Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. Not a word from JB yet! that's what I thought. Run Forrest run :D
  2. Jacaylbaro;748282 wrote: Like you work at Hargeisa airport ............. The students are supposed to arrive Turkey 10 minutes ago ,,,,, still waiting for confirmation. If the question targets XX alone ,,, then we should wait for him. Just like I thought all talk with zero source. Fiiri how many students left Hargeysa and how many received the scholarships? Get your calculator out, and while you're crunching numbers provide the source I asked on my previous post. Thanks.
  3. Jacaylbaro;748195 wrote: Somaliland Passport all da way .................. Turkey is the first Muslim country officially accepted the Somaliland Passport. I guess you can't read eh? or maybe your name is X Xanjo? Do you have a source to back up your claim that Turkey is the first Muslim country that accepted Somaliland passports? Here is the link http://www.mfa.gov.tr/visa-information-for-foreigners.en.mfa to the Turkish Ministry of Foreign Affairs, find your country name or even a press release regarding Somaliland passports? Tan labaad, the students, with the exception of a few haven't even left SL yet, but thanks for bs-ing on here.
  4. Xaji Xanjo ka war sugaayaa.
  5. Iiga waran ardeydii dhinaciina scholarships-ka ka helay Turkiya, passport kee ku dhoofeen?
  6. Kheyr Allah siiyo Shiikha weyn. Ilaahey haku xifdiyo. Aamiin.
  7. Dr. Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin Celi oo ku laabtay Muqdisho iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay Sabti, September 24, 2011 (HOL) — Dr. Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin Celi oo ka mid ah mas'uuliyiinta ururka Ahlusunna Waljamaaca ee gobolka Banaadir ayaa maanta dib ugu laabtay Muqdisho iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka Aadan Cadde International Airport ee magaalada Muqdisho. Dr. Sheekh Shariif ayaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay dadweyne aad u fara badan iyo mas'uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah, iyadoo sidoo kale ay halkaas ku sugnaayeen wadaaddo ka tirsan duruqada suufiyada oo markii uu kasoo dagay diyaaradda ka qaaday halkaas qasaa'id Nebi ammaanno ay kusoo dhaweynayeen Dr Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin. Xubnihii soo dhaweeyay ayaa waxaa ka mid ahaa Sheekh C/qaadir Soomow, G/sare Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo ah guddoomiyaha makxmadda ciidamada qalabka sida ee dowladda KMG ah, Sheekh Axmed Sheekh Aadan (Sheekh Axmed Shuqul) oo ah guddoomiyaha Ahlusunna ee gobolka Banaadir iyo xubno kale, oo ka kala socday dariiqooyinka kale kala duwan. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Max'ud Axmed Nuur (Tarsan), Abwaanka wayn Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi iyo xubno kale oo uu ka mid yahay Ibraahim Kaah ayaa iyaguna soo dhaweeyay Dr. Sheekh Shariif. Dr. Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin Celi oo saxaafadda kula hadlay garoonka ayaa ugu horreyn mahad ballaaran u jeediyay dhamaan mas'uuliyiintii soo dhaweeyay, wuxuuna ka warbixyay mudadii uu dalka ka maqnaa, isagoo hoosta ka xariiqay in imaanshihiisa ay tahay sidii uu dib ugu sii amba-qaadi lahaa howlihiisa. Sidoo kale, Dr. Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin wuxuu ALLE ka baryay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed uu siiyo nabad caam ah si looga baxo dhibaatada 20-ka sano jirsatay ee Soomaaliyeed ku habsatay, isagoo ugu baaqay dhinacyada Soomaalida inay nabadda ka shaqeeyaan. Dhinaca kale, Sheekh Shariif wuxuu ka hadlay abaaraha iyo maculuusha baahsan ee ku taagan Soomaaliya, wuxuuna Ilaahay ka baryay inuu macluusha ka dul qaado dadka Soomaaliyeed uuna ugu bedelo barwaaqo iyo horumar, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay waddamada beesha caalamka, kuwa muslimka, ururada samafalka, jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo shaqsiyaadka sida gaarka ah ugu soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale baaq nabadeed u diray beelaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamaya qaar ka mid ah gobolada dalka, isagoo xusay in Alle uusan raalli ka ahayn in qof muslim ah uu qof kale oo muslim ah dhiiggiisa baneysto, taasoo lagu muteysan karo caro Alle iyo cadaab aakhiro, isagoo beelaha ku boorriyay inay hubka dhigaan. Ugu dambeyn, guddoomiyaha Ahlsunna Waljamaaca ayaa sheegay in berri oo Axad ah uu shir jaraa'id u qaban doono saxaafadda kaasoo uu si guud ugu faahfaahin doono maraxaladaha kala duwan iyo qaababka uu u wejihi doono howlihii uu dalka ugu soo laabtay. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  8. Wafdi Ka Socday Soomaaliland Oo Uu Ka Mid Ahaa Abwaan Hadraawi oo Muqdisho Lagu Soo Dhaweeyay Wafdi ka socday maamul goboleedka Soomaaliland oo ka koobnaa ganacsato Odayaal iyo Abwaaniin ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Abaare 11 barqanimo ee maanta ayaa waxaa garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cismaan “Aadan cadde” waxaa ka soo dagtay diyaarad sidday wafdi ka socda maamulka Soomalilanda kaas oo ka koobnaa Lix xubnood oo isugu jirta ganacsato, odayaal dhaqameed iyo Abwaaniin uu ka dhex muuqday Maxamed Ibraahuim Warsame “Hadraawi” iyadoo xubnaha wafdiguna uu horkacayay gudoomiyaha rugta ganacsiga ee maamulka Somaliland. Wafdiga ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Banaadir oo uu hogaaminayay guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. odayaal dhaqameeydyo haween, barbaarta gaashaaman, fannaaniinta qaranka iyo ururada bulshada rayid ka ah. Xubnahan ka socda maamulka Soomaliland ee deeqda u wada walaalahooda Soomaaliyeed ayaa markii ay ka soo dageen garoonka diyaaradaha waxay mid mid u gacan qaadeen dhamaan dadweynihi ku soo dhaweeyay garoonka, iyadoo fannaaniinta hobolada Waabarina ay halkaasi ku soo bandhigeen heeso ay ku soo dhaweeynayaan wafdiga ka socda maamulka Somaliland. Guddoomiyaha rugta ganacsiga ee Somaliland ahna hoggaamiyaha wafdigan Xasan Axmed Cawad oo saxaafadda kula hadlay garoonka ayaa ka warbixiyay socdaalkan ay ku yimaadeen Magaalada Muqdisho waxa uuna sheegay in ay ka damqanayaan abaarta heyso walaalaha Soomaaliyeed ee ku sugan koofurta Soomaliya. Sidoo kale guddoomiyaha maamulka gobalka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ku soo dhaweeyay garoonka wafdiga ka socda Somaliland ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay gargaarkan ay keeneen walaalaha reer Somaliland. Waa marki ugu horeysay oo wafdi ka socda maamulka Soomaaliland soo gaaran magaalada Muqdisho iyagoo socdaalkooda ku soo beegay gar gaar ay u wadaan dadka Soomaaliyeed ee ay saameyeen abaaraha ba’an ee ka taagan dalka iyagoo sidoo kalana qorsheynaya in gargaar kan la mid ah ay gaarsiiyaan dadka Soomaaliyeed ee qaxay xeryaha qaxootiga ee dalalka Kenya iyo Ethiopia. RM.
  9. As expected the Somali poet Hadrawi was warmly received in Mogadishu, MashaAllah. lol@stickers.
  10. Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jamaaca oo xarun dadka lagu quudiyo ka furay Muqdisho July 25, 2011 Golaha sare ee culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jamaaca ayaa xarun dadka lagu quudiyo waxaa ay ka fureen magaalada Muqdisho, taasoo loogu magac daray xarunta quudinta Agoonta iyo Barakacayaasha, iyadoo xaruntaasi Muqdisho laga furay ay ka quutaan maalintii 700 oo Qoys, kuwaasi oo isugu jira Agooman iyo dadka ka soo barakacay abaaraha dalka ka jira. Goobtaasi dadka lagu quudiyo oo saxaafada lagu casuumay ayaa waxaa hadalo kala duwan ka jiidiyay masuuliyiin sarsare oo ka tirsan culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jamaaca,kuwaasoo ka warbixiyay ujeedada ay u fureen xaruntan cusub ee dadka lagu quudinayo. Ku simaha Gudoomiyaha Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jamaaca ahna Afhayeenka Culumaa'udiinkaasi Sheekh C/qaadir Sheekh Maxamed Sheekh Soomow ayaa sheegay in ujeedada loo furay xaruntan cusb ay tahay ka jawaabidda baahida abaareed ee haatan ka jirta dalka Soomaaliya, taasoo uu sheegay in loo baahnyahay maanta in la samata bixiyo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan guud ahaan dalka Soomaaliya. "Anagoo ka jawaabeyna baahida shacabkeena tanina ay tahay bilowgii Ahlusna Wal-jamaaca,ayaan waxaan furnay xaruntaan halki maain ay ka quutaan 700 oo qoys" ayuu yiri Shiikh Soomow oo intaa ku daray in Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-jamaaca ay waqtiyada soo socda ka furi doonaan magaalada Muqdisho xarumo kale oo dadka dhibaateysan klagu quudinayo, isagoo sheegay inaan la kala sooceyn shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan. Shiikh Soomow ayaa sheegay in xaruntan maalintii ay ku quudiyaan 700 o qoys, isagoo tilmaamay in xaruntan ay ugu talo galeen in ay ku quudiyaan agoomanka iyo dadka barakacayaasha ah, wuxuuna sheegay in xarunta dadka lagu quudiyo uu gacan ka geystay NGO-ga Roob. Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha Ansaaru-suna Wal-jamaaca Sheekh Suldaan Sheekh Aadan Macallin Sugow (Sheekh Suufi yare), kaasoo ugu horeyn baaq u diray Hey'adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahey in ay kaalmo degdeg ah u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed ee abaaraha ay saameeyeen, wuuxuna sidoo kale ka codsaday shacabka Soomaaliyeed inay u gargaaraan walaalahooda ku xoolo waayay abaaraha dalka ka jira. Sheekh Suufi yare ayaa sheegay in culumaa'udiinka Ahlsuna Wal-jamaaca ay qorsheeyeen in laba goob oo kale ay ka furayaan magaalada Muqdisho, kuwaasoo uu tilmaamay in lagu quudin doono dadka agoomanka ah iyo kuwa soo barakacay. Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha Ahlusuna Wal-jamaaca ee gobolka banaadir Sheekh Axmed sheekh Aadan dheere (Sheekh Axmed Shuqul) kaasoo sheegay in ay faraha ka baxday xaalada bani'aadanimo ee ka jirta dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay abaarta ka jirta Soomaaliya inay iminka mareyso mid aanay waxba ka qaban karin geeska Afrika ama Afrika, isagoo sheegay in xaalada abaareed ee Soomaaliya ay u taalo Q/midoobay iyo beesha caalamka. "Maanta wey dhaaftay xaalada abaareed ee ka jirta Soomaaliya inay wax ka qabtaan wadamada geeska Afrika ama wadamada kale ee Afrika,marka waxaan ugu baaqweynaa Beesha caalmak iyo Q.M in ay wax ka qabtaan xaaladaas, hadii qof Soomaali ah uu macluul iyo gaajo u dhinto maanta wixii ka damneeya waxaa masuuliyadeeda iska leh Q/midoobay " ayuu yiri Gudoomiyaha Ahlusuna ee gobolka Banaadir. Gudoomiyaha ayaa dhanka kale ku eedeeyay kooxda Al-shabaab inay masuul ka tahaya dhibaatada dalka ka jirta, isagoo sheegay in Al-shabaab ay dadka ka hor isataageen in gurmad la gaarsiiyo, wuxuna tilmaamay in Al-shabaab ay qatar ku yihiin nolosha dadka Soomaaliyeed ee xiligan abaaraha ku dhufteen.
  11. We have a celebrity in Mogadishu today. Hadrawi, my gosh! Bi'i waa jacaylow Boodhari inuu diley Been baan u haystee Bi'i waa jacaylow Boog aan la dhayinoo Cidi baanan karino Beerkiyo wadnaa iyo Bogga kaaga taalliyo Inuu yahay bir caashaqu Been baan u haystee Webigoo butaacoo Beeraha waraabshoo Dhulka baadku jiifoo Dhirta ubaxu buuxshoo Canabkii bislaadoo Badarkiyo galleydii Laga tuuray baalkoo Bulladiyo ciyaaraha Lagu waa bariistoo Beeluhu gu' joogaan Sow beri-samaadkii Beled Weyne maan tegin Dhanka bari magaalada Sow boqorad joogtoo Biyo dahab la moodoo Cilicdii haweenkiyo Bili loo dhameeyoo Timo boqonta joogoo Baal gorey la moodoo Baarkana casaankii Bidix midig is gaadhoo Bul-cad lagu xiddeeyoo Badh ku xeexanaysoo Barkanaysa qaaroo Huwanaysa baaloo Igu beertay lahashoon U buseelay maan baran Sow goor barqa ahoo Bishu ay siddeed tahay Aniga iyo Beer luli Isku maannu soo bixin Sow bariidadaydii Iyo bedashadeedii Buundada ciyaartee Beled Weyn ku taallee Biyo lulata guudkood Badhtankeeda maahayn Sow bixiso weeyee Ballan maanu dhiganoo Beeri joog imay odhan Sow bayd go'aygii Layguma bushaareyn "maantaa la baxayaa bulshadii imay odhan" Sow waa bastey oo Socod beegsan maayee Ina baaja caawoo I baxnaansha maan odhan Sow taliye baasoo Ba'anoo war-moogii Taydii ma beenayn Sow badiba kooxdii Goortay badheedhee Baabuurki fuulleen Anna baal kamaan korin Boholyow daraaddii Sow baraq nuglaantii Belo lagu ducaystiyo Baryo kumaan maqnaynoo "Biri may xumaatoo batroolka daadshoo ka wadaa bukoodoo bogsan waayo" maan odhan Sow beriga waagiyo Barqo kulul dhexdoodii Geed baaxad weynoo Dherer iyo ballaadh-loo La yidhaahdo Baaroo Bilig dheer hirkiisii Ma bidhaan sanaynoo Bulxankiisa yeedhiyo Ma maqlaynin baaqii Sow baaxad soorii Iyo laba boglayntii Maan noqon bestey oo Bacadkii ma dheelliman Sow galab-baqoolkii Annagoo barwaaqiyo Meel baadle joognoo Tumanayna Beerrey Sow maan baraarugin Riyo beena weeyee Sow baalla daymii Baabuur lalaahyood Haad baalle mooddoo Fananaaya buur dheer Isma odhan ka boodoo Nafta sow ma biimayn Nin Banaadir joogoo Beled-Weyn la haystoo Waxaan ahay la baabee Sow baadi doonkii Weli baafi maan ihi Beled-Weyn Allahayow Ka dhig xiro badhaadheed Beerlula Allahayow Belaayada hareer mari Beled-Weyn Allahayow Ka dhig guri barwaaqeed Beerlula Allahayow Beryo samo ku noolee Beled-Weyn Allahayow Ka dhig beerta raaxada Beerlula Allahayow Ka barii wax yeellada
  12. 9/24/2011 3:26:00 P Gudoomiyaha golaha sare Ahlusuna Wlajmaaca ee dalka Soomaaliya Dr. Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin Celi ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha caalimiga ah ee Aadan Cade International ee magaalada Muqdisho kadib markii uu ka soo kictimay dalka Boqortooyada Sacuudi Arabia si uu howlihii golahaasi u dardar geliyo. Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin ayaa waxaa garoonaka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho si diiran ugu soo dhaweeyay masuuliyiin uu ka mid ahaa si haayaha xafiiska gudoomiyaha golahaas ahana Afhayeenka guud ee golaha sare Ahlusuna walaaca ee dalka Soomaaliya Sheekh C/qaadir Sheekh Maxamed Sheekh Soomow, Gudoomiyaha maxkamdda ciidamada qalabka sida G/le sare Xasan Maxamed Xuseen Muungaab iyo gudoomiyaha Ahlusuna waljamaaca ee Gobolka Banaadir Sheekh Axmed Sheekh Aadan (Sheekh Axmed Shuqul), iyo xubno ka tirsan culumaa'udiinka Ahlusuna Waljamaaca,Anaasrunsuan, culumaa'udiin isugu jirtay dariiqooyinka kala duwan ee dalka iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada. Gudoomiyaha golaha sare Ahlusuna Waljamaaca ee dalka Soomaaliya Dr. Sheekh Shariif Sh. Muxyadiin o shir jaraa'id ku qabtay gudaha garoonka diyaaradaha ayaa ugu horeyn mahad balaaran u jeediyay dhamaan masuuliyiintii kala duwanaa ee maanta sida weyn u soo dhaweeyay soo laabashadiisa, wuxuuna ka warbixyay mudadii uu dalka dib uga maqnaa, isagoo hoosta ka xariiqay in arinta ugu weyn ay aheyd kooxda AL-shabaab oon weeraro ku soo qaaday hoygii uu ka deganaa magaalada Muqdisho,isagoo Ilaahey uha mahad celiyay soo laabashadiisa uu dalka ugu soo laabtay si nabad ah. Dr. Shariif Sheekh Muxyadiin ayaa sidoo kale Ilaahey ka baryay in dalka iyo dadka nabad acaam ah u keeno si looga baxo dhibaatada labaatan jirsatay ee ku habsatay sahacabka Soomaaliyeed, sidoo kale wuxuu u mahad celiyay ciidamada xoogad dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM, isagoo ka codsaday in kooxaha nabad diidka ah ay ka saaraan guud ahaan dalka Soomaaliyeed. Dhinaca kale gudoomiayah Golaha sare Ahlsuna Wal-jamaaca ee dalka Soomalaiya ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa'id kaga hadlay abaarta iyo maculuusha baahsan ee ku habstay shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna Ilaahey uga beryay in Ilaahey abaarta iyo macluusha ka qaado uguna bedelo Barwaaqo iyo Horumar, wuxuuna si gaar ah ugu mahadceliyay wadamada beesha caalamka, kuwa Muslimka, ururada samafalka, jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo shaqsouyaadka sida gaarka ah ugu soo gurmaday shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna u rajeeyay in umadda Soomaaliyeed colaada iyo gaajada uu ilaahey ka dul qaado nabadna caam ahna ugu bedelo. Gudoomiyaha golaha sare ee Ahlusuna Wal-jamaca ayaa si gaar ah baaq nabadeed ugu diray beelaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamaya qaar ka mid ah gobolada dalka, wuxuuna sheegay in dagaaladaasi ay yihiin kuwo aan Ilaah raali ka aheyn in qof muslim ah uu qof kale oo muslim ah uu dhiigiisa baneysto taasoo lagu muteysan karo cara aduun iyo cadaab aakhiro. Ugu danbeyntiina gudoomiyaha Ahlsuna Waljamaaca ayaa sheegay in maalnta berito ah uu shir jaraa'id u qaban doono saxaafada kaasoo uu si guud ugu faahfaahin doono maraxaladaha kala duwan iyo qaabaka uu u wejihi doono howlihii kala duwanaa ee golaha sare ee Ahlusuna wal-jamaaca.
  13. AYOUB;747774 wrote: Contain yourself dear coz your not making any sense. I don't need to make sense to a secessionist. Help your people, and start from Goljano shanty area.
  14. Jacaylbaro;747771 wrote: Are u comparing Turkey with SL ?? ,,,, good gesture here The world is coming to help now ,, Turkey, Iran, UAE, Kuwait, Saudi, Somaliland ........ I told you to not kid yourself, ever since Erdogan visited Mogadishu, you become humanitarian and caring that's what i meant odey.
  15. Jacaylbaro;747763 wrote: It is about life saving and poor can donate if it is a matter of life & death ..... But some people are taking it too far like this silly guy: http://horumar.com/?p=12401 Why didn't you try to save those lives before Erdogan arrived in Mogadishu? Don't kid yourself, keep your 700k because I'm 100% certain the people in SL can make use of it.
  16. Xaaji Xunjuf;747690 wrote: The people who inhabit the regions of udubland Meel Udubland la yiraahdo kuma taalo Jamhuuriyada Soomaaliya.
  17. Xaaji Xunjuf;747688 wrote: ^^ Awoow Maxkamada qalad baad ka fahantay Maxkamadu waxa looga yeedha dambilayasha dadka wax dhaca dadka loogu tuhunsanyahay inay fallal ku kaceen sharciga jabiya Maha Maxkamadihi ay fureen jireen Sharif Muuday bairigu Khamiska xidhna , Maxkamada waxa jooga Niman Xeer ilaaliyaal Xaakin guud xaakin sare, Maha Maxkmadi xafadaha gaarka laga furan jiray oo la odhan jiray ala wa yarti Somalina warkeeda hore u gudbiya xaajigu na meel fog bu ka yimi wala socda talaabo kasto oo la qaado. Miyanan ku odhan aniga sidi Akhryaalul Sharaf ba la iso dhaweynaya wala yaqaana Xaajiga Ciyaar mood. lol. Hadalkaada meesha aad u wadey waan fahmey kow dheh, ee intaad Shariif warkiisa ka baxdo aan aragno sida laguu soo dhaweeyo. Saabuun iyo alaabaha musqulaha lagu dhaqo horey u soo qaado. You will need it. inuu sharci ku qabanaayo shaki igama jiro, Boqor Buurmadow wareyso hadduu shaki kugu jiro lol. Xabsi waxaan ahayna ma istaahishid, waana arki doontaa markaad Jubba Airline ka soo degto. Jimco wanaagsan, waa inoo Adden Adde International InshaAllah.
  18. Xaaji Xunjuf;747682 wrote: The people of udubland have the exact same rights as the rest of the people of Somalia and the right to self rule Who are those people? are you referring to the 100 that were waving the SL flag in the video?
  19. lol@saraakiishii Let me know when you will grace us with your presence, adiga iyo bakooradadaa waad ka shaleyn doontaan. Aniga maxkamada ayaan u gidbinaaya cadeymo badan oo cadeynaya inaad istaahisho 5 years behind bars. Cadawga Jamhuuriyada Soomaaliyeed meesha ay ku danbeeyaan waa la yaqaan, ee iskeen bal.