-
Content Count
10,383 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
24
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Saalax
-
http://www.kalshaalenews.com/?p=8895
-
Ali khalif khudbad dheer oo 29 minutes ah oo uu ka jeediyey conference kee xalay(cod) “Shacabka iyo maamulka puntland way kala duwan yihiin oo shacabku waa inala dhasheen hadaladaasi yaan la’idinku beer laxawsan. maamulka iyo shacabku waa isku mid waana cadowga ***********. Arinka waa lawada dhashay yeysan CONFUSION inagu abuurin’ ali khalif galaydh July 3 2012 Sida aad dhagaysan doontaan anaga oo aan wax goyn, waxana ku darin khudbada Dr. ali khalif muhiimadeeda ama qodobada uu ku nuux nuuxsaday waxay ahaayeen sidan: Dhulbahantoow yaan la’idinku beer laxawsan Maamulka puntland ayaa xun ee dadka weynu wada dhalanay, xaqiiqada jirtaa waa maamulka iyo ********** waa isku mid, waana cadowga ***********, waxba yaan hadalkaa la idiku beerlaxawsan waa strategy cusub in waxaa la’inagu mashquuliyo. dadbaa idinku akhriyaya waynu wada dhalanay, war waxaa yaan la’idinku beerlaxawsan. Shacabka SSC waa dad aan waaqici ahayn (naive ) ama markii hore expectationkoodu badnaa( waxay filayeen ) markaa waa in dadkan loo sheegaa in arimuhu intaa ka qoto dheer yihiin. kalshaalenews waxay Dr. ali weydiinaysaa, Dr. Ali shacabka reer SSC waxa kaliya ee expectionkeedu ahaa iminkana yahay waa in maalin qudha ay arkaan wax muujinaya yidi diilo haba yaraatee in kooxda aad horjeegaha u tahay ay diyaar u tahay ama ku hamiyeyso xoraynta laasaanod. su’aashu waxa weeye hadii shacabka *********** oo aad ka uruursateen malaayiin dollar idin weydiiyaan sababta laasaanod loo xorayn la’yahay, arinkaasi shacabka *********** ma waxay ku noqonayaan dad aan waaqici ahayn oo aan waxba kala ogayn? Lacagta soo shuba, laasaanodna ha’iweydiinina, hadii aad i weydiisaana waxaan idinku shaanbadaynayaa in aad tihiin dad aan waxba ogeyn Dr. Ali taasi ma qabataa ***********? qodobka sadexaad ee uu ka hadlay waa in Xamar dadka jooga ee arimaha siyaasada u jooga loo sameeyo dhaqaale loogu talo galay, wuxuuna tusaale u soo qaatay berigii uu Jabuuti shirka kaga qayb galay wuxuu yidhi anagaa qaadka bixinaynay, laakiin iminka anigoon lahayn dhaqaale qaad keena, hadana runtu waxay tahay dhaqaale la’aantii iridaha siyaasadu kaa furmi maayaan. markaa waa in loo qoondeeyaa dhaqaale dhinaca Muqdisho. Qodobka kale ee xusida mudan waa isaga oo yidhi hadal la odhankaro wuxuu toos u xasuusinayey Mudane Axmed Karaash in wakhtigiisii dhamaaday isagoo leh, ” hadalkii Madaxweyne Indhosheel wuu i dhaafay” Ali khaliif hadalkaas wuxuu toos ugu socday ama u xasuusinayey Axmed karaash in uu isu diyaariyo in uu xilka wareejo hadii uusan wareejina toos isagu uga xayuubinayo. Dhagaysi wacan: Qaybtii 1: AliK4mp3 Qaybta:2 AliK3_part_part waxaa kale oo aanu idiin soo gudbin doonaa: General Axmed Ali Abokor, Col. ahmed shukri, Dr. abdikarim Jama iyo rag kale oo bada
-
Oodweyne indeed. *Ibtisam;848196 wrote: I am neither your cousin, nor your atheero salaax, Oodweyne on the other hand, is a brother from another mother- literally who knew habrah iyo aabo Touchy kkkk.
-
Warar horudhac ah oo ka soo baxaya Dilkii Gen: Abdullaahi Salaax Maxamed,{Nadalo},{Xog}. Inkastoo weli aysan soo dhamaan baadhitaan balaadhan oo shabakada Horufadhi iyo shaqaalaheedu ku wadaan cidii si dhabta ahayd uga danbaysay dilkii Marxuum Abdullaahi Salaax Maxamed oo ku magac dheeraa,{Nadalo}, hadana waxaa marba marka ka danbaysa soo baxaya warar horudhac ah oo ku saabsan cida ka danbaysay dilkiisii iyo qaab uu u shaqaynayey Jananku. Shabakada Horufadhi waxay ogaatay in Gen: Nadalo uu beryihii u danbeeyey uusan ku jecsanayn guud ahaan Siyaasada maamulka Putnladn isla markaana uusan inta badan ka hawlgeli jirin xafiiska Booliska ee G/Nugaal, Marxuumka ayaa sidoo kale la xaqiijiyey inuusan weligiis gaxaysan ilaalo u gaar ah, asagoo ahaa nin Bulshadiisa ku dhex jira isla markaana ka madhnaa guud ahaan cadaadis shacabka dhexdiisa ah iyo inuu awoodiisa u isticmaalo qab qabasho iyo xadhig ku aadan dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanadaasi. Sidaas daraadeed ayaa guud ahaan waxaa meesha ka baxaya in dad Islaamiyiin ah ka danbeeyeen dilkiisa, maadaba ay meeshaba ka baxday inuusan weligii soo xidhin cid looga shakisan yahay ururada Islaamiyiinta ah ee dalka ka hawlgala. Waxaa sidoo kale soo baxaya warar sheegaya in Taliyaha qaybta ee G/nugaal Faarax Warsame C/raxmaan,{Afdalow}, looga shakisan yahay inuu yahay ninka fuliyey dilka, ayadoo la sheegayo inuu haystay amaro sar sare, inkastoo xogahani aysan ahayn kuwo Rasmi ah, hadana warraka xoogooda ayaa sheegaya in uu meel fagaare ah maalinimadii habeenimadeeda la dilayey Marxuumka uu ugu hanjabay asagoo gaadhi kaga qaaday Suuqa dhexdiisa. Haseyeeshe warbaahinta Horufadhi oo haysa magacyo iyo xogo intan ka badan ayaan weli Mas’uuliyiintoodu ogolaan in la daabaco, maadaba ay jiraan baadhitaano ay wado qaybta dabagalka warrarka ee shabakada ee Horufadhi Investigation Group,{HIG}. Xogahan oo ah kuwo aad u badan ayaa gudidada loo xilsaaray oo keliya fasixi kartaa daabacaadooda, ayadoo la tafniidayo wararka maadaba ay yihiin kuwo xaasaasi ah. Haseyeeshee shabakada Mas’uulinteedu waxay xaqiijiyeen in dilkaasi uu yahay ilaa hada mid siyaasadeed. Oo ay ku gudban tahay arin aad looga shaqeeyey. Dhawaan fillo warbixinada , ilaha , magacyada iyo qaabka loo dilay iyo sababaha oo dhan. Horufadhi.com
-
Oodweyne you should know one claiming that a community have nothing in common implying a loose confederation is one of the great sins in the political forum if you might ask me and shows lack of courtesy on her part. Though i do apologize to our cousin Ibtisam out of Somalilandniimo for i think she might not have deserved it in the public forum maybe in private. Thus i understand your concerns.
-
Ibti they are welcomed muxafiid or mucaraad, Wadani or Umadda. Though i dismiss the government's unsuccessful endeavor to create a dispute within this community. They should steer clear from family matters. Sherlock Holmes.
-
*Ibtisam;848152 wrote: They have nothing specific and above what they have in common with normal people in Somaliland, the fact they are in attendance does not really mean anything. Wait for a while and you shall see, it will be back to hargeisa, and nearly four political parties each headed by the said clan . Their interest are not aligned or the same. I dont know what ministers said- but I know of at least one from the said clan who is objecting- is it because he is a self hating hoodlum or is it because he sees the option of wider support and collaboration rather trying to fit a a shoe two sizes too big in far away sanaag while claiming to want to rule the community? Young lady you only spoke of your desire there, there is only two parties in plan not four kkkk. Attendance of trusted respected figures within the community means everything it means they are representing those who sended them for the Daalo convention as a ergo. The actuality of them coming together was good enough to strike anxiety and panic into the clannish supporters of Mr Siilaanyo and his prepaid hoodlums. Picture them agreeining on 1 or 2 party, even better.
-
Ibrahim Mead's take. In Support of “Daalo” convention Written by Ibrahim Mead Jun 29, 2012 at 06:44 AM In August 25, 2008 I wrote an article supporting the “Garadag convention” Mr.Siilanyo was crying louder than any body else for justice and the constitutional rights his community deserved when they were convening a gathering intended no ill for the government of Riyaale. I and others supported that call which was right. Why of all people Mr. Siilanyo is nervous of the “Daalo convention” when he did the same yesterday!? (2008) Lately there is government instigated pressure. A lot of disinformation and despondency is vented from Siilanyo’s side. Siilanyo’s “act-first-then-think after” Ministers were intimidating and trying to divide the “Daalo” community! This is bordering indecency and even deception on the part of Siilanyo’s actions which is subcontracted to hired hoodlums as the government is trying to undermine and tarnish the “Daalo convention before even the convention started! That is not only unfair, it is uncalled for, and they better back off. Bear in mind, that the conference organizers told us that it is all for the good of their local community, and for the good of Somaliland, by extension. We do not see any ill intentions for that. Why Mr. Siilanyo is afraid of that? Before the Somaliland rulers scare us of “Daalo” convention let every body in Somaliland and out side the Mother Land ask him self one-truth based question and then try to answer it. 1-Who are the people gathering there, in “Daalo” which the government of Siilanyo is undermining their convention? They are the very people who sacrificed blood and treasure for the liberation of Somaliland and the establishment of this 2nd Republic of Somaliland Mr. Siilanyo has failed to say ‘Somaliland Republic’ when Shareef of TFG called us deliberately “Northern Brothers” denied our Republic in Dubai” Siilanyo’s government resorted a negative, and a conflict-creating approach in this”Daalo” convention and indeed in many other cases they already messed up! I am supporting the Daalo convention and sending my prayers to our brothers there Peace and prayers Ibrahim M Mead http://oodweynenews.com/articles/183485-in-support-of-daalo-convention-by-ibrahim-m-mead.html
-
This is what you said and i jogged your memory that it is not true. All sections of this group are in attendence of the Daalo convention whether Duur's or mine. It is belated to play divide and conquer, the prepaid hoodlums of Siilaanyo(some ministers) and their mouthpieces have already failed. Thus it is indeed absurd to claim they have nothing in common when they as a collective told Siilaanyo's government to take a hike with their divisive tactics. *Ibtisam;848115 wrote: THE said clan's different categories have nothing in common
-
*Ibtisam stop spreading misinformation. We have everything in common despite geographical differences, Daalo convention has been a blessing so far. It is interesting to see Siilaanyo's prepaid hoodlums and former supporters of Garadag conference 2008 crying foul and trying everything under the sun to divide the community but thankfully failing.
-
http://timesofindia.indiatimes.com/world/mad-mad-world/Italian-kills-wife-for-being-too-beautiful/articleshow/14648573.cms
-
Big News Network.com (IANS) Tuesday 3rd July, 2012 Share this page A 35-year-old Italian stabbed his wife to death with a pair of scissors because she was 'too beautiful'. Giancarlo Giannini, a factory worker and father of two, attacked his 26-year-old wife, Alessandra Sorrentino, at their home Monday with a small pair of scissors. He then used a larger pair to stab her in the heart in an apparent fit of jealousy. Police found the woman's body in a pool of blood on the balcony of their apartment in Palma Campania near Naples. Giannini was arrested, and told police his wife had been 'too beautiful'. The couple's two children, aged four and six, were asleep at the time of the killing.
-
Maamulka tuulada Xiriiro oo hoos tagta degmada Isku-shuban ee gobolka Bari ayaa sheegay in ciidamada badda Puntland ay degmadaas dad rayid ah ku laayeen. Gudoomiyaha tuulada Xiriiro Jeylaani Maxamed Ismaaciil ayaa sheegay in falkaasi uu dhacay labo maalmood kahor xiligaas oo ay cutubyo ka tirsan ciidamada Mariinisku deegaankaas gaareen. Wuxuuna intaas ku daray in ay tuulada dhowr jiho kasoo galeen islamarkaana ay rasaas hoos ugu dhigeen dad rayid ah oo fadhiyey mid kamid ah goobaha lagu shaaheeyo. Jeylaani ayaa sheegay in rasaastaas ay ku geeriyoodeen labo qof halka ay 8 qof oo kalena ku dhaawacmeen: “Ciidamada Saracen magaalada markay soo galeen dad shacab ah oo ciyaal iyo duqey isugu jira bay xabad aan loo aaba yeelin hoos ugu dhigeen, wiil yar oo arday ah iyo nin reer baadiye ah ayey dileen, 8qof oo kale ayaa dhaawac ah, dad badan oo barakac iyo sas uu ku dhacayna way jiraan” gudoomiyaha tuulada xiriiryo ayaa yiri. Jeylaani Maxamed Ismaaciil ayaa dhinaca kale xusay in markii ay taliska ciidankaas u tageen loo sheegay in dadkani ay ku dhinteen howgal Burcadbadeed lagula dagaalamayey. “xiriiro waa la yaqaan xeebta 130km bay u jirtaa, meel ay ka baxaan Burcad badeedu ma ahan, meel ay isku uruursadaanna ma ahan”. Gudoomiyaha tuulada Xiriiro wuxuu ugu danbeyntii ugu baaqay madaxda sare ee dowlada inay arintan soo fara geliyaan maadaama ay tahay arin hadii aan si deg deg ah wax looga qaban dhib weyn keeni karta. Dhegeyso Waraysiga Gudoomiyaha Xiriiro Dhacadadaas oo noqotay mid uu muran badani ka dhashay waxay keentay in deegaankaas ay shalay booqasho ku tagaan wefdi uu horkacayo gudoomiyaha bari islamarkaana ay ku jireen xubno ka tirsan golaha wasiirada. Si kastaba ha ahaatee ciidamada badda Puntland oo ay tababarto shirkadda Saracen oo ah shirkad aan sumcad wanaagsan dunida ku lahayn ayaa dhowaan u guurey deegaano ka tirsan bariga fog halkaas oo ay ka samaysteen fariisimo ciidan oo dhowr ah. Horseed Media
-
Gudoomiyaha Gobolka waqooyiga Mudug ee Puntland oo sheegay in Ganacsatadii Soomaali Galbeed ay u Wareegeen Dhanka Somaliland. Gaalkacyo (RBC Radio) Waxaa Shabakada Raxanreeb.com soo gaartay warqad uu Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey uu u diray Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiraxmaan Sh Maxamed Faroole, Warqadaan oo talo soo jeedin aheyd. Waxa uu talooyinka Gudoomiye Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey u soo Jeediyey ay ahaayeen kuwa ugu waweynaa Dhanka Amniga, Ciidamada, Ganacsiga, Maalgalinta, Tayeyna laamaha Dowlada, Dhanka Galmudug iyo kuwo kaleba. Dhanka Amniga Gudoomiye Tigey waxa uu madaxweynaha u jeeediyey in ciidamo isku dhaf oo beelaha iskawada arki karo oo kalsoonida shacabka hanan kara loo sameeyo Gobolka Mudug. Dhanka Maalgashiga waxa uu taladiisu aheyd in Garoonka Dayuuradaha ee Cabdullaahi Yuusuf Axmed Yey ee Magaalada Gaalkacyo ay ganacsatda gobolka gudaha iyo dibadaba inay gacan ka gaystaan dhismaha garoonka diyaaradaha gaalkacyo(Public private partnership-ppp) oo ay dowladu bixiso 51% ganacsataduna bixiso 49% dowladuna gacanta ku hayso garoonka loona xilsaaro hawshaas fulinteeda guddi ka kooban sadex isimada gobalka ah, sadex ganacsatada ah, sadix aqoonyahanka gobolka, agaasimaha garoonka, guddoomiyaha gobolka iyo duqa degmada gaalkacyo. Gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa sidoo kale warqadiisii ku sheegay in Ganacsatadii Soomaali Galbeed (OGAANDEENYA) ay Puntland ka wareeegeen una wareegeeen Dhanka Soomaaaliland . Talooyinka uu Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac Jeedshay Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole Halkaan hoose ka Akhriso DOWLADDA PUNTLAND PUNTLAND STATE Maamulka Gobolka Mudug Mudug Regional Administration Xafiiska Guddoomiyaha The office of the Governor Ref: XG/GM/DPL/Som/0034/011 10th Nov-2011 Ku: Madaxweynaha Dawladda Puntland Garoowe Ujeeddo:- Warbxin iyo talo soo jeedin ku saabsan Gobolka Mudug Mudane madaxwayne waxaan xilka la wareegnay 28/08/2011 waxaan u kuur galnay xaaladda gobolka waxaan kormeer ku samaynay xarumaha ciidanka daraawiishta,xarumaha ciidanka booliska,jeelka gobolka, garsoorka gobolka,ilaha dakhliga gobolka sida kontaroolada, waxaan booqanay dagmooyinka xarfo iyo galdogob iyo degaanadooda, waxaan u kuurgalnay xaaladda amniga gobolka, xaaladda maamulka, xaaladda ganacsiga gobolka xaaladda arrimaha bulshada waxaan shirar badan u qabanay bulshada gobolka waxaan ka wacyi galinay saxaafadda, waxaan ku boorrinay inay midnimadooda iyo dawladnimadooda ilaashadaan annagoo ka hor tagayna inuusan cadowgu ka faa,iidaysan dagaalkii gobolka ka dhacay, waxaan ku dhiirri galinay inay kaalintooda ka qaataan amniga iyo horumarinta gobolka hadaba si loo adkeeyo hannaanka dawladnimo ee gobolka waxaan talo kusoo jeedinaynaa :- AMNIGA GOBOLKA Gobolku wuxuu ubaahanyahay qorshe amni oo gaar ah maadaama uu gobolku kuyaal xudduudda p/l ee xiriirisa koonfur woqooyi iyo itoobiya ayna khataraha iyo cidkasta oo p/l cadow u ah si fudud uga soo gali karaan waxaa xaqiiqa ah inaan aminga gaalkacyo la sugi karayn haddaan xuduud loo samayn Galmudug & P/land sababtoo ah waxa gabbaad ka dhigta dhinaca galmudug cadowga diidan jiritanka dadnimo iyo waliba dowladnimo ee p/l dadkasi oo intay dhinaca dowlada puntlanad ka sameeyaan dhibaato dil, dhac ,qarax iwm ka dibna si fudud ugu tilaaba galmudug wax wax ka qaban karana aysan jirin. Galmudug waa inaan yeelano wada shaqayn dhinac walba ah oo amniga lagu wada sugi karo ciddii amnigayaga wax u dhimaysana aysan gabbaad siin anaguna ciddii amnigooda wax u dhimaysa aannaan gabbaad siin waa inaanu xogta is dhaafsanaa amnigana ka wada shaqaynaa. CIIDANKA GOBOLKA Waxaa talo ku soo jeedinaynaa in ciidanka daraawiishta laga howl galiyo magaalada aminga gudahana ay wax ka sugaan maadaama uu cadowgu dilal qorshaysan iyo qaraxyo ka samaynayo magalada dhexdeeda waxaan xal u aragnaa in laga sameeyo magalada gudeheeda toban barood oo ciidan bartiiba la dajiyo gaari tagnika ah iyo labaatan askari kuwaasi oo qabanaya gaawarida aan canshuurta bixin iyo kuwa bersolka leh kuwa hubka sharci darada sita, kuwa khamrada lagu qaado ku waas oo dhamantood mutaysanaya ganaax dakhliga ganaaxana 50% kharashaadka ciidanka shaqaynaya lagu *****lo waxay kaloo ciidanku baarayaan dadka wixii la tuhmana way qabanayaan,guryaha iyo hoteeladana way baarayaan. Waxaan talo ku soo jeedinaynaa In gobolka ciidan isku dhaf ah loo dhiso lagana guuro hab beleedka, in ciidanku noqdo mid ka howl gali kara meel walba oo gobolka kamid ah bulshada gobolkuna ku kalsoontahay tayo leh oo wax qabankara tababaran oo sharciga ilaalin kara. Waxaan talo ku soo jeedinaynaa In sirdoon adag gobalka loo sameeyo si loo helo xogta dhabta ah ee cadowga maadaama cadowga amniga gobalka dhibataynaya yahay cadow qarsoon. MAAMULKA Waxaan talo ku soo jeedinaynaa In la dhiso/la adkeeyo wada shaqaynta hay,adaha dowladda gobolka taasi oo ka timaada dawladda dhexe maamulka gobolkuna leeyahay awoodda ugu sarraysa, xagga ciidanka, xagga shaqaalaha, xagga maamulka, wadashaqaynta oo ka hirgalinaysa gobolka hannaan dowladnimo oo xoog leh oo ku dhisan sharci iyo kala dambayn si looga gudbo is barbaryaaca wiiqay horumarkii iyo hannaankii dawladnimo ee gobolka. Waxaan talo ku soo jeedinaynaa In dagmoyinka gobalka loo sameeyo gole degaan oo tayo leh si ay uga faaiidaystaan mashaariicda homarinta dagmooyinka sanada 2012 GANACSIGA Waxaan talo ku soo jeedinaynaa In la samayeeyo istiraatijiyad ganacsi ee gobolku yeesho, gobolka oo ku yaal goob dhextaal u ah koonfurta soomaaliya, ismamulka soomaalida Ethiopia, waqooyiga soomaaliya & dekadda ganacsi ee puntland ee boosaaso . 1. In gawaarida tiigaasha lagu magacaabo la joojiyo ku wasoo isaga goosha koonfur, waqooyi iyo p/land amniga gobolka iyo dawladaba khatar ku ah,gawaaridaas oo qaada huhka, qaraxyada iyo kooxaha argagixisada ah. Waa in badeecada iyo xoolahana galkacyo lagu dajiyo si loo hubiyo waxa waddanka kabaxaya iyo waxa soo galaya. 2. In maxjar xoolaha lagu baaro laguna nasiyo laga sameeyo gaalkacyo lagana shaqaysiiyo shaybaarka casriga ah ee g/kacyo kuyaal laguna kantarooli karo in ay soo galaan p/l xoolo jirran. 3. In ganacsatada itoobiya ee aan isir wadaagga nahay oo si qorshaysan oo siyasadaysan loogu wareejiyay s/land sidii loo soo celin lahaa la qorsheeyo soo jiidashona lagu sameeyo. 3. Iin bar kastan laga sameeyo xuduudaha itoobiya iyo puntland taasi oo noqon karta talaabo ay wax isku dhaafsadaan labada dowladood xagga ganacsiga iyo xagga amniga magaaladaas oo noqon kadha suuq xor ah (Free zone) 4. In dib habayn lagu sameyo ilaha dakhliga ee gobolka iyadoo markaan baaritaanno ku samaynay aannu aragnay inay dadka ka shaqaynaya goobahaasi ay yihin kuwa aan waxba loo dhiiban karaynin canshuur aan ilaalin Karin, hub aan ilaalin Karin, khatarna aan ka hortagiKarin. 5. In dhulka dowlada ee bannaan ee sida sharci darda ah lagu dhistay iyo kan sida sharci darada ah lagu daganyahay qorshe loo sameyo si looga faa,iidaysto. HORUMARINTA GOBOLKA Mudane madaxwayne waxaan talo ku soo jeedinaynaa markan kulamo badan la qaadanay ganacsatda gobolka gudaha iyo dibadaba inay gacan ka gaystaan dhismaha garoonka diyaaradaha gaalkacyo (Public private partnership-ppp) oo ay dowladu bixiso 51% ganacsataduna bixiso 49% dowladuna gacanta ku hayso garoonka loona xilsaaro hawshaas fulinteeda guddi ka kooban sadex isimada gobalka ah, sadex ganacsatada ah, sadix aqoonyahanka gobolka, agaasimaha garoonka, guddoomiyaha gobolka iyo duqa degmada gaalkacyo. Waxaan ku talinaynaa in shirkada korontada Nepco ee galkacyo la kabo lana siiyo nafto si ay u ifiyaan wadooyinka magaalada arintaasi oo amniga magaalada wax ka qabanaysa waxayna adeegga korontada siiyaan xarumaha dawladda. Iyo goobaha caamka ah sida masaajidada. Mudane Madaxweynewaxaan kuu rajaynaynaa guul iyo horumar, . Guddoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac ———————————
-
Buug Ka Hadlaya Xasuuqii iyo Xad-gudubyadii Biniaadamnimo Ee Somaliland Laga Geystay Oo Hargeysa Lagu Soo Bandhigay Iyo Madaxweynaha Oo Shahaado Sharaf Ku Maamuusay Qoraaga Buugga (Hadhwanaagnews) Saturday, June 30, 2012 Buug Ka Hadlaya Xasuuqii iyo Xad-gudubyadii Biniaadamnimo Ee Somaliland Laga Geystay Oo Hargeysa Lagu Soo Bandhigay Iyo Madaxweynaha Oo Shahaado Sharaf Ku Maamuusay Qoraaga Buugga Hargeysa(HWN):-Buug ka hadlaya Xasuuqii iyo dambiyadii laga geystay Somaliland wakhtiyadii ay jirtay Dawladdii kali-taliska ahayd ee Siyaad Barre, ayaa caawa lagu soo bandhigay Hotel Maansoor ee Caasimadda Hargeysa, kaasoo si qoto dheer u lafo-guraya Xad-gudubyadii Biniaadamnimo ee Sanadihii Sideetameedkii dhacay iyo Shaqsiyaadka Masuuliyinta ka ahaa. Wasiirka Ganacsiga Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo Shahaado sharaf guddoon-siinaya Qoraaga Buuga cusub Somaliland And International Criminal Justice Prof Maxamed Faarax Xirsi Buugan oo lagu Magacaabo (Somaliland And International Criminal Justice), oo uu qoray Prof Maxamed Faarax Xirsi oo ah Wiil dhalinyaro ah, ayaa waxa ka qayb galay Wasiirka Ganacsiga Somalilad C/risaaq Khaliif Axmed, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Warfaafinta Cabdi Yuusuf Ducaale, Wasiirka Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid, Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Haweenka Somaliland Amaal Xaaj Miisaan, Masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda, Mamaulka Jamacadda Alpha University oo soo qaban qaabiyey Munaasibaddan lagu soo bandhigay Buuggan iyo marti sharf kale oo aad u tiro badan. Munasibaddan ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Alpha University Maxamed Xuseen Muadinka, waxaanu aad ugu Mahad celiyey Qoraga Buugan ka hadlaya Xasuuqii Somaliland oo ah Madax Kuliyadda Sharciga ee Jamacadaasi, waxaanu ugu baaqay dhalinyarada kale inay ku daydaan oo ay wax ka qoraan taariikhaha kala duwan ee dalkan ku duugan. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Somaliland C/risaaq Khaliif Axmed oo ka hadlay Munaasibaddaasi ayaa waxa uu sheegay inuu wakiil ka yahay Madaxeynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo shahaado sharaf uu ugu talo galay Qoraaga Buugan Maxamed Faarax guddoonsiiyey, waxaanu sheegay inuu buugani aad muhiim ugu yahay Taariikhda Somaliland, waxaanu soo jeediyey in la sameeyo dad wax ka qora taariikhaha kala duwan ee Somaliland. Prof Maxamed Faarax Xirsi oo ah Qoraaga buuga cusub ee Somaliland And International Criminal Justice oo hadal Kooban ka jeediyey Munaasibadii uu ku soo bandhigay Buugan, ayaa faah-faahin ka bixiyey Ujeedada ku kaliftay inuu wax ka qoro Xasuuqii ka dhacay Somaliland wakhtigii uu Somalia ka talinayey Siyaad Barre, waxaanuu sheegay Qoraagu inay ku keliftay markii uu arkay Waddamo badan oo caalamka ka mid ah oo laga sameeyey Maxkamado lagu Maxkamadaynayo dadkii dalalkaasi Xasuuqa ka geystay, isla markaana uu hindisay inuu wax ka qoro dhibaatadii iyo Xasuuqii ka dhacay Somaliland iyo cidii ka geysatay, kuwaas oo uu sheegay inay ka mid ahaayen Genaral Cali Samatar oo ay hadda Maxkamadi kaga socoto Talka Maraykanka, isaga oo tilmaamay inay Buugan ka gacan siiyeen Hayado Calaami ah oo uu hadda yaalo oo keliya dalalka Maraykanka iyo Suuqyada dalalka Yurub, isla markaana aanu wali Somailand soo gaadhin, balse sida uu Qoraagu tilmaamay qofkii doonayaa cid kale u dirsan karo, waxanu sheegay inuu qiimiha Buugani uu yahay $57 Dollar. Qoraaga Buugan ka hadlaya Xasuuqii laga geystay Somaliland Maxamed Faarax Xirsi, waxa uu ugu dambayntii ku booriyey inay dhalinyarada reer Somaliland isku dayaan inay wax ka qoraan mahadhooyinkii iyo taariikhaha kala duwan ee ku duugan Dalka Somaliland, waxaanu u mahad celiyey dhamaan dadkii ka qayb qaatay soo saarista Buugan iyo intii ka gacan siisayba. A.A.A.Asporo Hadhwanaagnews/Office Hargeysa/Somaliland
-
;846521 wrote: Somaliland President Silanyo, however, said his region would remain independent and would help build neighbouring Somalia’s fledgling institutions after the transitional government’s tenure expires in August 20. Ali Ahmed, adviser to Silanyo, said Somaliland’s police forces could help train forces in Somalia. ‘‘The world community appears to be closer to accepting our status as an independent entity, with a robust political process which has brought peace to the region,’’ he said. The agreement signed today is not about unity. It is to fight piracy and terrorism and to solve economic problems in a safe neighbourhood, Somaliland’s Foreign Minister Dr Mohammed Abdullah Omar told Khaleej Times. khaleejtimes http://www.khaleejtimes.com/kt-article-display-1.asp?xfile=data/government/2012/June/government_June91.xml§ion=government
-
;846521 wrote: Somaliland President Silanyo, however, said his region would remain independent and would help build neighbouring Somalia’s fledgling institutions after the transitional government’s tenure expires in August 20. Ali Ahmed, adviser to Silanyo, said Somaliland’s police forces could help train forces in Somalia. ‘‘The world community appears to be closer to accepting our status as an independent entity, with a robust political process which has brought peace to the region,’’ he said. The agreement signed today is not about unity. It is to fight piracy and terrorism and to solve economic problems in a safe neighbourhood, Somaliland’s Foreign Minister Dr Mohammed Abdullah Omar told Khaleej Times. allan@khaleejtimes.com .
-
Muqdisho (RBC) Waxa saacadaha soo socda lagu wadaa in uu magaalada Muqdisho ka dhaco dibad-bax lagu taageerayo kulankii shaley ku dhexmaray magaalada Dubai ee dalka isku tagga imaaradka carabta Madaxweynaha DKMG ah Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamamuu Siilaanyo. Qaban-qaabada bannaanbaxa ayaa waxa uu hadda ka socdaa Garoonka Banaadir Stadium ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, waxaana dibad baxan soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir. Waxa jidadka soo gala gasroonka Koonis hadda ku soo qulqulaya sida uu soo sheegayo wariye ka tirsan RBC Radio dad wata calanka Soomaaliya iyo Somaliland kuwaas oo ku faraxsan in ay lamabada madaxweyne ay kulmaan. Sidoo kale waxa lagu wadaa in bannaanbaxan ay ka qeybgalaan masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, guddoomiyeyaasha 16-ka degmo iyo shacabka ku nool caasimadda Muqdisho Ammaanka goobaha bannaanbaxa uu ka dhacayo ee garoonka Banaadir Stadium ayaa la adkeeyay, waxaana jira ciidamo badan oo halkaas la soo dhoobay. Sidoo kale waxa la filayaa in ay halkaas tagaan masuuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah Soomaaliya, kuwaas oo hadalo halkaas ka soo jeedin doona. Wixii ku soo kordha warkan markasta kala soco Raxanreeb.com sidoo kale sawirro ayaan idiin soo gudbin doonaa marka uu bilowdo. RBC Radio
-
http://www.khaleejtimes.com/kt-article-display-1.asp?xfile=data/government/2012/June/government_June91.xml§ion=government