhintay, midkoodna dhaawacmay 5-tii bishan June 2012-ka. Axmed Karaash, ayaa la sheegay inuu aqbalay in Maleeshiyaadkiisu dileen dhalinyaradaasi isla-markaana uu bixinayo magta wiilka dhintay oo magaciisu yahay Axmed Juqdhow, halka uu ka dhaawaca ahna ka garaabay dhaawaca gaadhay. Qaar ka mid ah Odayaasha la garnaqsaday oo warbaahinta qaarkeed la hadlay ayaa sheegay in Axmed Karaash uu gaadiidkii iyo hubkii qurba-joogta SSC lacagtooda soo ururiyeen uu u adeegsanayo laynta dadka rayidka ah, taasina ay tahay mid aan la aqbali Karin. Dhanka kale, Maamul ku sheega Khaatumo, ayaa waxa ku kacsan inta badan dadka qurba-joogta ah ee deegaanada SSC, kuwaasi oo lacag badan lagaga qaaday in Somaliland laga xoreynayo Magaaladda Laascaanood, taasi oo noqotay Hal-bacaad lagu lisay sida ay sheegeen qurab-joogta qaarkood oo la hadlay warbaahinta taageerta Khaatumo, waxaana la soo baxaysa inay gabaabsi tahay riyadii Khaatumo ay ku aas-aaseen siyaasiyiinta dibad-wareega ah ee nabadgalyo darada iyo qaska ka abuuray deegaanada Sool iyo Buuhoodle, iyagga oo isticmaalaya dhaqaale ay qurba-joogta kaga soo ururiyeen qorshe malo-awaal ahaa. Sidoo kale, waxa jirta in inta badan siyaasiyiintii dibad-wareega ahaa ee Khaatumo ay si xidhiidh ah dib ugu laabanayaan wadamadii qurbaha ee ay markii hore kala yimaadeen fikirka aan midho dhalin ee Khaatumo State. Ramaasnews Desk
  17. Xaaji Xunjuf;838735 wrote: Taleex media is losing it he is now trying to divide the Garaad clan into subclans to please the garowe clan enclave. Axmed Karaash killed Tukaraq locals.
  18. http://taleex.net/2012/06/05/axmed-karaash-oo-dhalinyaro-nuur-axmed-ah-ku-xasuuqay-tukaraq
  19. People are not interested in false rumours but solid proof. Both of the said sub clans he accused and individuals were being mentioned in the 19th century for who they are by the colonials and earlier in 18th century by historians. So it is clear the dude actually deserves being jailed for trying to publish a non reality based slander book in Somaliland soil kkkkkk.
  20. *Blessed it is a crime because it is a slander.He claimed the people of Xaaji Aadan Qabile (eastern Hargeysa) and the people of Igare the 19th-20th century Somaliland icon became another clan in 1970? what. It just doesn't make sense and has no base to reality.
  21. The reason the man was arrested is because he lied about well known sub clans who have been known for over centuries. It was very unproffesional and silly of him to claim very known sections who contributed to Somaliland they became another clan in 1970 kkkkkkk. Baaga.
  22. http://gabiley.net/pages/tDetails.php?source=news&ID=22065&permission=1&audioFile=
  23. Dawlada ku meel Gaadhka ah ayaa gaashaanka ku dhufatay Qodob ka Mida qodabdii kasoo baxay shirkii Istanbuul ee dhawaan la soo gabagabeeyay Qodbkaas oo sheegaya in guddi wadajir ah oo beesha caalamka ka tirsan ay maamulaan dhaqaalaha la siinayo Somalia Dawlada KMG ayaa waxay sheegtay in guddi wadajir ah oo beesha caalamka ka tirsan ay maamulaan dhaqaalaha la siinayo Somalia aanay marna ogolaan doonin Dawlada ku meel Gaadhka ah ayaa gaashaanka ku dhufatay Qodob ka Mida qodabdii kasoo baxay shirkii Satanbuul ee dhawaan la soo gabagabeeyay Qodbkaas oo sheegaya in guddi wadajir ah oo beesha caalamka ka tirsan ay maamulaan dhaqaalaha la siinayo Somalia diidmadan ayay dadbadani ku Macneeyeen in dawladu doonayso in ay sii wado Musuqmaasuqii awlba lagu yiqiin kaa soo ahaa in ay jeebka ku shubtaan Waxa yar ee Caalmuku ugu deeqo Bulshada Rafaadsan ee dagaalada aan dhamaadka lahayni Daashadeen. Afhayeenka Xukuumada Qwlaysatada ah ayaa sheegay in dowlada Somalia ay soo dhoweyneyso qodobada ka soo baxay shirkii Hadaba ninkan u hadalay qawlaysatada Iibaastay dalkoodii ayaa Sheegay in Xukuumada ay si weyn uga gilgilatay ugana soo horjeesatay qodob ka mid ah qodobadii lagu qorayey shirkaas oo ahaa in guddi wadajir ah oo beesha caalamka ka tirsan ay maamulaan dhaqaalaha la siinayo Somalia. Waxa uu yidhi ninkan u hadlay qawlaysata Xamar fadhidaa waxay aad ayaa uga soo horjeesatay qodobka sheegaya in guddi isku dhaf ah ay Maamulaan dhaqaalaha caalamku ugu deeqo Somalia, waxaana noo muuqata dhibaatada ay arintaas leedahay Isagoo doonaya in ku tagrifalaan sidii ay awalba samayn jireen Waxaana Qawlaysta ku maqan Malayiin Dolar oo loogu dhiibay dadka Somaaliyeed ee Tabaalaysan oon ilaa hada la ogayn Meel ay Jaan iyo cidhib dhigaan malayiinkii hore loogu dhiibay . Published: 2012-06-02
  24. http://taleex.net/2012/06/02/cali-cige-laascaanood-waxaa-ay-sugaysaa-dawlad-soomaaliyeed