-
Content Count
10,383 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
24
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Saalax
-
Mooge I did not badmouth any community unlike our suicide bomber wannabe resident here.However the similarities between Junior and elder faysal is undeniable.
-
Video released by ISIS. https://www.youtube.com/watch?v=lnXuflG9OhI
-
Bacaac You're boring me Junior Faysal Ali Waraabe. Craziness must run in the family. It seems more medications are needed to stop such a people doing crazy things like becoming the latest suicide bomber. Is that how much some people hate their lives.
-
Calm down junior Faysal Ali Waraabe don't blow yourself up in the topic. Terrorism is not the way to go.
-
Che Yh it is the same kid uu fakfakanayay terrorism.
-
Well we have our own local extremists in SOL, they need to be monitored by the MI15 and FBI.
-
Will Cidaan Sultan follow suit and join ISIS? Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Wiil Uu Dhalay Oo Ku Biiray Kooxda Daacish(ISIS) Ee Ciraaq iyo Suuriya Ka Dagaalanta. Hargeysa(Ramaas)Aug.05, 2014- Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng: Faysal Cali Waraabe, ayaa Xaqiijiyay inuu Isagu dhalay Wiil ku biiray Kooxda Daacish ee ka dagaalamaysa Ciraaq iyo Suuriya. Kooxda Daacish ayaa Muuqaal ay Inankan oo Magaciisa ku Sheegay Abu Shucayb AlSomali ka duubeen soo galiyay Barta Internet-ka ee Youtube. Waxa uu ku sheegay Muuqaalka inuu Finland ka soo hijirooday “Halkan waxaan u imid inaan ku biirro kooxda Daacish, waxaana kasoo hij-rooday dalka Finland,” Hase ahaatee Eng: Faysal Cali Waraabe oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay inuu Inankiisa yahay ninkaasi Magaciisuna yahay Xuseen Faysal “Horta Wiilku Waa wiilkaygii, Alxamdulillaahi, waa Wiilkaygii. Waxa uu ku dhashay Finland. Saddexdii sano ee u dambeysay ayuun buu Inanka yari uu Salaadda iyo Diintii Bilaabay, wuu fiicnaa haddii uu Diinta bartay oo waaban ku faraxsanaa Inan yar oo Yurub jooga oo Diinta baranaya ayuu ahaa, laakiin sanadkii 2013-kii ayaa la waayay, inta uu Guursaday oo Gabadhiisiina kaxaystay, kadibna Hargyesa ayuun baa lagu arkay isagoo dhuumanaya oo Hotel loo diiday inay seexdaan isaga iyo Xaaskiisu. Markaa waxa la ogaaday isagoo la leeyahay Gabadha inaad qabto soo xaqiiji, ka dibna waxaa la yidhi Inankii Xuseen ayaa halkan jooga, sidaas ayaana lagu soo kaxeeyay oo gurigayga lagu keenay.” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe. Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in markii sanadkaasi 2013-ka Hargeysa wiilkiisu yimid uu uga shakiyay inuu Al-shabaab u socdo, isla markaana laga qaaday laba Basaboor oo uu sitay, Ilaaladiisana uu ku balamiyay sidii ay u ilaalin lahaayeen, balse uu goor habeen ah ka baxsaday, cidna ay ugu dambeysay isagoo ku sii jeeda Boosaaso oo uu Basaboor ka raadsanayay. Ramaasnews Desk Hargeisa. - See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Faysal-Cali-Waraabe-Oo-Ka-Hadlay-Wiil-Uu-Dhalay-Oo-Ku-Biiray-Kooxda-DaacishISIS-Ee-Ciraaq-iyo-Suuriya-Ka-Dagaalanta.html#sthash.jXVwcjYO.dpuf
-
The thing is South Somalia soldiers can't be trusted, they will fight each other as a different factions like what is happening in Lower Shabelle, Mogadishu and other regions. So I don't blame others for taking advantage of them.
-
Cirro because he has a bigger support base. Jamal Ali ratings are rising as well since many supporters of Musa Bixi who had a dispute with Siilanyo defected to the opposition parties.
-
I support the opposition. Both Jamal Ali Hussein and Cirro got good credentials. Regarding their education Cirro the parliament speaker who solved many conflicts that could have damaged Sland in his reign at the house of parliament has bachelor's degree engineering degree from Finland and Master's degree in MBA from the American University. Jamal Ali Hussein also has a degree and was the CEO of Citibank Tanzania Limited.Frankly both are much better than divisive sleeping Siilaanyo. Anything is better than Ina Bureeqa who is told when to sleep, when to eat, when to sit, when to speak. 2:48
-
At 2:48, sad. I told you guys.
-
He won't be given anytime, the opposition said they will not allow any extension at all. He won't be given any breathing room.
-
Galbeed, he is lying. He went to UK for medical check up, it is a routine thing. Even when he landed in Hargeisa, journalists were refused to interview him, so there is something up.
-
Wefti Ka Socda Urur Goboleedka IGAD Oo Xukumadda Somaliland Ku Dhiiri Galinaya Qabashada Doorashada, Shir Caafimaadka ku Saabsana Ku Casuumay Hargeysa(Ramaas)August-02-2014- Wasiirada Arimaha dibada, Arimaha gudaha iyo Caafimaadka ee Somaliland ayaa Xaruntka Wasaaradda Arimaha dibada kulan kula yeeshay Wefti ka socda Urur Goboleedka IGAD, halkaasi oo ay kaga wada hadleen Arimo la xidhiidha wada shaqaynta labada dhinac iyo taageerooyin uu Somaliland siiyo Ururka IGAD. Weftiga IGAD ayaa sheegay inay Doorashada 2015-ka ka caawinayaan Somaliland, kuna dhiiri galinayaan sidii loo qaban lahaa Xukumadda. Weftiga IGAD waxaa hogaaminaya Safiirka u qaabilsan IGAD Somaliland iyo Somalia Ambasador Maxamed Afay, kaasi oo markii u horaysay Somaliland yimaada. Wasiirka Arimaha dibada Somaliland Maxamad Biixi Yoonis oo markii Kulanku dhamaaday Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay Weftiga ku casuumeen sidii ay Somaliland u iman lahaayeen, siina joogi doonaan dhawr maalmood. “Waxaa maanta farxad weyn noo ah, inay halkan nala joogaan Wefti ka socda IGAD oo uu hogaaminay Maxamad Afay oo uu la socdo Dr Axmed Xasan Mataan. Weftiga waa markii u horaysay ee AMbasador-ku halkan naagu yimaado, anagaana ku soo casuunay. Cilaaqaad Culus ayay Somaliland iyo IGAD wada leedahay. Sida aad la socotaan Mashaariic badan ayay Igad inoo hir galisaa. Aad iyo aad ayaan mar labaad u soo dhaweynayaa Weftiga, waxay nala joogi doonaan saddex cisho, waxayna la kulmi doonaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis. Wakiilka IGAD ee Somalia iyo Somaliland Maxamed Afay ayaa sheegay inay Mashaariic kala shaqeeyaan Somaliland “ IGAD waxay hore xidhiidh dhaw ula lahayd Somaliland, iyadoo kala shaqayn jirtay Iskuulka Sheekh ee Xanaanada Xoolaha oo Ardayda dhigataa ka kala yimaadeen Wamada IGAD guud ahaan.” Ayuu yidhi Safiirka Igad Waxa uu Intaasi raaciyay Maxamed Afay “ Waxaanu haddana halkan u nimid inaanu Xaqiijino waxa ka jira Halkan iyo inaanu ku dhiiri galino, Doorashada Sanadka soo socda ka dhici doonta Somaliland, inaanu diyaar u nahay inaanu Dawladda ku garab galo oo la qabano. Wixii Runtii ay Taageero nooga baahdaana aanu siino. Doorashadaasi oo Runtii muhiim u ah umadda ku nool halkan iyo guud ahaan Geeska Africa. Waxa kale ee aanu u soconay in Shir Adis Ababa ka dhacaya oo ay iskugu imanayaan Weftiyo Caalamkoo dhanka socodaa iskugu imanayaan, inaanu Somaliland ku soo marti qaadno ka qayb galka Shirkaasi. Shirkaasi oo ku saabsan Caafimaadka, runtiina aanu jecelahay inaanu wixii aanu caafimaad ahaanka qaban karo ku taageero wasaaradda Caafimaadka. Ramaasnews Hargeysa-desk - See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Wefti-uu-Hogaaminayo-Safiirka-Somaliland/Somalia-Ee-Urur-Goboleedka-IGAD-Oo-Xukumadda-Somaliland-Ku-Dhiiri-Galinaya-Qabashada-Doorashada-iyo-Arimo-kale.html#sthash.PrJezCVD.dpuf
-
Mucaaridka Oo Shaaciyay In Soomaliland Loo Samayn Doono Dawladda Ku Meel Gaadh Ah Hargeysa(OWN)Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa shaaciyey inay xisbiyada mucaaridka ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshaddu samayn doonaan dawlad ku-meel-gaadh ah haddii doorashooyinku ku qabsoomi waayaan waqtiga loo qoondeeyey ee badhtamaha sannadka 2015. Murrashaxa madaxweyne-ku-xigeenka UCID Mr. Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa sheegay in aanay xisbiyada mucaaridka ah, gaar ahaan xisbigooda UCID sinaba u aqbali doonin in wax muddo-kordhin ah loo sameeyo xukuumadda KULMIYE marka la gaadho 26 June 2015 oo ah waqtiga muddada shanta sanno ee la doortay kaga dhammaanayso madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa. “Haddii doorashaddu waqtigeeda ku dhici weydo waa dhalliil xukuumaddu leedahay, waxaanna imanaysa in aan lagu abaalmarin in loo kordhiyo muddada, balse lagu abaal-mariyo in dalka laga sameeyo dawlad ku-meel-gaadh ah oo ka kooban mucaaridka iyo ururrada bulshadda si dalkan ay uga dhacdo doorasho, shacabka reer Somaliland-na waxaan ugu baaqayaa inay u diyaargaroobaan arrintaas, lana xisaabtamaan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo,” ayuu yidhi Mr. Cabdirashiid Xasan Mataan oo waraysi siiyey idaacadda Radio Hilaac shalay. Waxa kaloo uu xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey in aannu ka dhex jirin wax isla xisaabtan ah oo la xidhiidha waajibaadka shaqo ee dadweynaha loo hayo, isagoo xusay in aanay xisbi ahaan aqbali doonin in muddo-kordhin loo sameeyo xukuumadda KULMIYE. “Runtii haddii aannu wax xisaabtan ah jirin sida ka muuqata xukuumadda Siilaanyo, waxaan qabaa in aan loo kordhin wax muddo ah, annaguna ka xisbi ahaan ma aqbali karno muddo-kordhin loo sameeyo, mana jiro xisaabtan la xidhiidha adeegyada ummadda loo hayo, haddii aannu xisaabtan jirina meesha waa la isla lumayaa, nin shaqadiisa qabsan waayeyna waxba loo kordhin maayo. Waa la ogaa inay waajibtahay in doorasho dalka laga qabto. Waa logaa in doorashaddu waqtigaas dhacayso, una mudaysan tahay. Ilaa hadda xukuumaddu golaha sharci-dejinta umay gudbin xeerkii diwaangalinta, waxaanna la oghayahay in diwaangelintu sida qorshuhu yahay dalka ka bilaabmayso bil ka bacdi (bisha September),” ayuu murrashaxa madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga UCID. http://oodweynemedia.com/mucaaridka-oo-shaaciyay-in-soomaliland-loo-samayn-doono-dawladda-ku-meel-gaadh-ah/
-
Dawladda Dalka DENMARK Oo Digniin Kasoo Saartay Shirkadda Xawiladdaha Ee DAHABSHIIL July 30, 2014 Hargeysa(OWN)Denmark cabsi badan ayey ka qabtaa hawlaha ganacsi ee Shirkadda Dahabshiil ka wado gudaha dalkeeda, Sidoo kale dawladaasi Denmark waxay dalbanaysaa in hawlwadeenada Dahabshiil la saaro Maxkamad sidoo kalena lagala laabto Leesinka shaqada, waxaa sidaas lagu sheegay Dacwad ay Wasaaradda Ganacsiga Denmark waaxdeeda loo yaqaan FSA u gudbisay Boliiska sida ku cad warbixintaan oo aan ka soo turjunay Website-ka FSA. Kontoroolka iyo la socodka Shirkadaha xawaalada ayaa aad u yar. Boliiska ayaa ka cabsi qabo iney albaab u furayaan dambiilayaasha. Xiligaan kuleelaha ayaa Hay’ada la socodka dhaqaaqa lacagaha(Finanstilsynet) ku dacweysey laba shirkadood oo yar yar boliiska, Midkoodna waa Dahabshiil. kuwaas oo Kobehagen ku yaal. Finanstilsynet ayaa cabsi ka qabta, sida ay wax u wadaan Shirkadahaas. Cabsidaas oo ah iney dhaqaan lacagaha dadka dambiilayaasha ah oo si qaldan u helay lacagtaas iyo iney lacag u xawilaan ururada argagaxisyada ah ee dibada. Waxaa muhiim ah iney shirkadahaas si sax ah u og yihiin magacyada dadka isticmaala xawaaladahaas, isla markaasna ay foojignaan gaar ah u yeeshaan hadii si qaldan loo isticmaali karo shirkadahaas. Hadii aysan taas dhicin waxaa boliiska ku adkaaneyso iney ogaadaan hadii si qaldan oo dambi ah loo isticmaalo adeegooda, sida lacag dhaqid ama caawinaad argagaxisnimo. Sidaa ayuu yiri Mark Andrew Rønnenfelt oo ah madaxa xafiiska Finans. Hayadaha Lasocodka dhaqdhaqaaqa lacagaha ee denmark ayaa sheegtay in booliiska ka cabsi qabo maalgelin argagixiso iyo lacagta la dhaqay ? Laba ka mida shirkadaha xawaaladaha lacagta ee Kobanheegan, waxay si weyn ugu xadgudbeen xeerka iyo sharciga u degsan xawaaladlayaasha Denmark ama Midowga Yurub. FSA waxay boliiska u gudbiyeen Kiiska Xawaaladda Dahabshiil si ay ugu sameeyaan baaris dhameeystiran .Tan iyo 2012, wuxuu Xafiiska Serious Fraud ku helay 17 kiis Shirkadahaan wax xawila. Cabsida ugu weyn waxay tahay qaabka ay gacanta ugu hayaan xogta dadka isticmaala shirkadaha xawaaladaha lacagta oo yar, iyo halista Khayaanada laga cabsanyo in ay albaabka u furi karto dembilayasha.Kuwaas oo isticmaali kara dambiilayaasha si ay sidoo kale lacagta la dhaqay ama lacag ay argagixisada dibadda u dirayaan. Shirkadaha waa in la ogaado aqoonsiga ee macaamiisha ay wax u qabayaan, waana ku waajib ineey ilaaliyaan xeerarka u yaala qaybahaan iyo inay ogaadaan wixii macaamil ganacsi shaki ka galo taasoo looga baahan yahay inay ku wargeliyaan Boliiska. Haddii shirkada Dahabshiil sidaasi yeeli weydo,waa hubaal in boolisku uu qaban doono soona heli booliska in badan oo ay adagtahay in la ogaado hawlaha dambi ah sida lacagta la dhaqay ama taageero argagixisada, waana arrin culus. Sidaa darteed, waxaan ku khasbannahay in booliiska u sheegto marka aynu aragno Xaaladaha gaar ahaan u fool xun, ayuu yidhi madaxa hay’ada FSA ninka liyaarhdo Mark Andrew Rønne. laba shirkadood –ee Dahabshiil Money Transfer Service ee Kobanheegan waqooyi galbeed iyo Quick International Money Transfer ee Vesterbro ee Kobanheegan –ayaa lagu dhaleeceeyey sida aan waafaqsaneyn xeerka lacagaha ee ay maamuleen arrimahaooda lacag dirista, iyo weliba tababar la’aanta shaqaalaha ee iyagoo aan heyn ,maluumaad ka sax ah ee macaamiishooda. Iyo weliba wakiilo kale oo jooga meelo aan si sax loo ogeyn aanan la koontorooli karin sahaqadooda. Waxaaa FSA aragtideeda ah in u hoggaansanaanta shirkadda Lacagta ka shaqeeyaahi iney u hogaansamaan shuuruucda dalkan u taala shaqaalaheedana u tababartaa. Waana waajib in hay’adaha dawlada lasocodsiiyaan wixii ay ka shikiyaan , laakiin dahabshiil weligeed lama soo xiriirin hay’adaha amniga iyo weliba laamaha dadwlada arrimo la xiriira arrinkaa. Waana qeyb kamida in hay’ada lacagaha ay booliska u gudbiso si ay usoo baaraan waxyaabaha ay qarisay Dahabshiil maadama la ogaaday inay xiriir la leedahay argagixisada Somalia. Mar uu hadley Muse Farah Jama oo wakiilka Dahbshiil Denmark wuxuu sheegey inay isku dayayaan ineey ilaaliyaan sharciyada wadankaan, isagoo sheegey inay leeyihiin saddex wakiil oo kala jooga magaalooyinak kala ah Kolding , kuwaas oo ka madax banaan Dahabshiil International. Wuxuu ku celceliyey ineey sixi doonaan wixii qaldan kuna dadaali doonaan ilaa linta sharciyada dalkan , laakiin kiisku hada wuxuu ku jiraa gacanta booliska oo baaraya ceedeymaha loo soo jeediyey Dahabshiil. Go-aanka Dowladda Norway maaha mid qarsoon,hadii boliiska soo gudbiyaan cadeeyn la xiriirta inay Dahabshiil ku dhiiratay wax isdabamarin iyo lacag u diris kooxaha argagixisada waxaan kala laaban doonaa leesinka shaqada,iyadoo hoowlwadeenadana lala tiigsan doono Cadaalada si loo xukumo. Dowladda Denmark cabsi weyn ayey ka qabtaa in Shirkadda Dahabshiil ka sii shaqeeyso dalkeeda maxaa yeelay waxaan dareenkaan kala simanahay Midowga Yurub waana sababta Barclays Bank iskaga diiday inuu la macaamilo Dahabshiil. HALKAN KA AKHRI WARBIXINTAASI https://www.finanstilsynet.dk/da/Tal-og-fakta/Vurderinger-af-finansielle-virksomheder/2014/VU-Dahab-Shiil-030714.aspx
-
They are pretty useless. Don't count on them Somalis Lol.
-
I would recommend Buur Hakaba.
-
Were all those 6 MPs from Puntland?
-
Interesting read. SOL appreciates your services Galbeedi. Guelleh trying to deploy AMISOM in the border between Djibouti - Somaliland has been everywhere in the news this days. Eid Mubarak.
-
Garaad Salebaan played very well and served his interest. A $100k and a couple of cars to make some talks then disappear back to the city you lived in.The only loser in this is Siilaanyo.
-
Garaad Saleeban is a staunch Puntlander and everyone in the political circles knows that, it was naive for Siilaanyo to think he could bribe him with cars and cash. It backfired on him big time.
-
^ Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Oo Gaadiid Somaliland Siisay ku Tagay Garoowe iyo Madaxda Puntland oo soo Dhaweyn Diiran u Sameeyay http://ramaasnews.com/index.php/News/Garaad-Saleebaan-Garaad-Maxamed-Gaadiid-Somaliland-Siisay-ku-Tagay-Garoowe-iyo-Madaxda-Puntland-oo-soo-Dhaweyn-Diiran-u-Sameeyay.html#sthash.3UHCIMCt.dpuf
-
Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Oo Gaadiid Somaliland Siisay ku Tagay Garoowe iyo Madaxda Puntland oo soo Dhaweyn Diiran u Sameeyay Garoowe(Ramaas):-Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ka mid ah Isimada Gobolka Sool ayaa shalay lagu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland. Garaad Saleeban Maxamed ayaa ka mid ahaa Madaxdhaqameedyada Gobolka, waxaanu dhawaan degmada Xudun ku soo dhaweeyay wefti ka socday Somaliland oo uu hogaaminayay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan. Waxaanay ka wada hadleen sidii Garaadku Somaliland ula shaqayn lahaa. Xidhiidhka u dhexeeyay Garaadka iyo Xukuumadda Somaliland, waxa kale oo ka mid ahaa Gaadiid Hargeysa looga diray oo la siiyay iyo wada hadalo hore u dhex maray, waxaana gaadhi Xukuumaddu siisay loogu sii dhiibay wefti uu hogaaminayay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo muddo ka hor xukuumaddu soo dhaweysay. Garaad Saleebaan Garaad Maxamed waxaa sabtidii shalay Qasriga Madaxtooyada Punland ku qaabilay Madaxweyne Cabdiweli Gaas iyo ku xigeenkiisa Mr Cabdixakiim Camay. “Soo noqoshada garaadka aad baan ugu faraxsanahay sababo badan awgood, waana u baahnayn. wuxuu muhiim u yahay midnimada Puntland iyo arrimo kale oo badan, Garaad Saleebaan mar walba door muhiim ah ayuu kaga jiray Puntland waana udub-dhexaad.” Ayuu Madaxweyne Gaas yidhi. Garaad Saleebaan ayaa isna warbaahinta u sheegay inuu ku faraxsan yahay soo dhawaynta Garoowe loogu sameeyay. Waxa uu sheegay inay arimo badan ka wada hadlayaan Madaxda Puntland “Dadkii Riwaayad baa loo dhisay been baa lagaliyay maamulo aan jirin oo soconaya ayaa loo sheegay Dadkii bur burkaasa ku dhacay ‘’ ayuu Garaadku sheegay. Ramaasnews Garoowe-des - See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Garaad-Saleebaan-Garaad-Maxamed-Gaadiid-Somaliland-Siisay-ku-Tagay-Garoowe-iyo-Madaxda-Puntland-oo-soo-Dhaweyn-Diiran-u-Sameeyay.html#sthash.3UHCIMCt.dpuf
-
Siilaanyo gets robbed again. He gave Garaad Salebaan a couple of cars as a way to try and bribe him but failed.