Somalina
Nomads-
Content Count
7,672 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Somalina
-
Somali United oo kuguuleysatay Koobka Somali Week 2011 ee Toronto Ciyaartan ayaa waxay ku soo dhamaatay 5-1 oo ay Tigers isku dhibeen http://xiddigaha.ca/unitedchampions2011.html
-
Canada " frameborder="0" allowfullscreen>
-
Holland " frameborder="0" allowfullscreen>
-
Somaliland government ready to aid famine effected Somalia.
Somalina replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Som@li;740310 wrote: :D, ana waykan moment, too little too late Waxa ay wadaan maadan fahmin? Maamulka SL dadkooda hadey garteen iney caawiyaan waala soo dhaweynaayaa. Reer PL, Reer Banaadir, Reer Gedo kuligood extended a hand to their brothers and sisters dhibaateysan, soo dhawaada reer SL idinkuna. -
Somaliland government ready to aid famine effected Somalia.
Somalina replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
:D -
Xasan Dahir oo qiray in khilaafaad uu u dhaxeeyo Saraakiisha Al-Shabaab Xasan Dahir Aweys oo ka mid ah Saraakiisha Al-Shabaab ayaa markii u horeysay ka dhawaajiyay inuu jiro khilaaf ka dhex taagan Saraakiisha Al-Shabaab, kaasoo uu ku tilmaamay in dhowr arrimood markii hore la isku qabtay. Hadal uu siiyay Warbaahinta oo u muuqatay in Xasan Dahir ku muujinayo khilaafka taagnaa ayaa marka hore soo qaatay in la isku qabtay in Ciidamada Al-Shabaab laga saaro aagaga oo aanay difaac gelin, bedelka arrintaas loo bedelo sida dagaalada ku dhufo oo ka dhaqaaq ah oo la mid ah sida kuwa Afganistan. "Asalka dagaalka waa Guirela nuuca ku dhufo oo ka dhaqaaq ahaa oo la mid ah sida Afganistan, ma ahan inaan difaac galno, waayo ma heysano Taangiyeyaal, sidoo kale qorshaha naga waa inaan cadawgaas naafeyno"ayuu yiri Xasan Dahir Aweys oo tibaaxay in horay isaga u soo jeediyay dalabkaas. Xasan Dahir ayaa sidoo kale sheegay in maadaama aysan laheyn iyaga Taangiyo aanay munaasab aheyn inay is-hortaagaan, waxaana uu sheegay in nuuca haatan ay dajiyeen tahay mid lagu xanuujinayo sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale waxaa uu sheegay in arrinta kale ee khilaafka uu ahaa xuskii degmada Afgooye loogu sameeyay bishii May geeridii Hogaamiyihii Al-Qaacida Usama Bin Laden, taasoo buu xusay in ragg ka tirsan Shabaab ay diidanaayeen. Xasan Dahir ayaa waxaa uu qiray in aanay Warbaahinta isku Riddi doonin ama isku weydaarsan doonin hadalo iska soo horjeeda, waxaa uu tibaaxay inay hadafkooda yahay inay wax ku saxaan sida uu hadalka u dhigay. Waxaa uu kaloo sheegay in Muqdisho aanay ka wada bixin, oo qorshaha yahay in lagu sugnaado si loo wajaho Cadawga, dagaalana lagu qaado waqti kasta, waxaana uu sheegay in sababaha ay u doorteen dagaalka ku dhufo oo ka dhaqaaq ah aanay ujeedka aheyn Ciidan yari soo wajahday. Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya xilli Shabaab khilaaf xoogan oo wajiyo badnaa uu ragaadinayay mudooyinkii u dambeeyay, iyo in aysan xilligan si toos ah ugu babac dhigi karin Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda, kadib markii goobo hor leh laga bixiyay, waxaa kaloo dib u dhaca Shabaab lagu tilmaamay mid qeyb ka ah dhaqaalo yari.
-
FIFA oo Hal Milyan doolarka Mareykanka ugu deeqday Abaaraha Soomaaliya Abaar xun iyo macluul daran oo ka jirta dalkeena hooyo, xiriirka kubada cagta FIFa waxa ay ugu deeqeen hal milyan doolar oo lagu caawiyo dadka tabaaleysan sida FIFA ay ku xaqiijisay website-keeda. Fifa waxa ay go'aansatay inay 1 Milyan doolar ay ku tabarucdo gaargaarka bani'aadanimo ee Somalia. Waxaa lacagtan loo marsiin doonaa hay'ada laanqeyrta cas ee ICRC si ay uga caawiso barnamijyadeeda ay ka wado dalka ay baarta iyo dagaalada aafeeyeen. Sida ay sheegtay FIFA lacagta waxaa loo isticmaali doonaa in lagu quudiyo 25 kun qoys oo abaar xun ay ku heyso Somaaliya. Qiyaas ahaan, seddex meel lacagtan hal meelood waxaa loo isticmaali doonaa in lagu iibiyo cuno iyo qaabkii cunada loo geyn lahaa somalia, cunadaasoo quudineysa 25 kun qoys ama 150 kun oo qof mudoo bil ka badan, labada qeyb ee soo haray waxa ay caawin doontaa howlaha ay ICRC ka wado Somaaliya Mashruucan Fifa ayaa waxa uu qeyb ka yahay barnaamijyadeeda gargaarka, iyadoo hore u soo caawisay dalalka Japan, Haiti, Pakistan, China PR, Chile iyo wadamadii ay Tsunami aafeysay 2004tii. Dhinaca kale xulka qaranka Somaliya ayaa la kulmi doona bisha November xulka Ethiopia ciyaar ka tirsan u soo bixitaanka isreebreebka koobka aduunka. Ciyaartaas oo noqon doonta. Saciid Maxamed Cali saciidyare50@hotmail.com Tifaftiraha laacib.net
-
Ganacsade Maxamuud Cumar Caddaan" Shabakada Shaaciye waa in ay cadeyn u keentaa warbixinta beenta ah ee ay iga faafisay" Ganacsade Maxamuud Cumar Cadaan ayaa waxaa u si kulul u beeniyay warbixin qoraal ah oo ku soo baxday Shabakadda warbaahinta Shaaciye Taariihdu markey aheyd 10-08-11, taasoo lagu timaamayay inuu hogaamiye u yahay Maleeshiyaad ka soo horjeestay DFKG ah. Ganacsade Maxamuud Cumar Caddaan oo la soo xiriiriyay Madaxa Shabakadda Shaaciye.com Xuseen Madoobe ayaa waxaa uu tilmaamay inuusan wax shaqo ah ku laheyn Maleeshiyaadka halkaasi ku sugan isagoo cadeeyey in uusan weliba wax lug ah ku laheyn arimaha is jiidjiidka siyaasadeed ah ee guud ahaan Soomaaliya ka taagan. "Anagu hadaan nahay reer Cumar Caddaan mar hore ayaan ka baxnay arimaha Murugsan ee Muqdisho ka taagan, waagii Maxaakiimta ayaana noogu dambeysay in aan faraha la galno siyaasadda Dalka waana ka xunahay in waqtigaan shabakad weyn oo caan ah aysan ka war qabin waxa dhabta ah ee Muqdisho ka taagan" ayuu yiri Ganacsade Maxamuud cumar Caddaan oo u waramaayay Milkiilaha guud ee Shakabakadda Shaaciye.com Xuseen Madoobe. Maxamuud Cumar Caddaan, ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay inuusan xitaa ka warqabin wax ay asxaab ama aqoon isu leeyihiin oo ka dambeeya Maleeshiyaadkaasi lagu eedeeyay inuu isagu hogaamiyo ee ku sugan Degmada Yaaqshiid gaar ahaana xaafadaha, Juungale, iyo Ramadaan. Ganacsade Maxamuud, ayaa ka codsaday Shabakadda Warbaahinta Shaaciye.com in ay Cadeyn rasmi ah u keenaan warbixinta laga qoray ee lagu eedeeyay inuu ka mid yahay hogaamiye kooxyada AL-shabaab ee Muqdisho Maleeshiyaadku ugu haray.
-
Soomaalida ku nool magaalada Perth ee Dalka Australia oo lacag u qaybiyay bukaannada ku jira Isbitaallada Banaadir iyo Madiina
-
Starving in Somalia EDITORIAL Friday, August 12, 2011 The worst famine in 60 years is devastating the Horn of Africa. In Somalia, where the problem is most acute, 3.9 million people are at risk of starvation and as many as 12 million throughout the region. Some 29,000 Somali children are believed to have died in the last 90 days alone. The casualties will only grow without an urgent and generous international response. The United Nations has made an emergency appeal for $2.4 billion but only received $1.1 billion in pledges. The United States has contributed $580 million so far and is the largest donor, as it should be. Other countries — especially in Africa and in the gulf region — also need to quickly help out. President Obama must urge them to do so. East Africa is prone to famine, and drought has resulted in severe scarcities of food and water. The Obama administration deserves credit for acting in advance to ameliorate the effects. A warning system deployed by the United States Agency for International Development used satellite imagery and other techniques to predict the crisis last summer, according to American officials. Since then, the agency has placed food and other supplies in Kenya, Djibouti and South Africa so they were available quickly when needed. It is also working on programs to help Somalia and other countries improve food production to avert future crises. Republicans in Congress must not be allowed to succeed in their mean-spirited and shortsighted efforts to slash food aid for next year. Somalis are also victims of a country in chaos for 20 years. The Shabab, a ruthless extremist group linked to Al Qaeda, is battling a weak Western-backed government and until this week, blocked aid groups from delivering food to the starving. As The Times reported on Thursday, for the past decade, overall American strategy in Somalia has been troubled by a lack of focus and internal battles. It is not in Washington’s interest for Somalia to become a safe haven for militants who aim to target the West. But it is troubling that the United States has become increasingly dependent on private contractors to train African troops fighting the Shabab. A decision by the Central Intelligence Agency to train Somali commandos and intelligence operatives, which many say are becoming a power base independent of the government, seems especially counterproductive. There is no easy answer to Somali’s agonies. It has to start with saving millions now at risk of starvation, helping them improve their ability to grow their own food and finding ways to strengthen a shaky central government.
-
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Saldanada Cummaan oo gargaar soo gaarsiiyay barakacyaasha abaaraha Talaado, Ogoosto 09, 2011 (HOL) – Jaaliyada Soomaaliyeed SALAALA ee ku nool Dalka saldanada Cummaan ayaa soo gaarsiiyay deeq isugu jirta lacag iyo raashiin walaalahooda ay waxyeeleeyeen abaaraha ka jira dalka Soomaaliya. Deeqdaan ayaa waxaa loosoo wakiishay Sheekh C/Weli Muuse inuu gaarsiiyo dadka dhibaateeysan looguna iibiyo raashiin. Ku talo-galka deeqdan ayaa wuxuu ahaa in la gaarsiiyo in ka badan 1,000-qoys taasoo loo qorsheeyay qoys walba in la siiyo deeq isugu jirta raashiin iyo lacag kaash ah. Kaalmada loo qoondeeyay qoys waliba ayaa wuxuu ahaa: 12.5-kg oo bariisa ah (Toban iyo laba kiilo iyo badh bariis ah). 12.5-kg oo bur ah. (Toban iyo laba kiilo iyo bar bur ah). 2.5-liitar oo saliid ah (Laba liitar iyo bar saliid ah). 3-kg oo timir ah (Seddex kiilo oo Timir ah) iyo 300,000 shilin Soomaali ah (Seddex boqol oo kun So. Sh. ah). Intaasi waxaa dheereed inay jireen dad si gaar ah loo siiyay kaalmo caafimaad sida ka muuqata sawirrada iyo qaar ka mid ah agoonta Soomaaliyeed. Dadkani oo isugu jiray dad ay saameeysay abaaraha dalka ka jira iyo qooysas Tabaaleeysan iyo Curyaamiin oo Naafa ka ah oogada jirka qaar ka mid ah. Dhanka kale, deeqdan oo ay qaadatay qaybinteeda wajiyo badan ayaa dadkii ka faa’iideystay waxay ugu horreyn u mahad-celiyeen ALLAAH kaddibna walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhaqan saldanada Cumaan, gaar ahaan jaaliyada SALAALA oo soo dhiibay deeqdan iyagoo ALLE uga baryay inuu ugu abaal-mariyo ajir fara badan kuna badbaadiyo maanta maalin ay kaga baahi badan yihiin. Ugu dambeyn. waxaa ka warbixiyay deeqdan Macallin Jeylaani oo ku hadlayay magaca wakiilka loosoo wakiishay qaybinta deeqdan Sheekh C/weli Muuse taasoo xusay inay gaareeysay lacaghii ay soo direen jaaliyadda SALAALA $40,000 (Afartan kun oo Doolar) , sidoo kale wuxuu baaq ujeediyay dhammaan qurbo-joogta Soomaaliyeed iyo hay'adaha kheyriga ah iyo weliba dhammaan shakhsiyaadka muxsiniinta inay ka qeyb-qaataan samata-bixinta walaalahooda Soomaaliyeed ee ay Abaaruhu ku dhufteen.
-
JazakAllah Khayr! Dahabshiil Money Transfer Donates $100,000 to Somali Drought HARGEISA (SomalilandPress)– Dahabshiil Money transfer one of the top money transfer service in East Africa has directly donated $100,000 to the Somali drought relief according to the President of the company Mr. Mohamed Said Duale. Speaking to the press at his office Mr. Duale said that this immediate $100,000 dollars donation is just the beginning and that more funds is to follow from both the company and its employees. Mr. Duale went on to say it is the responsibility of all Somalis and none Somalis to immediately help with the worst drought that the Somali people have seen in recent times. In addition to this $100,000 that the company has made it available immediately to relief rescue the company is also going to be given 1% discount for all transaction during the holy month of Ramadan. Dahabshiil money transfer is known for its charity work in all the countries that it operates from; Dahabshiil’s is also known to donate 5% of its annual profit to development, education and health care projects that support local communities.
-
May Allah reward you InshaAllah for your deeds! Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Telecom oo 2500-qoys raashin gar gaar ugu qeybisay Gobolada Bay iyo Bakool Arbaco, Ogoosto 10, 2011 (HOL) – Shirkadda isgaarsiinta Hormuud ayaa gargaarkii ugu horreeyay gaarsiisay dadka abaaruhu ku habsadeen ee ku nool gobollada Bay iyo Bakool, waxaana deeqdan oo ahayd raashin isugu jiray bur, bariis, sonkor iyo saliid raashinka lagu karsado ka faa'iideystay 2500 oo qoys. Mas'uuliyiinta shirkadda Hormuud ayaa sheegay in deeqdan ay ahayd mid ay kaga jawaabayeen qaylo-dhaanta abaaraha iyo baahida deg-deg ah ee xilligan ka jirta gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya. Qoys walba oo ka mid ah kuwa deeqdan loo qaybiyay ayaa waxaa la siiyay: 25-kg, oo bariis ah, 25-km oo bur ah, 5-kg oo sonkor ah iyo 3-liiter oo saliid ah, iyadoo ay aad ugu farxeen dadkii loo qaybiyay kuwaasoo isugu jira haween, caruur iyo waayeelo aad u jilicsan, kuwaasoo abaaruhu ay saameynta uu xooggan ku yeesheen. Qoysaska ay shirkaddu deeqdan u qaybisay ayaa waxay kala aahayeen 1300-qoys oo ku nool Baydhabo, 200-qoys oo ku nool deegaanka Caliyow-Muumin, 200-qoys oo ku nool Waajid, 200-qoys oo ku nool deegaanka Ceel-boon, 150-qoys oo ku nool deegaanka Rabdhuurre, 200-qoys oo ku nool Tiyeeglow iyo 300-qoys oo ku nool tuulooyin hoosyimaada degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.
-
Jaamacadda Muqdisho oo gargaar kala duwan siisay 500-qoys oo ka mid ah barakacayaasha abaaraha Talaado, Ogoosto 09, 2011 (HOL) Guddiga gurmadka abaaraha ee Jaamacadda Muqdish ayaa maanta oo Talaado ah gargaar kala duwan u qaybisay 500-qoys oo ka mid ah dadkii kasoo barakacay abaaraha ku dhuftay gobollada Koonfurta dalka Soomaaliya. Gargaarkan oo isugu jiray caano, daawo, dhar iyo timir ayaa waxaa loo qaybiyay dad ku jira kaam ku yaalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Gargaarkan ayaa qayb ka noqonaya gargaarro uu guddigan u horay uga qaybiyay kaamam ku yaalla Muqdisho. Madaxa guddiga gurmadka Jaamacadda Muqdisho ahna diiwaan hayaha jaamacadd Dr. Maxamed Xuseen Ciise (Liibaan) oo warbaahinta la hadlay markii bixinta deeqda ay dhammaatay ayaa sheegay in gargaarkan uu yahay mid ay iska soo ururiyeen ardayda jaamacadda, macallimiinta, maamulka iyo saaxiibbada jaamacadda Muqdisho. "Kaalmadan waa mid ka duwan kaalmooyinkii aanu horay u bixin jirnay. Waayo waa gargaar ay iska soo ururiyeen maamulka, macallimiinta, saaxiibbada iyo ardayda jaamacadda Muqdisho, runtiina waa tallaabo wanaagsan oo horay loo qaaday," ayuu yiri Dr. Liibaan. "Gargaarka waxaa ku jiray caano aan ugu talogalay in lagu soo celiyo nafaqada caruurta iyo hooyada nuujinaysa, waxayna ahaayeen caano nafaqeysan," ayuu ku daray hadalkiis Dr. Liibaan oo sharraxayay noocyada kaalmada ay bixiyeen. Dhinaca kale, madaxa guddigu wuxuu sheegay in dawada ay qaybiyeen ay ugu talogaleen in lagula dagaallamo cudurrada faafa, isagoo sidoo kale sheegay in dharka ay ugu talogaleen in dadka barakacayaasha ay xirtaan maadaama aysan haysan dhar wanaagsan. Qoysaskii gargaarka loo qaybiyay ayaa waxay u mahadceliyeen maamulka, ardayda iyo macallimiinta jaamacadda Muqdisho, iyagoo sheegay in gargaarka loo qaybiyay uu yahay mid lagu soo beegay xilli ay u baahnaayeen. Guddiga gurmadka deg-degga ah ee Jaamacadda Muqdisho oo la aasaasay bishii July ee aynu soo dhaafnay ayaa dhowr jeer oo hore kaalmooyin ka bixiyay kaamam ku yaalla Muqdisho, kuwaasoo ay ku jiraan dad kasoo barakacay abaaraha dalka ku dhuftay. Jaamacadda Muqdisho ayaa horay uga qaybqaadatay gargaarro lagu badbaadiyay dadka Soomaaliyeed, waxaana tusaale u noqon kara biyo-baxadii 2006 ka dhacday gobollada Koonfurta Soomaaliya. Iyadoo jaamacaddu ay u mahadcelisay dhammaan jaaliyadihii Soomaaliyeed ee ka qaybqaatay kaalmeynta dadka Soomaaliyeed.
-
lol@Nassir. Cafis iyo masaamax walaal. p.s. markii AS baxdo ayaan Sharif ku heshiin doonaa IA, sidii islaantii deriskeena ahaan jirtey oo ku magac dheereed Muxibo dhihi jirtey whenever she's attempting to find a solution to a problem "canjeero sida ay u kala koreyso lee loo cunaa nooh! ".
-
Turkish PM to travel to famine-stricken Somalia with his family
Somalina replied to Che -Guevara's topic in Politics
Good news. -
MashaAllah! Isu socodka Gaadiidkii BL-ka oo muddo labo sano kadib maanta ka shaqo bilaabay Waqooyiga Muqdisho Markii u horeysay ayaa maanta waxaa deegaanada Waqooyiga Muqdisho dib uga shaqo bilaabay isu socodkii Gaadiidka deegaanadaas, kadib markii xalay ay fariisimo ka sameysteen degmada Kaaraan Ciidamada AMISOM oo shalay halkaas gudaha u galay. Gaadiidka BL-ka ayaa si rasmi maanta uga shaqeynayay degmooyinka Waqooyiga Muqdisho, sida Kaaraan, C/casiis iyo Shibis, iyadoo Gaadiidka ay isticmaalayeen wado shalay ay godod ka aaseen miino baaris ay ka sameeyeen Ciidamada AMISOM. Halka gaadiidka laga raaco ee Boosteeda degmada Xamar weyne ayaa maanta aheyd mid aad u mashquul badneyd, iyadoo gaadiidka degmooyinka kale ka shaqeynayay ay ahaayeen kuwo si lama filaan ah ugu wareegay degmooyinka Waqooyiga oo dadka ay aad ugu qul qulayeen. Mid ka mid ah darwalada gaadiidka BL-ka ayaa sheegay in isaga uu horay uga howl galayay deegaanada Waqooyi, hase ahaatee muddo labo sano kama aysan shaqeyn gaadiidka, sababo dagaaladii ka dhacay halkaas iyo dadkii oo ka barakacay. Dadka ka soo jeeda deegaanadaas ayaa ahaa kuwo gaadiidka raacayaya, waxaana qiimaha gaadiidka ahaa mid fulisaad ah oo gaadiidleyda ay ku kala raranayeen dadka rakaabka ah ee aadayay deegaanadaas. Maalmihii u dambeeyay ayaa dadka galayay deegaanadaas ay ahaayeen kuwo lug ku galayay, hase ahaatee markii la furay wadooyinka ayay Gaadiidka bilaabeeyn inay shaqeeyaan, waxaana gaadiidka ay isticmaalayaan Wadada Visha Taraafiko, ee hor marta Stadium Conis iyo Wadada Kaluunka.
-
Ra'iisul Wasaare Dr. C/wali oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey Amb. Mahiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Qaramada Midoobey oo uu hoggaaminayey Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM Ambassador Augistine Mahiga. Sidoo kale kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Ambassador Wafula Wamunyinyi oo ah ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha iyo Ergeyga gaarka ah ee XG ee QM ayaa markii uu soo dhamaaday kulankooda si wadajir ah ula hadlay saxaafada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay wafdigii QM kala hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen macluusha baahsan ee dalka ka jirta, guulaha dhanka amniga ee ay Dowladdu dhowaan Al-Shabaab uga xorreysay Muqdisho iyo shirka wadatashiga ah ee la filayo in bisha September la qabto. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in QM ay ballanqaaday inay Dowladda ka saacido dhanka gar-gaarka bani’aadanimo iyo dhanka amniga. Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay inuu kala hadlay Ambassador Mahiga sidii ay QM u saacidi lahaayeen qorshaha lagu xasilinayo nabadda ee magaalada Muqdisho oo ay xukuumaddu wado. Waxuuna sheegay in Suuqa Bakaaraha lagu wareejiyey ciidanka Booliska si ay amnigii u sugaan oo loo soo celiyo kala danbeyntii. Ambassador Mahiga ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in isaga iyo wafdigiisa ay la kulmeen Ra’iisul Wasaaraha kuna faraxsanyahay guulihii Sabtigii la soo dhaafay oo ay dowladdu caasimadda ka saartay Al-Shabaab. Mahiga ayaa ku nuuxnuuxsaday in QM ay diyaar u tahay inay Dowladda ka saacido sidii amniga loo soo celin lahaa, shacabka tabaaleysana loogu gurman lahaa. Mahiga waxuu sheegay in shirka soo socda uu muhiim u yahay Somalida lana rajeynayo in looga hadlo qorsheyaasha Dowladda iyo mustaqbalka Dalka. Shirkan maanta ayaa ahaa mid muhiim ah oo ay ka soo qeybgaleen guddiga diyaarinta shirka wadatashiga oo ka kooban qeybaha Dowladda iyo maamulada dalka ka jira. Arrimihii ay sida gaarka ah uga wada hadleen guddigan ayaa waxaa ka mid ahaa agendaha shirka iyo sidii loo soo xuli lahaa xubnaha ka qeybgalaya shirka wadatashiga ah oo lagu wado inay ka soo qeybgalaan dhammaan qeybaha bulshada ay ka koobantahay. Guddigan waxey isku af-garteen in kulamada la joogteeyo maalmaha soo socda si horumar looga gaaro oo loo dhameystiro qabanqaabada kulanka. - DHAMAAD -
-
August 9, 2011 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Qaramada Midoobay oo ay ka mid ahaayeen Mark Bowden, Isu-Duwaha Xiriirinta iyo Gar-gaarka Bani’aadanimo ee Qaramada Midoobay, Bruno Geddo, Madaxa UNHCR Somalia, Alvaro Rodriguez, Madaxa UNDP Somalia, Kiki Gbeho, Madaxa OCHA, iyo saraakiil ka socotay WFP, UNHCR, UNDP iyo OCHA. Dhanka Dowladda waxaa kulanka ka qeybgalay Wasiirada Maaliyadda, Qorsheynta, Warfaafinta iyo Wasiir ku-xigeenka Haweenka. Sidoo kale waxaa kulanka ka soo qeybgalay mas’uuliyiinta Hay’ada Maareynta Musiibooyinka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey mas’uuliyiintii Qaramada Midoobay imaatinkooda Muqdisho oo uu sheegay inay beryahan danbe muuqato dadaaladooda iyo imaatinkooda Muqdisho, ugana mahadceliyey dadaalada gurmadka abaaraha oo hay’adaha QM qaarkood soo gaarsiiyeen shacabka tabaaleysan gar-gaar. Ra’iisul Wasaaraha waxuu sheegay in xaaladda macluusha ay aad u baahsantahay loona baahanyahay in dadaalada la labo jibaaro. Sidoo kale Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in Dowladdu ay ku howlantahay sugidda amniga goobihii Al-Shabaab ka baxeen, isla markaana loo baahanyahay in QM ay kaalin mug leh ka qaataan xasilinta magaalada iyo gaarsiinta shacabka adeegyada bulshada muhiimka u ah noloshooda. Mark Bowden ayaa siiyey Ra’iisul Wasaaraha warbixin la xiriirtay qorshayaasha QM ee ku wajahan gar-gaarka bani’aadanimo, waxuuna sheegay in WFP iyo UNHCR ay mucaawano gaarsiiyeen gobolada Gedo iyo Muqdisho. Waxuu kaloo uu sheegay inay macluusha sii baaheyso oo gobolo hor leh lagu daray liiskii hore ee macluusha, kuwaas oo kala ah Jowhar, Afgooye iyo Muqdisho. Ugu dabneyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Isu-Duwaha Xiriirinta iyo Gar- gaarka Bani’aadanimo ee QM ayaa shir-jaraa’id si wada jir ah u qabtay warbixina ka siiyey shirkii oo ay labaduba sheegeen in la dar-dargelinayo dadaalada gurmadka abaaraha, isla markaana la ballaarin doono howlaha gar-gaarka bani’aadanimo oo la gaarsiin doono goobo fara badan. Mas’uuliyiin ka soctay Qaramada Midoobey ayaa bishii ugu danbeysay dhowr jeer yimid Muqdisho, tan oo tuseysa sida ay uga go’antahay inay Dowladdu ku taageeraan dadaalada gurmadka abaaraha iyo gar-gaarka bani’aadanimo. -DHAMAAD -
-
Our very own Michelle Obama! ------------------------------------------ August 8, 2011 Marwada koowaad ee Ra'iisul Wasaare Dr. C/wali oo maanta la kulantay Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyed Marwada koowaad ee Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda KMG ah Mss. Hodon Saciid Ciise ayaa maanta booqatay xarunta ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay halkaasina ku dhoweeyeen mas'uuliyiinta ururkaasi oo ay ka mid ahaayeen Sii hayaha Guddoomiyaha ahna K/Xigeenka koowaad Canab Xasan Cilmi, Xoghayaha guud ee ururkaas Faaduma Aadan Cosoble iyo xubno ka tirsan ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed. Ugu horeyn waxaa halkaasi warbixin ku saabsan waxqabadka ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed mudadii la asaasay iyo xilligaan ka soo jeedisay Canab Xasan Cilmi oo ah Guddoomiye K/Xigeenka ururkaasi, iyadoo ka warantay waxyaabihii u qabsoomay mudadii ururkani uu dhisnaa, iyadoo xustay inay wax weyn ka qabteen horumarinta haweenka iyo taakuleynta iyo qoysaska Soomaaliyeed ee agoonta iyo barakacayaasha ah, sidoo kalena waxay sheegtay in ururka Haweenka Soomaaliyeed uu garab taagan yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaana uu gacan ka geystay taageero isugu jirta hiil iyo hooba oo magaalada Muqdisho ciidamada Dowladda ay kaga saarayeen kooxdii Al-Shabaab ee sida ay sheegtay dhibaatada weyn ka geystay dalka, gaar ahaan barakicinta iyo burburinta dadka iyo dalka Soomaaliya. Waxay sheegtay Canab Xasan Cilmi in dhismaha ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ay gacan weyn ka geysatay Hay'adda Wadahadalka Bulshada CCD iyo Wasaaradda Horumarinta Haweenka Soomaaliyeed, iyadoo xustay in Hay'adda CCD ay bil walba 150-xubnood oo haween ah oo ka kala socda G/Banaadir ay seminaar wacyi gelin ah ugu qabato magaalada Muqdisho iyo inay gacan ka siisay qalabeynta xafiiska Haweenka Qaranka Soomaaliyeed. Kulankankaasi ayaa waxaa sidoo kale ka hadashay Marwada Ra'iisal Wasaaraha Mss. Hodon Saciid Ciise, waxayna ugu horeyn hambalyo iyo bogaadin u jeedisay xubnaha ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed sida ay ugu heelan yihiin wax ka qabashada arrimaha Haweenka iyo samatabixinta qoysaska Soomaaliyeed ee tabaaleysan, waxayna sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay waajib ku tahay inay ka shaqeeyaan nabadda, maadaama haweenku ay yihiin laf dhabarkii bulshada, wiilka la khalday ee dhimanaaya iyo kan xabbadda ridayana ay iyadu dhashay isku midna ay u yihiin. Waxay ku boorisay haweenka Soomaaliyeed si ay u taabagasho qorshaha waxqabad oo ay hiigsanayaan waa inay sameystaan sanduuq dhaqaale oo ay ku horumarinayaan haweenka Soomaaliyeed, inay ka qeyb qaataan xalinta khilaafaadka iyo inay shaqo u abuuraan haweenka aan fursadda u helin ka qeyb qaadashada howlaha qaranka, si ay taasi u suurtagashana waa in haweenku la dagaalamaan oo ay baabi'iyaan waxa loo yaqaan 4.5 kaddib xilliga kala guurka, waxayna gabagabadii kulankaasi Mss. Hodon ugu deeqday haweenka liita in lagu tabaruco lacag dhan 1500$ si loo gaarsiiyo qoysaska Soomaaliyeed ee ku barakacay dagaalada iyo abaaraha, iyadoo mas'uuliyadeedana ay qaadayaan xubnaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed. Xoghayaha guud ee ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Faaduma Aadan Cosoble ayaa iyaduna munaasabadaasi ka soo jeedisay qoraal dheer oo ka koobnaa laba bog oo koobayay waxqabadka Haweenka Soomaaliyeed mudadii la asaasay iyo waxyaabaha u qabsoomay iyo waliba qorshaha mustaqbalka uu hiigsanaayo ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, waxayna ka mahad celisay booqashada ay maanta ku soo booqatay xafiiska ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed.
-
Gudi Wasiiro ah loo xil saaray qiimeynta Amniga Muqdisho oo maanta goobo dhowr booqday Gudi dhowaan Golaha Wasiirada u xil saareen inay ka soo tala bixiyaan Xaaladaha Ammaanka Caasimada Muqdisho, qiimeyna ku sameeyaan ayaa maanta markii u horeysay booqday degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir iyo goobihii ay la wareegeen Ciidamada Dowladda kuwa AMISOM. Gudigan oo uu horkacayay Wasiiru Dowladaha Wasaarada Gaashaandhiga Maxamuud Macalin Nuur, ayna qeyb ka ahaayeen Wasiiru dowlayaal, Wasiir Kuxigeeno iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda. Ugu horeyn ayaa Gudigan waxay kormeeyeen dhulkii baaxada lahaa ee Ciidamada Dowladda la wareegeen, sida farsiimaha Ciidamada iyo xarumaha degmooyinka, waxaana ay tageen Xarunta degmada Wardhiigley, Saldhiga Booliska, Xaafadaha degmadaas oo ay ku lugeeyeen, Fariisimaha Ciidamada AMISOM ee Garoonka Muqdisho Stadium iyo qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha. Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka C/kariin Yuusuf Aadan Dhega-Badan ayaa Wafdigan ku soo wareejiyay xaafadaha degmada Wardhiigley, isagoo ugu warbixiyay xaalada ammaan iyo howl galada ay wadaan Ciidamada Dowladda. Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga Maxamuud Macalin Nuur ayaa warbaahinta kula hadlay Garoonka Stadium Muqdisho, waxaana uu ku amaanay dadaalka Ciidamada Dowladda iyo how galkooda ay ku xaqiijiyeen deegaanada ay la wareegeen ee laga saaray Shabaab. Sidoo kale Xubnaha Gudigan ayaa booqday Suuqa Bakaaraha oo shalay Ciidamo Boolis lagu wareejiyay, halkaas oo ay Ciidamada ku gudoonsiiyeen Bustayaal iyo Darimo, waxaa kaloo ay booqdeen degmooyinka Hodan iyo H/wadaag, iyagoo markii dambe tagay Fagaarihii Tarbuunka oo ka muuqday bur bur aad u xoogan iyo raadadkii ay ku reebeen dagaalada. Xukuumada Soomaaliya ayaa dhowaan ku dhawaaqday inay dajisay qorshe ammaanka iyo xasilinta Caasimada, isla markaana diyaarisay Ciidamo gaar ah oo amniga sugaya, si looga hortago falalka ammaan daro.