Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. Gaadiidka Muqdisho oo billaabay isticmaalka waddooyinkii ku xirmay dagaallada ee tagi jiray Suuqa Bakaaraha Maanta aad ayaan ugu faraxsanahay inaan waddo sahlan ka galo bakaaraha," sidaa waxaa tiri haweeney ganacsato ah oo u socotay bakaaraha, iyadoo intaas ku dartay: "Tani waa fursad mar kale u soo laabatay shacabka Soomaaliyeed, waayo meelo fog-fog ayaan u soo mari jirnay suuqa. http://www.hiiraan.com/news/2011/Aug/wararka_maanta23-14725.htm
  2. Shaqo fiican. Halkaas ka sii wata dhabar jebinta AS. Tarzan waa libaax wallee.
  3. “In addition, at our request, an emergency meeting was held by the Organization of Islamic Cooperation in Istanbul to explore ways how to provide aid to the Somali people, and the Iranian economy and finance minister (Shamseddin Hosseini) attended the meeting,” he added. http://www.tehrantimes.com/index.php/politics/1894-iranian-foreign-minister-visits-famine-hit-areas-in-somalia-
  4. Wasiirka Arrimaha Dibada Iiraan oo la kulmay Ra'iisul Wasaaraha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Iiraan Dr. Ali Akbar Salehi iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta garoonka diyaaraddaha ee magaalada Muqdisho halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyey. Wasiirka ayaa markii uu ka soo degay garoonka waxaa loo gudbiyay xeryaha barakacayaasha isagoo soo kormeeray indhihiisana ku arkay baaxada abaarta iyo macluusha ka jirta dalka, gaar ahaana dadka ku soo barakacay caasimadda. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalkal KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo ayaa ugu dambeyntiina qaabilay Wasiirka Dr. Ali Akbar Salehi waxayna labada mas’uul wada qaateen kulan ay albaabadu u xirnaayeen oo soconayay muddo saacado ah. Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa si wadajir ah warabaahinta ugula hadlay gudaha garoonka Muqdisho iyagoo sheegay inay ka wada hadleen arrimo ku aadan abaaraha, macluusha iyo soo celinta nabadii iyo kala dambeyntii dalka kuwaasoo ugu dambeytiina si weyn la iskula afgartay. Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan oo isna la hadlay warbaahinta ayaa xusay in dalka Soomaaliya ay dowladdiisu ugu talo gashay 25 Milyan oo Dollar oo loogu talogalay in lagula tacaalo abaaraha “Abaarta Soomaaliya baaxadeeda aad ayay u sareysaa, dowladda iyo shacabka Iiraana waxay ugu yabooheen 25 Milyan oo Dollar, waxaana sidoo kale ka taageereynaa walaalaha Soomaaliyeed dhinacyada waxbarashada, caafimaadka iyo soo celinta nabaddii iyo kala dambeyntii” ayuu yiri wasiirka oo tilmaamay in sidoo kale ay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaaraha sidii tababaro ay u siin laheyd dowladda Iiraan ciidamada ammaanka gaar ahaana kuwa Booliska iyo Taraafikada. Dhinaca kale, wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Ali Akbar Salehi ayaa guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha shahaado sharafeed Persian ah isagoo uga mahadceliyay soo dhoweynta diiran ee loo sameeyey.
  5. Somali president to visit Iran Islamic Republic News Agency/IRNA Tuesday, August 23, 2011 Foreign Minister of Iran Ali-Akbar Salehi said here Tuesday that the president of Somalia would visit Iran in a near future. Speaking to reporters at the Mogadishu airport upon his arrival, Salehi said the Somali president would discuss with senior Iranian officials ways to dispatch further humanitarian aid to the famine-stricken people in the African state. Iran has started sending humanitarian relief for the famine and drought-sricken African country since 20 days ago, Salehi said adding that six planeloads of humanitarian aid have so far reached the drought-stricken areas and refugee camps in Somalia. The Iranian foreign minister further said that Tehran was planned to send another 5,000-ton cargo to Somali via ships in the future. Upon his arrival in Mogadishu, Salehi was welcomed by his Somali counterpart and the interior minister of that country. He departed Tehran for Mogadishu early on Tuesday to review critical situation of people in the famine-stricken country. Source: Islamic Republic News Agency/IRNA
  6. Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Iran Wasiirka Haweenka iyo Marwada Wasiirka Arrimaha Dibada Iran
  7. Oxfam Airlifts 27 Tonnes of Supplies in Aid to Help Combat the Cholera Outbreak in Mogadishu 23 Aug 2011 Aid group boosts its effort across Somalia as crisis deepens. International agency Oxfam is airlifting 47 tonnes of vital water supply and hygiene materials to Somalia’s capital Mogadishu, as the aid community scales up its effort to bring relief to the drought-stricken country. The first flight will leave Nairobi Thursday morning and is part of Oxfam’s efforts to control the outbreak of cholera and reduce public health risks in highly-populated camps. In total three flights will ferry the aid. The airlift will include water tanks and pipes to set up water points across the capital city as well as tonnes of soap bars and 12,000 jerry cans so people can carry and store water. There is sufficient aid to reach over 120,000 people. Oxfam partner organization, Hijra which operates in Mogadishu and the outskirts of the capital, has seen an increase in cholera cases. Hijra staff have reported that cases affecting children and women are on the rise. The organisation has started a cholera prevention programme that is reaching 20,000 people in three camps for people who have fled to Mogadishu. The work includes distributing oral rehydration salts and soap and a public information campaign advising on ways to reduce the risk of contracting the disease. “Clean water and soap are vital to help prevent a public health crisis, as people weakened by hunger are particularly at risk of disease. With the recent cholera outbreak in Mogadishu, this assistance will save lives. Despite the many challenges of operating in Somalia, Oxfam has years of experience working with partners there to reach people in need,” said Adan Kabelo, Associate Country Director for Oxfam in Somalia. Oxfam partners operate across the country, and are running the largest public health program in Somalia, providing clean water to 250,000 displaced Somalis in camps outside Mogadishu. Oxfam’s partner agencies also operate one of the largest therapeutic feeding programs for children and mothers, feeding 3,000 severely malnourished children every week. Across the country, 3.7 million people-nearly half of the Somali population-are now in crisis, two-thirds of whom reside in the south. Oxfam aims to scale-up its programs to reach 1.4 million people within the next few months. Oxfam has been working in Somalia for over 20 years. The agency, which operates in partnership with local aid organisations, has so far helped over 850,000 in South Somalia, including Mogadishu.
  8. Somali PM calls for Iran to continue help Service: Foreign Policy TEHRAN (ISNA)-Somali Prime Minister Abdiweli Mohamed Ali called for further Iran's aid to the African country following the deadly drought in the country. In a meeting with Iranian Foreign Minister Ali Akbar Salehi in Mogadishu, Somali Prime Minister expressed appreciation over Iran's help to the African country and said, "We call for boosting relations and we hope ties would be expanded further." Salehi on his part said Iran is ready for continuous help to Somalia. Salehi wrapped up his one-day trip to Somali on Tuesday. Salehi also said the country has donated $25 million to the drought-hit Somalia so far. He arrived in Mogadishu Tuesday morning heading a delegation to meet with Somali officials and visit camps of famine-hit Somalis. He said, “Iran has dispatched six batches of humanitarian aid to the famine-struck people of Somalia so far.” He added, “the aid includes foodstuff, medicine and tents so far and we hope to send a batch of 5,000 ton soon." Salehi continued, “We hope to dispatch aid to Somali people living neighboring countries as well."
  9. A delegation of Iranian officials led by Foreign Minister Ali Akbar Salehi has on Tuesday arrived in Mogadishu to accelerate delivery of Iran’s humanitarian aids to the hunger-hit Somali people and assess the crisis situation in the country. Salehi who held a press conference in Adan Ade airport where he was received by Somalia’s interior and national security minister Abdisamad Maalim Mohamud and other top Somali government officials said the main objective of his visit to Somalia is to draw world’s attention to country’s plight. He said his government has already allocated $ 25 for drought and famine displaced people in Somalia. The Iranian delegation accompanying Salehi includes experts from Iran’s Red Crescent. Salehi is set to hold talks with Somali government officials on the drought and famine related crisis in the country and visit the refugee camps in the capital, Mogadishu.
  10. Wasiirka Arrimaha Dibada Iiraan oo goor dhow soo gaaray Muqdisho Wasiirka Arrimaha Dibada Iiraan Ali Akbar Saalixi ayaa daqiiqado ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya. Ali Akbar Saalixi ayaa diyaarad gaar ah ay ka soo dejisay Garoonka Diyaaradaha, halkaasoo ay si heer sare ah ugu soo dhoweeyeen Wasiiro ka tirsan Xukuumada. Mr Saalixi ayaa booqan doona xeryaha barakacayaasha ee qaxootiga, sidoo kale waxaa uu hada ku sugan yahay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya. Wasiirka Arrimaha Dibada Iiraan ayaa ka mid noqonaya Madaxda Caalamka ee ku soo qul qulaya Magaalada Muqdisho, si ay u arkaanx aalada bani'aadanimo ee ka jirta Soomaaliya. Iiraan ayaa dhowaan ugu deeqday Soomaaliya 25-milyan Doolarka Mareykanka oo wax lagaga qabto abaaraha iyo macluusha, sidoo kale gar gaar kala duwan oo diyaarado iyo maraakiib ay ka soo dajisay Magaalada Muqdisho.
  11. If I had a dollar everytime someone says that. I can't help it, I'm an optimist. Thank you.
  12. Maxaa cusub Wiilka aan Cusbaynoo? yeah I remember that thread, I also remember that you ran out on me when I asked you a question. ------------------ :D Madaxweyne Shariif oo Markii Ugu Horeysay Diyaarad Shacabka La Raacay Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheik Axmed ayaa maanta ka ambabaxay Garoonka Diyaradaha ee Adan Cade Int'l Airport isaga oo markii ugu horeysay diyaarad la raacay Shacabka. Madaxweynaha ayaa raacay Diyaarada Jubba Airways oo duulimaadkeeda ahaa dalka Isutagga Imaaraadka Carabta iyadoo la soo warinayo inuu Madaxweynaha casuumaad ka helay Boqorka UAE oo uu dhawaan wiilka leh dhaxalka Boqortooyada uu soo gaaray magaalada Muqdishu si uu u qiimeeyo xaalada abaarta . Dalka Isutaga Imaaraadka Carabta ayaa ka mid ah dalalka kaalmooyinka ugu badan ku bixiyey xaalada cuno yari ee dalka ka jirta Safarka Madxweynaha ayaa ahaa mid aan hore loo sii shaacin iyadoo safarada madaxweynaha uu mar walba sii raaci jiray diyaarado la soo kireeyey oo wafdiga madaxweynaha qaas u ahaa iyadoo safaradii ugu dambeeyey uu Madaxweynaha isticmaalayey diyaarad ku asteysan Calanka dalka & astaanta Jamhuuriyada Soomaaliya iyadoo ilaa hada aan la ogeyn halka ay ka timid diyaaradaas in ay tahay mid uu madaxweynaha gaar u leeyahay in ay aheyd mid xayeysiin caalamka loogu sameeynayey. Madaxweynaha ayaa la filaayaa inuu la kulmo Boqorka dalkaas iyo hey'adaha gargaarka ee dalka Isutaga Imaaraadka carabta.
  13. Maamullka jaamcada Muqdisho ayaa manta deeq ka kooban raashiin iyo Dhar gaarsiiyay in ka badan 400 oo qoys oo ku sugan iskuulka Maxmuud Mire ee degmada Waabari ee gobollka Banaadir. Deeqdaani oo ka koobneed Bur, Bariis, Sonkor, Saliid iyo Dhar ayaa waxaa la gaarsiiyay illa iyo 450 qoys oo ku soo barakacay iskuulka Maxmuud Mire ee degmada Waabari taasi oo ay iska soo uruuriyeen maamulka iyo ardayda jaamacada Muqdisho ee gobolka Banaadir. Markii ay soo idlaatay qaybinta deeqdaasi ayaa waxaa goobta ka hadlay guddoomiyaha jaamacada Muqdisho Shiikh Axmed Abuubakar oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay gurmad u fidiyaan dad walaalahooda ah oo aad u dhibaateysan waxa uuna tilmaamay in deeqdaasi ay iska soo uruuriyeen shaqaalaha, maamulka iyo ardayda jaamacad Muqdisho. Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee wax haysta in ay u gargaaraan walaalohooda ay abaartu saameysay, isagoo carabka ku dhuftay in ay sii wadi doonaan deeqaha ay dadka dhibaateysan ku tagerayaan, waxa uu farta ku fiiqay in aysan ahayn markii ugu horeeysay oo ay deeq gaarsiiyaan dad barakaayaal ah. Sidoo kale ardayda wax ka barata jaamacada Muqdisho ayaa tibaaxay in ay ku faraxsan yihiin deeqdaani ay manta soo gaarsiiyeen dadka barakacayaasha ah ee ku jira iskuulka Maxmuud Mire ee degmada Waabari islamarkaana ay diyaar u yihiin in ay taakuleeyaan walaalahooda ka soo barakacay gobollada dalka oo ay sida daran Abaaraha ugu dhufteen. Deeqdaani ay maanta ay gaarsiiyeen maamulka iyo ardayda jaamaada Muqdisho ayaanay ahayn midii ugu horeeysay iyadoo tani ay muujineyso sida dadka Soomaaliyeed ay uga go’antahay in ay u gurmadaan dadka walaalahooda ah ee ay abaaruhu la dageen.
  14. Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida G/sare Xasan Maxamed Xuseen oo loo yaqaano Mungaab ayaa shir jaraa'id oo uu goor dhow qabtay waxaa uu faah faahin kaga bixiyay dilkii toogashada ahaa ee saaka lagu fuliyay labo ka tirsan Ciidamada Dowladda oo horay dilal u geystay. Mr Mungaab ayaa sheegay in maxkamada ay bishii la soo dhaafay ay xukunka dilka riday, kadib markii Maxkamada la horkeenay cadeymo iyo marqaati, waxaa uu tilmaamay in mid ka mid ah labada askari ay dileen uu ahaa shaqaale ka tirsan Wasaarada Gaashaandhiga. "Dable C/llaahi Jiine Guure oo 29-jir ah wuxuu dilay askari kale, waxaana lagu fuliyay dambigiisa, Cabdi Sankuus Cabdi oo 31-jir ah, wuxuu ka tirsanaa shaqaalaha Wasaarada Gaashaandhiga, wuxuu dilay nin rayid ah"ayuu yiri Mungaab oo sheegay in saaka howl galkooda shaqo uu ahaa fulinta dilalka toogasho ee ka dhacay Tiirka School Polizio. G/sare Mungaab ayaa waxaa uu kaga digay dilalka macno darada ah ee loo geysanayo askarta iyo dadka rayidka, isagoo sheegay in nidaam sharci ay tahay in cidii dil geysata in la iyana la dilo "Cidii si bareer ah ama ula kac u disha muwaadin Soomaaliya, ama Askari ama rayid waa lama huraan in ciqaabtiisa la marsiiyo in la dilo, waana nidaam sharci ah, waa xal rabaani ah, madaxda dalka ayaa saxiixday"ayuu yiri G/sare Mungaab. Waxaa uu sheegay in Nabadgelyada Magaalada Muqdisho ay wax badan ka tartay dilalkii joogtada ahaa ee ka dhici jiray Magaalada Muqdisho, hase ahaatee waxaa uu qiray inay wali jiraan dilal qaar, isla markaana ay ku raad-joogaan. "Dilalka qaar ee gardarada ay ku kacayaan ragga Hubeysan wali ma dhameystirna %100, waxaa jira dad caadeysatay inay dadka si macno daro ah isaga dilaan, laakiin arrinta hada taagan waa inay nabadgelyada guud ee Caasimada wax ka tartay, ujeedada waa in lagu badbaadiyo fasahaadka"ayuu yiri. Ugu dambeyn Mungaab ayaa sheegay inay sii wadi doonaan xukunada dilka iyo fulintiisa inta dalka laga waayo dad si sharci daro ah dadka u disha, waxaa uu tilmaamay inay hada jiraan ilaa 20-ruux oo askari iyo dad caadi ah isugu jira oo dil sugayaal ah, markii ay horay dil u geysteen.
  15. Isniin, Ogoosto 22, 2011 (HOL) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa dib u furay qaar ka mid ah waddooyinkii ku xiray dagaallada, gaar ahaan kuwa gala suuqa weyn ee Bakaaraha, iyadoo maamulku uu waddo dayactirka waddooyin kale oo ku yaalla Muqdisho. Jidadka la furay ayaa waxaa ka mid ah midka isku xira isgoyska dabka illaa isgoyska Bakaaraha, waxaana sidoo kale la furay jidka wadnaha oo isku xira isgoyska tarbuunka illaa isgoyska Sanca. Waddooyinka ayaa waxaa ka socday labadii maalmood ee lasoo dhaafay nadaafad uu maamulku sameynayay, waxaana jidadkan ay ka mid ahaayeen kuwii ay sida xun ugu dagaalayeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo xoogagga Xarakada Al-shabaab. Furitaanka waddooyinkan ayuu maamulka gobolku ku sheegay inay qayb ka yihiin dadaallo lagu doonayo in dib loogu furo suuqa weyn ee Bakaaraha kaasoo ah midka ugu weyn Koonfurta Soomaaliya. Ma jiraan wax gaadiid ah oo jidadkaas maraya, balse dadweyne fara badan oo doonaya inay soo arkaan guryahooda iyo xarumahooda ganacsi ee Bakaaraha ayaa billaabay inay jidadkaas maraan, iyadoo gaadiidleydu aysan weli ku dhiirran inay maraan jidadkaas. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ee DKMG ah Maxamuud Axmed Tarsan ayaa maalin ka hor sheegay inuu socdo qorshe ay dib ugu furayaan saldhigyo ka mid ah kuwa Muqdisho si loo adkeeyo ammaanka ayna dadkuna dib guryahooda ugu soo laabtaan. Tan iyo markii ay Xarakada Al-shabaab ka baxday qaybo badan oo Muqdisho ka tirsan waxay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM isku ballaarinayeen degmooyinka Muqdisho, iyagoo isku dayaya inay ammaanka hantaan. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  16. Shirkada Isgaarsiiinta Hormuud oo deeq gaarsiisay Isbitaalka Banaadir ee magaalada Muqdisho Shirkada Isgaaarsiinta Hormuud Telecom ayaa deeq gar gaar ah gaarsiisay Isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka Banaadir ee magaalada Muqdisho iyadoona maamulka Isbitaalka uu aad uga mahadceliyey deeqda Hormuud ay bixisay. Deeqdaan oo ahayd 50 joodari oo kuwa jiifka ah ayaa saraakiil ka tirsan Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Telecom, waxa ay gaarsiiyeen Isbitaal ka dib markii ay guur galeen in baahiyo dhanka jiifka ah Isbitaalka ay ka jirto. Maamulaha Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka Banaadir ee magaalada Muqdisho Dr C/Risaaq Cali Xasan oo hadlay ayaa si aad ah uga mahad celiyey deeqad Shirkada Hormuud ay gudoonsiisay, waxa uuna tilmaamay in ay deeqdan ay wax weyn ka qaban karto baahiyaha ka jira Isbitaalka Banaadir ee dhanka jiifka ah. Waxa uu sheegay Maamulaha isbitaalka in haatan isbitaalka ay yaalaan bukaan badan oo ah hooyooyink iyo caruur uu sheegay in ay xoogooda dheerika ah ay yihiin dadka abaaraha ay soo barakxiyeen oo soo maciin biday magaalada Muqdisho. Shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo ku caan baxday xijmiga Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa marar badan gacan weyn ka geeysatay hormarinta iyo taakuleeynta Xarumaha adeegyada bulshada , waxaana xusid mudan in haatan Shirkada Hormuud si weyn ay uga qeyb qaadaneeyso bixinta gargaarka dadka abaaraha ay la dageen iyadoona Hormuud ay biyo dhaamin , lacag iyo cuno qeybin ay ka sameeysay dhamaan degaanada Soomaalida ee ay abaaraha ku dhifteen gaar ahaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
  17. Benadir Administration announced they're starting renovations on Police Stations and roads in Mogadisho. Mogadishu’s Mayor Mohamed Ahmed Nuur Tarsan told the media that they are willing to start the renovations on some of the police stations, but the TFG is still waiting on financing from the United Nation’s Political Office for Somalia (UNPOS). “As soon as we receive the financing from the UNPOS office in Nairobi we will swiftly start the re-buildings of the police stations here in Mogadishu,” he said during a press conference in Yaqshid Police Station, one of the biggest police stations in the capital. “The office of Dr. Augustine Mahiga, the Special Representative of the General Secretary for the United Nations, has allocated funds to re-construct almost nine police stations in Mogadishu,” the mayor added. He also said that in addition to police stations, the basic facilities in the city, such as sports parks and recreational areas, must also be restored to provide peace and stability to the residents. Once funded, the Ministry for Youth, Sports and Social Service will begin renovations on sports grounds including Konis and Mogadishu Stadiums. Re-opening streets near Bakara Market Areas of Mogadishu Street Improvements in Purple The local government has also started to re-open the streets that were closed during the fighting between the government forces and al-Shabaab militants in Mogadishu, including the roads leading into Bakara Market which served as a stronghold of the militants. Heavy equipment could be seen in the streets around Bakara, the biggest market in Somalia, according to Mohamed Abdullahi Ariig, the speaker of the Banadir Administration. “We brought bulldozers to the Dabka and Tarabunka junctions to re-open Bakara Market amid efforts to beautify the capital,” he said He added that they are sweeping up debris and filling holes in the streets to make it possible for bus shuttles to operate more effectively. “This order come from the Somali government and we are performing our duties of administration in the region,” he explained. Residents of Mogadishu welcomed the government’s efforts towards the cleaning and re-opening of the streets as well as the renovations of the police stations in Mogadishu. Asha Abdullahi Geelle, a mother and businesswoman in Mogadishu, told Somalia Report that she is happy to hear that Bakara Market is going to re-open in the coming days and the Banadir Administration is working to ensure the security and safety of its civilians.
  18. Shirkii guddiga wadajirka ee Amniga Soomaaliya oo maanta markii ugu horeysay lagu qabtay Muqdisho Isniin, Ogoosto 22, 2011 (HOL) – Waxaa maanta markii ugu horreysay lagu qabtay magaalada Muqdisho shirkii guddiga wadajirka ah ee amniga dalka iyadoo ay shir guddoominayeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali, wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay Amb. Augustine Mahiga iyo ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mr. Wafulu Wmanyinyi. Shirkan oo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb-galay wakiilada, ururada Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, IGAD, Midowga Yurub, waxaana goob-joog ka ahaa wakiilo ka socday dowladdaha Mareykanka, Ingiriiska, Fransiiska, Jarmalka, Norway, Denmark, iyo Sweden. Kulanka ayaa intii uusan soo gabagaboobin ka hor waxaa warbaahinta faahfaahin siiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo ergeyga gaarka ah ee Qarammada Midoobay ee Soomaaliya Amb. Mahiga iyagoo sheegay in kulankani uu ahaa kulan taariikhi ah isla markaana markii ugu horeysay ay tahay oo lagu qabto gudaha dalka Soomaaliya. Waxay sheegeen in kulanka looga arrinsaday arrimaha amniga iyo sidii loo xaqiijin lahaa nabada iyo xasiloonida dalka Soomaaliya waxayna tilmaameen inuu ku socdo weli si habsami iyo saaxiibtinimo leh. Amb. Mahiga ayaa yiri: "Kulankan wuxuu jawaab u yahay horumarka laga gaaray nabadda Soomaaliya, gaar ahaana Muqdisho oo laga saaray Al-shabaab, waxaana kulankan midka xiga lagu qaban doonaa halkan laba bilood oo maanta ka billlaabanaysa kaddib," ayuu yiri Mahiga oo xusay in Qarammda Midoobay ay dib u dhis iyo tayeyn ku sameyn doonto hay’addaha nabadgelyada sida ciidamada Booliska iyo saldhigyada. Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Dr. Cabdiweli ayaa xusay in kulankan uu yahay midkii sagaalaad oo uu guddiga wadajirka ah Amnigu yeesho, balse siddeedii kulan ee hore ay ka dhaceen dalka dibadiisa. "Dowladda Federaalka shirkan muhiimad gaar ah ayuu u leeyahay maadaama markii ugu horeysay lagu qabtay dalka Soomaaliya, waxaana rajeyneynaa in kulamada dambe ay si rasmi ah uga dhacaan dalka," ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya. Guddigani wadajirka ee Amniga ayaa waxaa lagu aasaasay dalka Jabuuti sanadkii 2008, kaddib heshiiskii ka dhacay dalkaasi Jabuuti iyadoo ujeedadiisuna ay ahayd in beesha caalamku ay ka taageerto Soomaaliya sidii loo dhisi lahaa hay’addaha Amnigasi dibna loogu soo celin lahaa Amnigii iyo kala dambeyntii dalka Soomaaliya. Xafiiska wafaafinta Ra'iisul wasaaraha media@opm.gov.so Muqdisho - Soomaaliya
  19. UNPOS, the UN Political Office for Somalia, has finally indicated that it is prepared to increase the number of its staff in Mogadishu, from four to twenty four by the end of the year. The United Nations Special Representative for Somalia, Ambassador Mahiga, told the Security Council that the UN would begin to relocate its Somalia operations from Nairobi in the next few months. “We are now actively planning for an expanded UN presence inside Somalia, rather than the ‘light footprint’ we had envisaged,” Mahiga said. He said it was “critical that we secure the logistical support, including a fast-tracked construction of permanent facilities to pave the way for the deployment of additional staff in Somalia, particularly in Mogadishu.” A base is being built at Aden Ade international airport to house most of the increased numbers. Ambassador Mahiga also noted that the most pressing immediate need was to secure access for international humanitarian agencies bringing food and supplies into the capital. http://unpos.unmissions.org/Portals/UNPOS/Repository%20UNPOS/110810%20SRSG%20Statement%20for%20UNSC.pdf
  20. Afshan Ahmed Sunday, August 21, 2011 DUBAI// A national telethon organised by the Red Crescent Authority collected more than Dh64 million to help famine victims in the Horn of Africa. The telethon, Suqyahum (quenching your thirst), which began on Wednesday, raised Dh64.8million in the three days of its nightly broadcast on Abu Dhabi Television. The campaign was initiated at the request of the President, Sheikh Khalifa. More money was raised in similar events in Dubia and Sharjah, although those totals were not immediately available. With its end on Friday, the organisers of Suqyahum said the amount collected was short of the Dh100 million they had hoped to raise. "The telethon has ended but we will continue to broadcast the toll-free and SMS numbers on the channel for people who want to contribute to the cause," said Abdulraheem Albateeh, the director of Abu Dhabi Television, part of Abu Dhabi Media, publisher of The National. Dr Saleh Al Taee, the secretary general adviser at the RCA, said 400 tonnes of food items had been donated by companies. "This includes 180 tonnes of dates," he said. Dr Al Taee added that milk, rice and sugar was also collected. The RCA aims to send 400,000 tonnes of relief to the Somali capital. More than 29,000 children are estimated to have died of hunger in the past few weeks due to the drought. Another 300,000 children in the Horn of Africa are severely undernourished, according to the United Nations. The RCA has opened seven clinics in its camps in the Somalian cities of Mogadishu and Hargeisa, and wants people and companies to contribute. It urgently needs medicines including antibiotics and anti-malaria medicines. "This is an appeal to factories, pharmacies and private and government hospitals," said Dr Al Taee. "We need medical items and if we have a sufficient amount we will send it by plane." "The condition is that they should have a shelf life of one year and must be packaged well." He said there are thousands of orphans that would also need financial support. "We have the names of these orphans and have a programme for people who want to come forward and support them as well," he said. Source: The National
  21. UNICEF oo gargaarkii ugu horreeyay muddo shan sano ah maanta geysay degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo Axad, Ogoosto 21, 2011 (HOL) – Diyaarad u kireysan hay’adda caruurta dunida ee UNICEF oo sidda gargaar kala duwan ayaa maanta muddo shan sano ah kaddib ka dagtay garoonka diyaaradaha ee degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo. Gargaarkan oo ay ku jireen raashin nafaqeysan ayaa wuxuu noqonaya kii ugu horreeyay oo ay hay’addaas geyso gobolka degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, iyadoo mas’uul u hadlay maamulka deegaanka gacanta ku haya oo gacansaar la leh dowladda Soomaaliya uu sheegay in diyaaradda laga dajiyay gargaarka ayna si nabad ah kaga duushay degmada. Boqolaal dadweyne ah oo ku nool degmada Garbahaarey ayaa u daawasho tagay diyaaradda maadaama ay ahayd markii ugu horreysay muddo shan sano ah oo ay diyaaradi kasoo dagto, inkastoo UNICEF aysan weli ka haldin gargaarka ay geysay degmadaas. Sannadkan bartamihiisii ayay ahayd markii diyaarad u kireysan UNICEF ay gargaar geyso degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo diyaaraddaas ay ahayd tii ugu horreysay muddo saddex sano ah oo ku dagta degmadaas. Degmada Garbahaarey ayaa waxaa gacanta ku haya ciidammo taabacsan DKMG ah iyo kuwa Ahlusuna oo isgarabsanaya, kuwaasoo billowgii sannadkan dagaal uga qabsaday Xarakada Al-shabaab oo ka talinaysay degmadaas labadii sano ee lasoo dhaafay. Hay’adda UNICEF ayaa ka howlgasha degmooyinka ay dowladdu ka tiliso iyo kuwa ay Al-shababa ka taliso ee ku yaalla Koonfurta Soomaaliya, waxaana hay’addu ay horay u sheegtay inay gargaar geynayso deegaannada ugu daran ee ay abaaruhu ku dhufteen dalka Soomaaliya. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaal
  22. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay wafdigii kulanka Amniga ee Naivasha (Muqdisho, Axad, 21 August 2011) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan gaar ah la qaatay wafdigii dowladda Soomaaliya uga qeybgalay kulankii socday muddo 4 maalmood ah oo looga arrinsanayey Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Amniga Dalka (National Security Stabilization Plan (NSSP)). Sidoo kale kulankan waxaa joogey Wasiirada Amniga oo ay ka mid ahaayeen Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen ahna Wasiirka Difaaca, Mudane Husseen Carab Ciise, Wasiirka Garsoorka, Mudane Ugas Axmed Bile, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Cabdisamad Macallim Maxamud, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdullahi Goodax Barre, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Bashir Maxamed Jama, Taliyeyaasha ciidamada Xoogga Dalka iyo Booliska General Cabdulqaadir Sh Cali Diini, iyo General Sharif Sheekhuna Maye iyo mas’uuliyiin ka socotay hay’ada Nabadsugidda Qaranka, iyo Xafiisyada Ra’iisul Wasaaraha iyo kan Madaxtooyada. Ra’iisul Wasaare Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahadceliyey wafdigii dowladda ee ka qeybgalay kulankii lagu soo diyaarinayey Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Amniga Dalka, kuna ammaanay sida ay si waddaninimo leh uga qeybqaateen diyaarintan Qorshahan muhiimka u ah dalka, iyo sida ay si Soomaalinimo leh ugu horseedeen diyaarinta Qorshahan oo ah markii ugu horreysey ee Somali qaadato hoggaanka diyaarinta Qorshahan muhiimka ah oo ay khubaro ku xeel dheer arrimaha amniga oo Soomaali ah ay iyagana ka qeybqaateen kulankan oo ay ka mid ahaayeen saraakiishii hore ee dalka oo in muddo ahba waday daraasad lagu qiimeynayo xaaladda dhabta ah ee amniga dalka iyo sida lagu xasilin karo. Kulankaas Naivasha waxaa goob joog ka ahaa Qaramada Midoobey iyo diplomaasiyiin ka kala socday waddamada US, EU, UK, Egypt, AU, AMISOM iyo dalal kale oo iyagana si heer sare leh u ammaanay sida Soomaalida ay uga go’neyd qorshahan kuna dhiiri geliyey inay dhameystiraan dokumentiga Qorshahan si ay beesha caalamka u taageerto, isla markaana u keenaan tasiilaadkii lagu fulin lahaa Qorshahan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa la dardaarmay guddiga soo diyaariyey qorshahan kana codsaday inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo dhameystiraan, si loo horgeeyo golaha wasiirada iyo golaha baarlamaanka oo uu u noqdo mid sharci ah. Waxaa dhowaan lagu wadaa in Muqdisho markii ugu horreysey lagu qabto kulankii Guddiga Wadajirka ah ee Ammaanka (Joint Security Committee) oo ay shir-guddoomin doonaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Ergeyga gaarka ah ee guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM. Kulankan JSC ayaa looga hadli doonaa documentiga qabyada ah ee Qorshaha Qaranka ee Xasilinta Amniga Dalka laguna wadaa in looga doodo isla markaana lagu ansixiyo oo beesha caalamka ay goob joog ka ahaan doonaan.