-
Content Count
10,383 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
24
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Saalax
-
A candidate from Khaatumo-Seeg.
-
http://www.raxanreeb.com/2012/09/hal-cod-ma-loo-waayay-dr-cadiraxmaan-m-c-xaashi-wq-liibaan-axmad/
-
Hal cod ma loo waayay Dr Cadiraxmaan M.C. Xaashi? Sabteembar 13 2012 Dr Cadbiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi Doorashada Xasan Sheekh Maxamuud loo doortay xilka madaxweynenimada waxay dad badan tustay in isbeddelku ka iman karo meelo aan la filayn. Su’aalo badan baa la iska weydiiyay sababta ay doorashda u geleen murashixiinta aan wax cod ah helin. Su’aasha ugu weyn waxay dul taallaa odayaasha iyo xildhibaannada maamulka la magac-baxay Khaatumo oo murashax Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi lagu xiriirinayay hayb ahaan. Maalintii uu Xamar yimid waxa soo dhoweeyay garaaddo iyo rag dhowaan Khaatumo uga mid noqday xildhibaannada barlamaanka cusub. Xildhibaannada shanta ah oo Khaatumo u galay barlamaanka way siin kari lahaayeen cod ama codad Dr Cadbiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi wareegga kowaad, haddii uu hore u socdana nasiibkiis, haddii uu ku haro kan kowaadse ( sida dhacdayba) eedi xildhibaannada kama soo gaadhi lahayn. Ma jirto wax su’aal oo u taal garaaddada waayo cod may bixinayn; su’aashu waxay u taal xildhibaannada shanta oo Khaatumo ugu jira barlamaanka cusub. Su’aashu waa: Maxaad codka u siin waydeen Dr Maxamed cabdi Xaashi wareeggii hore? Sow xilkasnimo darro ma aha in murashax maamulka idin dirsaday lagu xidhiidhiyo inuu hal cod waayo, murashaxaas oo aqoon maaliyayadeed iyo mid maamulba leh, oo aan qaaraan idin weydiisan markii la weydiiyay inuu bixiyo $10,000 si uu u tartamo? Garaaddadu waa inaysan ka aamusin xilkasnimo-darrada xildhibaaneed oo dhacday, oo waa inay faraan xildhibaannada inay ka warceliyaan su’aasha ku saabsan sababta ugu yaraan hal cod loogu waayay Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi. Liibaan Axmad
-
Dallada SSE Oo Taageertay Go’aan Golaha Guuridu Ku Diiday Inay Odayaal Reer Somaliya Siiyaan Aqoon La Xidhiidha Jidka Somaliland U Martay Nabadgalyadda. Hargeysa (Ramaas) Sept 12, 2012 – Dallada ay ku midaysan yihiin bulshada reer Somaliland ee ku kala dhaqan wadamada Yurub ee (SSE) ayaa taageeray go’aan golaha Guurtida Somaliland ku diideen odayaal reer Somaliya ah oo hay’ad Finland laga leeyahay Somaliland keentay si golaha Guurtida Somaliland u siiyaan aqoon korodhsi ku saabsan jidka Somaliland u martay nabadgalyada iyo dawladnimada, kuwaasi oo ay Guurtidu diideen. Qoraal ka soo baxay guddida fulinta ee dalladda SSE ayaa lagu sheegay in go’aankaasi ahaa mid geesinimo leh oo ay guurtidu qaateen, iyagga oo guddida fulinta SSE sheegay in Guurtidu tahay udub dhexaadka qaranimada Somaliland. Qoraalka SSE ayaa u dhignaa sidan“Inkasta oo aan aad loo shaacin waxa dhawaan Jamhuuriyadda Somaliland yimid wafti isugu jira qolyo ka socda Dawlada Finland iyo oday dhaqameed ka socda waddanka aynu dariska nahay ee Soomaaliya. Waftiga oo uu ururkaa Finland ka socdaa gadh wadeen u ahaa waxay dalbadeen inay la kulmaan Golaha Guurtida Jamhuuriyada Somaliland. Ujeeddada safarka weftigaasi isku dhafan may caddayn. Waxase markii dambe soo baxday inay u socdeen inay madax dhaqameedka Soomaaliya ka socdaa cashar ka bartaan Golaha Guurtida Somaliland. Waxa xubnihii Golaha Guurtida ee la kulantay weftigaasi ka biyo diideen in weftigaasi ay ku jiraan oday dhaqameedyo ka socda dalka Somalia oo aan oggolayn qarannimada iyo gooni isku taagga Jamhuuriyadda Somaliland. Waxay xubnaha Golaha Guurtidu weftigii ku wer geliyeen inaanay oday dhawameedyada Soomaaliya waxba la wadaagayn inta waddankaasi sheeganayo inay Jamhuuriyadda Somaliland qayb iyada ka mid ah tahay. Dallada Somaliland Societies in Europe (SSE) waxaannu si wada jiir ah hambalyo iyo bogaadin ugu dirayna Golaha Guurtida ee sharafta leh ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaannu ugu hambalyaynaynaa mowqifka geesinimadda iyo waddaniyaddu ku dheehan tahay ee ay arrimaha Somaliya iska taageen. Waxaa kaloon ugu hambalyaynaynaa Golaha Guurtida inay ******** dabinnada Beesha Caalamka badhkood ay u maaleegayaan qaddiyada jiritaanka, madaxbannaanida, iyo midnimada ummadda ku dhaqan Somaliland. Golaha Guurtidu wuxuu laf dhabar u yahay qarannimada Jamhuriyadda Somaliland. Alle ha ina waafajiyo tallada toosan, Gudida Fulinta SSE.
-
The new elected government of Somalia should accept a peaceful co-existence with our independent Somaliland, if not; we will suspend these useless talks permanently and consider Somalia as a hostile enemy of our state. Somaliland has been waiting from Mogadisho regime for almost 22 years to come up with a meaningful dialogue to solve the issues between us, and they never did. Somalia is obsessed with dead Somaliweyn mind-set; let me tell you something, there’re no such things as united Somalia anymore, because Somaliland was under oppressive and murderous apartheid regime. We never were part of Somalia for both legal points of you and in practicality. Somalia should stop being ignorant and so childish and come to the table with permanent and lasting solution. So far, we been very patient with you and never interfered your lousy tribal state. We have the courage and dignity for initiated a peaceful solution to the problem you started in the first place. Your reckless and brutal state of Siyad Barre cost our nations dearly for both financially and in human term, which we’re still trying to recover it. Therefore, we have had enough of your weekly drama in Mogadishu state, in a lawless country where nobody knows who will be in charge for the next day. What’s wrong with you people, don’t you ever get it, we don’t want you, we don’t belong to you, and we will never ever come back to Somalia. Now, miss Mogadisho what’re you going to do; let me simplified to you like a five years old child – you will do nothing to North Somaliland now or ever. What language do you understand? May be we should wake up Sayid Mohamed Abdale Hassan from his grave to tell you either you should come up with ‘’af Islam or Af gaalo’’. So here we go again, comes another hot shot wannabe be president, new era or perhaps another week of merry making. Can anyone imagine, these so called Somali governments which don’t even control their own capital city without being escorting by a foreign body guards, who would really be lucky if they ever come back alive to their fortified compound, to tell us whether we should have our own independent state? Let me tell you Mr hot shot, it’s too late to discuss that now, we’re back from the brink of a total genocide and we will never allow to be ruled by you or by anyone else Besides have you ever noticed how polarised north south divide is, after all we’re not a homogenous people, we don’t have or share the same attitude and culture, we don’t speak the same dialect, we don’t belong to the same tribal affiliation, hell we don’t even look alike. You’re called Somalia, and we are Somaliland. So let me ask you Somali government, what do you want from us? We have own land, you have your own land, we’re very happy the way we’re, and we will never be happy with you lot around us. Do you get the message now; maybe you cannot confidently run your own affairs without us showing you what to do. Sorry we don’t want to be your masters anymore, it’s time you should learn how to rule yourselves without us. However, If you still thinking that you’re not capable yet to become an independent state like us, then perhaps you should invite back your previous master before us, ‘’Italy’’, at least then you have something in common than us ‘’Spaghetti’’ We want to tell the new elected government of Somalia, you have two choices, either you accept the already existing independent state of North Somaliland, or we will have a permanent war and conflict between us. And if you think Somaliland government can be bought like you do in your parliamentary election as a result of you becoming a president, then you’re mistaken. No one can buy Somaliland state, because we’re a democratic country elected by the people for the people. And if nothing is solved very quickly, Somaliland will amass most of its troops on the border with Somalia and will prepare itself to have costly long war with you I would like to conclude this, you Somalis got one more chance to make your point clear, and you either accept our independent Somaliland as it’s now or you’re against our freedom and dignity as a nation which will result a painful consequence for both of us. Ali Abdi Dhinbiil London
-
http://www.raxanreeb.com/2012/09/madaxweyne-faroole-oo-soo-dhaweeyay-madaxweynaha-cusub-ee-soomaaliya/
-
Garowe [Radio RBC] Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxman Maxamed Faroole oo maanta ku soo laabtay magaalada Garowe, ayaa ka halay doorashada madaxweynaha ee ka dhacday maanta Muqdisho. Faroole oo ka soo laabtay safaro uu ku kala tagay wadamada Ethiopia iyo Djibouti ayaa ugu horreyn u hambaleeyay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa ku guuleestay doorashada madaxweynaha. “ Waxa aan aad ugu faraxsanahay doorashada madaxweynaha ee Soomaaliya iyo guusha weyn ee uu gaaray Xasan Sheekh Maxamuud oo ah aqoon yahan wax badan u taraya dadka Soomaaliyeed” ayuu sheegay Faroole oo caawa la hadlaayay BBC-da. Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ay u taallo shaqo adag oo laga doonayo in uu wax ka qabto, kuwaasoo ay ka mid yihiin siddii loo soo celin lahaa qoxootiga Soomaalida ee ku dacdareesan wadamada dariska. Waxa kaloo uu sheegay Faroole in uu looga baahan yahay madaxweynaha cusub in uu wadashaqeyn fiican la yeeshao maamul gobaleedyadda ka dhisan dalka Soomaaliya. Toddobaadkan ayaa maamulka Puntland waxa ay qoraal ay soo saareyn ku sheegeyn in ka digayaan in la soo celiyo maamul horrey u fashilmay. Radio RBC Xafiiska Wararka Garoowe
-
-
http://gulfnews.com/news/region/somalia/us-urges-peaceful-presidential-vote-in-somalia-1.1071493
-
US Urges Peaceful Presidential Vote in Somalia WASHINGTON (AFP) - The United States called on Somalia’s parliament Friday to hold a fair election for the war-torn nation’s next president, and for the losers to accept the results gracefully. The new Somali parliament, whose members were selected by traditional elders last month, will hold a secret ballot Monday to choose the next president. “September 10 will be a historic day for Somalia as its parliament chooses a new president,” said acting deputy State Department spokesman Patrick Ventrell. “This is a time for parliament to act with courage, determination and integrity in conducting a fair and transparent election.” Somalia is trying to set up its first stable central government since the 1991 ouster of dictator Mohamed Siad Barre that sparked years of civil war. At least a dozen candidates are expected to run for office, including outgoing president Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, in power since 2009. But bitter arguments have already broken out between the challengers, divided along Somalia’s notoriously fractious clan lines. “It is imperative that all candidates for president recognize the outcome of this process,” Ventrell said, adding that the security forces must also respect the new administration and protect human rights. “Our hope is that the winner as well as the new members of parliament will commit to an inclusive government dedicated to improving the lives of all Somalis,” he added. “We also urge that candidates who lose will do so gracefully, accept the result and refrain from inciting violence or encouraging others to distance themselves from Somalia’s new federal governmental institutions.”
-
Muqdisho (RBC) Madaxweynaha dawlada KMG ahayd ee waqtigeedu dhamaaday Shariif Sheekh Axmed iyo saaxiibkiis hore Shariif Xasan Sheekh Aadan oo waayadan dambe si kala fogaanayey ayaa markii ugu horeysay habeen hore heshiis la yaab leh ku saxioxday madaxtooyada Villa Soomaaliya. Heshiiskan ayaa waxaa uu salka ku hayaa ololaha doorashada madaxtinimada iyo sida labada nin ay wax u qeybsanayaan iyadoo Shariif Xasana uu ogolaaday inuu ololaha Shariif Axmed taageero. Sida ilo wareedyo maanta u waramay Raxanreeb ay sheegeen waxaa heshiiskan la saxiixay habeenimadii Jimcaha abaare 4:00 saqda dhexe, waxaana heshiiska dhexdhexaadiyey saraakiil ka tirsan shirkadda Saracen International oo haatanba ku sugan Muqdisho. Wariye ka tirsan Raxanreeb ayaa la sheekeystay sarkaal ka tirsan Saracen International oo hadda ku sugan Muqdisho oo ka waramay nuxurka heshiiska iyo qodobada uu ka kooban yahay. Sarkaalkan wuxuu Raxanreeb faahfaahin dheeraad ka siiyey sida heshiiska u dhacay iyo halka uu a soo bilawday iyo waxyaabaha labada nin ku dhaqaaqi doonaan. Goordhow Raxanreeb.com kala soco faahfaahin buuxda oo ku saabsan heshiiska labada Shariif ku gaareen Villa Soomaaliya. RBC Radio
-
Different strokes for different folks. For example Bluelicious would more likely perfer a SOL dating than this site.
-
Sool: Gaadhi Tikniko Ah Iyo Tiro Maleeshiyaadka Khaatumo Ah Oo Isku Dhiibay Ciidamada Qaranka Ee Jiida Laascaanood Laascaanood (Ramaas)Sept 2,2012 – Tiro ka mid ah Maleeshiyaadkii taabacsanaa Kooxda Nabad-diidka ah ee Khaatumo la baxay iyo hal gaadhi oo wateen ayaa u soo goostay dhinaca ciidamada qaranka ee ku sugan duleedka Magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Maleeshiyaadka kooxda Khaatumo ee u soo goostay dhanka ciidamada Qaranka ayaa wata hal gaadhi oo tikniko ah oo uu ku rakiban yahay qoriga loo yaqaano B 10, kaasi oo wateen Maleeshiyaad tiradooda lagu sheegay ilaa 8 nin iyo hubkoodii. Maleeshiyaadkan iyo gaadhiga Tiknikada ah ee ay wataan ayaa u galay ciidamada Qaranka ee fadhiisimada ku leh koonfurta Magaaladda Laascaanood, iyagga oo isku dhiibay ciidamada Qaranka, ka dib markii ay ka il-waayeen Nabad-diidka Khaatumo ee dhibaatada ka wada aagaga Buuhoodle Iyo Sool. Gaadhigan ayaa ka mid ah afar gaadhi oo la sheegay in qurba-joogta nabad-diidka Khaatumo iibiyeen sanadkii hore, kuwaasi oo ay gacanta ku hayaan Maleeshiyaad ku sugan deegaanka Boocame, kuwaasi oo laftooda la filayo inay dhawaan u soo goostaan dhanka ciidamada Qaranka Somaliand ee jiidaha hore ku sugan. Maaha markii ugu horeysay ee Maleeshiyaadka Khaatumo u soo goostaan dhanka Somaliland, balse waxa hore u jiray Maleeshiyaad iyo gaadiid badan oo u soo goostay dhanka ciidamada Qaranka. Ramaasnews Desk Hargeisa
-
Xukuumadda Oo Ku Geftay Heshiiskii TFG-da Ee Isku Socodka Labada Shacab, Xabsigana Dhigtay Shan Qof Oo Xirfadooda Xamar Looga Baahday Hargeysa (Ramaas) Sep 1,2012 - Xarunta CID-da Magaaladda Hargeysa ayaa waxa maalintii afraad ku xidhan shan muwaadin oo doonayey inay tagaan Magaaladda Muqdisho oo ay shaqooyin ka heleen, balse laga soo qabtay garoonka diyaaradaha Berbera. Shanta qof ee ciidamada amaanku ka soo qabteen garoonka diyaaradaha Berbera oo dhammaantood rag ah ayaa la sheegay inay yihiin Waytaro, kuwaasi oo doonayey inay ka shaqo bilaabaan huteelo ku yaala Magaaladda Muqdisho oo ay shaqooyin ka heleen, balse markii ay isku dayeen inay Madaarka diyaaradaha Berbera ka dhoofaan ay ciidamadu qabteen. Ilaa hadda si rasmi ah ujeedada ciidamadu u soo qabteen raggan u shaqo tagayey Magaaladda Muqdisho, balse wararka aanu helay ayaa sheegaya in xukuumadda oo sas ka qaaday siyaasiyiinta iyo Madax-dhaqameedkii reer Somaliland ee hore u tagay halkaasi, aanay ogolayn in muwaadiniinta reer Somaliland Magaaladda Muqdisho ama Somaliya taggi karin, xitaa ay shaqo ka helaan. Talaabada xukuumaddu ku xidhay shantan qof ee xirfad-layaasha ah ayaa khalad ku ah heshiiskii ay la gashay dawlada Sheekh Shariif ee hadda wakhtigeedu dhammaaday, heshiiskaasi oo qodobadiisa uu ka mid ahaa in la isku furo xuduudaha isla-markaana ganacsiga iyo socodka la dhiiri-galiyo. Xukuumadda Somaliland oo wada hadaladii ay la gashay dawlada ku meel-gaadhka ah ee Somaliya, kula qaadatay in laga wada shaqeeyo arimaha amaanka, sida la dagaalanka budhcad-badeeda iyo in isku socodka dadku caadi ahaado, ayaa talaabadani muujinaysaa in xukuumaddu ku gefayso heshiiskaasi, iyadda oo qodobka isku socodka ka eegaysa dhanka siyaasada. Heshiiskii koowaad ee xukuumadda Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Magaaladda London kula saxeexday TFG-da Somaliya oo ay ka soo baxeen siddeed qodob, ayaa waxa ka mid ahaa qodob u khaas ahaa isku socodka kaasi oo u dhignaa sidan “In la isku furo isku socod dhinaca xuduudaha Mustaqbalka dhow”, kaasi oo ah ka ay hadda iska indho tirayso ee ay muwaadiniinta xirfadooda Xamar looga baahday ku cabudhinayso. Ka sakow qodobkaasi, xukuumadda Sheekh Shariif oo markii heshiiskaasi la kala saxeexday ka hadashay ayaa iftiimisay nuxurka qodobka isku socodka, waxayna wakhtigaasi sheegtay in qodobkaasi yahay in la isku furo ganacsiga, lana xoojiyo isku socodka labada shacab “Madaxweynayaashu waxa ay isla garteen in la isku furo ganacsiga lana xoojiyo iyo in la dadku ay si nabadgalyo ah isugu gudbi karaan”sidaa waxa yidhi Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya Xuseen Carab Ciise oo wakhtigaasi la hadlay Radio Muqdisho. Ramaasnews Desk Hargeisa
-
http://www.hadhwanaagnews.com/
-
Madaxda Soomaaliya Waxaan Uga Digayaa Sheegashada Somaaliland....Arrintaasi Waxay Gobolka Ka Abuuri Kartaa Xasilooni Daro.Wasiirka Arrimaha Dibada (Hadhwanaagnews) Saturday, August 25, 2012 Wada-hadallada dhex maraya Soomaaliya iyo Somaliland ujeedadoodu waxa weeye in Madax-banaani ay beesha caalamka ka hesho Somaliland Hargeysa(HWN):-Wasiirka Wasaarrada Arrimaha Dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdullaahi Cumar ayaa Madaxda dawladda ku meel-gaadhka Soomaaliya uga digay inay sheegtaan Somaliland,isla markaana ay Distoorkooda ku qortaan dhulka somaaliland, taasoo uu sheegay inay gobolka ka abuuri karto Xasilooni daro dhinaca Amniga. Wasiirku waxa uu sidaas ku sheegay hadal uu ka jeediyey Munaasibad Xisbiga talada haya ee KULMIYE ku soo bandhigaayey Murashax golaha deegaanka uga qayb-geli doona doorashooyinka soo socda, waxaanu Haweenka reer Somaliland ugu baaqay inay is taageeraan si ay Dumar badani ugu soo baxaan Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee soo socda, hase yeeshee Wasiirku marka hore isagoo la hadlaayey Madaxda dawlada ku meel-gaadhka ah, ayaa waxa uu yidhi Wada-hadallada dhex maraya Soomaaliya iyo Somaliland ujeedadoodu waxa weeye in Madax-banaani ay beesha caalamka ka hesho Somaliland, balse waxaan aad uga xumahay Distoorka cusub ee Soomaaliya loo samaynayo oo Somaliland sheeganaya, taasoo aan uga digayo oo xasilooni daro badan ku abuuri karta gobolka. Waxaanan leeyahay Madaxda soomaaliya haka waantoobaan sheegashada ay waraaqaha ku qoranayaan Somaliland. Ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland. Waxa kale uu ka hadlay Wasiir Maxamed Cabdullaahi Cumar Hodan Axmed Cabdullaahi oo maanta Xisbul-xaakimka talada haya ee KULMIYE uu shaaciyey inay u tartamayso Doorashada deegaanka ee soo socota, taasoo uu sheegay kaalin weyn ka Ciyaartay guushii Xisbiga KULMIYE ka gaadhay Doorashooyinkii dalka, waxaanu yidhi Hodan waxay ka mid ahayd Hablihii firfircoonnaa ee Xisbiga KULMIYE la shaqyan jirey. Dumarka Somaliland kaalin wayn ayey kaga jiraan Siyaasadda, waxaanay kaalin muhiima ka soo qaateen Guushii Xisbiga KULMIYE ka soo hooyey doorashooyinkii Madaxtinnimada ee dalka ka dhacay, waana siyaasada KULMIYE ku cad oo aad aragteen in Haweenka kaalin buuxda oo muuqata laga siiyo Siyaasadda dalka. Waxaan jecelahay in Dumarku is taageeraan oo Dumar badani ku soo baxaan Doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee dhawaan qabsoomi doona. A.A.Asporo Hadhwanaagnews/Office Somaliland/Somaliland