Somalina
Nomads-
Content Count
7,672 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Somalina
-
Madaxweyne Shariif oo kormeeray goobaha loogu tala galay shirka wada tashiga War-Saxaafaddeed:(Mogadishu, Somalia, September 3, 2011) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa kormeer ku tagay goobihii loogu talagalay shirka wada tashiga ee bilaaban doona barito. Goobaha uu booqday Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa xarunta Baarlamaanka oo ah goobta shirku ka furmayo, howgii loogu talagay ergada ka soo qaybgalaysa shirka oo ku yaala Somalifuruud iyo qayb ku taala garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade International Airport. Booqashada Madaxweynaha ayaa ahayd mid ku salaysan u kuurgalida howlaha qaban-qaabada ee shirkawada tashiga ah ee la filayo inuu dhaco maalinta bari ah. Madaxweynahe Sharif ayaa wuxuu amaan iyobogaadin u jeediyay howl wadeenadii ka shaqeeyay goobahaas isagoo kula dar-daarmay in si wanaagsanloosoo dhaweeyo wafuuda ka imaanaysa Soomaliya iyo caalamkaba. Madaxweynaha ayaa markuu kormeerkiisa soo gabagabeeyay wuxuu shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha isagoo farxad iyo wanaag ku tilmaamay in umada Soomaliyeed ay mustaqbalkooda uga tashanayaan shirka wada tashi ee furmi doona barito, Madaxweynaha ayaa sidoo kale u mahad celiyayergada ka soo qaygalaysa shirkaan si ay uga qayb qaataaan hanaanka nabada iyo horumarka dalkooda. Ugu dambayn Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa ilaahay kabaryay in shirkaasi uu noqdo mid miro dhal ah una horseeda umada Soomaliyeed mid ka samatabixiya dhibaatada ka jiray dalka mudo 20 sano ah. - DHAMAAD – Suldan A. Farahseed Xafiiska Madaxweynaha Moqdishu, Somalia media@presidency.gov.so
-
2 September 2011 – The upcoming meeting of Somali leaders in Mogadishu, the first major conference in the capital for many years, will be “hugely significant” for restoring peace and stability in the strife-torn nation, says a senior United Nations official. The Consultative Meeting on Ending the Transition, which begins on Sunday, is expected to endorse a roadmap outlining the most important tasks for the Somali Government, Parliament and regional authorities to achieve in the next 12 months. “This is indeed Somalia’s moment, and this week’s meeting could not have come at a more opportune time,” said Augustine P. Mahiga, the Secretary-General’s Special Representative for Somalia, who is facilitating the three-day meeting. The Horn of Africa nation has lacked a functioning government for two decades, and violence spawned by warlords and Islamic militants, such as Al-Shabaab, has killed thousands and driven some hundreds of thousands more from their homes. The country is now beset by a devastating drought and famine in which tens of thousands of people have already died and 3.2 million others, about one third of the total population, are thought to be on the brink of starvation. Mr. Mahiga said recent political and military improvements in Somalia offer both opportunities for progress as well as great challenges. He noted in particular the departure of Al-Shabaab from the capital and the accord reached in June in the Ugandan capital, Kampala, providing for an extension of the transitional period for another year, until August 2012. “With Al-Shabaab in retreat and the country the focus of international attention, this is the chance for the people of Somalia to rise above parochial interests and demonstrate their commitment to progress,” said the Special Representative, who heads the UN Political Office for Somalia (UNPOS). Next week’s meeting will bring together representatives of the Transitional Federal Government, the Transitional Federal Parliament, the self-declared semi-autonomous regions of Puntland and Galmudug, as well as the group known as Ahlu Sunna Wal Jama’a. The next meeting, which will take place before the end of October, will include members from civil society. “The peace process has entered a new phase,” noted Mr. Mahiga. “The fact that this meeting is being held both in Mogadishu and with the participation of a number of major transitional administrations is hugely significant.” According to the draft roadmap, a final draft of the constitution should be agreed in the course of the next 12 months to clarify the future political system, including elections, and enshrine basic human rights. There should also be agreement on the National Security and Stabilisation Plan as well as legislation on piracy, steps to make Parliament more effective, preparations for elections for the President and Speaker within 12 months and measures to enhance good governance.
-
NAIROBI, Kenya, September 2, 2011/African Press Organization (APO)/ -- A high level Consultative Meeting on Ending the Transition will take place in the Mogadishu from 4 – 6 September. This Conference, the first major meeting in Mogadishu for four years, is expected to endorse a roadmap outlining the most important tasks for the Somali Government, Parliament and regional authorities to achieve in the next 12 months. The Conference will comprise representatives from the Transitional Federal Government, Transitional Federal Parliament, Puntland, Galmudug and Ahlu Sunna Wal Jama'a and will be the first in a series. The opening of the meeting on Sunday 4 September will followed by a discussion on the ongoing drought and famine. The second and third days will concentrate on the roadmap which is expected to be endorsed on 6 September. The meetings will be held at Parliament and at Mogadishu Airport. The roadmap is the latest example of steady political progress, including the Djibouti Agreement and the Kampala Accord aimed at restoring a peaceful, functioning Somali state. The next such Meeting will take place before the end of October with a majority of members from civil society. According to the draft Roadmap a final draft of the Constitution should be agreed in the course of the next 12 months to clarify the future political system including elections, and enshrine basic human rights. There should also be agreement on the National Security and Stabilisation Plan as well as legislation on piracy, steps to make Parliament more effective, preparations for elections for the President and Speaker within 12 months and measures to enhance good governance. The Roadmap follows the Kampala Accord, signed on 9 June 2011. Under the Accord the President of the Transitional Federal Government (TFG), Sheikh Sharif Sheikh Ahmed and the Speaker of Parliament, Sharif Hassan Sheikh Aden, undertook to “work together with the international community to establish a Roadmap with benchmarks, timelines and compliance mechanisms for the implementation of the priority tasks”. The proceedings are expected to be broadcast on radio stations including Radio Mogadishu (www.radiomuqdisho.net) and Radio Bar Kulan (www.bar-kulan.com) Press Events Sunday 4 September – Parliament 10 and 1330 briefings – 1700 Press conference Monday 5 September Mogadishu International Airport 1400 Press Conference Tuesday 6 September Mogadishu International Airport 1330 Press Conference
-
Madaxweyne Shariif oo Muqdisho kula kulmay Madaxa UNHCR Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay la kulmay Madaxa Hey'adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey ee UNHCR, Mr Antonio Guterres oo shalay booqasho ku yimid Muqdisho. Antonio Guterres ayaa booqasho ku tagay xeryaha barakacayaasha, isagoo ugu kuur galay xaalada dhabta ah ee dadka abaaraha soo barakiciyeen. War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada ayaa looga hadlay kulanka Madaxweynaha iyo Madaxa Qaxootiga Aduunka. Qoraalka ayaa u qornaa sidan:- (Muqdisho, Soomaliya,31,Agoosto ,2011) Madaxweynaha Jamhuriyada Soomaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa xafiiskiisa ku qaabilyay wafuud uu hogaaminyayo madaxa guud ee hayada UNHCR Mudane António Guterres. Madaxa UNHCR António Guterres ayaa sheegtay in booqashadiisha magaalada Muqdisho ay tahay mid uu ku muujinayo taageeradiisa uu la garab tagan yahay shacabka iyo dowlada Soomaliya. António Guterres ayaa sheegay in wakiilkiisa jooga Nairobi uu u soo rarayso magaalada Muqdisho maadaama ay muhiim tahay in hayadaha gar-gaarka ah ay si toos ah ula shaqeeyaan dowlada, sidoo kale mudane António ayaa sheegay in UNHCR ay ku taageerayso qibrateeda dowlada Soomaliya si loo caawiyo dadka barakacayaasha ah ee jooga wadanka gudihiisa. Madaxweynaha ayaa sheegay in ay muhiim tahay in laga hortagaa wax-yaabaha keenaya in ay dadku barakacaan si loo helo xal waara. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa u sheegay madaxa UNHCR in loo baahanyahay barnaamijyo ka shaqeeya mustaqbalka barakacayaasha “Waa inaan laga fakarin oo kaliya dhibka (macaluusha) hada taagan, balse laga fakaraa mustaqbalka barakacayaasha, dib-u dagin tooda, horumarkooda iyo hanaanka nabada iyo dowladnimoda si loo cirib-tiro macaluusha iyo dhibaatada aan dhamaadka lahayn” ayuu yiri Madxweynahu. Madaxweyne Sharif ayaa sheegay in hayado iyo ururo badan ay wada shaqaynta ka soo hor jeedaan maadaama aysan rabin in lala xisaabtamo, laakin waxaa muhiin ah in xisaabtan uu dhaco si shacbka dhibaataysan ay u helaan wixii loogu talagalay. - Dhamaad – Suldan A. Farahseed Xafiiska Madaxweynaha Moqdishu, Somalia media@presidency.gov.so
-
Howl galo maalintii labaad ka socda Muqdisho iyo Saraakiisha Dowladda oo soo bandhigay Hub iyo rasaas Ciidamo gaar ah oo dhowaan Dowladda u xilsaartay sugida Amaanka Muqdisho ayaa maalintii labaad howl galo ballaaran ka wada Magaalada Muqdisho, xilli shalay howl galadii ay sameeyeen ku soo qab qabteen Hub, rasaas, qoryo gacmeed iyo waxyaabaha qarxa. Howl galadan ayaa xoogooda waxay ka socdaan Xaafadaha degmooyinka Xamar Jajab iyo Waabari, iyadoo ay ka qeyb qaadanayaan Ciidamo isku dhaf ah oo isugu jira Boolis, Milateri iyo Nabadsugid. Saaka ayaa howl galada waxaa lagu qab qabtay dad fara badan oo qaarkood lala xiriirnayo falalka amaan darida, sidoo kale waxaa ku jira Ciidamo ka tirsan Dowladda oo hub iyo rasaas iyagoo iibinayay lagu soo qabtay. Taliska Booliska ayaa shalay Xarunta 888 ku soo bandhigay Hub iyo waxyaabaha qarxa, iyagoo qaarkood ku tilmaamay in la iibsanayay, halka qaarkoodna lagu fulinayay falal ammaan daro. Jeneraal Shariif Sheekhun Maye Taliyaha Booliska Soomaaliyed ayaa sheegay in howl galka uu sii soconayo ilaa Muqdisho ay dib ugu laabato 20-sano ka hor sidey aheyd. Howl galada ayaa u muuqda mid aan kala go' laheyn kadib markii dhowaan Wasaarada Arrimaha Gudaha ku dhawaaqday in Ammaanka la xoojinayo, lana dagaalami doono Ciidamada dharka sita. Howl galadan ayaa noqonaya kuwii ugu sareeyay ee soo mara Muqdisho, isla markaana si xiriir ah u socda, waxaana uu ku soo beegmayaa xilli Gudiga Amniga qaranka ay qorshayaal xaga ammaanka u dajiyeen Caasimada Muqdisho.
-
Madaxweyne Shariif iyo Ra'iisul Wasaare Gaas oo si wada jir u qaabilay Wasiir ka socday Holland Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ra'iisuk Wasaare C/wali Maxamed Cali ayaa maanta si wada jir ah ugu qaabilay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya Wafdi ka socday Dowladda Holland oo uu hogaaminayay Wasiirka Horumarinta iyo Islaashiga Caalamiga mr Ben Knapen. Kulanka kadib ayaa Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay arrimaha ammaanka ayuu sheegay inay tahay mid muhiimad weyn leh, isagoo ka dhawaajiyay in Ammaanka horumar laga gaaray, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in la hormariyo dhanka adeega bulshada sida Korontada, Biyaha, Waxbarashada, Iskuulada iyo Isbitaalada, dib u dhiska Wadooyinka sida uu yiri. Madaxweyne Shariif ayaa Wafdiga Holland ka socda u sheegay in sida ugu haboon ee looga hortagi karo macluul ka dhacda Soomaaliya ay tahay in la xoojiyo Xukuumada Soomaaliya, isla markaana ay awood ugu yeelato sidii ay u difaaci laheyd shacabkeeda. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali ayaa isna waxaa uu soo hadal qaaday qorshe howleedka Xukuumada, isagoo ka dhawaajiyay in Muqdisho kaliya aanay ku ekeyn, hase ahaatee ay quudareynayaan inay gaarsiiyaan xuduudaha uu dalalka deriska ah, waxaana uu ka dhawaajiyay in Al-Shabaab ak qabsadeen dhul ballaaran. Mar uu ka hadlay howlaha dib u heshiisiinta ee Xukuumadiisa ayuu Ra'iisul Wasaaruhu sheegay inay heshiis la saxiixdeen Maamulka Puntland, waxaana heshiiska ku macneeyay in ujeedkiisa yahay sidii lagu xoojin lahaa xiriirka Dowladda KMG iyo Maamul Goboleedyada ka dhaxeeya, taasoo uu qeexay in Xukuumadiisa xooga ku sareyso dhaqan felinta qorshe howleedka u degsan. Sidoo kale Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga Dowladda Soomaaliya Mr C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in qodobadii looga hadlay kulanka la isku afgartay, waxaana uu soo dhoweeyay imaatinta Wafdiga ka socda Dowladda Holland. Wasiirka Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga dalka Holland Mr Ben Knapen ayaa dhankiisa sheegay in wada hadalada ay la yeesheen Madaxda Dowladda uu yahay mid sare loogu qaadayo sidii looga hortagi lahaa musiibada xaga bani'aadanimada ee ka jirta Soomaaliya, isla markaana loo xoojin lahaa ammaanka, isagoo sheegay in wada hadalka ahaa mid ay ku dhiira gelinayaan Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo sanadkii la soo dhaafay ilaa iyo hada horumar sameeyay. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku soo qul qulayay wafuud caalami ah oo ka socoda dalalka caalamka, waxaana imaashihii Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra'iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ay Soomaaliya u noqotay mid bog cusub u furtay safarada ay Madaxda Caalamka ay maalin walba si is-daba joog ugu imaanayaan Muqdisho.
-
Did they change positions in 2010? XAQ MA U LEEYAHAY mise ma ulahan? that's the million dollar question you seem to be dodging at every turn in your posts. HAA iyo MAYA keliya ayaa lagaaga baahanyahay. It's as simple as that, ma garatey intaas? MAYA, cadeyn la soo orod, haddii kale iska cabaad sida Abdi Samatar.
-
We all know who is confused and thought Abdi Samatar words were hollier than thou. You haven't achieved your goal I'm afraid. "XAQ MA U LAHAN" ayaad keentey meeshan, and I showed you inuu xaq u leeyahay. Chavez-na airport-ka ma Putin ayuu ku soo dhaweeyaa mise Hal cadeyn ah maadan keenin marka you are boring me adeer!
-
Blah. Venezuelan President Hugo Chavez (L) welcomes Russian Prime Minister Vladimir Putin upon his arrival at Simon Bolivar International airport in Caracas. "This is a truly important day for the country and for Latin America. It is a visit of great importance. We are forging, like steel, a new multipolar world," Chavez said late Thursday in a televised address. Last week, in announcing Putin’s first visit to Latin America’s biggest oil producer, Chavez thanked Russia for helping Venezuela "bolster its defensive potential" in the face of "threats" from the United States. http://world-countries.net/archives/20097
-
Qudbadda President Sheik Sharif http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2011/08/Riix-Halkan-Si-Aad-U-Dhageysato-Qudbadda-Madaxweynaha-Ee-Ciidul-Fidriga-Ok.mp3
-
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo umaddaha Muslimiinta farxada ciidul Fitriga owgeed hambalyo u diraya Talaado, Ogoosto 30, 2011 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa ummaddaha Muslimiinta Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed hawada u marinaya dhambaal ku aadan hambalyada farxada Ciida Soonfureed (Ciidul Fitr). Baaq ku wajahan Shacabka Soomaaliyeed Ra’iisul Wasaaraha ayaa isaga oo ka faa’iideysanaya fursadan farxada Ciida wuxuu si gaar ah hambalyo ugu dirayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka gudihiisa iyo dunida dacaladeeda isagoo yiri. "Umadda Soomaaliyeed waxaan leeyahay kheyrkii bisha Ramadaan iyo Alle ka cabsigii sii wada, kuna bedela is cafis, walaalnimo iyo dib u heshiisiin dhab ah oo dalkeenna ka curata" ayuu yiri Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali isagoo intaasi ku daray in wadanka maanta uu marayo marxalad aad u adag oo shacabka Soomaaliyeed ay la soo deristay abaar xoogan oo dad iyo duunyaba saameysay. "Anigoo ka faa’iideysanaya fursadan Ciida waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed ee wax heysta, gaar ahaana ganacsatada iyo qurbajoogtu inay caawiyaan walaalahooda abaaruhu saameynta xoogan ku yeesheen" ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kale codsi u jeediyay dalalka Islaamka iyo kuwa Carabta. Dalalka Islaamka iyo kuwa Carabta "Dalalka Islaamka, gaar ahaana kuwa Carabta ee aanu walaalaha nahay waxaan ka helnay jawaab dhanka abaarta dalka, balse waxaan ka sugeynaa jawaab ka badan mida haatan waxaana rajeyneynaa inay si buuxda u soo gargaaraan shacabka walaalahooda ee Soomaaliyeed". Marxaladda maanta dalku marayo Ra’iisul Wasaaraha xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka faa’iideystaan marxaladda cusub ee uu dalku marayo, isagoo tilmaamay in caddowga ummadda Soomaaliyeed ay awoodiisu aad u wiiqantay kaddib markii ay ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed ay naafeeyeen, wuxuuna tilmaamay in loo baahanyahay in shacabku ay u midoobaan xoreynta caddowga gudaha iyo dibadda, si loo helo nabad, nolol iyo dib u dhis. Beesha caalamku wey u soo jeesatay Soomaaliya Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu talaabo muhiim ah ku tilmaamay jawaabta beesha caalamka ee arrimaha Soomaaliya, isagoo xusay in maanta loo soo jeestay xasilinta dalka Soomaaliya ayna muhiim tahay in shacabka Soomaaliyeed ay ka faa’iideystaan fursadaasi ayna muujiyaan Midnimo iyo wadajir. Ciid Mubarak, Kullu caam wa antum bikheyr. Xafiiska Warfaafinta R/Wasaaraha Muqdisho, Soomaaliya
-
Ra’isulwasaaraha dowladda FKMG Soomaaliya oo Gaalkacyo ku soo wajahan Gaalkacyo (RBC Radio):- Ra’isulwasaaraha dowladda FKMG Soomaaliya Dr, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa laga sugayaa magaalada Gaalkacyo. Ra’isulwasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxay ka soo ambabaxeen magaalada Garowe ee caasimada Puntland, waxayna soo marayaan degmooyinka Burtinle iyo Xarfo. Diyaargarow xoogan oo ay wadaan mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo kan degmada Gaalkacyo ayaa waxaa uu ka soconayaa degmada Gaalkacyo, waxaana jira dadweyne farabadan oo iyaguna u soo banbaxay soo dhoweynta Ra’isulwasaare Gaas. Wararka ku saabsan imaatinka Ra’isulwasaare Gaas kala soco wararkeena dambe. Cawil Maxamuud Cabdi
-
R/wasaare Cabdi Wali oo salaada Ciida ku dukaday magaalada Burtinlejpg R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal halkaasi oo uu ku Tukaday salaada Ciidul Fidriga. R/wasaare Dr.Cabdi Wali Maxamed Cali ayaa maanta booqosho ku tagay magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal halkaasi oo si wayn loogu soo dhaweeyay xilli ay maanta ku beegan tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga waxaana R/wasaaraha uu salaada Ciida ku Tukaday magaalada Burtinle. maamulka gobolka Burtinle ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in uu soon booqdo R/wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyadoo maalmahanba uu R/wasaaraha socdaalka ku marayay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland halkaasi uu kulamo kula qaatay madaxda dowlad gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland. R/wasaare Cabdi Wali ayaa la filayaa in uu magaalada Burtinle kula kulmo odayaasha, waxgaradka iyo maamulka gobolka si ay uga warbixiyaan xaalada gobolka. R/wasaaraha xukuumadda ayaa lagu wadaa in socdaalkiisa uu goor dhow soo gabagabeeyo kaddibna uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, waxa uuna R/W u anbabaxay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Bari.
-
Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka oo maanta si weyn looga ciiday Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Gobolada dalka ayaa maanta si weyn looga ciiday, iyadoo dadka ay Salaada ku oogeen meelo kala duwan sida Masaajidada iyo goobo fagaare ah. Sida caadada u aheyd sanadihii dambe dadka reer Muqdisho ayaa saaka Salaada Ciida ku dukaday Masaajidada, ma jirin goobo fagaare la isugu yimid ama barxad weyn oo lagu dukaday, hase ahaatee Masaajid Isbaheysiga Islaamka oo berri samaadkii caan ku ahaa dukashada Salaada Ciida, dadkana ay isugu imaan jireen ayaa boqolaal qof ay maanta ku dukadeen. Aniga oo aan ka mid ahaa dadkii saaka halkaas Salaada Ciida ku dukaday ayaa Masaajidka Isbaheysiga waxaa ka muuqday bilicsami iyo dayactir lagu sameeyay qeybihii uu ka koobnaa, inkastoo horay Sacuudiga ay u dhistay, hadana qeybaha dambe ayaa ahaa mid waxooga bur bur ka muuqday. Masaajida ayaa mar qura waxaa isugu yimid dadweyne fara badan oo Muslimiin ah, oo isugu jiray Mas'uuliyiin, dad shacab ah iyo Muslimiin ka mid kuwa dalalka Carabta ee ka mid ahaa Wafuudii maalmahan ku soo qul qulayay Caasimada ee u soo gurmanayay dadka soomaaliyed ee abaaraha ku dhifteen. Durbadiiba waxay indhaheyga qabanayeen Muslimiin u dhashay dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Qadar Turkiga iyo Malaysian Salaada Ciida ku dukanayay Masaajidka Isbaheysiga Islaamka. Mid ka mid ah Wafuuda Malaysian-ka ahaa oo ahaa Sheyk ayaa Takbiirta ka qaadayay, iyadoo xubnaha Malaysian-ka ay maanta ahaayeen kuwo ka badnaa muslimiintii ka socotay dalalka kale, waxay isugu jiraan Ragg iyo haween, qaarkood ayaa ahaa suxufiyiin. Intaas kadib ayaa markii Takbiirta ay dhamaatay waxaa loo kacay salaadii Ciida, waxaana boqolaalka qof ee Masaajidada isugu yimid oo ragg iyo haween ka mid ahaa ay dukadeen Salaadii Ciid oo uu ka bixiyay mid ka mid ah Qadiibyada Masaajidka. Salaada kadib ayaa sida caadada aheyd Khudbadii Ciida ayaa waxaa jeediyay Qadiibka masaajidka, isagoo si weyn ugu dheeraaday maalintan qiimaha ay leedahay oo ah maalin ku weyn Islaamka oo ah Ciidul Fidriga. Banaanka hore ee Masaajidka ayaa waxaa dhoobnaa dad dan yar ah oo u badnaa haween caruur agooman ah sitay, kuwaasoo dadka soo dukaday Salaada ay ku sadaqeysanayeen lacago. Marka loo eego jawiga ciida ayaa ahaa mid aad u xamaasad badnaa, dadka ayaa isugu hambalyeynayay munaasabada Ciida, caruur yar yar ayaa ku ciyaarayay Bastooladaha kale iyo alaabaha kale. Wadooyinka magaalada ayaa ahaa mid furnaa, is bedelka maanta magaalada ay dareemeyso ayaa ah iyadoo labo sano kadib dadka ay isugu kala gooshayaan Koofurta iyo Waqooyiga Muqdisho. Dad fara badan oo ku laabtay deegaanada Waqooyiga Muqdisho ayaa qeyb ka ahaa Ciida, halka kuwa kalena ay u ciid tagayeen oo ay soo eegayeen xaafadahooda ay martiyeen dagaalada ka dhacayay mudada labada sano magaalada Muqdisho. Shacabka reer Muqdisho ayaa si weyn u hadal haya is bedelka ka jira Muqdisho iyo in Ciidan ay aad uga duwan tahay ciidihii kale. Dhinaca kale Gobolada ay maamulaan Al-Shabaab ayaa si weyn looga ciiday, gaar ahaan Magaalooyinka Jowhar, Kismaayo, Baydhabo, Beledweyn, Marka, Afgooye, Buurhakaba, Xudur, Bu'aale iyo deegaano kale oo dadka ay fagaare ku dukadeen markii xalay loo sheegay inay isugu yimaadaan. By C/casiis Golf Chief Editor
-
Madaxweynaha Soomaaliya oo hambalyo u diray Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay iscafiyaan Talaado, Ogoosto 30, 2011 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidul-fidriga u diray ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan, wuxuuna ugu baaqay inay iscafiyaan. Sheekh Shariif ayaa sheegay in hambalyada uu dirayo dhammaan Soomaaliyeed ee ku nool dibadda dalka iyo kuwa ku sugan gudaha, isagoo Alle ka baryay in ciiddan midda xigta uu ku gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed nabad iyo baraare. "Ummadda Soomaaliyeed waa inay iscafiyaan dhibaatooyinkii ay soo mareen awgood ayna Alle ka rajeeyaan inuu dambi-dhaaf uga bishii Ramadaan ee ay soo soomeen," ayuu yiri Sheekh Shariif. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in isagoo munaasabaddan ka faad'iideysanaya uu kula talinayo qof walba oo waalidkiis nool yahay inuu u samofalo, qofkii ay dhinteenna uu u duceeyo in Alle uu jannadiisa ku abaalmariyo. "Waxaa muuqata yididiillo dowladnimo, waana inay shacabka Somaaliyeed gacan ku siiyaan dowladda KMG ah ee Soomaaliya soo celinta ammaanka iyo nabadgalyada," ayuu yiri Sheekh Shariif. Hambalyadan ayaa waxaa sidoo kale diraya madaxda DKMG ah iyagoo shacabka Soomaaliyeed u rajeyeeyay nabad inay ku gaaraan ciiddan midda xigta, waxaana xubnaha diraya ka mid ah ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo afhayeenka baarlamaanka. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
MUSCAT His Majesty Sultan Qaboos Bin Said has exchanged cables of congratulations with leaders of the sisterly Arab and friendly Islamic countries on the advent of the Blessed Eid Al Fitr. In his cables, His Majesty expressed his sincere congratulations along with his best wishes of good health, happiness and a long life to them and the people of their countries further progress and prosperity, praying to Almighty to accept their fasting in the Holy Month of Ramadan and for the return of this and similar occasions on all Muslims with blessings and well-being. In their cables, the leaders expressed their sincere congratulations along with their best wishes to His Majesty, praying to Almighty to protect His Majesty, grant him good health, well-being and a long life, achieve further progress and prosperity for his loyal people under his wise leadership. They prayed to Allah for the return of this occasion on His Majesty, the Omani people, the Arab and Muslim nations with welfare and well-being. His Majesty has exchanged cables of congratulations with the Custodian of the Two Holy Mosques King Abdullah Bin Abdulaziz Al Saud of Saudi Arabia, UAE President Sheikh Khalifa Bin Zayed Al Nahyan, Bahrain’s King Hamad Bin Issa Al Khalifa, Sheikh Hamad Bin Khalifa Al Thani, Emir of Qatar, Sheikh Sabah Al Ahmed Al Jabir Al Sabah, Emir of Kuwait, Jordan’s King Abdullah II, Morocco’s King Mohammed VI, Tunisian President Fouad Mebazaa, Algerian President Abdul Aziz Bouteflika, Djibouti President Ismail Omar Guelleh, Sudan President Omar Hassan Ahmed Al Bashir, Syrian President Bashar Al Assad, Somalian President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed and Iraq President Jalal Talbani. http://www.omantribune.com/index.php?page=news_main_page&id=1721
-
jacaylbaro;743405 wrote: ;) ;) ;);)