Somalina

Nomads
  • Content Count

    7,672
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Somalina

  1. Showqi;766396 wrote: Inna lillaahi wa innaa ilaihi raajicuun, illaahay ha u naxariisto marxuunka. I am really curious why are the people wearing the red and white bandans? Suxuufiyiinta lagu xasuuqaayo Soomaaliya dhan ayey ka soo horjeedaan, mudaaharaad iyo duugis oo isku jirta waaye, 2 for 1, calaamada gaduudka waxey u taagan tahay dhiiga suxuufiyiinta oo daatey, cadaankana waa cadaalad ayaan rabnaa camal. I'm guessing here of course.
  2. Carafaat I won't call you a secessionist from now on. All you had to do was ask, and you did. Good move.
  3. Carafaat;766452 wrote: Good move by Djibouti. Wish Somaliland would follow its example and contribute to the secutiy in Somalia as well. Djibouti soo dhaafa bal.
  4. December 18, 2011 Dharkenley 3 - 0 Dayniile ----------------------------------- December 19, 2011 Wardhiigleey 0 - 0 Xamar JaJab (5 - 4 PSO) Wardhiigley ---------------------------------- Shibis 0 - 0 Heliwa (4 - 3 PSO) Shibis
  5. 3 days ago ---------------- Jimco, December 16, 2011 (HOL) − Gudoomiyaha urur diimeedka cusub ee Xisbullaahi Sheekh Maxamuud Cabdilaahi Geelle ayaa ka jawaabay eedeen ay usoo jeediyeen ururkiisa wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, waxaanu sheegay in wasaaraddu haddii ay dalka diin uga masuul tahay ay wax ka qabato dad uu sheegay inay diinta ku baadhaan oo ay dad lacag ku baraan iyo kuwa suuqa Diinta ku caaya. Sheekh Geelle waxa kale oo uu iska difaacay eedo loo soo jeediyey oo ah inuu xidhiidh la leeyahay kooxaha Soomaaliya ka dagaalama, waxaanu dhaar ku maray in aanu shaqo ku lahayn, balse uu yahay kaliya shakhsi u kacay kor u qaadida shareecada islaamka oo uu sheegay in xukuumadihii kala dambeeyey ay ku xidheen, isla markaana aanu daynayn ilaa uu ka god galayo. urur Diimeedkan XISBULLAH Sheekh Geelle waxa uu sidaas ka sheegay mar uu xafiiskiisa kula hadlayey warbaahinta, isagoo jawaab ka bixinaya hadalkii ay ku dhaliileen wasaaradda Diinta iyo Aw Qaafta, waxa uu yidhi. "Wasaaradda Diinta iyo Awqaafto hadii ay Diinta ka shaqaynayso dadka ha ka qabato dadka kuwa dhiig miratada ah ee dadka diinta ku baadhanaya, hadii ay Diinta ka shaqaynayaana waxay wax ka qaban lahaayeen maalin walba Suuqa ayaa Diinta iyo ILAAHAY lagu caayaa" ayuu yidhi. waxa uu intaas ku daray: "Waxay leeyihin Dalka ayaanu Diinta uga wakiil nahay, miyey shareecada islaamka ku xukumaan, Nimanka Timo weynta ah ee hadlayna waxaan leeyahay Siyaaradiinna iska gurta awalba, Gofane dadka ku nool ayaad ahaydeene" ayuu yidhi. Sheekh Geelle waxa uu xusay in aanu ka hadhin ilaa uu ka midho dhaliyo hadafkiis: "Ballan Waxaan ku qaadayaa ilaa ay Shareecadu Guulaysato ama aan ka dhimanayo inaanan Bun ka dhimin, Umadana Qaanuunka ha lagu Xukumo ayaan leeyahay oo Qaanuunkan Badilka ah ee aad Samaysateena ka daaya, taas ayaana la igu Xidhayey Ilaa Siyaad Barre" "Waxay leeyihiin waa la xidhayaa annagu xadhig kama baqanayno ilaa Siyaad Barre ayaa la is soo xidhayey, xadhigna kuma daynayno u shaqaynta Diinta islaamka, Xukuumadduna Bal hadii ay rag yihiin shareecada Islaamka dadka ha ku xukumaan Car," ayuu yidhi Sheekhu. Isagoo ka hadlaya inuu xidhiidh la leeyahay ururada Soomaaliya ka dagaalama iyo in kale waxa uu ydhi " Waxaan dhaar ku marayaa oo Wallaahi Billaahi ah inaanaan waxba ugu jeedin Ururka Xisbullaahi, Xidhiidh aanu la leenahay Ururda Hubaysan ee saska laga qabana haba yaraatee ma jirto, waana ka soo hor jeednaa, Dadka na leh waxay wadaan dhibaatana waxaanu leenahay ma Diinta ayaad ka Xun tihiin maxaad uga boodeen Ururka Xisbullaahi, waa Urur Diinta ka shaqaynaya" ayuu ku soo xidhay hadalkiisii. Urur Diimeedkan Xisbullah ayaa toddobaadkan horaantiisa lagaga dhowaaqay magaaladda Hargeysa, waxaanu sheegay in dalka lagu xukumi doono shareecadda Islaamka, haseyeeshee xukuumadda Somaliland ayaa ururkan ilgaar ah ku haysa, waxaana la sheegayaa in wasaaradda arrimaha guduhuna ku hawlan tahay sidii loo xidhi lahaa, madaama oo wasaaradda Diinta iyo Awqaaftuna ay sheegtay in aanay ururkaasi waxba kala socon, isla markaana loo baahan yahay in wax laga qabto. Sheekh Geelle ayaa dhawr jeer oo hore ay xidheen xukuumaddii Daahir Rayaale ka dib markii uu si kulul ula hadlay xukuumadda, taas oo ay ku eedeeyeen inuu kicinayo dadweynaha. Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online barkhadladiif@hiiraan.com Hargeysa, Somaliland.
  6. Isniin, December 19, 2011 (HOL) − Guddoomiyihii urur Diimeedka XISBULLAH Sh. Maxamuud Cabdilaahi Geelle, ayaa ciidamada boolisku xabsiga u taxaabeen. Ilaa hadda lama sheegin sababta loo xidhay, isla markaana xukuumaddu Somaliland wax war ah oo ku aadan xadhigiisaasi kama soo saareen, haseyeeshee waxa la sheegayaa in xadhigani ka dambeeyey ka dib markii uu ku dhowaaqay urur Diimeed la yidhaa XISBULLAH, taas oo dareen ku dhaliyey Xukuumadda iyo inta badan dadweynaha Somaliland. Mar aanu maanta isku daynay in aanu ku booqano xabsiga ayaanay noo suurtogalin ka dib markii la noo diiday in aanu booqano qolka uu ku xidhan yahay. Sheikh Maxamuud Geelle oo laba maalmood ka hor waraysi siiyey Warbaahinta ayaa sheegay in aanu ka hadhayn mabdi’iisa ah in shareecada islaamka lagu dhaqo dalka, isla markaana aanu ka hadhayn xiitaa haddii la xidho. Sheekh Maxamed guddoomiyaha ururka Cusub ee XISBULLAH ayaa inta badan Diinta bara hooyooyin badan oo aan hore wax usoo baran iyo Ragga waaweyn oo aan iyaguna hore aqoon diineed oo badan lahayn, waxaanu guud ahaan madarasado ku leeyahay xaafadaha kala duwan ee magaaladda Hargeysa, waxaanu dadka inta badan wax ku baraa si bilaash ah oo aanu dadka wax ka qaadan, waxaana taageerayaasha ugu badan ku dhex leeyahay dumarka, maadaama oo uu macalin quraan yahay. Sheekh Maxamed ayaa hore waxa dhawr jeer u xidhay xukuumadihii kala horeeyey ee Somaliland iyo dawladii ugu dambaysay ee Soomaaliya ee Siyaad Bare, waana sheikh ku ad-adag mabdi’iisa, isla markaana hadalo cad cad oo aan gabasho lahayn ka jeediya masaajidada, isagoo inta badan dhaliila xukuumada iyo siyaasiyiinta. Guddoomiyaha ilaa hadda lama geyn maxkamadda, lamana garan karo inta lahayn doono, haseyeeshee, ururkan xisbullah ee uu ku dhawaaqay ayaa noqday waxyaalaha loogu hadal haynta badan yahay Somaliland, isla markaana meelaha la iskugu yimaado lagu hadal hayo ama lagu doodaa, iyadoo dadkuna ku kala aragti duwan yihiin ururkan.. Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online barkhadladiif@hiiraan.com Hargeysa, Somaliland
  7. http://www.boramanews.com/index.php?option=com_content&view=article&id=1078&catid=66&Itemid=117
  8. One more time is not going to hurt. Mogadishu Districts Football Tournament for Peace kicks off
  9. Faroole oo koobkii DHAQAN XUMADA Markale Qaadey kadib markii uu ka caroodey Su’aalo la weydiiyey Posted by Abu Mucaad on June 20, 2011 in Warar Xildhibaan Maxamed Guuleed oo ah Xildhibaan kasoo jeeda Gobolka Sanaag iyo Xildhibaan Saleebaan Yusuf Indhobuur oo isna kasoo jeeda Gobolka Sool ayaa su’aalo ay weydiiyeen ka careysiiyey Madaxweynaha Puntland, C/raxman Farole isla markaana muujiyey dhaqan xumo aan looga baran odey Soomaaliyeed kadib markii si xun ula hadley xildhibaan Indhabuur oo isla markaana ku yiri “….Anigu hadii aanan aqoon u lahaan lahayn Xildhibaan Indhabuur waan ka ficil qaadan lahaa hadaladiisa, waa mucaarad xun oo doqon ah….” Hadaba maxaa keeney carada intaa le’eg oo jawaabtaas xun keentey? Marka hore waxaa Madaxweynaha ka careysiisey Su’aashii uu weydiiyey xildhibaan Maxamed Guuleed oo aheyd ” Cuno qabateynta Sanaag iyo xeebta Sanaag la saarey” isla markiiba uu madaxweynuhu jawaab ka muujiyey oo yiri “……Cunoqabataynta ma jirto inta kale waan ka garabaya, cadow ayaa meesha galay waxaan filayaa in adiga laftaadu aad ka qayb qaadato sidii xal loogu heli lahaa arintaasi….” isagoo aad moodid in uu buuraha Gobolka Bari ay kaga khaldameen buuraha Gobolka Sanaag iyo xeebta Laasqoray. Hadeynu dib ugu noqono hadalka aflagaadada ahaa ee uu madaxweynuhu yiri oo ula jeedey Xildhibaan Indhabuur, bal akhristow eeg oo mulaaxid waxa uu xildhibaanku weydiiyey madaxweynaha? Xildhibaanku wuxuu yiri: Maamulka Casayrland oo lagaga dhawaaqay gobolka Bari Dhibaato ka taagan wadooyinka Galgala. Burcad badeed goostay badaha. Amaanka gobolka Mudug oo faraha ka baxay Xasuuqii Kalshaale. Dilalkii Garowe ka dhacay ee masuul iyo rayid lagu laayay oo cidna aan loo qaban. Xiriirka Caalamiga ah iyo safarada dibada. Arimaha Garsoorka. Ciidamadamo ka tirsan Puntland oo goostay. Sababta loo samayn la yahay CID ay yeelato Puntland. Sabata uu Madaxwaynuhu uu fulin layay balanqadkii lagu doortay. Su’aasha aad maragta ka tahey akhristow waxa weeye Su’aalaha uu Indho buur weydiiyey miyaadan akhristow la qabin? oo miyeysan dadku la qabin? oo miyeysan Soomaalow dhan la qabin? oo miyeysan Caalamkoo dhani la qabin? Madaxweyne Faroole dad badan waxay ka quusteen maalintuu ku dhawaaqey iney dumarku iyo qabaailku hubka qaataan oo la dagaalamaan wiilashii Galgala joogey oo qaab qabiil isu urursaday hase yeeshee dabeecad xumo ayaad mooda inuu madaxweynuhu ku darsadey dhaqan xumo. LaasqorayNET-Bosaaso
  10. The OP waa lagu yaqaan aflagaadeynta dumarka. Wax cusub ma aha. Isku xishooda ragga dumarka caynaya, dhaqan xumada baadiyaha aad ka timideen kula noqda. Kuwa unionist iyo bla bla ku jirana, wax iskula hara, nin edeb daran waa laga helaa agtiina, Axmed ina Jaad hadaad taqaaniin, cid tiraahda SL baa sidan ah ma aragtaan markuu halkan wax ku soo qoro?, bal cagaha dhulka dhigta. Shaqsi wuxuu yirina Somalia mas'uuliyad kama saarna, unionist iyo heesaha maalayacniga ee aad la soo boodaan meel iska dhiga oo ixtiraamka xoojiya. Report the post if it bothers you like you're supposed to, nacnacda badana joojiya fadlan. Wabilaahi Towfiiq.
  11. Waxaa Kamid ahaa Qodobadii kasoo Baxay Shirkaasi oo uu Aqriyay Gudoonka Shirkaasi ahna Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed C/llalhi Macalin Aadan Tiiceey, 1- Kadib 20 sano oo ummadda Somaliyeed dagaal ay ku jirtay waxaa Cadaado ku qabsoomay shirkii ugu horeyay oo Bulshada ay kaga tashaneyso ayaayahooda iyadoo aysan jirin faragiln shisheeye. 2-Waxaa la go’aamiyay in maamul goboleed balaaran laga dhiso bartamaha somaliya kaasi ay u dhan yihiin maamul goboleedyadan sharaeecada islaamkuna saldhig u tahay. 3-Waxaa la go’aamiyay in la xoojiyo dalada guud ee kasheqeyneysa mideynta maamul goboleedyada. 4-Maamuladu waxa ay isku raceen in la sameeyo sadex gudi hoosaad oo kala ah (A) gudiga dib u heshiisiinta iyo arrimaha bulshada ( B ) gudiga arimaha gudaha iyo xalinta qilfaadka ( C ) gudiga dastuurka sameynta. 5 Tirada xubnaha dalada waxa ay min hal xubin ka imaneysaa maamul goboleedyada. 6 Awood qeybsiga waxaa lagu saleynayaa deegaan iyo degmo. 7 Xubnaha dalada waxaa marjac u ah madaxweynayasha maamul goboledyada. 8 Maamul goboleyada waxa ay si siman uga qeyb qaadanayan dhaqaalaha ku baxaya shirarka dhaqaalahaasna waxaa lagu aruurinaya qasnad gaar ah. 9 Shirweynaha kan xiga waxaa markale uu kadhacayaa cadaado 1 April 2012. 10 Maamulkasta waa inuu shacabkiisa ku wacyigaliyaa dhismaha nabad galyada isla markaana diyaariyaa aqoonyahano, waxgarad iyo culuma`udiin shirka uga qeybgala. Gaba gabadii shirka waxa ay Maamul goboleedyada ay soo sareen baaq dhamaan maamul goboleedyada kasoo qeybgalay shirkan ay dirayaan Dhamaan Shacabks Soomaaliyeed iyo Maamulada ka jira wadanka Inay Kashaqeeyaan Sidii dhamaan loomideyn lahaa. Tiicey wuu dadaaley, Masha Allah.
  12. Somalia;765493 wrote: Yes, we both know, it isn't Al-Shabaab. You wonder why we do not allow you to use our airport. You wonder why you have to ask for permission when coming as an entourage. Galkacyo could have been the best city in Somalia, equally distanced between Bosaso-Mogadishu-Hargeisa, great weather and the Hawd on one side and the villages in Central Mudug on the other, Garacad not too far away either. But when a person lives among degenerates, absolute cretinous savages he will not go anywhere and that is the situation today. Ironically if it wasn't for Faroole, the situation in Mudug would have been with people from the pseudo state of Galmudug being driven back to Dhusamareeb like 1993. I don't have the time or the energy inaan kula nac nacleeyo. Kan ayaa iigu danbeeya. You can't stop reer GalMudug from using the airport. Fairy tales are for children like you. The savages are among your kin folk, they eat with you, borrow sugar from you and then after Maqrib prayers they slaughter one of their uncles leaving a random mosque in their neighbourhood. Rinse and repeat the next day. Boosaaso and Israac take turns with the slaughtering of intellectuals. It's almost as if its a low key pirate cult tournament.
  13. We are talking about reer GalMudug here not reer Goldogob, hadal yar iyo hawl badan. Booto guri laguma dumiyo, marka taariikhda dib ugu noqo yaa rijaal. Boosaaso iyo Israac waxa ka socda waa la wada ogyahay, slow your roll, you're not fooling anyone. Gurigaaga hagaajiso cidna haku marmarsiyoonin.
  14. Somalia;765324 wrote: Any fair minded person would acknowledge Galmudug's hand in this. Not once has Puntland responded to kidnappings or killings. People are killed weekly along the Eastern border line, it has to stop. Majority of the killings take place in xaafada Israac, and I agree the "kill your uncle" campaign has to stop.
  15. War fiican. Shir Soomaaliyeed oo shisheeyey abaabulin waa la soo dhaweeynaayaa. Guul Inshallah.
  16. Gaalkacyo (Puntlandi) Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa shalay waxaa ka dhacay afduub ay ku kaceen koox burcad badeed ah oo kasoo jeeda Koonfurta Gaalkacyo kuwaas oo 2 wiil ka afduubtey iskuul ku yaala Waqooyiga Gaalkacyo. Nimanka wax afduubtey ayaa caruurta la tagay Xaafada Baraxley oo ay kasoo jeedaan waxayna markii ay halkaas tageen ay soo daayeen mid ka mid ah labadii wiil ee ay afduubka u kaxaysteen iyagoo kan kale sheegay inay u haystaan lacago ka maqan oo ay ku leeyihiin qof ehelkiisa ah oo sheer markab kala dhaxeeyey iyaga. Sida wararku kusoo gaarayaan Puntlandi wiilka la afduubtey aabihiis maahan kooxaha burcad badeeda ah hayeeshee nin ehelkiisa ah ayaa wiilkiisa loo afduubtey oo burcad badeeda Garacad ka mid ah kaasi oo lacago kala fakaday burcada wiilka afduubatey. ilaa hada wax wadahadal ah kama uusan dhicin soo deynta wiilkas waxayse burcadu wiilka ku dalbadeen madax furasho lacageed oo magdhow ah in laga siiyo dhaqaalihii ay ku lahaayeen ninka ay isku haybta yihiin kaasi oo ay ku dhici waayeen maadaama uu hubaysan yahay xulufo hubaysana la socdo. Arintan oo ah mid khatar ah ayaa aad loola yaabay, waxaana magaalada Gaalkacyo iska waraysanaysay arintan oo ah mid ugub ah maadaama burcad badeedii dagaalkeedii iyo dhibaatadeedii soo galay qoysaska iyo caruuraha. dhibaatadan bilaabatey ayaa laga walwalsan yahay khatarta ay keeni karto haday sii socoto. waxaa walwal baahsan uusoo foodsaarey qof walba oo ilmo dhalay oo Gaalkacyo jooga kaas oo maanta ilmihiisa u walwalsan. Burcad badeedu waxay dagaalka kula jireen maraakiibta shisheeye oo ay badaha aduunka kasoo qabsanayeen waxaa muuqata inay bahaloobeen burcadu oo aysan iminka wax ay dhaafayaan jirin jihadii ay ka qaraaban jireena ay soo xiran tahay waana tan keentey inay caruuraha kala afduubtaan oo ay lacago ay isku leeyihiin isku sheeganaya. Arintan hadan laga gaarin oo wax laga qaban waa mid khatarteeda aan la dhayalsan karin oo saameyn weyn ku yeelanaysa nolasha dadka dagan Gobalada ay burcad badeedu saameynta ku leedahay baha u darnaado gobalka Mudug. Wax tilaabo ah oo la qaadey ma jirto walwalkuna wuxuu haystaa reerka wiilkoodu ku jiro gacanta burcad badeeda, waxa la is waydiinayo ee cabsida ay dadka Gaalkacyo ka hayso waa magdhowga madax furashada ah ee ay wiilka dul dhigi doonaan burcad badeeda, su’aalaha la iswaydiinayo waxaa ka mid ah ma sidii maraakiibtii ayay oran doonaan $2 Million oo doolar hanala ka siiyo wiilka? ma sida dadka ajaanibta oo kale ayay lacag taas oo kale ah ku dalban doonaan? Mise lacagta ay sheeganayaan ee ay afduubka ugu kaceen ayay ka doonayaan inay wiilka madiciisa ku helaan? su’aalahaas ayaa jawaabahooda la raaddaadinayaa mid unbayna noqon lakin waxaa hubaal ah reerka wiilku uu ka dhashay inaysan awood u lahayn inay madaxfurasho baxshaan maadaama ay danyar yihiin.
  17. ”Qofkasta ha u diyaargaroobo Dagaal lagu difaacayo Xuduudaha Puntland, Qoryahana ha la cabaysto” Gudoomiyaha Gobolka Mudug. http://www.allpuntland.com/article/anmviewer.asp?a=12251&z=2
  18. Maamulka gobolka Mudug ee Puntland oo ku baaqay dagaal ka dhan ah Galmudug http://horseedmedia.net/2011/12/14/maamulka-gobolka-mudug-ee-puntland-oo-ku-baaqay-dagaal-ka-dhan-ah-galmudug/ The comments are so funny.
  19. Puntland threatens GalMudug Puntland Oo Ku Dhawaaqday Dagaal Ka Dhan Ah Maamulka Galmudug Gaalkacyo (RBC):Tan iyo wixii ka dambeeyay go’aankii baarlamaanka maamulka Galmudug ay xilka kaga qaadeen madaxweyne Caalin ayaa waxa soo baxay in maamulka Puntland uu ku lug lahaa qorashahaas, waxa ay cirka sii galisay xiriirka labada maamul ee dariska ah. Gudoomiyaha gobalka Mudug Maamulka Puntland Maxamed Yuusuf Jaamac ” Tigey” ayaa shir jaraa’id oo ku qabtay Arbacadii ku qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxa uu weerar ku qaaday maamulka Galmudug oo uu shegeegay in ay iyaga ka dambeeyaan falalka amni daro ee ka taagan gobalka Mudug. Waxa uu ka war bixiya socdaal uu ku tagay xarumo ciidamada Puntland ay ku lee yihiin magaalada Gaalkacyo, halkaas oo uu ku soo arkay ciidamada oo heegan ku jira. Maxamed Yuusuf Jaamac guddoomiyaha gobalka Mudug ee Puntland ayaa ka war bixiyar duqeen soo noqnoqatay oo dableey hubeesan oo ka yimid dhinaca Galmud ay ka geysteen garoonka diyaradaha magaalada galkacyo. Warar lagu kalsoon yahay ayaa waxaa ay sheegayaan in maalmihii lasoo dhaafay garoonka dayuuradaha Gaalkacyo ay kasoo dagtay dayuurad u siday Puntland hub iyo rasas badan oo kasoo kicitintay dhanka Muqdisho. Dhinaca kale,waxa uu ku eedeeyay maamulka Galmudud in ay ka dambeeyaan afdubka gabar sagaal sano jir oo lagu heesto sida uu sheegay xaafada Baraxley oo ka tirsan deeganada ay maamulaan maamulka Galmudug. Si kastaba, lama ogga sida maamulka Galmudug uu uga jawaabi doono eedeentan dhinaca Puntland uga timid, laakin waxa hubaal ah in labada maamul uusan xiriirkooda fiicneyn waayo Galmudug waxa ay ku eedeeyeen Puntaland in ay ku lug leedahay khilaafka haatan ka dhexjiro maamulkaas. Dhawaan ayaa baarlamaanka Galmudug waxa ay xilka qaadeen madaxweyne Caalin in kastoo uu diiday oo ku tilmaamay sharci daro tallaabadaas. RBC Radio ————- Xafiiska Wararka Gaalkacyo