-
Content Count
10,383 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
24
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Saalax
-
Cali Warancadde Oo Ku Tilmaamay Dhawaaqa Ingiriiska Ee Uu Kaga Hadlay Ammaanka Somaliland Mid Siyaasadaysan, Shacabkana Baaq U Diray “Ninka Fulayga Ah Ee Maanta Naga Carara Waxaanu Leenahay Barrina Ha Nagu Soo Noqon” Hargeysa (Ramaas), Jan, 29, 2013- Cali Maxamed Warancade oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland, isla markaana hore u soo ahaa musharixii Xisbigii bur buray ee UDUB ayaa dhawaaqa Ingiriisku kaga hadlay ammaanka Somaliland ku tilmaamay mid siyaasadaysan oo wax kale lagu doonayo. Cali Maxamed Warancadde oo maanta wareysi gaar ah siiyey Shabakada Ramaasnews ayaa sheegay in dhawaaqan Ingiriisku yahay mid lagu doonayo siyaasado kala duwan oo ay ka mid tahay sidii shacabka Somaliland loo niyad jabin lahaa. Siyaasi Cali Warancadde oo dareenkiisa arintan ku wajahan ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Runtii waxa weeyaan arrimahaasi oo dhami waa arrimo Siyaasadeed aduunyada wax way ka dhacaan oo Ingiriis bay ka dhacaan Mareykan bay ka dhacaan, inagu laakiin saaka nabad baynu ku noolahay dadkani reer Somaliland waa dad dagaalo soo maray dhibaatooyin badana soo maray, markaa waxa aan qabaa in ay tahay arin la doonayo inay tahay in la inaga qixiyo dalkeena oo dalkeenu waa dal khayraad leh, waxaanan u malaynayaa in dawladdaha waaweyn damac kaga jiro inta la ina qixiyo shidaalka iyo khayraadka ku jira lagala soo baxo si ay ugu kabaan kharasha badan ee Somaliya kaga baxa”. Cali Maxamed Warancade oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Waxyaabaha aad la yaabaysaa waxa weeyaan gaaladii halkan ka tagtay waxa ay tagayaan Xamar oo xaaladeeda amaan aynu ognahay, markaa waxaanu Mareykanka iyo Ingiirba u sheegaynaa dalkan ILAAHEY ayaa nagu abuuray oo wax kasta yimaada waxaanu diyaar u nahay inaanu wadankayaga difaacano, laakiin ninka fulayga ah ee maanta naga carara waxaanu leenahay barina ha nagu soo noqonin ee sidaasi nagaga maqnaw, waxaanan umadda Somaliland ugu baaqayaa wadajir iyo inay gacmaha is qabsadaan” Siyaasiga Cali Warancade oo ka jawaabaya su’aal ahayd saamaynta uu ku yeelan karo dhawaaqan Ingiriisku sumcada amaanka Somaliland ayaa waxa uu yidhi “Wax dhibaato ah ma jiraan, waxna way dhici karaan, waxna ma dhici karaan, markaa waxa weeyaan aduunyada wax waliba way ka dhacaan, markaa maxay wax u dhaceen la isma waydiiyo ee hadba sida looga hor tago karo ee shacab iyo dawladdba u soo jeedaan ayey ku xidhan tahay, markaa inaga wax ala wax ay ina yeelaysaa ma jirto caalamka waxa ka dhacaya waad arkaysaa, laakiin in la yidhaahdo dalkeenii ka baxa waxaan u arkaa arin siyaasadeed oo la doonayo in dalka khal khal la galiyo oo wakhtiyada dhaw wada hadalo ku sheega la leeyahay Somaliya ayaa lala galayaa dadka in niyada laga dilo ayaa la doonayaa, laakiin waaxaanu leenahay taasi maaha mid niyada naga dilaysa oo dalku isaga oo intan ka xun ayaanu u soo samirnay”. Wasiirkii hore Wasaaradda Duulista iyo hawada Cali Maxamed Warancade oo la waydiiyey su’aal ahayd in masuuliyiintii xukuumaddii Rayaale ee uu ka tirsanaa xukuumadda hadda kala bakhayleen inay wixii waayo aragnimo u lahaayeen u gudbiyaan waxa uu ku jawaabay “Way dhici kartaa oo waxa laga yaabaa in aanaanu wada shaqayn yeelanin si aanu talooyin u siino, markaa mid meesha ku jirta weeyaan arintaasi”. Sacad Muse Cabdi Ramaasnews Desk Hargeysa
-
Xaaji Xunjuf;913542 wrote: , but Khatumo wants the attention of HAG and Hassan in Mogadishu. And that seems to be not arriving some how, so marka mar mar bala jubeya and thats what Professor Cali is doing:D.
-
http://www.ramaasnews.com/index.php/News/News/Reer-Buuhoodle-Oo-Maanta-Dhigay-Mudaharaad-Balaadhan-Oo-Ay-kaga-Soo-Horjeedaan-Dhaqdhaqaaqyo-Madaxwayne-Ku-Xigeenka-Puntland-Ka-Wado-Halkaasi.html
-
Reer Buuhoodle Oo Maanta Dhigay Mudaharaad Balaadhan Oo Ay kaga Soo Horjeedaan Dhaqdhaqaaqyo Madaxwayne Ku Xigeenka Puntland Ka Wado Halkaasi Buuhoodle (Ramaas) Jan 28,2013 – Dadwaynaha ku dhaqan Magaalada Buuhoodle ee Somaliland, ayaa maanta dhigay dibad-bax balaadhan oo ay kaga soo horjeedaan Madaxwaynaha Puntland iyo siyaasiyiinta reer Buuhoodle ee u addeega. Dadwaynahan oo isugu jiray guud haaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Buuhoodle, ayaa ka Mudaharaadkan ka dhigay garoon ku yaala Magaalada Buuhoodle, iyagga oo sitay boodhadh ay ku xardhan yihiin weedho lid ku ah Maamulka Madaxwayne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, oo doonaya inuu Buuhoodle ka hirgaliyo hanaanka xisbiyada badan oo Puntland u wareegtay dhawaan. Mudaharaadayaasha ayaa si gaar ah carrabka ugu badinayey Mdaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shirre, oo ay sheegayeen inuu Buuhoodle ka wado dhaqdhaqaaqyo guracan oo siyaasadeed, kuwaasi oo ay ka mid yihiin in xisbiyo laga sameeyo. Mudaharaadayaasha oo u badnaa dhalinyaro iyo haween, ayaa warbaahinta u sheegay inay ka soo horjeedaan isla-markaana ay ka mudaharaadayaan in Madaxwayne Faroole oo addeegsanaya ku xigeenka Cabdisamad Cali Shirre uu xisbiyo Puntland leedahay laga sameeyo Buuhoodle iyo deegaanada hoos yimaada. Mudaharaadkan ayaa yimid ka dib markii maanta ay Buuhoodle gaadheen wefti ka yimid Magaalada Garoowe, kuwaasi oo doonaya inay halkaasi kaga dhawaaqaan xisbi siyaasadeed. Hore waxa Magaalada Buuhoodle u yimid xubno ka mid ah guddida doorashada Puntland, kuwaasi oo olole ka dhex bilaabay dadka deegaankaasi si ay u samaystaan xisbiyo siyaasadeed oo ka qayb-gala doorashadii la doonayey inay Puntland ka dhacdo, inkasta oo Madaxwayne Faroole muddo hal sano ah korodhso. Ramaasnews Desk
-
Washingtoncitypaper: Why Do Ethiopians Eat So Much Raw Meat? You likely know about kitfo, the finely chopped beef mixed with spiced Ethiopian butter and served with awaze or a berbere spice blend or fresh crumbled cheese. (Or perhaps all three at once.) If you're lucky — and don't look like a total Anglo wimp — the Ethiopian restaurant at which you've ordered kitfo will serve it to you raw. If you do look like a total Anglo wimp (and I'm looking at you in the mirror, my man), you will have to practically beg to have it served raw. Kitfo, of course, isn't the only raw meat offered in Ethiopian cooking (or non-cooking). There's also tere saga, sometimes known as kurt, but that is much harder to find in U.S. Ethiopian restaurants. I've only seen it at Abay Market and Meaza. But back in Ethiopia, tere sega is considered a traditional ceremonial dish, often seen at weddings. I mention these two dishes as prelude to a question I hadn't thought about until this week: Why do Ethiopians eat so much raw meat? The question was raised to me by Jabriel Ballentine, a native of the Virgin Islands who's doing some consulting work for Almaz on U Street. He knew the answer. He tells me that raw meat was a war-time invention in Ethiopia — or perhaps "necessity" is a better word, given that troops that cooked their meats were sniffed out by the enemy and slaughtered in their sleep. Ballentine said the troops finally learned it was the smell of roasting meats, and the smoke from their fires, that gave them away. Raw meat, then, was an act of self-preservation. Or at least it was a century or centuries ago. Ballentine couldn't remember exactly which war inspired the raw-meat cuisine. But sometimes Ballentine likes to tease his Ethiopian friends. "The war is over now," he'll tell them. "We can cook the meat now." Just to double-check this tale, I consulted Marcus Samuelsson's excellent cookbook, The Soul of a New Cuisine. There, on page 295, is a recipe for "steak tartare." (I guess when you're a celebrity chef with a book to sell to America, you prefer fine-dining terms over those icky foreign words.) The first sentence of Samuelsson's recipe for kitfo reads: "Legend has it that kitfo — the Ethiopian Steak Tartare that inspired this recipe — came about during one of the many wars between the Christian Gurage and the Muslims, when the Gurages were hiding out in the mountains and needed to develop quick-cooking meals they could prepare without attracting attention from big, smoking fires." There's either some truth here or a wonderful Ethiopian myth. http://www.washingtoncitypaper.com/blogs/youngandhungry/2009/10/02/why-do-ethiopians-eat-so-much-raw-meat/
-
Naxar Nugaaleed How can I be from one village and not own that village? You are even having problems with our villages kk. Khaatumo supporters need to look themselves in the mirror before they accuse others of tribalism. If it makes you feel better I am partly from this district where the fighting is occurring currently.
-
Since you are a Sijui you will be excused. They were never sharp-witted when it comes comprehending the complicated issues in eastern Somaliland but I suppose they think this is Nairobi politics. Did this guy just say "this land is not yours"? Mimicking the popular words the remnants of the Siadists use.
-
Shir maamul loogu samaynayo qaar kamid ah gobolada Koonfureed oo Baydhabo ka socda (Sawiro). on January 23, 2013 Qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka, waxgaradka iyo duqeyti kale ayaa isugu tegey magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay si ay uga arinsadaan maamul loo samaynayo qaar kamid ah Gobolada Koonfureed. Sida la sheegay duqeytida ayaa ka kala ymid Gobolada Shabeelada Hoose, Jubada Dhexe, Gedo, Baay iyo Bakool waxaana tiradoodu gaareysaa 50 oday. Odoyaasha ayaa ka arinsanaya sidi loo dhisi lahaa guddi farsamo iyo sidii lagu taabo gelin lahaa shirka lagu dhisaayo maamul goboladaasu ku mideysan yihiin bisha Feberaayo 2013. Shirka Feberaayo ayaa noqonaya goob la isugu keeno dhamaan kuwa danwadaagta ah, si ay uga doodaan fursadaha maamul loogu samaynayo goboladaas, waxaana la sheegay in shirkan ay Dowladda Federaalku wax ka ogtahay ayna ka joogaan masuuliyiin ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Amniga, waxaana shirkan taageeraya Hay’adda UNDP, waxaana shirkan Amaankiisa sugaaya ciidamada AMISOM ee Baydhabo. Si kastaba ha ahaatee laba kamid ah Gobolada hadda la sheegay in ay ergooyinku ka joogaan ee Jubada Dhexe iyo Gedo ayaa ka mid ah kuwa iyaguna shirku uga socdo magaalada Kismaayo isla markaana la doonayo in lagu yagleelo maamul la magacbaxay Jubbaland, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyaa in aysan marna dooneyn in Jubbaland ka koobnaato gobolada Jubada Hoose, Gedo iyo Jubada Dhexe, waxaana marar badan soo kala dhexgalay iyada iyo Guddiga kumeelgaarka ah ee Maamula Jubada Hoose mad-madow arrintaas ku aadan, taas oo ay dadka qaarkiis ku tilmaamaan giraan dib u laabatey. Dowladda ayaa iska fogeysey marar badan eedaha loo jeedinayo, waxayna sheegeen in dadka dega Jubbooyinku ay aayahooda ka tashan karaan, dhawaan ayey ahayd Markii golaha Wasiiradu sheegeen in loo xilsaarey Wasaaradda Arrimaha Gudaha in ay maamulo kumeel-gaar ah u samayso Gobolada al-Shabaab laga saarey, taas oo ay ka biyo diideen qaar kamid ah dadka degan Jubbooyinka, waxaana lagu wadaa in Golaha Wasiirada Federaalka Soomaaliya ay maalinta berri ah (Khamiis) ka hadlaan qaddiyadda maamul u samaynta Gobolada al-Shabaab laga saarey. Horseed Media Muqdisho, Somaliya