Saalax

Nomad
  • Content Count

    10,383
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    24

Everything posted by Saalax

  1. http://www.raxanreeb.com/2012/11/war-hada-soo-dhacay-madaxweyne-xasan-sheekh-oo-ka-carooday-wafdiga-laga-soo-celiyay-kismaayo-una-yeeray-saraakiisha-ugu-saraysa-amisom/
  2. Muqdisho (RBC Radio) Waxaa goordhaweyd xarunta Madaxtooyada Villa Soomaliya loogu yeeray Saraakiisha ugu sar sareysa ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, ka dib markii maanta wafdiga dowlada laga soo celiyay magaalada Kismaayo. Taliyaha ugu sareeya ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM Andrew Gutti iyo saraakiil kale oo ka socota ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ay kulan kula leeyihiin xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya. Kulankaan ayaa wuxuu ka danbeeyay ka dib markii uu madaxweynaha Soomaaliya uu ka carooday wadi ka socday dowlada iyo AMISOM oo maanta loo diiday in ay gudaha u galaan magaalada Kismaayo. Ila wareegyo lagu kal doonaan karo ayaa inoo xaqiijiyay in kulankaan uu haatan ka socdo madaxtooyada Soomaaliya, isla markaana ay u dhanyihiin dhamaanba saraakiisha ugu saraysa AMISOM. Maanta ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo waxaa laga soo celiyay wafdi ka socda dowlada Soomaaliya iyo waliba AMISOM, kuwaasi oo ahaa gudi uu dhowaan madaxweynuhu u magacaabay Jubooyinka. Saraakiisha AMISOM ayaa wafdigaan waxay ku wargaliyeen in gudaha magaalada aysan gali Karin isla markaana hadii ay magaalada galaan amaanka wafdigaan aysan sugu Karin. Wararka ayaa sheegay in saraakiisha ururka Raaskambooni ee gobalada Jubooyinka ay sheegeen in wafdigaan ka socda dowlada Soomaaliya aysan u golayn in ay yimaadaan magaaladaasi kismaayo. RBC Radio xafiiska wararka Muqdisho
  3. Ismahaan;885752 wrote: Saalah salams, thanks.Have been away for quite sometime, and have been very busy, but managed to sign in yesterday. Sol sidii lee la isu bursanaa ma ahoo . Somethings don't change.
  4. http://www.ramaasnews.com/index.php/News/News/Ma-Jiri-doonto-Cid-Somailand-Ah-Oo-Somaliya-Xil-Ka-Qabataa-Madaxweynaha-Iyo-Ra-iisul-wasaaraha-Waxaan-Ugu-Baaqayaa%E2%80%A6-Wasiirka-Arimaha-dibada-Somaliland.html
  5. “Ma Jiri doonto Cid Somailand Ah Oo Somaliya Xil Ka Qabataa, Madaxweynaha Iyo Ra'iisul-wasaaraha Waxaan Ugu Baaqayaa…” Wasiirka Arimaha dibada Somaliland Hargeysa (Ramaas) Nov 3,2012 – Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horeysay ka hadashay wararka sheegaya in xukuumadda uu soo dhisayo raysal-wasaaraha cusub ee Somaliya lagu soo dari doono siyaasiyiin reer Somaliland ah. Wasiirka Wasaaradda arimaha dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa sheegay in aanay marnaba dhici doonin in siyaasiyiin reer Somaliland xilal looga Magacaabo dawlada Somaliya ee dhismaheedu socdo, waxaanu baaq u diray Madaxwaynaha iyo raysal-wasaaraha Somaliya. Wasiirka Khaarajiga Somaliland oo u waramay idaacada Goobjoog FM oo fadhigeedu yahay Magaaladda Muqdisho, ayaa isaga oo arimahaa ka hadlaya yidhi “Madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya waxaan ugu baaqayaa in wasiiradooda ay ka soo dhex xushaan Soomaaliya gudaheeda” Wasiir Maxamed Cabdilaahi, waxa kale oo uu soo qaaday “Maaha inay ku mashquulaan dalka Somaliland, waxaana muhiim ah in mar walba ayna iloobin inaanu nahay laba dal oo jaar ah”ayuu yidhi Wasiirku waxaanu intaa ku daray “Mana jiri doonto cid Somailand ah oo Soomaaliya xil ka qabataa" Dr Maxamed Maxamed Cabdilaahi Cumar oo sidoo kale wax laga waydiiyey rajada uu ka qabbo wada-hadalada ayaa ku jawaabay “Sida khudbadahooda ay ku sheegeen madaxda sare ee dowladda Soomaaliya sida madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha waxaa ka go'an in ay ka midho dhaliyaan wada hadalada labada dalka ka dhaxeeya, sida in wada hadlka meel wanaagsan uu gaadho,iyo labada shacab ayna wax cuqdad ah kala qaadin, walaalnimana lagu noolaado" Cabdiqaadir Aaden Carab Hargeisa
  6. http://horufadhi.com/2012/11/03/raiisal-wasaare-saacid-oo-ku-hanjabay-inuu-iscasilayo-hadii-aan-loo-madax-banayn-shaqadiisa/
  7. Raysal wasaaraha Soomaaliya Abdi Faarax Shirdoon,{Saacid}, ayaa aad uga cadhooday farogelin lixaadleh oo kaga timid dhanka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Mahiga oo si wadajir ah ugu cadaadinaya inuu magacaabo ragga ka soojeeda kooxda Daamujadiid ee u badnaa NGO’S iyo weliba dhanka Ganacsiga shirkadaha gaar gaarka ah. Warar ku dhow dhow xafiiska Raysal wasaaraha ayaa sheegaya inuu ugu danbeyn ku cagojugleeyey Saacid inuu xilka tirin doono hadii aan shaqadiisa loo madax banayn. Wuxuu sheegay in uu mas’uul ka yahay dhisida Xukuumada dalka Soomaaliya balse lagu hayo cadaadis doqonimo ah oo magacagagnimo lagu ladhay, wuxuu sheegayaa Raysal wasaaruhu in talooyinka barlamaanka uga imaanaya uu raaci doono, uusan u joojin doonin ficilada uga imaanaya kooxdan aad ka u qalifsan waa sida laga soo xigtaye. Khilaafkan u dhexeeya labadan mas’uul ayaa u eg mid xadhkaha goostay, waxaana haatan faraha la soo galay Ergayga Q,M u qaabilsan Soomaaliya oo u eg nin Qasa inta badan arimaha dalkeena Soomaaliya. Barlamaanka Soomaaliduna maanta ayuu laalay qodobo ay ka mid ahaayeen mid dhigayey inuu barlamaanka kala diri karo Madaxweynuhu, taasoo u eg durbaba inay garab lixaadleh siinayaan raysal wasaaraha dalka oo u eg nin kaga taageero badan barlamaanka dhexdiisa Madaxweynaha ku cusub masraxa Siyaasada Soomaaliya. Horufadhi.com
  8. NGONGE;884271 wrote: ^^ That's not a "Somali" question anymore, that's an A&T question. Naga daa.
  9. What is the point putting a Awdalite in the Koonfurian wasiir list, he won't be able to visit home anyway.
  10. Somalia;883230 wrote: If she's a virgin, then I am one too.. :rolleyes:
  11. http://horseedmedia.net/2012/10/25/uganda-oo-ka-fiirsanaysa-in-ay-hakiso-hawlaha-nabad-ilaalinta-ee-soomaaliya/
  12. Uganda Oo Ka Fiirsanaysa In Ay Hakiso Hawlaha Nabad Ilaalinta ee Soomaaliya Dawladda Uganda ayaa sheegtay in ay dib u eegis ku samayneyso hawlaha nabad ilaalinta ee ciidmadeedu ka wadaan Midowga Africa dalalka ku dhexjira, kadib markii lagu eedeeyey Uganda in ay farogelin ku hayso dalka ay dersika yihiin ee Kongo isla markaana taageeto jabhadda M23. Wasiirka arrimaha dibadda ee Uganda Asuman Kiyingi ayaa sheegay mar uu waraysi siinaayey BBC in ay dib u eegis ku samaynayaan hawlaha nabad ilaalinta ee ay Soomaaliya ka wadaan, waxaaana Soomaaliya ka jooga ciidanka ugu badan ee ka socda Midowga Afrika. Eedaynta ayaa wasiirku sheegay in ay tahay mid sumcad xumo u soo jiideysa dalka Uganda, isla markaana ay keenyaso in aan ciidamadeena kala soo baxno Soomaaliya. Dalka Uganda ayaa hadda isku xiraya eedaymaha loogu jeediyo in ay taageeraan jabhadda M23 iyo hawlagalada Qaramada Midoobey taageerto ee ka socda Soomaaliya, waxaana muujinayaan doorka weyn ee nabadda Soomaaliya ay ku leeyihiin. Horseed Media Muqdisho, Somalia
  13. http://horseedmedia.net/2012/10/22/kaluumeysatada-dalka-iran-oo-dhibaato-xoogan-ku-haya-biyaha-puntland/
  14. Kaluumeysatada Gobolada Bari iyo Bariga Sanaag ayaa xeebaha Puntland ku soo xirey dhamaan gaadiidkii ay ku kalmuuysan jireen, kadib markii ay dhibaato xoog badan ka soo foodsaarey Doonyo aad u dheereeya oo laga lee yahay dalka IRAN kuwaas oo jariif iyo boob ku haya kheyraadka Kalluunka. Maxamed Cabdi Shirwac oo ah guddoomiye kuxigeenka iskaashatada, ayaa BBC-da u sheegay in Doonyaha Iran laga lee yahay ay ku jiraan ilaa Qandala ilaa Laasqorey, waxaana ay isticmaalayaan khibrad aad u saraysa, qalab casri ah iyo weliba shabaagyo mamnuuc ah oo gaarey 18 km kuwaas oo aan waxba reebayn. Doonyahan ayaa la sheegay in ay yihiin kuwo hubeysan, oo markii ay helaan shatiga oggolaanshaha waxay isku ilaashaan hubka darandooriga u dhaca. Kaluumeysatada Puntland oo aan haysan qalab casri ah ayaa hadda isaga baxay badda waxaana ay uga baxeen dad shisheeye ah in ay gurtaan Kalluunkii rabbi ku manaystey baddahooda. Doonyaha yaa soo gashey Badda? Agaasimaha guud ee Kaluumeysiga Puntland Cabdiwaaxid Maxamed Xirsi Joocaar ayaa idaacada SBC u sheegay in ay jirto Doonyo badan oo ajaanib leedahay oo faro ba’an ku haya xeebaha Puntland, sidoo kale waxa uu qirey in ay jirto tiro yar oo ay siiyeen oggolaansho, laakiin waxa uu eedeyn u jeediyey qaar kamid ah ganacsatada kuwaas oo badda soo geliyey doomaha shisheeyey. Horseed Media ayaa ogaatey in ganacsatada soo gelisey doomaha badan ay yihiin reer Puntland kuwaas oo xiriir ddaw la leh Madxtooyada Garowe, waxaana mid kamid ah ku sugan yahay dalka Imaaradka carabta isaga oo ahaa nin muddo dheer hawlahaas ka shaqeysan jirey, kuwa kale ayaa ku sugan gudaha Puntland, waxaana ay xiriir dhaw la leeyihiin Madaxtooyada iyada oo qaarkood horey uga qaateen Qandaraasyo dekadda Bosaso wax looga qabanayey. Ganacsatada ayaa ka hela lacago faro badan Doonyaha Iiraaniyiinta, sidoo kale waxaa Horseed Media ogaatey in maamulku dusha ka ilaalinaayo saamina ay ku leeyihiin shatiyada faraha badan ee la siiyey doomaha. Maamulka Faroole ee Puntland ayaa marka ay ka hadlayaan Burcadbadeeda ku xira in ay ka dhasheen Kalluumeysiga sharci darrada ah, loona baahan yahay in wax laga qabto laakiin waxaa dadku is weydiinayaa 250 doonyood oo hubeysan oo shabaakta ay dhigayaan ay gaareyso midkiiba 18km, sababta loo siiyeen ruqsadaha, isla markaana loogu ogolaadey in ay hub isticmaalaan, iyaga oo iskaashatadii kaluumeysiga ee Gobolka Bari banaanka ka joogto Badda. Kalluunka ayaa ah kheyraadka labaad ee rabbi ku manaystey Soomaaliya, waxaana muddooyinkii danbe hoos u dhacay suuqa Kalluunka iyada oo labo wershadood laga hirgeliyey deegaanada Puntland kuwaas oo mararka qaarkood u fariista yaraanta Kalluunka badda laga helaayo, sababna ay u tahay Jariifka ka socda Badaha Puntland. Horseed Media
  15. Burburkii Dimuquraadiyadii Soomaaliya, Hanaqaadkii Xukunka Militariga iyo Dhaxalkii Dagaalka Sokeeye. Maanta oo Taariikhdu ku beegan tahay 21ka Oktoober ayaa ah xiligii xukunka dalka Soomaaliya ay la wareegeen ciidamada Qalbka Sida oo uu hogaaminayey Taliyihii ciidamada Gen.Maxamed Siyaad Barre (AUN), wakhtigaasi oo hada kasoo wareegtay 43 sano. Jamhuuriyadii Soomaaliya oo xoriyada ka qaadatay dalalkii Gumeysan jiray ee Talyaaniga iyo Ingiriiska, taariikhdu markay ahayd 1960kii ayaa kamid ahayd wadamadii ugu horeeyey ee Dimuquraadiyada ah ee ka dhasha Qaarada Afrika, ayadoo dimuquraadiyadaasi ku dhisneyd habka xisbiyada iyo Baarlamaaniga, kuwaasi oo lagu soo dhisay maamuladii sida doorashada ah isu bed bedalay ee kala hogaamin jireen Aadan Cabdulle Cismaan iyo Dr.Cabdirashiid Cali Sharmaarke, illaahay labadaas halyey ha u naxariistee. Inkastoo maamuladaasi ay ahaayeen kuwo ay xoog ku lahayeen xisbigii SYL ee usoo halgamay xoriyad doonka waxaa sidoo kale jiray xisbiyo badan oo dalka Soomaaliya ka furmay kuwaasi oo loola dhanka siyaasada ah ku jiray, ayadoo Doorashooyinka Baarlamaanka ee ka dhici jiray degmooyinka dalka Soomaaliya ay ahaayeen kuwo tusaale u noqday wadamo badan oo Afrikaan ah inay ku daydaan. Waxaa sidoo kale jira dhaliilo badan oo maamuladaasi Rayidka ah loo jeedin jiray sida arrimaha Musuq maasuqa, balse waxay ahaayeen maamulo si nabad ah xilalka ulla kala wareegi jiray isla markaana shacabku wuxuu lahaa xoriyad uu wax ku dhaliilo ama wax ku taageero. 15kii Oktoober 1969kii oo ahayd maalin madow oo soo martay Taariikhda Soomaaliya, kadib markii magaalada Laascaanood lagu dilay Madaxweynihii Jamhuuriyada Dr.Cabdirashiid Cali Sharmaarke, xili uu ku jiray kormeer uu ku marayey dhulkii ay saameyeen Abaarihii sanadkaasi ka dhacay dalka ayaa waxaa khal khal iyo rajo xumo ku timid nidaamkii dimuquraadiga ahaa ee muddada soo shaqeenayey. Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa la aasay 20kii Oktoober ayadoo aaskiisa dib loogu dhigay si ay uga soo qeyb galaan Madaxda Caalamka iyo waliba Raysalwasaarihii dalka Soomaaliya Maxamed Ibrahim Xaaji Cigaal (AUN) oo xiligaas safar shaqo ugu maqnaa dalka Maraykanka. 21kii Oktoober 1969, Kadib Aaskii Qaran ee Madaxweyne Cabdirashiid waxaa saqdii dhexe habeenimadii ay soo galeysay 21kii Oktoober dalka la wareegay ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya oo uu hogaaminayo Taliyahooda Maxamed Siyaad Bare (AUN), kuwaasi oo ku dhawaaqay Inqilaab aan dhiig ku daadan, walow dad badan aaminsan yihiin in Militariga iyo mas’uuliyiin dowlada kamid ah ay lug weyn ku lahayeen abaabulka iyo qorshihii lagu dilay Madaxweyne Dr.Cabdirashiid Cali Sharmarke. Xukuumadii Militariga iyo Tilaabadii ugu horeysay Ciidamadii Inqilaabka kula wareegay dowladii Rayidka ahayd ee Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay inay dhiseen Golaha Gudiga Kacaanka, kuwaasi oo ka koobnaa xubnihii sar sare ee Militariga, waxna kasoo qorsheeyey Inqilaabka. ilitariga ayaa sidoo kale XABSIGA dhigay Madaxdii Qaranka Soomaaliya oo ay kamid ahaayeen: 1- Raysalwasaarihii xiligaasi Allaha u naxariisteen Maxamed Ibraahim Cigaal iyo dhamaan Golihiisii Wasiirada 2- Madaxweynihii hore Allaha u naxariisto Aadan Cabdulle Cismaan 3- Guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya Allaha u naxariisto Shiikh Mukhtaar 4- Iyo dad kale oo badan oo kamid ahaa xisbigii SYL iyo Siyaasiyiin Rayid ah oo aan xiligaa dowlada ku jirin Waxaa sidoo kale lasoo saaray Labadii warqadood ee Militariga ku bedaleen Dastuurkii Qaranka Soomaaliyeed loo sameeyey 1960kii oo ah midka hada laga soo minguuriyey Dastuurka Federaalka ee la ansixiyey sanadkan aan ku jirno ee 2012ka. Kadib laalidii Dastuurka Soomaaliya, waxaa militariga uu dhisay dowlad isugu jirta Saraakiil militari iyo Aqoonyahano Rayid ah. Kadib laalidii Dastuurka Soomaaliya, waxaa militariga uu dhisay dowlad isugu jirta Saraakiil militari iyo Aqoonyahano Rayid ah. Gen.Maxamed Siyaad Barre (AUN) 1- Dhamaan Xisbiyada dalka ka jiray oo albaabada loo laabay 2- Banaanbaxyada 3- Shirarka Gaarka ah 4- Waxaa la xanibay Khudbooyinkii Masaajidada Maalinta Jimcaha oo la sheegay inay ay fasixi karto oo kaliya Wasaarada Garsoorka iyo cadaalada iyo qodobo kale oo lagu xakameenayey dhaq dhaqaaqa shacabka. Muddo kadib Waxaa la dhisay Xisbiga HANTI WADAAGA KACAANKA oo u jeen jeeray siyaasada Hantiwadaaga, dalka Soomaaliya ayaana markaasi la sheegay in lagu dabakhay HANTI WADAAGA cilimiga ku dhisan. Waxaana wakhti danbe gadaal laga dhisay Golaha Deegaanka iyo Golihii Shacabka. Dhanka kale waxay xukuumada Qarameysay dhamaan Shirkadihii Ajnabiga ahaa iyo Bangiyadii ka jiray dalka Soomaliya. Siyaasada Arrimaha Dibada Dowlada Militariga ayaa xoojisay siyaasadoodii u jeen jeentay dhanka Wadama Hantiwadaaga xiligii uu socday dagaalkii Qaboobaa (The Cold War) ee u dhaxeeyey Reer Galbeedka iyo wadamada Hantiwadaaga ah. Waxyaabihii lagu amaanay Dowladii Militariga 1- Qoridii farta Soomaaliya oo la hirgeliyey 2- Bacaad celinta Shalambood 3- Dib u dejinta dadkii ku sabooloobay Abaartii Dabo-dheer 4- Barnaamijyadii Dhiiri -gelinta Beeraleyda iyo Kaluumeysata 5- Xoojinta Awooda Militari ee dalka, taasoo soo dedejisay dagaalkii 1977kii. [/b]1975 Siyaad Barre iyo Culumadii Soomaaliya[/b] Culimo Soomaaliyeed ayaa ka dhiidhiyeen sharci ay soo rogtey xukuumadii Siyaad Barre ; sharcigaas oo ka hor imaneyey Qur’aanka (Xukunka Allah). Maadaama ay dadka Soomaaliyeed oo 100% muslim sunni ah u cuntami weydey xukunkaas ayey culimadu gadoodeen; waxaana loogu jawaabey in toban culimadii ka mid ah lagu xukumay dil; waxaana culimadaas Muqdisho lagu toogtey 23/1/1975. 1977 Dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya Dagaalkaasi oo ay Ciidamada Soomaaliya Guulo ka keeneen bilowgiisa, ayaa markii danbe isu bedalay burbur xoogleh oo ku yimid Awoodii Militari ee Soomaaliya, kadib markii wadamada Hantiwadaaga ay la safteen Dowladii Shuuciga ahayd ee Mingiste ee ka jirtay Itoobiya. Waxay arrintan keentay in ciidamo caalami ah oo ka socda Cuba, Yemen iyo Bariga Jarmalka lagu soo xoojiyo Ciidamadii la jabiyey ee Itoobiya. Niyadjabkii ka yimid dagaalkaasi 1977dii ayaa keentay in Madaxda sare ee Militariga ay shaki ka qaadaan Saraakiishii dagaalka ka soo noqoneysay inay ayagu inqilaab ku sameeyaan waxaana dil toogasho ah lagu xukumay in badan oo kamid ah Saraakiishii Soomaaliyeed ee dagaalkaasi kasoo noqotay, halka qaar kalena la xiray. Inqilaabkii Dhicisoobay ee 1978dii Abriil 9, 1978 – Waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido xukuumadii Siyaad Barre. Waxaana la toogtey 17 kamid ahaa ragii inqilaabka lagu tuhmay oo uu kujirey Col. Maxamed Sheekh Cismaan oo ahaa hogaaminayey Inqilaabka. Xilligaas ayuu Cabdullaahi Yuusuf Axmed ka baxay Soomaaliya maadaama uu kamid ah raggii ku jirey fulinta Inqilaabkaas. Inqilaabku wuxuu ku qorshaysnaa inuu dhaco April 12, 1978, laakiin wuu ka soo hormaray oo wuxuu dhacay taariikhdu markay ahayd April 9, 1978 waana uu dhicisoobay. September 1978 – Col. Cabdullaahi Yuusuf oo kamid ahaa Saraakiishii Ciidamada Soomaaliya Hogaaminayey dagaalkii 1977, ayaa asaasay mucaaradkii ugu horeeyay ee si toos ah ulla dagaalama xukunkii Militariga, waa jabhadii (SSF) taas oo bishii Oktoober 1981 isu bedeshey (SSDF), jabhadaasi ayaa ahayd mid soo shaqeenaysay illaa dhismihii Maamulka Puntland ee 1998-dii laga dhisay gobaladii Waqooyi Bari, Sool, bariga Sanaag iyo Degmada Buuhoodle ee gobalka Togdheer. [Abriil 1981 waxaa la aasaasay Jabhadihii SNM. Jabhadan ayaa soo shaqeenaysay illaa sanadkii 1991-dii la markii la dhisay Soomaaliland oo xooreeyen. 1989kii waxaa la aasaasay Jabhadii USC. Jabhadan ayaa ahayd midii fursada u heshay inay gacanta ku dhigto magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya iyo xarumihii ugu muhiimsanaa Dowlada oo ay ku jiraan kuwii militariga iyo Kaydkii hubka Qaranka Soomaaliyeed, walow ay ku guuleysan weysay inay dhisto wax maamul ah. Dhamaan Jabhadahan oo siyaasado kala duwan watay ayaa hal mid ku mideysnaa, taasi oo ahayd in xukunka ka tuuraan Xukuumadii Maxamed Siyaad Barre. Bixitaankii Siyaad Barre ee Muqdisho [/b]27kii Janaayo 1991[/b] - Maxamed Siyaad Barre ayaa ka baxay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Waxaa xiligaasi si rasmi ah u bilowday Dagaalkii Sokeeye ee dalka Soomaaliya, kadib markii Jabhadihii dalka qabsaday ay hanan waayeen dhismo maamul Soomaali oo dhan ay u dhanyihiin. Hussein Farah Horseed Media http://horseedmedia.net/2012/10/21/burburkii-dimuquraadiyadii-soomaaliya-hanaqaadkii-xukunka-militariga-iyo-dhaxalkii-dagaalka-sokeeye/
  16. http://horseedmedia.net/2012/10/21/burburkii-dimuquraadiyadii-soomaaliya-hanaqaadkii-xukunka-militariga-iyo-dhaxalkii-dagaalka-sokeeye/
  17. Burburkii Dimuquraadiyadii Soomaaliya, Hanaqaadkii Xukunka Militariga iyo Dhaxalkii Dagaalka Sokeeye. Maanta oo Taariikhdu ku beegan tahay 21ka Oktoober ayaa ah xiligii xukunka dalka Soomaaliya ay la wareegeen ciidamada Qalbka Sida oo uu hogaaminayey Taliyihii ciidamada Gen.Maxamed Siyaad Barre (AUN), wakhtigaasi oo hada kasoo wareegtay 43 sano. Jamhuuriyadii Soomaaliya oo xoriyada ka qaadatay dalalkii Gumeysan jiray ee Talyaaniga iyo Ingiriiska, taariikhdu markay ahayd 1960kii ayaa kamid ahayd wadamadii ugu horeeyey ee Dimuquraadiyada ah ee ka dhasha Qaarada Afrika, ayadoo dimuquraadiyadaasi ku dhisneyd habka xisbiyada iyo Baarlamaaniga, kuwaasi oo lagu soo dhisay maamuladii sida doorashada ah isu bed bedalay ee kala hogaamin jireen Aadan Cabdulle Cismaan iyo Dr.Cabdirashiid Cali Sharmaarke, illaahay labadaas halyey ha u naxariistee. Inkastoo maamuladaasi ay ahaayeen kuwo ay xoog ku lahayeen xisbigii SYL ee usoo halgamay xoriyad doonka waxaa sidoo kale jiray xisbiyo badan oo dalka Soomaaliya ka furmay kuwaasi oo loola dhanka siyaasada ah ku jiray, ayadoo Doorashooyinka Baarlamaanka ee ka dhici jiray degmooyinka dalka Soomaaliya ay ahaayeen kuwo tusaale u noqday wadamo badan oo Afrikaan ah inay ku daydaan. Waxaa sidoo kale jira dhaliilo badan oo maamuladaasi Rayidka ah loo jeedin jiray sida arrimaha Musuq maasuqa, balse waxay ahaayeen maamulo si nabad ah xilalka ulla kala wareegi jiray isla markaana shacabku wuxuu lahaa xoriyad uu wax ku dhaliilo ama wax ku taageero. 15kii Oktoober 1969kii oo ahayd maalin madow oo soo martay Taariikhda Soomaaliya, kadib markii magaalada Laascaanood lagu dilay Madaxweynihii Jamhuuriyada Dr.Cabdirashiid Cali Sharmaarke, xili uu ku jiray kormeer uu ku marayey dhulkii ay saameyeen Abaarihii sanadkaasi ka dhacay dalka ayaa waxaa khal khal iyo rajo xumo ku timid nidaamkii dimuquraadiga ahaa ee muddada soo shaqeenayey. Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa la aasay 20kii Oktoober ayadoo aaskiisa dib loogu dhigay si ay uga soo qeyb galaan Madaxda Caalamka iyo waliba Raysalwasaarihii dalka Soomaaliya Maxamed Ibrahim Xaaji Cigaal (AUN) oo xiligaas safar shaqo ugu maqnaa dalka Maraykanka. 21kii Oktoober 1969, Kadib Aaskii Qaran ee Madaxweyne Cabdirashiid waxaa saqdii dhexe habeenimadii ay soo galeysay 21kii Oktoober dalka la wareegay ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya oo uu hogaaminayo Taliyahooda Maxamed Siyaad Bare (AUN), kuwaasi oo ku dhawaaqay Inqilaab aan dhiig ku daadan, walow dad badan aaminsan yihiin in Militariga iyo mas’uuliyiin dowlada kamid ah ay lug weyn ku lahayeen abaabulka iyo qorshihii lagu dilay Madaxweyne Dr.Cabdirashiid Cali Sharmarke. Xukuumadii Militariga iyo Tilaabadii ugu horeysay Ciidamadii Inqilaabka kula wareegay dowladii Rayidka ahayd ee Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqay inay dhiseen Golaha Gudiga Kacaanka, kuwaasi oo ka koobnaa xubnihii sar sare ee Militariga, waxna kasoo qorsheeyey Inqilaabka. ilitariga ayaa sidoo kale XABSIGA dhigay Madaxdii Qaranka Soomaaliya oo ay kamid ahaayeen: 1- Raysalwasaarihii xiligaasi Allaha u naxariisteen Maxamed Ibraahim Cigaal iyo dhamaan Golihiisii Wasiirada 2- Madaxweynihii hore Allaha u naxariisto Aadan Cabdulle Cismaan 3- Guddoomiyihii Baarlamaanka Soomaaliya Allaha u naxariisto Shiikh Mukhtaar 4- Iyo dad kale oo badan oo kamid ahaa xisbigii SYL iyo Siyaasiyiin Rayid ah oo aan xiligaa dowlada ku jirin Waxaa sidoo kale lasoo saaray Labadii warqadood ee Militariga ku bedaleen Dastuurkii Qaranka Soomaaliyeed loo sameeyey 1960kii oo ah midka hada laga soo minguuriyey Dastuurka Federaalka ee la ansixiyey sanadkan aan ku jirno ee 2012ka. Kadib laalidii Dastuurka Soomaaliya, waxaa militariga uu dhisay dowlad isugu jirta Saraakiil militari iyo Aqoonyahano Rayid ah. Kadib laalidii Dastuurka Soomaaliya, waxaa militariga uu dhisay dowlad isugu jirta Saraakiil militari iyo Aqoonyahano Rayid ah. Gen.Maxamed Siyaad Barre (AUN) 1- Dhamaan Xisbiyada dalka ka jiray oo albaabada loo laabay 2- Banaanbaxyada 3- Shirarka Gaarka ah 4- Waxaa la xanibay Khudbooyinkii Masaajidada Maalinta Jimcaha oo la sheegay inay ay fasixi karto oo kaliya Wasaarada Garsoorka iyo cadaalada iyo qodobo kale oo lagu xakameenayey dhaq dhaqaaqa shacabka. Muddo kadib Waxaa la dhisay Xisbiga HANTI WADAAGA KACAANKA oo u jeen jeeray siyaasada Hantiwadaaga, dalka Soomaaliya ayaana markaasi la sheegay in lagu dabakhay HANTI WADAAGA cilimiga ku dhisan. Waxaana wakhti danbe gadaal laga dhisay Golaha Deegaanka iyo Golihii Shacabka. Dhanka kale waxay xukuumada Qarameysay dhamaan Shirkadihii Ajnabiga ahaa iyo Bangiyadii ka jiray dalka Soomaliya. Siyaasada Arrimaha Dibada Dowlada Militariga ayaa xoojisay siyaasadoodii u jeen jeentay dhanka Wadama Hantiwadaaga xiligii uu socday dagaalkii Qaboobaa (The Cold War) ee u dhaxeeyey Reer Galbeedka iyo wadamada Hantiwadaaga ah. Waxyaabihii lagu amaanay Dowladii Militariga 1- Qoridii farta Soomaaliya oo la hirgeliyey 2- Bacaad celinta Shalambood 3- Dib u dejinta dadkii ku sabooloobay Abaartii Dabo-dheer 4- Barnaamijyadii Dhiiri -gelinta Beeraleyda iyo Kaluumeysata 5- Xoojinta Awooda Militari ee dalka, taasoo soo dedejisay dagaalkii 1977kii. [/b]1975 Siyaad Barre iyo Culumadii Soomaaliya[/b] Culimo Soomaaliyeed ayaa ka dhiidhiyeen sharci ay soo rogtey xukuumadii Siyaad Barre ; sharcigaas oo ka hor imaneyey Qur’aanka (Xukunka Allah). Maadaama ay dadka Soomaaliyeed oo 100% muslim sunni ah u cuntami weydey xukunkaas ayey culimadu gadoodeen; waxaana loogu jawaabey in toban culimadii ka mid ah lagu xukumay dil; waxaana culimadaas Muqdisho lagu toogtey 23/1/1975. 1977 Dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya Dagaalkaasi oo ay Ciidamada Soomaaliya Guulo ka keeneen bilowgiisa, ayaa markii danbe isu bedalay burbur xoogleh oo ku yimid Awoodii Militari ee Soomaaliya, kadib markii wadamada Hantiwadaaga ay la safteen Dowladii Shuuciga ahayd ee Mingiste ee ka jirtay Itoobiya. Waxay arrintan keentay in ciidamo caalami ah oo ka socda Cuba, Yemen iyo Bariga Jarmalka lagu soo xoojiyo Ciidamadii la jabiyey ee Itoobiya. Niyadjabkii ka yimid dagaalkaasi 1977dii ayaa keentay in Madaxda sare ee Militariga ay shaki ka qaadaan Saraakiishii dagaalka ka soo noqoneysay inay ayagu inqilaab ku sameeyaan waxaana dil toogasho ah lagu xukumay in badan oo kamid ah Saraakiishii Soomaaliyeed ee dagaalkaasi kasoo noqotay, halka qaar kalena la xiray. Inqilaabkii Dhicisoobay ee 1978dii Abriil 9, 1978 – Waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido xukuumadii Siyaad Barre. Waxaana la toogtey 17 kamid ahaa ragii inqilaabka lagu tuhmay oo uu kujirey Col. Maxamed Sheekh Cismaan oo ahaa hogaaminayey Inqilaabka. Xilligaas ayuu Cabdullaahi Yuusuf Axmed ka baxay Soomaaliya maadaama uu kamid ah raggii ku jirey fulinta Inqilaabkaas. Inqilaabku wuxuu ku qorshaysnaa inuu dhaco April 12, 1978, laakiin wuu ka soo hormaray oo wuxuu dhacay taariikhdu markay ahayd April 9, 1978 waana uu dhicisoobay. September 1978 – Col. Cabdullaahi Yuusuf oo kamid ahaa Saraakiishii Ciidamada Soomaaliya Hogaaminayey dagaalkii 1977, ayaa asaasay mucaaradkii ugu horeeyay ee si toos ah ulla dagaalama xukunkii Militariga, waa jabhadii (SSF) taas oo bishii Oktoober 1981 isu bedeshey (SSDF), jabhadaasi ayaa ahayd mid soo shaqeenaysay illaa dhismihii Maamulka Puntland ee 1998-dii laga dhisay gobaladii Waqooyi Bari, Sool, bariga Sanaag iyo Degmada Buuhoodle ee gobalka Togdheer. [Abriil 1981 waxaa la aasaasay Jabhadihii SNM. Jabhadan ayaa soo shaqeenaysay illaa sanadkii 1991-dii la markii la dhisay Soomaaliland oo xooreeyen. 1989kii waxaa la aasaasay Jabhadii USC. Jabhadan ayaa ahayd midii fursada u heshay inay gacanta ku dhigto magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya iyo xarumihii ugu muhiimsanaa Dowlada oo ay ku jiraan kuwii militariga iyo Kaydkii hubka Qaranka Soomaaliyeed, walow ay ku guuleysan weysay inay dhisto wax maamul ah. Dhamaan Jabhadahan oo siyaasado kala duwan watay ayaa hal mid ku mideysnaa, taasi oo ahayd in xukunka ka tuuraan Xukuumadii Maxamed Siyaad Barre. Bixitaankii Siyaad Barre ee Muqdisho [/b]27kii Janaayo 1991[/b] - Maxamed Siyaad Barre ayaa ka baxay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho. Waxaa xiligaasi si rasmi ah u bilowday Dagaalkii Sokeeye ee dalka Soomaaliya, kadib markii Jabhadihii dalka qabsaday ay hanan waayeen dhismo maamul Soomaali oo dhan ay u dhanyihiin. Hussein Farah Horseed Media
  18. Booliiska oo xabsiga dhigay masuuliyiin ka tirsanaa Ciyaaraha oo Muqdisho ka soo laabtay maanta Berbera(Waaheen) Ciidamadda Baadhista Danbiyadda ee CID-da ayaa maanta madaarka Berbera ka qabtay laba masuul oo ka tirsanaa Bahda Ciyaaraha oo muddo toban cisho ah si dhuumasho ah ugu maqnaa mgaaladda Muqdisho ee Somaliaya. Ilaa hada wax war ah kamay soo saarin Xukuumadda Somaliland Xadhiga labadan nine e ka tirsanaa Ciyaartoyda Somaliland oo la kala yidhaahdo Maxamed Xuseen Dhabeeye iyo Axmed Dhego oo midkoodna ahaa Guddoomiyaha Xidhiidhka kubada Cagta ee dhawaan la baabi’iyay midkoodna yahay Guddoomiyaha Naadi u ciyaara Wasaaradda Duulista Hawada. Hase yeeshee waxa la filayaa talaabadn ay Xukuumaddu xabsiga ugu taxaabtay labada Nin inay hordhac u tahay hawlgal ay doonayso inay ku qab qabato dadka Reer Somaliland ee taga Xamar isla markaana dalka dib ugu soo laabta, iyagoo fulinaya Go’aankii ay ka soo saareen arrintaasi. Labada masuul oo la qabtay markii ay Diyaaradda ka soo degeen ayaa ilaa hada ku xidhan magaaladda Berbera. waxaana la filayaa in dad kale oo hore Muqdisho u tahay oo isugu jira Salaadiin iyo Siyaasiyiin kale la qabto, waxaana Madaarada iyo goobaha dalka laga soo galo ku heegan ah Ciidamo Booliis ah oo loo diyaariyay.
  19. http://allssc.com/2012/10/xoglo-toosiye-oo-dhiigii-shacabka-reer-khaatumo-oo-wasaarad-ku-badashay/
  20. Hargaysa(Allssc): Horjoogaha Maamulka SNM-ta Ayaa waxaa uu umagacaabay xoglo toosiye Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Ee Maamulka SNM-Ta xalo ayaa sheegay hadii loo magacaabo jagadan in uu ilaabayo dhibaadadii iyo xasuuqii ay gaysteen siilaanyo iyo ciidankiisa kuwaaso gumaad badan u gaystay shacabka reer khaatumo. Hadaladii siilaanyo ugu jawaabay xaglo abay xaglo ayaa waxaa ka mid ahaa waxaad tahay nin u baahan yahay dadka iyo dalka hadiiba aad tolkaa xasuuqii aan u gaystay aad ilowday saacadan laga bilaabo waxaad tahay Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Ee Maamulka aan anigu hor joogaha ka ahay. Xaglo oo bulshada reer khaatumo ay si wacan u wada yaqaanin jileeciisa iyo sidoo kale in uu yahay caadaqaate wayn ayaa ayaa waxaa uu siilaanyo kaga raadsaday igu halee in aan oo xero gasho bolalala reer khaatumo ah balse wuxuusan ogayn sida loogu diyaar garoway in gacan bir ah lagu qabto hadii uu deegaanada reer khaatumo soo galo haka shaqayso wasaarada uu ku iibsaday dadkiisa hargaysa iyo burco. Allssc@allssc.com
  21. STOIC;879160 wrote: I knew this marqan induced Khaldans were up to no good with their sinister motives of destabilizing South Somalia.A massively clueless population focused on fantasies of secession. It is their fault that Somalia is today in anarchy! It is both Sad and alarming to see them financing this war in the South. I knew Somaliland had a fence sitter approach when dealing with terrorist. No wonder they are welcoming and encouraging this abhorrent groups to destabilize South Somalia.What a jaw-dropping connection there the OP made...all along I thought Somaliland was NOT interested in terrorism, but I guess they are the ones sending this rascals to the South.Its about time this spotty information raises hell for Somaliland secesionist. This new information should nettle the new Somalia government and encourage them to send some camel-hump scuds towards Hargeisa. Theirs is a failed campaign and they would loose. One think they should be a tad less seccionist by now that Somalia is raising again and becoming pearl of Africa!