Saalax

Nomad
  • Content Count

    10,383
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    24

Everything posted by Saalax

  1. Does Jawahari speak Somali first of all or May May kkkkk before he dreams about unity with the Hashemite kingdom Somaliland.
  2. http://www.ramaasnews.com/index.php/News/News/Dhaawacyada-Maleeshiyaadkii-Dagaalka-La-Galay-Ciidamada-Qaranka-Ee-Jiida-Xuddun-Oo-Maanta-Qaarkood-Ku-Geeriyoodeen-Buuhoodle.html
  3. Dhaawacyada Maleeshiyaadkii Dagaalka La Galay Ciidamada Qaranka Ee Jiida Xuddun Oo Maanta Qaarkood Ku Geeriyoodeen Buuhoodle Buuhoodle (Ramaas) Jan 23,2013 – Cisbitaal ku yaala Magaalada Buuhoodle, ayaa ku hawlan daaweynta dhaawacyo dhowr ah oo shalay Maleeshiyaadka kooxda Khaatumo la baxday kaga dhaawacmay dagaalkii ay la galeen ciidamada qaranka Somaliland ee aaga Xuddun. Cisbitaalka oo dhaawacyada qaarkood maanta galinkii dambe la gaadhsiiyay ka dib markii ay ilaa xalay Maleehsiyaadku ku hayeen aagaga ay ku dhuumaalaysanayaan, ayaa lagu waramayaa in qaarkood xaaladooda caafimaad aad u liidato. Warka Ramaas ka helayso Buuhoodle, ayaa sheegaya in dhaawacyadaasi oo dhowr ah uu galabta mid ka mid ah ahi u geeriyooday dhaawacii ka soo gaadhay dagaalkii Maleeshiyaadku la galeen ciidamada qaranka, kaasi oo dhibaato badani ka soo gaadhay. Dhaawacyada la geeyay Buuhoodle oo kooxda Khaatumo la baxday doonayaan inay ka gadoodaan shacabka maatida ah ee halkaasi ku dhaqan si marka ay cadhoodaan ay gacan ugu siiyaan nabadgalyo darada ay halkaasi ka wadaan, ayaa lagu soo waramayaa inay xaalada dadka rayidka ah wax ka badashay isla-markaana uu jiro dareen ka dhashay xaalada dhaawacyadaasi. Dhanka kale, kooxda nabad-diidka ah ee Khaatumo la baxday oo ka hadashay dagaalkii shalay ayaa qirtay khasaaraha soo gaadhay “Laba ilaa saddex nin oo askartayada ah ayaa ku dhintay dagaalkii Xuddun, gaadiidna waa lanaga qabsaday” sidaa waxa yidhi Axmed Karaash. Ramaasnews Desk
  4. http://www.raxanreeb.com/2013/01/guddi-ka-socda-jubbooyinka-oo-wadatashi-u-yimid-garoowe/
  5. Garoowe (RBC Radio) Shiikh Khaliif Guure Cali oo ah Gudoomiyaha Maamul u samaynta jubbooyinka sida uu sheegay iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray magaalada Garowe iyadoo ay soo dhaweeyeen Madax ka tirsan Puntland waxgarad iyo Ururada haweenka iyo Dhalinyarada Gobolka inkastoo Wafdigan imaanshahooda aan horay loo sii shaacin hadana waxaa safarkooda ku wehliyay Masuuliyiin ka socday maamulka Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya. Shiikh Khaliif Guure oo si kooban Saxaafada ula hadlay ayaa sheegay in Puntland ay u yimadeen sidii ay wadatashi ula samayn lahaayeen Madaxda si ay uga wadahadlaan Dhismaha Maamul loo dhanyahay oo laga yagleelo Gobolada Jubbooyinka taasoo in mudo ahba uu muran ka taagnaa wuxuu kaloo sheegay in ay lasoo kulmeen odoyaasha iyo Samadoonada Magaalada Gaalkacyo sidoo kalena ay wadatashi xoogan la yeelan doonaan Dowlada Puntland iyo Waxgaradka Maadaama Puntland ay talo iyo Faragelinba ku leedahay Gobolada Jubbooyinka sida uu Hadalka u dhigay Gudoomiyuhu. Wafdigan oo isugu jira Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuwaasi oo kasoo jeeda gobolada Jubboooyinka iyo madax uu ka mid yahay Duqa Gaarisa ayaa la filayaa inay kusii nagaadaan Magaalada iyagoo la kulmi doona Madaxda Dowlada Puntland sida ay sheegeen, Imaanshaha wafdigannah wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo in badan Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole uu dhawr jeer ku celcelshay in Gobolada Jubbooyinka loo madaxbaneeyo maamul ay samaystaan isagoo sheegay in Puntland ay ka damqaneyso Xaaladaha ka jira Goboladaasi. RBC RADIO Xafiiska Garoowe
  6. http://www.qarannews.com/2013/01/riyo-run-ma-noqotaa-somaliland-tixgelin-ugama-baahna-xasan-sheikh-muqdisho/
  7. Xasan sheekho war la’aanbaa ku haysa, taariikhda dib ku raac shacabka reer Somaliland cid ay uga daba fidhiisayayaa masiirkooda majirto, markii ay calanka keeneena warla’aan iyo aqoon la’aan ayaa haysay, oo warla’aanbaa colhodaybay ahyeen. Shacabka reer somaliland waxay naf iyo maal ku bixiyeen doonista shata (5) somaliyeed, marki ay mid soo heleena waxay noqotay nin ki yidhi inanta meherkeeda mar wixii iga gaadhay dib layso marin mayo. Shacabka reer Somaliland dib lo qiyaamayn maayo oo muumin laba jeer qod lagama wadada qaniino. Dadka walaalaha ah hay isku dirin nabarka ha damqin boqsadbuu ku dhow yahaye, shacab reer Somaliland waxay goosteen inanay cidna la bahoobin, mid hore u jirayna ma jiro. Somaliland iyo Somalia marnaba may midoobin. taariikhda dib u akhri taa waxa ku cadaynaya markii la siidaayey Col. Xasan Kayd iyo ragisi, ee uu xaakimki HAZALWOOD u yeedhay madaxdi waqtigaa joogtay kuna yidhih hadii aan inamadan had la siidayn midnamadiinu way burburaysa maxaa yeelay saraakiisha ayaa maxkamada ka hor cadeeyey inaanay jirin wax midow ah oo labada wadan galeen. Marku xaakimku u cadeeyeyna sababta burburka keenaysana waxa la siidaayey saraakiishi markaaba aragtay dulmika iyo xaqdarada ka soo socda hadii labada dal midowbaan, waxay noqdee laba dalk oo iskuba qaynuun ahayn. Ilaa saraakiishi qabsadee xaakimki oo ahaa ingiriis, oo ay ku yidhaadeen maxaad nagu xukumaysa ilayn laba dal oo midba mar xornimadiisa qaataybaan nahaye, wax midow ah oo sifo sharci marayna aan jirin haba yaraatee. Hadaba ninka leh Somaliland tixgeli qaar ah la siinmaayo waxaan leeyahay Somaliland tixgeli gaar ah iyo mid kale toona kaagama baahna. Waxaa la yidhi “riyo haday dib leeyihiin dabadooday ku qarin lahaayee” adeer Somaliland intaad iska ilowdo taada katali. Inti xukunka moqdisho soo martayba waxay iskaka mid yihiin fekerka qaldan ee ay iska dhaadhiciyeen inay Somaliland keeni karayaan. Horta Somaliland waxay xornimadeeda u soo martay ma karanayaan, xornamada Somaliland waa mid naf iyo maalba lo huray iminkana waa lo horayaa. Ninka xamar jooga waxba laga waydin mayo masiirka ummadda reer Somaliland wixii u ku hadlaana wa iska hadlow ina igare. Shacabka reer somalilandna waxaan leeyahay maraykan iyo xamartoona masiirkiina haga baqina.
  8. http://www.ramaasnews.com/index.php/News/News/Madaxtooyada-Somaliland-Oo-Si-Qabow-Uga-Hadashay-Aqoonsiga-Maraykanku-Siiyay-Somaliya.html
  9. Madaxtooyada Somaliland Oo Si Qabow Uga Hadashay Aqoonsiga Maraykanku Siiyay Somaliya Hargeysa (Ramas) Jan 21,2013 – Madaxtooyada Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay aqoonsiga dawladda Maraykanku siisay Somaliya, waxayna sheegtay in arintaasi aanay wax saamayn ah ku lahayn Somaliland. Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul oo maanta ka hadlayay Munaasibad Hargeysa lagu qabtay aya, ayaa sheegay in aqoonsiga Maraykanku siiyay Somaliya ay ka weyn tahay waxa shacabka Somaliland doonayaan. Afhayeenka oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Aqoonsiga Maraykanku siiyay Somaliya, xukuumadda Somaliland mowqifkeedu waxa weeyaan in aanay waxba ka badalayn Somaliland oo ay tahay mid aan ina khusaynin, oo aanay ahayn mid inaga saamayn inagu yeelanaysa” Afhayeenku waxa kale oo uu soo qaaday “Shacabaka Somaliland waxa laga filayaa inay taasi barbar istaagaan oo ay qadiyada ka shaqeeyaan, oo inaga oo mid ah, marxalad kasta iyo wax kasta oo ina soo food-saara yaanu shaki ina galin, oo aanu shaki inaga galin dadnimadeena, dawladnimadeena iyo waxa aynu doonayno, waayo waxa aynu doonayno ayaa wax walba ka weyn, waxa aynu doonayno ayaa midho dhal noqonaya”ayuu yidhi. Ramaasnews desk Hargeisa
  10. Loss of many lives and properties is not a laughing matter you underage kid.
  11. http://www.qarannews.com/2013/01/somaliland-picture-of-the-week/
  12. Writen by Qaran News | Published: Jan 20th, 2013 at 05:34 PM Hargeisa(Qarannews):- This a picture taken of Hargeisa in 1990 after the destruction caused by the forces of the defunct “Somali Republic”, using heavy artillery and mercenaries flying from the airport to bomb the city and its residents. This is the road that passes in front of City Centre Hotel. This an example of the”benefits” from the union with Somalia in 1960. A reminder to those who hanker for the myth of “Greater Somalia”. This Hargeisa today, rebuilt through the hard work and sacrifice of the people of Somaliland, both at home and abroad. Was Hargeisa ever like this in the 30 year union? The answer is no. During those 30 years it was a politically, socially and economically decimated place, then it was a war zone, then it was a city of constant curfews, and finally, it became the scene for a bitter war to regain sovereignty. Does anyone think anything has changed in Somalia? Do you honestly believe that Somaliland would ever be part of the madness in Somalia? Buildings can be replaced, and Somalilanders will once again tear everything down to protect their sovereignty and independence. Never for a moment doubt that.
  13. Xaaji Xunjuf;910060 wrote: Who is Siilaanyos family? i am not sure Siilaanyos family come on SOL kk.
  14. Daawo Sawirro: Madaxweyne Xassan oo Minneapolis looga Mudaharaaday. http://www.raxanreeb.com/2013/01/daawo-sawirro-madaxweyne-xassan-oo-minneapolis-looga-mudaharaaday-dhageyso/
  15. Xaaji Xunjuf;909167 wrote: Puntland wa laxdi Jubbaland na wa kabti wa wada socdaan adeer naga daa dee
  16. Somalia;909306 wrote: Well done, I support it 100%. This is just like the education scholarships. A clan can't take national institutions for its own athletes and send them to training in the name of Somalia. Correct.
  17. Yet ex USC child soldier Abwaan is dreaming about uniting with Hargeysa his own neighbors are dissatisfied with Mogadishu.
  18. http://www.raxanreeb.com/2013/01/guddoomiyaha-ciyaaraha-gobolka-bari-mustafe-majacase-waan-kasoo-horjeednaa-doorashada-guddiga-olombikada-soomaaliyeed-ee-muqdisho-lagu-qabtaydhageyso/
  19. Boosaaso[RBC Radio] Guddoomiyaha Kubadda Cagta gobolka Bari Mustafe Cabdirixmaan Majacase ayaa ka dhawaajiyey in ay Canbaareynayaa Doorashada dhawaan lagu magacaabay Xubnaha Guddiga Olombikadda Soomaaliyeed ayna tahay Cadaalad darro.Guddoomiye Mustafe Majacase oo khudbad ka Jeediyey Xarunta Dowladda Hoose ee Boosaaso maanta ayaa sheegay in gobolada Bari,Karkaar,Hayland iyo Bariga Sanaag si wadajir ah u Canbaareynayaan Doorashada lagu doortay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed taasoon Puntland laga qeybgelin habayaraatee. Waxa uu sheegay iney Taageerayaan isla markaana Xoojinayaan hadalkii uu dhawaan magaalada Gaalkacyo ka Jeediyey Wasiirka Ciyaaraha Puntland Cabdiweli Xirsi kaasoo ahaa iney Puntland qaadacday Doorashada lagu doortay Guddiga Olombikada ee Muqdisho lagu qabtay. Xiriirka Kubada Cagta. Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed ayuu Guddoomiye Mustafe Majacase Usoo Jeediyey dhaliil,wuxuuna sheegay in Skhasiyaad gaar ah ay ku shaqeystaan magaca Xiriirka,kuwaasoo Tababaro ku qabta dalka Jabuuti iyagoo ku been abuurta magacyada gobolo ka tirsan dalka. ..”"Waxaan eedeyneynaa Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed oo waxay sitaan magacii Soomaaliya Shakhsiyaad gaar ah baa ku shaqeysta,waxay qabanayaa Tababaro bey Jabuuti ku qabanayaan oo waxay leeyihiin goboladii Soomaaliyaa fadhiya….”"”ayuu yiri Guddoomiye Majacase. Musatafe Majacase oo khudbadiisa siiwata ayaa sheegay in Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamkaba u sheegayaan in marnaba aysan matalin Xiriirka Kubada Cagta iyo Kuwa Olombikadda ee Muqdisho lagu Yagleelay. Halkan ka Dhageyso Codka Guddoomiye Mustafe Majacase Guji Halkan Ciyaartoyda Boosaaso iyo Maamulkooda …”"Soomaaliya kamid beynu nahay,waxaanu aduunka iyo Umad kasta u sheegeynaa Xiriirka Kubada Cagta in Shakhsiyaad gaara iyo Gobolo gaar uu gacansiiyo,hadda waxaan Ognahay in Gal-mudug ay ka dhisayaan Garoon Kubada Cagta ah,..”"”ayuu yiri Majacase. Waxaa xusid mudan in Kulanka lagu Canbaareeyey Doorashada Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee dhawaan Muqdisho lagu qabtay ay ka hadleen madax kala duwan oo bahda Ciyaaraha ah,waxayna dhamaantood Isaga mid ahaayeen dhaleeceynta Guddiga. Gababgabadii ayuu ka dhawaajiyey in Dhalinyarada Puntland ay mar walba diyaar u yihiin soo dhaweynta Nabadda dalka iyo Barnaamij kasta oo lagu hormarinaayo Ummada Soomaaliyeed.
  20. http://www.raxanreeb.com/2013/01/deg-deg-mudaharaad-ka-dhan-ah-madaxweyne-xassan-sh-oo-qabanqaabadiisa-minnesota-ka-socda-dhageyso/
  21. Minneapolis (RBC) Waxaa magaalada Minneapolis kusii wajahan Madaxweynaha Soomaaliya Xassan SH Maxamuud wafdi uu hogaaminayo oo ay kamid yihiin Wasiirada arimaha dibada Soomaaliya Fowsiya Xaaji Adan iyo Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Cabdullahi Ciilmooge. Madaxweyne Xassan SH ayaa jaaliyada Soomaalida ee Gobolka Minnesota la hadli doona fiidnimada Jimcaha. Soo dhaweynta Madaxweynaha waxaa iyana hareer socda Mudaharaad looga soo horjeeda. Gudiga qabanqaabada Mudaharaadka looga soo horjedo madaxweyne Xassan oo warbaahinta la hadashay ayaa waxa ay sheegeen inay sababta ay uga gol leeyihiin mudaharaadka ay tahay sida ay u suluugsan yihiin faragalinta Dastuurka, Maamul Goboleedyada. Cismaan Axmad SH oo kamid ah gudiga ayaa waxa uu yiri. “…..waxaa muuqata in madaxweynuhu uu dhinac maray dastuurkii isaga lagu soo doortay faragalin badan in uu ku hayo maamuladii ama uu damacsan yahay ama uu damacsan yahay in uu carqaladeeyo” Cismaan isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri. “……hadaynu nahay jaaliyada Soomaaliyeed ee gobolka Minneasota kuwii ka badbaaday dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya waxaan cabsi ka qabnaa Soomaaliya in dib ugu noqoto dagaaladii sokeeye…” Jaaliyada Soomaalida ee Gobolka Minnesota ayaa ah mid balaaran saameyna ku dhex leh Gobolka waxaana muuqata in ay ku kala qeybsan yihiin siyaasada Madaxweyne Xassan. Dhanka kale Cabdulwaaxid Qalinle oo kamid ah qabanqaabiyaasha soo dhaweynta Madaxweyne Xassan oo khadka taleefoonka Raxanreeb.com kula xiriirtay ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo mudaharaadka. RBC Minneapolis
  22. Mudaharaad lagaga soo horjeedo Khaatumo oo ka dhacay Buuhoodle " frameborder="0" allowfullscreen>
  23. http://horufadhi.com/2013/01/14/dowladda-soomaaliya-oo-shaacisay-inay-bilaabi-doonto-canshuur-qaadista-dakada-kismaayo-iyo-marka/