Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. Madaxweyne Shariif oo shacabka Soomaaliyed ugu hambaleeyay Ciidul Fidriga Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa shacabka Soomaaliyed ugu hambalyeeyay munaasabada Ciidul Fidriga, kadib markii uu saaka kala hadlay shacabka Raadiyaha Qaranka ee Afka Dowladda ku hadasha. Shariif ayaa salaadii ciida ku tujiyay boqolaal ruux Masaajida loogu magac daray Shuhadaa ee ku yaala Xarunta Madaxtooyada, isagoo halkaas Khudbad ka jeediyay Madaxweynaha. Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in Ciidan ay ka duwan tahay kuwii hore, isagoo si gaar ah u xusay in maanta Muqdisho ku ciideysay iyadoo laga xoreeyay Magaalada Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay. "Ciidan waa ka duwan tahay ciidihii hore, ee labadii sano u dambeeyay, maxaa yeelay, waxaa laga xoreeyay magaalada cadawga umada ee Al-Shabaab"ayuu yiri Madaxweyne Shariif. Madaxweynaha ayaa sheegay inay rajeynayaan in shacabka Soomaaliyed ee ku dhaqan Muqdisho ay maanta ku ciidaan Nabad. "Waxaan ugu hambalyeynayaa shacabka Munaasabada ciida, meel walba ee ay joogaan, sidaa la socotaan waxaa na soo gudubnay Waajibkaad Bisha Ramadaan, waxaan leeyahay ciidan ciideena kale, Alle hangu gaarsiiyo Nabad, Horumar, Midnimo iyo Dowladnimo"ayuu yiri Madaxweyne Shariif. Masaajida Madaxtooyada ayaa waxaa ku dukatay Wasiiro ka tirsan Xukuumada, sida Ra'iisul wasaare kuxigeenada, Gudoomiye kuxigeenada Baarlamaanka, Xildhibaano iyo Shaqaalaha Dowladda.
  2. The president of the republic of Somalia Sharif Sheikh Ahmed has extended his best wishes to all Muslims and in particular the Somali people as they celebrate Eid-ul-fitri which marks the end of Muslim holy month of Ramadan. Addressing the nation, the president called on faithfuls to extend their generosity towards the needy people during this time of drought and famine related crisis in the country. On security issues, the president urged the public to maintain the peace and victory they achieved in reference to the recent pull out of the rebels from all position in the capital, Mogadishu. He emphasized on the need to unite in achieving lasting peace and prosperity in the country. Lastly the president wished the public a prosperous year and happy Eid.
  3. Beergaal, yahoo iyo yur adiguna. Kan kaa koreeyana, arrinta laga hadlaayo maadan fahmin ee dib u aqriso threadka marka hore intaadan Wikipedia noola soo ordin. Speaking of Wikipedia, ku suhuuro tan: Thus in diplomatic affairs, heads of state are often the first person to greet an important foreign visitor . They may also assume a sort of informal host role during the VIP's visit, inviting the visitor to a state dinner at his or her mansion or palace, or some other equally hospitable affair. . http://en.wikipedia.org/wiki/Head_of_state
  4. WARSAXAAFADEED (Mugadisho, Soomalia, Agoost 28, 2011) Madaxweynaha Jamhuriyada Soomaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Garoowe ee maamul gobaleedka Puntland Madxweyne Sharif iyo waftigiisa ayaa si heer sare ah waxaa garoonga diyaaradaha ugu soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha dowlada Soomaliya Dr. C/wali Maxamed Cali, Madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland Dr. C/raxmaan Sh. Maxamed (Faroole), Augustine Mahiga, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowlada iyo maamul gobaleedka Puntland. Madaxweynaha ayaa ugu horayntii booqasho ku tagay xero qaxooti oo ku taala duleedka magaalada Garoowe asagoo la kulmay barakacayaasha ku sugan xeradaas. Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqda isbitaalka Garoowe, Wasaarada waxbarashada iyo wasaarada haweenka iyo qoyska. Shacabka Garoowe ayaa si diiran u soo dhaweeyay Madxweynaha Soomaliya iyagoo u saftay labada dhinac ee wada laamiga iyagoo wata caleemo qoyan, calamo kuna dhawaaqaya hal-haysyo ay kamid ahaayeen “Soomalidii midoowday, soo dhawoow mudane Madaxweyne, Soomaliya ha noolaato” iyo kuwa kale oo badan. Madxweynaha ayaa ayaa waxuu dhex lugeeyay kumanaankii qof oo isugu soo baxay wadooyinka isagoo u gacan haadiyay shacabkii tubnaa hareeraha wadooyinka. Kadib shir albaabadu u xiran yihiin ayaa Madaxweynaha Soomaliya Mudane Sharif Sh. Axmed iyo Madaxweynaha maamul gobaleedka Puntland Dr. C/raxmaan (faroole) waxay si wada jir ah u qabteen shir jaraa’id. Dr. Faroole ayaa waxuu sheegay in aan Puntland loo dhisin inay kala qaybiso Soomaliya ee loo dhisay inay midayso, sidoo kale Dr. Faroole ayaa sheegay in bog cusub uu biloowday Soomaliyana ay midowday. Madaxweyne Sharif ayaa sheegay in Puntland ay tahay aas-aaska dowlada Soomaliya ayna muhiim tahay in laga wada shaqeeyo horumarka iyo midnimada dadka iyo dalka. Madxweynaha ayaa nuux-nuuxsaday in Soomalidu tahay dad isku deegaan ah, isku luuqad ah, isku diin ah loona baahanyahay midnimo iyo wada shaqayn si loo samata bixiyo dadka iyo dalka Soomaliya.
  5. Xaaji Xunjuf;743198 wrote: We should first discuss whether Somalia's government is a parliamentary system or presidential System its not clear whether the TFG has adopted the Parliamentary System or a presidential System. Currently Abdiweli operates as vice president with less executive power, it seems perhaps the TFG uses a semi presidential System. Because Sharif Appoints the the Army Chiefs and the Ambassadors of the Country. Spoken like a true politician. 2012 Isbedelka ugu horeeya waxuu noqon doonaa in sheekadan la sort out gareeyo.
  6. Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa markii u horeysay booqasho ku tagay Magaalada Garowe ee Xarunta Puntland, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay Madaxweynaha iyo wafdigiisa. Wafdiga Madaxweyne oo ay ka mid ahaayeen xubno ka tirsan Dowladda, Saraakiil iyo Ciidamo gaar ah oo isugu jira kuwa AMISOM iyo kuwa Dowladda ayaa Diyaarad gaar ahi ka dejisay Garoonka Garowe, iyadoo markii halkaas ay ka dageen si heer sare ah loogu soo dhoweeyay. Madaxweynaha ayaa durba kormeeray xeryaha barakacayaasha iyo Isbitaalka Magaalada Garowe, waxaana Madaxweynaha si layaab ah uu iskiis u go'aansaday inuu socod ku maro wadooyinka Garowe, ilaa Hal KM ayuu socod ku maray. Ka sokow safarka Madaxweynaha ayaa waxaa iyana Garowe ka degay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Agoustine Mahiga. War hada na soo gaaray ayaa sheegaya in haatan Xarunta Madaxtooyada Puntland uu kulan albaabada u xiran ay ku leeyihiin Madaxweyne Shariif, Ra'iisul Wasaarihiisa C/wali Gaas, Madaxweynaha Puntland iyo Wakiilka Qaramada Midoobey. Kulankan ayaa la sheegayaa inuu la xiriiro arrimaha shirka wada tashiga, iyadoo Madaxda ay maanta si rasmi kaga dhawaaqi doonaan in shirka lagu qabanayo Magaalada Muqdisho, inkastoo horay loo qorsheeyay in Muqdisho lagu qabto. Marka uu soo dhamaado kulankooda ayaa waxaa la filayaa inay shir jaraa'id ay qabtaan oo ay saxaafada la hadlaan. Sawirada By: Cumar Soomane Garowe Puntland soomane50@gmail.com
  7. Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;743194 wrote: Head of state in uu yahay qof diidan ma jirto, but he is not head of government. Rajab Dayib waa a head of government in Turkiga. Madaxweynaha Turkigana waa C/llaahi Guul, taas ayaa jirto. Protocol jirto haddii la raacana a head of government always waxaa soo dhaweynaayo his/her counternpart. Saas u ah protocol adduunka. Hadduu his/her counterpart maqanyahayna, ku xigeenkiisa ayaa kusoo dhaweynaayo garoonka. Shariifka in uu soo dhaweeyo garoonka qof u diideyso maleh but protocolka uu jibiye, then again everything about Soomaaliya protocol kuma taalo. Kan Turkigaba head of state and commander of chief waaye, yet hadduu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya si dhab ah u tago asaga masoo dhaweynaayo, but Rajab Dayib's government soo dhaweyneyso. Waxaas waa protocolka caalamiga iyo kii Soomaaliya u deganaa in '60s. Magac u yaal haku marmarsiyoon, sharci ayaa jiro ama ha lagu dhaqmo ama ha lagu tunto, laakiin sharci ayaa jiro. One needs to follow that. Anyway, waxaan wax muhiim ma'aha laakiin runta in la isku sheego wey fiicantahay. Shariif iyo Gaas shaqsi aan u kala jeclahay ma jirtee, cidee soo dhaweynaayaan shuqul kuma lihiyee ee sharciga jiro lee ka hadlaayaa. I asked you sharci miyuu jebiyey? if yes, prove it with source. Meanwhile ku raaxeeso. ====== Manmohan gets red carpet welcome on Tanzania visit ME Times News Bureau | 27 May, 2011 Prime Minister Manmohan Singh Thursday touched down the Tanzanian city of Dar es Salaam to a red carpet welcome to begin a two-day visit to Tanzania that is expected to boost economic and strategic ties with the vibrant East African country's economy that is home to 40,000 persons of Indian origin. In a gesture underlining his country's special ties with India, Tanzanian President Jakaya Kikwete warmly received prime minister Manmohan Singh and his delegation who landed here in the evening after attending the second India-Africa Forum Summit in Addis Ababa. Singh who is the first Indian head of government to visit Tanzania after 1997 was welcomed by President Jakaya Kikwete at the airport. The Prime Minister inspected a guard of honour was welcomed by children waving Indian national tricolour. Singh is accompanied by a high level delegation, including External Affairs Minister S M Krishna and National Security Adviser, Shivshankar Menon. Singh's visit is the first by any Indian head of government after September 1997. It is also the first head of government visit from a non-African country after President Kikwete assumed the second term following the general elections last year. http://www.deccanherald.com/content/164262/prime-minister-accorded-red-carpet.html Ciao.
  8. Raysalwasaaraha Dawladda KMG ah ee Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Jeneraal Cabdisamad Cali Shire ayaa maanta booqday Qaar kamid ah Xarrumaha Dawladda Puntland iyo Kaamamka ay ku dhaqanyihiin Barakacayaasha ee magaalada Garoowe. Dr Gaas iyo Mudane Cabdisamad ayaa booqashadooda waxaa ku weheliyey xubno kamid ah Xukuumadda Puntland iyo Wasiiradda la socda Raysalwasaaraha DKMG ah. Goobihii ay booqashada ku tageen ayaa kala ahaa: Wasaaradda Caafimaadka Puntland Wasaaradda Waxbarashada Puntland Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo arrimaha Qoyska Puntland. Wasaaradda Qorsheynta iyo Xirriirka Caalamiga ah ee Puntland. Jaamacadda Bariga Afrika laanteeda Garoowe. Jaamacadda PSU Garoowe. Isbitaalka weyn ee Garoowe. Kaamamka Barakacayaasha Garoowe. Raysalwasaare Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas intii uu booqashada ku jiray la hadlay dadka,wuxuuna sheegay in wixii xiligaan ka danbeeya ay si fiican u wada shaqayn doonaan Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah iyo Dawladda Puntland,waxaana Xirriirkoodu uu noqon doonaa mid aad u sareeya Dr Gaas ayaa sidoo kale sheegay xili uu booqanaayey Kaamamka Barakacayaasha Garoowe in Koonfurta Soomaaliya dadka abaartu ku heshay ay gaareen meel walba oo kamid ah dalka hada ka dibna ay deeqaha la keeno lasoo gaarsiin doono dadka ku dhaqan Kaamamka Puntland kuyaala,beesha Caalamkana ay qeylo dhaan u dirayaan si dadkaan ay u soo gaarsiiyaan iyaga na deeqaha. Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Jeneraal Cabdisamad Cali Shire oo isna ka hadlay xarunta Jaamacadda PSU ayaa sheegay in booqashadaan loogu talagalay in Madaxda ka socota Dawladda Federaalka Kumeelgaarka ah arkaan wax ay ku sugantahay Dawladda Puntland iyo Shacabkeedu barqaaqo iyo dib u dhac nooc kasta oo ay ahaato ayna leeyihiin kusoo dhawaada deegaankiinii Puntland. Goobihii uu booqashada ku tagay Raysalwasaaruhu ayaa madaxdii ku sugnayd ay warbixin guud ka siiyeen sida ay u shaqeeyaan taas oo Raysalwasaaruhu aad ugu riyaaqay hawsha habsamida leh ee ay hayaan madaxdu. Maxamed Saciid Yuusuf Wakiilka HorseedMedia Garoowe-Puntland
  9. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqday Xerooyinka Barakacayaasha Garowe iyo xarumaha Wasaaradaha Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali ayaa maanta booqday qaar ka mid ah xerooyinka dadka barakacayaasha ah ee ku yaala magaalada Garowe halkaasi oo ay ku nool kumaan ka mid ah qoysas barakacayaal ah oo ka soo hayaamay qaar ka mid ah gobolada koonfureed ee wadanka soomaalia oo collaadaha iyo abaaraha ay halakeeyeen. Kormeerkan ayaa waxaa uu ahaa mid uu reysalwasaaraha soomaalia Dr C/wali Maxamed Cali (Gaas) uu ugu kuur galayay xaalada dhabta ah ee ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ee ku jira kaamamka ku yaala magaalada garowe iyo sida ay dowlada federaalka ugu go'an tahay sidii ay wax ugu qaban lahayd dadkan dhibaateysan ee xaaladaha dhinaca nolosha ah ku heysata degaanada puntland gaar ahaan magaalada Garowe. Ra'iisul Wasaaraha ayaa booqashadiisa waxaa uu ku tagay kaam shabelle oo ka mid ah kaamamka barakacayaasha ee ku yaala magaalada Garowe waxaana halkaasi uu kula hadlay boqolaal ka mid ah dadka barakacayaasha ee ka yimid deegaanada koonfurta dalka waxaa uu Ra'iisul Wasaaraha sheegay in xukuumada ay diyaar u tahay in ay wax ka qabato dhibaatada dadka barakacayaasha ku heysata degaanada puntland. Kormeerkan ayaa waxaa Ra'iisul Wasaare C/wali Maxamed Cali ku wehliyay xubno ka mid Golihiisa Wasiirada xilidhiibaanada iyo qaar ka mid ah golayaasha Maamulka Puntland. Sidoo kale Ra'iisul Wasaare Gaas iyo wefdigiisa ayaa waxay intii ay ku guda jireen kormeeda waxay soo mareen jaamacadaha iyo xaruumaha wasaaradaha Puntland oo ay ka mid yihiin Wasaarada Caafimaadka, waxbarashada iyo wasaarada horumarinta haweenka iyo arimaha qayska Puntland waxaana intii lagu guda jirey kormeerka khudbado jeediyey Xubno ka mid ah xukuumadada Ra'isal wasaare Gaas oo ay ka mid ahaayeen wasiirada caafimaadka iyo waxbarashada. Ra'iisul wasaare Gaas ayaa saxaafada la hadlay markii uu soo dhamaystay kormeerkiisa waxaana uu amaan u soo jeediyey maamulka Puntland isagoo sheegay inay wax muuqda u qabteen bulshadooda reer Puntland. Wafdigaan uu hogaaminayo ra'sal wasaare Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa mudo 24 saac ah ku sugan magaalada Garoowe waxaana ay kulamo isdabajoog ah la qaadanayaann Madaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed maxamuud Farool iyo ku xigeenkiisa Cabdisamad Cali Shire.
  10. Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;743062 wrote: Cabdi Ismaaciil Samatar has a point, Soomaalina. Shariifka is a head of state, not head of government. His Turkish equivalent is madaxweynaha Turkiga, inkastoo with much less powers compared to madaxweynaha Soomaaliya. Still should a Soomaali president welcome a head of state, it is for madaxweynaha markaas jiro, and for a head of government, ra'iisul wasaaraha markaas jiro ayaa leh soo dhaweynta lagu soo dhaweynaayo garoonka. Shariifka went quite a few times to Turkiga, and mar walbana waxaa soo dhaweyn jiray madaxweynaha Turkiga, C/llaahi Guul. Yes, madaxweynaha Soomaaliyeed wuu soo dhaweyn karaa a head of government, but only at madaxtooyadiisa ama hadduu casho sharaf u sameynaayo, not at the airport. That privilege belongs to the prime minister. The charter you posted implies that, at least to my interpretation. MMA, you can agree with Abdi Samatar all you want that's your prerogative. Laakiinse, don't come here and say madaxweynaha ma tegi karo airport-ka. That's load of bs. Xaggee ku qorantahay heeskaas? back up waxaad sheegeyso, waxaad niyada ka rabto iyo real facts waa kala duwan yihiin. You should Google search madexweynayaasha airport-ka tagey before you write such nonsense walaalkiis. Mida kale, Sheik Sharif is the first Somali president to officially visit Turkey (you can check that if I'm wrong) ever. Sidaas awgeedna, Madexweyne Sharif welcoming the most senior government official in Turkey on the Tarmac xaq ayuu u leeyahay. Maalin Soomaliya taariikh leh ayey aheyd Madexweyne Shariifna Erdogan wuu sharfey. Mana aha wax Cabdi Samatar of all people laga wareysanaayo. Haddaad dhihi lahayd sharciga ayuu jebiyey wax kale ayey ahaan lahayd. Privilege ka aad sheegteyna actually belongs to the president, waana back up gareeyey with a source, adiga laakiinse maadan keenin source. Finally, systemka parliamentary democracy-ga ah ee hadda jira, magac lee waaye sida aad la socoto, xildhibaanadaan cid dooratey ma jirto, constituency iyo awoodna maba laha, Sakiin ayaa isaga bood boodaayey awal meesha. Waxaan ku soo xiraayaa sheekadan Sheik Shariif is the head of the State and the Commander-In-Chief of the armed forces. Kii u maleeyo inuu title-ka yahay ceremonial asagey u taalaa runtii. Madexweyne consistently frontlineska dagaalka tagaayo Sharif uunbaan ka arkey. Safaradiisana maanta ayay miro dhaleen sidaad indhahaaga ku aragto. Dhamaad
  11. Saudi prince in Mogadishu pledges aid Saturday, August 27, 2011 MOGADISHU - A delegation from the Saudi royal family arrived Saturday in Mogadishu on a one-day visit to see how best to assist the Horn of Africa country hit by famine and drought, officials said. The delegation, led by Prince Alwaleed bin Talal, a nephew of King Abdullah and one of the kingdom’s wealthiest men, arrived in late morning and visited camps for those displaced by the crisis and Banadir hospital, where acutely malnourished children have been dying in large numbers. “I'm very happy to be here in Mogadishu in relative peace but also disappointed with the humanitarian disaster that Somali people are facing,” the prince told reporters, adding that Saudi Arabia would “assist the malnourished children and those in need”. Commenting on closed-door talks he held with Somali president Sharif Sheikh Ahmed before flying home in mid-afternoon, the prince said: “We have discussed the current situation and also future business investments.” The Horn of Africa has been hit by the worst drought in decades, and the UN has described Somalia, where a civil war has been going on since 1991, as facing the most severe humanitarian crisis in the world.
  12. Madaxweyne Shariif oo ku sii jeeda Magaalada Garowe Diyaar garow ballaaran oo lagu soo dhoweynayo wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta lagu wado inuu booqdo Garowe ayaa soconaya, iyadoo ammaanka si weyn loo xaqiijiyay. Ilo wareedyo ku dhow dhow Xafiiska Madaxtooyada ayaa u sheegay Shabakada Jowhar.com in Madaxweyne Shariif uu saacadaha soo socda uu u baqooli doono Magaalada Garowe ee xarunta Gobolka Nugaal. Booqashada Madaxweynaha ayaa waxaa maalintii jimcaha shaaciyay Ra'iisul Wasaare Dr. C/wali Gaas oo labo cisho ku sugan Garowe, kaasoo uu ku sheegay in socdaalkiisa Garowe uu gogol xaar u yahay booqasho Madaxweynaha ku aadi doono. Diyaar garow xoog leh ayaa ka socota Magaalada Garowe oo lagu soo dhoweynayo Madaxweyne Shariif oo markii u horeysay booqan doona Puntland. Lama oga inta ay qaadan doonto booqashada Madaxweynaha, hase ahaatee waxay imaaneysaa xilli Puntland ay horay u dhaliishay siyaasada Madaxweyne Shariif ee ku aadan Maamulkooda. Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa soo dhoweeyay booqashada uu ku tagay Garowe Ra'iisul Wasaare Dr. C/wali Gaas. Puntland ayaa horay xiriirka ugu jartay Dowladda Federaalka, iyadoo ka mamnuucay inay deegaanadeeda yimaadaan shaqsiyaadka Dowladda ka tirsan, hase ahaatee waxaa iminka muuqanaya ifafaalo isu soo dhowaan ah iyo xiriir cusub oo labada dhinac u bilowday.
  13. Maalqabeenka Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo Muqdisho soo gaaray iyo Madaxweynaha oo la kulmay Nassir, Qorsheel says hello.
  14. I didn't ask a question, you did. I'm not a fan of Fuad, you are. See yourself out.
  15. Good question to ask Fuad me thinks?
  16. Remember the name, it tells a story.