-
Content Count
10,383 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
24
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Saalax
-
Why do they claim not to be Somali then? Remember Somali is a ethnicity. So if they are not Somalis, do they think they are Omani Ethnic groups? That is what I mean by an identity crisis. Regardless whether they speak Arabic or not.The Somalilanders in Kenya and Tanzania speak Swahili and Somali, and they are still connected with their Somaliland roots. One example Abdul Mohamed the new mayor of a district in London, his grandparents grew up there and his parents were born there so was he. wrote: Southwark announces its new mayor Published 23 May 2013 Cllr Abdul Mohamed was announced as the new Mayor of Southwark at Council Assembly last night. Cllr Mohamed was Deputy Mayor last year, and replaces outgoing Mayor Cllr Althea Smith. Cllr Mohamed was born in Kenya's rift valley to Somaliland parents . His grandfather had immigrated to Kenya as a soldier with the King's African Rifles camel corp. http://www.southwark.gov.uk/news/article/1251/southwark_announces_its_new_mayor http://moderngov.southwark.gov.uk/mgUserInfo.aspx?UID=156
-
Muqdisho oo dhaqaale xumo laga dareemayo xili calaamku dhaqaale badan ku bixinayaan. http://www.burcoonline.com/view.php?id=11184
-
-
Xaasid? What is there to be xaasiid about. My own grandfather lived in United Kingdom in the early 20th century far away from home, it is just so ridiculous to see some people living in Oman around the corner having "identity crisis".
-
Who wants to talk to some people suffering an identity crisis within 100 years by living Oman around the corner Lol? There are Somalis who lived in Tanzania, Zambia further away nearly 200 years and they never lost their identity.
-
Prof: Axmed Ismaaciil Samatar oo lagu soo dhaweeyey Somaliland, si qaddiyadaysanna Ciidda u dhunkaday (Sawirro) Hargeysa(RBC):- Prof Axmed Ismaaciil Samater, ayaa galabta si diirran loogu soo dhaweeyey magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, ka dib markii uu muddo 22 sano ah Somaliland ka maqnaa, isla markaana uu si weyn ugu ololayn jiray qaddiyadda midnimada Soomaali-weyn, kana soo horjeeday gooni-isu-taagga Somaliland.Axmed Ismaaciil Samatar oo dhalasho ahaan ka soo jeeda gobolka Awdal ee Somaliland, ayaa 22-kii sano ee u dambeeyey si weyn u taageeri jiray qaddiyadda midnimada Soomaaliweyn, balse dhawaan iska casilay xubinnimada Baarlamaanka Soomaaliya ee sannadkii hore la doortay, ayaa galabta soo gaadhay magaalada Hargeysa, isaga oo markii uu diyaraad ka soo qaadday Berbera ka ga soo degay garoonka Cigaal ee Hargeysa dhulka dhunkaday. Prof Axmed Ismaaciil Samater, oo bishii sagaalaad ee sannadkii 2012-ka u tartamay jagada Madaxwaynenimo ee dalka Soomaaliya, balse ku hongoobay, ayaa bil ka hor iska casilay xubinnimada Xildhibaannimada Baarlamaanka Soomaaliya oo uu ka mid ahaa Baarlamaankii la soo doortay 2012-kii ayaa waxa madaarka ku sugayey boqollaal qof oo reer Somaliland ah, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin Madax-dhaqameedka kala duwan ee reer Somaliland, kuwaasi oo qaarkood ka yimaadeen Magaalada Borama.Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo ka hadlaya Ujeedada Socdaalkiisa Xilligan ee Somaliland waxa uu Sheegay inuu salka ku hayo sidii uu u ogaan lahaa xaalada dhabta ah ee ay dadkiisu ku sugan yihiin isagoo intaas ku daray in isaga iyo Koox la socotaaba ay Socdaal ku tagi doonaan Degmada Saylac ila Degmada Ceerigaabo si uu Xog ogaal ugu noqdo Nolosha dhabta ah ee Somaliland isla markaana uu u helo Xog uu adduunka u bandhigi karo. Axmed Ismaaciil Samater oo markaa ka dib saxaafada hadal kooban ku siiyay qolka Nasashada Ee Madaarka diyaaradaha Hargeysa, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu dalkiisa hooyo ku soo nabad noqdo, waxaanu yiri; “Somaliland waa dalkaygii, waana dhiigaygii, wax badan ayay qabsadeen lamana dafiri karo, cid walbana inay u soo istaagto ayay ku khasban tahay.”“Saylac ilaa Ceerigaabo ayaan marayaa, dadkaan wareysanayan, aniguna war badan baan sidaa. Markaan xogta dadka ka urursado ee aan xukuumadda, odayaasha, dhalinyarada iyo bulshada Somaliland la kulmo ayaan si rasmi ah u hadlayaa.” Sidaa ayuu yiri Prof: Axmed Ismaaciil Samatar. Wasiirka Wasaaraedda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Somaliland Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geel-Jire), oo ahaa Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada Soodhawaynta Axmed Ismaaciil Samatar Xukuumadda Siilaanyo u magacawday, oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan ku faraxsan yihiin inay dadkiisa iyo dhulkiisa Somaliland ku soo dhaweeyaan Prof Axmed Ismaaciil Samatar oo uu xusay inuu Somaliland muddo dheer ka maqnaa. RBC Radio Xafiiska wararka ee Hargeysa. http://www.raxanreeb.com/2013/06/prof-ismaaciil-samatar-oo-lagu-soo-dhaweeyey-somaliland-si-qaddiyadaysanna-ciidda-u-dhunkaday/
-
It is not photoshopped. It is authentic. Pro Axmed Ismaaciil Samatar oo Dhunkanaya Ciida Ka Dib Markii uu ka soo dagay ciida muddo Afartan Sanno ka dib Dalka kuso laabtay. http://togaherer.com/daawo-sawirada-soo-dhawaynta-pro-axmed-ismaaciil-samatar-oo-si-heer-sare-ah-loo-soo-dhaweeyey-magaalada-hargeysa/ More pictures. http://toggaherernews.com/daawo-sawirada-soo-dhawaynta-pro-axmed-ismaaciil-samatar-oo-si-heer-sare-ah-loo-soo-dhaweeyey-magaalada-hargeysa/
-
Somalia needs true reconciliation not fake smiles and photo ops.
-
Our president Hassan Sheik violated our constitution by changing some provisions in way that is illegal under the law. He also continuously obstructs justice by refusing federal states to exercise their rights under the constitution. https://www.facebook.com/pages/Impeach-President-Hassan-Sheik-of-Somalia/383724888411069
-
Republic of Somaliland seeks stronger ties with Kenya
Saalax replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Interesting. It is good to make diplomatic relations with neighboring countries apart from Somalia which is hostile. -
Xaflaad badana daadkan, waligood xaflaad kama baxayan. Dhuulkoodana waxba uma qabtan. Ma waxa la yiri niiko ba lagu xorayn dhuul?
-
Wasiirka Arimaha gudah ee Somalia: ””Maamulka Kismaayo wuxuu la mid yahay ilmo Meher la’aan dhashay”’!. Cabdi Kariim Xuseen Guuleed, Wasiirka arimaha gudaha iyo amaanka qaranka Soomaaliya, ayaa waxa uu si layaab leh oo aan siyaasad lagula leexan uga hadlay arinta ku aadan maamulka Jubaland ee dhawaan Axmed Madoobe sheegtay in uu ka hir geliyay Kismaayo.“Maamulada la dhisay inta ay jirto xukuumadaan ma aha kuwa dowladu aqoonsantahay. Waxa ay ka dhiganyihiin ilma sharci la’an dhashay. Dowladu marnaba ma aqoonsan doonto dhamaan wixii shaci darro ah”, wasiirka ayaa ku waramay mar wax laga weydiiyay sida ay dowladu u aragto maamulka Axmed Madoobe ee Kismaayo looga dhawaaqay.Dadka sida aadka ah u falanqeeya hadalada qayaxan ee saxaafada laga baahiyo iyada oo koox si gaar ah loo bar-tilmaamedsanayo ayaa waxa ay iftiimanayaan in hadalka wasiirka ee ah in ilma sharci la’aan dhashay iyo maamul dad badani ku daaleen uu dhalin karo khilaaf hor leh.Hadalka wasiirka ee ah in aysan jirin wax layiraahdo mamaul gobaled la dhisay intii ay jirtay dowlada Xassan Sheekh Maxammuud ayaa waxa uu imaanayaa iyada oo dhawaan Kismaayo looga dhawaaqay maamulka lamagac baxay Jubalanad ee Axmed Madoobe hogaamiyo , kaasoo ay doorteen shacab Soomaaliuyeed oo kor u dhaafaya 500 oo ruux oo odey dhaqameedyo la xushmeeyo ku jiraan.Waxaa sidoo kale maalmahan isa soo tarayey dadka sida weyn uga soo horjeeda Abdikariim Xuseen oo ah wasiirka haatan loogu neceb yahay golaha wasiirada ee xukuumada Daamu jadiid ee Xasan Culusow hoos tagta. Waxaana hadaladani yihiin kuwo dhaawacaya guud ahaan akhlaaq hadalka mas’uuliyiinta sar sare ee dalka oo ay ka turjuman tahay dadka ay shaqada u direen nooca ay yihiin. http://horufadhi.com/2013/06/01/wasiirka-arimaha-gudah-ee-daamujadiid-maamulka-kismaayo-wuxuu-la-mid-yahay-ilmo-meher-laaan-dhashay/
-
Friday, May 31st, 2013 at 08:49 am C/qaasim Salaad Xasan oo shacabka ku booriyey iney dowladda taageeraan si dhibka looga boxo,kana hadlay arimaha jubooyinka Qaahira(RBC Radio) Madaxweynihii hore ee dowladii kumeelgaarka ahayd ee Carta Dr.C/qaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay xaaladaha dalka Soomaaliya,wuxuuna sheegay in dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya ay xalin karaan dadka Soomaaliyeed,wuxuuna tilmaamay in dalku uu xiligan ku tallaabsanayo horumar iyo ifafaalo nabadeed. C/qaasima Salaad Xasan ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney taageeraan dowladooda,wuxuuna ammaanay tallaabooyinka ay qaaday dowladdu qaaday oo uu ku tilmaamay iney yihiin bilow wanaagsan oo mudan iney halkaa kasii wadaan masuuliyiinta dowladda hogaaminaya shacabkune ay ku gacan siiyaan dadaalkooda si ay u rumowdo in Soomaaliya laga saaro dhibaatada ay ku raagtay. Madaxweyne C/qaasim Salaad Xasan ayaa tilmaamay in sida kaliya ee ay dadka Soomaaliyeed mar labaad ku walaaloobi karaan ay tahay in la isku keeno waxgaradka Soomaaliyeed si ay uga xaajoodaan waxyaabihii ummadda kala gaaray 22-kii sano ee ugu danbeeyey iyo ka hor burburkii dowladdii Jaalle Maxamed Siyaas Barre. “waxaa loo baahan yahay in la iskugu yeero cuqaasha iyo waxgadarka ummadda Soomaaliyeed si ay uga wada xaajoodaan dhibaatooyinkii kala gaaray dadka Soomaaliyeed,si ay ummadda heshiis dhab ah u dhex-dhigaan,waana in laga xisaabtamaa wixii la isgaarsiiyey shacabkane loo kala celiyaa hantida ma guurtada ah,isla markaane laga heshiiyaa dhibaatooyinkii la isgaarsiiyey,la iskane cafiyaa wixii dhibaato ah ee la isku geystay,si loosoo celiyo qaranimadii Soomaaliyeed” ayuu yiri Dr. C/qaasim Salaad Xasan. Jubooyinka Madaxweyne C/qaasim Salaad oo ka hadlayey arimaha Jubooyinka ayaa sheegay in goboladaasi ay yihiin gobolo Soomaaliyeed isla markaane ay wada leeyihiin Soomaalidu balse wuxuu si gaara u xusay in codka iyo go’aanka aayo katalinta goboladaas ay xaq u leeyihiin dadka Soomaaliyeed ee deegaanka u dhashay. Wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in Jubooyinka ay yeeshaan maamul ay ku mideysan yihiin dhammaan bulshada goboladaas isla markaane ay ay raali ka wada yihiin oo ay iyagu doorteen ,kuna yimi rabitaankooda. Wuxuuna dhanka kale tilmaamay iney lagama maarmaan tahay in dowladda Soomaaliya ay ku lahaato shirkaas doorkeeda dowladnimo,maadaama ay iyadu dalka dowlad u tahay,wuxuuna sheegay iney habboon tahay in dowladda ay wax ka ogtahay dhisida maamulkaas si ay u siiso taageerada uu u baahan yahay oo dhaqaaluhu uu kow ka yahay. Madaxweynihii hore ee dowladii kumeelgaarka ahayd ee Carta Dr C/qaasim Salaad Xasan ayaa ugu danbeyntii alshabaab ugu baaqay iney xabbada joojiyaan isla markaane ay yimaadaan miiska wada hadalka ayna ka waantoobaan dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna wax aan la aqbali karin ku tilmaamay faragalinta ay dalka ku hayaan dowladaha dariska,wuxuuna alshabaab ugu yeeray iney dagaalka Joojiyaan si aysan dalalka derisku u helin marmarsiiyo ay kusii joogaan dalka isla markaane ay kusii wadaan faragalinta qaawan ee ay dalka ka wadaan. RBC Radio Xafiiska Wararka Muqdisho http://www.raxanreeb.com/2013/05/cqaasim-salaad-xasan-oo-shacabka-ku-booriyey-iney-dowladda-taageeraan-si-dhibka-looga-boxokana-hadlay-arimaha-jubooyinka/
-
SOO MAAL The Hogaagane raid was purely led by Somalis, especially Haji Warsame Buraale who was known as Haji the Hyena another cousin of Igare. Igare raid was different, he was leading 450 Somali rifle men and took with him 5,000 local tribesmen to loot the Dervish, it happened before 1921. The British did bomb Taleex, but no one is claiming that. We are talking about raids led by Somalis. "A remarkable somali , Risaaldr Major Haji Musa Farah led a Somali army of 450 rifles a hundred mile across the Waterless Haud, picking up some five thousand local tribesmen on his way, attacking the Dervish camps and capturing several thousand camels and Sheep. This triumph was a blow to the sayyid, as his forces moved always with their families and depended on their livestock meat and milk."
-
-
Whether he looks Bantu or not, nin rag ah bu aha. He did a number on Khaatumo folks and the Mad Mullah. Haji Musa Farah(Igare) ha noolaado. There is schools and towns named after him in Somaliland.
-
You need Specsavers.